26.5 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

UHURRU oo qaaday tallaab yaab badan

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sii waday Isniintii (10-kii March) shaacinta in uu dhimi doono mushaaraadka mas’uuliyiinta sare taasoo ah dadaal lagu dhimayo xaddiga mushaaraadka dalka.

Jimcihii (7-dii March) ayay Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska dhimi doonaan 20% mushaarkooda, halka mushaarka wasiirradana la dhimi doono 10%. Mushaar jariddu waxay “dhaqan-gali doontaa markiiba” ayuu Kenyatta ku yiri hadal uu jeediyay Jimcihii, isaga oo intaa raaciyay in kharashaadka hadda sida ay ku socdaan aan lagu sii wadi karin.

Xukuumadda ayaa sidoo kale ku soo koobi doonta safarrada dibadda kuwooda ugu muhiimsan, sida uu sheegay Kenyatta. “Xukuumaddeeyda waxa ay si weyn hoos ugu dhigi doontaa lacagta bilaa macnaha ku baxda,” ayuu yiri.

“Waxan sannad walba ku bixinnaa bixinta mushaarrada 400 oo bilyan ($4.6 bilyan); taasoo noo soo reebta kaliya marka laga hadlayo waxa aan ka helno ilaheenna 200 oo bilyan oo shilin si aan ugu baddalno Kenya,” ayuu yiri Kenyatta. “Waa sababtaas taan u leennahay jaangooyadani maaha mid sii shaqeeyn karta… Waa in aan wax ka qabannaa dhibaatadan weyn haddii aan dooneeyno in aan horumarinno qarankan.”

Isniintii (10-kii March), ayuu ku amray madaxda hay’adaha dawladda in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-galiyaan dhimidda khasabka 20%-ka ah.

“Iina oggolaada in aan idiin caddeeyo, haddii aad sidaa yeeli waydaan, waxa jira Kenyan badan oo diyaar u ah in ay ku qaataan shaqooyinkaas mushaaraadkaas hoose,” ayuu yiri Kenyatta sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Kenyatta ayaa sidoo kale ku boorriyay xildhibaannada dalka in ay raacaan tusaalihiisa oo ay dhimaan mushaarkooda.

“Waxan rajeeynayaa in waaxyaha kale ee dawladdu ay qaadaan tallaabadaa oo kale oo ay dib u eegaan mushaarkooda. [Xubnaha baarlamaanka] way maqleen wayna yaqaannaan waxa ay Kenyanku doonayaan,” ayuu yiri. Mushaarka Kenyatta ayaa noqon doona 990,000 oo shilin ($11,400) isaga oo ka soo dagaya 1.2 milyan shilin ($14,300), halka kan Ruto uu noqon doono 841,500 oo shilin ($9,700) isaga oo ka soo dhacaya 1.1 milyan shilin ($12,100), sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Xildhibaannada ayaa si cagajiid ah sannadkii hore ku oggolaaday in mushaarkooda la dhimo, kaasoo mushaarkooda billaha ah hoos ugu soo dejiyay qiyaasaha 532,000 oo shilin ($6,100).

Mushaarka ugu hooseeya ee ay qaataan muruq-maalka Nairobi qiyaastii waa 8,500 oo shilin ($98) bishii. Wasiirrada xukuumadda ayaa hadda qaadan doona 633,600 oo shilin ($7,300) kaasoo hoos uga soo dhacaya 792,000 oo shilin ($9,100), halka xoghayayaasha joogtada ahi ay qaadan doonaan 524,700 ($6,000) kaas oo hoos uga soo dhacaya 655,875 shilin ($7,500).

Guddoomiyaha Komishanka Mushaaraadka iyo Abaal-marinnada Sarah Serem ayaa sheegtay in shaqaalaha dawladdana sidoo kale loogu baaqi doono in ay si iskood ah u dhimaan mushaarka, sida uu sheegay The Standard-ka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Howgallo saakay ka socda Muqdisho & walaac ay shacabka ka muujinayaan

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socday howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgallada oo ka socda xaafada Buula-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaa la arkayaa dhallinyaro fara badan oo laga soo qabqabtay guryaha ku yaalla xaafadaas kuwaaso la saarayo baabuurta Shabaqlayaasha loo yaqaano.

Xog badan lagama hayo howgallada saakay ka socda Muqdisho wax yaabaha ay la xiriiraan balse waxaa sheegis mudan in habeebkii xaley qaybo ka mid magaalada in laga maqlay hoobiyaal iyo qaraxyo.

Ilaa hadda ma jirto khasaaro ka dhashay madaafiicda xaley laga maqlay degmooyinka Hodan iyo Waabari oo ka mid degmooyin ay si weyn u maamusho dowladda Soomaaliya.

Howgallada ayaa saameeyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadka, waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashada ee ku yaalla xaafadaas.

Toddobaadkii horre ayey ahayd uun markii howgal siddan oo kale ah ay ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadan iyo xaafadaha kale ee ku teedsan degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Mid kamid ah aasaseyashii fanka Banaadiriga oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aasaaseyaashii fanka Banaadiriga.

Marxuumka ayaa la shegeay in uu ku geeriyooday gurrigiisa oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariisto Xaaji Iikar Leeb wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii loogu jeclaa fanka Banaadiriga, wuxuuna wax ka dhigay ruwaayadihii ugu horreeyay ee Banaadiri ah ee Golaha Muritada iyo Madaddaalada lagu soo bandhigay sanadkii 1967 sida ruwaayaddii Talo Xumo tol ma badiso.

Wuxuu la soo shaqeeyay abwaanno fanka Banaadiriga caan ku ah sida Dr. Raafi, Macow Aw Diinle, Muumin Yoo, Xabiib Maxamed Xabiib, Cabduqaadir Nuuraani, Axmadey Cabdi Gaashaan iyo kuwo kale oo badan.

Ruwaayadihii kale ee uu wax ka dhigay waxay ahaayeen Dhagarroow lagu arag, Ku waano qaado waqtiga, Wiil iyo Waalid kala war la’, Socdaal iyo Sir Jaceyl, Luul iyo Leyla iyo u samir ama ka samir.

Marxuumka lagu wadaa in lagu aaso maagalada Muqdisho.

Bahda Caasimada Online waxa ay tacsi u dirayaan qoyska iyo dhammaan dadkii uu ka baxay marxuum Xaaji Leeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha maamulka SHABEELLE State oo ka hadlay qorshihiisa cusub

Afgooye (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuur Cabdi Mardaadi ayaa ka hadlay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono.

Isagoo ka hadlaayay xafladda lagu doortay ayuu sheegay in maamulkiisa uu mudnaanta koowaad siin doono arrimaha ammaanka iyo siddii dib loogu soo noo leyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee labadaas gobal ay lee yihiin.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State
Madaxweynaha maamulka Shabeelle State

Abuukar Mardaadi ayaa xusay in labada gobal loo sameeyn doono ciidamo ammaanka suga si looga fogaado dagaallada qabiilka ku saleesan ee labadaas gobal ka dhacay mararka qaar.

Wuxuu xusay in la sameyn doono ciidamo ammaanka suga, isagoona intaas ku daray in ay dhammaadeen dagaalladii gobalka ka dhici jiray ee abaabulnaa qaabka qabiilka sidda uu yiri.

Mardaadi oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu suuq geyn uu sameyn doono wax yabaaha ka soo go’a beeraha labada gobal.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay siddii looga faa’ideesan lahaa ilaha dhaqaale ee gobalka uu caanka ku yahay, isagoona hoosta ka xariiqay in dib loo soo nooleyn doono warshadihii Sonkorta ee Jowhar iyo dharka ee Balcad.

“Muuska, liinta iyo sisinta ayaa suuq geyn u sameyn doonaa oo waxaa laga iibin doonaa ganacsatada Yurub” ayuu yiri

Maamulka Shabeelle State ayaa ka mid noqday maamulo fara badan oo laga dhisay qaybo ka mid ah dalka, kuwaasoo hadda u muuqda in ay soo badanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Barnaamij murugo & oohin leh oo laga sameyay Soomaalida S/Afrika

Wariye Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Koofur afrika ayaa Barnaamij Muuqaal ah uu ka diyaariyay Dhibaarada arxan darada leh ee lagu hayo Soomalida ku nool wadanka Koofur Afrika.

Muuqaalkani oo ah mid leh Qiiro Murugo badan leh & silaca ku heysta Soomaalida Wadanka South Afrika ku nool ee nala daawo kadibna nala wadaag Fikirkaada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Ganacsade Soomaali oo caan ahaa oo lagu dilay dalka Kenya (Warbixin)

Mombasa (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa ku dulay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kasoow, waxaa lagu dhex dilay dukaan dahab lagu iibiyo oo uu ku lee yahay magaalada Mombasa, waxaana la sheegay in kooxda dilka geestay in ay rabeen in ay dhacaan dukaanka siddaas waxaa VOA u xaqiijiyay wiil u dhalay oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Kasow.

Wuxuu sheegay in waxbo aaney ka dhicin dukaanka ragga dilay aabihiis.

Markii uu dilka dhacay, waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo kabillaabay goobta baaritaan.

Allaha ha u naxariisto marxuum Xuseen Kasow ayaa horrey dukaamo lagu iibiyo ku lahaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Waar markii labaad oo la soo weerarro dukaanka marxuumka afar sanno ka hor ayaa siddan oo kale loo soo weerarray in kastoo uu xilligaas uu ka maqnaa dukaanka sidda uu sheegay wiilkiisa.

Mombasa waxaa ku nool Soomaali badan kuwasoo halkaas ku leh ganacsiyo waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maamulka Shabeelle State oo yeeshay madaxweyne cusub iyo ku xigeenkiisa

Afgooye (Caasimada Online)-Deeganka Calamada oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa galabta ka dhacday doorashada maamul gobaleed loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Maamulka Shabeelle State ayaa waxaa madaxweynaha loo doortay Abuukar Cabdi Mardaadi oo horrey xil uga soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray dalka, sidoo kale waxaa madaxweynaha ku xigeenka maamulka Shabeelle State loo doortay Muxyidiin Xasan Afrax, oo ka mid ahaa qaban qaabiyaasha shirka maamulkan lagu dhisay.

Labada nin ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaa labada gobal sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online oo ku sugan goobta lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabeelle State.

Munaasabada lagu dooranayay madaxweynaha cusub ee maamulka Shabeelle State waxaa ku sugnaa xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Haweeneydii ahayd xisaabiyaha guud ee DF Somalia oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii waxa ay degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho ku toogteen gabar xisaabiyo guud ka ahayd mid ka mid ah hey’addaha dowladda.

Sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaal gabadha ayaa lagu dilay meel aan ka fogayn gurrigooda oo ku yaala Degmada Wadajir, waxaana la dilay xilli ay ku sii jeeday goob ay ka shaqeeneysay..

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Xafsa Cabdinuur Maxamed, waxaana toogtay rag ku hubeysnaa bastoolado, waxaana markii ay dileen ay ka baxsadeen goobta.

Si dhab ah loomaga ogga cidda dishay gabadhan oo siddoo kale dhigan jirtay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla, sidda u sheegay aabaheed Cabdinuur Maxamed.

Ma ahan markii ugu horreysay oo caasimada Muqdisho lagu dilo haween u shaqeeya dowladda,mana jirto cid loo soo qabto dadka dila howlwadeenada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Arrin mucjiso ah magaalo qofkii tagaabo uu mataano ku dhalaayo

Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbinaya waa mid Arin Mucjiso cajiib ah wata ee nala daawo kaasoo ah Magaalo qofkii tagaa uu dhalayo Mataano.

Qof walboo aduunka jooga waxuu arkayaaa wax ka yaabiya maantana waxaan anigu arkay Muuqaal iga yaabiyay oo ka hadlaya Magaalo qofkii tagaa uu dhalayo Mataano ee nala arag Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Xasan Sheekh oo u ambabaxay Japan

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku sii jeeda magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah uu ka helay  ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Japan in ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii shirkii Yakohama ee sanadkii hore.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay wadaan qorshihii dib u dhiska dalka iyo mashaariicda muhiimka u ah dalka si dowladda Japan ay u hirgeliso mashaariicdaas.

Japan waxa ay ka mid tahay waddamada taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay booliska Soomaaliya ay ku deeqeyn gaadid iyo hub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Falanqeyn ku saabsan Justin Marozzi oo ah La-taliyaha Madaxweyne Xasan

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa shaqaalaheeda ka mid ah Justin Marozzi oo ah wariye iyo taariikhyahan u dhashay wadanka Ingiriiska, wuxuuna ku magacaaban yahay ‘la taliyaha saxaafadda caalamka’ ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad kaarkiisa aqoonsiga (ID) ee madaxtooyada Soomaaliya.

Sawir guud markii aad ka qaadatid waxbarashada Justin Marozzi oo ah Taariikh iyo saxaafad iyo dadka Soomaaliya u baahan tahay in loo soo kireeyo si aqoontooda looga faa’iideysto waa kaaf iyo kal dheeri.
Saxaafadda Caalamka waxyaabaha muhiimka u ah markii ay dal shisheeye saxafiyiintoodu imaanayaan waxaa ugu muhiimsan 1. is diiwaan galiso, 2. turjubaan, 3. ‘Darawal’ iyo gaari iyo 4. Hage (qof dhulka iyo dadka kala tusa) 5. iyo liiska warbaahinta ugu fiican ee dalka laga aqriso ama ugu afka dheer.
Madaxtooyada waxay uga bahanyihiin
1. Ballan madaxweynaha in looga sameeyo si ay wareysi uga qaadaan
2 Ogaanshaha waqtiga ay dhacayaan shirarka jaraa’id iyo xafladahooda, iyo
3. Inay ka mid noqdaan liiska (mailing list) ee farriimaha madaxtooyada lagu gaarsiiyo qoraal ahaan.
Sadexdan arrimood waxaa fududeyn kara dhowr hey’adood oo ay ugu horeyso
1. Qeybta warfaafinta ee Madaxtooyada
 2.Wasaaradda Warfaafinta
3. Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA
4. Ururka saxafiiyiinta Qaranka ee NUSOJ, 4. iyo hey’adaha kale ee madaxa bannaan sida SIMHA,  MM House iyo ururada kale ee la mid ka ah, iyagoo la kaashanaya kuwa dowliga ah ee kor ku xusan.
justinDowladdaha qani ah waxay u madax banaan yihiin inay kireystaan dad aqoonyanno ah oo cilmigooda laga faa’iido, hase ahaatee dadkiisi waxay ku shaqeeyaan caadiyan xaafiisyo gooni ah oo ka dheer siraha iyo warbixinada dowladda, waxaase ii muuqatain Justin uu jikada dhinac ka fadhiyo.
Waxaa kale oo jirta shuruudo lagu xiro dadka loo kireysanayo qeybta warbaahinta ee madaxtooyo dowladeed ama madaxweynaha,  maadaama ay isgaarsiintu muhiim u tahay dowladaha, waxaana ka mid ah:-
1. in qofka ajinabiga ah ee qeybtan ka howl galaya uu yaqaan luuqadda dalka,
2. inuu samen karo cilmi baaris
3. inuu horumarin karo qeybta uu ka howl galayo
4. inuu jeexi karo waddo shaqo oo waafaqsan mabaa’iida, diinta iyo dhaqanka ay aaminsan yihiin dadka loo shaqeynayo
5.  inuu koontorooli karo farriimaha madaxweynaha ee ku baxaya luuqadda dalka
6. Inuu ka jawaabi karo mararka qaar beenta saxaafadda caalamka ay ka faafiso  madaxweynihiisa
7. odoros ama saadaalin caqabadaha iyo qaladaadka ka dhici kara waaxda isgaarsiinta ee madaxweynaha
8. Inuu xallin karo is maandhaafka madaxweynaha iyo shaqaalihiisa ee ku aadan arrimaha is gaarsiinta
9. iyo La shaqeyn joogto ah hey’adaha warbaahinta ee dalka sida Raadiyaha, Tv-ga, wakaaladda, Websiteka iyo shabakadaha arrimaha bulshada.
Waxaa jirta daaqad kale oo arrintan laga eegi karo, taas oo ah dhinaca dhaqaalaha!!, dad badan ayaa aaminsanin Marozzi mushaarkiisa ay bixiso dowladda Soomaaliya, waxaana qiyaas ahaan mushaarkaas uu noqon karaa $6,000 (lix kun oo dollar) oo nadiif ah.
Laakiin aniga shaki ayaa iiga jira taas, waxaana aaminsanahay inaysan dowladdu  booskaas baashaalaka aysan ku bixin karin lacag intaas la’e, taa bedelkeedana in Justin Marozzi uu madaxtooyada ku joogo qaab ah “grant” oo ah  in dowladda Ingiriisku ay mushaarkiisa bixiso.
Waxaa kale oo dhici karta in ninkan uu dano kale u joogo Madaxtooyada, waxaana laga yaabaa inuu qorayo buug uu ku ceyn doono SOomaalida, maadaama uu qoraa yahay, todobaadkii horena uu soo bandhigay sheeko aheyd neynaasyada dadka Soomaaliyeed.
Waxaa muuqata in Xilligan Justin Marozzi oo kale aanu ku habooneyn inuu ka soo muuqdo madaxtooyada dalka, waayo dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin indheer-garad hantidoodu ay  tahay aqoon, kuwaas oo aan ka faa’iideysanno, waxaana dalku si ba’an ugu baahan yahay Dhaqaatiir na daaweysa, Injineerro jidadka noo dhisa, Macallimiin aqoon nagu shubta, Seynisyahanno caalamka naga daba geeya, ganacsato wadanka maal-gashata, si dhalinyaradu shaqo uga hesho iyo culimo ku taqasusay arrimaha badaha, beeraha iyo hawada.
W/Q: Farah Blue
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Dhageyso: Tarsan oo shaaciyey arrimo badan kadib markii uu xilka ka dagay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa laga wereystay arrimo badan oo ay ka mid tahay wax yaabaha u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo sidda uu u arko ciidamada Ethiopia ee ka mid noqday howgalka Midowga Afrika gulfka dagaal ay ka wadaan Soomaaliya.

Tarsan oo marti u ahaa barnaamijka wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxaa wax laga weydiiyay siddii uu nabadeeyay gobalka Banaadir iyo cidda ku caawiyay in uu Muqdisho muddo yer uu ka dhigo magaallo ka soo kabatay dhibkii dilooday 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Tarsan ayaa sheegay in markii uu la wareegayay xafiiska uu howsha ka billaabay meel eber ah, balse ay gacan siiyeen iskaashitada gaadidleyda gobalka Banaadir kuwaasoo gawaari siiyay si ay qashinka buuxay Muqdisho ay ka qaadaan iyo mulkiilayaasha leh shirkadaha korantada kuwaasoo nalal ku xardhay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, wuxuu qiray in dadka ku nool Muqdisho ay yihiin dad u helaan nabadda kaliye ay u baahan yihiin hoggaamiye daacad ah.

Wuxuu kaloo sheegay in wax yaabaha uu qabtay ay ka ahayd daacad, haddii aaney daacad ka ahaan lahayn in horrumarka ka muuqda Muqdisho aaney la gaari lahayn sidda uu yiri.

Halkan ka dhageyso Tarsan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CABDI WELI GAAS oo gaaray Jabuuti

Garoowe (Caasimada Online) Sidda uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti, waxaa halkaas goordhow ka degtay diyaarad uu la socday madaxweynaha maamulka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti, waxaana markii dambe loo galbiyay gudaha magaalada oo ay hadda ku sugan yihiin.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa saakay ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, ka hor inta uusan dhoofin, ayaa sheegay inay booqashadoodu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxda dalka

Waa markii labaad oo madaxweynaha Puntland uu safar dhinaca dibadda u ambabaxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland 8-dii bishii Janaayo ee sannadkan.

Madaxweynaha inta uu joogo Jabuuti waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalkaas iyo dipolomaasiyiin caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]

Daawo: Hantida Qaranka SOOMAALIYA oo ku dayacan waddamo dariska ah

Caasimada Online: Muuqaal kooban oo ka hadlaya Hantida Qaranka Soomaaliyeed ee wadamada dibadda ah ku dayacan kadib markii aysan helin Dad soo raadsada oo sheegta in ay lee yihiin Hantidaasi Qaran.

Aqristoow waxaan hubaa in aad Ilmeyneyso marka aa daawato Muuqaalkani waxaadna dareemeysaa in Hanti badan oo Soomaali ay lee dahay dunida dacaladeeda ay ku dayacan tahay ee nala arag Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Somali ku dhimatay xeebaha Yemen

Sana’a (Caasimada Online)-Warar ay qoreen Isniinta maanta ah Wakaalada wararka caalamiga ah, ayaa sheegaya in ugu yaraan 42-qof oo ah Afrikan ay ku dhinteen Xeebaha Koonfurta Yemen, sidaas waxaa shaaciyay wasiirka gaashandhigga dalka Yemen.

Dooni ay la socdeen dad aad u fara badan ayaa la sheegay in ay ku degtay meel ku dhow xeebta Beer Cali, oo ka tirsan Koonfurta Shabwah goor dambe oo Axadii ahayd, siddaas ayaa lagu sheegay war kooban oo uu shaaciyay wasiirka gaashandhigga Yemen kaasoo lagu daabacay Website-ka  26sep.net.

Ciidamada babadda ee Yemen ayaa soo badbaadiyay ugu yaraan 30 qof oo ah dadkii la socday doonta degtay, waxaana ay geeyeen xero qoxooti oo ku taalla magaalada Mayfaa.

Siddaas waxaa shaaciyay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay wakaalada wararka AFP, balse ma jirto xog laga hayo dadka la socday doonta iyo waddamad ay u dhasheen.

Inta badan waxaa isticmaala xeebaha Yemen Afrikan u badan Ethiopian iyo Soomaali kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada waddamadooda yaalla ama in lagu rido xukunno kala duwan, waxaana ay doonyo ku soo gaaraan Koonfurta Yemen si ay u galaan dalka Saudi Arabia.

Ku dhawaad 84,000 oo qof oo ka yimid geeska Afrika ayaa gaaray dalka Yemen sannadkii 2012, waxaana ay dadkaas ay rajo ka qabaan in ay helaan shaqooyin ay ka helaan Saudi Arabia aiyo waddamada Khaliijka siddaas waxaa laga soo xigtay hey’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

DEG DEG: Dhakhtar caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasomada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Takhtar caan ah caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, ayaa soo sheegay in caawa fiidkii magaalada lagu dilay Takhtar Xasan Diiriye oo caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Takhtarka ayaa la sheegay in ay dileen seddax nin oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku dilay meel ku dhow gurrigiisa oo ku yaalla bartmaha Kismaayo.

Takhtarka ayaa la toogtay xilli uu ka yimid goob caafimaad oo uu lee yahay meel aan siddaas uga fogeyn gurriigisa, kooxda dilka geesatana waxaa la sheegay in baxsadeen.

Ilaa hadda si dhab ah looma garanaayo cidda dishay takhtarka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Kismaayo waxa ay noqotay magaalo dadka lagu dilo cidda dishana aan la ogeyn, maamulka magaalada gacanta ku haya waxa uu mar kasta lee yahay ammaanka waxbaab ka qaban doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DASTUURKA uu yeelanaayo maamulka Shabelle State oo galabta la ansixiyay

Afgooye (Caasimada Onine) Deeganka Calamada ee duleedka magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa galabta lagu ansixiyay dastuurka uu yeelaanyo maamul cusub oo loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo loo bixiyay maamulka Shabelle State.

Dastuurka waxaa ansixiyay in ka badan 400 oo ergo kuwaasoo ka kala socotay labada gobal sidda uu soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo ka qaybgalay shirka maanta.

Guddiga shirka ayaa sheegay in maamulka loo dhisaayo labada gobal in uu soo socday muddo lix bil, markana la soo gaaray siddii loo shaacin lahaa maamulka loo sameenaayo labada gobal.

Daah furka shirka waxaa joogay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labada gobal, waxaana ay taageereen rabitaanka ku dhaqan labada gobal ee ah in ay sameestaan maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin.

Waxaa kulanka ka hadlay odayaasha ku howlan maamul u sameynta labada gobal waxaana ay dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in ay taageerto maamulka ay dhisanayaaan.

Waxaa soo badanaya shirarka maamulka loogu dhisaayo gobalada dalka, waxaana gobalka Shabellaha Hoose uu noqday gobal la isku heesto maamulka uu ku biiraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

Feysal C Waraabe: Booqashadii C/Weli Gaas ee Jig-Jiga waa durbaan qabiil

Nairobi (Caasimada Online) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe oo ku sugan Nairobi, ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu amni daro ka wada Puntland iyo Somaliland,isagoona ku si feeyay booqashadii uu ku tagay Jigjiga in ay la xiriirto durbaan qabiil oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo laga billaabi Garoowe, Wardheer ilaa iyo Kismaayo.

“Ninkaa madaxweynaha ka ah Puntland waxaan is lahayn markii la doortay waxbuu ka badali lahaa balse wuxuu wataa durbaan qabiil oo uu doonaayo in uu ku tumo Garoowe, Laasacaanood, Kismaayo iyo ilaa kilanka shannaad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa la weydiiyay wada xaajood in ay la sameeyeen Cabdiweli Gaas, wuxuu yiri “Siddee ayaan u wada xaajooneynaa”

Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in isbadal ku sameeyo dhaqanka uu la soo baxay ee ah in uu qabiilkiisa ku baahiyo deeganno ay ku jirto dhulka Ethiopia”Taasna waxa ay dhibaato ku noqon doontaa” ayuu yiri xukuumada Addis Ababa.

Wuxuu kaloo sheegay Feysal Cali Waraabe in Sool iyo Sanaag aaney cid gaar u leh, oo qabiil kasta ayaa deggan ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in markale Soomaaliweyn loo mideen karo Wuxuu yiri “Muqdisho iyo Hargeysa waxa ay midoobeen sannadkii 1960-kii, waana ay wadashaqeyn karaan iyagoo kala madax banaan oo mala maarmaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Ugu dambeyn wuxuuu sheegay intii uu joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in uu kulamo la qaatay diplomaasiyiin caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

VIDEO: La yaabka ka jira MUQDISHO

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya Horumar dhan walba leh kaas oo si weyn ugu fidaya Magaalada Muqdisho waxaana dib u soo noqonaya Nidaamkii Dowliga ahaa.

Muuqaal la yaab leh oo ka hadlaya Sheeko ka jirta Muqdisho oo dadka ay aad u hadal hayaan ayaan jacelahay in aan idiin la wadaago ee ila daawada la yaabka ka jira MUQDISHO.

Sheekadan ayaa waxa ay ku saabsan tahay taksiyada iyo mootooyinka bajaajka loo yaqaan ee laga hir-geliyey Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: