24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Biixi oo shaaciyey maalinta doorashada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u meel-mariyay waqtiga ay deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo deegaanka, oo muddooyinkii dambe uu ka taagan muran hor leh.

Madaxweyne Biixi ayaa xeer madaxweyne ku meel-mariyey arrintaas, wuxuuna go’aamiyey in doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada Somaliland 31-ka bisha May ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021. 

Galmudug oo ciidan geysay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay lagu daadiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee  gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqy culus ka bilaabeen deegaanada hoos yimaadaan magaaladaas oo ay shir ku leeyihiin madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Ujeedka ah sidii ay ciidamadaasi uga hortegi lahaayeen weerarada hoobiyeyaasha ee ay dagaalamayaasha Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howl-gallo ballaaran ka wada xaafadaha qaar ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu sugayo amniga guud ee degmadaasi.

Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta ka furmayashirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo diirada lagu saarayo doorashada.

Si kastaba habeen hore ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Al-Shabab oo weerar culus ka fulisay degmada Balcad

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhex ayaa sheegaya in xalay weerar iyo dagaal toos ah uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi.

Weerarka oo qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihin dhanka waqooyi e degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in weerarka kaddib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee degmada Balcad.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliso inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddiga kheyraadka ee BF oo diiday xil ka qaadistii guddoomiye Ibraahim Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kheyraadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sharic darro ku tilmaamay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen, kaas oo xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa qoraalkan Ra’iisul wasaare Rooble uga dalbaday in arrintaan uu dib ugu noqdo, maadaama xilka guddoomiyaha looga qaaday shirka golaha wasiiirrada 21-kii bishii Janaayo, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah.

“Guddiga kheyraadka Dabiicigaa & Bii’ada ee baarlamaanka federaalka waxaa soo gaartay khilaaf xoog leh oo mudo ka dhexjiray hay’adda Betroolka Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka, kaas oo ku saabsanaa kala madaxbanaanshaha hay’adda iyo wasaaradda, taas oo gabagabadii sababtay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii hay’adda, xubinimadii guddigana laga saaray si aan sharciga waafaqsaneen” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

“Guddiga asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku xusan Qodobada kala duwan dastuurka. Guddiga wuxuu soo saray qodobadan hoos ku xusan.”

  1. Arimaha la Xiriira xil ka qaadista:
  2. Guddiga markuu si qotodheer uga baaraandagay qodobada 116 (A iyo B) ee Dastuurka JFS, Xeer Madaxweyne Lr. 328 ee 22/11/2020 (Fiiri Lifaaqa 3aad) iyo Qod.19(3),(x) ee Sharciga Betroolka, Dhageysanay jawaabihii iyo warbixintii wasiirka ee la xiriiray xil ka qaadista Gudoomiyaha Hay’adda, guddiga waxaa u cadaatay in xil iyo xubin ka qaadistii loo geystay Guddoomiyaha Hay’adda aysan ku fadhinin wax sabab ah oo maangal ah oo sharciga waafaqsan.
  3. Sidaas daraadeed, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka waxaa xaq sharci ah loogu leeyahay in arintaan uu dib u eegis ku sameeyo gudoomiyahana loo fasaxo in uu shaqadiisa sii wato si loo ilaaliyo kalsoonida Golaha sare ee Kheyraadka Dalka (Dawlad Goboleedyada) iyo Kalsoonida Maalgashadayaasha Caalamiga ah (Shirkadaha).
  4. Guddiga waxaa u muuqday in Wasaaraddu ku takrifal awoodeed ku qaadatay xilkii Hay’adda Betroolka Soomaaliyeed sida ku cad qod. 19 (14), Qod. 20aad, Qod 24aad (1), (2) ee Sharciga Batroolka JFS sidaa daraadeed waxaa la xasuusinayaa Ra’iisul wasaaraha JFS in uu si adag u korjoogteeyo uuna xaqiijiyo madaxbanaanida Hay’adda iyo in ay ka dhex abuuranto HBS iyo Wasaaradda xiriir iskaashi iyo wadashaqeyn damaanaq qaadaya Danta Guud iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka.
  5. Arimaha Miisaaniyadda:
  6. a) Waxaa la farayaa Hantidhawraha Guud ee Qaranka in uu soo xaqiijiyo lacagtii 28% aheed ee la hubiyay in ay ka maqantahay gunada xubnaha Hay’adda Betroolka ee lagu ansixiyay miisaaniyadii ku celiska aheed ee 2020.
  7. b) Miisaaniyaddii 2021 ee Golaha Shacabka u ansixiyay Hay’adda Batroolka Soomaaloyeed madax maaliyadeed u madax banaantahay (Fiiri Lifaaqa 2aad) ayaa Wasiirka Betroolka si aan waafaqsaneyn xeerka Miisaaniyadda iyo shuruucda dalka kula soo wareegay miisaaniyadii sidaas daraadeed Waxaa la farayaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda in qoondada Miisaaniyadii 2021 ee loo ansixiyay HBS uu dib uga soo celiyo kuna dhaqangaliyo siduu Golaha Shacabka ku ansixiyay.
  8. Guddigu wuxuu yaqiinsaday inay wasaaradda ka tageen ama shaqada laga eryay (Arag lifaaqa 4aad) mas’uuliyiin iyo khubaro ku xeel dheeraa arrimaha batroolka iyo maalmulkooda, wasaaradiina aqoon guur ku dhacay {Institutional Memory Lost} sidaas daraadeed waxaa Ra’iisul wasaraha lagula talinayaa in uu u kuurgalo habsami u socodka xiriirka shaqo ee u dhaxeeya quburada aan wasaaradda looga maarmin iyo Wasiirka

Wasaaradda Batroolka.

  1. Guddigu wuxuu yaqiinsaday saacada yar ka dib, markii lagu dhawaaqay xil ka qaadista Guddoomiyaha HBS in wasaaraaddu xirtay Mareegtii (Website) Hay’adda iyo Cinwaanadii (E-mail accounts) ee Guddiga Maamulka Hay’adda xilli ay socoto wadaxaajoodka iyo ku qancinta maalgashadayaasha in ay Dalka maalgashadaan. Sidaa daraadeed guddiga wuxuu farayaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta in uu si degdeg ah u furo Mareegtii (Website) Hay’adda, ciddii falkaas ka dambeysayna lagula xisaabtamo

(Arag lifaaqa 5aad).

  1. Maadaama uu dhamaaday mudo xileedkii Xukuumadda, xili doorashana lagu jiro, xeer nidaamiyayaashii sharciga Batroolka JFS farayay in la sameeyo aan weli la diyaarin (sida Fiscal regime, Environmental law, License Bill and others) sida ku cad Qod. 45 ee Sharciga Batroolka, sidaas daraadeed guddiga kheyraadka wxuu Ra’iisul wasaaraha JFS kula talinayaa in uusan ogolaanin in heshiis shidaal la galo si feejigana uga ilaaliyo in ay wasaaradda gasho heshiisyo calami ah oo aan waafaqsaneen danta guud , Qatarna galin kara ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka.

DF SOOMAALIYA oo war kasoo saartay dib u dhaca ku yimid shirka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb iyo dib u dhaca xalay ku yimid.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in arrimo farsamo darteed uu u baaqday furitaanka shirka, gaar ahaan sababo la xiriira safarka madaxda qaarkood oo soo daahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay daalanaayeen labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wasiirka warfaafinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socoda, islamarkaana laga wada-hadli doono doorashooyinka.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan caasimada Galmudug.

Shirweynahan ayaa lagu waday inuu dhaco 1 illaa 3 bishaan, si loo guda-gallo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee 2021-ka, hayeeshee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada ee taabacsan dowladda ayaa yeeshay kulamo gaar ah.

Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Xog: Deni iyo A/Madoobe oo go’aan laga gaarayo iyo wararkii u dambeeyey shirka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in madaxda ku sugan Dhuusamareeb markii laga reebo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay go’aansadeen in shirka la furo 10:00 am – barqanimo ee maanta.

Sida aan xogta ku helay madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa waxay isku raaceen in labadaas madaxweyne lagu qanciyo inay ka soo qeyb galaan furitaanka shirka hadii ay diidaana laga socdo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa doonaya inta aan la furin shirka in xal laga gaaro shuruudo ay wataan. Shuruudahaas waxaa laga xusay inay doonayaan in shirka kahor la iska fahmo metelaada gobolka Banaadir, arrinta gobolka Gedo oo Axmed Madoobe doonayo in deg deg loo xaliyo iyo in deegaan doorashooyinka lagu soo koobo hal magaalo.

Axmed Qoor Qoor oo xalay loo diray labadan madaxweyne ayaa shuruudahaas kala kulmay Axmed Madoobe, halka Saciid Deni uu iska diiday inuu qaabilo, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dhinaca kale, waxaa xalay dhacay  kulan ay yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Inta badan kulamadaan waxay madaxdu isaga xog wareysteen khilaafka ka taagan doorashada dalka, inkastoo aan faahfaahino dheeraad ah laga helin, waxyaaba ilaa hada lagu go’aamiyey kulamadii xalay.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa xalay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ugu tegay guryaha ay ka degan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horeyn Qoor Qoor ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna halkaas ku yeesheen shir mudo kooban socday oo saxaafadu ay dibad joog ka aheyd.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa isla xalay hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ugu tegay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, isagoo la qaatay shir aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii looga hadlay.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna shirar gaar gaar ah saacadihii la soo dhaafay magaalada Dhuuamareeb kula qaatay inta badan madaxda ka qeyb geleysa shirka Dhuusamareeb.

 

Taiwan iyo Somaliland oo bilaabay fulinta ‘qeyb ka mid ah’ heshiiski buuqa dhaliyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan iyo Somaliland ayaa bilaabay hirgelinta qeybo kamid ah heshiiskii iskaashi ee hore u saxiixdeen, kaasi oo qeyb ka ah barnaamiyada horumarineed, isla markaana ku qotoma kor u qaadida wax soo-saarka beeraha Somaliland.

Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madax ka tirsan safaaradda Taiwan ayaa maanta kulan wada-jir ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay barnaamij cusub oo ay sheegen in beeralayda Somaliland uu sarre u qaadayo wax soo saarkooda.

Rooble Cabdi Muuse, Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruucyo uu maamulka sheegta madax-banaanida ee Twain ka hirgelinayo Somaliland.

“Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah,” ayuu yiri Agaasime Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan.”

Mashruucan ayaa waxa beeralayda Somaliland ka caawin doona sidii ay usoo saari lahaayeen wax soo saar badan, iyaga oo dhul kooban wax ku beeraya, kaasi oo kor u qaaday dakhliga iyo wax soo saarka beeraha.

Xog: Dalabyo xasaasi ah oo ka yimid Deni iyo Axmed Madoobe oo caawa baajiyey furitaanka shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaa lagu balansanaa in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka furmo Dhuusamareeb, balse maxaa dhacay?

Dhammaan madaxda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ayaa isugu tegay madaxtooyada Galmudug si loo furo shirka, balse cudur-daar ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayuu caawa u baaqday furitaankii shirka.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa fiidkii hore ee caawa loo diray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, si furitaanka shirka ay uga qeyb galaan, waxuuna ku hor maray Axmed Madoobe oo ka caga jiiday inuu aqbalo dalabka Qoor Qoor.

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu qaabilo madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo loo diray, waxuuna u sheegay inuu daalanyahay.

Labadan madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka caga jiidaya in la furo shirkaas iyadoo aan is faham laga gaarin arrinta metelaada gobolka Banaadir iyo tan gobolka Gedo oo Axmed Madoobe uu dalbanayo in deg deg loo xaliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan saxiixay sharci ka yimid baarlamanka oo 13 kursi oo Aqalka Sare ah siinaya gobolka Banaadir, waxaana aad loo rumeysnaa in tani ay kasoo horjeesan doonaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata inay hadda taas dhacday.

Arrinta gobolka Banaadir ayaa khilaafka kusii dareysa midd gobolka Gedo, oo horey u aheyd mid ka mid caqabadaha hortaagan in heshiis laga gaaro doorashada.

XOG: DF oo shirkadaha diyaaradaha ku amartay in aysan qaadin Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xalay Xukuumada Soomaaliya ay shirkadaha duulimaadyada amar ku siisay in aysan qaadi karin guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay warqad u diray Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo u sheegay in uu ku soo wajahan yahay Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirka, oo aan lagu casuumin, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu maanta baxo.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa maanta shirkaas ka baaqday kamana bixin Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay heleen amar kasoo baxay xukuumadda oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, iyadoo kadibna lala wadaagay shirkadaha duulimaadyada dalka. 

Xubno ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha uu sidoo kale jawaab ka waayay Madaxweyne Qoor Qoor iyo islamarkaana uu dareemay in uusan madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneen ka qeyb-galkiisa shirka Dhuusamareeb. 

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkaan xalay uu soo gaaray islamarkaana ay fuliyeen. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka bixin xafiiskiisa maanta lamana oga inuu xog helay iyo inuu iska joogay. 

Cabdi Xaashi ayaa ku adkeysanayey inuu shirkaas ka qeyb galo si uu wada-hadallada ugu matalo gobollada waqooyi, inkasta oo aan lagu casuumin.

Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay dilkii Galaal iyo qaraxyada Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka militeriga Somaliland, ayaa ka hadlay qaraxyada Muqdisho iyo dilkii Jeneraal Galaal.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka xunyihiin dadka lagu laynayo magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii Jeneraal Galaal iyo dadkii lala dilay.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa bulshada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyey Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, isagoo tilmaamay Jananku ahaa oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka.

“Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyadda Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya ee dhiigoodu daadanayo ee muslimka ah, ee aan mid mid u garanayno, kuwaas oo ay u dambeeyeen kuwii lagu laayey Hotelka Afriik.”

Madaxwaynaha Somaliland ayaa khudbadiisa sidoo kale ku sheegay in ay wax la qaban la haayeen madaxda Soomaaliya haddii ay ku fikiraan in Somaliland masiirkeeda ay u madax banaantahay.

“Soomaaliya waa dad aynu jaarnahay oo muslim ah, dhibaatada gaaree way na damqineysaa, haddii itaal wayn aynu leenahay, iyaguna ay garanayaan waxaan isku nahay, dadkooda iyo dowladooduna siday u fikirayaan si ka duwan u fikiraan. Maanta tabaaladooda iyo waxtarkooda dadka ugu dhow ee qaban lahaa ayaynu nahay,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka Daawo

Weerar lagu dilay askar badan iyo darawalo oo ka dhacay gobolka Sh/HOOSE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooye, taas oo ay sii marto wadada dhinaca galbeed uga baxda Afgooye ee aadda Wanlaweyn.

Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9-qof oo laba ka mid ah ay ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee Dhuxusha qaada.

Toddobada qof ee kale waxaa la sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo Al-Shabaab ka difaacayey gaadiidkaas si aysan u gubin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in laba askari oo kale uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay rogmadeen seddax gaari oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Indha-Tareega (N3) oo dhuxul siday, kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Idaacadda VOA u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarka wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale, Al-Shabaab oo loo maleynayo inay weerarkan geysteen ayaan weli wax war ah ka soo saarin.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore gobolka Shabeellada Hoose ku gubay gaadiid dhulxul u siday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay gubaan gaadiidka raashinka u qaaday gobollada ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool.

Mid ka mid ah saraakiishii ugu sarreeyey ciidamada Abu Mansuur oo la dilay

Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dilay sarkaal ka mid ah mas’uuliyiinta hogaamisa ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo muddo sanado ah u xiran dowladda Soomaaliya. 

Dilkaan ayaa xalay fiidkii hore ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kadib markii la weeraray guri uu daganaa sarkaalka oo lagu magacaabo Cali Xasan Dooyow. 

Weerarka oo ahaa gaadmo ayaa lagu qaarjiyay mas’uulkaan oo laf dhabar u ahaa hogaaminta dhanka ciidanka islamarkaana sanado badan ka soo barbar dagaalamay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadkii 2018 laga soo xiray Baydhabo. 

Mas’uuliyiinta amaanka ee magaalada Baydhabo wali si shaacsan faah faahin ugama bixin arrintaan waxaana aad looga hadal haayaa degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaa gobalada Baay iyo Bakool. 

Ciidamada Mukhtaar Roobow ayaa dagaal iyo cadaawad ay kala dhaxeysay Al-Shabaab tan iyo markii uu wadaadkan ka baxay kooxdan.

Daawo: Taliyaha ciidanka dhulka oo weerar culus ku qaaday Ismaaciil C. Geelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku tagay fariisimaha ciidanka xooga ee ay ku leeyihiin duleedka Beled-xaawo, halkaas oo toddobaadkii hore dagaal ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Taliye Tahliil ayaa sheegay in duleedka Beled-Xaawo ay isku aruursanayaan maleeshiyaad uu sheegay in dowladda Kenya ay gadaal ka riixeyso, kuwaasi oo raba inay carqaladeeyaan amniga ka jira gobolkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Generaalka ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu dano siyaasadeed oo uu xukunka ku dheereysanayo ka leeyahay warbixintii ay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD kasoo saareen xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gar-daran, Shacabka Soomaaliyeed u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadlay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunkiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in natiijada warbixinta guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u saartay xiisada labada dal ay qeyb ka noqdeen shirqoolka xil dheereysiga madaxweyne Geelle, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dhigeeda Jabuuti u jeedisay eedeyn tan lamid ah, taasi oo ay ku sheegtay inay la safatay dowladda Kenya, maadama guddigaasi xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo badankoodu ay ka socdaan Jabuuti.

Guddigaas ayaa waxa lagu iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti, waxayna dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay warbixintoodii mid lala yaabo, isla markaana sheegtay inaysan dhex-dhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.

Dhacdo aabe iyo wiilkiisa ku dhex-martay Sh/Hoose oo sababtay dhimasho

0

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib xabado ka baxsaday qori AK47 ah oo ay isku qabsadeen Aabe iyo wiilkiisa, degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah, aabaha iyo wiilka ayaa isku qabsaday qorayga, taasna waxey keentay iney dhawr xabadood ka dhacdo, waxeyna waxyeello u geysatay dadkii ka agdhawaa goobta.

Sidoo kale qofka noo warramay wuxuu sheegay in dadka degmada Wanlaweyn ay aabaha uga dacwoodeen wiilkiisa oo ka tirsan ciidanka degmada, taasna ay keentay in aabaha uu isku dayo inuu qorayga xoog uga qaado.

Labada qof oo ay waxyeellada soo gaartay, markii hore dhaawac ahaan ayaa loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, balse Siid Cali Xuseen Cabdulle ayaa geeriyooday inta aan lasoo gaarsiin xarumaha caafimaadka.

Cabdalla Boorow oo ah taliyaha Booliska dagmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney ku raad joogaan aabaha iyo wiilkiisa oo kadib dhacdada goobta ka baxsaday.

‘Is-rasaaseyn ka dhacday xuduudda iyo laba askari oo Kenyan ah oo la toogtay’

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in laba askari oo ka tirsan kuwa xuduudaha ilaaliya ee Kenya lagu dhaawacay xadka Soomaaliya ee dhanka Beled-Xaawo, waxayna ku eedeeyeen toogashadan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wargeyska The Star ayaa qoray in ciidamadan la toogtay ayaga oo ilaalinaya xuduudda. Sida wargeyska kasoo xigtay saraakiil Kenyan ah, ciidamadan ayaa xadka ka qabtay laba gabar oo Soomaali ah oo doonayey inay usoo gudbaan dhanka Kenya. Intaas kadib ayaa waxaa ayaga oo su’aalo weydiinaya soo dhex-galay ciidamada Soomaaliya, oo ka dalbaday inay gabdhaha sii daayaan.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa kadib xigay muran, taasi oo keentay in ciidamada Soomaalida ay rasaas soo furaan, kadibna dhaawacaan laba sarkaal, sida lagu yiri qoraalka.

Sida ay sheegeen saraakiisha Kenyan-ka, labada askari oo lugaha ka dhaawacmay ayaa waxaa hadda lagu daweynayaa isbitaalka Mandera Referral Hospital.

Darawal taksiile ah oo goobta ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta ayaa dhanka kale sheegay in ganacsatada iyo booliska ay murmeen ka hor inta aysan xabadda bilaaban.

Qofkan oo magaciisa la qariyay sababo amaan darteed, wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin cidda rideysay xabadaha, balse ay ka imaanayeen dhanka ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan xadka labada dal.

Saraakiisha Kenyan-ka ee wargeyska The Star la hadlay ayaa sheegay inay ciidankooda amreen inay ka jawaabin dhacdadan ama aysan aargudan, si aysan xiisadda uga sii direen, siida warbixinta lagu sheegay.

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Kenyan-ka, sidoo kalena ciidamada xoogga dalka weli kama aysan hadlin dhacdadan, oo dhacday shalay.

Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo ay xiisad xooggan ka dhex oogan tahay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo salka ku haysa ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ee ay Kenya ay ku hayso Mandheera.

Sarkaalkii ka dambeeyay in Shabaab madaafiic ku riddo Dhuusamareeb oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheyn oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 15-aad ee qeybta 21aad iyo Ciidanka Gor-Gorqeybta ay ka fuliyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Howl-galkan oo yimid kadib markii xalay dagaalyahanada Shabaab ay hoobiyeyaal kusoo tuureen magaalada Dhuusamareeb oo ay xiligaasi ku sugnaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa waxa lagu baacsaday dagaalyahanadii ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha.

War kasoo baxay taliska Ciidamada qeybta 21-aad ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada ay howl-galkooda ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ku jiray sarkaalkii u qaabilsanaa deeganada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Sarkaalkan ay sheegeen in ciidamadu dileen ayaa waxa lagu soo koobay Cabdi Naasir, wuxuuna ahaa madaxii ka dambeeyay hoobiyeyaashii xalay lagu tuuray Dhuusamareeb.

Waxaa intii uu socday howl-galka uu dagaal kooban dhexmaray ciidamada isku dhafka ah ee dowladda iyo xubnaha Shabaab ee qaarkood la dilay.

Sidoo kale waxa uu taliska ciidamada uu sheegay in howl-galkaas ay ciidamadu kusoo qabteen dhaawaca xubin ka tirsan Shabaab iyo Afar qori oo ay xubnahaasi wateen.

Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana magaalada kusoo dhacay illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarkan hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacmeene afar qof oo shacab ah.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor-Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wada-tashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka u furmo si rasmi ah, waxaana magaalada Dhuusamareeb ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa.

Sidoo kale waxa kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo iyagu qeyb ka ah shirka wada-tashiga ee looga hadlayo is-mari-waaga doorashada oo muddooyinkii dambe marayay meel xasaasi ah.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo waddooyinka muhiimka iyo xaafadaha qaar lagu daadiyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, oo ka wada-shaqeynaya xaqiijinta amniga.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeys ah looga gaaraya xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu hore u qaadacay hanaanka doorashada, balse kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka.

Waxaa isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb, maadama uu khilaafka doorashada xiisad cakiran ka abuuray dalka, xili maalmo tirsan ay ka harsan yihiin muddo xileedka madaxweynaha.

Dagaallo khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaare geystay uu markale dib uga qarxay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Galinsoor iyo Dhabad, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Dhanka kale waxaa dagaal kale oo u dhexeeyo beello walaalo ah uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee isla gobolka Galgaduud, kaas oo galay maalintii 3-aad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay isaga barakaceen guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalladaasi oo ah kuwa soo noq-noqday.

Weli ma jiro wa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi.

Inta badan Galgaduud iyo Mudug waxaa kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sawirro: Axmed Madoobe oo ka dagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Axmed Madoobe oo kasoo kicitay Kismaayo ayaa waxaa garoonka gaaroonka diyaaraha Dhuusamareeb uga hortegay dhiggiisa Galmudug Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasi kadib ayaa waxaa madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga Dhuusamareeb loo galbiyey dhinaca xarunta maxtooyada maamulkaasi.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in magaaladaasi uu gaaro madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo isna ka qeyb-galaya shirkaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan ku sugan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada dalka.

Shirka Dhuusamareeb oo diirada lagu saarayo khilaafka ka taagan doorashada ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo gelinta dambe ee maanta, sida uu qorshu yahay.

Sawirro: Kulan xalay dhacay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka, oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dhammaan xubnaha xalay shiray ay yihiin xulufo isku dhinac ka ah is-mari waaga ka taagan doorashada, ayada oo saddexda madaxweyne goboleed ee xalay la kulmay Farmaajo ay yihiin kuwa uu soo dhistay, uuna wehliyey ra’iisul wasaaraha uu magacaabay.

Waxaa la filayaa in maanta ay Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ayagana isku dhinac ah.