25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maamulka G/Banaadir oo ka digay warar looga been abuurtay Cumar Filish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar ayaa beeniyey warar uu sheegay inay been abuur yihiin oo lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha-bulshada.

Wararkaasi ayaa sida uu sheegay Saalax Dheere lagu sheegay in Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha uu ka hadlay Arrimo quseeyo shirarkii jiraa’id ee Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Arrimaha Kismaayo.

Afhayeenka Gobolka ayaa tilmaamay in aysan jirin wax faallo ah oo arrinkaas ku aaddan oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed uu ku soo bandhigay baraha-bulshada iyo saxaafadda.

“Warka been abuurka ah ee sacaadihii u danbeeyey lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhaliilay Xisbiga Himilo Qaran, isla markaana uu baaq u diray Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo muujinaya in tiro yar ay ku hawllan yihiin kala dilka iyo kala fogeynta masuuliyiinta dalka, taas oo looga golleeyahay dano shaqsiyadeed iyo caqabadeynta horumarka.”

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa digniin adag u diray cid kasta oo been abuur ka sameysay Maamulka iyo Howlaha Gobolka, iyadoona sharciga iyo xeerarka dalku ay ciqaab adag ka jideeyeen cid kasta oo falalkaas lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo u yeertay gudoomiyaha Gedo si loo fuliyo qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa u yeeray Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka howlgala Gobalka Gedo.

Wafdigaan oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, ayaa lagala hadlay fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqaan galaan Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan.

1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo.
2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan.
3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xidig oo weeraray Sheekh Shariif iyo Xasan: “Awoodda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil”

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdi Naasir Seeraar Max iyo Cabdirashiid Xidig oo horey u sheegtay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen xaaladaha maamulkaasi iyo dhacdadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalin ka horna laga hor istaagay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayay si weyn ugu weerarreen labada madaxweyne ee hore, isagoo sheegay inuu warkooda kasoo horeeyay oo ay hore u taageereen doorashadii sharci darrada ahayd ee Axmed Madoobe, oo aysan jirin wax ay sheegaan oo aan ahayn inay tii hore ku celiyaan oo ay been xalaaleeyaan.

Waxaa ay sheegeen  xubnahan in xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland aysan baasin lagu shubin, iyagoona ka dalbaday madaxdii hore ee dalka soo martay in aysan la safan qaar ka mid ah dadka kismaayo isku heysta.

Cabdinaasir seerar iyo Xidig ayaa si wadajir ah u sheegay in kismaayo aysan noqon mid laga mucaarado dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhow Farmaajo doorasho ayuu idinkaga adkaaday, mana idinka baryaayo inuu xukumo 4 sano oo xilka hayo.. awooda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil.., taasina Soomaliya kama shaqeyneyso, shacabkana ma marin habaabin kartaan..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo si cad u sheegay inay dhibaatada Jubbaland taalla ay tahay faragelinta bannaanka uga imaaneysa.

C/rashiid Xiddig ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu rabo inuu xalaaleeyo xadgudub iyo afduub, xitaa haddii caleemo saarka Axmed Madoobe ka qeyb galana aanu waxba soo kordhin doonin.., ‘Waxaa kuu sharaf rooneyd in lagaa celiyo…” ayuu yiri.

“Madaxweynayaal ayay rabaan inay u tartamaan, waxayna taageerayaan doorasho sharci darro ah…, sharaftiinii dhulka ayey ku dhacday… Haddii doorashada uu afduubtay Axmed Madoobe aad taageertaan, Farmaajana doorasho taas la mida ayuu qabsan doonaa..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xildhibanaadii jabhadda ka dilaacday gobolka Awdal u xirnaa oo maanta la siidaayay

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Boorama goordhoweyd laga sii daayey Xildhibaanadii dhowaan loo xiray Jabhadii ka dilaacday deegaano ka tirsan gobolka Awdal.

Xildhibaanadan ayaa waxa maalintii khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama.

Sii-deynta xildhibaanadan ayaa daba socota dadaalo iyo waan-waan ay maalmihii u dambeeyen wadeen odayaasha beesha ay ka soo jeedan xildhibaanadan, kuwaasi oo muddo dhan 5-cisho ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Xildhibanaadan oo goordhoweyd markii xabsiga laga sii daayey la hadlay warbaahinta, ayaa waxa ay sheegen in loo xiray kacdoon ay abaabuleysay beesha ay ka soo jeedaan, kuwaasi oo Jabhad ka dhana xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayey deegaano hoos yimaada gobolka Awdal.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxay sheegen in Kacdoonkaasi ay hormuud ka ahaayeen odayaasha beeshoodu, isla markaana ay kula soo dul-dhaceen, midaasi oo sababtay in xabsiga loo taxaabo xildhibaanadan.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Boorama, Xildhibaan Maxamed Faarax Dheerayste oo ugu horeyntii isagu la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in shirqool ay soo abaabuleen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka iyo degmada, iyo weliba odayaal ka tirsan beeshoodu ay ka dambeysay xarigooda.

Xildhibaan Dheereyste ayaa sidoo kale waxa uu luuqad adag kula hadlay Badhasaabka gobolka Awdal, oo uu ka dalbaday in uu banaanka keeno cadeymaha iyo waxyaabihii ay xabsiga ugu jireen mudada shanta cisho ah, wuxuuna yiri

“Sababihii aanu u xidhneyn oo ahaa howlo qaran, oo ahaa in reerka baahiyaadkii jirey uu si salmi ah oo aan turxaan laheyn usoo bandhigtey cabashadiisii, midaasi oo aheyd mid inbadan soo noq-noqotay, haba’se ahaate la dhageysan waayey, taasi oo ay kaliftay in kacdoon ka dhasho”.

“Kacdoonkaasina waxa hogaaminayey odayaasha reerka, odayadiina markey is-afgaran waayeen kooxdii ay hogaaminayeen, ayey yidhaahdeen xildhibaanada ayaa howsha naga fududeyn kara, kii saameyay markuu howshii dhameyn kari waayeyna oo anaga nagu soo dul-saarana, waxay noqoneysa caqabad koleyna waxaan u maleynayaa in bulshada intooda badan ay ka dharagsantahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Odayaashii markaa lahaa ee gadh-wadeenka ka ahaa iyo ciidankii ay wateen ee meesha ay dhigteen ay is afgaran waayeen, in anaga na soo dhex-galiyaan, waa xaalad iska foolxun koley”.

“Badhasaabka iyo guddoomiyaha degmadaba iyo weliba odayada qaarkood inay gacan saar fool-xun ay yeeshaan, oo anaga wixiiba nagu soo leexiyaan, waa mid aad iyo aad uga xunahay. Badhasaabkana waxaan uga fadhinaa hadduu cadeynta keeni waayo iyo waxyaabaha uu inagu xidhay inaga, waa tuhun loo joogi doono, oo la is xisaabin doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Wararkii ugu dambeeyey ee caleemo-saarka AXMED Madoobe oo dib u dhacday

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa culeys badan saartay Jubbaland, lana joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo, wararka soo baxayo ayaa sheegayo in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

26 Bishaan ayaa lagu ballansanaa in Caleema saarka Madaxweynha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhaco Magaalada Kismaayo  ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulkaas.

Waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd Xafladda sida uu go’aan ku gaaray guddiga qaban qaabada Caleema saarka.

Illaa hadda ma jirto waqti rasmi ah oo loo qabtay inay dhacdo Xafladda, wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in laga yaabo inay Xafladda u dhacdo Bisha soo socoto.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo.

Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Waxaa weli taagan doodii ka dhalatay xayiraadii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed oo loo diiday inuu u safro Magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka, waxayna dhaleeceyn badan kala kulmeysaa xisbiyada mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka soo hoggaamin jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Mas’uuliyiin Jubbaland ka tirsan oo ku xayiran Xamar

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubaland, Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa sheegay in mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulkaas labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayiran yihiin magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Aw Xirsi ayaa sheegay in dowr howlwadeen oo ka tirsan wasaaraddiisa ay ku xaniban yihiin yihiin Muqdisho, kuwaas oo howlo shaqo u joogay Caasimada.

“Dhowr hawl-wadeen oo u shaqeeya wasaaradda qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar.” ayuu yiri wasiirka qorsheynta ee maamulka Jubbaland.

Shalay ayey aheyd markii amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hay’adda hawada lagu joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada Kismaayo.

Go’aankan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka magaaladaasi oo hakad jira maalintii labaad.

Arrintan ayaa daba socota khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, taas oo ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Farmaajo oo abaal-marin ku helay heshiiskii is dhex-galka dalalka Geeska Afrika

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, (Farmaajo) oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka qeyb galay shirka Concodia Summit ayaa la guddoonsiyey billad hoggaan wanaag ah.

Sidoo kale waxaa abaal marintan Madaxweynaha la qeybsaday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Saddexda mas’uul ee haatan hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa billadahan ku muteystay dib u habeynta iyo is dhexgalka bulsho ee ay ka sameeyeen Bariga Afrika.

Isbedalladan ayaa soo billowday 2018-kii, iyadoo si weyn looga dareemay guud ahaan Qaaradda Africa.

Waxa kale oo uu isbedalkan horseeday soo nooleynta xiriirkii muddada go’naa ee Itoobiya iyo Eritrea, iyadoona Soomaaliya door muuqda ku laheyd dadaalladaasi.

Dowladda federaalka ah ee Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa si xoogan u xoojisay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo hadda door fir-fircoon ku leh dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeynti Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Jabuuti ayaa Isbuucii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar saree e xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti.

“Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da

Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka.

“Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Ducaale.

Aadan Ducaale: Soomaali baan ahay oo muwaadin ka ah Kenya, mana aqbalayo in Soomaaliya ay qaadato baddeenna

Jabuuti oo Sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin amaanka gobolka

Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yiri: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah”

Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yiri, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sano, miltarigoodana ay isfiirinayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Xigasho: BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Prof. Afyare Cabdi: Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig

0

Doha (Caasimada Online) – Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda  colaadaha iyo nabadda geeska Afrika Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay sida dowladda Federalka u adeegsato hay’adaha dowladda.

Professor Afyare oo ka hadlayay xayiraadii xukuumadda Soomaaliya ay saartay diyaarad shalay ka qaadi laheyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay tuduc kamid ah gabay uu tiriyay Abwaan Hadraawi oo ahaa “Wax aan degdeg jeer ku laqay- maxay shishe ii damqeen”

Afyari ayaa ka digay in si khaldan loo adeegsado hay’adaha dowladda iyadoo la iska indho-tiraya Dastuurka Dalka, waxaana uu xusay in Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad aan lagu wadi karin jujuub iyo digdig

QoraalkaProfessor Afyare ayaa sidan u qornaa:

Hadraawi baa yiri, “Wax aan degdeg jeer ku laqay: maxay shishe ii damqeen.” Haddii si qaldan oo siyaasadeysan loo adeegsado hey’adaha dowladda waxaa ku burburaya nidaamka iyo dowladnimada daciifka ah. Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig.

By: Abdiaziz Loyal
Mogadishu, Somalia

Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay agaasimaha cusub ee sirdoonka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi  (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Deni ayaa xilkan u magacaabay, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte) oo horay u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.

Wareegtada oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo uu Jeyte uu magacaabay xilkaasi.

Sidoo kale saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa la faray in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Datuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dowladda Farmaajo iyo R/W Kheyre iyo musuq-maasuq yaa macneyn kara (Faallo)

Magacaan yaa si cilmiyeysan u fasiri kara oo ku soo dara waxa dadka la xun oo ay ka fogaadaan.  Haddii musuq-maasuq yahay laaluush la qaato ama hantida dowladda oo la xalaashado waxaa lagu macneyn karaa inuu yahay dembi u baahan in laga hortago…laakin haddii uu yahay mucaawano la siiyay dalka ama dadka qaarkood iyadoo lagu taakuleynayo, qofki xadaa ama xoogaa ka reebta tuug ma mahan musuqna kuma jiryo, waana tabta ay ku dhaqmaan wsaaradaha dalka ka jira badankooda. Wasaarad kasta waxaa jooga SEDDAX WASIIR OO LAGA YAABO INUUSAN MIDKOODNA SHEEGI KARIN SHAQADA LOO IGMADAY ( job description)..Wasiirada qaarkood waxay dhisteen seddax qasri oo seddax magaalo ku kala yaalla, maalintii uu dalka ku soo laabtay hanti badan ma heysan, qaarkoodna waxba ma heysan. Maantana,  cidina ma weydiin weligii meeshow ka keenay hantidaas faraha badan!!!

Musuqa midki ugu xaumaa uguna khatarsanaa ayaa hadda ka hanaqaaday Xamar kaddib markii askarti joogtay kontoroolada lagu baaro baabuurta ay ka abuurteen ilo dhaqaale iyagoo ka qaata shufeerada gaadiidka dadweynaha lacag baad ah, qofkii diidana ay dilayaan waana daanyeer dhintay oon qofna loo heysan…lama haayo weli askari maxkamad loo soo taagay shufeer uu gardarro ku dilay oo la xakumay ama masu’uul ka hadlay arrintaan..waa nasiib bdarro jirta.

Waxaa  mudan in la xuso in dowladda ay u soo jeesatay inay xadeyso ama la dagaasho musuqa iyadoo adegsaneysa hindise-harciyeed loogu tala galay la dagaalanka musuqa oo naqday qayb aad u weyn ee ka mida nolosha bulshada. Qoraalkan waxaa lagala soo bixi karaa in Somalida markaad qiyaasto hab-dhaqankooda in wax ka xaaraan ah aysan jirin oo qof waliba u soo qalab qaatay siduu hanti ku heli lahaa. Caqliyadaanu iyo dareenkaanu wuxuu hirgalay ama nagu dhashay qaxii kaddib. Taas waxaa markhaati u ah in ummadaan aysan weligeed ku fikirin inay noqdaan ”materialist minded” oo waxaan ku soo barbaarnay bulsho ku qanacsan waxa ay heysato, wixi ka maqanna ay ku raadsato waddo sax ah..Markaad dhegeysato khubadaha M/weynaha iyo Wasiirada waxaa kuu soo baxaaya in musuqa uu yahay qayb ka mida nolosha caadiga ee qofka Somaliga ah una diyaara inuu adeegsado farsamo kasta ee uu ku gaaro hadafkiisa kuna heli karo waxa ka maqan.

Marka la macneeyo musuqa waxaa kuu soo baxaya in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku dhaqmaan musuqa kan ugu khatarsan oo ah inay jago u magacaaban qof laga yaabo inuusan awood uu ku fuliyo howlaha looga baahan yahay uusan lahayn, laakin booska uu fadhiyo ay qayb  ahaan u heleen jufadiisa, wixi uu doonana uu sameyn karo waayoo meesha uu fadhiyo iyagaa iska leh oo cidina ma weydiin karto waxa uu qabto.

Waxaan soo xasuustay waagii aan yareyn ay dhici jirtay in tuug xado dhar meel ku weran oo qoys leeyahay..kaddib marki la arkana la bursado iyadoo lagu qeylihaayo TUUGA QABTA..dadki xaafadana ay daba ordayaan…aakhirki tuugi laftiisi oo luuq meesha ku yaal ku dhuuntay ayaa soo baxaaya  oo dadki ku dhex milmaaya isago ku qeylihaya asagana TUUGA QABTA!!!

Waa meesha ay maanta arrinteenu mareyso. BAL U FIIRSO QOF MASU’UUL AH OO MEESHI AY MUDNEYD JOOGTA MA JIRTO, KII U MAGACAABAYNA WUXUU KU JIRAA MUSUQ MIDKII UGU XUMAA..HADDABA, SIDEE LOO CIRIB TIRI KARAA AAFO GAARTAY HEERKAAS? Qof waliba ha isku dayo inuu macneeyo MUSUQA.

Wixii aan khaldayna ka raalli ahaada.

W/Q: Axmad Calasow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo hor istaagtay tababar uu Sheekh caan ah ku qaban lahaa Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa is-hortaagtay, isla markaana joojisay Tobabar uu qaban lahaa Sheekha caanka ah ee Maxamed Idiris, kaasi oo uu qorshuhu ahaa in lagu galo lacag dhan $10.

Jaamac Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in tobabarka Sheekhaasi uu qaban lahaa ay joojisay xukuumadoodu, isagoona xusay in magaalada Hargeysa aan marnaba laga furi karin tobabaro ay xukuumadooda ka war hayn.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay oo carabkana ku adkeeyay, in ayna marnaba aqbali karin in shaqsi jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda uu gudaheeda ku qabto tobabaro ama kulanaba.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri ” Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tobabbar ayaanu anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo  Magaalada ma haboona, Qofka doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso”.

“Sheekhu hadduu siyaasad galo, sheekhu waa sheekhe waxaana lagu yaqaana in uu dadka wacdiyo, inuu masaajidada ka jeediyo muxaadarooyin, laakiin hadduu siyaasad galo oo dowladaha aflagaadeeyo, isaga laftiisu hadduu siyaasad galo hadana siyaasadii uu ka soo horjeday uu yimaado oo uu yidhaahdo tobabara ka furaya, midaasi laftigeedu lama yeelayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cidkasta oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ama wax ka sheegta ma aqbaleyno in ay halkan tobabaro ka furaan iyo inay kulamo ku qabtaan, qaranimada Somaliland kuma joogto ‘Cayaayir’ waadna ogtihiin dalkeena halgan dheer baa loo soo galay, kumanaan dhalinyara ku dhintay, kumanaan hooyooyina ayaa asey u qaaday”.

“Haddii cidi aragtay Hargeysa oo qurux badan, iyo Somaliland oo qurux badan oo fooqaq dhaadheer iyo wadooyin qurux badan ay ka dhisanyihiin, ilaahay baanu ugu mahad-naqeynaa nabad-gelyada iyo nimcadaa nasiiyey, laakiin halgan baa loo soo maray lamana aqbalayo ninka leh qaranimada Soomaaliya waa muqadas, oo Somaliland maaha waxjirta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Somaliland oo caalamka ku canaanatay hal arrin oo ay sheegen inay ka gaabiyeen

Hargeysa (Caasimada Online) ― Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay halka ay marayaan arrimaha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona xusay caqabaha ku gadamaan wada-hadaladaasi.

Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wada-hadaladaasi, isla markaan aysan diyaar u aheyn wada-hadal midho dhala oo ay la gasho dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ku canaantay in ay iyaguna ka gaabiyeen doorkii aqoonsi raadis ee ay Somaliland ku baadi-goobeysay sidii ay dalalka caalamka uga hli laheyd aqoonsi buuxa oo ay ku noqoto dal madax-banaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mowqifka aynu ka taagan nahay wada-hadalada, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada-hadlaan, balse ilaa hadda Soomaaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada-hadalada”.

“Waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax-banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa  iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay, madaama aynu nahay dal jira oo ka mid ah caalamka”.

“Habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Soomaaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Mucaaradka Jubbaland oo eedeyn u jeediyey Shariif

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyey shirkii jaraa’id ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uga hadlay xayiraadii lagu sameeyey iyo xaaladda maamulkaasi.

Xidig ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan si daacadnimo ah uga hadlin xaaladda cakiran ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu taageero siinayo Madaxweyne aan sharci aheyn, islamarkaana uu doonayo inuu ka qabgalo xafladda caleema saarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankiisa Cabdinaasir Seeraar Maax oo isna sheegta inuu Madaxweyne ka yahay Jubbaland ayaa eedeeyey Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Seeraar ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan marnaba ka hadlin saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda oo horay laga celiyay Kismaayo, intii lagu guda jiray ololaha doorashada maamulkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in taageero loo raadiyo maamulka Axmed Madoobe oo uu sheegay in dhibaato uu ku haya deegaanada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xog: Yaa shaqsiyan amray tallaabadii shalay lagu hor istaagay Sheekh Shariif?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli qaadan la’a tallaabadii shalay Sheekh Shariif loogu diiday inuu ka dhaafo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeday Kismaayo, halkaas oo 26-ka bishaan uu ka dhacaayo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa dadka qaar shaki galiyeen inuu falkaan wax badan kala socday madaxweyne Farmaajo, laakiin Caasimadda Online ayaa xaqiijisay in madaxweyne Farmaajo uu yahay qofka bixiyey amarka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu safar ahaan uga yimid Turkiga, isagoo doonayay inuu diyaarad kale ka raaco Muqdisho, si uu Kismaayo u tago. Sida caadiga ah waxey diyaaradda Turkish Airline soo degtaa 8:30 subaxnimo xiliga Muqdisho. Markii uu Shariif soo gaaray Muqdisho waxaa la fariisiyay qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade, si uu halkaa ugu sugo diyaaradii uu Kismaayo u raaci lahaa, taas oo bixi laheyd 11:00 barqanimo.

Intii uu Shariif ku sugnaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade waxaa isna goobta yimid madaxweyne Farmaajo oo safar u ahaa wadanka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb-galaayo shirka Golaha ammaanka. Labada masuul ayaa la sheegay iney isku salaameen qeybta VIP-da, waxaana uu Farmaajo ogaaday inuu Shariifku safar u yahay Kismaayo.

Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo amar kubixiyay in diyaaradaas safarkeedda la baajiyo, laakiin la taliyaashiisa ayaa soo jeediyay in qoraal loo badalo si loo qaldo bulshada, waxaana daqiiqo kadib markii uu Farmaajo duulay soo baxay amar sheegaya in aaney jirin diyaarad aadi karta Kismaayo fasax la’aan, xiligaas Sheekh Shariif wuxuu fadhiyaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshadda, sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa wax laga xumaaddo ku tilmaamay in warqad lagu dul alifay madaxweyne Sheekh Shariif.

Tallaabooyinka uu Farmajo ku baacsanaayo madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sii labo jibaarmay kadib markii uu saakay Farmaajo gaaray New York, isagoo amar kale kubixiyay in guud ahaan la joojiyo diyaaradaha tagaya Kismaayo ilaa 26-ka bishaan oo ku aadan maalinta caleemo-saarka Axmed Madoobe, si aaney Xamar uga bixin Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isna la filaayay inuu Kismaayo aado.

Dad badan ayaa la yaaban hab-dhaqanka gurracan ee madaxweyne Farmaajo oo u muuqda mid ka gudbay xeyn-daabkii siyaasadda.

Caasimadda Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Video: SHEEKH SHARIIF oo cudur-daar ka bixiyey hadal yar oo si qaldan loo fasirtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo markii labaad warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho muddo 12 saac gudahood ah ayaa raali galin ka bixiyay nuqul ka mid ahaa khudbadiisii maanta uu kaga hadlaayay arimaha siyaasadda dalka iyo xayiraadii maalin ka hor loogu geystay garoonka Aadan-Cadde.

Siyaasiyiin iyo dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ka fal celiyay hadalkii maanta ee madaxweyne Shariif uu ka jeediyay shirkiisii jaraa’id oo mar uu tirinayay magacyada maamul goboleedyada uu Koonfur Galbeed magaceeda kasoo qaatay Bay iyo Bakool.

Shariif Sheikh ayaa sheegay in Bay iyo Bakool uu kala jeeday Koonfur Galbeed sidoo kalana khudbadiisa uu kusoo hadal qaaday gobolka seddaxaad ee Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan rabaa in aan raali galin ka bixiyo kalmad maanta ku jirtay hadalkeygii oo aheyd in Koonfur Galbeed aan ugu yeeray Bay iyo Bakool, dadka qaar ayaa si kale u qaatay waan ka raali galinaa walaalahey” ayuu yiri Sheikh Shariif oo caawa mar kale la hadlay warbaahinta.

Siyaasiyiinta sida weyn uga fal celiyay hadalka Sheikh Shariif oo sheegay in ay ka caroodeen ayaa waxaa ka mid ah Aadan Saransoor oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbityada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in Sheikh Shariif uusan aqoon saneyn maamulka Koonfur Galbeed.

Caasinmada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

FIQI oo DIGNIIN ka bixiyey ‘kali-talisnimada socod baradka ah’ ee FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay wax uu ugu yeeray halista kai man karta kali-talisnimada uu billaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo muddo lagu arkayey calaamado kali-talisnimo ayaa shalay si bareer ah banaanka u keenay kadib markii uu xayiraad socdaal saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababo la xiriira kaliya inuu ka aragti duwan yahay.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Kaligi-taliska socod baradka ah wuxuu ku socod bartaa ku tumoshada shuruucda dalkiisa, caburinta iyo cadaadiska dadkiisa, wuxuuna ku qaangaaraa daadinta dhiigga dadkiisa, wuxuuna ku gaboobaa burburinta iyo kala qeybinta dalkiisa.”

Fiqi waxa uu ka digay halista Farmaajo kasoo socota xilli uu watqigiisa kasii dhammaan rabo wuxuuna tusmeeyey waxyaabaha laga filan karo.

“Inta uu cusub yahay shaatiga wadaniyadda ayuu adeegsadaa, Hantida iyo ciidamada qarankana umadda ayuu u isticmaalaa, marka uu sii dhacayana wixii uu dhacay oo hanti ah iyo qabiil ayaa garab u noqda.” Ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii umadda Soomaaliyeed si dhab ah isaga waraysan laheyd diktaytarka saanqaadka xun ee dastuurkii iyo shuruucdii uu madaxda ku ahaa asagu ku tumanaya.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wasaaradda ganacsiga oo siminaar ku qabatay Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi  Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan  habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye  Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba.

 Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia e Addis Ababa.  

Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga   daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan.  

Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda.

Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Xasan Sheekh: Farmaajo waxa uu hayaa waddadii lagu hungoobay ee lagu dumay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro.

Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inay  baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka.

“Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh Maxamuud.


Xigasho: Jowhar.com

Shariif wuxuu Imaamka iyo Ugaaska Mudulood ka mudan yahay booqasho ka badan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha iyo duubabka Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku booqday gurigiisa kadib dhacdadii lagu xayiray.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali  Imaam oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u muujiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed sida ay uga xun yihiin tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si uu uga qeybgalo Caleemka saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe.

Odayaashaan oo xal ahaan ugu tagay Shiikh Shariif ayaa ka codsaday in Xaaladda la dajiyo isla markaasna ay iyaga Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajoon doonaan dhacdadaan.

Imaamka iyo Ugaaska Maanta u tagay Shiikh Shariif ayaa la rumeysan yahay inay daacad u yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo bil kasta siiso lacago.

Dadka Falanqeeyo siyaaddda ayaa aaminsan inay aheyd in Ugaaska iyo Imaamka ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan dhacdadaan isla markaasna ay farriin u cad u diraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Waxaa laga sugayey inay saxaafadda la hadlaan isla markaasna ay si cad uga hadlaan kiiskaan taagan iyo cidda ka dambeyso iyo sida laga yeelayo arrimaha noocaan oo kale ah oo ay dhawr jeer ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka.

Shalay ayey aheyd markii xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ay Shiikh Shariif ugu tageen gurigiisa iyadoo wado raali gelin, balse Shiikh Shariif ayaa si cad ugu sheegay inuusan intaan ku qanci karin balse loo baahan yahay inay Dowladda raali gelin rasmi ah ka bixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaadeyso tallaabooyin ka baxsan Sharciga oo ka dhan ah Maamul Goboleedyada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado.

“Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]