24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Sheekada muragada leh ee lamaanihii sagaalka maalin kaliya is-qabay ee lagu dilay weerarkii Hotel Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa arrin murugo iyo uur ku taalo ku reebtay qoysaska lamaane is calfaday oo labo qaaradood jaceyl isaga keenay, kuwaasoo sagaal maalmood kaliya Illaahey isu qoray inay wada noolaadaan.

Masiibadii habeenkii Axada ka dhacday hotelka Afrik ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad kala duwan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo sagaal maalmood ka hor guurkooda ka dhacay magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii Hotel Afrik maalmaha malabka ku qaadanayay hotelka.

Fahad ayaa wuxuu ka tegay dalka Holland si uu magaalada Muqdisho ugula aqal galo lamaanahiisa Farxiya Cali, waxaana meherkoodu uu dhacay sagaal maalin ka hor sida uu Caasimada Online u sheegay madaxa shirkadda Arag Rijopleidingen Ridwaan Maxamed Xasan oo saaxiibo isla soo koray ahaa marxuumka.

Lamaanahaan oo ka mid ahaa dadkii hotelka deganaa ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kooxihii weerarkii fuliyay ay si arxan daran ay qolkii ay ka deganaayeen hotelka ugu dileen.

Allaha u naxariistee Fahad C/raxmaan oo Somalia kasoo tegay sanadkii 1995-kii ayaa aheyd markii ugu horeysay ee uu ku laabto Muqdisho, si uu halkaasi ula soo aqal galo qofkii uu dunida ka doortay, hase ahaatee nasiib daro sagaal maalmood kadib, wuxuu ku baxay gacan ka xaq daran isagoo hamigiisii gaarin.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo sheegtay in dadkii ay hotel Afrik ku dileen ay ahaayeen saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Ali Muhiyaddiin
London, United Kingdon
[email protected]

Qodobadiii uu soo saaray Farmaajo rajo beel ma ka dhigayaan shirka furmaya?

0

Samareeb (Caasimadda Online) – Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida waxey durba fahmayaan in shirka la iclaamiyay ee maanta ka furmaya Dhuusamareeb aysan kasoo bixi doonin natiijo waxyaabaha jira dhan lagu xaliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray shan qodob oo uu ku iclaaminayo shir ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo la rabo in lagu xaliyo wax walba oo ku gudban doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha wuxuu iclaamiyay in shirka uu ka socon doono magaalada Dhuusamareeb inta u dhaxeysa 1-da ilaa 3-da 2021, iyadoo la joogo 30-ka January, waxeyna dadka ka hadla arrimaha siyaasadda u arkeen, wakhtigaas yar inaan loogu talagalin in natiijo lagu qanci karo kasoo baxdo.

Marka hore waxey sheegeen iney tahay wax cusub in la sheego wakhti uu bilaabanayo iyo wakhti uu dhamaanayo shir wadatashi oo la rabo in lagu xaliyo arrimo masiiri ah, lana rabo in xal looga gaaro arrimo 4 bilood ay dowladda xalin weysay oo khuseeya xilliga kala guurka iyo doorashada.

Waxaa la leeyahay wakhtiga oo 3 maalmood ah, la iclaamiyay laba maalmood ka hor wakhtiga, in madaxda u baahan yahiin iney isku diyaariyaan maadaama uu yahay shir looga hadlaayo arrimo waaweyn, waxey dadka qaar ula muuqataa inuusan shirku aheyn mid xalka la filayo lagu raadinayo.

In beesha caalamka soo faragaliso arrimahaan, isla markaana ka shaqeyso hanaanka ku aadan doorashooyinka iyo in dalka laga samatabixiyo marxaladda kala guurka ah waxey ku timid in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo bixi waayay doorkii loo magacaabay.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay inay magaalada kusoo dhaceen illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarkan hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacmeene afar qof oo shacab ah.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan madaxweeyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, iyo madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo ka qeyb-galaya shirka berri furmaya ee looga hadlayo muranka doorashada.

Illaa iyo hadda lama sheegin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay aagga madaxtooyada Dhuusomareeb iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda, hase yeeshee waxaa la sheegay inay cabsi xooggan ka jirto, kadib markii si xooggan looga maqlay jugta madaafiicda.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.

Ciidamada HirShabeelle oo xiray gabar la dhalatay madaxweynihii hore

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka booliska maamulka HirShabeelle ayaa shalay xeray saddex gabdhood oo kamid ah tobaneeyo dhallinyaro ah oo banaanbax ka dhigay magaalada Beladweyne. 

Gabdhaha shalay la xiray ayaa lagu kala magacaabaa. 

1- Deeqo Cabdi Waare, oo la dhalatay Madaxweynihii xilka ka dagay ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.
2- Xamdi Cilmi Loos, oo la sheegay in ay tahay xaamilo sideed bil ah.
3- Ruun Sagal Geed oo xalay habeen barkii laga soo daayay xabsiga dhexe ee Beladweyne waana hooyo heysata 3 carruur ah. 

Haweenka HirShabeelle gaar ahaan kuwa Beladweyne ayaa wajahaya xadgudubyo waa weyn oo isugu jira xarig, jirdil iyo handadaad waxaana loo diidanyahay ka qeybgalka banaanbaxyada maamulka looga soo horjeedo. 

Maamulka HirShabeelle wali kama uusan hadlin arimaha ka taagan Beladweyne waxaase loogu baaqay in ay joojiyaan dhibaateenta dumarka.

Barakac ka bilowday Gedo kadib hadalkii wasiir Janan

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shacabka gobolka ay billaabeen iney barakacaan iyagoo ka cabsi qaba inuu mar kale dagaal ku qabsado guryahooda.

Cabsida dadka gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Beled Xaawo ayaa kusoo aadeysa xilli wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu iclaamiyay weerar ka dhan ah ciidamada dowladda ee jooga Gedo, isla markaana uu shacabka reer Gedo ugu baaqay iney isaga fogaadaan aagga dagaalka.

25-kii bishaan ayey aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay magaalada Beled Xaawo halkaas oo ay Ciidamada dowladda ku adkaadeen, sidoo kalana ay gacanta ku dhigeen ciidamo isku soo dhiibay.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee dhanka dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Garee ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kalaba ay bilaabeen ine isaga cararaan gobolka.

Wuxuu ku sifeeyay arintaan iney cabsi galisay hanjabaadii uu saxaafadda mariyay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo ayaa xaalad daganaan ah ku jira, balse shacabka waxey ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo mar kale iyagoo war moog ah, halkaasna ay khasaaro kasoo gaarto.

Sawirro: Puntland oo howl-gal ka fulisay Cali Madow

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Howl-galka oo ka dhacay deegaanka Dolqooxle ee Buuraha Cali Madow oo hoostaga tuulada Af-Urur  ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish.

Saraakiil u hadlay PSF-ta Puntland ayaa sheegay inay heleen, ka hor howl-galkaasi xog ku aadan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

“Howl-galkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraal ee kasoo baxay taliska PSF-ta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku sii daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab & Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ayaa labo jibaaray dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee gobolka Bari.

 

Ciidamada GALMUDUG oo jawaab culus ka bixisay weerarkii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sanka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

“Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan, qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda, sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii,” ayuu yiri afhayeenka maamul goboleedka Galmudug.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan Dhuusamareeb ku sugan yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo shir uga qeyb galaya magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ma ka guul gaareen madaxweyne Farmaajo? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo wali aysan natiijada ugu dambeysa ee doorashada Soomaaliya soo bixin, haddne markii loo eego tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasada Soomaaliya waxaa muuqata inay wax ku socdaan sida ay dalbanayeen Jubaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ka diiday soo magacaabista guddiyada ku harsan illaa laga wada hadlo arrimaha dooddu ka taagan tahay, taasi oo ay sameeyeen markii beesha caalamka ay u damaanad qaaday in madaxweynaha uu wada-hadal ogolaan doono.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa sidoo kale waxay si cad u jebiyeen in liiska guddiyada loo diro Ra’iisul Wasaaraha si uu isaga usoo magacaabo taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada maadaama ay toos iyaga usoo magacaabeen. 

Xukuumada oo isku dayday in ay is hortaagto ayaa arrintaas ku guul dareysatay kadib markii ay si wadajir ah usoo dhoweeyeen xubnaha beesha caalamka. 

Guusha kale ee gaareen labadaan maamul ayaa sidoo kale ah inuu suurta galay qabsoomida shirkii ay ku baaqeen inkastoo waqtiga iyo goobta la badalay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya ka dambeeyeen joojinta saxiixii Madaxweyne Farmaajo ee 13-ka kursi ee gobalka Banaadir. Madaxweynaha si ramsi ah uma joojin arrintan, balse maadaama uu sheegay in wada-hadallada lagu saleyn doono heshiiskii 17-ka September, waxaa cad inaanay Muqdisho xuquuq heleyn.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in sidoo kale uu jiro ballan qaadyo maamuladaas loo sameeyay oo ku aadanaa arrinta gobalka iyo doodda ka taagan guddiyada ka imaanaya gobalada waqooyi ee Somaliland. 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka dibada ah, kaas oo saameeyay go’aano iyo qorshayaal u adagsanaa maamulkiisa.

Daawo: Feysal Cali Waraabe oo soo jeediyey talo la xariirta Jeneraal Galaal

0

Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ka tacsiyadeeyey geerida dadkii lagu dilay weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Feysal ayaa si gaar ah uga hadlay geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna umadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in loo dhiso taallo lagu xasuusto.

“Maanta waa maalin murugo, dadka reer Muqdisho waxaan uga tacsiyeynayaa geerida dadkii looga dilay weerarkii lagu qaaday hotel Afriik, waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa, geerida ku timid Jeneraal Galaal, oo ahaa ragii ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya dhidibada u taagay, waxuu ahaa dagaalkii 1977-kii ninkii illaa Kaaramardha Xabashida ka qabsaday,” ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Feysal waxa uu sheegay in Galaal ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee gacanta ku hayey taariikhdii Soomaalida oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somalliland oo waayo badan soo wada jiray, balse hadda ku kala tegay Qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay Galaal Janadii Allaha ka waraabiyo iyo dhamaan intii dhimatay, Galaal taariikh ayuu leeyahay, waa inaad meel ku magacaawdaan oo xus u sameysaan, intii dhimatay oo dhan Allaha samir iyo iimaan hanaga siiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa dadka reer Muqdisho kula taliyey inay toosaan oo taladooda ay gacanta ku dhigaan, isla markaana aysan shisheeye wax ka sugin.

“Anigu waxaan dhihi lahaa dadka Soomaaliyeedow taladiinu gacmihiiney ku jirtaa ee cidna haka suginina, waxii inka dhimanaada oo aad awoodi weysaan Soomaalida kale ayaa diyaar idiin la ah, hadii aad dadaashaan, wixii inka dhimanaada waan inkugu dareynaa, laakiin maanta taladiinu waxay gacanta u gashay wadamo danahooda inka dhex wata,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Allaha u naxariistee Meydka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa maanta salaada Janaasada waxaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho kula dukadeen Ra’iisul wasaaha dalka, xubno ka trsan golihiisa wasiirrada, xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday midowga Musharxiinta iyo siyaasiyiin kale.

Intaas kadib waxaa galabta Meydka Jeneraalka loo qaaday magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, halkaas lagu aasayo.

Hoos ka Daawo

CABDI XAASHI oo codsi xasaasi ah u diray Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa warqad uu udiray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku dalbaday in lagu casuumo shirka lagu wado inuu berri ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Salaan qiimo badan ka dib, anigoo ka ambagaadaya kulankii uu ku baalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ee ahaa in la isugu yimaado shit wadatashi ah magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, si looga wada hadlo, xalna looga pato khilaafaadka ka taagan hirgelinta heshiiskii 17 Sabteembar,” ayaa lagu yiri qoraalka Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay berri gaarayaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan shirkaas looga wadahadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Khilaafka ragaadiyey doorashada Soomaaliya waxaa qeyb ka ah hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Maadaama arrinta doorashada Xildhabaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi Soomaaliland ay ka mid tahay arrimaha khilaafaadku ka taagan yahay ee laga wada hadlayo, waxaan kula socodsiinayaa in ay noo gorshaysan tahay aniga iyo wafdi aan hogaaminaayo in aanu nimaadno magaalada Dhuusamareeb maalinta berri ah ee ay taariikhdu tahay 02 Febraayo 2021; si aanu shirka uga qayb galno,” ayaa lagu yiri warkan.

Ugu dambayntii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo reer Galmudug uga mahad celiyey, sida ay isugu howleen qabashada shirarka looga heshiiyo masiirka Soomaaliya.

“Mudane Madaxwayne, waxaan kugu bogaadinayaa adiga, xukuumadda iyo shacabka Galmudug sida hagar la’aanta ah ee Soomaalinimada leh ee aad u math gelisaan shirarka wada tashiga ee lagaga xaajoonayo arrimaha masiiriga ah ee dalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Caawa waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweyne Lafta Gareen, madaxweyne Cali Guudlaawe, madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug iyo xubno ka kala socda golayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Cismaan Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkaas uu furmi doono gelinka hore ee Talaadada berri ah, isla markaana madaxda maqan ee Jubbaland iyo Puntland ay berri subax soo gaari doonaan Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan weli tegin Dhuusamareeb, balse ilaalo hor dhac u ah wafdigooda ayaa gaartay maanta, waxaana lagu wadaa inay berri soo gaaraan Dhuusamareeb, isla berina uu furmo shirkaas oo lagu balansanaa inuu furmo maanta.

Kaalin intee le’eg ayuu Gen. Galaal ku lahaa dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

0

Janaraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xilligii dowladda kacaanka iyo ka hor-ba, islamarkana waxaa kaalimo kala duwan ka sii qaatay ciidamada Soomaaliya.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal, wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhammeeyay waxbarashada sannadkii 1957-dii, waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya. Wuxuu ku tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada ee gumeystihii Taliyaaniga.

Isagoo laba-alifle ah, waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Haddaba aan eegno kaalintii uu ku laha dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya, sannadkii 1997.

Kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Janaraalka wuxuu horey u sheegay in markii hore ay dagaalka abaabuleen midowgii Sofiyeet oo doonayay in la sii fidiyo barnaamijkii hanti wadaagga.

Galaal (AHU) waxaa uu intaa ku daray in dagaalka loo qorsheeyay labo weji.

“Dagaalka wuxuu lahaa labo weji oo kala ahaa midkii gobanima doonka iyo wajigii ay ciidamada ku bilaabeen weerarka – labadaba anaa ka shaqeeyay,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Alle ha u naxariistee Janaraalka ayaa sido kale sheegay in wajigii hore ee dagaalka ay abaabuleen jabhaddii Soomaali galbeed ee Itoobiya la dagaalamayay.

“Wejigii gabanima doonka waxaa hor kacayay jabhadihii, Soomaaliyana waxaan ka diyaarinay labo iskuul oo waawayn oo kala ahaa, meel la yiraahdo Qorilow oo Xamar u jirta 70KM, halkaas oo iskuul wayn aan ka sameynay oo dadka lagu tababaro,” ayuu horey u sheegay Janaraal Galaal oo xalay ku dhintay weerarkii hoteel Afrik.

Janaraal Galaal wuxuu sidoo kale tilmaamay in jabhaddii Soomaalida ay diyaarinayeen muddo sanad ah, ka dib-na la galiyay gudaha Itoobiya.

“1974 oo dhan ayaan wadnay – illaa sannadkii 1975-dii oo dhan iyo illaa 1976-na – ka dibna waan galinay ciidamadii, jabhadda sidaan rabnay iyo si ka daran ayay u galeen,” ayuu yiri.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in markii jabhadihii ay ciidamada Itoobiya ka saareen tuulooyiinka, ka dib loo baahday in ciidamo wada hub xooggan. Wuxuu dib ula hadlay madaxwayne Maxamed siyaad Bare si wajiga labaad ee dagaalka loo guda galo.

“Markii hore waxay ballantu ahayd in marka ay jabhadaha soo kuusaan ciidamada Itoobiya oo magaalooyiinka waaweyn isku soo uruuriyaan oo ay ka soo saaraan tuulooyiinka iyo degmooyiinka markaas jabhadda kama saari karto in hub waaweyn in lala dhaco,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Wuxuu sidoo kale xusay in markii ay jabhadaha guul gaareen lana qorsheynayay in ciidamada Soomaaliya ay Itoobiya gudaha u galaan in uu isbadal ka dhacay dalak Itoobiya oo la riday dowladdii jirtay taasina ay keentay in Ruushka uu badalo qorshihii hore.

“Wuxuu ku hagaagay dagaalka mar ay midowgii sofiyeetka bedeleen ra’yigii ku jiray ee aan isla wadnay oo Xayle Thalaase la riday oo mingistu uu soo baxay. Wuxuu laayay dadkii oo wixii oo dhan ka taqalusay, wayna u bogeen Ruushka, waxaasi oo dhan waxay dhaceen intaan ku jirnay dhisiddii jabhadda,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Janaraal Galaal ayaa xusay in Midowgii Soofiyeedka ay markii dambe ku sheegeen farriin in dowladdii Soomaaliya in aysan dagaalka Itoobiya bilaabin, balse ay xilligaas isaga u muuqatay in meel laga noqdo aan la joogin.

Dajinta qorshihii dagaalka ee Janaraal Galaal

Janaraal Maxamed Nuur Galala (AHU) ayaa sheegay in isaga uu ahaa qofkii loo xilsaaray in dagaalka ciidamada Soomaalida lagu galinayo Itoobiya uu abaabulo. Wuxuuna aha qofkii qorsheeyay duullaanka.

“Waxaa la yiri ‘waxaa loo baahan yahay hal qof oo xaruntii xoogga dalka oo dhan u shaqeeya oo dagaalka abaabula oo qorshahan dajiya’, markii la is fiirfiiriyay qofkaas aniga ayuu noqday,” ayuu sheegay Janaraal Galaal intii uu noolaa.

Mr Galaal ayaa intaa ku daray in madaxwayne Maxamed Siyaad Bare u yeeray uuna ka codsaday in dagaalka uu hoggaamiyo.

“Samatar ayaa markii hore ii soo jeediyay aniga, waan diiday, waxaan ku iri ‘jabhaddii ayaan ku waashay ee ma yeelayo’, markii dambe waxaa ii yeeray Siyaad Bare wuxuu igu yiri ‘halkee uga noqonaa ee gal dagaalka’, waana galay”.

Janaraal Galaal ayaa tilmaamay in dowladdii kacaanka ay xafiis gooni ah u sameysay halkaasi oo uu ku dajiyay qorshihii dagaalka.

Intii uu noolaa wuxuu BBC u sheegay in xafiis looga sameeyay meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho. “Muddo saddex bilood ah ma arkin reerkeyga halkaas ayaana fadhiyay.”

“Waxaan bilaabay qorshihii ciidamada; sida loo qeybinayo, meelaha ay kala aadayaan, fogaanta dhulka iyo ballaarkiisa intee dhan yahay? waxaasaan galay”.

Janaraalka (AHU) waxaa uu xusay in dagaalka uu bilaabmay 23 July 1977-dii.

“23 July sannaddii 1977-dii ayaan ku dhufanay dhinaca Koonfureed sida Godey, Qabridahare iyo dhagax buur,” ayuu sheegay.

Janaraalka wuxuu BBC u sheegay in ciidamadii Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaaren dagaalkii ay la galeen ciidamadii Itoobiya.

“Qabridahar isla maalinkiiba waan qabanay waxayna ahayd xarunta dhexe ee laga difaaco dhulkan Soomaali Galbeed,” ayuu yiri Janaaraal Galaal.

Qaabkii ayaa loo soo jabiyay ciidamada Soomaalida?

Janaraal Maxamed Nuur Galaal (AHU) wuxuu xaqiijiyay in markii dambe ciidamada Soomaalida uu jab xun soo gaaray.

Balse Janaraal Galaal wuxuu diiday in uu qaato masuuliyadda jabkaas maadaama uu isaga lahaa qorsheynta dagaalka.

“Jabkaas aad iyo aad ayuu u fool xumaa – u jeedada jabka waxaa iska lahaa Maxamed Siyaad,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in madaxwaynihii Soomaaliya ee xilligaasi uu diiday qorsha uu Midowgi Sofiyeet soo jeediyay ee ahaa in labada dhinac la dhexdhexaadiyo, ka dib-na Ruushka uu taageeray Itoobiya.

Isha: BBC

Xog: Jenaraal GALAAL oo dilay xubno Al-Shabaab ah ka hor inta uusan dhiman

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amaanka iyo shaqaalaha hoteelka Afriik, Allah ha u naxariistee Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddo 40 daqiiqo dagaal la galay kooxdii soo weerartay hoteelka Afriik ee Muqdisho shalay gelinkii dambe. 

Ilo kuwa amaanka ah, qaar kamid ah dadkii la soo badbaadiyay iyo shaqaalaha hoteelka, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimada Online u sheegay in Janaraal Galaal uu dilay laba dagaalame oo Al-shabaab ah, ka hor inta uusan dhiman. 

Janaraalka ayaa markii uu weerarka dhacay u cararay qolkiisa oo uu u yiilay qori iyo rasaas, waxaana la sheegay in kooxda ay si toos ah u tagtay qolka Janaraalka. 

Marxuum Galaal, ayaa dilay laba qof oo ka mid aheyd dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda ahaa in ay dilaan. Marxuumka ayaa dhaawacmay waxaase la sheegay inuu tabar dhigay kadibna waxaa dilay dagaalame 3-aad oo Al-Shabaab ah. 

“Waan maqlaynay in dagaalka hal meel ka socday, waxaan is lahaa, yaa caawa la dilayaa, waayo Al-Shabaab dad kalaba ma raadin intuu uu dagaalka socday,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii xalay goor dambe laga soo saaray hoteel Afriik. 

Al-Shabaab waxay sheegeen in ujeedka weerarkooda ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ay sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dilka Aadan Xaashi Ceyrow, hogaamiyihii Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa dejiyay qorshayaal dagaal oo lagu dhameeyay Al-shabaab.

Al-Shabaab oo sheegtay ‘sababta ay u beegsadeen’ Jeneral Galaal iyo inay 13 sano ku raad joogeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkooda koowaad uu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii hotel Afrik, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxdaas.

Waxay sheegteen inay dhowr jeer oo is-xigxigay jebiyeen ciidamada dowladda, kuwaasi oo ku howlanaa bad-baadinta Saraakiisha, ganacsatada iyo dad rayid ah oo ku sugnaa huteelka xiliga uu dhacayay qaraxa iyo weerarka is-xigay.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Shabaabka lagu sheegay inay Jeneraal Galaal u haysteen weeraro iyo duqeymo hore loogu qaaday kooxdooda, taasi oo ay kamid aheyd duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab, isla markaana ay ku raad-joogeen 13 sanno.

Waxay sheegen inuu Galaal qeyb weyn kulahaa abaabulka ciidankii Ahlu Sunna ee dagaalyahanadooda kula dagaalamay gobolada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ay muddo badan ka talinayeen, taasi oo kamid ah waxyaabaha ay u dileen Jeneraalka, sida ay sheegen.

Waxa kale oo ay sheegteen in qaraxii iyo weerarkii shalay ee hotel Afrik lagu dilay 23 xubnood, halka ay ku sheegen dhaawacana inuu gaarayo 40 ruux, taasi oo ka gedisan xogta ay ciidamada booliska u tabiyeen warbaahinta, midaasi oo aheyd 9 ruux oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawac ah.

Si kastaba, sheegashada Al-Shabaab ayaa u muuqan karta mid ‘ku daarasho ah’, ayaga oo ka faa’iideysanaya in weerarkii Hotel Afrik iyo joogitaanka Galaal ay kulmeen, balse aysan jirin inay Galaal dartiis usoo qaadeen weerarka.

Mareykanka ayaa duqeyn uu 1-dii May ee sanadkii 2008-dii ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ku dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal AUN ayaa kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna door wanaagsanaa uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

Allaha unaxariiste waxa uu Jeneraalku shalay ku geeriyooday weerarkii hotel Afrik, wuxuuna kamid noqday Sagaal qof oo ku dhintay weerarkaas, kuwaasi oo ay ku jireen 4 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana ay dileen ciidamada amniga, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

2 ujeedo oo madaxweyne Farmaajo uu ka leeyahay kuraasta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ujadada ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo ka damacsanaa saxiixa 13-ka kursi ee gobalka Banaadir si ku meel gaar ah ugu yeelanayo Aqalka Sare ayaa lagu sheegay laba arrin.

Dadka siyaasada Soomaaliya xog ogaalka u ah ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka damacsanaa saxiixaas:

1- In uu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in haddii arrinta Gedo oo aheyd heshiis is afgarad ah lagu soo darayo heshiiska doorashada Soomaaliya kanna lagu soo daro, isagoo cadaadis ku saaraya maamulada Puntland iyo Jubaland. 

Madaxweynaha ayaa rumeysan in arrinta gobolka Banaadir ay u noqon karto gorgorton uu Gedo uga fujiyo Axmed Madoobe, maadaama Jubaland iyo Puntland ay aad uga soo horjeedaan in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

2- In hogaamiyeyaasha muacaarad ee Hawiye, sida, Madaxweynauaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ay taageeraan saxiixiisa maadaama ay gobalka u dhasheen, taas oo haddii ay dhici laheyd ay ku waayi lahaayeen garab istaagga ay hadda ka helaan maamulada Puntland iyo Jubaland. 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, oo horey u ogaa qorshaha ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “Goluhu wuxuu arkaa in ay xaq dastuuri ah tahay in gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare, laakin ayna nasiib darradu tahay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay u kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheeynaayo Bulshada Soomaaliyeed.”

Sida muuqata Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si aan toos aheyn uga laabtay saxiixiisa kadib markii uu xalay sheegay in shirka Dhuusamareeb kaliya looga hadli doono heshiiskii 17-kii bishii September ee sanadkii hore lagu gaaray Muqdisho. Heshiiska qeyb ka aheyn arrinta Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray kuraasta G/Banaadir iyo shirka Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed xasaasiya oo ka kooban 6 qodob, oo ay uga hadlayaan shirka la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Golaha ayaa ugu horeyntii cambaareeyay weerarkii ay shalay argagixisada ka fuliyeen hotel Afrik, kaasi oo sababay dhimashada dad gaaraya 9 ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay isugu jiray Saraakiil, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Musharaxiinta Mucaaridka ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan ay muhiim tahay in dalka ka qabsoomto doorasho wadar-ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, isla markaana la tixgelinayo kala duwanaashaha ku aadan meel-marinta heshiiska doorashada.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xallinta caqabadaha ku hor gudban meel-marinta heshiiskii 17-ka Sept. Maadama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fogyahay, aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.  

Waxay si wada-jir ah ugu baaqeen dhinacyda ka qeyb-galeysa shirkaas in la ballaariyo gogasha shirka, kana qeyb-galaan wakiillo metalaya saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiska doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku kala sheegen; Wakiiladda gobolada waqooyi, gaar ahaan Cabdi Xaashi, Midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka ee la aqoonsan yahay.

Qoddobada ay soo saareen Midowga musharaxiinta ayaa waxay kala yihiin:

1: In la baallaariyo gogosha shirka kana qeyb-galaan Wakiilada metelaya saamileyda tabashada ka qaba hirgelinta heshiiska doorashooyinka kuwaas oo kala ah, wakiilada gobolada Waqooyi, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka sare oo ah mas’uulka ugu sareeya siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland, Midowga Musharixiinta Madaxweynenimo iyo Bulshada rayidka ah ee la aqoonsan yahay.

2: In shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqbadaha ku hor-gudban meelmarinta heshiiskii 17-kii Septemer, maadaama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fog yahay aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo.

3: Goluhu wuxuu arkaa in ay xaq dastuuri ah tahay in gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare, laakin ayna nasiib darradu tahay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay u kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheeynaayo Bulshada Soomaaliyeed.

4: Goluhu wuxuu uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu shirka ka dhex abuuro khilaaf horleh, si uu marmarsiiyo uga dhigto dib u soo nooleynta damiciisii muddo kororsiga ahaa, goluhu wuxuu cadeynayaa in muddo xileedkii Hay’adaha dastuuriga ee dalka uu dhamaaday, marka laga reebo, xilheynta Madaxweynaha oo ay todobaad ka harsan tahay, sidaa daraadeed goluhu marnaba ma aqbalayo muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha markii uu muddo xileedkiisu idlaado.

5: Goluhu wuxuu Shirka dhuusamareeb u arkaa fursadii ugu dambeeyay ee dalka looga badbaadin karo xasilooni darro iyo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo in todobaadka xilkiisa ka harsan uu muujiyo xilkasnimo iyo mas’uuliyad xal loogu heli xaalada cakiran ee siyaasadda dalka, sooyaalka taariikhdiisa dambana sumcad darri kaga badbaadiyo.

6: Goluhu wuxuu saaxiibada Soomaaliya kaga mahad celinayaa kaalinta ay ka qaateen xal u raadinta ismarin-waaga doorashooyinka iyo sida joogtada ah ee ay mar walba Soomaaliya iyo dakeeda u barbar taagan yihiin.

Madaxweyne goboleedkii labaad oo galabta gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Guudlawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd oo maanta ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, oo lagu wado inuu ka furmo shir looga arrinsanayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Wafdigan uu horkacayo Guudlaawe ayaa waxa si diiran garoonka Dhuusamareeb ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxa uu noqonayaa hogaamiyihii labaad ee tega magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si xal rasmi ah looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa isaguna kasii horeeyay madaxweyne Guudlaawe, waxaana la filayaa in madax kala duwan ay saacadaha soo socda ka dagaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Shirka ka furmaya Dhuusamareeb oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid haatan aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb oo xal looga gaarayo doorashooyinka.

ROOBLE oo hortegaya BF Soomaaliya, maalin kadib 8-da Febraayo + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in maalin kadib sideeda bishaan February oo ku beegan muddo xileedka madaxweynaha uu hortegi doono baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu tegayo xarunta baarlamaanka 9-ka bisha February oo ku beegan maalin Talaado ah.

Sidoo kale warkan ayaa waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu baarlamaanka uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka xukuumaddiisa oo 3 bilood jirsatay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu khudbadiisa ku soo qaado xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey, taas oo loo xil saaray in xukuumaddiisa ay hirgeliso, kana shaqeyso doorasho xor & xalaal ah.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii Hotel Afrik, isaga oo  tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

“Wuxu ahaa weerar lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee bir ma geydada ah. Cadowgu way sii daciifayaan, taag darradooda ayaana sabab u ah weeraradan quusta ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliiya Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalkan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo horey madaxweynaha Soomaaliya uu shir ballaaran isugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, kaas oo dhacaya 5-ta bishan, kadib shirka magaalada Dhuusamareeb.

Lamaane ku jiray toddobada arooska oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Hotel Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii tooska ahaa siddeeda saacadood ee qaatay ee lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 9 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale shacab ahaa.

Dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Afrik waxaa ka mid ahaa lamaane todobo ku jiray oo deganaa hotelka, xilliga uu dhacayey weerarka.

Lamaanahan oo u hoyday gurigooda rasmiga ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali, waxaana maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta oo goobta aaska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Fahad iyo Farxiyo ay wada-aqal galeen 9 beri ka hore, balse nasiib darro ay ka mid noqdeen dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dilay weerarka ka dhacay hoteelkaasi.

Dhacdadan oo xanuun badan ku reebtay ehellada lamaanaha geeriyooday ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Mudisho iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

Weerarka lagu qaaday hotel Afriik horey miyaa loo ogaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey salaadii duhur ee shalay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray guuxa warar ku saabsanaa in qaraxyo xoog leh ay ku jiraan gudaha magaalada, islamarkaana saacado gudahood lagu beegsa doono goobo muhiim ah.

Baraha Bulshada Soomaalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ayaa aad loogu faafiyey gelinkii bambe ee Axadda, qoraal la sheegay in hey’adaha Qaramada Midoobey ay la wadaageen xubnaha Soomaalida ah ee ka tirsan shaqaalahooda.

Qoraalkaas waxuu muujinayey digniin ah in 72 saac ee soo socota ay Muqdisho ka dhici doonaan qaraxyo waaweyn, gaar ahaan wadada halboolaha ah ee Maka Al-Mukarama, hoteellada waaweyn iyo maqaayadaha Muqdisho.

Waxaa si gaar ah qoraalka digniinta ugu xusnaa in goobaha la beegsan doono ay ku jiraan hoteello iyo maqaayado caan ah oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama illaa dhismaha xarunta baarlamanka.

QM ayaa uga digtay shaqaalaheeda inay ka fogaadaan goobahaas.

Saacado kadib digniintaas ayaa waxaa la weeraray hotel Afrika oo ku yaalla agagaarka KM4, wax badanna aan ka fogeyn waddada Al-Mukarama.

Ma cadda haddii hay’adaha QM ay digniintan la wadaageen hay’adaha amniga Soomaaliya, iyo haddii hay’adaha amniga ay si kale u ogaayeen.

Hay’adaha QM iyo sirdoonka shisheeyaha ayaa marar badan lagu eedeeyey inay xogta falalka amni darro ee ay helaan aysan si rasmi ah ula wadaagin hay’adaha amniga Soomaaliya, marka laga reebo in lagu arko baraha bulshada kadib markii ay dusiyaan shaqaalahooda.

Video: Midow cusub oo ah musharaxiin madaxweyne oo Xamar looga dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midow cusub ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku mideysan-yihiin qaar kamid ah musharaxiinta madaxweyne ee doorashada soo socota ee 2021-ka, oo aan qeyb ka aheyn Golaha musharaxiinta mucaaridka.

Midowgan cusub oo loogu magac daray “Kudladda Musharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah”, ayaa waxay sheegen inay yihiin dhex-dhexaad aan raacsaneyn mucaarid iyo muxaafid, isla markaana ay u istaageen sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay sheegen inaysan marnaba ku lug laheyn dowladda federaalka, isla markaana aysan u midoobin sidii ay dowladda uga dhicin lahaayeen golaha mucaaridka, balse ay iskugu tageen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay oo wada-ogol ah.

Kudladdan ayaa waxa Gudoomiye loogu doortay Dr Cumar Cabdiqaadir Ahmed Fiqi oo ah Musharax u tartamaya xilka madaxweyne, wuxuuna hogaan u noqon doona musharaxiinta kale ee ku midoobey kudladan cusub ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Musharaxiintan ku midoobey kudladdan cusub ayaa ah kuwa aan hore uga tirsaneyn golaha midowga musharaxiinta mucaaridka oo ay ku mideysan yihiin inta badan musharaxiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda wax u wado.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay hanaanka doorashada, isla markaana uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo iyagu ku dhawaaqay guddi ka barbar shaqeynaya kuwa lagu muransan yahay ee gadaal ka riixeyso dowladda.