26.1 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Jeyte oo dalab xasaasi ah hordhigay beesha Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda, Cali Jeyte Cismaan, ayaa ku baaqay in lasoo afjaro dagaalka afar sano jirsaday ee ka socda gobollo ka mid ah dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa dhaliilay qaabka uu hadda dagaalku u socdo, isaga oo xusay in la joogo xilligii la dhammeystiri lahaa qorshaha xoreynta.

Wuxuu ugu baaqay beesha Xawaadle inay u midoobaan sidii dagaalka loo dhammayn lahaa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan laga cabsanin dagaalka.

“Dagaalku waa nagu dheeraaday, taageero buuxda ayuu u baahan yahay. Ma ka baxeynaa dagaalka haddaan garabka dowladda weyno? Jawaabtu waa maya! Waa inaan dagaalka sii wadnaa oo aanan dib uga guran,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale beesha Xawaadle ugu baaqay inay isugu timaado kulan ballaaran si xal dhab ah loogu helo taageerada dagaalka.

“Sida haatan dagaalku ku socdo si sax ah ma aha, ee madaxda beesha halkan badankeedu fadhiso, waxaan leeyahay dagaalka il hoose halagu eego,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in dagaalka hadda socda uusan lahayn qorshe cad oo dhab ah, loona baahan yahay in la dejiyo istiraatiijiyad lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayuu Cali Jeyte ka jeediyay xalay kulan afur ahaa oo beesha Xawaadle ku yeelatay Muqdisho, kaasoo diiradda lagu saaray dardar-gelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo diyaar u ahaanshaha beesha ee doorashada qof iyo cod.

Faah-faahinta dil ka dhacay Hargeysa iyo eedeysanihii oo gacanta lagu dhigay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku guuleystay soo qabashada nin loo haysto dil shalay ka dhacay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

War rasmi ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee Booliska ayaa lagu sheegay in, kadib dadaal dheer, ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Yaxye Maxamed Abees, waxaana la tuhunsan yahay inuu fiidnimadii Khamiista dilay Marxuum Guuleed Maxamed Yuusuf.

Sida lagu sheegay warbixinta Booliska, eedeysanaha ayaa lagu qabtay kantaroolka galbeed ee magaalada, iyadoo la filayo in si degdeg ah loo horgeeyo hay’adaha garsoorka.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo kooban ka dhaca xaafadda Maxamed Mooge, kadib markii dhowaan halkaas lagu dilay taliyihii saldhigga booliiska ee degmada, kaasoo gacan ku dhiiglihii falkaas la qisaasay.

Boolisku ma shaacin faahfaahin ku saabsan sababta keentay dilkan iyo hubka loo adeegsaday.

Hargeysa, oo ah caasimadda Somaliland, ayaa ka mid ahayd deegaanada ugu nabdoon ee maamulka. Hase yeeshee, muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal dil ah, kuwaas oo qaarkood lala anfariiray.

Itoobiya iyo Eritrea oo cagta saaray waddadii dagaalka – Maxaa cusub?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda sii kordhaysa ee u dhaxeysa Ethiopia iyo Eritrea ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal hor leh oo ka qarxa gobolka Geeska Afrika, taasoo keeni karta musiibo bani’aadannimo oo kale, sida ay ka digeen saraakiil ka tirsan gobolka xasillooni darrada ka taagan tahay ee Ethiopia.

Haddii labada dal ay dagaal toos ah galaan, waxay taasi dhabar-jab ku noqon doontaa heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee ay gaareen, kaasoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku helay abaal-marinta nabadda ee Nobel sanadkii 2019.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal, dagaalku wuxuu sidoo kale keeni karaa in dalal kale oo gobolka ah ay ku lug yeeshaan.

Xiisaddan sii kululaanaysa waxay sii murjin kartaa xaaladda bani’aadannimo ee gobolka, iyadoo xayiraadaha gargaarka ay caqabad ku noqdeen dadaallada lagu caawinayo malaayiin qof oo ay saameeyeen colaadaha gudaha ka aloosan Sudan, Somalia iyo Ethiopia.

“Dagaal wuu qarxi karaa waqti kasta”

“Waqti kasta waxaa qarxi kara dagaal dhex mara Ethiopia iyo Eritrea,” ayuu General Tsadkan Gebretensae, oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka kumeel gaarka ah ee Tigray, ku qoray wargeyska The Africa Report ee diiradda saara arrimaha Afrika, Isniintii.

Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Tigray intii u dhaxaysay 2020-2022, oo u dhexeeyay Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo dowladda dhexe ee Ethiopia, wuxuu sababay dhimashada boqolaal kun oo qof.

Cabsi laga qabo dagaal cusub ayaa soo xoogeysatay kadib markii TPLF ay u kala jabtay laba garab sanadkii hore—mid hadda maamula Tigray oo taageero ka helaya dowladda federaalka Ethiopia iyo mid kale oo kasoo horjeeda.

Talaadadii, garabka mucaaradka ah, oo Tsadkan ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Eritrea, ayaa la wareegay magaalada waqooyiga ku taalla ee Adigrat.

Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa dhankiisa dowladda Ethiopia ka codsaday gargaar ka dhan ah mucaaradka, kuwaasoo beeniyay inay xidhiidh la leeyihiin Eritrea.

“Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea aad buu u xumaaday,” ayuu Getachew ka sheegay shir jaraa’id Isniintii. “Waxa aan aad uga walwalsanahay waa in shacabka Tigray mar kale noqdaan dhibbanayaal dagaal aysan aaminsaneyn.”

“Dabka diyaarsan, oo shiditaan u baahan”

Dowladda federaalka Ethiopia weli kama aysan hadlin xiisadda sii xumaanaysa. Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Eritrea wuxuu hadallada Tsadkan ku tilmaamay “xaalad dagaal-ooge lagu sifoobay.”

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea waxay bishii Febraayo bilowday abaabul ciidan oo ballaaran, sida uu sheegay ururka xuquuqda aadanaha ee UK-based Human Rights Concern – Eritrea.

Sidoo kale, Ethiopia waxay dhawaan ciidamo u dirtay xadka Eritrea, sida ay Reuters u xaqiijiyeen laba ilo diblomaasiyadeed iyo laba mas’uul oo Tigray ah, kuwaasoo codsaday in magacyadooda la qariyo sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Reuters ma xaqiijin karto si madax-bannaan dhacdooyinkan. Afhayeenada dowladaha Ethiopia iyo Eritrea kama jawaabin codsiyo laga weydiiyay arrinta.

Diblomaasiyiinta hore ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ee gobolka, Payton Knopf iyo Alexander Rondos, ayaa maqaal ay u qoreen majaladda Foreign Policy ku sheegay in halista dagaal cusub ay dhab tahay.

“Xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Tigray waxay u muuqataa dab qabooban oo kaliya sugaya in la shido,” ayay qoreen.

Xiriir murugsan oo taariikhi ah

Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea wuxuu muddo dheer ahaa mid murugsan. Eritrea waxay ka go’day Ethiopia sanadkii 1993 kadib dagaal 30 sano socday oo ay xorriyad ku dooneysay. Labada dal waxay mar kale galeen dagaal xuduudeed intii u dhaxaysay 1998-2000.

Xiriirkoodu wuxuu si rasmi ah u ahaa mid dagaal ah ilaa 2018, markaasoo Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay gaareen heshiis nabadeed. Ciidamada Eritrea ayaa xitaa garab siiyay dowladda federaalka Ethiopia intii uu socday dagaalkii Tigray.

Balse, ka saarista Eritrea ee wada-hadalladii nabadeed ee xigay ayaa markale xiisadda sare u qaaday.

Mas’uuliyiinta Eritrea waxay si adag uga jawaabeen hadallo uu Abiy Ahmed jeedinayay tan iyo 2023, oo uu ku sheegay in Ethiopia, oo aan badda lahayn, ay xaq u leedahay marin badeed, taasoo falanqeeyayaal qaar u arkeen farriin xambaarsan hanjabaad ciidan oo ka dhan ah Eritrea, oo ku taalla Badda Cas.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Eritrea—oo ah dal xukun adag leh oo go’doonsan—waxay heshiis amni la saxiixatay Masar iyo Soomaaliya, arrin loo fasiray in ay uga gol leedahay in ay Ethiopia ka hortagto haddii ay isku daydo ballaarin dhuleed.

Turkiga oo xalinaya caqabad Soomaaliya sanad kasta looga dhaco boqolaal milyan

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya waxa ay sannad walba ku weynaysaa qiyaastii $300 milyan kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin iyo aan la xakameynin ee ka dhaca baddaheeda ballaaran.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, oo dhererkeedu yahay qiyaastii 3,333 km, una xigta Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, taasoo ka dhigaysa biyaha Soomaaliya kuwo si weyn loogu tartamo—labadaba sharci iyo sharci-darro.

Maamul xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo fulin sharci oo liidata ayaa ka sii daray dhibaatada kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Si wax looga qabto arrintan, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa bishii Febraayo 2024 kala saxiixday heshiis is-afgarad ah, kaasoo dhigaya in ciidamada qalabka sida ee Turkiga ay gacan ka geystaan sugidda amniga badda Soomaaliya iyo fulinta sharciga muddo toban sano ah.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ka jira biyaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya doonyo laga leeyahay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Iiraan, Kuuriyada Koonfureed, Taiwan, Spain iyo waddamo kale oo Yurub ah.

Cilmi-baare ka shaqeeya Muqdisho, kaasoo codsaday in aan la magacaabin, ayaa sheegay in qaar ka mid ah doonyahaas ay si sharci-darro ah ku heleen ruqsadaha kalluumeysiga.

“Ma jiro hab ay dowladda ku ogaan karto inta kalluun ee laga qabsaday biyahaheeda, maadaama doonyahaasi ay si xaddidan u soo gudbiyaan warbixinnada,” ayuu yiri cilmi-baaraha. “Waxay kalluunka gooshaan, dabadeedna si toos ah ugu dhoofiyaan suuqyada caalamiga ah.”

Dhibaatadu kuma koobna oo kaliya doonyaha ajnabiga ah, balse qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, sida Puntland iyo Somaliland, ayaa iyaguna si madax-bannaan u bixiya ruqsadaha kalluumeysiga iyagoo aan wax wadatashi ah kala yeelan dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkiga iyo dib-u-habaynta awoodda badda Soomaaliya

Bilowgii 2000-meeyadii, xilli kalluunka gudaha si weyn loo dhammaystiray kalluumeysiga sharci-darrada ah awgii, boqollaal kalluumeysato Soomaaliyeed ayaa ku khasbanaaday inay hubka qaataan, iyagoo u arkayay hab ay ku ilaashadaan kheyraadkooda iyo noloshooda.

Hawl-galladii ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa si weyn u yareeyay khatarta burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee, 2024, waxaa soo baxaya calaamado muujinaya halis ah in burcad-badeednimadu dib u soo laabato, taasoo qayb ahaan la xiriirta weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ku dhex safreysa badda Cas.

Sanadkii 2011, Recep Tayyip Erdoğan, oo markaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Muqdisho, wuxuuna dib u furay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Tan iyo markaas, iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya waxa uu noqday mid wax ku ool ah, iyada oo Turkigu uu Soomaaliya ka fuliyay mashaariic ballaaran oo isugu jira tababarada ciidamada, dhismaha isbitaallo, xarumo waxbarasho iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Intaa waxaa dheer, Turkiga waxa uu sahmiyay keydka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku hoos jira biyaha Soomaaliya, isagoo adeegsanaya awooddiisa diblumaasiyadeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee uu la leeyahay Soomaaliya, oo ah dal Muslim ah.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee labada dal wuxuu dhigayaa in Soomaaliya ay Turkiga ku wareejiso mas’uuliyadda ilaalinta biyahaheeda iyo kheyraadka badda muddo toban sano ah.

Turkiga ayaa bixin doona tababar ciidan, hawlgallo wadajir ah, is-weydaarsi macluumaad iyo qalabaynta ciidamada badda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga waxa uu helayaa 30% dakhliga ka soo baxa biyaha dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulida sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Warbixinno ayaa sheegaya in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal iyo gaas oo gaaraya 30 bilyan oo fuusto.

Lama oga sida uu heshiiskani u saameyn doono Puntland iyo Somaliland, oo horey heshiisyo ula galay dalal kale oo gobolka ka tirsan.

Xasaradaha Geeska Afrika iyo saamaynta heshiiska

Turkiga waxa uu horey u muujiyay sida uu uga go’an yahay horumarinta awoodda difaaca ee Soomaaliya. Tan waxaa ka mid ah tababarka ciidamada gaarka ah, dhismaha xerada Camp TURKSOM, iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), la wareegidda dekedda iyo garoonka Muqdisho, iyo qeyb ka noqoshada duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taasoo la micno ah in ballanqaadka Turkiga ee dib-u-dhiska awoodda badda Soomaaliya uu dhici karo, taasoo u sahli karta Soomaaliya inay si wanaagsan ula socoto biyahaheeda, ay qabato doonyaha sharci-darrada ah, ay ka hortagto wasakheynta badda iyo inay iska ilaaliso burcad-badeednimada iyada oo kaashaneysa ciidamada badda Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli jira. Heshiiskii bilowgii 2024 dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland ayaa laga yaabaa inuu sii adkeeyo xaaladda, inkasta ooh adda ay u muuqato in uusan dhaqan-geli doonin.

Dowladda Soomaaliya waxay arrintan u aragtay xadgudub qaranimadeeda ka dhan ah, waxayna dalbatay in Itoobiya ay ka laabato heshiiska.

Bishii December 2024, Turkiga ayaa soo qabanqaabiyay shir ay ku kulmeen Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana laga soo saaray Baaqii Ankara, kaasoo dabciyay xiisaddii labada dal ee la xiriirtay arrimaha marin-badeedka.

Hase yeeshee, haddii Soomaaliya isku daydo inay awoodeeda ku fidiso aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Somaliland, heshiiska badeed ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu sii hurin karaa xiisado siyaasadeed.

Soomaaliya waxa ay muddo dheer ahayd goob ay ku hardamayaan quwadaha waaweyn ee caalamka, sida Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Masar, Qatar, UK iyo Shiinaha.

Dowladahaasi waxay ka walaacsan karaan sida Soomaaliya ay si gaar ah ugu xirtay Turkiga, taasoo keeni karta in ay dib uga fiirsadaan taageeradooda amni iyo horumarineed.

Soomaaliya waxay u baahan doontaa xeel-dheeri diblomaasiyadeed si Turkiga uu u sii wado la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyada oo isla markaana xiriir wanaagsan la yeelanaysa dalalka deriska iyo beesha caalamka.

41 AL-SHABAAB ah oo lagu dilay weerar qorsheysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, oo gaarayay 29 xubnood, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NISA.

Sidoo kale, duqeyn ay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta. Howlgalladan oo maanta soo bilowday ilaa iyo haddana socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay argagixisada.

“Hay’adda NISA waxa ay dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamada qaranka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey beegsiga maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana kooxda laga laayey xubno badan.

Arbacadii, ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska, howlgalka oo si qorsheysan u dhacay, ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay Mansoor Timo-Weyne, oo ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.

“Howlgalkan wuxuu bartilmaameedkiisu ahaa xubno muhiim u ah kooxdan, gaar ahaan Mansoor Timo-Weyne, oo dhowaan ka yimid Buulo Fulay isaga oo waday gaadiid la dayactiray, kuwaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay CXDS.

Sidoo kale, Talaadadii, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, waxa uu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha 16 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.

Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku go’doonsanaa dhul hawd ah oo ku dhow deegaanka Basro.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay ka sii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.

Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan.

Maxkamad laashay go’aan Trump uu soo saaray oo saameeyay kumanaan qof

Washington (Caasimada Online) – Garsoore William Alsup, oo ka tirsan maxkamadda federaalka ee gobolka California, ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in dib loo shaqaaleysiiyo kumannaan shaqaale federaal ah oo dhawaan la eryay, kuwaas oo ay shaqada ka ceyrisay xukuumadda Madaxweyne Donald Trump.

Go’aanka garsooraha, oo ka soo baxay magaalada San Francisco, wuxuu si toos ah u quseeyaa shaqaalaha laga saaray waaxyaha kala ah Waaxda Difaaca, Waaxda Arrimaha Halyeeyada, Waaxda Beeraha, Waaxda Tamarta, Waaxda Arrimaha Gudaha, iyo Waaxda Maaliyadda.

Bishii hore, Garsoore Alsup wuxuu si ku-meelgaar ah u joojiyay in Xafiiska Maamulka Shaqaalaha Federaalka (OPM) uu faro waaxyaha dowladda inay shaqada ka saaraan shaqaalaha muddada tijaabada ku jira.

Hase yeeshee, markaas ma uusan amrin in shaqaalaha la eryay dib loo soo celiyo. Wuxuu caddeeyay in OPM aysan lahayn awood sharci ah oo ay shaqaalaha ku ceyrin karto, isla markaana shaqo ka saarka ay sameysay ay ahayd mid sharci-darro ah.

Shaqaalaha la saameeyay ayaa intooda badan ah kuwo aan weli hal sano buuxin shaqadooda cusub, inkastoo qaar ay yihiin shaqaale muddo dheer ka tirsanaa dowladda. Xeerarka shaqada federaalka ayaa dhigaya in xitaa shaqaalaha muddada tijaabada ku jira la eryi karo oo keliya haddii ay jiraan dhibaatooyin la xiriira waxqabadkooda.

Dhanka kale, dadaallada Madaxweyne Trump ee lagu dhimayo shaqaalaha federaalka ayaa weli sii socda.

Waxaa la filayaa in la shaaciyo mowjadda labaad ee shaqo ka saarka shaqaalaha dowladda, kaddib markii waaxyaha federaalka ay shalay gudbiyeen qorshahooda dhimista shaqaalaha iyo miisaaniyadda.

Maxaa cusub oo ka soo kordhay colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamullada Dowlad-deegaanada Soomaalida iyo Canfarta ee Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan xuduudaha ay wadaagaan.

Hoggaanka nabadgelyada deegaanka Soomaalida, Cabdiqaadir Rashiid Ducaale ayaa sheegay in labada maamul ay qaban-qaabiyeen munaasabad afur ah oo lagu dhisayo xiriirka labada shacab.

“Ciidamadii waxa laga saaray goobihii ay horey u joogeen, wada-hadallona waa la bilaabay. Bisha Ramadaan, oo weerarro horey uga dhici jireen, ayaa loo adeegsaday fursad lagu mideynayo bulshada, si loo abuuro jawi nabadeed,” ayuu yidhi Ducaale oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas ku daray in magaalada Jigjiga afur loogu sameeyey wafdi ka kooban 65 sarkaal oo ka socda deegaanka Canfarta, halka sidoo kale madaxda Soomaalida afur loogu qaban doono deegaanka Canfarta. Intaas kadib, waxa la qorsheynayaa in afur guud lagu qabto xadka labada deegaan.

Dib-u-dejinta barakacayaasha iyo xal u helista muranka dhuleed

Ducaale waxa uu sheegay in tallaabada xigta ay tahay dib-u-dejinta dadkii barakacay, iyada oo si sharci ah loo xallin doono muranka la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhanka kale, Madaxweynaha deegaanka Canfarta, Awol Arba ayaa Talaadadii gaaray magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ka qayb-galay munaasabadda afurka ee nabad-dhisidda.

Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed.

Bulshada Ciisaha ee ku nool galbeedka Sitti ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Canfartana uu sheeganayo in dhulkaasi ka mid yahay dhulkiisa.

Dadaallada socda ayaa looga gol leeyahay in si nabadeed xal waara looga gaaro khilaafka taagan, kaas oo dhowr jeer sababay in labada dhinac dagaalamaan, una horseeday khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sawirro: Xasan oo caawa abaal-marin u bixiyey $62,000

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadkaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;

1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000

5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000

6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000

7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

Daawo: Xamsa oo ku afuray Bakaaro “anigoo dhibsanaya ayaa kursiga la ii boobay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan afur wadareed ah galabta  suuqa weyn ee Bakaaraha kula qaatay boqolaal shacab ah , inta badan wasiirrada xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiisha amniga Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo afurkii kadib gudaha suuqa Bakaaraha kula hadlay bulshada ayaa ugu horeyn ka hadlay amniga caasimadda Muqdisho, isagoo aad ugu amaanay ciidamada amniga horumarka laga gaaray sugidda amniga.

“Waxaa jira sharwadayaal sida Sigaarku uu u qabto qofka Balwadda leh uu u qabto dhiigga islaamka, weliba iyadoo lagu jiro bil Ramadaan, walaalayaal kuwaas aan iska qabano, waana iska qabanaye aan dhameystirno, anagoo ka faa’iideysaneyna raxmadda bishaan barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Xamsa.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo soo hadal qaaday doorashadii Kismaayo ee kursiga Xildhibaanka uu ku soo qaatay, isagoo qiray in kursigaas loo soo boobay.

“Waan dhibsanayey maalintii la ii boobayey kursigaas, waxaan ka jeclaa aniga iyo saaxiibadeyn in santuuq naloo dhigo oo aan ku tartano, laakiin ma dhicin, sababta aan ugu adkeystay in kursigaas aan soo qaato waxay aheyd inaan aaminsanaa in dadkeyga aan wax tari karo,” ayuu yiri R/ Wasaare Xamsa.

“Hadda waxaan rabnaa in dadkeena xaqooda loo celiyo, ma dooneyno inaan ka shaqeyno in Xasan iyo Xamse la doorto ee waxaan u dagaalameynaa in dadku soo doortaan qofka ay rabaan, in xukun jaceyl uusan nagu jirin waxaad ka garan kartaan sida aan doorashada dadweynaha ugu heelanahay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkii doorashada ay waqti hore bilaabeen, iyadoo la sameeyey guddigii doorashada “Qofkii doorashada ka hor taagan shacabka Soomaaliyeed waa arki karaane ha iska diideen dadka luga ku dhegan ee xaqooda hortaagan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashooyinkii lasoo maray wax loo noqdo aysan aheyn, “Waxaan ku jiray kuwii kursiga loo boobay, walaahi xiiso uma qabin waan ka xumaa,” ayuu yiri isagoo intaas ku sii daray, “hadii naloo codeyn lahaa, waxaan aaminsanahay inm la I dooran lahaa, anigoo saaxiibadey dhicin.”

Hoos ka daawo

Shuute: Hurdo jiifa meyno dalkaana Khawaarij ma qabsa doonto ee jihaadka gala + Video

Laba-garas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta furimaha dagaalka ee gobolka Sh/Dhexe ugu khudbeeyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa wacad ku maray in Shabaab aysan guul ka gaari doonin dagaalka ay ku soo qaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Walaahi Bilaahi Talaahi inta qof naga nool yahay in Shabaab uusan dalkaan ka tali doonin, waan jihaadeynaa, meel kale oo aan aadno ma naqaan, adduunka wadankaan ayaan ku leenahay, Khawaarijna kuma wareeji doono,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha oo qoriga iyo booshka garabka surtay ayaa muddo bilk u dhow ka barbar dagaalamaya ciidamada qaranka ee ka dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaaday weerarro  rogaal celis ah.

“Meel aan ka aadno dalkeena ma naqaan, waan dagaalameynaa, waxaan ku jirnaa jihaad xaq ah, meel aan u laabano nagama dambeyso, dagaalkaan waan la isku baranayaa, waxaan ku jirnaa Ramadaan iyo Jilaal kulul, hadii aan ku shahiidno dagaalkaan waxaan nahay Shuhaado, ragga naga dhaawacmay waxaan ka codsaneynaa inay dagaalka kusoo laabtaan markii ay bogsoodaan,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa aad ula dardaarmay ciidanka, wuxuu sheegay in Shabaab ku Jabeen dagaalka, isagoo ciidanka niyadda ugu dhisay inay ku sii dhowaanayaan guusha, kii dhintaana uu shahiid yahay.

“Intii aan maxkamadeynayey Shabaab-ka mid kasta oo aan wareysto wuxuu ilahaa dagaalka waan ku jabnay, ciidamada dowladana waa ugu daran Gor Gor,” ayuu yiri Shuute oo galabta u khudbeynayey ciidamada Gor Gor ee dagaalka uga jira Sh/Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Shuute iyo dhamaan saraakiisha ciidanka xoogga ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka, halkaas oo halgankii ugu adkaa uu ka bilowday, kadib markii ay maalmo ka hor gobolka Sh/Dhexe soo galeen Shabaab soo jabsaday wabiga.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Jihaan Cabdullaahi Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan, taas oo noqoneysa La-taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan horey waxay u soo noqotay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023.

Waxay door muhiim ah ka qaadatay kala guurka howlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta hawlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023.

Sidoo kale, waxay kaalin weyn ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay sidoo kale ahayd haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga sannadkii 2019.

Tan ayaa muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay La-taliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca inay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

US, Turkey support Somalia’s HirShabelle war

MOGADISHU, Somalia — The United States and Turkey have voiced strong support for Somalia’s HirShabelle regional administration as it battles Al-Shabaab militants in a conflict reaching a critical phase, officials confirmed on Thursday.

The pledges come as HirShabelle President Ali Guudlaawe intensifies military operations to dismantle the Al-Qaeda-linked group’s presence in central Somalia.

In a virtual meeting with US Ambassador to Somalia Richard H. Riley, President Guudlaawe discussed ongoing efforts to eradicate Al-Shabaab strongholds in the region.

Riley, joined by Colonel Norris, head of the Somalia Task Force Coordination Group, reaffirmed Washington’s commitment to supporting HirShabelle through military and humanitarian assistance.

“The United States stands shoulder-to-shoulder with HirShabelle in its fight against Al-Shabaab,” Riley said, praising Guudlaawe’s leadership in the challenging campaign.

He emphasized that US support would bolster both security operations and stabilization efforts in the war-torn region.

Separately, Turkey’s Ambassador to Somalia, Alper Aktas, held a phone call with Guudlaawe, offering condolences for lives lost in the conflict and expressing optimism about defeating the insurgents.

“The Turkish government, a steadfast ally of Somalia, believes victory over terrorism is near,” Aktas stated, according to a readout of the call.

A critical moment in HirShabelle’s war on terror

HirShabelle, a semi-autonomous state in central Somalia, has emerged as a key battleground in the federal government’s campaign against Al-Shabaab, which has waged a deadly insurgency since 2007.

The group controls swathes of rural territory in southern and central Somalia, launching frequent attacks on government and civilian targets despite years of military pressure from Somali forces, African Union peacekeepers, and international allies.

Recent weeks have seen an uptick in Al-Shabaab assaults in the Middle Shabelle region, prompting the deployment of additional Somali National Army troops and allied clan militias known as Macawisley.

The March 7 meeting between Guudlaawe, senior military officials, and militia leaders underscored the urgency of securing the area.

Guudlaawe briefly returned to his office amid the escalating conflict and hailed the international backing as a turning point.

“You have shown us solidarity in a difficult time, and we are deeply grateful for the partnership,” he told Riley. “Your role in this fight is invaluable, and your efforts will help liberate HirShabelle.”

US and Turkey: Key players in Somalia’s stability

The U.S. has long been a major partner in Somalia’s counterterrorism efforts, conducting airstrikes and providing training and equipment to Somali forces.

In early 2025, U.S. Africa Command carried out strikes against Islamic State targets in Puntland and Al-Shabaab militants elsewhere, killing key operatives.

The operation in HirShabelle builds on this momentum, with Washington signaling a sustained commitment to regional security.

Turkey, meanwhile, has deepened its influence in Somalia through military training, infrastructure projects, and humanitarian aid.

Ankara’s military base in Mogadishu trains Somali troops, while Turkish drones have reportedly been deployed against Al-Shabaab.

Aktas’s pledge reflects Turkey’s broader strategic interest in the Horn of Africa, where it seeks to counterbalance rival powers.

“Turkey’s message is a source of encouragement for all those sacrificing their lives on the frontlines in HirShabelle,” Guudlaawe said, acknowledging the morale boost from Ankara’s support.

Humanitarian stakes amid ongoing conflict

The conflict in HirShabelle has compounded Somalia’s humanitarian crisis, with millions displaced and in need of aid due to decades of war, drought, and flooding.

The International Rescue Committee reported 2024 that 37 percent of Somalia’s population requires assistance, a figure likely worsened by recent fighting.

Both the US and Turkey have vowed to address these needs alongside their military backing.

Analysts say international support could tip the scales in HirShabelle, where Al-Shabaab’s strict interpretation of Islamic law has alienated many locals.

 Yet the group’s resilience—demonstrated by a 24-hour hotel siege in Beledweyne on March 11 that left seven dead—underscores the challenge ahead.

As HirShabelle braced for further clashes, Guudlaawe thanked both ambassadors for their unwavering stance.

“Those who stand with us now will not be forgotten,” he said, signaling hope that the combined efforts of Somalia and its allies could finally weaken Al-Shabaab’s grip.

The coming weeks will test whether this international coalition can deliver a decisive blow to the militants, offering a glimmer of stability to a region long plagued by violence.

Mareykanka iyo Turkiga oo ka qeyb-galaya dagaalka ka socda HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa taageero weyn u muujiyay dagaalka ka socda deegaannada maamulka HirShabeelle, kaasi oo haatan maraya marxalad xasaasi ah.

Safiirrada labada waddan, oo xiriir la soo sameeyay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa u xaqiijiyay sida ay u garab taagan yihiin dagaalka naf-hurka ah ee ay ku jiraan reer HirShabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, ayaa shir fogaan-arag ah la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mr. Richard H. Riley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta argagixisada ee ka socda HirShabeelle, kaas oo cashar loogu dhigay kooxda Al-Shabaab.

Safiirka Dowladda Mareykanka, Amb. Richard, oo uu wehliyo Col. Norris, Madaxa Isku-duwaha Kooxda Howlgalka Soomaaliya, ayaa taageeradooda u xaqiijiyay Madaxweynaha HirShabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag.

Sidoo kale, safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan HirShabeelle sidii guul looga gaari lahaa dagaalka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada milateriga iyo bini’aadannimada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha HirShabeelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa la xiriira dagaalka, iyadoo Guudlaawe uu sheegay in cid walba oo xilligan garab istaagto aysan iloobi doonin.

“Waqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socda, waxaadna waqti geliseen sidii HirShabeelle ay xor ku noqon lahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale, safiirka Dowladda Turkiga, Danjire Alper Aktas, oo wada-hadal khadka telefoonka ah la yeeshay Madaxweyne Guudlaawe, ayaa tacsi u diray intii ku dhimatay dagaalka, isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhaawacantay howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow.

“Farriinta Dowladda Turkiga, oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya, waxay dhiirrigelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka HirShabeelle,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Gunaanadkii, Madaxweyne Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiya Soomaaliya wada-hadallada khadka telefoonka iyo taageerada uu u muujiyay.

G/Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista mas’uuliyiin sare iyo heshiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah, oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; Cabdi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Guud, halka Liibaan Cabdi Xasan loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka.

Magacaabistan ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirrada ayaa ku timid soo-jeedinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka maanta ayaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad oo ku saabsan arrimaha Batroolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo xeerka Xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Horey Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay u gaareen heshiisyo dhowr ah, kadib markii bishaan uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo booqashadii ugu horreysay ku tageen Azerbaijan.

Heshiisyadii hore ee la saxiixay waxaa ka mid ah: kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal waxay markaas ku heshiiyeen wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, waxay isku afgarteen in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardar-gelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Sidoo kale, waxaa markaas la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo haatan la ansixiyay.

Goorma ayaa wada-hadal lala furi karaa Al-Shabaab? + Jawaabta wasiir Xundubey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey Jimcaale, oo wareysi xasaasi ah siiyay Dalsan TV, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira Al-Shabaab iyo goorta wada-hadal lala geli karo.

Xasan Xundubey ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu daba dheeraaday, wuxuuna sababta ku sheegay in maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan dalka ay helaan taageero caalami ah.

“Horta dagaalka waxyaabaha nagu dheereeyay, sidaan hore u sheegay, waxaa ka mid ah dowlado naga dhaqaale badan, nagana awood badan oo nimanka taageeraya, waana ognahay annaga oo iyagu dano gurracan ka leh,” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Intaas kadib, waxa uu ka hadlay suurtagalnimada wada-hadallo lala geli karo kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga oo tilmaamay in lala fariisan karo haddii kuwa Soomaalida ah ay ogolaadaan inay iska saaraan ajaaniibta, kadibna ay si Soomaalinimo ah ugu soo noqdaan dadkooda, si ay ula heshiiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Kuwa wiilasheena ah ee la marin habaabiyay, aniga waxaan qabaa in wada-hadal lala furi karo, waa haddii ay oggolaadaan in waddanka Soomaali leeyahay, shisheeyena aanu shaqo ku lahayn,” ayuu mar kale yiri Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya.

Caqabadda ugu weyn waxa uu tilmaamay inay tahay ajaaniibta shisheeye ee kusoo duulay dalka, wuxuuna sheegay inay galeen dambiyo waaweyn, ayna ku gambanayaan Al-Shabaab, iyaga oo marin habaabinaya wiilasha Soomaaliyeed.

“Inta ay shisheeye wataan oo Al-Qaacida ay ku xiran yihiin, oo iyaga la maamulayo, oo annaga nalagu baab’inayo, oo ay isku dhex jiraan, ma qaadi karno,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhowaanahan waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso kooxda Al-Shabaab. Wadahadalkaas ayaa la qorsheeyay inuu ka furmo dalka Qatar, iyadoo gar-wadeen ka noqonayaan ilaa saddex dowladood oo waaweyn. Hase yeeshee, illaa hadda ma qabsoomin, waxaana sii xoogeystay dagaalka labada dhinac.

Qorshahan ayaa muddo dheer si hoose u socday, waxaana waxyaabaha la qorsheeyay ee go’aanka laga gaaray ka mid ahaa ergada iyo sida uu wada-hadalka ku bilaabanayo.

Horay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, mar uu ku sugnaa Norway, wuxuu madal ay dad badani joogeen ka sheegay inay dhici karto in colaadda Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhammaan karto. Inkastoo uu aad u soo koobay ka hadalka arrintaas, haddana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah uu ku jiro dowladdiisa.

Turkiga oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka gobolka Shabellaha Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib xiriir toos ah oo ay la sameysay hoggaanka Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii ay maanta khadka taleefoonka ku wada hadleen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, oo ka wada hadlay xaaladda ka soo korodhay gobolkaasi.

Ugu horreyn, safiirka Turkiga ayaa uga mahadceliyay madaxda HirShabelle adkeysiga dagaalka Khawaarijta, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna u muujiyay garab istaag la xiriira dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, safiirka ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka, isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhaawacantay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu Danjire Alper Aktas tilmaamay in la gaari doono guul waqti dhow, wuxuuna si guud u boggaadiyay halganka socda ee xoreynta dalka.

“Farriinta Dowladda Turkiga, oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya, waxa ay dhiirrigelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka HirShabelle,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Dhankiisa, Madaxweynaha HirShabelle ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya wada-hadallada khadka taleefoonka iyo taageerada uu u muujiyay dagaalka ay haatan kula jiraan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa kulan la mid ah, oo aaladda fogaan-aragga ah, horay ula yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Danjire Richard H. Riley ayaa bogaadiyay hoggaaminta iyo abaabulka Madaxweyne Guudlaawe ee dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.

“Waqti adag ayaad garab istaag noogu muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socda, waxaadna waqti geliseen sidii HirShabelle ay xor u noqon lahayd,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

HirShabelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka.

DF oo lagu eedeeyey in ay fakisay Shabaabkii weeraray Hotelka Beledweyne (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle, Sheekh Cismaan Barre, ayaa sheegay in qaar kamid ah xubnihii Al-Shabaab ee weeraray Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne ay dib u laabteen iyagoo nool, sida uu shaaciyey.

Sheekh Cismaan Barre, oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, oo ay kasoo dhasheen qaar ka mid ah odayaashii lagu weeraray hotelka, ayaa caawa wareysi siiyey TV-ga Universal. Wuxuu eedeyn culus u jeediyey dowladda, gaar ahaan taliska NISA.

“Xalay 11:30, labo Cabdi Bile oo Shabaab ah ayaa galbeed kasoo gashay magaalada Beledweyne, iyadoo aan xabbad lagu ridin ayey tageen hotelkii weerarku ka socday. Waxay halkaas ka qaateen labo nin oo nool oo kamid ahaa kuwii weerarka fuliyey iyo labo dhaawac ah,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Eedeymaha uu u jeediyey NISA

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle wuxuu Taliska NISA u soo jeediyey labo eedeyn oo kala ah:

  1. Sababta ay markii hore u ogaan waayeen weerarka culus ee la qorsheeyey, kaas oo lagu laayey nabadoonada beesha Gaaljecel, kuwaas oo waday abaabul ay dowladda ku garab istaagayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
  2. Sababta ay uga hortegi waayeen in Shabaab mar kale yimaadaan hotelka, oo ay halkaas kasoo qaataan raggii weerarka fuliyey.

Sheekh Cismaan Barre wuxuu intaas ku daray in ciidamada ammaanka, gaar ahaan NISA, ay dalbadeen in iyaga loo baneeyo goobta markii gabalku dhacay, taasoo keentay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ahaa howlgalka ay dib uga baxaan hotelka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shabaab-kii xalay Beledweyne soo galay ay xabbado ku rideen ciidamada ammaanka, balse aysan helin cid iska difaacda, taasoo keentay inay dib ugu qabsadaan hotelka, halkaasna ay kasoo qaateen meydad iyo dhaawacyo, iyo afar nin oo nool, labo kamid ahna ay dhaawac yihiin.

“Waxaan farriin u dirayaa Sanbaloolshe, Nabad Sugidda kuu joogta Beledweyne awalba dhib ayaa laga qabay. Waa ciidan u dhaqma sidii burcaddii, dadka ma difaacaan ee waa baadhaan. Fadlan ciidankaas meesha ka qaad, beel gaar ah ayey bartilmaameed ka dhigteen,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday Taliyaha Xoogga iyo Taliyaha Qeybta 27-aad inay baaritaan ku sameeyaan sababta loogu fasaxay Al-Shabaab-kii weerarka fuliyey inay si fudud dib ugu laabtaan.

“Xalay Shabaab-kii xabbado ku riday buundada cid u jawaabta waa waayeen. Waxaan codsaneynaa baaritaan,” ayuu yiri.

Eedeynta maamulka Beledweyne

Sheekh Cismaan Barre ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, isagoo ka codsaday in maamulka magaalada Beledweyne la beddelo. Wuxuu eedeeyey inay yihiin xubno aan dan ka lahayn shacabka ay xukumaan.

“Madaxweynow, waan kula shaqeyneynaa, ee naga beddel kuwa maamula Beledweyne. Xalay iyadoo xaaladdaas taagan tahay ayey guryahooda ‘Ladhuu’ ku cayaarayeen,” ayuu yiri, isagoo si cad ugu eedeeyey maamulka magaalada inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada in kiiskan la baaro, si loo kala saaro maamulka magaalada iyo xubnaha Al-Shabaab ee isku milmay, lana helo cid masuuliyadda qaadata.

Wararkii u dambeeyey ee dagaalka Tigray iy Getachew oo gurmad ka dalbaday Abiy

Mekelle (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee gobolka Tigray ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay “fahamto” xaaladda sii xumaanaysa oo ay “bixiso taageero degdeg ah,” iyaga oo ka digaya in koox ka tirsan TPLF ay wadaan dadaallo lagu “burburinayo” heshiiskii Pretoria, taasoo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.

Bayaan uu madaxweynaha maamulka Getachew Reda soo saaray maanta oo ah 12-kii Maarso 2025, wuxuu ku sheegay in “laga bilaabo 23-kii Janaayo 2025, saraakiil sare oo ka tirsan TPLF ay abaabulayaan” isku day inqilaab ah si ay ugu adeegaan “dano gaar ah oo xaddidan.”

Wuxuu intaa ku daray in “toddobaadkan, dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” oo ay hoggaaminayaan taliyayaal ku sugan jiidda waqooyi-bari iyo koonfureed ay “si xawli ah u kordheen.”

Maamulka KMG wuxuu xusay inuu 6-dii Maarso 2025 u diray warqad Taliyaha Ciidamada Tigray, taasoo lagu amrayo in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyadaasi. Hase yeeshee, maadaama xaaladdu aanay xal helin, “xayiraado ayaa la saaray taliyayaasha jiidaha,” halka madaxa Xafiiska Amniga “xil-ka laga qaaday.”

Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay taliyayaashan inay kordhiyeen dadaalkooda ay ku “burburinayaan Maamulka KMG laga soo bilaabo heer sare ilaa heer hoose,” iyagoo fulinaya “falal sharci-darro ah” oo lagu beegsanayo shacabka.

Wuxuu maamulka xusay in saraakiisha sare ee militariga, oo ay hurinayso “koox doonaysa awood,” ay si ula kac ah u wiiqayaan maamulka, jebinayaan heshiiskii Pretoria, isla markaana uga sii darayaan xaaladda shacabka Tigray.

Bayaanku wuxuu intaa ku daray in laga bilaabo 11-kii Maarso 2025, kooxdaasi ay “si xawli ah u baacsanayaan, u xiranayaan, una xukumayaan” masuuliyiinta Maamulka KMG, isaga oo ka digay in haddii aan laga hortagin, aysan ka waaban doonin inay u gacan geliyaan “cid saddexaad.”

Shaqo ka joojin iyo is-mari waa

Bayaanka ayaa yimid kadib markii Getachew Reda, 11-kii Maarso 2025, uu xilka ka qaaday Jeneraal Sare Fisha Kidanu, oo ahaa madaxa Xafiiska Nabadda iyo Amniga gobolka, isaga oo ku eedeeyay inuu “ku guuldarreystay fulinta awaamiirta dowladda.”

Warqaddii uu soo saaray Getachew, wuxuu ku eedeeyay hoggaanka xafiiska inuu diiradda saaray “burburinta hay’adaha dowladda halkii uu ka fulin lahaa awaamiirteeda,” isaga oo ficilladaasi ku tilmaamay kuwo “la marsiinayo magaca fulinta sharciga.”

Go’aankan wuxuu daba socday shaqo-ka-joojintii lagu sameeyay Jeneraal Sare Yohannes Woldegiyorgis, Jeneraal Sare Masho Beyene, iyo Jeneraal Migbey Haile, kuwaasoo warqado ay saxiixeen Getachew isla maalintaas lagu shaqo-joojiyay.

Warqadahaasi waxay saraakiishan ku eedeeyeen inay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo “ka hor imaanaya go’aannada dowladda,” isla markaana ay gobolka “ku sii riixayaan xaalad dagaal gudaha ah.”

Dhinaca kale, Xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Tigray ayaa si cad u diiday shaqo-ka-joojinta, isaga oo sheegay in go’aankaasi uusan “waafaqsaneyn nidaamka hay’adeed iyo sharciga,” balse lagu qaaday kadib markii “ficillo sharci fulin ah oo ka dhan ah dambiilayaasha la bilaabay.”

Rabshado iyo iska horimaad dhacay

Dhanka kale, idaacadda Mekelle FM 104 ayaa sheegtay in shan qof ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday magaalada Adigudom ee gobolka Koonfureed, kadib markii uu iska horimaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dad taageersan xubno uu magacaabay Maamulka KMG.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaas, Tsegay G/Tekle, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka rujuca ee Ayder ee Mekelle. Wuxuu yiri:

“Xilli golaha deegaanka magaalada Adigudom uu shir ku jiray, ciidamada ammaanka ayaa yimid iyagoo ku amray in ay xafiiska ku wareejiyaan furayaasha iyo shaabaddii maamulka. Markii goluhu diiday, ayaa rasaas la is weydaarsaday.”

Wuxuu intaa ku daray in shan qof ay rasaas waxyeello u geysatay, halka dad kale la garaacay. “Xubnihii golaha waa la watay iyada oo lagu qaaday gaari boolis, mana la oga halka lagu qaaday,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale, wargeyska Weyin ayaa sheegay in Redai G/Egziabher, oo ay xilka u magacaabeen kooxda uu hoggaamiyo Debretsion G/Michael ee TPLF, uu shaqada ka bilaabay magaalada Adigrat kadib markii xilka laga qaaday duqii magaalada ee Maamulka KMG magacaabay.

Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.

Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.

Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.

Baaqyo iyo digniino cusub

Bayaan kale oo uu soo saaray Maamulka KMG ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka ay “si aan masuuliyad lahayn u qaadayaan” taliyayaashu, isaga oo ka digay in arrintaasi gobolka ku sii riixayso qalalaase gudaha ah.

Wuxuu maamulka ugu baaqay shacabka Tigray—gaar ahaan dhalinyarada iyo ciidamada— inay “fahamaan xaaladda” oo ay “ilaashadaan deegaannadooda.”

Wuxuu dhalinyarada ugu baaqay inay abaabulaan si ay isaga difaacaan “halis weyn oo soo fool leh,” halka ciidamada uu ugu yeeray inay “ka hor yimaadaan awaamiirta wax duminaya” oo ay shacabka “ka badbaadiyaan khataraha soo fool leh.”

Sidoo kale, maamulka wuxuu dowladda federaalka ugu baaqay inay si degdeg ah u gasho arrinta, isaga oo xusay in kuwa “isku magacaabaya ciidamada ammaanka” ay yihiin “ergo u adeegaya koox dan gaar ah leh” oo aan matalin shacabka Tigray ama Maamulka KMG.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in aysan “aamusan” marka heshiiska Pretoria lagu xadgudbayo, oo ay “bixiso taageero degdeg ah.”

Ugu dambeyn, bayaanka wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay “cadaadis saarto” kooxdaasi iyo cid kasta oo taageersan, isaga oo ka digay in haddii aan wax laga qaban, ay taasi horseedi doonto “dhibaato kale oo hor leh” oo ku timaadda shacabka Tigray.

DF oo shaacisay magacyada madax sare oo laga dilay kooxda Al-Shabaab (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xaqiijisay in howlgal duqeyn ah oo xalay la fuliyey lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Farxaan Cusmaan Xasan, loona yaqaanay Jacfar Karuur.

Jacfar Karuur wuxuu ahaa Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab ee gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. NISA waxay sheegtay in muddo dheer lagu daba jiray, kadib markii magaciisa lagu aqoonsaday shabakado horey ay gacanta ugu dhigeen hay’adaha amniga ee dowladda, kuwaas oo ku lug lahaa qaraxyo fara badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, NISA waxay xaqiijisay in duqeynta lagu dilay Axmed Gumaar, oo ahaa horjoogihii maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Faah-faahinta howlgalka

Howlgalka duqeynta ah ee xalay ay fuliyeen ciidamada NISA, laguna beegsaday horjoogayaashan, ayaa ka dhacay deegaanka Jambaluul, oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Horjooge Farxaan Cusmaan Xasan oo loo yaqaannay Jacfar Karuur, wuxuu ahaa Madaxa Qaraxyada Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee Khawaarijta, halka Horjooge Axmed Gumaar uu isna ahaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Sh/Hoose. Labaduba waa lagu dilay duqeyntaas,” ayaa lagu yiri warbixinta NISA.

NISA waxay intaas ku dartay in howlgalka la fuliyey kaddib markii la xaqiijiyey xogta horjoogeyaashan, sidoo kalena la beegsaday maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

“Waxaan xaqiijinay dhimashada dhammaan xubnihii Khawaarijta ee la duqeeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah haraadiga Al-Shabaab, iyagoo sheegay in duqeymo isdaba joog ah ay saameeyeen xubno badan oo kooxda ka tirsanaa, gaar ahaan kuwa isku dayay inay fuliyaan weerarro ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Xog: Macawiisley oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo xalay ka dhacay aagga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Howlgalka, oo ay fuliyeen ciidamada Macawiisleyda, ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhig ku yaalla tuulada Biya-cadle, oo hoostagta deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkan khasaaro culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, uuna u dhacay sidii loo qorsheeyay.

“Ciidanka xaq-udirka deegaanka ayaa caawa weerar ku qaaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Biya-cadle ee hoostaga deegaanka Ceel-lahelay ee degmada Ceelbuur, gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, qoraalka ayaa intaas ku daraya in xubnaha la weeraray ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, loona diyaariyay inay weeraro ka fuliyaan aagga degmada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira khasaaro culus oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada ah, balse dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

“Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxaa deganaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loo diyaarinayay inay shacabka Soomaaliyeed dhibaateeyaan. Khasaaro culus ayaa la gaarsiiyay kooxda,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lagu daray: “Geesiyaasha xaq-udirka ayaa ka dhiidhiyay hagardaamada Khawaarijta, oo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed maalmahaan.”

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka deegaanka Ceel-lahelay, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi, kaas oo guulaha laga sheegtay ay fuliyeen ciidamada dadka deegaanka ee ka howlgala Galmudug.

Gobollada Dhexe ayaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya ciidamada Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo sidoo kale Daraawiishta maamulka Galmudug.