24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Saraakiishii ugu badneyd oo ku sii qulqulaya Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qulqulayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo ka qayb-qaadanaya howlaha sugidda amniga ee magaaladaasi.

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, iyadoo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ay kusoo dhaweeyeen Kaaliyaha Taliska Dhulka Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga.

Ujeedka saraakiishan oo ka baxay Muqdisho ayaa ah inay kaalintooda ka qaataan xoojinta amniga magaalada oo lagu qabanayo doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, Janaraal Maadey Nuurey ayaa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo kulamada ka socda magaalada ee looga hadlayo xasilinta iyo howlaha doorashooyinka, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Baydhabo, waxaa haatan ku sugan ciidamo isugu jira qaybta Taliska 60-aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah, iyada oo sidoo kale la kordhiyay goobaha hubinta gaadiidka ee gudaha iyo bannaanka magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa arrimaha Koonfur Galbeed, waxayna sidoo kale shalay taliyaha cusub ee guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka u magacowday Gaashaanle Dhexe Cabdulle Isaaq Ibraahim oo horay u ahaa taliyihii Booliska ee degmada Wanlaweyn.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii dhawaan  duleedka Baydhabo ay Al-Shabaab ku dileen ku-simihii taliyaha qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan & taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60 ee Xoogga Dalka  Soomaaliyeed Cali Caddow, kadib weerar dhabo gal ah oo si kadis ah ugu qabsaday halkaas.

Mucaaradka oo sheegay in Xasan Sheekh uu ciidamo cusub diyaarsaday + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay inuu u diyaarsaday inuu ku caburiyo mucaaradka kasoo horjeedo.

Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin kale oo u xareysan Xasan Sheekh, isla markaana uu doonaayo inuu soo saaro, si uu ugu adeegsado danihiisa siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan wuxuu soo wadaa ciidan lagu tababaray gobollada dhexe, guutooyin cusub oo u xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay kuwa TurkSom ugu xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ujeedkiisa waxaa waayay inuu dhiigeyna ku baneysto taas waa inay dadka ogaadaan, laakiin annaga ka tanaasuleyno Madaxweynihii ka horreyayna ciidan ugama aanan cabsanin asigana ciidan ugama cabsaneyno”.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa farriin u diray ciidamada qalabka sida, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhibaateyn dadka shacabka ah, sidoo kalena aysan qaadan amarrada madaxa joogta Villa Somalia.

“Ninka fadhiya Villa Somalia waa Madaxweynihii hore ha qaadanina amar la idin siinaayo inaad Ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateysaan waxaa la idin tababaray inaad Ummadda Soomaaliyeed difaacdaan ilaalisaan nabadda dalka dhowrtaan sharafta iyo karaamada shacabka”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aadan eedda mucaaradka ee ku aadan ciidamadaas la sheegay inay abaabulayaan.

Si kastaba, mucaaradka ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha, iyaga oo iclaamiyay dibad-baxyo horleh oo 4-ta June ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo ay tilmaameen in todobaadyo socon doonaan.

Geesigii weerarka Masjidka San Diego oo qoyskiisa loo ururiyay 1.4 milyan dollar

San Diego (Caasimada Online) – In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, oo ahaa waardiyihii lagu dilay weerar Isniintii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa xaruntaas.

Amin Abdullah, oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah, ayaa ka mid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay Islamic Center of San Diego, oo ah mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn gobolka San Diego.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay carruur badan ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka. Wararku waxay sheegayaan in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay in gudaha xarunta la xiro, islamarkaana carruurta iyo shaqaalaha la geliyo xaalad badbaado, ka hor inta aan la dilin.

Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa Amin Abdullah ku tilmaamay geesi ficilladiisu ay badbaadiyeen nolosha dad badan.

“Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen kuwo geesinnimo leh,” ayuu yiri Wahl oo shir jaraa’id ka hadlayay. “Shaki la’aan, maanta wuxuu badbaadiyay nafo badan.”

Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay weerarka geysteen, ka hor inta aan meydadkooda laga helin gaari u dhow goobta, iyadoo la rumeysan yahay inay is dileen. Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa baaraya in weerarku ahaa fal naceyb ku saleysan, kaddib markii la helay qoraallo ka dhan ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta xarunta Islaamiga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ayaa sheegay in Amin Abdullah uu naftiisa u huray difaaca carruurta, macallimiinta iyo dadka cibaadada u joogay masaajidka.

Baraha bulshada Mareykanka ayaa si weyn loogu hadal hayaa geesinimada Abdullah, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen halyeey Muslim ah oo naftiisa ku waayey isagoo ilaalinaya dad aan is difaaci karin.

Lacag ururin online ah oo loo sameeyay qoyskiisa ayaa si degdeg ah u dhaaftay 1.7 milyan oo dollar, taasoo muujisay taageerada ballaaran ee bulshada Muslimiinta iyo shacabka Mareykanka ay u muujiyeen qoyskiisa.

Amin Abdullah ayaa ka tagay xaas iyo siddeed carruur ah. Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay nin deggan, naxariis badan oo si joogto ah ugu adeegayay dadka masaajidka yimaada.

Weerarka San Diego ayaa mar kale Mareykanka ka dhaliyay dood ku saabsan amniga goobaha cibaadada iyo khatarta sii kordheysa ee falalka naceybka ku saleysan, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta gobolka California iyo magaalada San Diego ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo sheegay in goobaha cibaadada aysan marnaba noqon karin meel lagu beegsado dad aan waxba galabsan.

Laakiin bulshada Muslimiinta ee San Diego ayaa xilligan si gaar ah u xasuusaneysa Amin Abdullah, oo ay ku tilmaameen nin geesinimadiisu ka hortagtay masiibo intaas ka weyn.

Xog: Villa Somalia oo wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay billowday olole siyaasadeed oo ay ku dooneyso in Baarlamaanka Federaalka, oo mucaaradku ku tilmaamayo mid waqtigiisii dhammaaday, mar kale fadhi la isugu keeno.

Qorshaha Villa Somalia ayaa ah in tallaabadaas la qaado marka la soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo la filayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu ku soo baxo doorashada ka dhaceysa Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay markaas kaddib diyaarin doonto fadhi uu yeesho Baarlamaanka Federaalka, si loo doorto guddoomiye cusub oo beddela Aadan Madoobe, haddii uu ku guuleysto hoggaanka Koonfur Galbeed.

Qorshaha ayaa dhigaya in doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka la guda galo muddo laba toddobaad gudahood ah kaddib marka la soo afjaro doorashada Baydhabo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka taagan sharciyadda hay’adaha federaalka, gaar ahaan muddada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddada Baarlamaanka Federaalka ay ku ekeyd 14 April 2026, sida ku cad dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee lagu soo doortay hay’adaha hadda jira. Waxay sidoo kale ku adkeysanayaan in muddada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku ekeyd 15 May 2026.

Dhinaca kale, dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in dastuurka cusub ee wax laga beddelay uu muddada hay’adaha dowladda ka dhigay shan sano, taasoo ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn karto illaa 15 May 2027.

Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay in muddada Baarlamaanka Federaalka, dowladda federaalka iyo xilka madaxweynenimada ay ku eg tahay May 2027, isagoo ku adkeystay in arrintaas aysan ahayn go’aan shaqsi ah balse ay ku saleysan tahay hannaanka dastuuriga ah ee dalka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeeda aragtidaas, iyagoo ku tilmaamay muddo-kororsi sharci darro ah oo khatar gelinaya xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayay ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, iyagoo ku adkeystay in wixii ka dambeeyay 15 May uusan lahayn awood dastuuri ah oo uu ku sii hoggaamiyo dalka.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaya loollanka siyaasadeed ee ka dhex socda siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee doonaya inay buuxiyaan booska Aadan Madoobe ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddii uu ku guuleysto doorashada Baydhabo.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Villa Somalia ay hore u diyaarsatay shaqsiga ay dooneyso inuu qabto xilka guddoomiyaha, taasoo ka dhigeysa doorashada soo socota mid qeyb ka ah dagaalka ballaaran ee siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Doorashada Koonfur Galbeed iyo buuxinta kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidaas ku noqday laba arrimood oo si toos ah ugu xiran muranka weyn ee ka taagan muddada dowladda, qorshaha doorashooyinka qaranka iyo mustaqbalka awood qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qalbi Dhagax oo si adag u naqdiyay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo dusha ka saaray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa naqdiyay wareysi uu bixiyay agaasimihii hore ee Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay isu bahaysteen afar koox oo uu ku sheegay “jilaa, doqon iyo shirqool,” balse uusan magac-dhabin cidda uu ula jeeday.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu door ku lahaa, wax badanna ka ogaa qabashadiisa. Wuxuu ku tilmaamay qof cuqdadaysan oo Soomaali u buga qaan-gaaray.

Wuxuu beeniyay in ay jirto lacag uu ka helay Fahad Yaasiin, kaas oo hore u sheegay inuu Hargeysa ugu diray $20,000. Qalbi Dhagax ayaa arrintaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoo sheegay in haddii lacagtaas la siin lahaa xilligaas ay urur ahaan baahi weyn u qabeen, maadaama ay ku jireen dagaal xornimo-doon ah.

Mar uu ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil, ayuu sheegay in Fahad Yaasiin uu isagu maleegay kiiskaas, isla markaana uu marin habaabiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sheekooyin been abuur ah lagu qariyay kiiska Ikraan, laguna eedeeyay koox uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii hore ee Xasan Sheekh aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.

Sidoo kale, mar uu ka hadlayay booqasho uu xabsiga ugu tegay taliyihii Nabad-sugidda xilligii la dhiibayay, Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe,” ayuu sheegay in qorshaha uu markaas u socday uu ahaa amar ka yimid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Sanbaloolshe ka dalbaday inuu soo ogaado halka uu ku dambeeyay, nolol iyo geeri.

“Sanbaloolshe wuu ii yimid. Wuxuu iigala hadlay saddex ilaa afar qodob. Wuxuu igu yiri, ‘Aniga madaxweynaha ayaa i soo diray. Madaxweynaha wuxuu igu yiri, war ninkii aan dhiibnay inuu nool yahay iyo inuu dhintay bal aan ogaanno, ee ka daba tag oo soo ogow. Qodobka labaad, waxaad soo weydiisaa ninka waxa uu nooga baahan yahay, dowlad Soomaaliyeed ahaan. Waxaana rabnaa inaad tilmaam naga siiso, bacdamaa aad muddo badan dagaal jabhadeed ku jirtay. Cadow khatar ah ayaa nala dagaallamaya, ee tilmaam naga sii sida ugu habboon,’” ayuu yiri Qalbi Dhagax, oo ka hadlayay hadalkii ay is-dhaafsadeen Cabdullaahi Sanbaloolshe, kaas oo uu ku tilmaamay nin runta ka hadla oo uusan been ku aqoon.

“Waxaan Sanbaloolshe weydiiyay sababta ay Itoobiya iigu dhiibeen, wuxuuna yiri, ‘Waan isku kaa badbaadinaynay.’ Intaas ayuu iigu soo koobay warka,” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Qalbi Dhagax ayaa intaas raaciyay in Farmaajo uu rabay inuu hadlo, shacabka Soomaaliyeedna u sheego inuu isagu isu dhiibay Itoobiya.

Ugu dambeyntii, Qalbi Dhagax oo wareysigiisa wax badan kaga hadlay, ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee teeramkii hore aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.

Wareysi uu dhawaan bixiyay Fahad Yaasiin ayaa dhaliyay falcelin, waxaana ka mid ah inuu soo hadlay Qalbi Dhagax, oo sheegay in Fahad uusan waxba ka ogeyn dhiibistii ay dowladdii Farmaajo u dhiibtay Itoobiya.

DF ‘oo u adeegsatay’ shirkad dibada ah si loo aamusiyo warbaahinta iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta madaxa-bannaan ay dacwo u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo la sheegay in dowladda ay u wakiilatay shirkad dibadda ku taalla, taas oo si been abuur ah u sheegata xuquuqda wararka ay baahiyaan warbaahinta madaxa-bannaan.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadda CONVEY LLC, oo ka shaqeysa arrimaha suuq-geynta, lana sheegay in fadhigeedu yahay Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada lagu soo geliyo baraha Meta, gaar ahaan Facebook, kuwaas oo ay leeyihiin telefishinno iyo idaacado dhowr ah, si loo aamusiyo ama loo yareeyo wararka mucaaradka.

Ururka u dooda xuquuqda haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee SOMWA ayaa qoraal uu soo saaray walaac weyn kaga muujiyay mowjado sii kordhaya oo weerarro online ah, kuwaas oo si habeysan loogu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada.

Weerarradan online-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo ka taagan Soomaaliya, halkaas oo suxufiyiinta iyo ururrada warbaahintu ay horayba ugu shaqeynayeen cadaadis daran, cagajugleyn iyo amni-darro.

Inkasta oo ay jiraan weerarro jireed, xarig, dhibaateyn iyo cagajugleyn maalinle ah oo ay la kulmaan suxufiyiinta warbaahinta madaxa-bannaan, haddana waxaa hadda soo baxay nooc cusub oo khatar ah oo lagu carqaladeynayo warbaahinta wax ku qorta baraha bulshada.

Sida ay wararku sheegayaan, dacwado badan oo warbaahinta ay u gudbisay shirkadda Meta ee Facebook ayaa hoos u dhigay saameynta shirkadda CONVEY LLC, oo sheeganeysay xuquuqda wararka iyo muuqaalada lagu daabaco bogagga Facebook ee idaacadaha iyo telefishinnada ka howlgala Muqdisho.

Xarumaha warbaahineed ee la kulmay weerarradan online-ka ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay awooddoodii ay wax ku daabici jireen ama ay ku gaari jireen dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku xiran baraha Meta, waxaa ka mid ah Shabelle TV, Universal TV iyo Dalsan TV.

Sidoo kale, weerarradan ayaa saameeyay suxufiyiin madax-bannaan iyo dadka saameynta ku leh internet-ka, kuwaas oo nuxurkoodii la sheegay in meesha laga saaray ama la xaddiday, sababo la xiriira ganaaxyo wadajir ah oo lagu soo rogay.

W/Q: Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online, London

Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah.

Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay deggen yihiin dad magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht, waxayna isku dayeen inay ka horjoogsadaan ciidanka dab-demiska inay damiyaan dabka. Si kastaba, dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii ayaa laga badbaadiyey.

Golaha Wasiirrada oo arrintan shir ka yeeshay ayaa u ballanqaaday dowladaha hoose kaalmo iyo xal gaar ah oo ku saabsan qaabilidda magangelyo-doonka, si loo adkeeyo ammaankooda, isagoo cambaareeyey rabshadaha ka dhanka ah xarumaha la weeraray.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Netherlands SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa war lagu farxo ku tilmaamay ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, oo sheegay in la bixin doono xalal gaar ah, isla markaana la sameyn doono kooxo firfircoon oo la shaqeyn doona ururka dowladaha hoose ee Netherlands.

Abdikadir Ali Nuune ayaa guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka dalka ku cusub ee magangelyo-doonka ah kula taliyey inay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan xaaladda soo korortay iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha diidan qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan ee ay geysanayaan kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, isagoo sheegay inay yihiin falal xadkoodii dhaafay, isla markaana lala xisaabtami doono dadka ka dambeeya.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee ay geysteen kooxaha cunsuriyiinta ah waxaa ka mid ah weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumaha magangelyo-doonka ee la qorsheeyay in laga furo magaalooyinka IJsselstein, Den Bosch, Apeldoorn iyo Loosdrecht.

Hay’adda Qaabilaadda Magangelyo-doonka ee COA ayaa dhankeeda sheegtay inay ka walaacsan tahay nolosha iyo badqabka shaqaalaheeda, maadaama kooxahan ay dab qabadsiinayaan xerooyinka loo qorsheeyay qaxootiga.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Somaliland oo Qudus u aqoonsatay caasimadda Israa’iil

Jerusalem (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday inay safaarad ka furaneyso magaalada Qudus, taasi oo ka dhigan in magaalada barakeysan ee reer Falastiin ay u aqoonsatay caasimadda dowladda Israa’iil ee xoogga ku haysata.

Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israel, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland “laga furi doono Qudus” isla markaana ay dhowaan howlaheeda billaabi doonto.

Wuxuu intaas ku daray in Israel ay iyaduna safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.

Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israel ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid aqoonsiga Israel, waxayna ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa’ar, ayaa soo dhoweeyey qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojin doonta xiriirka labada dhinac.

“Waxaan bogaadinayaa saaxiibkey, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, go’aankiisa muhiimka ah ee ah in Somaliland ay safaaraddeeda ka furato caasimaddeenna weligeed ah ee Qudus,” ayuu yiri Sa’ar.

Wuxuu sheegay in furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus ay noqon doonto “tallaabo kale oo muhiim ah” oo lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo Somaliland, isagoo sheegay in labada dhinac ay ka shaqeyn doonaan hirgelinta go’aankaas.

Sa’ar ayaa sheegay in safaaradda Somaliland ay noqon doonto safaaradda siddeedaad ee dal shisheeye ka furto Qudus.

Maalin ka hor, Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa Qudus ku qaabilay Maxamed Xaaji, oo u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed. Herzog ayaa ku tilmaamay “safiirkii ugu horreeyey ee Somaliland ku yeelato Israel.”

“Waan ku farxay inaan qaabilo safiirkii ugu horreeyey ee Somaliland u jooga Israel, Maxamed Xaaji, oo maanta ii soo gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga,” ayuu yiri Herzog.

Herzog ayaa sheegay in iskaashiga cusub ee labada dhinac uu furi doono waddo ay uga wada shaqeeyaan arrimo kala duwan oo dan u ah “labada shacab iyo gobolka.”

Somaliland waxay xiriirka Israel u aragtaa fursad istaraatiiji ah oo u furi karta albaab diblomaasiyadeed oo cusub, gaar ahaan maadaama ay muddo dheer ku jirtay go’doon caalami ah. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sidoo kale rajeynaya in xiriirkaas uu keeno maalgashi, tiknoolajiyad, iskaashi amni iyo taageero siyaasadeed.

Hase yeeshee, tallaabada safaaradda Qudus ayaa Somaliland gelisay muran ka baxsan khilaafka ay la leedahay Muqdisho. Qudus waa mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan khilaafka Israel iyo Falastiin, waxaana dalalka badankood ay ka fogaadeen inay safaaradahooda geeyaan magaaladaas.

Israel waxay Qudus u aqoonsan tahay caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay doonayaan in Bariga Qudus noqoto caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata. Dalalka caalamka intooda badan waxay safaaradahooda ku hayaan Tel Aviv ama agagaarkeeda, maadaama maqaamka kama dambaysta ah ee Qudus uu weli yhay arrin lagu muransan yahay.

Go’aanka Somaliland ayaa Hargeysa u horseedi doona cadaawad cusub oo calami ah, maadaama furitaanka safaarad Qudus ah uu taabanayo dareenka Carabta, Muslimiinta iyo taageerayaasha qadiyadda Falastiin.

Daawo: Mucaaradka DF oo markale iclaamiyay banaanbax wayn + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho ayaa maanta iclaamiyay dibad-baxyo horleh oo ay uga soo horjeedaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Khayre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dibadaxa uu dhici doono 4-ta bisha June, uuna socon doono todobaadyo, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan.

“Annaga waxaan rabnaa dalkan badqabkiisa iyo nabaddiisa in la ilaaliyo sidaas daraadeed ayaa waxaan ku baaqeynaa banaanbax nabadeed oo la isugu soo baxo 4-ta bisha June haddii Ilaahey yiraahdo waana soconayaa inta laga gaaraayo in dalkan loo sal-dhigo doorashadiisa,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maanta ayay fursad inala guddoon tahay iyo inaan badbaadino dalka aan ka hor istaagno ceelka uu kusii dhacaayo”.

Khayre ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada qalabka sida, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhibaateyn dadka shacabka ah, sidoo kalena aysan qaadan amarrada madaxa joogta Villa Somalia.

“Ninka fadhiya Villa Somalia waa Madaxweynihii hore ha qaadanina amar la idin siinaayo inaad Ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateysaan waxaa la idin tababaray inaad Ummadda Soomaaliyeed difaacdaan ilaalisaan nabadda dalka dhowrtaan sharafta iyo karaamada shacabka”, ayuu mar kale yiri Khayre.

Ugu dambeyn wuxuu walaac xooggan ka muujiyay xaaladda uu marayo dalka, isaga oo tilmaamay in aysan horay u dhicin marxaladdan oo kale.

Maamulka G/Banaadir oo fuliyay qalliimo Wadnaha ah oo lagu Badbaadinayo 11 Carruur ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay olole caafimaad oo lagu sameynayo qalliimo wadnaha ah 11 carruur Soomaaliyeed oo muddo dheer la noolaa xanuunnada wadnaha, kaddib markii maamulka uu bixiyay dhammaan qarashaadka daaweynta iyo qalliinnada carruurtaasi.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb gashay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, oo sheegtay in qaar kamid ah carruurta la daweynayo ay xanuunka wadnaha qabeen muddo gaareysa 10 sano, halka qaar kale ay la noolayeen 8 sano iyo muddo sanad ah.

Waxay tilmaamtay in waalidiinta carruurtaasi aysan awoodin qarashaadka culus ee ku baxaya qalliinnada iyo adeegyada caafimaad, taasoo sababtay in carruur badan ay muddo dheer sugayeen fursad lagu badbaadiyo noloshooda.

Xoghayaha ayaa bogaadisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo sheegtay in uu dadaal weyn geliyay sidii carruurtaan ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh.

“Badbaadinta carruurtan waxay la mid tahay badbaadinta 22 qof, sababtoo ah hooyada iyo ilmaheeda waa isku xiran yihiin. Marka ilmuhu xanuunsan yahay, hooyaduna naf ahaan iyo maskax ahaanba way xanuunsan tahay,” ayay tiri Bilan Bile Maxamuud.

Qalliinnada wadnaha ee carruurtan lagu sameynayo ayaa waxaa fulinaya Somali Sudanese Hospital, oo kamid ah xarumaha caafimaad ee hormuudka ka ah daaweynta cudurrada wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Safiirka dowladda Ruushka ee Soomaaliya oo tegaya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiyay Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov ayaa tegaya kadib markii uu soo gabagabeeyay howlgalkiisii diblomaasiyadeed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta sagootiyay Mikhail Golovanov oo ahaa danjiraha aan deggeneyn ee dowladda Ruushka u fadhiyay Soomaaliya.

Cabdisalaam ayaa ku ammaanay Danjire Golovanov dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya  Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin Ruushka iyo Soomaaliya.

Ruushka ah ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee xiriirka la leh Soomaaliya, wuxuuna muddooyinkii dambe xoogga saaray arrimaha bani’aadanimada, isaga oo deeqo kala duwan ku wareejiyay Dowladda Federaalka.

Gargaarkii ugu dambeeyay ee Ruushka wuxuu ahaa raashin dhan 25 tan oo uu ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, isaga oo 15-kii bishaan May ku wareejiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA.

Ujeedka ayaa ah si wax looga qabto xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka, iyadoo lagu wareejiyay Hay’adda SoDMA oo hormuud ka ah gurmadka iyo maareynta musiibooyinka qaranka.

Ruushka ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufaha bini’aadannimo iyo baahiyaha degdegga ah.

Mucaaradka oo qaatay go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay go’aan xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee la galay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore, sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Khayre oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Madxweyne Xasan Sheekh uu lamid yahay Sheekh Shariif, ayna yihiin Madaxweynayaal hore oo dalka soo maray, sida uu ku dooday.

“Villa Somalia waxaa inoo fadhiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna ku dagan yahay sharci darro hadda Madaxweyne Shariif waa Madaxwene hore, Xasan Sheekhna waa Madaxweyne hore,” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kle wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa inaan caddeyno dalka iyo dadka waxaa lagu xukumaa nidaam iyo sharci iyo igmashada shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waqtigii loo igmaday Madaxweyne Xasan Sheekh waa soo idlaaday”.

Xasan Cali Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa walaac ka muujiyay xaaladda uu marayo dalka, isaga oo tilmaamay in aysan horay u dhicin marxaladdan oo kale.

“Xaaladda dalkani hadda uu maraayo sooma marin saddexdii isbeddal ee ugu dambeysay xilli kala guur ah oo sidaan u cakiran Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqan inay indhaha kala furaan, isla markaana ay ka hortegaan khatarta soo socota, gaar ahaan rabitaanka shaqisga ee madaxda Villa Soomaaliya.

Mahad Salaad oo tegay Gubadley lana kulmay Taliye Saneey iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo maanta tegay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 12-ka Abriil Saneyd Cabdulle, qaar kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda degmada iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada.

Mahad Salaad ayaa kulanka ka sheegay in amnigu yahay mudnaanta koowaad ee dalka, isla markaana loo baahan yahay in bulshada ay garab buuxa siiso ciidamada ammaanka si looga hortago khataraha Khawaarijta iyo falalka amni-darrada ah.

Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan qorshaha dowladda ee ku aadan xasilinta iyo u diyaar garowga howlaha doorashooyinka.

Dhankooda, qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee sugidda amniga, iyaga oo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan nabadgelyada, wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo dowlad-dhiska.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isa markaana muddooyinkan la hadal hayay dhaq-dhaqaaq la sheegay in dowladdu ka wadday Gubadley, si ay uga hortagto in abaabul lamid ah kii Badbaado Qaran laga soo abaabulo degmadaas oo uu ku suganyahay Taliye Saneey Cabdulle oo horay loogu xasuusto kaalintiisii mucaaradkii 2022.

Dhawaan hadal uu jeediyay taliyaha wuxuu ku sheegay in aanu ahayn mucaarad, uuna la shaqeynayo dowladdiisa, taas oo meesha ka saartay hadal-heyntii qabsatay baraha bulshada ee ku aadaneyd inuu kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda loollan kula jira mucaaradka.

Si kastaba, tallaabadan ayaa u muuqata mid ay dowladda kaga hortageyso in hoosteeda laga abaabulo ciidamo diidan qorshaheeda qof iyo cod, maadaama mucaaradka ay ku doodayaan inuu dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

ISRAEL oo shaacisay qorshe ay ka damacsan tahay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Israel u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xiriirka labada dhinac uu si degdeg ah u ballaaranayo, isla markaana ay socdaan qorsheyaal iskaashi oo taabanaya amniga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, teknoolajiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada bulshada.

Lotem, oo wareysi siiyey telefishinka Israel ee N12, ayaa sheegay in Somaliland ay muujisay rabitaan xooggan oo ay ku dhiseyso xiriir ballaaran oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israel bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay gobolkan dhaca Waqooyi-Galbeed Soomaaliya.

“Waxay doonayaan in la xoojiyo iskaashiga ku dhowaad dhammaan dhinacyada, laga bilaabo tamarta iyo kaabayaasha ilaa teknoolajiyadda, waxbarashada iyo isgaarsiinta,” ayuu yiri Lotem, sida ay baahisay N12.

Lotem ayaa sheegay in wadahadallada amniga ay qeyb ka yihiin xiriirka soo kordhaya, balse wuxuu ku adkeystay in iskaashigu aanu ku koobneyn difaac iyo amni oo keliya, balse uu sidoo kale gaarayo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Israel ayaa bishii April u magacowday Lotem safiirkeedii ugu horreeyey ee Somaliland, kadib markii ay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsata Somaliland. Safiirka ayaa markii hore noqonaya mid aan si joogto ah u deggeneyn Hargeysa.

“Sanadihii u dambeeyey, Israel waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed oo badan si ay u xoojiso joogitaankeeda Afrika,” ayuu yiri Lotem.

Safiirka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin shidaal, gaas, dahab, bir iyo dhuxul, kuwaas oo uu sheegay in ay abuuri karaan fursado dhaqaale. Wuxuu intaas ku daray in Hargeysa ay daneyneyso in Israel ay kala shaqeyso silsiladda qiimaha ee dhinacyo badan, oo ay ku jiraan beeraha, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Lotem ayaa hore u soo noqday safiirka Israel ee Kenya, sidoo kalena wuxuu ahaa safiir aan degganeyn dalalka Uganda, Tanzania, Malawi iyo Seychelles.

Hadallada Lotem ayaa imanaya ayada oo Israel ay Isniintii si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed ee ergaygii ugu horreeyay ee matala Somaliland bilo kaddib markii ay u aqoonsatay dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa Isniintii sheegay inuu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mohamed Hagi, xilli munaasabad ka dhacday Israel markii ugu horreysay lagu qaaday heesta Somaliland.

Herzog ayaa tallaabadan ku tilmaamay “iskaashi cusub oo muhiim ah,” isagoo sheegay in xiriirka labada dhinac uu ballaarin doono iskaashiga dhinacyo kala duwan.

Xiriirka cusub ee maamulka Somaliland iyo Israel ayaa qeyb ka ah dadaal ballaaran oo ay Tel Aviv ku dooneyso in ay ku xoojiso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Afrika, gaar ahaan dalalka Muslimiinta u badan iyo goobaha u dhow marinnada istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hore u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay ku biirto Heshiisyada Abraham Accords, isaga oo ku tilmaamay hannaan kor u qaadi kara nabadda iyo iskaashiga Bariga Dhexe iyo Afrika.

Aqoonsiga Israel ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Hargeysa, balse waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, oo Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda. Midowga Afrika, IGAD iyo dalal dhowr ah ayaa sidoo kale ka digay tallaabadaas, iyaga oo sheegay in ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991kii, balse ma jirto cid aqoonsatay, marka laga reebo Israa’iil.

Mucaaradka oo walaac ka muujiyay xaaladda dalka kadib tallaabadii Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka digay xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay sheegeen inuu ku jiro qalaalase dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in halkii uu xil iska saari lahaa sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran iyo waddo nabdoon oo looga gudbo marxaladdan adag, uu beddelkeeda dagaal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed la galay Safiirka Midowga Yurub, kadib markii qoraal ay ka qortay kulankiisii ugu yeeri weyday “Madaxweyne.”

“Waxaa la qoray dacwad diblomaasiyadeed, waxaa la qaaday olole iyo cadaadis lagu doonayo in dib loogu soo celiyo cinwaanka ‘Madaxweyne’. Ugu dambeynna waxaa loo dabaaldegay markii safiiraddu qortay: ‘H.E. President Hassan Sheikh Mohamud,’” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, wuxuu su’aal geliyay haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kalsoon yahay sharciyaddiisa, sababta uu ugu baahan yahay inuu safiiro shisheeye kula dagaallamo cinwaankiisa baratakoolka.

“Wuxuusan garan in sharciyadda dhabta ah laga kasbado shacabkaaga iyo dastuurka dalkaaga, ee aan laga helin eray safiir qoray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Dalku wuxuu ku jiraa qalalaase dastuuri ah, mana jiro heshiis siyaasadeedna oo looga gudbo hubanti la’aanta sharciyadeed iyo kala-guurka siyaasadeedna ee sii kordhaysa.

Halkii uu xil iska saari lahaa sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran, sharciyad siyaasadeed, iyo waddo nabdoon oo looga gudbo marxaladdan adag, ayuu labadii maalmood ee la soo dhaafay, ninka habeenkii shanaad sharci darrada ugu hoyanaya Villa Soomaaliya wuxuu dagaal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed kula jiray Safiirka Midowga Yurub, kadib markii ay tweet ay la kulankiisii ka qortay ugu yeeri weyday “Madaxweyne.”

Waxaa la qoray dacwad diblomaasiyadeed, waxaa la qaaday olole iyo cadaadis lagu doonayo in dib loogu soo celiyo cinwaanka “Madaxweyne.” Ugu dambaynna waxaa loo dabaaldegay markii Safiiradu qortay:
“H.E. President Hassan Sheikh Mohamud.”

Laakiin wuxuusan si dhab ah ufahmin fariinta ku lifaaqan qoraalkaas oo ah in Midowga Yurub uu €75 milyan ku bixiyey taageerada AUSSOM, halka uu €63 milyan ku bixiyey gargaar bani’aadannimo iyo gurmad abaaro, isla markaana loo baahan yahay “wadaagga culayska iyo masuuliyadda” si horay loogu socdo.

Qof kasta oo fahmaya luqadda diblomaasiyadda wuxuu garan karaa fariinta dahsoon ee ah in Soomaaliya si tartiib ah loogu soo koobayo fayl amni iyo gargaar bani’aadannimo. Si kale haddii loo dhigo waxaa lagu leeyahay

“Waxaan ilaalinaynaa amniga dalkaaga, waxaan ka qeyb qaadanaynaa gurmadka dadkaada, laakiin kama muuqato dowladnimo leh kalsooni siyaasadeed, sharciyad, iyo awood ay masuuliyadda nala wadaagto.” Tweet-ka kama muuqan kalsooni dowladeed, sharciyad dastuuri ah, taageero dowlad-dhisid, maalgashi, iyo iskaashi horumarineed oo waara.

Haddii ay jiri lahayd dowlad sharciyad iyo kalsooni leh, waxaa laga hadli lahaa dib-u-dhis hay’adeed, koboc dhaqaale, maalgashi, iyo taageero ku dhisan hannaan dimuqraadi ah.

Tan kale, haddii uu Xasan Sheekh sharciyadiisa ku kalsoon yahay, muxuu uga baahna in uu safiiro shisheeye kula dagaallamo cinwaan baratakoolkiisa. Wuxuusan garan in sharciyadda dhabta ah laga kasbado shacabkaada, iyo dastuurka dalkaada ee aan laga helin eray safiir qoray.

Qaran doonaya sharaf iyo karaamo kuma noolaan karo weligiis gargaar degdeg ah, amaanka AUSSOM, iyo ku-tiirsanaan shisheeye isagoo taas ugu yeeraya sharciyad caalami ah.

Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam dastuuri ah, heshiis siyaasadeed, dowladnimo isla xisaabtan leh, kalsoonida shacabkeedana haysata.

DF oo Deni ku weerartay tallaabo cusub oo u qaaday gooni-u-goosadka Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay wafdi ka socday Puntland oo ka qayb-galay munaasabaddii 18-ka May ee lagu xusayay sanad-guurada kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka ayaa si dadban u dhaliilay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo sheegay in aan taageerada qadiyadda Somaliland lagu kasban karin cod siyaasadeed ama faa’iido doorasho.

Cali Xoosh ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta isku dayaya inay ka faa’iideystaan arrimaha kala qeybsanaanta Soomaaliya aysan ku gaari doonin guul siyaasadeed, isaga oo xusay in midnimada dalka ay tahay arrin qaran oo aan lagu ciyaari karin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aan guul siyaasadeed lagu gaari karin hoos u dhigista rabitaanka siyaasadeed ee shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari, isaga oo ula jeeday maamulka Puntland.

“Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban karo qof buun-buuninaya kala goynta Soomaaliya, islamarkaana hoos u dhigaya doonista siyaasadeed ee shacabka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya kadib markii wafdi dhaqameed uu hoggaaminayay Yaasiin Muuse Boqor ay ka qayb-galeen xuska 18-ka May ee lagu qabtay Hargeysa, taas oo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed.

Wafdigaasi ayaa sheegay inay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ay Puntland taageersan tahay qadiyadda Somaliland, hadalkaas oo si weyn looga fal-celiyay, una qabsaday baraha bulshada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu isku hayaan arrimo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

QM oo war ka soo saartay xiisadda Soomaaliya, farriin u dirtay mucaaradka iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ku booriyay inay sii wadaan wada-hadallada, kaddib markii shirarkii u dambeeyay ee heerka sare ahaa ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Afhayeen ku-xigeenka Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in Guterres uu “si dhow ula socdo xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya,” gaar ahaan wada-hadalladii dhowaan dhexmaray labada dhinac.

“Wuxuu soo dhoweynayaa rabitaanka labada dhinac ee ah inay wada-hadal galaan,” ayuu yiri Haq, isagoo intaas ku daray in xoghayaha guud uu ku dhiirrigelinayo “inay sii wadaan wada-hadalka, si heshiis looga gaaro jihada loo wajahayo doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.”

Baaqan ayaa yimid kaddib wada-hadallo Muqdisho ka dhacay intii u dhexeysay 13-kii illaa 15-kii May, kuwaas oo aan wax horumar ah laga gaarin khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee la xiriira.

Wada-hadallada ayaa ku soo aaday xilli uu sii xoogeysanayo muranka ka dhashay jadwalka doorashooyinka, isbeddellada dastuurka iyo qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Mucaaradka ayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay waddo qorshe doorasho oo hal dhinac ah, halka dowladda ay ku adkeysaneyso in doorasho toos ah ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka gudubto hannaankii doorashooyinka dadban ee muddada dheer lagu soo dhaqmayay.

Khilaafka ayaa sidoo kale salka ku haya fasiraado kala duwan oo laga bixiyay muddada xilka hay’adaha dowladda. Mucaaradka ayaa ku doodaya in isbeddel kasta oo doorasho lagu saleeyo wadatashi iyo dhexdhexaadin madax-bannaan, halka dowladda federaalka ay sheegtay in geeddi-socodka doorashooyinka lagu sii wadi karo qaab-dhismeedka dastuuriga ah ee dib loo eegay.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadayaa xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo ay wadaan xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo doonaya in markale fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac, kadib markii shirarkii u socday toddobaadyadii lasoo dhaafay ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wakiillo ka socda beesha caalamka ay weli xiriirro gaar-gaar ah la leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo abuuro jawi dib loogu ambaqaado wadaxaajoodka hakadka galay.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa horey ugu baaqay in la sii wado wadahadallada, isaga oo labada dhinac ku boorriyay inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed iyo daacadnimo, si looga gudbo caqabadaha hortaagan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan suurtagalnimada in khilaafka siyaasadeed ee hadda jira uu saameyn ku yeesho amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya, haddii aan xal deg-deg ah laga gaarin muranka taagan.

Dhacdo argagax leh: Xildhibaan hore oo wiilkiisu toorey ku dilay gudaha Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay aabbihii oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bootaan, oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaa maamulka Puntland.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Al-Aqsa ee magaalada Boosaaso, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu aabbihii ku weeraray toorrey, taasoo sababtay geeridiisa.

Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in falkaasi uu si weyn u argagax geliyay shacabka ku nool xaafadda, maadaama marxuumka uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay magaalada Boosaaso iyo guud ahaan maamulka Puntland.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in wiilka falka geystay uu muddo la noolaa xaalad la xiriirta xanuunka dhimirka, inkastoo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo arrintaas kasoo baxay hay’adaha caafimaadka ama laamaha ammaanka Puntland.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa durba gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen eedeysanaha, iyadoo haatan ay socdaan baaritaanno ku saabsan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay dilkan.

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo xaaladda maskaxeed ee eedeysanaha iyo sida uu falka u dhacay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, waxaa mararka qaar ka dhacayay falalka amni darro oo isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac, kuwaas oo walaac horleh ku abuuray shacabka ku dhaqan deegaannadaas.

Netanyahu oo khadka telefoonka kula soo hadlay Cabdiraxmaan Cirro kadibna…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shaaciyay inuu khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, xilli Somaliland ay u dabaal-degeysay munaasabadda 18-ka May oo ku beegan maalintii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu si rasmi ah ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland munaasabadda 18-ka May, isaga oo codsaday in hambalyadaas loo gudbiyo shacabka Somaliland.

“Waxa aanu maanta telefoonka ku wada hadalnay Raysal Wasaaraha Dowladda Israa’iil, waxa uu iga codsaday inaan hambalyo gaadhsiiyo shacabka Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay munaasabadda xuska 18-ka May.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland kadib markii Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog uu Isniintii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid diblomaasiyadeed oo weyn oo Somaliland u horseedi karta inay hesho taageero caalami ah oo dheeraad ah, xilli ay muddo dheer raadineysay aqoonsi rasmi ah oo caalami ah tan iyo sanadkii 1991-kii.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si rasmi ah Somaliland ugu hambalyeysay munaasabadda 18-ka May, halka jasiiradda Taiwan ay iyaduna dirtay fariin hambalyo ah, taas oo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland la leedahay qaar kamid ah dhinacyada caalamka..

Israa’iil ayaa bishii December ee la soo dhaafay noqotay dowladda kaliya ee caalamka ka tirsan ee aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, oo muddo 35 sano ah raadinaysay aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli ku dhibtoonaysa inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo ay jiraan walaacyo ay qabaan caasimado badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka baqaya in tallaabadaas ay caro gelin karto Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigelin karto dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni-u-goosad ah oo ka jira dalal Afrikaan ah.

Aqoonsiga Israa’iil siisay maamulkan goostay ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo uga timid dowladda Soomaaliya, oo muddo dheer ka soo horjeedday isku dayga Somaliland ee ah inay ka go’do Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale dhaleeceeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo labaduba sheegay in tallaabadaasi ay waxyeelleynayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa isna dhaleeceeyay go’aankaas, halka Mareykanku uu sheegay inuu sii wadi doono aqoonsiga madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, “taas oo ay ku jirto dhulka Somaliland.”

Sawirro: Weerar dhimasho leh oo lagu qaaday Masjid ku yaalla Mareykanka

San Diego (Caasimada Online) — Saddex nin ayaa lagu dilay toogasho Isniintii ka dhacday masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, halka labada qof ee weerarka looga shakisan yahayna ay dhinteen, sida ay sheegeen booliska magaalada.

Toogashada ayaa ka dhacday Islamic Center of San Diego, oo loo aqoonsan yahay masaajidka ugu weyn degmada San Diego County. Xarunta ayaa ku taalla meel qiyaastii sagaal mayl waqooyi ka xigta bartamaha magaalada San Diego.

Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa sheegay in labada qof ee looga shakisan yahay weerarka la rumeysan yahay inay yihiin dhallinyaro, isla markaana kiiska loo baarayo fal dambiyeed nacayb ku saleysan. Boolisku weli ma shaacin magacyada dadka la dilay iyo kuwa weerarka looga shakisan yahay.

Warbaahinta Mareykanka, oo soo xiganeysa farriin ka timid hoggaanka masaajidka, ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadka la dilay uu ahaa waardiye amni. Booliska si rasmi ah weli uma aysan shaacin aqoonsiga dadka dhintay.

Muuqaallo laga duubay hawada ayaa muujiyay carruur ka badan toban oo gacmaha is haya, kuwaas oo laga saarayo goobta masaajidka, iyadoo xarunta ay ku hareereysnaayeen gaadiid badan oo boolis ah.

Masaajidka ayaa ku yaalla xaafad ay ku badan yihiin guryo, dabaqyo, suuqyo yaryar iyo maqaayado iyo dukaamo ay leeyihiin bulshada ka soo jeeda Bariga Dhexe.

Islamic Center of San Diego waxaa ku dhex yaalla Al Rashid School, oo sida ku cad xogta xarunta bixisa casharro ku saabsan luqadda Carabiga, cilmiga Islaamka iyo Qur’aanka.

Xafiiska guddoomiyaha California Gavin Newsom ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu wargeliyay xaaladda, isagoo u mahadceliyay gurmadka degdegga ah ee goobta gaaray, kana codsaday bulshada inay raacaan tilmaamaha hay’adaha ammaanka.

“Waxaan u mahadcelineynaa gurmadka degdegga ah ee goobta ku sugan, kuwaas oo ka shaqeynaya ilaalinta bulshada, waxaana dadka ku boorineynaa inay raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka,” ayuu xafiiska Newsom ku qoray barta X.

Xarunta Islaamiga ah ee San Diego ayaa sheegta in ujeeddadeedu aysan ku koobneyn keliya u adeegidda bulshada Muslimiinta, balse ay sidoo kale ka shaqeyso taageeridda dadka danyarta ah, waxbarashada bulshada iyo la shaqeynta dadka diimaha kala duwan leh arrimaha samafalka iyo adeegyada bulshada.

Hay’adda Golaha Xiriirka Islaamka-Mareykanka ee CAIR ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in aan qofna cabsi ka qabin inuu ku cibaadeysto masaajid ama uu wax ku barto dugsi hoose. CAIR ayaa sheegtay inay wali uruurineyso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay Muslimiintu galeen maalmaha ugu fadliga badan sanadka Islaamka, kuwaas oo ku beegan bilowga bisha Dul-Xijjah iyo xilliga Xajka

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka uu weli socdo.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60