24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Taliye Xijaar oo shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin u diray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu isugu yeeray shir deg deg ah, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.

Lama shaacin ujeedka kulankan, balse waxa ay u badan tahay in looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii guud ee NISA, sidoo kalena madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu kasoo horjeestay, taas oo keentay inay ka sii darto xiisada ka jirta dalka.

Khilaafka haatan soo shaac-baxday ayaa durbo saameyntiisa laga dareemay dalka waxaana la ogeyn halka uu dambeyn doono muranka ka dhashay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo dilka la sheegay inay xoogaga kooxda Al-Shabaab u geysteen Ikaraan Tahliil Faarax.

Si kastaba dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa walaac ka muujinayo xiisadda kasii dareysa ee haatan ka dhex-qaraxday hoggaanka Villa Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemayo Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii Rooble iyo jawaabta Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu  fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay.

“Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Xaanshida kasoo baxday Musharixiinta ayaa taageero loogu dalbay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Shacabka, Golaha Wadatashiga qaranka, Beesha Caalamka & dhinacyada taageera Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qaatay shaqo joojinta Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Hoos  ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta.

FARMAAJO oo diiday shaqo-joojintii lagu sameeyay Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeestay shaqa joojintii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu ku sameeyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri”

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta AgaasimahaHay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;

Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Wuxuu soo saaray qodobadan;

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha  Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Maxay tahay sababta soo dadajisay shaqo joojinta lagu sameeyey Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), sidoo kalena mar soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Gaas ayaa ugu horreyn taageeray, soona dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugiDda iyo sidroonka qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta soo dadajisay shaqo joojinta inay tahay jawaabta dhabta ah ee lagu waayey agaasimaha hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan uu sidoo kale yahay midka ugu fudud, isla-markaana aysan jirin doorasho kale.

“Jawaabta Agaasimaha nabad sugidda ayaa soo dedejisay shaqo joojinta, waa go’aanka ugu fudud oo aan doorasho kale lahayn ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu, inta xaaladdu iska bedeleyso wuu ku saxnaa tallaabadaas” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay aheyd in marka hore Fahad Yaasiin uu xogta la wadaago ra’iisul wasaaraha, si xal loogu helo kiiska Ikraan, xiisaddana loo qaboojiyo.

“Waxyaabaha keenay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waa jawaabta dhabta ahayd oo uu waayay, Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda waxa ay ahayd in macluumaadka uu la wadaago,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo ka dalbaday in xiisadda uusan uga sii darin, inta ay xaaladda iska bedaleyso, maadaama haatan lagu jiro xilli kala guur ah iyo doorashooyin.

“Madaxweynaha haddii uu talo dhageysanayo in uusan baasiin ku sii daarin, inta xaaladda si kale isku bedeleyso in uu dejiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Gaas.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya ayaa u muuqdo mid sii xoogeysanaya, waxaana haatan xaaladdu ay taagan tahay meeshii ay ugu adkeyd.

Sheekh Shariif oo dhaleeceyn xooggan kala kulmay qoraal uu soo dhigay Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay qoraal uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

Sheekh Shariif ayaa qoraalka uu soo dhigay Facebook wuxuu kaga hadlayey heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska la xiriira arrimaha doorashada ee ay maanta gaareen Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland). Waa tallaabo mudan hambalyeyn iyo bogaadin iyadoo waqtina aan ku bixinnay sidii xal waara looga gaari lahaa kala duwanaanshihii u dhaxeeyey,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa cambaareyn xoog leh kala kulmay qaar ka tirsan shacabkii ra’iyiga ka dhiibtay qoraalkaas, kuwaas oo ku eedeeyey inuu ka aamusay kiiska Ikraan Tahliil oo ah mid ay ka hadleen inta badan siyaasiyiinta musharixiinta ah.

Dadka ra’yiga ama commentiyada ka dhiibtay qoraalkaas ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, oo weli xiligaas ahaa agaasimaha NISA, balse xalay laga qaaday, sidaas darteedna uu kiiska uga aamusay.

“Shariifoow Fahad boqor hakaa dhigo, ujeedkaagu garanay ee nama gaadid markale” ayuu ra’yi ahaan u dhiibtay qof ay Facebook ugu qoran tahay Saadak Jannaaw oo kamid ah dadkii ka hadlay qoraalka uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook.

Khaled M Moallim oo isna kamid ah dadka ra’yiga ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa yiri, “Farmaajo iyo Shariif, Fahad ayaa wata Soomaalaay wax fahma odayga Shariif ah wuu fashilmay khalaas.

Qof kale oo ay Facebook ugu qoran tahay Zacky Mohamed ayaa isna yiri, “Sheikh Shariifow heshiiska doorashada waad lasoo oroday adigoo bogaadinaa, balse arinta dilka Ikraan waad ka aamustay, aad iyo aad ayaan uga xumahay adigoo madaxweyne soo maray nagu dhahay, waxaan u hadlaa dhibanayaasha in aad maanta ka mustay. Shariifow, Fahad boqor haakaa dhigo. anaga nalama gaadi karo markaan, Ikraana cadaalad way hili doontaa.”

Qof kale oo Facebook kusoo gala magaca Qamar Abdulahi Adoontii Alle ayaa isna yiri, “Shiikhoow Arinkii Ikraan maxaad uga gaabsatay, Misa Fahad baa boqor kaa dhigaya baad istiri hhh #kubaranay baraadar.”

Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa ah kuwa tiro badan oo aan warbixintaan lagu soo koobi karin, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen muujinta tuhunka ah in Sheekh Shariif uu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, sidaasna uu uga gaabsaday inuu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo siyaasiyiinta oo dhan ay ka hadleen.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dadka aragtida ka dhiibanayey qoraalka Sheekh Shariif aysan ka hadleyn oo aysan waxaba ka soo qaadin qoraalkiisa uu uga hadklaayey heshiiska siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxayna dadku qeybta comentiga ku gorfeynayaan saababta uu Sheekh Shariif uga aamusay kiiska Ikraan oo maalmahaan cirka ku shareernaa.

Xog: Cali Guudlaawe oo laba hanjabaad la duli dhigay iyo Jowhar oo cabsi wajaheysa

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wajahayo culeyso uga imanaya qabiilada iyo Villa Somalia. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiil ka socota Madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadiyeen in uu liiska murashaxiinta Aqalka Sare ku daro xubno ay wadato oo qaarkood la tartami doono Senator Muuse Suudi Yalaxow, taasi oo uu ogolaaday.

Si kastaba, Guudlaawe ayaa dhinaca kale waxaa saraakiil ciidan iyo odoyaal dhaqan oo ka mid ah beelaha Shabeellada Dhexe ay ku cadaadinayaan inuu u xiro kuraasta qaar. 

Dad ka agdhow Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle ayaa noo sheegay in Cali Guudlaawe uu isku dayayo in uu qanciyo labada dhinaca, balse uu saaran yahay culeys badan oo aan la ogeyn sida uu ku xalin doono. 

Xubno kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Shabeellada Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in Jowhar aan nabad lagu joogi doonin haddii aan dib loo dooran Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Saraakiisha hanjabada jeedinaya ayaa ka tirsan kuwii hogaaminayay ciidankii ku sugnaa Waqooyiga Muqdisho ee Badbaado Qaran, iyagoo muddo saldhig ka dhigtay guriga Senator-ka intii ay socdeen qalalaasihii ka dhashay arrimaha doorashada. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in qof kasta oo sharuudaha soo buuxiya uu ku soo bixi doono liiska Aqalka Sare, taasoo shaki gelisay murashaxiinta qaar oo aaminsan in baarlamaanka HirShabeelle ku xiran yihiin Madaxweyne Farmaajo, oo ay dhici karto in dadka uu wato ay soo doortaan.

Guudlaawe waa madaxweyne goboleedka kaliya ee aan soo gudbin liiska musharaxiinta, isaga oo ay hareeyeen cabsida uu ka qabo Villa Somalia iyo beelaha awoodda leh ee gobolka, taasi oo muujineysa heerka hoggaan xumadiisa.

Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac  “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe.

Rooble ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu shaq ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Wuxuu sidoo kale adeegsaya qodobka 127-aad ee dastuurka ee ka hadlaya inay ciidamada dhex-dhexaad ka noqdaan siyaasadda, wuxuuna sheegay in Fahad u uku milmay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa dhanka kale xusay warqaddii uu Fahad soo saaray habeenkii Isniinti ee uu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda uga soo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, muddo 48-saac gudaheed ah.

Warqadaas ayuu Fahad kaga dalbaday Rooble in la fariisiyo Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrinta Ikraan, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen amar-diido Fahad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inaanu warbixin siin doonin. 

Golaha Amniga Qaranka waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Muddada 48-saac ah ee uu Rooble u qabtay Fahad inuu ku keeno warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa ay ku ekeyd qiyaastii 7:00pm ee xilliga Muqdisho.

Dadka fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ayaa si kastaba rumeysnaa in Rooble aysan aheyn inuu xilligaas sugo, maadaama warqaddii uu Fahad u diray Rooble ay ku macneeyeen mid uu si toos ah ugula baratamay awoodaha ra’iisul wasaaraha. 

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kamaay inuu baaris rasmi ah ku sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hoos ka aqriso warqadda uu Rooble shaqo joojin ugu sameeyey Fahad Yaasiin

Waare oo shaaca ka qaaday dad kale oo u maqan sida Ikraan Tahliil Faarax oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo lagu waayey gacanta Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Waare ayaa sheegay in tan markii kooxda Nabad iyo Nolol ay la wareegtay taliska Soomaaliya la waayey dad badan oo uu sheegay inay ugu dambeysay Ikraan Tahliil, taasoo kiiskeeda laga ogaaday muuqaalo ay duubtay Kaamiroyinka qarsoon ee CCTV.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa ku baaqay in si dhab ah loo fiiriyo dhacdooyinka joogtada ah ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan dad badan oo maqan ama la dilay oo dhinacyo kale dusha loo saaray.

Wuxuu sheegay in cabsida ugu weyn ee Soomaaliya ka jirto islamarkaana uu sida weyn uga cabsanayo ay tahay in qofkii lala baxo aan dib dambe loo arag, taasi oo uu ku sheegay inay halis ku tahay dalka iyo dadka.

“Qof weliba gacanta ayuu dhabanka saartay, waxa ugu weyn ee laga cabsanayo waa in guryaha la iska baxo, Kiisaska waddankaan ka dhacay waxa ay Ikraan uga duwan tahay waa dumar dhalinyaro ah oo hadda soo baxday,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa dalbaday in cadaaladda loo sinaado, islamarkaana la helo isla xisaabtan dhab ah si meesha looga saaro cabsida weyn ee soo wajahday ummadda Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa kusoo aadayo xilli Hey’adda NISA ay sheegtay Jimcihii in Ikraan Tahliil ay dishay kooxda Al-Shabaab inkastoo ay kooxdana iska diiday eeda loo soo jeediyey.

Tacsi ku socota Reer Faarax Joolaal iyo yo Reer Maxaa Abiikar

0

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Reer Maxamud Gacal, gaar ahaan Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Sayid Caraaye, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afarx, iyo Reer Maxamed Xasan.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Faarax Joolaal iyo yo Reer Maxaa Abiikar, ayaga oo uga tacsiyeynaya geridii ku timid Xaliimo Faarax Joolaal oo ku geriyootay dalka Talyaaniga.

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumaddana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Fahad vs Rooble: Maxaan ka fahannay warqaddii lagu xaqiray R/Wasaare Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad jawaab ah kadib markii uu ka dalbaday warbixin buuxda oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax inuu kusoo gudbiyo 48 saac gudahood.

Hase yeeshee, warqadda Fahad Yaasiin ayaa bixisay macno ka weyn jawaabta laga sugayey, waxayna si cad u muujisay in Fahad uu waxba kama jiraan kasoo qaaday Rooble iyo amarkiisa, una sheegay in talada amniga dalka aanu isagu laheyn.

Warqaddan waxaa ka muuqda dhowr diidmo, xaqiraado, amar-diido iyo awoodo la wareejiyey.

Diidmada 48-ka saac

Markii uu Fahad dalbaday in guddiga amniga qaranka la shirayo, wuxuu si cad ugu sheegay Rooble inaanu warbixin ku siin karin 48 saac gudahood, oo xilliga ay warqadda soo baxday ay ka harsaneyd qiyaastii 24 saac.

Dalbashada kulanka guddiga amniga qaranka, waxay ka dhigan tahay in Fahad uu waqtiga dheereystay,  ayada oo ay adag tahay in kulanka guddigan, oo aa shirin muddo sanad ah lagu qaban-qaabiyo 24 saac gudahood.

Diidmada Rooble

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

Jumladdaas waxa uu macnaheedu yahay in Fahad uu diiday inuu warbixin siiyo Rooble, taa beddelkeedna uu dooanyo inuu siiyo guddiga amniga qaranka, haddiiba ay sidaas dhab ka tahay.

Xaqiraadda Rooble

Fahad ayaa si dadban ugu sheegay Rooble inuusan laheyn mas’uuliyadda amniga qaranka, waxaana laga garan karaa qeyb kale oo warqadda ka mid ah, oo uu ku yiri “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”

Jumladdaas wuxuu Fahad ugu sheegay Rooble in muddo xileedkiisu dhammaaday, isagoo ku calaameynaya “guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” xilli amniga qaranka dalka uu mas’uul ka yahay Farmaajo oo horey amniga dalka ugu wareejiyey Rooble.

Maxaa u baahan inaan ogaanno?

Qoraalka Fahad ayaa u muuqda xeelad kale oo awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble.

Golaha Amniga Qaranka ee fahdiggoodu uu dalbaday Fahad, muddo ka badan wax shir ah isuguma iman, waxayna tani u muuqata waqti dheereysi iyo ila-meereyso cusub oo kiiska Ikraan lagu xagal daacinayo.

Warqadda Fahad uu u diray Rooble ee ogta lagu siiyey guddoomiyaha baarlamanka Maxamad Mursal, oo aan Golaha Amniga ka tirsanayn, waxaa loo arkaa hajnabaad mooshin oo loo jeediyey Rooble. 

Rooble iyo Fahad midbaa haraya

Tallaabada uu qaaday Fahad, waxay ka dhigan tahay in Rooble iyo isaga aysan sii wada heyn karin labada xil ee ay ku kala fadhiyaan ee taliyaha NISA iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Haddii Fahad uu ku guuleysto in Rooble uusan wax tallaabo ah qaadin kadib 48-ka saac, islamarkaana isku keeno Golaha Amniga Qaran, waxay ka dhiggan tahay inuu ka adkaaday Rooble, oo uu yahay awoodda ugu sarreysa dalka, sida la rumeysnaa markii horeba.

Rooble waxaa hadda horyaalla su’aal ah; sidaas inay dhacdo miyuu ogolaan doonaa, mise wuxuu qaadayaa tallaabo ka dhan ah Fahad, taasi oo haddii uu ku dhaqaaqo ka dhigan in awoodda ugu sarreysay dalka uu leeyahay.

Maxaa ku qornaa warqaddii Fahad uu u diray Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay warqad uu Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo uu uga dalbanayo in kulan uu shir guddoominayo uu ku soo bandhigo warbixin la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, taas oo laga sugayo saacado kooban gudahood.

Sidoo kale warqadaan waxaa ogeysiis laga siiyey guddoomiyihii golaha shacabka ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal, kaas oo aan ku jirin golaha amniga Qaranka oo Fahad uu dalbanayo in loo balamiyo si warbixintaas uu uga hor jeediyo.

Golaha Amniga Qaranka oo aan hadda jirin ayaa ka koobnaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, waxaana mar uu shiro u dambeysay sanadkii 2018-kii, xilligaas oo xubnihii golahaas ay shirkoodii ugu dambeeyey ku yeesheen magaalada Baydhaba.

Qoraalka Fahad ayaa u muuqda in awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble.

Hoos ka aqriso warqadda uu Fahad u diray Farmaajo

Hay adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka
XTC/HSNQLD/013/21 September 05, 2021
KU: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Cabddulaahi Farmaajo
OG:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.
OG:- Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Xuseen Rooble
OG:- Wasiirka Amniga Gudaha.
Md. Xasan Xundubeey Jimcaale
Ujeedo: – Codsi Soo Jeedin Warbixin Amni.

Mudane Madaxweyne, naga guddoon salaam qadarin ku dheehantahay. Anagoo garawsan marxaladda muhiimka ah ee uu wadanku marayo, hadana fulinayna amarka Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaailya, xeerinayna xaq u lahaanshaha Hay’adaha kala duwan ee ka midka ah Golaha Amniga Qaranka, kiisaska iyo warbixinada xasaasiga ah ee taabanaya amniga qaranka, tixgelinayna xasaasiyadda kiiska sarkaalad Ikraan Tahlil iyo Jihooyinka kala duwan ee ay taabanayso, waxaan si xushmad iyo sharafi ku dheehan tahay kaaga codsanaynaa inaad naga ogalaato inaan warbixinta kiiska Sarkaaladaas, ku soo bandhigno shirka Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan.

Waxaana diyaar u nahay jeedinta warbixintan taariikhda loo xadido inuu dhaco kulankaas. Waxaan rajaynayaa inaad naga aqbasho codsigeena.

Mahadsanid
FAHAD YAASIIN
AGAASIMAHA GUUD EE NISA

 

CC Shakuur oo 3 macno ka bixiyey warqadda uu Fahad Yaasiin u diray R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray aad ugu naqdiyey codsigii Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ay NISA ku soo bandhigto kulan ay yeeshaan guddiga amniga Qaranka oo Farmaajo uu shir guddoon ka yahay.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka kooban lix qodob ayaa seddax qodob lagu naqdiyey codsiga Fahad, seddaxna qodobna talo loogu jeediyey Ra’iisul wasaare Rooble.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur

Qoraalka uu soo qoray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dawladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagal daacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

2- Waa farsamo kale oo awooda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa  dhamaaday, masuuliyada amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon

1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhiman 48 saac.

2- In dhamaan dadkii kiiska ku lug lahaa tilaab laga qaado, lana xanibo.

3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.

Fahad Yaasiin oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE (Aqriso warqadda uu u diray)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ka jawaabay amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Rooble ayaa shalay sheegay inuusan ka qancin sheegashada NISA ee ah in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna dalbaday inay 48 gudahood ay madaxda NISA kusoo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiskan.

Warqad uu Fahad u diray Rooble, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrintan. Golahan waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Fahad ayaa warqadda uu u diray Rooble ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Tahliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

“Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” ayuu yiri Fahad.

Ma cadda sababta Fahad u diiday inuu warbixinta siiyo Rooble, waxaase suurta-gal ah inay tahay qorshe uu xubnaha kale ee guddiga amniga qaranka kaga raadinayo taageero iyo inay ku qancaan warbixinta, taasi oo gees u riixi karta Rooble.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa arrintan ku macneeyey ila-meereyso cusub, oo uu Fahad ku doonayo inuu khilaaf uga dhex-abuuro dowladda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in laga yaabo in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla ogyihiin qorshaha fariisinta guddiga. 

Hoos ka aqriso warqadda Fahad

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka Afrika iyo madaxweynihii oo la qabtay

0

Conakry (Caasimada Online) – Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Madaxa ciidamada gaarka ah ee militariga Guinea, Mamady Doumbouya oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri Mamady Doumbouya.

Mamady Doumbouya ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Muuqaal kale oo kooxda afgambiga ay usoo direen wakaaladda wararka AFP, ayaa muujinaya Conde oo u muuqda mid jahwareersan oo ku fadhiya kursi, kuna hareereysan yihiin ciidamada. Wuxuu diidayaa inuu ka jawaabo su’aal uu askari weydiiyey oo aheyd haddii si xun loola dhaqmay.

Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Conakry, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in xiisadda ay ka dhalatay kadib markii la eryey taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah – taasi oo dhalisay in qaar ka mid ah askarta sida aad ah u tababaran ay gadoodaan, oo ay qabsadaan madaxtooyada.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii.

Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah.

Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin. 

Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa. 

Daawo: Beesha Reer Aw-Xasan oo shaacisay in gabar laga afduubtay loona dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo kamid ah Aqoonyahanka beesha Reer Aw-Xasan ayaa si adag uga hadlay afduubka aargudashada ah ee ka billowday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Khaalid ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in gabadh ay qaraabo yihiin loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana loo gacan geliyay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen, sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga yaaba inay ogyihiin un wiilasha la afduubtay oo media-ha laga soo daayey laakiin labo asbuuc ka hor waxaa ka horeysay gabadh qaraabada ah oo la yiraahdo Anfac Sheekh Xuseen in laga afduubay magaalada Beledweyne oo loo gacan geliyay Al-Shabaab, looguna sheegay inay tahay askariyad ka tirsan ciidamada HirShabelle,” ayuu yiri.

“Waxaa eedaas iyo tuhunkaas qabnaa inay ka dambeeyan kuwa hadda afduubteen oo shar-wadayaasha ah markay ku filnaan weysay in gabadhaas si dulmi ah ugu geeyaan Al-Shabaab, waxaan rabnaa in bulsho weynta Soomaaliyeed la socodsiino sida reerka iyo qoyska Ikraan dhibanayaal u yihiin, anagana waxaa nahay dhibanayaal oo lagu haysto wax aysan galabsan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ka fal-celin doonin falalka afduubka ah ee ay qaadeen maleeshiyada qaraabada la’ah Ikraan Tahliil, islamarkaana ay diyaar u aheyn inay qeyb ka noqdaan colaad loo yeerinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay cadaalad rabaan, sida qoyska Ikraan Tahliil u rabaan, maadama uu ku doodayo in gabadh la qaraabo ah la dilay, kadib markii ay maleeshiyada qaraabada dhow yihiin Ikraan u gacan geliyeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay kooxda hubeysan ee afduubka ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil.

Kooxdaan oo qaraabo la’ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan.

Xiisada kiiska Ikraan ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiskaas oo ay hay’adda NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay kooxda iska fogeysay arrintaas.

Hoos ka daawo Khaalid

Sawirro: Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ballan-qaad culusna siiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble ayaa qoyska iyo ehelada Ikraan ka dalbaday in in si deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.

Tan iyo markii ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay Ikraan, kuna baxday gacanta Al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo tarayay afduub aargudasho ah oo ay sameynayeen maleeshiyaad qaraabo la’ah Ikraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in markii ay u soo dhameystiranto xogta uu u baahanahay uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas, islamarkaana uu la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa si dhow ula socday sida uu shalay sheegay mudadii labada bilood aheyd ee arrintaan ay taagneyd, waxaa la filayaa in uu go’aan adag ka gaari doono natiijada kiiskaas, taasi oo lagu wado inay galaafan doonto hogaanka sare ee NISA.

Sababta ay ciidanka Itoobiya uga baxayaan saldhigyo ay ku leeyihiin GEDO iyo BAAY

0

Buurdhuubo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaan ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay.

Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishan September.

Saldhigyada ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM baneeynayaan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana la filayaa inay saldhigyadaas oo ku kala yaalla Buurdhuubo iho Qansaxdheere ay la wareegaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ka Itoobiya ee ka baxaya magaaladda Buurdhuubo ayaa la gaynayaa magaaladda Garbahaaray, oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka loo diray AMISOM

Xarumo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga oo lagu weeraray gantaallo iyo diyaarado

0

Dammam (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka.

Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha.

Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga.

Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda.

REUTERS + VOA

Guddoomiye Cabdi XAASHI iyo Mahdi Guuleed oo afar qodob ku heshiiyey (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kala hoggaaminayey labada garab ee isku hayey maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 4 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii muddada ka taagnaa kuraasta gobollada waqooyi, waxaana guddoomiyaha guddiga la siiyey garabka Mahdi Guuleed, halka guddoomiye ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi.

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyey ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.

3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.

4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Aqriso: Su’aalo horleh oo ka dhashay go’aanka Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Mudane Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka fal-celiyey go’aankii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo amarka uu dul dhigay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inay la-yaab ku noqotay in ra’iisul wasaaraha uu markale dib u weydiiyo xog kale hay’adda NISA oo iyada looga shakisan-yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sidoo kalena horey u sheegtay inay dileen Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale soo bandhigay su’aalo horleh oo ka dhashay hadalkii ra’iisul wasaaraha, una baahan in laga jawaabo, kuwaas oo kala ah:-

1-Xogta galka baarista ah ee ay sii deysay NISA, kuna sheegtay in Shabaab ay dishay Ikraan ma lala wadaagay ra’iisul wasaaraha, ka hor inta aysan soo saarin?

2-Waxaa lagu soo daabacay bogga ay leeyihiin telefishinka qaranka iyo raadiyaha wasiirka warfaafinta ma ka war-geliyey ra’iisul wasaare Rooble in xogtaas ay heleen?

Ismaaciil Daahir ayaa xusay in loo baahan-yahay in su’aalahan iyo kuwa kale  loo helo jawaabo sax ah, isagoo intaasi ku daray in Rooble uu ka hordhay, sida uu hadalka u dhigay

“Marka su’aallo badan waxaad moodaa in uusan jawaab u heynin, waxna uusan kala soconin in uu ka hor dhacay,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna NISA u qabtay 48 saac, si ay jawaab cad uga bixiso dilka la sheegay inay Ikraan u geysteen xoogaga Shabaab, walow ay iska fogeeyeen.