24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca…

0

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay.

Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland.

“Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland.

Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay.

NAADIGA calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya

0

Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas.

Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. 

Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. 

Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. 

Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba.

Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada.

Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. 

Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. 

Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. 

Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wareysi: Maleeshiyada ku beesha ah Ikraan Tahliil ee gaysanaya afduubyada oo hanjabaad culus soo saaray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. 

Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. 

“Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. 

“Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. 

Mar la weydiiyay in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ayuu Cabdiweli sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka aheyn in waddo caddaalad ah la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo sidoo kale weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ilaa hadda kiiskaan ka aamusan. 

Weli waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil oo ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay Al-Shabaab iska fogeeyeen.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xoogeystay iyo Riyadh oo tallaabo qaaday

0

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadaha warbaahinta dawladda Sacuudiga ee fadhigoodu yahay Dubai ayaa bilaabi doona inay shaqaalaha u wareejiyaan bishan magaalada Riyadh, xilli uu sii xoogeystay loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Tallaabada Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan uu sii wado qorshihiisa ah inuu boqortooyada u rogo xarun ganacsi oo gobolka ah, meeshana ka saaro Dubai.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay joojisay qandaraasyada ay siiso shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee fadhigoodu yahay dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Laba ilo wareed oo kale ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kanaallada Al- Arabiya iyo Al-Hadath oo ay dawladdu leedahay ay toddobaadkan ku wargeliyeen shaqaalahooda qorshayaal ay ku bilaabayaan baahinta 12 saacadood maalintii oo laga sii deyn doono Magaalada Riyaad bisha January ee sanadka soo soosocda,  iyaga oo intaa ku daray inay qaadan karto illaa laba sano in la dhameystiro wareejinta.

Illo wareedyada ayaa sido kale shaaca ka qaaday in MBC Group oo ah shirkadda warbaahineed ee ugu weyn ee Bariga Dhexe iyo Asharq News, oo ah kanaalka wararka oo telefishan ah dhowaana la aasaasay ayaa bilaabay qorshayaal shaqadooda loogu wareejinayo magaalada Riyadh.

Xarumaha Shirkadaha MBC, Al-Arabiya iyo Al-Hadath ayaa waxay ku yaalaan Magaalada Dubai, gaar ahaan Xarunta warbaahinta Imaaraadka Carabta, oo ay ku yaalaan boqolaal shirkadood oo warbaahineed.  Asharq News, waxay xarunteedu tahay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai.

Al-Arabiya iyo Al Hadath weli kama aysan hadlin guuritaankooda.  Si kastaba ha ahaatee, MBC ayaa ku xaqiijisay war qoraal ah oo loo diray Reuters in bishii Febraayo ee sanadkii 2020, uu guddoomiyaha MBC uu ku dhawaaqay damaca ah in laga hirgeliyo Riyaad xarun cusub.

“Qorshayaasheena meel wanaagsan ayay marayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay MBC usoo dirtay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Inkastoo ay yihiin xulafo aad isugu dhow, haddana Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dariska ah ayaa ku tartamaya sidii ay usoo jiidan lahaayeen maalgashadayaasha iyo shirkadaha, waxayna bilaabeen qorshayaal kale oo dhaqaale laga sameyn karo marka laga soo tago soo-saarka shidaalka.

Danaha labada dowladood ayaa u muuqda mid sii xumeenaya xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale ku kala aragti duwanaadeen arrimaha Gobolka, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Turkiga.

Ergeygii Midowga Yurub ee Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacabaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya, waxaana loo dhiibay Tiina Intelmann oo aheyd danjirihii Estonia ee boqortooyada UK.

Tiina ayaa hoggaamin doonto shaqada laga bilaabo bishan September, waxaana ay xafiiska kala wareegeysaa Nicalos Berlang oo xafiiska joogay muddo saddex sano ah.

Sidoo kale ergeygii hore ee Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad sagaatin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, maadaama u dhammaaday muddo xileedkiisa.

Ergeyga cusub oo hadal kooban siisay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonto, iyada oo kaashaneyso UN-ka iyo Ururka Midowga Afrika.

“Midowga Yurub wuxuu la kaashanayaa ururada sida UN -ka iyo Midowga Afrika si loo xoojiyo qaab -dhismeedka qaranka iyo hagaajinta amniga Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka caawinaya la -dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada,” ayay tiri Tiina Intelmann.

Waxa kale oo intaasi raacisay “Midowga Yurub waa deeq -bixiye muhiim u ah Soomaaliya, hadday tahay iskaashiga horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo labadaba.”

Marka laga tego Tiina inay aheyd safiirkii hore ee Estonia u fadhisay UK, waxay ku biirtay wasaaradda arrimaha dibadda 1991, waxayna sidoo kale intii u dhexeysay 2014 illaa 2017,aheyd madaxa ergada Ururka Midowga Yurub ee wadanka Liberia.

Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay. Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011 waxayna noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrimo dhex-maray Ikraan, Fahad iyo Kulane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa mar kale dowladda ka dalbatay in la cadeeyo kiiska gabadheeda oo meel loogu sheego nolol iyo geeri.

Hooyo Qaali ayaa sharaxaad dheer ka bixisay halka ay ku dhalatay gabadheeda Ikraan, halka ay wax ku baratay, goorta ay ku biirtay NISA iyo xogta ay siisay habeenkii ugu war-dambeysay ee la waayey.

“Waxaa jirtay inaan maalin soo wacay gabadheyda, waxay maalinkaas igu tiri Hooyo madaxaa i xanuunaaya oo waxaa iga soo xanaajiyey nin Kullane Jiis la yiraahdo oo hey’adda igala tirsan, oo i handaday, waxyaabo aana jecleysana i weydiiyey, markii iima aysan sheegin waxa uu weydiiyey oo ay ka xanaaqday, balse waxay igu tiri mar kale ayaan kuu sheegayaa,” ayuu yiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in habeenkii u dambeeyey ee looga wacay xarunta NISA ay gabadheeda kula hadashay Video-Call, isla markaana ay u sheegtay in xarunta looga yeeray gaarina loo soo diray.

Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in markii la eego halka ay deganeed gabadheeda iyo feejignaanta ay qabtay Ikraan markii ay dib u eego aysan suurta gal aheyn in Al-Shabaab ay u gacan gashay.

Markii la waayey gabadheeda kadib Hooyo Qaali waxay sheegtay in Fahad Yaasiin uu u yeeray oo markii ay la kulantay uu ku qanciyey in laba maalmood gudahood uu jawaab ka soo siin doono halka ay jirto gabadheedii Ikraan, balse taasi ma dhicin.

“Labadii beri ee Fahad Yaasiin qabsaday waxay qaadatay seddax bilood oo wax yar dhiman, waxaa iigu soo xigtay qoraalkii Facebookga ee lagu yiri gabadhii Shabaabaa dilay, wax caqliga gelaayana maahane gabadheydii hadey dileen meydkeedii ayaan ka rabaa,  hadii ay nooshahana ha ii soo daayeen,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Dhanka kale Maamada dhashay Ikraan ayaa ehbisay oo reerkiisa uga dacwootay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo reerka ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ku metela golaha shacabka, waxayna xildhibaanka ku eedeysay in kiiska gabadheeda uu xagal daacinayo.

Hoos ka daawo

HirShabelle oo war ka soo saartay weerarkii JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weerar hoobiyeyaal ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaas halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada doorashada.

Hoobiyeyaasha ayaa qaarkood waxay ku kala dhaceen agagaarka dhismaha madaxtooyada HirShabelle, xaruntii hay’adda UNICEF iyo dugsiga Sheekh Xanafi iyo qeybo ka mid ah xaafadaha Horseed & Hanti-Wadaag oo ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga HirShabelle ayaa lagu sheegay in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana ay ku baxeen ciidanka amniga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ujeedka weerarkan uu ahaa in lagu carqaladeeyo amniga Jowhar oo maalmaha soo socdo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Aqalka Sare.

”Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeeyaan amniga caasimada HirShabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha amniga HirShabelle oo heegan ku jiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii ay kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aasaaradda amniga maamulka HirShabelle.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baad-goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Habeen hore ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha Jowhar, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano ka tirsan HirShabelle.

Si kastaba Jowhar ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud kala duwan, musharixiin iyo madaxda ugu sarreysa ee HirShabelle, kuwaas oo u diyaar garoobayo doorashooyinka.

Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu garaacay hoobiyeyaal, waxaana la xaqiijiyey in illaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, sidoo kale magaalada waxaa laga dhex-maqlayaa rasaas goos goos ah.

Labada xaafadood ee Horseed iyo Hanti-wadaag oo caawa hoobiyaha lagu garaacay waxaa aad u degan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda.

Inkastoo aan weli la xaqiijin in khasaare ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafadahaas ka tirsan Jowhar, hadana cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay duleedka magaalada ka soo ridayaan hoobiyayaasha.

Weerar loo adeegsaday bamboo-gacmeed oo xalay ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah xaafadaha caawa la duqeeyey ayaa waxaa ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle, kadib markii bamkaas lagu tuuray guri ay ku sugnaayeen.

Weerarradaan waxay ku soo aadayaan xilli u diyaar garow doorasho xoog leh uu ka jiro Jowhar, sidoo kale qoraal ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe looga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.

Hoos ka akhriso codsiga guddiga

Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Jadwalkaan ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, iyadoo ay horay u fashilmeen jadwallo ka soo baxay guddiga doorashooyinka, sidoo kalena doorashada Aqalka Sare aysan weli ka bilaaban HirShabeelle iyo xubnaha reer waqooyiga, halka Galmudug iyo Jubbaland ay xubno kale weli ku dhiman yihiin.

 Hoos ka eeg Jadwalka doorashada BFS

Daawo: R/W Rooble oo war kasoo saaray kiiska Ikraan iyo Fahad oo waqti loo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin.

Rooble ayaa faray Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan, wuxuuna sheegay inuu kadib qaadan doono go’aan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, islamarkaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso xog dhameystiran.

Balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay warbxintii ay hey’addu ka soo saartay kiiska Ikraan. Taas oo uu sheegay in aysan wadan wax cadeymo ah oo lagu qanci karo.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.

Israel oo Mareykanka siisay digniin la xiriirta Masar iyo Sacuudi Carabiya + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa uga digay dhiggooda Mareykanka inay aad u dhalleeceeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Masar iyo Sacuudiga, ayaga oo ka walaacsan in taasi ay dalalkan ku qasbi karto inay xiriir dhow la yeeshaan Iran, Russia iyo China, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Times of Israel.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay wargeyska in saraakiisha Israel ay marar badan u sheegeen maamulka Biden in dhalleeceyn xooggan oo ka dhan ah Masar iyo Sacuudi Carabiya ay saameyn ku yeelan karto dadaal goboleedyada looga hortagayo Iran.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray, in inkasta oo maamulka Biden uu weli sii wado hadallada lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha dibedda, haddana “uu illaa hadda ka fogaaday inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka ee Qaahira iyo Riyadh.”

Israel ayaa u aragta Masar iyo Sacuudi Carabiya tiirar carbeed oo dhex-dhexaad ah, oo ay dooneyso inay u kaashato loolanka Iran, waxana lagu warramay inay horey ugu ololeysay taageero dhaqaale oo Mareykanka uu siiyo labada dal.

Hase yeeshee, digniinta Israel ee ku saabsan in China ay gobolka kala wareegi karto Mareykanka, ayaa imaneysa ayada oo Israel nafteeda ay kusoo dhowaaneyso Beijing.

Shirkado Shiinees ah, oo qaarkood ganacsiyo la sameeyey Iran, ayaa saami ka qaatay mashruucyo lagu dhisay kaabayaasha oo laga fuliyey Israel, waxayna maal-gashteen shirkadaha taknoolajiyadda Israel.

Khamiistii, saraakiisha Israel ayaa furay terminal cusub oo laga dhisay dekedda Haifa, oo ay maamuli doonto shirkadda ay leedahay dowladda China ee Shanghai International Port Group. 

Terminalkan oo ay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka Mareykanka, ayaa saraakiisha Washington waxay walaac ka muujiyeen in China ay howlgallo basaasnimo ka fulin karto.

Biden ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday inuu Sacuudiga kula xisaabtami doono tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ay gaysteen, oo uu ka mid yahay dilkii Jamaal Khaashuqji. 

Hase yeeshee maamulka Biden ayaa weli joogteynaya xiriirka Washington ee Qaahira iyo Riyadh, oo muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee ka hortagga aragagixisada ee gobolka. 

Kiiska IKRAAN TAHLIIL: Shan su’aal oo jawaab uga baahan madaxda hay’adda NISA

0

Maqnaanshaha 70-ka maalmood socday iyo geerida ka danbeysay ee Ikraan Tahliil Faarax oo ay shaacisay Hay’addii ay u shaqeyneysay ee Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxay kicisay mowjado naxdin, tacsi iyo diidmo isugu jira, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo kiiskan ku hareereysan.

Kiiska Ikraan wuxuu mar kale bannaanka keenay sida Hay’adii Nabadsugidda Qaranka u noqotay afartii sano ee xukunka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid isu bedeshay Hay’ad lumisay sumcadeedii, horena loo siyaasadeeyay, markii ay faraha la gashay arrimo fadeexado badan usoo jiiday.

Su’aalaha waaweyn ee dul hoganaya Kiiska IKRAAN TAHLIIL FAARAX, weliba u baahan in la ogaado, loogana fadhiyo inay NISA caddeyso waxay kala yihiin:

1- Sidee loo afduubay Ikraan?

Maqnaanshaha Ikraan Tahliil wuxuu soo bilowday markii la waayey habeenkii 26-ka June 2021, sida ay sheegtay hooyadeed. Waxaa soo wacay mid ka mida taliyeyaasha NISA, gaari u soo diray, kadiba ay ka raacday gurigii ay deganeyd oo ku yaalla meel tallaabooyin u jirta Xarunta weyn ee Hay’adda NISA, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Markii ugu War-danbeysay Ikraan waxaa lagu ogaaa hoggaanka Hay’addii ay ka tirsaneyd ee NISA, waxaa laga qaaday goob xiran oo aan la geli karin, ammaankeeda si weyn loo sugo, waxaan telefoonkooda la damiyay iyadoo isla meeshaas ku sugan, arrintan waxay shaki badań ku dhalisay qof kasta, wuxuuna tuhunka saaran yahay NISA.

Sidee afduubka uga dhacay NISA xarunteeda? waa su’aasha aan laga jawaabin ee NISA laga sugayo inay caddeyn ka bixiso, waana arrinta iyadoo aan laga jawaabin, lagu qanci karin wax kasta oo ay kiiskan ka sheegto Hay’adda NISA.

2- Yaa Afduubtay Ikraan?

Waa su’aasha labaad ee furaha u ah kiiska Ikraan Tahliil. Hooyada dhashay Ikraan iyo mas’uuliyiin ka mida beesha ay kasoo jeedo waxay sheegeen in markii ugu danbeysay Ikraan lagu qaaday gaari uu leeyahay nin madax sare ka ah hay’adda NISA.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo marar badan kiiskan ka hadlay, isagoo u muuqday inuu difaacayo Hay’adda NISA, wuxuu caddeeyay in xarunta NISA la geeyay oo la tusiyey Gaariga lasoo geliyey baraha bulshada ee markii ugu dambeysay qaaday Ikraan, lana yaqaan qofkii lahaa gaariga.

Marka baaritaa dhab ah jiro waxaa kiiska laga bilaabaa halkii ay ugu danbeysay markii uu dhacay, waxaa la yaab leh in kiiska Ikraan aan marna lasoo hadal qaadin qofkii soo wacay ee ay gaarigiisa raacday, sida in la qarinayo, waxayna shirkaddii Telefoonada Qoyska u diiday inay siiso lambarkii ugu danbeeyay ee wacay Ikraan.

Su’aashan oo la xiriirta weydiintii koowaad waxay muhiim u tahay in la ogaado sida kiisu ku dhacay ee iyo inuu ku lug leeyahay mas’uul sare oo ka tirsan NISA iyo in kale.

3- Yaa gacan ku lug lahaa afduubka Ikraan?

Haddiiba ay sax tahay in Ikraan u gacan gashay Alshabaab sida ay caddeysay Hay’adda NISA, waxaa ka horeeya su’aal weyn oo hortaalla, taasoo ah: “Yaa Alshabaab u gudbiyey ama gacan ku siiyey Afduubka Ikraan?”.

Su’aashan waxay jawaab u noqoneysaa tuhunka marar badan lasoo celceliyay ee ah inay wada shaqeeyaan ama isku milmeen hay’adda NISA iyo Al-Shabaab, tuhunkaas oo si meesha looga saaro u baahan si dhab ah kiiskan loo baaro, lagana dhaafo siyaasadeynta mucaaradka iyo daboolista madaxda NISA.

4- Sidee lagu xaqiijiyey dilka Ikraan?

NISA waxay markii hore ka gaabsatay inay haba yaraatee ka hadasho kiiska maqnaanshaha Ikraan oo weliba ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda, waxayna in ka badan laba bilood waxaa warbaahinta u taagneyd hooyadeed oo sheegtay in mar kaliya loo geeyay agaasime Fahad Yaasiin, kana soo bixi waayey ballanqaadkii uu siiyay.

Iyadoo sidaasi jirto ayaa warka kaliya ee ay NISA soo marisay Warbaahinta dowladda waxay noqotaya inay Al-Shabaab u gacan gashay, ayna dilden…!!!. Alshabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan, kuna tilmaantay masabid.

Ma cadda sida Ikraan oo lagu ogaa inay tahay sarkaal NISA ah oo degan xarunta NISA meel u dhow, kaliya loo ogaaday geerideeda, balse aanay jirin xog kale oo laga sheegay maqnaanshaheedii labada bilood ka badnaa.

Haddii aan kiiskan si cad oo daah furan loo soo bandhigin, lagana gun gaarin kaliya ma dhiman doonto Ikraan ee waxaa la dhiman doonta Hay’addii NISA, waxaana dhaawaca ugu weyn gaari doonaa dowladnimadii dib loo dhisayey.

5- Maxaa kiiska Ikraan looga gaabiyay oo loo daboolay?

Inkastoo kiisku yahay mid ku lug leh sirdoon, haddana sida ay NISA u wajahday waxay ahayd mid gaabis ah oo aanay ka muuqan dadaal badan iyo wixii laga fili lahaa hay’ad sirdoon oo sarkaal ka tirsan maqan yahay ama halis ku jiro.

Agaasimaha NISA iyo madaxda Hay’adda, marka lagu daro madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Villa Somalia fadhiya haddii aan kasoo qaadno inaysan wax lug ah ku lahayn kiiskan oo saraakiil kale ka dambeeyeen waxay kaliya oo ay ku badbaadi karaan inay tallaabo cad qaataan oo kiiskan cadaaladda mariyaan, ciddii ku lug lahaydna soo bandhigaan.

Haddii la isku dayo in aamus xal loogu raadiyo Kiiska Ikraan ama la is moogeysiiyo waxaa kaliya ka dhalan doona qalalaase iyo dhaawac weyn oo gaara dowladnimada Soomaaliya, waxayna Farmaajo iyo Fahad ka dhigi doontaa inay dib u celiyaan dowladnimadii dalka ee meesha hoose laga soo bilaabay 20 sano ka hor.

Gabagabo

Tallaabooyinka xalka u noqon kara kiiska Ikraan ee la hadal hayo waxaa ka mida xil ka qaadis, iyo guddi baaritaan madaxa bannaan oo loo saaro, laakiin waxaa xusid mudan in dowlada hadda jirta ay magacawday tobannaan guddiyo ah oo aan wax natiijo ah keenin dhacdooyin iyo shilal qaran oo ka mida ama k aweyn Kiiska Ikraan, meeshiii lagu magacaabayna ku dhammaaday.

Waxaa miiska saaran kalsoonidii yareyd ee hay’adaha dowladda lagu qabay, waxaana cadaalad u baahan saraakiishii dowladda ee laga sugayey inay ka shaqeeyaan amniga dadka, markii ay iyagii amni waayeen. Xalka kaliya waaa Guddi madax bannaan iyo runta oo lasoo bandhigo ciddii ay rabto ha u darnaatee.

Xigasho: Goobjooge.net

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 7-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

0

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka & Degmooyin ay ka mid yihiin Bardaale,Balan-bale, Guri-ceel ,Hodan, Ceelasha biyaha,Jilib,Aadan-Yabaal Sablaale I.w.m

Todobaadka 7aad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Fridges, TV screens, iPads, eDahab Cash, Dahab & Hadiyado Dhowr ah.

Munaasabada Macaamiisha lagu abaalmarinayay Todobaadkii 7aad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mudanayaal ka tirsan Mas’uuliyiin Ka socday Ururada bulshada ,Jaamacadaha, Ururada haweenka iyo shaqsiyaad can ahan oo Si Wadajir ah U abaalnariyay Guuleysatayaasha Todobaadka 7aad

Dhamaan Mas’uuliyiinta Munaasabada Ka hadashay ayaa si wadajir ah u bogaadiyya Shirkadda Somtel & Sida ay xil iga saartay inay bulshada soomaaliyeed ku celiso daqligii yaraa ay macaamiiisha ka heshay shirkaddanwaa talaabo ku dayasho mudan oo mudan ia la dhiirageliyo

Ugu horeynta waxaa munaasbada ka hadlay Madaxa suuqgeynta somtel Mudane: Axmed Ciise Xaaji oo ku tilmaamay Ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid dhaxal gal ah

“Waxaan bogaadinayaa Macaamiisha guuleystay kuwa kale waxaan u rajeeynayaa inay sameeyaan ku shubasho Sidaan oo kale loo abaalmariyo waa barnamij u furan dhamaan umada soomaliyeedee ku nool koonfurta & bartamaha Soomaaliya Wxaa gocasho togan oo dareen leh igu reebay Maamada ku guuleysatay Gaariga Hyndai oo aheyd Mamo beeraleey dan yar ah Muujisay Inay aad baahi ugau qabto Hadiyadaan Lama fIlaanka ay ku heshay”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadklay Madaxa  Waaxda Gnacsiga Somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir oo ku tilmaamay olalaha ku shubo oo guuleyso Waa Olole Taabagalay

“Ololahan ku shubo oo guuleyso waa barnaamij lagu farxad gelinaayo macaamiisha somtel Hadiyadaha aan ku bixino waa hadiyado wax tar u leh  Oo Macaamiilkii guuleystay xitaa uga faa’ideyn karo ehelkiisa waa hadiyado ka turjumaya rabitaanka & baahida macaamiisha guuleysaneyso waxaan leenahay Somtel awaxaa ka go’an inay xaqiijiso Qanaacada  macaamiisha shirkadda “

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Mudane Axmed Macalin Maxamuud oo ka socday Hey’ada Socdaalka & Jinsiyadaha  Isagoo ku dheeraaday ahmiyada olaha ku shubo oo Guuleyso

“Somtel waa Shirkad Haldoor oo Macaamiisheeda ku celisay 10,000 hadiyadood iyadoo si hufan logu tartamaayo macaamiilka nasiibkiisu wanaagsan sidoo kale sameeya ku shubasho ayey shirkaddu si tos ah u abaalmarineeysaa Marqaati ayaan ka ahay waa barnaamij daah-furan”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadashay  Hani C/kariin  oo ka socotay ururada haweenka 

“Waxaan ku faraxasanahay inaan arko macamiil la abaalmarinayo si gaar ah awaxaan ugu hambalyeynayaa maamadii ku guuleysatay gaariga Hyundai awaxaan rajeeynayaa in Todobaadyada kale Guuleystayaasha hablo inay u bataan si dumarku dowrkoodu umuuqdo”

Ugu danbeyntii Waxaa si wadajir ah oo ugu mahad celiyeen shirkadda isgaarsiinta somtel Guuleeystayaasha Todobaadka 7aad iyago muujiyay dareenkooda b& sida ay ugu faraxsanyihiin inay ka mid noqdaan Macaamiisha La Abaalmarinayo  Todobaadka 7aad

Marwo Sahro Adam Ducaale oo ku guuleysatay bajaaj ayaa u hambalyeeysay Guuleysatayaasha

“waxaan leeyahay dhamaan inta guuleysatayHhambaly Somtel waxaan u rajeeynayaa Guul”

Waxaa sidooo kale shirkadda u mahad-celiyay Ibrahim Cusman Cali oo joogo duleedka Magaalada Muqdisho o kuna guuleystay 10gr o Dahab ah aya isgana bogaadiyaya Somtel

”waxaan leeyahay Somtel ilah ha idiinka ajar siiyo howsha adag aad bushada u heeysaan”

Waxaa isagana dareenkiisa Cabiray Yusuf Farey oo joogo Magalada Bardaale ee Gobalka Baay

“Somtel waxaan leeyahay waa Shirkadda Dadweynaha Waxan rajeeynayaa inay howshaan wanaagsan ay halkeeda ka sii wadaan macaamiisha shirkadda la abaalmariyo xili kasta”

Si kastaba ha ahaatee Ololaha ku shubo oo Guuleyso ee shirkadda isgaarsiinta somtel ayaa si habsami leh uga socda guud ahan dalka soomaaliya iyadoo shirkaddu abaalmarisay mudadii koobneyd ee ololhan socday ku dhawaad 6,000 Macamiil.

Daawo: Ugaaska Beesha Ikraan Tahliil oo sheegay in gabadhooda ay nooshahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ah Ugaaska Beesha Gaaljecel, oo ah Beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax, ayaa si faahfaahsan uga hadlay kiiskeeda, wuxuuna ku dooday inay weli nooshahay.

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa marka hore sheegay in Ikraan ay ka maqan tahay 70 Maalin, islamarkaana wuxuu sheegay inay aheyd gabar aqoonyahan ah oo wax badan kusoo kordhisay hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Wuxuu umadda Soomaaliyeed iyo Beeshiisa ugu baaqay in la joojiyo tacsiyada loo dhigayo Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in gabadhooda ay nooshahay oo aysan dhiman islamarkaana ay ku tabayaan gacanta Hay’adda NISA.

Ugaaska ayaa sheegay inay fahmi waayeen, islamarkaana ay maskaxdooda qaadan weysay warka habeenkii Jimcaha kasoo baxay Hay’adda NISA ee ahaa in Ikraan ay dishay kooxda Al-Shabaab, taasi oo kooxda ay iska diiday.

“Waxaan aamisanahay in gabadheena ay ku maqan tahay gacanta hey’adda NISA, waxaan filaynay haddii ay dambi gashay waa qof bini’aadam ah in maxkamad lasoo taago, haddii aysan dambi gelina xuriyadeeda la siiyo, balse warka kasoo yeeray NISA waa mid aysan qaadan karin maskaxdeena,” ayuu yiri Ugaas Cabdiraxmaan.

Ugaaska ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuusan hal maalin ka hadlin falka lagula kacay Ikraan Tahliil oo u shaqeeneysay dowladda, wuxuuna sidoo kale sheegay in Farmaajo uu diiday inuu la kulmo, isagoo xusay in isaga adduun iyo aakhiro wax laga weydiin doono.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka gaabiyey kiiskaan, wuxuuna ugu baaqay Ra’isulwasaaraha inuu arrintaan ka hadlo waxna ka qabto.

Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa ku baaqay in la joojiyo afduubka loo geysanayo dadka kasoo jeedo qabiilka Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin isla markaasna lasii daayo dhallinyarada hadda la xiray isagoo intaas ku daray in Fahad Yaasiin ay la tiigsan doonaan maxkamad.

Xog: Rooble oo laba sabab uga aamusan kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa illaa hadda ka aamusan afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay’ada sirdoonka Soomaaliya sheegtay in ay dileen Al-Shabaab. 

Waxaa kasoo wareegtay 48 saac markii uu soo baxay warka ku saabsan in la dilay Ikraan, iyadoo ay ka dhasheen falal afduub oo aargudasho ah, kuwaasoo ka dhacay gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. 

Si kastaba, Rooble oo la filayey inuu jawaab siiyo ehellada Ikraan, sidoo kalena dejiyo xiisadda ka dhalatay, ayaa ilaa hadda ka aamusan, waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Rooble uu arrintaan uga aamusay laba sabab oo kala ah. 

1- In uu ka aamusay intii ay wax ka qabad laheyd islamarkaana ay hadda gaartay meel aan waxba laga qaban karin, iyadoo sidoo kale kiiska ay ku lug leeyihiin xubno culus, oo ka mid ah dowladda oo aan si deg deg ah go’aan looga qaadan karin, uuna xeerinayo arrimo badan kahor inta aanu go’aan gaarin.

2- In siyaasiin ay wadaan dadaallo qaab siyaasayeed ah loogu xalin lahaa kiiskaan oo gaaray meel adag, iyadoo sidoo kale ay xafiisyada Madaxweynaha iyo Rooble ka socdaan kulamo wadatashi ah. Qorshaha ayaa ah in lala kulmo qoyska Ikraan iyo odayaasha beesha kadibna kiiska loo qirto dowlad ahaan, lana qoyska la siiyo lacag magdhow ah oo ay ku qanci karaan, maadaama gabadhooda aan loo soo celin karin.. 

Dhinacyo kala duwan oo talooyinka qeyb ka ah ayaa soo jeediyay in Rooble cadaadis lagu saarayo xil ka qaadista Fahad Yaasiin, balse ay jiraan culeysyo kale iyagana diidan, kuwaasoo door bidaya in qaab siyaasadeed ah loo xaliyo. 

Saacadaha hore ee galabta ilaa caawa ayaa la filayaa in Xukuumada Soomaaliya ay war ka soo saarto kiiska Ikraan Tahliil oo ah dhacdada ugu weyn ee ka jirta Soomaaliya.

Jeesow oo si ka duwan sidii hore uga hadlay kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kiiska Ikraan Tahliil uga hadlay si ka duwan sidii uu maalmihii ugu dambeeyey uga hadlayey kadib markii Hay’adda Nabad-Sugidda NISA shaacisay geerideeda.

Jeesow, oo markii hore difaaci jiray NISA, ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay Ikraan heli laheyd cadaalad lana caddeyn lahaa cidda dishay maadaama la xaqiijiyey geerideeda.

“Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo qoyskeedana kuma qancin, 65 maalmood aan NISA ka sugeynay waxay noqotay Al-Shabaab ayaa dilay,” ayuu yiri Jeesow.

Jeesow ayaa tilmaamay inaysan ku qancin warka kasoo baxay NISA, wuxuuna sheegay inaysan illaa hadda garaneyn cidda gacanta ku heyso kiiskaan.

“Kuma qanceyno Shabaab ayaa dilay, Shabaabkiina waa soo hadleen, iyagii ayaa qaadan waayey in la yiraahdo Shabaab ayaa dilay, Hay’adda NISA dib ha isugu noqoto, warcadna hasoo saarto iyo wax lagu qanci karo, mana garaneyno cidda gacanta ku heyso kiiskaan,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in arrinta ay ka tabanayaan heyadda Nabadsugidda NISA aysan aheyn wax ay ka baryayaan, wuxuuna uga baaqay inay usoo hadlaan si ka duwan sida ay dhawaan sheegeyn.

Wuxuu sheegay in kiiska Ikraan loo saaray illaa laba guddi balse wuxuu tilmaamay in heyadda NISA ay ka hordhacday baaritaanada socday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xusen Rooble ayuu ugu baaqay inay guddi cusub u magacaabaan kiiskaan si loo helo baaritaan madax banaan oo caddeeya cidda mas’uulka ka ah dilka Ikraan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Jeesow ayaa ku baaqay in dadka lagu qafaashay magaalada Beledweyne la sii daayo, isagoo dhinaca kale eedeeyay siyaasiyiinta doonaya inay siyaasadeeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la kiciyo gadka.

Yuusuf Garaad Cumar oo war kasoo saaray dilka IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ka hadlay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax oo NISA ay shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

Yuusuf Garaad oo horey u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu codkiisa ku biirinayo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo ‘dilka’ Ikraan, si looga gun gaaro xaqiiqada jirta, sidoo kalena ay cadaalad u helaan waalidiinteeda.

“Waxaan codkeyga ku biirinayaa in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo Ikraan Tahliil Faarax oo la yiri waa la dilay. Baaritaanka ujeeddadiisu waa in lagu gaaro xaqiiqo wadata caddeyn lagu kalsoonaan karo, si Ikraan iyo Waalidkeed ay u helaan caddaalad, loona dhayo dhaawaca gaaray kalsoonida shacabka,” ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in kiiska Ikraan aan loo waxyeeleyn dad kale oo shacab ah, isla-markaana geysan wax dambi ah.

“Waxaan ku baaqayaa oo kale in dhacdadan murugada leh aawgeed aan waxyeello loo geysan Soomaali aan wax dembi ah galabsan, kuna lug laheyn kiiska Ikraan,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeynergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa tacsi tiraano leh u diray waalidiinta iyo dhammaan dhammaan Ikraan Tahliil Faarax.

“Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynayaa aabbaheed Dr. Tahliil Faarax iyo hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed Cali iyo Shiine iyo adeerkeed Xasan Faarax, oo dhammaantood ah dad aan rafiiq nahay,” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Tan iyo markii ay hay’ada NISA shaacisay in Ikraan oo lagu la’aa nolol iyo geeri ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada soo baxaya ee lagu dalbayo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, si cadaalada loo waafajiyo.

Dilka Ikraan Tahliil iyo halka FARMAAJO uu taagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dilka Allah ha u naxariistee ikraan Tahliil Faarax, wuxuu abuuray argagax, diidmo, iyo caro xooggan oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujiyeen.

Hay’adda NISA, oo Ikraan ay ka tirsaneyn, waxay afduubka iyo dilkeeda ku eedeysay Al-Shabaab, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa durba iska fogeysay, ayada oo sheegtay inay eedaas “ula yaabtay si la mid ah shacabka kale ee Soomaalida.”

Siyaasiyiin badan oo ka hadlay dilka, oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Caynte, Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sanbalooshe, Cumar Cabdirashiid, Taabit Cabdi iyo kuwa kale, waxay falcelintooda, inkasta oo qoraal ahaan ay kala duwaneyd, ay laheyd hal macno, waxayna ku dalbadeenin  ra’iisul wasaare Roobleuu tallaabo qaado.

Waxaa la mid ahaa shacabka Soomaalida badankood, oo u kuur gelid ay sameysay Caasimada Online, ay ku ogaatay inay badankood dalbanayeen in Rooble uu tallaabo ka qaado dadka lagu tuhmayo kiiskan, oo Ikraan ay caddaalad hesho.

Aaway Farmaajo?

Baaqyada ku socda Rooble waxay nagu dhalisay su’aal ah, maxaa loo waayey cid baaq u direysa Farmaajo, oo ka codsaneysa inuu wax ka qabto xaaladdan?

Baaqyada ku socda Rooble, waxay macno weyn ka bixinayaan halka uu maanta Farmaajo ka taagan yahay Soomaaliya, sumcad ahaan iyo sharciyad ahaan; haddii uu dareensan yahay iyo haddii kaleba.

Dadka dalbanaya inay caddaalad hesho Ikraan, ee dhinaca maraya Farmaajo una qeylinaya Rooble, waxay Farmaajo u dirayaan farriin laba macno leh; 1- iInuusan sharciyad madaxweyne haysan, 2- Haddii uu haysatana aysan ku kalsooneyn inuu caddaalad fali karo.

Sharciyadda Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin inuu kursiga ku fadhiyo sharci-darro, oo ay tahay inaan waxba laga weydiin masiirka umadda iyo dalka.

Famaajo kahor, waxaa jiray madaxweynayaal waqtigooda dhammaaday, sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif haddana marnaba aan sharciyaddooda dood la gelin, sababtuna waa inaysan isku dayin muddo kororsi, islamarkaana jallaafo kasta oo ay awoodaan u dhigin in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida ka duwan Farmaajo.

Waa taas sababta ay u rumeysan yihiin in Farmaajo uu kursi un ku fadhiyo, balse aanu dalka maamulin, oo Rooble iyo xukuumaddiisa ay haystaan sharciyadda xil-gaarsiinta, illaa inta madaxweyne kale laga dooranayo.

Tacaddiyada Farmaajo

Qeyb kale oo shacabka a ka mid ah ayaa Farmaajo u muujinaya in xitaa haddii ay rumeysan yihiin inuu sharciyad haysto, aysan aaminsaneyn inuu caddaalad fali karo, ama qaado karo wax tallaabo ah oo ka dhan dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan.

Farmaajo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, waxaa dhacay tacaddiyo badan oo loo gaystay dad shacab ama siyaasiyiin ah, sida dhiibistii Qalbi-Dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xasuuqii shacabka Baydhaba, iyo askartii la geeyey Eritrea ee weli la’yahay, qaarkoodna la xaqiijiyey in la dilay.

Dhammaan tacaddiyadan waxay si toos ah ugu dhammaadeen Farmaajo, waana taas sababta aysan maanta u jirin cid soo hadal qaadeysa Farmaajo, ama caddaalad uga dalbeysa marxuumad Ikraan Tahliil.

Afar sano kadib markii Farmaajo la doortay, oo shacbiyadda uu helay ay aheyd mid aan horey loo arag, wuxuu maanta taagan yahay maqam loo arko inuu ahaa madaxweynihii ugu tacaddiyada badnaa uguna xukunka xumaa ee dalka uu arko 30 sano kadib.

Waxaa dhimatay sumcaddiisa, wuxuuna marayaa heer, xitaa aan lasoo hadal qaadin, xilli kiis xasaasi ah oo noociisa aan dalka lagu arag uu taagan yahay.

Farmaajo waa kaas. 

Muxuu Sheekh Bashiir ka yiri dilka Ikraan Tahliil? (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa dowladda ugu baaqay in jawaab waafi ah oo dadku ay ku qancaan ay ka bixiso kiis gabadhaas oo hey’adda NISA ay xalay baahisay inay dileen Al-Shabaab, halka Al-Shabaab-na ay iska fogeeyeen dilka iyo afduubka gabadhaas.

Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan ku tagri falin awoodeeda oo kiiska gabadhaan iyo kuwii horay u dhacay ay jawaab cad ka bixiso, shacabkana ka qanciso, halka shacabkana uu ugu baaqay in wax kasta ay dowladooda uga dambeeyaan.

Sidoo kale qabaa’il ayuu ugu baaqay in aysan is dhibaateyn oo qadarta ay ku qancaan, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta kiiska Ikraan loo afduubto dad aan waxba galabsan oo heybtooda lagu beegsanayo.

“Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekha ayaa dadka ehelka ah ee gabadhu ay ka maqan tahay ugu baaqay inay sharciga u maraan baadi goobka gabadhooda, si looga sal gaaro kiiska, iyadoo dhib kale aan la geysan.

“Qawaacidda Islaamka waxay noo sheegeysaa dowladdu inay masuul ka tahay dadka dhiigooda, ammaankooda iyo maalkooda, dowladdu dalka ayey ka waardiyeyneysaa in cadaw ku soo duulo, shacabka xitaa inay kala celiso ayaa laga rabaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiis gabdheed uu culeyskiisa leeyahay, “Gabdhuhu diin ahaan iyo dhaqan ahaan xurmo gaar ah ayey leeyihiin, culeys gaar ah ayey leeyihiin, waa in daryeel iyo dadaal fiican laga geysto in kiiskaas xogtiisa dhabta ah laga gun gaaro, ama ugu yaraan dadkii ay gabadhu ka dhalatay laga qanciyo,” ayuu yiri.

Sheekh Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Sax ma aha in la dilo ama la qafaasho qof aan geysan dembigaas, sida aan hadaba maqleyno, ficilkaas mid diini ah maaha, qof kale ayaan ka aar goosanayaa hadaa dhahdo dulmi waaye, diinteenu ma ogola, dulmina, dulmi loogama jawaabo, hadii cadaaladda la waayo, dad kale yaan la afduuban oo la dilin, dulmiga iyo dhibku waa sii badanayaa.”

Ugu dambeyntii Sheekh Bashiir ayaa dowladda ugu baaqay in arrintaan ay mas’uuliyad iska saarto si dhibku uusan u sii badan, halka guud ahaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan uu kula taliyey in la isku dul qaato.

Hoos ka daawo

Muxuu yahay hadalka uu shaaciyey guddoomiyaha guurtida ee buuqa dhaliyey?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan oo maanta guddoomiyey kalfadhiga 76-aad ee golahaas ayaa soo hadal-qaaday doorashadii golaha wakiilada ee dhowaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday, xilli uu ka hor hadlayey golaha in laga badiyey xisbiga talada haya ee kulmiye, isla-markaana guddoonka golaha wakiilada Somaliland ay la wareegeen xisbiyada mucaaradka ee kala ah Wadani iyo UCID, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guusha mucaaradka ay ku timid, markii ay iskaashi sameeyeen labada xisbi, sidaasina ay ku heleen kuraasta ugu badan iyo shir guddoonka.

“War xukuumaddii intii aan kala maqneyn in lagala wareegay shir guddoonka guddoonka golaha wakiilada, kuraastii oo dhan waxaa wada qaatay mucaaradka,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale arrintan la yaab ku tilmaamay iyo wax aan ka dhicin aduunka intiisa kale.

“Adduunka dhaqankiisu sidaas ma aha, xisbul xaakimkii waxba ma helin ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyuhu.

Intaas ka dib waxaa buuq sameeyey qaar ka mid ah xubnaha golaha oo si weyn uga soo horjeestay hadalka guddoomiyaha ee ka dhanka ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, walow markii dambelagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kulankana uu sii socdo

Si kastaba doorashadii ka dhacday Somaliland ayaa waxaa guullo waa weyn ka soo hooyey xisbiyada Wadani iyo UCID, iyaga sidoo kale la wareegay guddoonka golaha wakiilada