26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo hakad u galay musuq-maasuq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta muddo uu hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay duulimaadyada gudaha iyo caalamiga.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta ay tahay shidaal la’aan soo wajahday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo saameysay shaqada guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay timid, kadib markii wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowsa Cusmaan Cigaal ay soo saartay ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ay keentay in shidaal la’aan ay dhacdo.

Fardowsa ayaa lagu warramay inay dooneyso in shirkad ayada ku xiran ay siiso qanadaraaska shidaalka, si ay uga faa’iideysato dakhliga kasoo xaroonaya iibka shidaalka oo boqolaal kun oo dollar ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay shaqadooda hakadka gashay ay ka mid yihiin kuwa caalami iyo kuwa gudaha ah oo ku xayiran gudaha garoonka, kadib markii ay saameysay shidaal la’aanta garoonka ka taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale sawir xun ka bixineysa garoonka Muqdisho oo ay maalin welba kusoo dagaan diyaarado kala duwan oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Caalamka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kaso baxay dowladda federaalka iyo maamulka hay’adda Duulista Rayidka Hawada oo ku aadan dhacdad ka taagan garoonka.

Waxaa sidoo kale arrintaan ay kusoo aadaysaa, ayada oo uu maanta is-casilay wasiiru dowladihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo tilmaamay in ay xadgudub ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla-markaana Wasaaradda ay ka dhigtay meel lagu dhibo dad shacabka ah.

“In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug.

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay + Bartimaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilligaasi ay maqaaxida ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ku qayilayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa askarta ku sugneyd goobta.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Kaawa Godey ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan qaraxaas iyo howlgalka xigay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaaca ka qaaday inay dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay oo ay ku yaallaan goobo kale oo ganacsi.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor ay kooxda Al-Shabaab weerar toos ah ay ku qaaday guri ku yaal degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu daaweynayay dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada Macawiisley ee kusoo dhaawacmay gobolka Hiiraan.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka dalka iyo sidoo kale dagaalka Al-Shabaab.

Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan xubnaha Golaha Wasiirada.

Ugu horreyn Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socdo iyo deegaanadii ugu dambeeyey ee laga qabsaday Al-Shabaab.

Golaha ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka aya gacantana ku dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha

Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen weerarkii 21 bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Fdeeraalka ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas, ayaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dhanka kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ugu dambeyn ra’iisul Wasaare ku-xigeenka daka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa Wasiirada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Go’aan laga soo saaray halka lagu qabanayo doorashada kursiga BF ee HOP#086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga lambarkiisu yahay HOP086, kaas oo  loo diiday taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kursigan oo markii hore deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Beledweyne si KMG ah loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyay jadwalka doorashada ee kursigan, xilli uu muran badan uu ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeyo musharixiinta u taagan kursigaas.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharixiinta iyo shaacintta guddiga soo xulista ergada la bilaabayo 22-ka bishaan.

Wuxuu sidoo kale guddigu intaasi kusii daray in doorashada kursigan ugu dambeyn la qaban doono 25-ka isla bishaan Febraayo ee sanadka 2023-ka

“Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannan Baarlamaanka 11aad, asagoo gudanaaya waajibaadka qaran ee loo igmaday wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH#086, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne, laakin si KMG loogu soo wareejiyay caasimada qaranka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka qoeraalka ah ee ka soo baxay duddiga KMG ah ee doorashadan.

Tallaabada uu guddiga uu qaaday ayaa kusoo aadeysa, ayada oo Beesha Reer Aw-Xasan oo iska leh kursiga HOP086 ay bayaan culus ka soo saartay doorashadiisa.

Odayaasha dhaqanka ee beesha ku eedeeyay guddiga KMG ah ee doorashooyinika kuraasta bannaan, wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo ra’iisul wasaare Xamza in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud-siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa.

“Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga dhaqanka ee reer Aw-Xasan.

Qoraalka kasoo baxay odayaasha Beesha Reer Aw-Xasan oo si toos ah ugu socday madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle, guddiga KMG ee doorashada, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in kursigan u xirnayn musharax gaar ah ama jifo gaar ah, ayna ku tartami karaan dhamaan musharixiinta u taagan ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay.

DF oo shirkad gaar ah u xirtay Visa-ha Kenya xilli uu musuq-maasuqa sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah u xirtay dal-ku-galka Kenya (Visa) iyadoo Kenya u dirtay warqad ay uga codsaneyso inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya looga codsaday inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas oo lagu magacaabo Global Tour and Travel Services.

Isku dayga ayaa ah in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya dal-ku-galka Kenya ay maraan shirkadda, intii ay toos u aadi lahaayeen safaaradda, taasi oo il-dhaqaale u noqoneysa shaqsiyaadka iska leh shirkadda.

Qorshahan ayaa sida la sheegay waxaa ka dambeeya wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Haruuse iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad. Cali Balcad oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan waa ninka sida dadban u maamula wasaaradda.

“Iyadoo la tixgalinayo arrimaha amniga ee jira iyo kuwa sharciga ah, iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in la helo habraac habaysan, la isku halayn karo oo hufan, kuna aaddan codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Kenya, ayay dawladda Soomaaliya u ogolaatay adeegyada dalxiiska iyo socdaalka ee caalamiga ah, shirkad ka diiwaan gashan Soomaaliya oo bixisa adeegyada codsiga fiisaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay qoraalkaan ku cadeysay in shirkadaas ay tahay tan kaliya ee u xilsaaraa doonta fududaynta iyo soo gudbinta codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalka Kenya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa in xafiisyadiina sharafta leh ay u fidiyaan taageeradooda, una fududeeyaan shaqadooda,” ayaa lagu yiri codsiga ay dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa durba abuurtay guux badan, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in shakhsiyaad gaar ah ay u xireyso shaqooyin ay u sinaayeen shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Horay waxaa dowladda loogu dhaliilayey in soo dhoofinta qaadka ay u xirtay ganacsato ama shakhsiyaad gaar ah, taas oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay kala kulantay mucaaradad soo deg degtay.

Horay dadka Soomaaliyeed waa ugu dhibanaayeen helitaanka fiisaha Kenya, lamana oga waxa ay cabadihii jiray ka bedeli doonto shirkadaan qandaraaska loo xiray, hadii ay shaqadaan bilowdo. 

Hoos ka eeg warqadda ka soo baxday DF ee ku socota Kenya

UN: Somalia’s 2022 deadliest for civilians since 2017

Mogadishu (Caasimada Online) – The year 2022 has been catastrophic for civilians in Somalia, with UN Secretary-General Antonio Guterres reporting that the country experienced the highest civilian casualty rates since 2017.

This spike in fatalities was caused mainly by Al-Shabab, a jihadist group fighting an insurgency against the fragile central government for the past 15 years.

During the review period from late August 2022 to early February 2023, the UN mission in Somalia recorded a 153 percent surge in civilian casualties, reaching a total of 1,059, including 382 deaths.

This alarming increase in casualties was due to mass-casualty attacks by the Al-Shabab group. Guterres described the spike in fatalities as “alarming,” citing that it has resulted in human rights violations, conflict-related sexual violence, and a sharp increase in civilian casualties.

Al-Shabab continues to pose a threat to Somalia

While the Somali army and local clan militias have been victorious in recapturing several areas from Al-Shabab, the group still controls parts of the countryside.

It continues to carry out numerous retaliatory strikes. In the deadliest attack since the government’s offensive, 121 people lost their lives in two car bomb blasts at the education ministry in Mogadishu in October.

Anita Kiki Gbeho, officer-in-charge of the UN Assistance Mission in Somalia, spoke to the UN Security Council on Wednesday, highlighting that the Al-Shabab militant group continues to threaten peace and security in the region seriously.

According to Gbeho, 2022 was the deadliest for civilians in the country since 2017, with a 60 percent increase in civilian casualties compared to 2021.

Somalia’s efforts to counter Al-Shabab

The federal government of Somalia has made progress in countering the threat posed by Al-Shabab by targeting their military and financial operations and ideological narrative.

Somalia’s security forces, aided by local militias, have successfully conducted operations against Al-Shabab in HirShabelle and Galmudug states. Gbeho expects the operations to move into other areas of Somalia gradually.

Consolidating gains in the newly recovered areas will require strong linkages between military operations and stabilization initiatives, comprised of reconciliation and justice components to bolster good governance and service delivery.

The funding for the security transition remains a critical challenge. Gbeho has called on donors to stand with Somalia at this challenging time by responding to the newly launched 2023 humanitarian response plan, which seeks 2.6 billion U.S. dollars to meet the priority needs of 7.6 million Somalis.

Challenges facing Somalia’s humanitarian crisis

Apart from the security challenges, Somalia is also grappling with a calamitous drought, displacing over 600,000 people from their homes.

A further 1.3 million, 80 percent of them women and children, have been internally displaced by the drought sweeping the Horn of Africa.

While famine thresholds have not been reached, Guterres warned that 8.3 million people, representing more than half of Somalia’s population, will require humanitarian assistance in 2023.

Guterres emphasized the need for the Somali authorities to ensure that counter-terrorism measures do not infringe on freedom of expression. He expressed deep concern about the arbitrary arrest of journalists and media workers.

Wasiir ka tirsan xukuumada Xamza oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay saq-dhexe ku dhawaaqay inuu  is-casilay, isaga oo go’aankiisa u gudbiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ahaa wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka tegay shaqada, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Caana-nuug oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u sababeeyay is-casilaadiisa inuu musuq-maasuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed ka jiro wasaaraddaas.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo sheegay in wasaaradda ay noqoto meel lagu dhibo muwaadinka.

“In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug

Wasiirka is-casilay ayaa sidoo kale qoraalkan toos ula wadaaday ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay ay soo taagneyd dhibaatadan.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu markale yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan shaqaale kala duwan oo lagga ceyriyay wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyinkooda.

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu qoraalkiisa is-casilaadda ku soo gabagabeeyay Wasiir Dowluhu.

Danjiraha Somalia ee QM oo shaaciyay in dambi dagaal laga geystay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo ka qayb-galay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, halkaas oo ay todobaadkii saddexaad ay ku dagalaamayaan ciidanka Somaliland & kuwa dadka deeganka.

Abuukar Baale oo warbixin siiyay Golaha ayaa sheegay in dambi dagaal uu ka dhacay Laascaanood, isaga ooo carabka ku dhuftay in weerar aan kala sooc laheyn lagu qaaday shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo jeedinayo in lala xisaabtamo kuwa lagu eedeyanayo dhibaatadaas oo loo fasiran karo dhanka Somaliland, maadaama ay weli dagaal ka wado halkaasi.

Danjiraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,kuwaas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac kala kulmay dagaalka weli ka socdo magaalada Laascaanood.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxa ka socda halkaasi.

Dhanka kale waxaa kale oo uu sii xoojiyay baaqii madaxweynaha ee ku aadanaa in dagaalka la joojiyo, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda, lana sameeyo wada xaajood. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in la abuuro wada hadal loo dhan yahay, si loosoo celiyo xasiloonida iyo degenaanshaha,” ayuu yiri Danjiruhu.

Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmadaan dadka ay waxyeelada gaartay iyo kuwa barakacay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad, waxayna dhimashada ay ku dhowdahay 150 qof, halka dhaawacuna uu sii cagacageynayo in ka badan 500 kale.

Wareysi: Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shabaab ee guriga ku yaalla Mirinaayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerarkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidankaas, wuxuuna sheegay inay guriga u geeyeen ciidanka dhaawaca ah in isbitaallada aysan ku dayacmin, maadaama ay yihiin dad reer miyi ah oo magaalada uusan ehel u joogin.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed oo la weydiiyey sababta fududeysay inay Al-Shabaab weeraraan gurigaas ayaa yiri “Raggaan waxay Al-Shabaab uga soo adkaadeen furimaha dagaalka, waa rag ku guuleystay inay umadda Soomaaliyeed tusaan in Shabaab laga adkaa karo, marka Al-Shabaab sifa kasta oo ay ku aarguda kareen ayey sameeyeen, sabab kale ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Wuxuu sheegay in qofkii dhaawaca kasoo bogsada ay diyaarad saari jireen oo gobolka Hiiraan loo celi jiray, islamarkaana aad looga war-qabay caafimaadka iyo soo kabashada ciidankaas, balse ay qadar ku dhacday.

“Guriga ilaalo fiican waa lahaa, meel amaanana waa ku yiilay, laakiin weerarka qarax is miidaamin ah ayaa lagu bilaabay oo irida hore ayuu nin isku qarxiyey, kadibna sidii hoteellada loo geli jiray ayaa loo galay, waana lagu dadaalay in raggii dhaawaca ahaa laga badbaadiyo cadowga oo badankood waa la badbaadiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay 10 qof ku dhinteen, balse Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada dadkii lagu dilay weerarkaas oo warar dib ka soo baxay ay sheegayeen in tiradu ay ka badan tahay intii ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Ragaas awalba waxay furimaha u tageen oo u soo dhaawacmeen inay ku shahiidaan cadowga, marka wixii naga dhintay waa Shuhado, gadaal ayaana ka soo sheegeynaa inta ay dhamaayeen, laakiin sidii cadowgu wax u rabay uma dhicin, Ilaah mahadiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaankaan.

Ugu dambeyntii xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in ka beel ahaan ay halganka sii wadayaan oo Shabaab in laga adkaado ay ka go’antahay, inta gabar ay ka nooshahay beeshiisa, sida uu cadeeyey.

“Reerka aan Xildhibaanka u ahay ee Xawaadle, waxaan taargad u wadanahay argagixisada, ayagana waa noo taargad, wado kale nooma fura oo dagaal ayaan isku dhaarsanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Hoos ka dhageyso

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo digniin cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galay madasha caalamiga ah ee gargaarka bani’aadannimada ee Riyad, ayaa ka digay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada ay xilligaan leedahay in laga gudbo gurmadka deg-dega ah ee loo jiheysto dhinaca mashaariicda wax-ku-oolka ah, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa soo kabashada dalkeena.

“Waa in loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gar-gaarka bani’aadanimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Soomaaliya loo maal-geliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagixisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda.”

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha oo muddooyinkii dambe waday olole wax looga bedelayo qaabka ay deeq bixiyaasha Soomaaliya u bixiyaan deeqaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

“10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajaheysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madashan caalamiga ah ee ka qabsoomtay magaalada Riyad, uuna ka qeyb-galay ergeyga gaar ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa diirada lagu saara arrimaha gargaarka bani’aadannimada, waxaana soo qaban-qaabisay dowladda Boqortooyada Sacuudiga.

Beesha Reer Aw-Xasan oo bayaan culus kasoo saartay doorashada kursiga HOP086

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesh Reer Aw-Xasan ayaa maanta bayaan culus kasoo saartay kursiga beesha ee tirsigiisu yahay HOP#086, kaasi oo hore loogu diiday agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Kursigan oo la filayo in dhawaan la qabto doorashadiisa ayaa waxay odayaasha dhaqanka beesha ku eedeeyen guddiga KMG ah ee doorashooyinika kuraasta bannaan, wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo ra’iisul wasaare Xamza in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud-siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa.

“Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga dhaqanka ee reer Aw-Xasan.

Qoraalka kasoo baxay odayaasha beesha reer Aw-Xasan oo si toos ah ugu socday madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle, guddiga KMG ee doorashada, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in kursigan u xirnayn musharax gaar ah ama jifo gaar ah, ayna ku tartami karaan dhamaan musharixiinta u taagan ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay.

“Waxaan u sheegeynaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed inay ogaadaan inaan nahay reer si gaar ah hore loogu soo dulmay, walina dulmi ka cabanaya, annaga oo ka rajaynayna inay hiil nagu siiyaan caddaalad darrada nalagu hayo iyo beegsiga sida gaarka ah wali noogu socda.”

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay beesha Reer Aw-Xasan oo dhameystiran;

GUDDIGA DHAQANKA EE REER OW-XASAN 

Cabashada Guddiga Dhaqanka Reer Ow-Xasan ee Deegaan Doorashada Kursiga HOP086 

Ku: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Ku: Guddiga KMG ee Doorashada Kuraasta Bannaan
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka
Ku: Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed
Og: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS
Og: Guddoonka Golaha Shacabka JFS
 

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakatuh Annaga oo ah odayaasha dhaqanka Beesha Reer Ow-Xasan, si gaar ahna u matalna Kursiga HOP086 ee deegaan doorashadiisu tahay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle;  

Markii aad aragnay in matalaadda Beesha Reer Ow-Xasan ay uga maqan tahay muddo sanad ku dhaw Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sifo aan sharci ahayn;  

Markii aan garwaaqsannay in duruufaha haatan ku xeeran kursigan ay tahay kuwo la siyaasadeeyay, laguna beegsaday beeshan oo kaliya in laga hor istaago inay kursigeeda Golaha Shacabka buuxiso;  

Markii ay noo caddaatay in Guddiga KMG ah ee Doorashooyinika Kuraasta Bannaan, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa;  

Markii aan eegnay cadaadiska siyaasadeed iyo midka amni ee la saarayo odayaasha dhaqanka ee ka biya diidan wareejinta deegaan doorashada kursiga;  

Markaan dhagaysannay cabashada musharaxiinta beesha ee kursigan u tartamaya oo xaq u leh inay caddaalad u helaan, tartankuna uu noqdo mid daahfuran; 

Waxaan go’aaminnay qodobadan soo socdo;  

1. Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas.  

2. Waxaan raalli galin buuxdo siinaynaa bulshada Reer Hiiraan iyo Maamulka Hirshabelle ee hormuudka u ah halganka dib u xoreynta dalka. Ma mudnayn in maanta la isku dayo in la dhaxal wareejiyo kursi uu deegaankaasi leeyahay ayadoo cillad looga dhigayo amni xumo ka jirta guud ahaan Maamulka.

3. Waxaan aad uga xunnahay in kuraastii lamidka ahayd HOP086 si daahfuran loogu qabtay magaalooyinkii loo asteeyay. Waxaa la yaab nagu noqotay in kuraasta ay hore ugu fadhiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Nabad Sugidda la mariyay haabraac sax ah, balse si bareer ah loogu xadgudbayo kursiga beesha Reer Aw Xasan oo kaliya. 

4. Waxaan Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka dalbanaynaa inay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan isku daygan, ayna hor istaagaan damaca shakhsiga ah ee la doonayo in kursiga loogu wareejiyo deegaan doorasho kale. 

5. Waxaan xaqiijinaynaa inuusan kursigan u xirnayn musharax gaar ah ama jifo gaar ah, ayna ku tartami karaan dhammaan musharixiinta u taagan ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay.  

6. Waxaan u sheegeynaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed inay ogaadaan inaan nahay reer si gaar ah hore loogu soo dulmay, walina dulmi ka cabanaya, annaga oo ka rajaynayna inay hiil nagu siiyaan caddaalad darrada nalagu hayo iyo beegsiga sida gaarka ah wali noogu socda.  

7. Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre inaysan ku dhicin dabinka loo dhigay, kana fiirsadaan tallaabooyinka caddaalad darrada ah ee ka socda Xafiisyadooda. 

Alle ayaa mahad leh ninkii aaminaa awood leh 

Odayaasha Beesha Reer Ow-Xasan ee soo saaray warsaxaafadeedkan;

1. Suldaan Cabdullaahi Sh. Cumar M. Maxamuud
2. Imaam Bashiir Sh. Cali Ibraahim.
3. Caaqil Ibrahim Yuusuf Muxumed.
4. Nabaddoon Cabdullaahi Sh. Faarax X. Daahir.
5. Nabaddoon Axmed-xaashi Sh. Cabdinaasir.
6. Nabaddoon Deeq Sh. Cumar Diinle
7. Nabaddoon Cabdihaajir Sh Maxamuud
8. Nabaddoon Mukhtaar Sh. Nuurre Cabdullaahi
9. Dr. Abdirashid Sh. Xanafi X. Cabdisuldaan
10. Nabaddoon Faysal Cabdifitaax Sh Axmed
11. Nabaddoon Duulane Cali Cabdiraxmaan

Laba arrin oo 3 dhibaato oo weyn ku haya shacabka Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya askari-nimada badi qorta oo ciidanka ku biira balwadaha maanka-dooriya, dadka dilalka soo geystay ee raba qori ay gabaad ka dhigtaan iyo dadka ugu dhibka badan bulshada dhexdeeda oo qoysaska maaro u waayeen.

Micnaha dilaa, daroogiista iyo dulmi-low ayaa loo xil saaray inay dal iyo dad ilaaliyaan. Iyada oo aan la inkiri karin inay dhinaca kale jiraan askar dhowrsan oo ka fog balwad, dil iyo dibin-daabyo umadeed, haddana waa tiro aad u yar dadka wanaaga loo yaqaano ee ciidanka dowladda qortay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Tani waxay dhashay askari dilaya shacabka, mid dhacaya iyo mid iibsanaya dhiigooda oo la shaqeysanaya argagixisada.

Weli waxa socda dilalka ay askarta dowlada u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Shalay isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho ciidan la sheegay inay kamid yihiin askarti dhawaan laga soo celiyay waddanka Eritrea ayaa dilay wiil arday ahaa, xilli ay rasaas fureen wadada oo mashquul aheyd.

Saddex cisho kahor degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho wiil bajaajle ahaa ayaa waxa dilay askarta dowladda.

Shacabka iyo qaar kamid ah khubarada amniga waxay dilalkan soo batay u sababeynayaan daroogada sida xoogan ugu baahday guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Shuruudaha laga rabo qofka ka mid noqonaya ciidanka dowladda Soomaaliya kuma jirto in uusan daroogo isticmaalin askarigu, dalkana si xawli ah ayay daroogadu usoo gasha maalin walba.

In dagaal lagu qaado daroogada ama ciidanka ku qoran amnniga caasimada laga dhigo kuwa daroogo ka caagan oo gaar loo soo xulay ayaa kamid ah tallooyinka bad-baadada ah ee ay farta ku fiiqayaan dadweynuhu.

Dilaa hore oo sharci dowladeed helay, oo qori iyo qamri isku wata cid walba ayaa cabir ka qaadan karta waxa uu kharibi karo.

Muqdisho intaan ka badan ma xamili karto qori iyo qamri wada qarameysan, waxaana dowladda federaalka laga rabaa maadama ay muuqato waxa sababaya dhibaatadan joogtada ah in xalka toos u abaarto.

ISRAEL oo duqeyn culus ku garaacday marinka QAZA

Qaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan.

Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii.

Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Nablus — waxaana dadkaas kamid ahaa dhowr qof oo hubeysneyd.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza ayaa sheegtay in aysan innaba u dulqaadan karin weeraradan.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay magaalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada.

DF oo wada qorshe cusub oo ay qeyb ka yihiin culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo ay qeyb ka yihiin culimada Soomaaliyeed.

Qorshahan ay dowladda ku xoojineyso dagaalka fikirka ee Al-Shabaab ayaa waxa uu yahay in wacyi-gelin laga sameeyo deegaanada laga xoreeyay kooxda iyo in laga hirgaliyo goobo lagu barayo caqiidada saxda ee Islaamka.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qorshahan kulan ka yeeshay, kaasi oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray dardar-galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha dowladda oo ah in kooxda lagala dagaalamo saddex jiho oo kale ah; dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu fallan-qeeyey qaabkii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, islamarkaana xoogga la saarayo sidii wacyi-galinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey, oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaalka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka.

Goobahaasi ayaa waxa dadka looga wacyi-galin doona fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

US airstrike kills 7 suspected Al-Shabab fighters in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – In the ongoing fight against al-Al-Shabab, the United States military has carried out yet another airstrike in Somalia. 

The latest attack resulted in the deaths of seven suspected al-Al-Shabab fighters in a strike near Galmudug, approximately 317 miles northeast of Mogadishu, the capital of Somalia.  

The U.S. Africa Command, which conducted the airstrike to support Somali forces, reports that no civilians were injured or killed in the attack. 

This latest attack highlights the continued efforts of the U.S. military to combat al-Al-Shabab, a branch of al-Qaeda in East Africa responsible for several deadly attacks.  

Among these is the attack on U.S. troops at Manda Bay, Kenya, on January 5, 2020, which claimed the lives of three Americans. Since 2007, the U.S. military has been assisting Somali forces in the fight against al-Al-Shabab. 

US Africa Command role in Somalia 

According to an AFRICOM news release, Somalia remains central to stability and security in East Africa. To this end, the U.S. Africa Command’s forces have trained, advised, and assisted partner forces in Somalia to give them the tools to defeat al-Al-Shabab.

The terrorist organization is known to be the largest and most deadly al-Qaida network in the world. 

Since the beginning of the year, the U.S. military has conducted six airstrikes against al-Al-Shabab in Somalia, in addition to one special operations raid that killed Bilal-al-Sudani, a former leader of the Islamic State group.

The Long War Journal, produced by the Foundation for the Defense of Democracies think tank in Washington, D.C., has provided this data.

U.S. airstrikes against al-Al-Shabab and ISIS peaked at 59 in 2019. According to data from the Long War Journal, this number dropped to 44 in 2020 and 11 in 2021. Last year, the U.S. military conducted 15 airstrikes in Somalia.

Somali offensive against Al-Shabab 

In August 2022, the Somali government launched an offensive against al-Al-Shabab. Since then, Somali forces have managed to retake Harardhere, a former base for pirates, and Galcad, a nearby town. 

According to the CTC Sentinel, published by the Combating Terrorism Center at West Point, the al-Al-Shabab militants fled without putting up a fight in both Harardhere and Galcad. 

However, some militants returned to attack a Somali government military base in Galcad. In response, 30 militants were killed in a U.S. drone strike near the town on January 20, 2023. 

Conclusion 

The latest U.S. airstrike against al-Al-Shabab in Somalia is a testament to the ongoing fight against terrorism in the region.  

The U.S. military continues to play a crucial role in assisting Somali forces in the fight against al-Al-Shabab, which has proven to be a significant threat to the stability and security of East Africa.  

The continued efforts by the U.S. military, together with Somali forces, are necessary to ensure the safety and well-being of the region’s population.

Somalia: 112 killed and 500 injured in LasAnod fighting

LasAnod (Caasimada Online) – At least 112 people have been killed and over 500 injured in intense fighting in LasAnod in Somaliland, a breakaway region of Somalia, according to medical officials.

The director-general of a public hospital in LasAnod, Abdimajid HusseinSugulle, reported the latest figures to Anadolu by phone on Tuesday. He said that Tuesday’s fighting lasted more than seven hours, resulting in eight more deaths and numerous injuries.

Somaliland forces and local clan fighters have been fighting for approximately three weeks. The conflict began after local leaders, civil society groups, and religious leaders in LasAnod announced last week that they no longer recognize the Somaliland government.

They declared that Mogadishu, the capital of Somalia, would govern the territory. On the other hand, the Somaliland administration called the local forces “terrorists” and held them responsible for the violence.

The Sool and Sanaag regions have disputed territories, with Somaliland and Puntland state claiming ownership.

Mohamed Husein Gaas, the Director of the Raad Peace Research Institute in Mogadishu, believes that the conflict in LasAnod resulted from Somaliland’s occupation of the Sool region since 2007. This occupation has led to extreme political, economic, and social marginalization and subjugation of the Dhulbahante clan.

Gaas suggests that the only way to resolve the conflict is for Somaliland forces to withdraw from the Sool region immediately and unconditionally.

He recommends that political dialogue between Dhulbahante clan leaders, Somaliland authorities, and the federal government of Somalia, with the support of international actors and UNSOM, would provide an appropriate environment to resolve the conflict.

Isack Abdi, a Somali independent analyst who spoke to Anadolu, suggested that communities of the disputed regions and Somaliland should live together and resolve their issues with dialogue.

He acknowledged that Somaliland has a point in claiming ownership of the territory but condemned their shelling of a town full of civilians, including children and the elderly.

The conflict in LasAnod has also caused mass displacement, with more than 80,000 people being displaced, worsening the drought-induced humanitarian crisis in Sool and Sanaag.

The town is disputed between Somaliland and Puntland, with the neighbors having fought several times over the territory. Protesters were out in LasAnod demanding Somaliland security forces expulsion and the town be handed over to Puntland authorities.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991. Since then, it has been fighting to gain international recognition as a sovereign state. Somalia, on the other hand, claims that Somaliland is still part of its territory.

Over the years, the dispute over the Sool and Sanaag regions has resulted in several clashes between Somaliland and Puntland forces.

Muuse Suudi oo shaaciyey 12 xil oo NISA ah oo Mahad Salaad uu siiyey beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka hadlay fadhigii Aqalka Sare ayaa weerar ku qaaday Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu xilalkii hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ku taxay beeshiisa, taasi oo uu ku tilmaamay ku tagri-fal awoodeed.

“Maalin hore waan ka hadlay, waxaan ka hadlay waxba lagama soo qaadin ma ogi meesha loo roorayo. Sharciga NISA umadda oo dhan uu ka dhaxeeya ee lama rabo in qof gaar ah uu gacantiisa ku jiro,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Toban iyo laba xil oo qoraal ah ayaa jeebkayga ku jira, waana heel beel kali oo hadda uu qoray Mahad Salaad. Dadkaan in loo aaso wax aysan ogeyn looma baahna.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu durbaba bilaabay ku tagri-fal awoodeed, uuna kaligiis wixii uu rabo ka sameysanayo hay’adda NISA, isaga oo cid la tashi la sameyn, sida uu sheegay Senator Muuse Suudi.

Xilalka muhiimka ah ee NISA uu sheegay Senator-ka in u Mahad Salaad hal beel ku taxay ayaa waxay kala yihiin: Dekedda, Garoonka, Maaliyadda, Hoggaanka Ciidamada, Hoggaanka Tobabarada, Hoggaanka Gobolada, Hoggaanka la-socodka sirdoonka, Nootaayooyinka iyo dhulka, Hoggaanka Saadka guud, Taliyaha Ciidanka – Garoonka, Taliyaha Ciidanka Duufaanka, Taliyaha Guud ee ciidanka NISA.

“Taliye Mahad Salaad waxa uu xilalka NISA u qoray hal beel oo kaliya, umadda kale waxa uu u reebay idinka ayaa og awooda oo dhan isaga ayaa leh,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Senator-kan ayaa Sabtidii guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, si uu goobjoog uga noqdo sharciga hay’adiisa ee laga doodayo, islamarkaana wax laga weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah, taasi oo uu maanta sheegay in waxba laga soo qaadi waayay.

Sharciga NISA oo muddo doodiisa ay ka socotay Golaha Aqalka Sare ayay maanta ansixiyeen Senator-adu, kadib markii uu guddoonka cod u qaaday meel-marinta sharcigaan, waxayna sidaas NISA ku yeelatay 53 sano kadib sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso.

8 dal oo ka mid ah Golaha Ammaanka oo Somalia kasoo saaray qoraal nooc cusub ah

0

New York (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waddamada ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda haweenka Soomaalida, nabadda iyo amniga.

Dalalkaasi oo kala ah Malta, Albania, Brazil, Faransiiska, Japan, Switzerland, Imaaraatka Carabta iyo Britain ayaa sheegay inay ku midoobeen soo saarista qoraalka iyadoo maanta Golaha Ammaanka uu ka wada hadli doono xaaladda Soomaaliya.

Waxay sheegeen in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur.

Dalalka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga argagaxeen xadgudubyada galmada iyo tacaddiyada kale ee jinsiga ku salaysan ee ka dhaca Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya. Waxay ugu baaqeen dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo.

Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed. Waxay intaas ku dareen inay dhiirrigelinayaan inay haweeenku si buuxda oo siman u yeeshaan matalaad.

Waxay xuseen in haweenka haya mansabka siyaasadeed ay la kulmaan cabsigelin, hagardaamo iyo qalalaase.

Waxay sheegeen in doorashadii Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar ee guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee xilkaasi qabata ay ahayd guul la ammaano, waxayse ku baaqeen in hanjbadaadaha ka dhanka ah ay joogsadaan, meeshii lagama marmaanka ahna la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo.

DF Somalia oo soo saartay war-saxaafadeed lagu soo bandhigay dhowr qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo bandhigeyso guulihii ay gaartay todobaadkaan, bayaankaan oo qodobeysan ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, waxaana ciwaan looga dhigay “Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan.”

Hoos ka akhriso bayaanka todobaad-laha ah ee dowladda:

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey guulaha Dowladda Somalia ka gaartey dagaalka lagula jiro argagixisada.
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo ka wadahadley xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi u dhexeeya.
  • Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeystay, ayaa waxaa ay Ciidanka Qaranka guluf lagu guuleystey ka fuliyeen Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug, iyadoo ay jiraan goobo badan oo cadowga laga xorreeyay, hub iyo saanad badanna looqa qabsadey.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dalka Turkiga ee uu dhulgariirka ku habsadey.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddi heer qaran u xilsaarey barnaamjika gurmadka lagu taakuleynayo dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.
  • Mar kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda ka socota Laascaanood, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu xaliyo.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan.

  • Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda oo ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.
  • Hanti Dhowraha Guud ee cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Guutaale yaa xilka kala wareegay Hanti Dhowrihii hore Maxamed Mohamud Ali (Afgooye).
  • Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Korontada.
  • Aqalka Sare ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

-Dhammad-

Muuse Suudi oo sheegay sabab uu ku diiday sharciga NISA oo la xiriirta M. Salaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid sharciga hay’adda NISA ee maanta uu meel-mariyay Golaha Aqalka Sare.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in sharcigan uu awood xad dhaaf ah siinayo taliyaha hay’adda, oo xilligaan ah Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo uu sheegay in xataa madaxweyne uusan wax ka bedeli karin go’aanada uu gaaro, sida uu hadalka u dhigay.

“Sharcigaan umadda ayuu ka dhaxeeya lama rabo in qof gaar ah gacanteeda ku jiro. Dadkaan in loo aaso wax aysan ogeyn looma baahna, aniga ma qabo in sidii xoolaha inta meel lagu aruursado ansixiya oo gacanta taagan aniga ma qabo,” ayuu yiri.

Senator Muuse Suudi ayaa kamid ahaa saddex Senator oo diidmo ugu codeeyay sharciga NISA, oo maanta uu meel-mariyay Golaha Aqalka Sare kadib markii 31 Senotar ay ogolaadeen.

“Awoodda halkan ugu taalla (Taliyaha NISA) qof ay anfaceyso ma-lahan. Shey walba kaligiis ayaa magacaaba, xilka asaga ka qaada oo saddex kaaliye uu leeyahay. Waxa ka hooseeya oo dhan asaga kaliya weeyi, iyaga waxay qaban karaan waa iska yar yihiin xataa cid ku xigta ma jiro.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha NISA Mahad Salaad uu leeyahay awoodda u sareysa ee dowladda, “Awooda oo dhan isaga ayaa leh, madaxweynaha haddii Golaha Wasiirada soo qoraan saxiix ayuu ku leeyahay halkaas ayuu kaga hara, asaga hadduu qoray meel kale oo uu ka geli karo ugama jeedo qoraalka buugan, sidaas ayuu u yaalla buugan.”

Senator-kan ayaa Sabtidii guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, si uu goobjoog uga noqdo sharciga hay’adiisa ee laga doodayo, islamarkaana wax laga weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah, taasi oo uu maanta sheegay in waxba laga soo qaadi waayay.

Sharciga NISA oo muddo doodiisa ay ka socotay Golaha Aqalka Sare ayay maanta ansixiyeen Senator-adu, kadib markii uu guddoonka cod u qaaday meel-marinta sharcigaan, waxayna sidaas NISA ku yeelatay 53 sano kadib sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso.