24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Video: Odowaa oo sheegay waxa dhacaya marka ay dhamaato mudada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, ahna mudane ka tirsan golaha shacabka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si kulul uga hadlay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo maraya xili gabaabsi ah, iyada oo weli xal rasmi ah laga gaarin muranka doorashada.

Odowaa ayaa sheegay inuusan jirin waqti u haray madaxweyne Farmaaj, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba la aqbaleyn in muddo xileedkiisa ka badan uu kusii jiro Villa Somalia.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxtooyada aysan sii ahaan doonin Madaxtooyo haddii uu kusii jiro madaxweyne Farmaajo, oo xiligan uu muddo xileedkiisa ka hartay wax ka yar toddobaad.

“Madaxweynaha haddii waqtigiisi uu dhamaado, wax waqti ah oo u haray majiro aniga iyo madaxweynaha dad guryahooda jooga ayaa noqoneyna. Villa Somalia ayaa ruuxeeda isku badaleysa guri la dagan yahay, waxay Villa Somalia ku tahay waa waqtiga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

Waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha uu xilkooda ku mudeysan yahay waqti, isla markaana ay noqonayaan dad shacab ah oo guryahooda jooga, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmo kooban ka hareen muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna weli socdaan dadaalo lagu xalinayo muranka doorashada, taasi oo uu bilow u yahay shirka wada-tashiga ah ee maanta ka furmay Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah guddoomiye degmooyinka G/Banaadir oo lacag kusoo rogay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed, ayaa soo saaray amar lacag looga qaadayo dadka ku nool xaafadaha degmada, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Amarka guddoomiyaha ayaa dhigaya in qoys walba laga rabo lacag tobon doollar ($10), taas oo lagu sheegay hormarinta degmada, balse aan faah-faahin laga bixin, sida ku cad warqadda resiitka, oo ay heshay Caasimada Online.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xamar Jajab ayaa Caasimada Online u  sheegay in qoysaska bixin waayo lacagtaas loogu hanjabayo in la xiri doono, islamarkaana qaarkood ganaaxyo lacageed la dul dhigi doono. 

Amarka guddoomiyaha ayey Caasimada Online ogaatay in uu yahay mid u gaar ah oo aan ka soo bixin maamulka gobalka Banaadir. 

Xubno ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka kale ayaa sheegay in aysan helin wax amar ah oo gobalka ka soo baxay, kaas oo tilmaamaya in guddoomiyaasha aruurin karaan lacag laga rabo dadweynaha, halka guddoomiye ku xigeenada Xamar Jajab sheegeen in uusan jirin amar gobalka ka soo baxay balse go’aankaan uu gaar yahay guddoomiyaha degmada. 

Caasimada Online kuma guuleysan in ay hesho guddoomiyaha degmada ee la eedeeyay, waxaase isku dayi doonaa inaa helno si aan u ogaano sababta lacagtan loogu soo rogay shacabka.

Hoos ka eeg warqadda, oo aan qarinay magaca qofka nala wadaagay iyo lambarka.

Weerar lala damacsanaa safaaradda Imaaraadka ee ITOOBIYA oo la fashiliyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan illaa 15 qof oo ‘qorsheynayay’ in ay weeraraan dhismaha safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa, sida ay maanta shaacisay wakaaladda wararka ee wadankaasi Itoobiya.

Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hub, qaraxyo iyo dukumiintiyo, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Itoobiya ayaa dadka la xiray ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin koox argagxiso shisheeye ah, islamarkaana ay doonayeen in ay weerar fuliyaan.

Sidoo kale bayaanka ayaa intaasi ku sii daraya in dowladdu ay ku raad joogto illaa 21 qof oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Imaaraadka Carabta oo ku aadan weerarkaasi la sheegay in lala damacsanaa diblomaasiyiintiisa.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in sirdoonka wadanka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay sidoo kale u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxo argagixiso ah, islamarkaana ay fashiliyeen weeraro kale oo lagu qaadi rabay safaaradda Imaaraadka ay ku leeyihiin wadanka Sudan.

‘QOOR QOOR wuxuu isku heystaa inuu wasiir dowle ka yahay dowladda Farmaajo’

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdisalaam Yuusuf Guuleed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) inuu ku fashilmay sugidda amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Taliye ku xigeenkii hore oo hadda aad u falanqeeya arrimaha amniga ayaa dhaleeceeyay Qoor Qoor kadib markii Al-Shabaab ay tiro madaafiic ah ku qalqal galiyeen magaalada Dhuusamareeb oo martigalineysa shirka wadatashiga doorashooyinka.

Bartiisa Facebook ayuu kusoo qoray qoraal uu kaga hadlayo fikirkiisa ku aadan sida uu Axmed Qoorqoor ugu fashilmay amniga maamulkiisa, wuxuuna sheegay iney nasiib darro weyn iyo ceeb ku tahay in magaalo madaxdii madaafiic ku da’eyso.

Cabdisalaam wuxuu sheegay in Qoorqoor ka hor ay dadka reer Galmudug heystaan amni wanaagsan, sidoo kalana uu madaxweynaha Galmudug wali isku heysto inuu yahay Wasiir Dowle ka tirsan Dowladda madaxweyne Farmaajo.

QORAALKA TALIYE KU XIGEENKII HORE NISA HALKAAN KA AKHRISO:

Madaxweyne Qoor Qoor, ha fahmo in uu ku fashilmay amnigii iyo dowladnimadii ay reer Galmudug iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ka sugayeen.

Waa nasiib daro weyn iyo ceeb in magaalo madaxdii Galmudug madaafiic Alshabab ku da’ayso. Amnigu Wuxuu ahaa waxa keliya ee Dadka reer Galmudug haysteen.

Horay baan u sheegay in madaxweyne QoorQoor weli aaminsan in uu yahay Wasiiru dowlo ka tirsan xukuumada federal ka ee madaxweyne Farmaajo.

Somaliland oo Jabuuti uga hiilisay DF Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay eedeyn ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhigeeda Jabuuti, taasi oo la xiriirtay warbixintii guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u saartay xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdifataax Saciid Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Jabuuti ka difaacay eedeyamaha dowladda federaalka, kuwaasi oo ku tilmaamay “xag-xagasho aan ka fiirsi laheyn”.

Waxaa uu si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu hagayo siyaasad aan deganeyn, isla markaana uu ku jiro deg-deg badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay mar walba ku deg-degto inay Safaaradaheeda kala baxdo dalka ay diblumaasi ahaan isku qabtaan, isagoo taasi ku sheegay “qalad”, maaddaama oo Jabuuti iyo Eritrea oo gacan ka hadal dhex-maray aysan weli kala qaadan Safaaradahoodii.

“Tusaale Jabuuti iyo Eritrea waa kuwa is haya, laakiin illaa hadda Safaaradahoodii may kala qaadan, tii Eritrea way furan tahay, tii Jabuutina waxay ka furan tahay Asmara, markaa Soomaaliya waxaad mooddaa deg-deg badan oo aan wax ka fiirsasho lahayn, siyaasad aan degganayn in Dawladdaasi ku dhaqmayso,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waanu ognahay inay Somaliland Dacwado badan ka gudbisay, markaa waxaan leeyahay Farmaajo wuu tagayaa, Cidda dambe ee imanaysa (Soomaaliya) waxaanu leenahay Somaliland 30 sano ka hor ayay Madax-bannaanideedii la soo noqotay ee sidaa aynu ku kala joogno.”

Ugu dameyntiina waxa uu dhaliil xoogan u jeediyay siyaasadda ay ku dhaqanto dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaaminta madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu sheegay inay lamid tahay “Nin Daad qaaday xumbo cuskay”.

Janaraal Xuud oo weerar ku soo qaaday Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud ay weerar kusoo qaaday bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka uu wato Janaraal Xuud.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in rasaasta laga maqlayey xaafadaha magaalada oo dhan, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daray inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemaya magaalada Beledweyne iyo duleedka.

Xuud oo wata oo maleeshiyaad ku abaabulay duleedka Beledweyne ayaa si weyn  uga soo horjeeda maamulka HirShabelle ee uu horkacayo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Weerar madaafiic iyo mid toos ah oo lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in caawa madaafiiic dhowr ah ay ku dhaceen magaalada sidoo kalena dagaal culus uu ka dhacay meel laga soo galo, xilli ay ku wada sugan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in ku dhowaad 10 hoobiye ay kusoo dhaceen qaybo kamid ah magaalada, waxaana weerarkan uu imanaya laba habeen un kadib markii sidoo kale magaalada sidan oo kale madaafiic loogu weeraray.

Sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda iska-hor-imaad xooggan waxa uu ku dhex-maray meel magaalada laga soo galo kadib weerarka madaafiicda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu socday in ka badan 30 daqiiqo. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka madaafiicda intaba.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay inay maqleen hub culus iyo rasaas la is-weydaarsanayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay magaalada soo gasho.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab weerar noocaan ah ka fuliso caasimadda Galmudug oo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in shirka lagu qabto xilli amni daradeeda ay aad u sareysay.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii laba habeen kahor ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.

Farmaajo ma qaadi doonaa tallaabo lamid ah tii uu Xasan Sheekh qaaday maanta oo kale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa 3-da Febraayo 2021-ka, waxaa muddo xileedka dastuuriga ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hartay  keliya 5 maalin, isaga xilligaas kadib noqon doona madaxweyne hore, sida uu dhigayo qodobka 91-aad ee dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiikiisa 30-ka Janaayo sidan: Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.’. Haddaba lama oga inuu hadal jeedintiisa ku laali doonno awoodihiisa fulineed iyo kuwa xukuumadda.

In laga hadlo hakinta awoodaha madaxweynaha iyo guud ahaan laanta fulinta ee xilliga doorashada  ama kala-guurka waxaa ay timid kadib markii uu horay sidaa u sameeyey madaxweynihii ka horeeyey iyo cabsi laga qabo in Farmaajo uu shaqada iska sii wato xataa Febraayo 8 kadib sida inuu jago magacaabo, dalacsiiyo, heshiisyo galo ama arrimo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay 5 maalin ka dhinneyd muddadiisa dastuuriga ah oo ku beegneyd 5-tii September 2016-kii  ayuu soo saaray wareegto ku saabsan habraaca dowladda waqtiga doorashada, waxaa uu joojiyey in maalintaas kadib aaney dhici karin:

1- Magacaabis ama shaqo ka joojin sare ee dowladda ama dalacsiin saraakiisha ciidamada qalabka sida

2- Lama badali karo dhismaha hadda jira ee hey’adaha dowladda oo dhan

3- Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016-ka, marka laga reebo kharajka 40% ee dowladda kasoo aaday kabka dhaqaalaha doorashada .

4- Lama geli karo heshiisyo iyo qandraasyo cusub oo aan ka aheyn kuwii horay u socday, sidoo kale lama geli karo balanaadyo qarash.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu bilihii ama todobaadyadii ugu dambeeyey waday inuu abaal-mariyo dadkii ka shaqeynayey ololihiisa isaga oo magacaabay dhowr jago oo muran dhalisay, todobaadkan ayuu askar dalacsiiyey, waxaana isla weydiinayaa inuu ku dhiiran-doono inuu hakiyo shaqooyinkaas xilliga kala guurka sida madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada uu Madaxweyne Xasan ku hakiyey awoodaha fulinta September 5, 2016

 

Beesha caalamka oo farrin culus u dirtay madaxda ku shirsan Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal kooban ka soo saartay shirka wadatashiga ah ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir maanta uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qoraalkan ayaa lagu dhiirageliyey madaxda Soomaalida, waxaana loo soo jeediyey dardaaran ku aadan inay ka sii doodaan waxyaabaha ay isku hayaan, si loo hir-geliyo heshiiskii doorashada ee 17-kii bishii September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.

“Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee Dhusamareb, waxayna boorrinayaan ka qeyb galayaasha inay sii wadaan wada-hadalkooda. Hadda waxaa la joogaa waqtigii heshiis laga gaari lahaa hirgelinta heshiiskii 17 September ee doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Maanta markii uu furmay shirka Dhuusamareeb madaxdu waxay mudo is dul taagtay dalabkii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ahaa in laga qeyb geliyo shirka, si gobollada waqooyi ee Somaliland ay metelaad u helaan.

Hasa yeeshee cod loo qaaday kadib inta badan madaxdu waa diideen in la keeno Cabdi Xaashi, waxaana go’aan lagu gaaray in xal u helida arrinta gobollada waqooyi loo daayo guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed, kuwaas oo wixii ay ku heshiiyaan madaxda shireysa u gudbinaya.

Madaxda heer federaal, heer dowad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa mar kale  caawa fiidkii ah shir labaad isugu yimid. Qodobka xiga ee hadda miiska u sarana waa arrinta gobolka Gedo, hadii inta caawa ah Gedo xal laga gaarana waxaa loo gudbayaa tan guddiyada doorashada oo khilaafaadka jira qeyb ka ah.

 

Xog: Shirkii maanta oo hab yaab leh go’aan looga gaaray arrinta Cabdi Xaashi iyo Gobollada Waqooyi

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga ah ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku bilaawday dood adag oo ka dhalatay dalabkii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maalin ka hor uu Cabdi Xaashi ka codsatay in lagu casuumo shirkaas, si khilaafka ka jira arrinta gobollada waqooyi ay metelaad u hesho ayaa doodiisa keenay shirka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ugu horeynba madaxda hor dhigay codsi ah in shirka lagu casuumo Cabdi Xaashi, balse dood badan ayey arrintaasi ka dhex abuurtay madaxda, waxaana ugu dambeyn loo qaaday cod.

Madaxweynayaasha afarta maamul goboleed ee kala ah Jubbaland, Puntland, K/Galbeed, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho ayaa diiday in Cabdi Xaashi laga qeyb geliyo shirkaas, halka madaxweyne Farmaajo uu ka aamusay, waxaana ogolaaday oo kaliya Qoor Qoor, sidaas ayaana looga gudbay doodii ka dhalatay casuumaada guddoomiyaha Aqalka Sare ee shirka.

Ilo aad ugu dhow shirka socda ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay madaxdu isku raaceen in arrinta gobollada waqooyi oo aan metelaad ku laheyn shirkaas xal u helideeda loo daayo guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, isla markaana wixii ay isku racaan u soo gudbiyaan madaxda Qaranka inta uu socdo shirku.

Inkastoo ajandayaasha shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka tahay arrinta Somaliland, hadana ma jiro mas’uul ku metelaya shirkan dhinacyada ka soo jeeda gobollada waqooyi, taas oo guddoomiye Cabdi Xaashi ku dhalisay in uu dalbado in lagu casuumo shirka, balse laga diiday.

Madaxda heer federaal, heer dowad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa mar kale  caawa fiidkii ah shir labaad isugu yimid. Qodobka xiga ee hadda miiska u saran madaxda ayaa ah arrinta gobolka Gedo, hadii inta caawa ah Gedo xal laga gaarana waxaa loo gudbayaa tan guddiyada doorashada.

Madaxda ayaa ka mideysan in waqtigu aad u kulaalayo, waxayna ku dadaalayaan in caawa laga gudbo is mari-waaga ka taagan arrimaha guddiyada iyo G/Gedo, kuwaas oo hadii ay u suurta gasho u sahleysa, in berri lasoo gaba-gabeeyo shirka, si madaxweyne Farmaajo uu 5-ta bishan oo Jimcaha ku beegan u hor tago baarlamaanka.

Sheekh Maxamed Idiris oo shaaca ka qaaday 5 fursad ‘oo uu lumiyey’ FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida, islamarkaana aad u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay shan fursad oo uu madaxweyne Farmaajo lumiyey afartii sano ee uu xilka hayey.

Sheekh Maxamed oo qoraal uu soo saaray waxyaabo badan kaga hadlay ayaa shaaciyey in shantaas fursad ay ahaayeen kuwa la rabay in madaxweynaha wakhtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka faa’iideysto balse ay dhaafeen, haddana waqtigu ka dhammaaday.

Fursadaha uu aaminsan yahay inuu Farmaajo lumiyay waxaa ka mid ah inuu mideyn waayay umadda kala irdhowday, sidoo kalana uu wax ka badali waayay nidaamka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Liiska Qodobada la sheegay inuu Farmaajo ku fashilmay:

1- Inuu lumiyay mideynta umadda kala irdhowday oo uu tago magaalo walba, dadka la fariisto, si la isku saamaxo, una hirgaliyo doorasho dhab ah.

2- Inuu lumiyay fursad uu uga faa’ideysan karay laba dowladood oo aad ugu dhaw, waana Qatar iyo Turkey, kuwaas oo midina ay tahay dowlad wax soo saar leh, midna ay tahay dowlad qani ah.

3- Inuu lumiyay fursad uu wax uga badalo nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyo inuu doorasho guud dalka dhan ka hirgaliyo.

4- Inuu lumiyay taageeradii faraha badnaa oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen, oo aanu helin madaxweyne ka horreeyay, wuxuuna helay taageero shacbi ah oo weyn.

5- Inuu lumiyay fursad uu ku dhisi karay ciidamo qaran iyo sugidda amniga iyo inuu wax ka qabto amniga magaalada Muqdisho.

WHO oo shaaca ka qaaday xilliga ay Soomaaliya heli doonto tallaalka COVID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay maanta shaaca ka qaaday hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga Caalamiga ah ee GAVI. Xaruntaas waxa maalgeliyey Midowga Yurub.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay hesho kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya. Hay’adda WHO, UNICEF iyo Bankiga Adduunka ayaa la sheegay inay dawladda ka caawinayaan sidii kharashkaas lagu heli lahaa.

Tallaalka 1.2 milyan ayaa lagu tallaali doonaa shaqaalaha Caafimaadka, kuwa dawladaha hoose iyo kuwa safka hore, waxayna ku filan tahay 3% dadweynaha waddanka.

W/Q: Anab Mohamed Omar, Peace activist.

Sacuudiga oo dalkiisa ka manuucay muwaadiniinta labaatan dal (Aqriso liiska)

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhaawaqday inay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan muwaadiniinta ku dhawaad 20 dal, kuwaasi oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta iyo Masar, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga.

Dalalkan ayaa waxa muwaadiniintooda looga mamnuucay Sacuudiga sababo la xiriira ka hortaga fiditaanka cudurka Coronavirus, oo muddooyinkii dambe u muuqday mid kusoo labo kacleynaya dunida.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga xayiraada lagu soo rogay dalalkaas waa mid kumeel gaar ah oo si rasmi ah u dhaqan-galeysa maanta oo Arbaca ah.

Dalalka uu albaabada ka xirtay Sacuudiga, ayaa waxa ay kala yihiin: Argentina, Brazil, Egypt, France, Germany, India, Indonesia, Ireland, Italy, Japan, Lebanon, Pakistan, Portugal, South Africa, Sweden, Switzerland, Turkey, Imaaraadka Carabta, the UK iyo Mareykanka.

Arrintan ayaa sidoo kale waxay saameyn doonta dadka socdaalka kusoo maraya dalalkaas kor ku xusan ee raba inay galaan Sacuudiga, maadama ay dowlada Riyadh xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalkaas.

Kiisaska cudurka Coronavirus ee Sacuudiga ayaa maalmihii udambeeyay sarre u kacay, iyada oo la diiwaan geliyay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof, midaasi oo soo dadajisay xayiraada ay maanta ku dhawaaqday.

Dowladda Mareykanka oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa go’aansaday inay dib usoo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga falceliyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka.

Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska ayaa sheegtay iney diyaar u yahiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, ayna doonayaan iney ka hor tagaan khatar walba oo timaada.

Ciidamadaan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxeyna usoo duuleen dhanka Soomaaliya.

Jennifer Mykins ayaa tiri: “Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanak AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar kasoo baxay madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliyga looga saaray ku dhawaad 700 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inuusan joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA:

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta billowday shirkii uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu talo-galay in looga hadlo arrimaha ku saabsan doorashooyinka, laguna xaliyo caqabadaha hortaagan sidii loo qaban lahaa doorasho la isla ogol yahay.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in shirka uu furmay, ayna u dhan yahiin xubnahii lagu casuumay, isla markaana uu shir gudoominayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxey tilmaameen muhiimadda ay Soomaalida u leedahay in wakhtigaan ay midnimo ku galaan doorashada.”

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.”

Wuxuu sheegay in shirkaan oo dhan uu ku saabsan sidii loo hirgalin lahaa heshiisyadii lagu gaaray Muqdisho 17-kii September, loona dar-dar galin lahaa sidii uu dalka doorasho loo dhan yahay u gali lahaa.

Sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday marka hore ay ka mid ayeen yahiin dhaqaalaha iyo arrimaha amniga oo muhiim u ah doorashada, sidoo kalana madaxda ay waxyaabaha kale ee muhiimka ah ka wada hadli doonaan.

Inkastoo uusan faah-faahin ka bixin hadana wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulamo wada-tashi ah la yeeshay madaxdii joogtay Dhuusamareeb inta aaney imaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba madaxtooyada waxey sheegtay in Farmaajo ay ka go’an tahay in heshiis lagu gaaro halkaan, walow dadka qaar ee siyaasadda ku jira aysan fileynin in madaxweynaha uu ka tanaasulayo waxyaabaha uu doonayo ee khilaafka dhaliyay.

Xildhibaanada Waqooyi oo saddex qodob kasoo saaray SHIRKA Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxey ku qaadaceen shirka ka billowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay usoo noqday gudoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ay garab taagnaayeen xubno kasoo jeeda gobollada Waqooyi oo uu ugu horreeyo wasiirkii hore warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa faah-faahin ka bixiyay mowqifkooda ku aadan shirka magaalada Dhuusamareeb uga furmay Dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Waxey soo bandhigeen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1- In Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu si rasmi ah ugu wargeliyay Madaxda Heer Federaal & Heer dowlad goboleed in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay doonayaan iney kasoo qeyb galaan shirka , balse Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu u sheegay in uusan kujirin Madaxda lagu casuumay shirkaas.

2- In ay si adag u diidan yihiin in aan loo dhameyn ka qeyb-galka shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka maqan tahay matalaada gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

3- In Madaxda shireysa, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in la isugu yimaado shirweyne Qaran.

Intaas kadib gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan loo dhameyn shirka ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuusan wali aqoonsaneyn Aqalka Sare kaas oo dhex-dhexaad ka ah siyaasadda dalka.

Go’aanka siyaasiyiinta Waqooyi ayaa imaanaya xilli maanta uu magaalada Dhuusamareeb ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka laguna xalinayo caqabadaha hortaagan in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

Indha-Cadde oo shaki weyn geliyey cidda dishay Gen. Galaal, shaaciyey xog culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa shaaciyey tuhun ku saabsan cidda ka danbeysay dilka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, 31 Janaayo 2021.

Yuusuf Indha-cadde ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka wax uga dhaceen Hotelka Afrik, wixii lagu arkay meydkii Jeneraal Galaal iyo waxa uu ka aaminsan yahay cidda geysatay dilka Jeneraalka oo qolkiisa oo ka mida Hotelka Afrik loogu tegay meydkiisa.

Wuxuu sheegay in Jeneraal ay dishay hal xabbad oo qadaadka dhinaca danbe (Qoorta) looga dhuftay, taasina aysan suuragal ahayn qof dagaalamaya in gadaal laga toogtay, wuxuuna intaas ku daray arrimo shaki badan ku abuuray oo ah xaaladii loogu tagay Qolkii Jeneraalka.

“Jeneraalka wuxuu ku sugnaa barandada qolkiisa, Barandada waxaa loogu tegay oo yaallay meydka Jeneraal Galaal, waxaana kor saarnaa Nin Shabaab oo Bam F1 ah watay, waxaa kaloo meel 1 Mitir u jirta yaallay nin kale oo meyd Alshabaab ah, waxaan aaminsanaa inuusan ninkaasi meeshaas ku dhiman ee la keeenay meesha,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde oo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho.

Wuxu sheegay inuu dilka Jeneraal Galaal ku tuhunsan yahay ciidamada dowladda, taasina uu ku caddeynayo laba sabab. “Jananka iyo ninka Shabaabka ah ee watay bambada qol yar oo 2 Mitir ayey ku wada jireen..waxaa is-weydiin leh sidee dad dagaalamaya hal qof ugu wada dhinteen..?” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde.

Jeneraal Indha-cadde ayaa sheegay in sariirta ninka meydka ah ee Al-Shabaab lasoo dhigay lagu arkay faro dhiig leh oo cuskaday, kuna sawirmay sariirta, wuxuuna ku dooday in labada nin ee meydadka Al-Shabaab lasoo qaaday oo meesha la geeyay oo ah qolka Jeneraal Galaal.

Wuxuu qirtay in maleeshiyada Al-Shabaab markii ay galeen Hotelka ay toos u abaareen qolka uu deganaa Jeneraal Galaal, dagaalka uu dhex maray, wuxuuna intaas ku daray in Jeneraal Galaal uu diyaarsanaa, kuna hubeysnaa qori AK 47 ah iyo bambooyin, uuna aamiinsan yahay inuu raggaas Al-Shabaabka isagu dilay, sida uu yiri.

Isagoo ka hadlayey dagaalkii ay ciidamada dowladda ku galeen Hotelka ayuu caddeeyay in muddo markii aanay wax rasaas ah dhicin, mar kaliya xabado la maqlay, kadibna ciidamadu sheegeen in qofkii u dambeeyay la dilay oo lagu yaacay Hotelka.

Wuxuu Jeneraal Yuusuf Indha-cadde shaki badan ka muujiyey in qorigii Jeneraalka la qaatay iyo in Hotelka oo dhan ay ciidamadu xaalufiyeen wixii qaadmi karay oo dhan ka qaateen, ayna wax lala yaabo ahayd in Kaamerooyinkii ku xirnaa Hotelka la burburiyey oo waxba aan looga tegin.

“Ma dhahayo madaxda dowladda ayaa amartay in la dilo Jeneraal Galaal, laakiin waxaan dalbaneynaa in baaritaan lagu sameeyo sidii ay wax u dhaceen…” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Indha-cadde.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Guuleeed oo kashifay waxa uu Farmaajo ‘ka damacsan yahay’ kulanka xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ahna hogaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee SAHAN ayaa ka cabsi qaba in Farmaajo uu qorshe ka damacsan yahay kulanka uu isugu yeerayo labada aqal ee Baarlamaanka.

Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo uu fadhigaas ku carqaladeynayo natiijada kasoo baxda shirka magaalada Dhuusamareeb, inkastoo uu soo dhaweeyay shirka Dhuusamareeb 4.

Sidoo kalana wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha baadi goob ugu jiro muddo kororsi, balse uu kalsooni ku qabo in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tallaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday, kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed, sida uu yiri.

Dhanka Madaxweynahii hore Galmudug wuxuu Farmaajo ku bogaadiyay tallaabada wanaagsan ee uu u qaaday inuu shirka iclaamiyo, aheydna arrin mar hore loo baahnaa, isla markaana uu rajeynayo iney soo afjarto mushkiladda hareysay arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu rajeynayo in si wanaagsan loo wada hadalo, la isku tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho lagu wada qanci karo ay ka dhalato.

QORAALKA CABDIKARIIM HUSSEIN GUULEED AKHRISO:

Madaxweynuhu talaabo fiican ayuu qaaday hadii uu shir isugu yeeray madaxda maamul Gobolleedyada. Waxey aheyd arrin loo baahnaa xilli hore. Marar badan ayaan ugu baaqnay inuu dadka isku raadiyo oo uu odeynimo muujiyo inta uusan waqtigu ka idlaanin. Shirka Dhuusamareeb4 waa inuu noqdaa mid soo afjara mushkiladda doorashada oo ay markii horaba madaxtooyadu gacanteeda ku abuurtay.

Waxaan rajeyneynaa in dhab loo wada hadlo, la isu tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho oo ay ku wada qanci karaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waa in laga heshiiyaa saddexda mushkilad ee hortaagan doorashada. Waa Guddiyada, arrinta Gedo iyo maamulka kuraasta gobollada Waqooyi.

Dhinaca kale waxaa shaki iyo mugdi xambaarsan kulanka uu madaxweynuhu ugu yeeray labada Aqal 5ta Febraayo. Taas oo loo arko arrin la rabo in lagu carqaladeeyo wax walba oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb4, laguna baadi goobayo muddo korarsi. Waxaanse ku kalsoonahay in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tilaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed.

Haddaba madaxweyne waxaan leenahay fadlan adigoo aan arrintaas waqti ku lumin, fursadaadii ugu dambeysay waxey taalaa Dhuusamareeb ee ka faa’iideeyso.

Talaabo walba oo aan sharci aheyn, waxay dhali kartaa talaabo kale oo aan sharci aheyn. Waxaan si cad u leenahay madaxweynaha ka joogso jihadaas qaldan, oo ha khaarijin fursadda Qaranka.

Shabaab oo ku jabay weerar ay ku qaadeen saldhigga militeriga Somalia ee Bariire

0

Bariire (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay ku dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsaa Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Bariire.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay ka war-heleen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo ah, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Ciidamada deganaa saldhigga Bariire oo ka tirsan Ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka ayaa sii baacsaday dagaalamayaashii soo weeraray ee Al-Shabaab, waxayna saraakiisha ciidamadaas sheegeen in illaa 40 KM ay sii raacdeynayeen, isla maraana ay gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac badan.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka dileen 16 dagaalame.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay in ugu yaraan 20 kale ay uga dhaawaceen howlgalkii ay uga hor tageen weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ee ku yaalla Bariire.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in hadda ay ciidamada dowladdu howlagllo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano hoos taga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka midyihiin Shaam iyo Baladul-Aamiin oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Biixi oo shaaciyey maalinta doorashada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u meel-mariyay waqtiga ay deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo deegaanka, oo muddooyinkii dambe uu ka taagan muran hor leh.

Madaxweyne Biixi ayaa xeer madaxweyne ku meel-mariyey arrintaas, wuxuuna go’aamiyey in doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada Somaliland 31-ka bisha May ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.