25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Xog: Macawiisley oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo xalay ka dhacay aagga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Howlgalka, oo ay fuliyeen ciidamada Macawiisleyda, ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhig ku yaalla tuulada Biya-cadle, oo hoostagta deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkan khasaaro culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, uuna u dhacay sidii loo qorsheeyay.

“Ciidanka xaq-udirka deegaanka ayaa caawa weerar ku qaaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Biya-cadle ee hoostaga deegaanka Ceel-lahelay ee degmada Ceelbuur, gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, qoraalka ayaa intaas ku daraya in xubnaha la weeraray ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, loona diyaariyay inay weeraro ka fuliyaan aagga degmada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira khasaaro culus oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada ah, balse dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

“Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxaa deganaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loo diyaarinayay inay shacabka Soomaaliyeed dhibaateeyaan. Khasaaro culus ayaa la gaarsiiyay kooxda,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lagu daray: “Geesiyaasha xaq-udirka ayaa ka dhiidhiyay hagardaamada Khawaarijta, oo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed maalmahaan.”

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka deegaanka Ceel-lahelay, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi, kaas oo guulaha laga sheegtay ay fuliyeen ciidamada dadka deegaanka ee ka howlgala Galmudug.

Gobollada Dhexe ayaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya ciidamada Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo sidoo kale Daraawiishta maamulka Galmudug.

Muxuu Saciid DENI ka yiri weerarkii Beledweyne iyo arrinta Shabeellaha Dhexe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad xasaasi ah jeediyay, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaallada ka socda halkaas, iyo weerarkii argagixiso ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn, Deni ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda kasoo hoyeen dagaalka ka socda HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray askartii ku dhimatay howlgalladaas.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha hoteelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku dhinteen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan. Wuxuu falkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado.

“Waxaan rabaa in halkaan tacsi uga diro dagaalka ka socda HirShabelle, guud ahaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku waxyeeloobay. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeeynayaa odayaashii dhaqanka ee lagu laayay hoteelka Qaahira ee Beledweyne, halkaas oo qarax iyo xabad loola soo galay,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu xusay inay isku mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, loona baahan yahay in loo midoobo dagaalkooda, si looga saaro dalka oo dhan.

“Runtii waa calaamadaha iyo niyadda Al-Shabaab. Ogaada, Shabaab iyo Daacish cidda u riyaaqeysa ficilladooda waa la garanayaa,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Weerarkii Beledweyne, oo qaatay ku dhawaad 24 saacadood oo xiriir ah, ayaa Arbacadii lasoo afjaray, kadib howlgallo culus oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka magaaladaasi. Laba kamid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la toogtay, halka afar kale ay is qarxiyeen.

Inta la xaqiijiyay, weerarka waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxda ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.

Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.

Daawo: R/Wasaare Xamza: Waxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah , kuwaas oo lagu baxnaaninayo Isbitaallada xoogga dalka iyo Erdogan (Ex Digfeer). 

Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar ka mid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

“Waxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. 

Xamza ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed. 

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo ciidamada qaranka ay guulo ka gaareen.

Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska, howlgalka oo si qorsheysan u dhacay, ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay Mansoor Timo-Weyne, oo ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.

“Howlgalkan wuxuu bartilmaameedkiisu ahaa xubno muhiim u ah kooxdan, gaar ahaan Mansoor Timo-Weyne, oo dhowaan ka yimid Buulo Fulay isaga oo waday gaadiid la dayactiray, kuwaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay CXDS.

Sida lagu sheegay bayaanka, intii uu socday howlgalka waxaa la burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo midkood loo adeegsaday weerarrada ay kooxda ka fuliso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

 

DF Soomaaliya oo jawaab yaab leh ka bixisay bayaankii xildhibaanada mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si yaab leh uga jawaabtay bayaankii shalay kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka, kuwaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadani waxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqeen inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah. Waxay ku doodayaan in loo baahan yahay badbaadinta dowladnimada, sida ay hadalkooda ku sheegeen.

Waxay sidoo kale xuseen inay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda, iyagoo ku eedeeyey in ay laashay dastuurka dalka, isla markaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.

Jawaabta dowladda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo u jawaabay xildhibaannada mucaaradka, ayaa weerar culus ku qaaday, isagoo ku tilmaamay “Af Khawaarij”—sida muuqata, wuxuu ula jeeday in xildhibaannadani yihiin “Shabaab kalkaal.”

“Afhayeenada Khawaarijta kuwaba maalin ayay ku qoran yihiin, balse waa isku ajande, magacooduna waa Af-Khawaarij,” ayuu Al-Cadaala ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu intaas ku daray: “Kuwa ku qornaa kaltanka maanta, miyaa yiri aan buuqno si culaysku uga yaraado Khawaarijta duurka ku go’doonsan?”

Inkasta oo Al-Cadaala uu iska indho tiray eedeymihii xildhibaannada mucaaradka ay soo jeediyeen, haddana waxaa jawaabtiisu noqotay mid lama filaan ah, maadaama xildhibaannadu ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in la midoobo si loola dagaallamo kooxaha argagixisada.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe lasoo warinayey inay si weyn u dhibsadeen dhaliilaha uga imaanaya mucaaradka, kuwaas oo waayahan dambe culeys saaray xukuumadda.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka siyaasadeed ee noocaan ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana loo arkaa arrin halis ah, maadaama koox walba tan ay aragtida ka duwan tahay ay ku shaanbeyneyso “Shabaabnimo.” Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli dalka uu dagaal kula jiro kooxo banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Itoobiya oo soo iibsatay lix markab xilli ay bad ka raadineyso Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise (ESL) ayaa Isniintii xaqiijisay in Ethiopia ay dalbatay lix markab oo cusub oo ganacsi, si ay u ballaariso awooddeeda ganacsi, korna ugu qaaddo dadaallada ay ku doonayso inay ku xoojiso dhaqaalaha iyo marin toos ah oo badeed.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting Corporation, laba ka mid ah maraakiibta la keenay—oo ah Ultramax dry bulk carriers oo mid kastaa qaadi karo 62,000 oo tan—ayaa durba la wareegay howlgalkooda.

Maraakiibta kale ee la filayo in la keeno sanadka soo socda waxaa ka mid ah kuwa xambaara konteenarrada (ETUs) oo qaadi kara inta u dhaxaysa 3,000 illaa 4,000 oo konteenar safarkiiba.

Ethiopia, oo ah dal aan bad lahayn, ayaa in ka badan 90% ganacsigeeda ku tiirsan yahay Jabuuti. Xilligan, dalka waxa uu leeyahay 10 markab oo ganacsi, oo ay ku jirto Abay II, markab xamuul oo qaadi kara 63,000 oo tan.

Mas’uuliyiinta Ethiopia ayaa sheegaya in kordhinta maraakiibta ay hoos u dhigi doonto kharashaadka saadka, isla markaana ay hagaajin doonto hufnaanta ganacsiga ee dhaqaalaha shanaad ee ugu weyn Afrika.

Dadaal lagu raadinayo bad

Iibsashada maraakiibta cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli Ethiopia ay dadaal xooggan ugu jirto inay hesho marin badeed, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed si cad u sheegay in Ethiopia ay “u baahan tahay marin toos ah oo badeed.”

Bishii Janaayo 2024, Ethiopia iyo maamulka Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo muran dhaliyay, kaas oo dhigaya in Ethiopia ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, iyada oo beddelkeedana la siinayo 20 kiiloomitir oo xeeb ah muddo 50 sano ah.

Heshiiskaas, oo Ethiopia u ogolaanaya inay horumariso saldhig ciidan iyo deked ganacsi, ayaa markiiba waxaa si adag u diiday dowladda federaalka Soomaaliya, oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda.

Mogadishu ayaa tan iyo markaas qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay taageero uga heshay Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, iyo xulufo goboleedyo muhiim ah si ay uga hortagto heshiiska.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in wax wada-hadal ah oo ku saabsan marin badeed ay tahay in si toos ah loola yeesho dowladda federaalka, halkii laga dhex-marin lahaa Somaliland.

Turkiga ayaa dhex-dhexaadiyey labada dhinac, iyadoo heshiiskii Ankara Declaration uu saldhig u noqonayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya si ay uga heshiiyaan arrimaha ganacsiga badda.

Opposition in Somalia calls for president’s resignation

Mogadishu, Somalia — Opposition lawmakers in Somalia’s parliament called for President Hassan Sheikh Mohamud to step down on Wednesday, accusing him of rampant corruption, nepotism, and steering the country into crisis.

The demand, voiced at a press conference in Mogadishu, escalates tensions as Somalia grapples with a resurgent Al-Shabaab insurgency.

In a strongly worded statement, opposition MPs from the House of the People claimed Mohamud had centralized power to a dangerous degree.

“He acts as president, prime minister, minister, and director all at once. He has failed Somalia, fostering corruption and favoritism. He must resign,” they asserted.

MP Abdirisaq, a prominent opposition figure, delivered the statement to journalists, vowing “serious measures” against the government.

He accused Mohamud of flouting the constitution and neglecting his duties, urging him to “resign and admit his failure” as a historic first among Somali leaders.

The lawmakers also slammed the parliamentary leadership for allegedly shielding Mohamud’s administration. They demanded an end to what they called its “coddling” of the presidency.

Al-Shabaab threat fuels urgency

Amid their critique, the opposition praised the national army and local communities for battling Al-Shabaab, a militant group tied to Al-Qaeda.

“Terrorists are regrouping, seeking to expand across vast areas. This poses a grave threat to our nation’s future,” their statement warned, calling for unified resistance against extremism.

Al-Shabaab remains a formidable foe, controlling rural pockets of southern and central Somalia despite a sustained military push.

The group struck back days later, killing seven in a hotel siege in Beledweyne on March 11, per Somali state media reports. The violence highlights the stakes as political discord deepens.

Government slams critics as extremist allies

Deputy Information Minister Abdirahman Yusuf Al-Adaala responded by labeling the opposition “mouthpieces of extremists” in a Facebook post.

“These Af-Khawaarij share the same agenda as the Khawarij,” he wrote, invoking a term often tied to Al-Shabaab to suggest the lawmakers are aiding the militants.

He hinted their criticism was a ploy to ease pressure on Al-Shabaab fighters “cornered in the bush.”

Somalia’s political crisis unfolds in a nation still rebuilding from decades of chaos.

Mohamud, elected in May 2022, has staked his tenure on defeating Al-Shabaab, bolstered by U.S. support and an African Union mission transitioning to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) by year-end.

Yet his government faces growing dissent, from opposition MPs to regional leaders in Jubaland and Puntland. The resignation demand amplifies these fault lines.

Political analyst Ahmed Abdi called it “a dangerous escalation,” warning that infighting could undermine the anti-Al-Shabaab campaign. “Somalia’s stability hangs by a thread,” he told Caasimada Online.

Somalia’s turmoil traces back to the 1991 fall of dictator Siad Barre, which plunged the Horn of Africa nation into civil war and birthed Al-Shabaab.

Drought, poverty, and clan rivalries have since compounded the challenges.

Mohamud’s predecessor, Mohamed Abdullahi Farmajo, faced similar calls to resign, a recurring theme in a federal system struggling to cohere.

Mohamud’s administration has not responded formally to the opposition’s ultimatum, but concessions seem unlikely.

With Al-Shabaab poised to capitalize on any lapse, the political sparring risks derailing Somalia’s fragile gains. “This is a defining moment,” Ahmed said. “Can its leaders set aside their differences to confront the real enemy?”

Xildhibaanno ugu baaqay Xasan inuu is-casilo + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo soo saaray bayaan ka dhan ah dowladda.

Xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa Ra’iisul Wasaare, Wasiir ilaa Agaasime isu ah. Dalka wuu ku fashilmay, wuxuu horseeday musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil. Waa inuu is-casilo,” ayey xildhibaannada mucaaradka ku yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen.

Xildhibaan Cabdirisaaq, oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, ayaa warbaahinta u akhriyay bayaanka, isagoo sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay laashay dastuurka, isla markaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.

“Madaxweyne is-casil oo qiro fashilkaaga. Waxaad noqon doontaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qirta fashilkiisa,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaannada mucaaradka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqeen inuu joojiyo naas-nuujin ay sheegeen inuu u sameynayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaanka xildhibaannada mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lagu bogaadiyay howlgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Argagixisadu waxay isu soo bahaysatay dalkeenna, iyagoo doonaya inay isku fidiyaan deegaanno waaweyn. Waa khatar kusoo fool leh dalkeenna, oo taabanaysa masiirkeenna,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa kale oo lagu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in aan si wadajir ah uga hortagno argagixisada, innagoo Soomaali ah, meel kasta oo aan joogno.”

Xildhibaannada mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe hadallo adag warbaahinta u marinayay dowladda Xasan Sheekh, iyagoo si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan habka hoggaamineed ee madaxweynaha haatan talada haya.

Somalia approves Egypt military base to train army

Mogadishu, Somalia – Somalia’s federal government has authorized Egypt to establish a military base on its territory to train Somali National Army (SNA) forces, signaling a deepening partnership between Mogadishu and Cairo.

The move, announced this week, aims to bolster Somalia’s security as it battles Al-Shabaab and navigates regional tensions.

State Minister for Foreign Affairs Ali Omar, known as Ali Balcad, told state media that the base stems from an existing agreement to enhance military ties.

“Egypt has consistently stood by Somalia,” Omar said. “Those who arm you or train your soldiers are directly involved in the fight you’re waging.”

Egyptian instructors will operate from camps within Somalia, training SNA troops for current operations and long-term stability.

The initiative follows an August 2024 defense pact, with Egypt already supplying weapons and equipment to Somalia’s government, led by President Hassan Sheikh Mohamud.

 Though specific locations remain undisclosed, the base will host Egyptian trainers to strengthen the SNA’s capabilities.

Egypt joins the AU mission

Egypt will also contribute to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which began in January 2025 and replaced ATMIS.

Egyptian forces are expected to arrive by air and sea to aid the fight against Al-Shabaab, though exact troop numbers are unconfirmed.

This builds on a broader regional effort, including a troop agreement with Ethiopia on February 23, 2025, despite strains over Ethiopia’s Somaliland deal.

Somalia and Egypt share a history of cooperation, with Cairo training Somali officers since the 1960s.

Egypt’s renewed engagement under President Abdel Fattah al-Sisi aligns with its African security goals and counters Ethiopia’s influence, strained by Nile River disputes and Ethiopia’s January 2024 Somaliland agreement, which Somalia rejects.

Mohamud’s administration, in power since 2022, seeks foreign support to rebuild its military.

Geographical stakes

Somalia’s 3,300-kilometer coastline along the Gulf of Aden and the Indian Ocean is a strategic asset, yet instability fuels militancy and piracy.

Somalia’s protracted conflict with Al-Shabaab, an Al-Qaeda-linked group, continues despite Somali and international military operations.

Al-Shabaab remains a potent threat, staging attacks in Somalia and neighboring countries.

On Tuesday, armed militants attacked a hotel in the central Somali city of Beledweyne on Monday, killing at least four people, including two elders, officials and witnesses said.

The attack, which began with powerful explosions followed by gunfire, targeted the Hotel Cairo, a known gathering point for local leaders.

The UN Security Council endorsed AUSSOM in a March 10 statement but stressed coordination among contributors. Egypt’s base aims to accelerate these efforts, though details on its scale remain limited.

Somalia’s move to host an Egyptian base leverages Cairo’s military expertise to counter militancy. Yet, it risks complicating relations with Ethiopia, a key neighbor.

As Egyptian forces prepare to deploy, the Horn of Africa faces a critical juncture, balancing security gains against regional friction.

The Egyptian base, possibly near Mogadishu, underscores the Horn of Africa’s importance to global security.

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ay xalay qaaday Dowladda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo xalay ay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay xirtay warbaahinno ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda, kuwaas oo ay ku jireen kuwii ugu muhiimsanaa ee afka kooxda ku hadla.

Dowladda ayaa xalay soo saartay liiska warbaahinnada Al-Shabaab ee la xiray, kuwaas oo ka kooban ilaa 12 mareegood, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg (website) oo ay kooxda lahayd.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, kuwaas oo ay Khawaarijtu lahaayeen, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg ama website oo Khawaarijtu ku lahaayeen barta internet-ka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda.

“Xogta la helay waxay sahli doontaa in tallaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray: “Inta uu socdo howlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo baro ay ka sameysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.”

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internet-ka ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajeynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee ay Khawaarijtu ku gudbiyaan falal dambiyeedka iyo marin-habaabinta, sida lagu sheegay warkan.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay xalay qaaday DF?

  • Cabdullaahi Nuur: “Waa shaqo wacan. Fadlan ha joojinina shaqada illaa laga ciribtirayo maafiyada.”
  • Liibaan: “Waxaas waa iiga muhiimsan kuwa bulshada waxyaabaha aan wanaagsaneen u soo gudbiya, beenta iyo baro-bagaandada meelaha la fadhiya.”
  • Suleymaan: “Al-Kataa’ib maad la wareegtaan haddaad run sheegaysaan? Laakiin maxaa iga galay horta?”
  • Maxamed Cabdicasiis Xasan: “Waa arrin bogaadin mudan, runtii waana soo dhaweynayaa arrinkaas.”
  • Shuceyb Axmed Cilmi: “Naga xira balaayada, baryahaan waaba layaabaye. Shaqo wacan ayaad qabateen.”

Puntland oo qaaday tallaabo si weyn loogu amaanay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo si weyn loo bogaadiyay, kadib markii magaalada Garoowe lagu xiray nin watay dareeska ciidanka oo dhibaateeyay canug yar oo Yemeni ah.

Falkan, oo si weyn uga caro-geliyay bulshada Soomaaliyeed kadib muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa keenay in Puntland ay jawaab degdeg ah ka bixiso.

Muuqaalka caro-dhalinta dhaliyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga dhex arkay askari oday ah oo ul weyn ku garaacaya wiil yar oo Yemeni ah, kaas oo qaxooti ku ah dalka.

Duqa magaalada Garoowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, oo arrintan soo farageliyay, ayaa qaabilay qoyska dhibaatadu gaartay, wuxuuna raalligelin iyo xaal-marin siiyay aabaha iyo wiilka yar ee la gaad-gaaday, isaga oo kula kulmay xafiiskiisa.

Geedi ayaa sidoo kale tilmaamay in maxkamad lasoo taagi doono ninka gaystay falkaas, isagoo xusay in uu waardiye ka ahaa suuqa magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dulqaadan karin dhibaatada uu geystay askarigaas, taasoo fariin qaldan ka tarjumeysa dalka iyo guud ahaan ciidamada.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan waqti la qaatay Maxamed Yare iyo waalidkiis. Waxaan la wadaagnay dareenkayaga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta uu kula kacay waardiye xarun ganacsi. Nasiib wanaag, falkaasi si degdeg ah ayey dowladda uga jawaabtay, waana la xiray, waxaana la horgeyn doonaa sharciga. Ninkaasi wuxuu xirnaa dharka ciidanka balse ma ahayn askari sharciyeysan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Geedi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay:

“Waxaan qorsheynaynaa in hadda kadib dadka noocaasi ah loo sameeyo dhar u gaar ah iyo habraac ay xarumaha ganacsiga kula shaqeeyaan dowladda hoose.”

Dhanka kale, Duqa Garoowe ayaa sameeyay tallaabo kale oo bulshada ay si weyn u ammaantay, taasoo ah in uu kafaala qaaday nolosha qoyska wiilka yar ee la dhibaateeyay, kuwaas oo nolol u soo raadsaday Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

“Waxaan si buuxda u kafaalo qaadnay nolosha iyo deegaanka Maxamed Yare, anagoo garab istaagi doona oo si dhow uga war hayn doona xaaladdiisa. Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee nala soo xiriiray, waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga falceliyeen arrintan,” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Garoowe.

Dhankiisa, Caadil Xuseen Saalixi, oo ah aabaha dhalay wiilka yar, ayaa sheegay inuu ku qancay raalligelinta la siiyay, wuxuuna tilmaamay in uu rajeynayo in xalka uu kusoo dhammaado maxkamad, maadaama wiilkiisa uu dhibbane u yahay falka dhacay.

Somali forces end Al-Shabab militants’ hotel siege

Beledweyne, Somalia – A fierce, 24-hour siege of the Qaahira Hotel in Beledweyne, the capital of Somalia’s Hiiraan region, concluded after Somali security forces neutralized Al-Shabaab militants who had stormed the establishment.

The attack, which began with powerful explosions, resulted in the deaths of at least seven people, including elders, military officers, and civilians, with several others injured.

The attack commenced with vehicle-borne explosive devices targeting the hotel, followed by armed militants infiltrating the premises, where local elders and military officials were residing.

“The attackers were six in total; four detonated themselves, and security forces killed the other two,” stated Omar Alasow, the mayor of Beledweyne, during a press conference.

He further explained that security forces spent many hours rescuing the people trapped inside the hotel.

“The operation was concluded late last night. This morning, we are inside the hotel, and investigations are underway to determine if any further explosives were planted,” the mayor said.

Survivor recounts chaos

A local elder who survived the attack recounted the harrowing experience.

“They hit us with a ‘Leylo’ truck loaded with explosives during morning prayers. Then, armed men, about six or seven, entered. We fought back fiercely,” he said.

He added that an attacker detonated an explosive vest during the fighting. The elder also confirmed that they inflicted many casualties upon the attackers.

The attack occurred amidst intensified military operations against Al-Shabaab in the Hiiraan and Middle Shabelle regions, which fall under the HiShabelle State administration.

Despite recent territorial losses, Al-Shabaab has demonstrated its capacity to launch complex and deadly attacks.

Beledweyne, a crucial hub in the local resistance against Al-Shabaab, has been a frequent target of the group’s attacks, highlighting the region’s volatility.

The city’s geographical position has made it a focal point in the fight against the extremist group. The term “Khawaarijta,” which was used in the Somali text, is a term used by the Somali government and its allies to describe Al-Shabaab.

Al-Shabaab’s resurgence

The attack highlights Al-Shabaab’s continued ability to execute complex operations, even amid ongoing counter-terrorism efforts.

The Qahira Hotel was hosting discussions on countering the group’s influence when the militants struck, highlighting their intent to disrupt local resistance efforts.

Similar attacks in Beledweyne, including a 2022 twin bombing that killed over 100, reflect a pattern of targeting this restive region.

In recent months, government forces have reclaimed swathes of territory in central Somalia, though analysts warn that the group’s ability to execute complex assaults remains undiminished.

The United Nations reported in February 2025 that Al-Shabaab continues to exploit local grievances and governance gaps, sustaining its recruitment and funding networks.

Security forces continue investigating the scene, searching for any remaining threats and gathering evidence. The authorities are also working to support the victims and their families.

For Beledweyne’s residents, the attack is a stark reminder of the persistent danger posed by the militants, even as the government touts territorial gains.

The human toll—lives lost and a community shaken—underscores the steep cost of this enduring conflict.

Weerarkii Beledweyne oo lasoo afjaray ku dhawaad 24 saac kadib + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah kadib, waxaa goordhow lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee ay shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Qaahira, oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo xubno ka tirsan Shabaab ay ku galeen hoteelka, halkaas oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay, weerarkan waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Calasow, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay sida uu howlgalka u dhacay. Wuxuu sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen illaa 6 nin, kuwaas oo 4 ka mid ah ay is qarxiyeen, halka labada kalena la dilay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ugu dambeyn gudaha u galeen hoteelka, iyagoo toogtay raggii dagaalka kula jiray dhismaha.

“Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar-qabe. Afar ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogtay ciidamada ammaanka. Ciidamada waxay ku howlanaayeen ilaa shalay badbaadinta odayaal, saraakiil, iyo dad shacab ah oo ku jiray hotelka. Ugu dambeyn, howlgalka ayaa lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay. Hadda subaxan waxaan ku suganahay gudaha hotelka, halkaas oo ciidamada ay wadaan baaritaano la xiriira dhagarta kooxda Al-Shabaab iyo suurtagalnimada in ay qaraxyo ku xireen dhismaha,” ayuu yiri guddoomiyaha Beledweyne.

Dhinaca kale, nabadoon ka badbaaday weerarka ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay inuu muddo dheer dagaallamay, ugu dambeynna uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba.

“Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca ‘Leylo’ ah oo qarax lagu soo raray. Kadibna, rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof ayaa gudaha soo galay. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse ay jirto in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay, waxay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxda weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.

Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.

Horjooge Mansoor Timo-weyne iyo 50 maleeshiyo oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo badan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow, uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarijiyay horjooge lagu magacaabo Mansoor Timo-weyne, kaas oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in horjoogahan uu ka yimid dhinaca deegaanka Buulo Fulay, isaga oo gaadiid lasoo dayactiray u waday Al-Shabaab, balse waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacday aagga Damasha Shabeelow.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay 50 dagaalame oo ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in howlgalka lagu burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loo adeegsan lahaa weerarada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arrintani waxay ka dhigan tahay in jab culus la gaarsiiyay kooxda, taas oo horey sidan oo kale ula kulantay duqeymo culus.

Dilka loo gaystay Mansoor Timo-weyne waxaa ka horreeyay khaarijintii Daa’uud Maleele, oo kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka, iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin, oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Daa’uud Maleele ayaa isna todobaadkan lagu dilay howlgal kale.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalka ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka, kuwaas oo looga hortegayo abaabulka Al-Shabaab.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kusii xoogeysanayay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo kooxda ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.

Dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ayaa dhaliyay khasaare xooggan, waxaana weli lagu dagaalamayaa deegaannada fog ee gobolka.

Sawirro: Kulamo muhiim ah oo ka dhacay xafiiska Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre ka dhacay kulamo muhiim ah, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay qaar ka mid ah wakiillada caalamka.

Mudane Xamza ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka Swan iyo Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan, iyagoo ka wada-hadlay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSOM).

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo la xiriira dimuqraadiyeynta, horumarka, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah uga mahadceliyey taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga, iyo geeddi-socodka nabadda.

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Danjiraha Sudan?

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isla maanta qaabilay Danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Suudaan markii dhibaatooyinku ka dhaceen dalkaas.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ballan-qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaagaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa walaalaha Suudaan uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalku soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Suudaan.

Wuxuuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo oo dalab culus soo saaray kadib arintii shalay dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa ka hadlay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii ay shalay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne. Sidoo kale, wuxuu soo saaray dalab culus oo la xiriira xaaladda dalka.

Ugu horreyn, Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkooda ku waayay weerarka lagu beegsaday odayaal iyo saraakiil ku sugnaa hoteelka la weeraray, isagoo xusay inuu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibbanayaasha.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tacsida la qaybsanayaa ehelka iyo qaraabada dadkii birmo-geydada ahaa ee ku geeriyooday weerarkii arxandarrada ahaa ee argagixisadu ka gaysateen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray:

“Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu soo gaareen iyo burburka hantida ee dhacay, waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.”

Kadib hadalkiisa tacsiyeed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada, si looga hortago falalka gurracan ee ay kooxdu ka waddo gudaha dalka.

“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ciribtirka cadawgan arxanka daran, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu xusay:

“Falalkan arxan darrada ah waxa uu ka turjumayaa bahalnimada iyo cadowtinnimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo caadaystay daadinta dhiigga xurmada leh ee shacabkeenna, xilligan oo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.”

Weerarkii Beledweyne, oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah galbeedka Beledweyne, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo qarax ku billowday, ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo saaka aroortii weeraray Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.

Beledweyne, oo ah xudunta kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.

BF oo maanta ansixiyey 3 sharci oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga lixaad, kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana lagu ansixiyay saddex hindise-sharciyeed.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdullaahi Abshirow, ayaa ku furmay kooram dhan 143 xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa:

  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda.
  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska.
  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn ansixiyay sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen.

Sidoo kale, mudanayaasha Golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Ugu dambayntii, mudanayaasha Golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, halka hal xildhibaan uu diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedyadan, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulamada guud ee golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakaysan ee Ramadaan.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay TIGRAY iyo TPLF oo qabsatay dhowr magaalo

Mekelle (Caasimada Online) – Hal maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo sare oo taageersan garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, waxaa soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadyo ciidan ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray.

Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa saacado yar ka hor sheegay in “koox yar oo saraakiil ciidan ah” ay “sharciga gacantooda ku qaateen, ayna burburinayaan hay’adaha dowladeed ee gobolka Tigray,” taasoo, sida uu sheegay, gelisay gobolka xaalad khatar ah oo aan hore loo arag.

Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.

Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.

Khasaaraha Mekelle iyo Adigudom

Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in khasaaro badan laga soo sheegay Mekelle iyo Adigudom.

Isaga oo arrintan ka hadlayay, wuxuu yiri, “Waxaa jira khasaaro badan oo ka dhacay Adigudom iyo qaybo ka mid ah Mekelle. Weerarkan waa qeyb ka mid ah qorshe lagu doonayo in si sharci-darro ah xukunka loogu dhiibo garab ka mid ah TPLF, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa rabitaanka shacabka Tigray iyo heshiiskii Pretoria.”

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada saxiixay heshiiska Pretoria inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda.

Sidoo kale, Getachew Reda ayaa ku andacooday in “xoogag shisheeye” – oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo ciidanka Eritrea – ay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqa garabka Debretsion ee Adigrat iyo qaybo kale oo ka mid ah Tigray.

Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa warbaahinta bulshada, wuxuu yiri, “Waxaa jira sababo badan oo muujinaya in xoogag shisheeye ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan qalalaasahan si ay u sii xoojiyaan rabshadaha gobolka iyo guud ahaan deegaanka.”

Getachew Reda oo go’doon ku jira?

Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ay go’doon ku yihiin magaalada Mekelle.

Dhawaan, Khamiistii, General Tsadkan Gebretensae, oo horey u soo noqday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya isla markaana taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Getachew Reda, ayaa maqaal uu ku qoray “Africa Report” ku sheegay in “dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea uu suurtagal yahay waqti kasta.”

Inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in saraakiisha milatariga ee taageersan garabka Debretsion – kuwaasoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ganacsiga dahabka ee sharci-darrada ah iyaga oo u maraya Eritrea – ay si qarsoodi ah ula kulmeen dowladda Eritrea, haddana saraakiishan ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Dowladda Federaalka oo weli aamusan

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed wali kama hadlin xaaladda cakiran ee gobolka Tigray.

Dhanka kale, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in gobollo ka mid ah Tigray, gaar ahaan bariga, oo taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah, ay bartilmaameed u yihiin weerarka ugu dambeeyay ee garabka TPLF ee Debretsion, iyadoo wararka qaar ay xusayaan suurtagalnimada in Eritrea ay ku lug leedahay.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay sahminayaan Mekelle iyo deegaanada ku hareeraysan, hase yeeshee Getachew Reda ayaa la sheegay in uusan wax xog ah ka haynin arrintan.

DF Soomaaliya oo saldhig milatari siineysa Masar iyo arrinta ka dambeysa

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe culus oo ay saldhig milatari ku siinayso dowladda Masar, si tababar loogu siiyo ciidamada Xoogga Dalka ee ka qayb-qaadanaya howlgalka socda iyo qorshaha sugidda amniga dalka, kaasoo haatan maraya meel wanaagsan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Masar ay horay u gaareen heshiis ku aaddan xoojinta taageerada milatariga, arrintanina ay qayb ka tahay fulinta heshiiskaas.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Masar la siinayo xeryo ciidan oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka howlgeli doonaan macallimiin Masaari ah oo tababaro siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ujeedka ugu weyn ee qorshahan ayuu ku sheegay in lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, kaasoo ay haatan dardar-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Masaarida waxay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidan oo ay ku tababaraan macallimiin u dhashay Masar. Dabcan, qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu si toos ah uga qaybqaatay dagaalka aad ku jirto,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Balcad) mar uu warbaahinta la hadlayay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Masar ay mar walba garab taagneyd Soomaaliya, isla markaana ay horey u tababartay saraakiil Soomaaliyeed oo leh khibrad iyo waayo-aragnimo sare.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli dhowaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga amniga, kaasoo u dhexeeyay Qaahira iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa loo ogolaaday inay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo sanadkan ka bilowday gudaha Soomaaliya. Waxaa la filayaa in ciidamada Masar oo imaanaya dhanka cirka iyo badda ay soo gaaraan dalka.

Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulfitaax Al-Siisi ayaa horey Soomaaliya ugu wareejisay hub iyo saanad lagu xoojinayo ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo dhowaan la wareegtay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Taageerada SHACABKA Mareykanka ee Falastiin oo gaartay heerkii u sarreeyey

Washington (Caasimada Online) – Taageerada Mareykanka ee Falastiiniyiinta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida lagu ogaaday sahan cusub oo ay sameysay shirkadda Gallup.

Sida lagu caddeeyay sahanka, boqolkiiba 33 ee shacabka Mareykanka ah ayaa sheegay inay la safan yihiin Falastiiniyiinta, taasoo lix dhibcood ka sarreysa heerkii sannadkii hore, islamarkaana ah tii ugu sarreysay abid.

Dhanka kale, taageerada Israa’iil ee gudaha Mareykanka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee 24-kii sano ee la soo dhaafay.

Kaliya 46 boqolkiiba dadka la waraystay ayaa sheegay inay la safan yihiin Israa’iil, xilli uu socdo weerarka Israa’iil ay ku hayso Gaza.

Taageeradan ayaa ah tii labaad ee ugu hooseysay abid, marka laga reebo tii la diiwaangeliyay 2001, xilli uu socday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta (Intifada).

Mareykanka ayaa taariikh ahaan taageero dheeraad ah u muujin jiray Israa’iil – oo loo arko xulafo dhow – marka loo eego Falastiiniyiinta, tan iyo markii Gallup ay bilowday ururinta xogtan 1989.

Celcelis ahaan, 65 boqolkiiba shacabka Mareykanka ayaa Israa’iil u arka si togan. Heerkii ugu hooseeyay ee taageerada Israa’iil wuxuu ahaa 45 boqolkiiba 1989, xilligii uu socday kacdoonkii koowaad (Intifada).

Sahanka Gallup wuxuu sidoo kale muujiyay in 40 boqolkiiba dadka Mareykanka ah ay taageersan yihiin sida Trump uu u maareeyay xaaladda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasoo laga yaabo inay la xiriirto kaalintiisa ku aaddan xabad-joojintii la gaaray.

Taageeradan ayaa hoos uga dhacday heerka guud ee taageerada madaxweynenimadiisa, oo ahayd 45 boqolkiiba.

Dimuqraadiyiinta vs Jamhuuriyiinta

Natiijooyinka sahanka waxay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xisbiyada Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta.

Jamhuuriyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Dimoqraadiyiinta marka loo eego Israa’iil (83 boqolkiiba vs 33 boqolkiiba). Halka Dimoqraadiyiinta ay si ka badan Jamhuuriga u taageeraan Falastiiniyiinta (45 boqolkiiba vs 18 boqolkiiba).

Tan iyo 2001, Jamhuuriyiinta iyo dadka madaxa bannaan (Independents) waxay si joogto ah u taageerayeen Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada dadka madaxa bannaan ee Israa’iil ayaa haatan gaartay heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo sahanka World Affairs.

Dimoqraadiyiinta waxay taageersanaayeen Israa’iil illaa 2022, markaasoo tiro isku mid ah ay la safatay labada dhinac. Balse wixii intaas ka dambeeyay, taageerada Dimoqraadiyiintu waxay u janjeertay dhinaca Falastiiniyiinta.

Hoos u dhaca taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxaa markii hore loo aaneynayay siyaasadda midig-u-janjeerta ee hoggaanka Israa’iil, gaar ahaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay, taageeradoodu waxay sii hoos u dhacday.

Bishii Febraayo 2023, taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxay hoos ugu dhacday 38 boqolkiiba, halka taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta ay kor u kacday 11 dhibcood, iyagoo gaaray 49 boqolkiiba – taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay Falastiiniyiintu ka heleen taageero ka badan Israa’iil dhinaca Dimoqraadiyiinta.

Siddeed bilood kadib, 7-dii Oktoobar 2023, weerarro ay hoggaaminayeen Xamaas oo ka dhacay koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,100 qof, halka 250 kale la afduubtay.

Taageerada Dimoqraadiyiinta ee Falastiiniyiinta waxay hoos u dhacday lix dhibcood bishii Febraayo ee xigay.

Si kastaba ha ahaatee, hal sano kadib, iyadoo ay sii socoto xaaladda bini’aadannimo ee Gaza, taageeradooda Falastiiniyiinta ayaa mar kale kor u kacday 16 dhibcood, taasoo markii ugu horreysay gaartay heerka aqlabiyadda.

Xalka laba dowladood

Sanado badan, xalka laba dowladood ayaa ahaa bartilmaameed ku jira wada-hadallada nabadeed, iyadoo la doonayo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan. Gallup waxay cabbiraysay aragtida Mareykanka ee arrintan tan iyo 1999.

Tan iyo xilligaas, dad badan oo Mareykan ah ayaa taageeray in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo ka dhalata Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, marka loo eego kuwa kasoo horjeeda.

Sahanka ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa in 55 boqolkiiba shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhismaha dowlad Falastiini ah, halka 31 boqolkiiba ay kasoo horjeedaan, iyadoo 14 boqolkiiba aysan wax fikrad ah ka haysan.

Heerkan 55 boqolkiiba ee hadda taageera dhismaha dowlad Falastiini ah wuxuu la mid yahay xogta laga diiwaangeliyay tan iyo 2020, taasoo u dhaxaysay 52 boqolkiiba ilaa 55 boqolkiiba.

Ka hor 2020, inkasta oo taageerada Mareykanka ee xalka laba dowladood ay ka badnayd diidmada, haddana inta badan ma aysan gaarin heerka aqlabiyadda. Taageerada iyo diidmada waxay ugu ekaayeen marka loo eego 2015 iyo 2017.

Guud ahaan, dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah wali waxay haysataa aqlabiyadda shacabka Mareykanka, hase yeeshee, Dimoqraadiyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Jamhuuriga.

Wadahadallada xalka laba dowladood ayaa hadda hakad galay, tan iyo weeraradii 7-dii Oktoobar 2023.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa weli la tacaalaya su’aalaha ku saabsan sida Israa’iil looga ilaalin doono weerarro mustaqbalka, doorka Xamaas ee Gaza, iyo sida loo maamuli doono Daanta Galbeed ee la haysto.

Sahanka ugu dambeeyay waxaa la sameeyay bishii Febraayo, xilligii uu socday xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah iyo is-weydaarsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Xamaas.

Sahanka wuxuu billowday hal maalin ka hor booqashadii Netanyahu ee Aqalka Cad, taasoo ay ku jirtay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Trump.

Intii lagu guda jiray shirkaas jaraa’id 4-tii Febraayo, Trump wuxuu caddeeyay rabitaankiisa in Mareykanka uu “la wareego” oo dib u dhiso Marinka Gaza.

Siyaasiyiinta ka macaashaya dagaalka socda ee Al-Shabab

Waxaa hubanti ah in rag ka mid ah tartamayaasha xilka madaxweynaha ay qaarkood u arkaan in keliya ee lagu fashilin karo hannaanka doorashada qof iyo codka ah ay tahay in deegaamadii la xoreeyay ay Al-Shabaab dib u qabsadaan, si loo yiraahdo meel doorasho lagu qaban karo ma jirto.

Haddaba, ka warran ninka webi jiinkiisa degan oo halkii uu iska moosi lahaa daadka, inta uu mooska jebiyo, uu faruurta soo faro si uu nabad ugu helo gurigiisa iyo beertiisa?

Dagaalka Al-Shabaab waxaa jira kooxo siyaasiyiin ah oo dalka xilal waaweyn ka soo qabtay kuwaas oo majo-xaabinaya, iyaga oo u arka in dagaalkan uu yahay mid keliya oo guul loogu nisbeeyo madaxweynaha hadda jooga, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalka Al-Shabaab waa guul ay bulshadu wada gaartay. Ninka aan guushaas in nala gaadhay aqoonsanayn waa mid jab nala maagan ee halaga feejignaado.

Xadhig-jiidka doorashada oo ay kooxaha tartamaya cabsi badan ka qabaan, maadaama ay ka baqayaan in mar kale madaxweynaha haatan jooga uu ku soo baxo oo uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee dadweyne doorto, ayaa sababtay in ay si dadban u taageeraan Al-Shabaab.

Waagii hore, arrimahan way jireen, siyaasiyiin ku daaban Al-Shabaab waxayse ahayd arrin qarsoodi ah iyo mid mara-hoosteed ah. Haddase, arrintu waxay maraysaa heer toos loo badheedho oo loo ololeeyo Al-Shabaab, dadweynahana lala hor yimaado taageerada iyo buunbuuninta kooxdaas.

Ragga qaarkood waxay si toos ah ula xiriiraan Al-Shabaab, iyagoo leh: “Meel heblaayo weerara, gobol hebel dib u qabsada.” Waxaas oo dhan waa arrimo siyaasadeed oo lagu fashilinayo halganka dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo guusha dowladda iyo dadweynaha.

“Hooyadii nin ka guuray, habaryartii kuma negaado.”

Ninka xil doonaya ee Shabaab deegaankiisa ku hoggaaminaya, ma waxaad u malaynaysaan in uu dal iyo dad horumar u horseedi karo?

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.