Gaza (Caasimada Online) – Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Khalil al-Hayya uu noqday hoggaamiyaha cusub ee ururka, isagoo beddelaya Yahya Sinwar oo ciidamada Israa’iil ay dileen bishii October 2024.
Bayaan ay Xamaas soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in al-Hayya oo hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenka ururka, isla markaana ka mid ahaa shanta xubnood ee golaha hoggaanka uu ku guuleystay doorasho gudaha ah oo wareegii ugu dambeeyay uu kula tartamay hoggaamiyihii hore ee garabka siyaasadda, Khaled Meshaal.
Saameynta al-Hayya ee Xamaas ayaa si weyn u korortay kadib markii sanadkii 2024 la dilay hoggaamiyayaashii ugu sarreeyay ee ururka, oo ay ku jiraan Yahya Sinwar, taliyihii garabka milatariga Mohammed Deif iyo Ismail Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran xilli uu booqasho ku joogay.
Geerida hoggaamiyeyaashaas kadib, al-Hayya wuxuu noqday mid ka mid ah shan xubnood oo hoggaaminayay golaha ku-meel-gaarka ah ee Xamaas, kaas oo la dhisay dabayaaqadii 2024 si uu u maamulo arrimaha ururka inta uu socday dagaalka Israa’iil ka waddo Marinka Gaza.
Al-Hayya ayaa sidoo kale ahaa madaxa wada-hadallada Xamaas intii lagu jiray heshiiskii xabbad-joojinta ee lala gaaray Israa’iil bishii October 2025, inkastoo heshiiskaasi uusan joojin weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ka waddo Gaza.
Hoggaamiyahan cusub ayaa laba jeer la sheegay inuu ka badbaaday isku dayo dil oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil.
Weriyaha Al Jazeera ee Nour Odeh oo warbixin ka dirtay meel u dhow magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ayaa sheegtay in Israa’iil aysan weli si rasmi ah uga falcelin doorashada al-Hayya, balse gudaha Israa’iil lagu tilmaamo inuu yahay siyaasi adag oo xiriir dhow la leh Iran marka loo eego dowladaha Carabta iyo xitaa Turkiga.
Waxay sidoo kale sheegtay in hannaanka doorashada Xamaas uu ahaa mid muddo bilooyin ah socday, iyadoo codbixinta laga qabtay Daanta Galbeed, Gaza, xabsiyada Israa’iil iyo xubnaha ururka ee dibadda ku nool, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday doorashada al-Hayya.
Khalil al-Hayya wuxuu ku dhashay Marinka Gaza sanadkii 1960, wuxuuna ka tirsanaa Xamaas tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1987. Sannadkii 2006 ayuu loo doortay baarlamaanka Maamulka Falastiin.
Muddooyinkii dambe wuxuu door muuqda ka qaatay dadaallada diblomaasiyadeed ee Xamaas, isagoo inta badan saldhig u ahaa dalka Qatar oo noqday xarunta ugu weyn ee dhex-dhexaadinta wada-hadallada ay ku lug leeyihiin Israa’iil, Masar iyo Mareykanka.
Joogitaankiisa dibadda Gaza ayaa u sahashay inuu si xor ah ugu safro dalalka gobolka isla markaana isku dubbarido wada-hadallada, isagoo hoggaamin jiray wafdiyada Xamaas ee ka qaybgalayay dadaallada lagu doonayay in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin oo Gaza ah.
Qoyska al-Hayya ayaa sidoo kale si weyn u saameeyay weerarrada Israa’iil. Afar ka mid ah carruurtiisa ayaa lagu dilay duqeymo kala duwan sannadihii la soo dhaafay. Dagaalkii Gaza ee 2014, weerar Israa’iil ay qaaday ayaa lagu burburiyay guriga wiilkiisa curadka ah, Osama, kaas oo lagu dilay weerarkaasi isaga, xaaskiisa iyo saddex carruurtooda.
Bishii September ee sanadkii hore, weerar kale oo Israa’iil ay ku qaaday dhisme la degganaa oo ku yaalla bartamaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa lagu dilay shan qof, kuwaas oo uu ku jiray wiilkiisa Humam.





