26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mucaaradka Somaliland oo Muuse Biixi u diray dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hore ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay muujiso dulqaad, islamarkaana colaadda si dhaqso ah afka la qabto.

“Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in xalka Laascaanood uu ku jiro wada-xaajood iyo nabadeyn, balse uusan aheyn rasaas iyo dagaalka hadda socda toona.

“Maatida yaan la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

Hadalka mucaaridka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Dagaalka saaka oo Jimce ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada Midoobay ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo dhaliyey khasaare xooggan.

Ciidanka laga keenay Eritrea oo arrin yaab leh u xayiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka  ayaa maalmo ka hor meelmarisay heshiis difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaas oo la filayo in la hor-geeyo baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Buuq ayuu dhaliyey heshiiskan wallow xukuumadda difaacday ayna meesha ka saartey eedeymaha ah in uu wax u dhimayo madax-banaanida dalka, sidda uu beeniyey wasiirka warfaafinta Daauud Aways Jaamac. 

Daa’uud ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan.

“Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: “Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada”.

Heshiiskani ayaa la sheegay “in ay ku jirto maaliyaddii lagu hawlgalin lahaa ciidamada kusoo tabobartay Eritrea iyo kuwa kale oo hadda loo direy dalal ay Masar ka mid tahay”.

Xukuumadda Abu Dhabi oo gacan-saar-dhow la leh maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska ku ballan-qaaday in uu bixinayo mushaaraadka, agabka iyo saanadda ciidamadan.

Ciidamadan ayaa tan iyo intii ay tababarka kasoo noqdeen aanan weli la hawlgalin, mushaarkoodana aanan weli meel la saarin, iyada oo xukuumadda ay aad u dadajinayso in la meelmariyo heshiiskan, si loo helo lacagta Imaaraadka.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in heshiiska uu durbaba uu hortabin u leeyahay labada aqal ee baarlamaanka kadib markii ay sidaasi codsadeen madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka.

Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho.

Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago.

Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xigasho: Garowe Online

Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii shanaad iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday duleedka magaalada oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hakad kooban galay shalay gelinkii dambe uu haddana dib u qarxay saaka, kadib markii ciidamada hubeysan ee deegaanka ay weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday illaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dalbaday in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed ay marka hore xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.

“Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yiri guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” 

Xog: Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo ku kala tegay DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif, oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu salka ku hayo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo Cabdirisaaq Khaliif uu sida la sheegayo maamulka Muuse Biixi ka dalbaday in ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu billaabi karo wada-hadal.

Si kastaba wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, islamarkaana ku adkaystay in ciidamada Somaliland sii joogayaan gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa beel ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee xiisaddu ay ka taagan tahay, waana mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee beesha Dhulbahante.

Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfaham la’aan ku dhammaaday.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi  oo buuraha u dhow maalintii shanaad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC ee deegaanka.

Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in dhimashada ay dhaaftay 40 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 150.

Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa Arbacadii ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

“Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka,” ayuu yiri Türk.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” 

Xog: DF oo heshay kana jawaabtay amar Al-Shabaab ay dul-dhigeen culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay tilmaameyso xog ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda Al-Shabaab ayaa amar dul dhigtay qaar ka mid ah culimada ku nool magaalada Muqdisho.

Amarkaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ugu socodsiiyeen Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda magaalada Muqdisho.

Inkastoo xogtan aysan cadeyneyn waxa laga rabo culumadaan, hadana waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay u yeereen tobanaan culumo ah oo Imaam, Khadiibyo iyo Mu’adimiin ka ah inta badan Masaajidda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka oo heshay xogtaan sheegeysa in Al-Shabaab ay u yeereen culumada masaajidda Muqdisho ayaa soo saartay amarro digniin ah oo ku socda culumada.

Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku cadeysay in Imaamyada, mu’adimiinta iyo khadhiibyada masaajidda ay uga digayso inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay, sida go’aankii shirweynaha culumada Soomaaliyeed, ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadhiibyada, mu’adimiinta iyo imaamyada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo ama ay cadaadis ku heyso kooxdu oo qorsheynaya inuu u tago.

Seddax qodob ee amarka wasaaradda ayaa u dhignaa sidaan:

1 – In habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

Horay Al-Shabaab waxay ugu yeeri jireen ganacsatada iyo qof kasta oo looga dacwoodo, balse hadda ma cadda sababta ay ugu yeerayaan culumada maamusha masaajidda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar is khilaafsan ayaan ka heleynaa goobaha lagu balamiyey culimadaan, in kastoo ay sirtu baxday oo dowladdu ay il-gaar ah ku heysto cidii u hoggaansanta amarrada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-Shabaab ku qaaday dagaal seddax jiho ah oo diinta, dhaqaalaha iyo furimaha ah, waxayna qaaday tallaabooyin waaweyn.

Dhanka diinta dowladdu waxay ku guuleysatay inay Muqdisho isugu keento culumada Soomaaliyeed oo dhan, kadibna fatwo laga saaro oo la baneysto dhiig iyo maalka Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka dhaqaalaha dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto akoonnadii oo lacagahooda ay ka xayirto hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, sidoo kale ay daba-gasho cid kasta oo canshuur siisa.

Dagaalka toos ka ah: dowladda ayaa guulo muuqda ka soo hoysay furimaha dagaalka, iyadoo bilo kooban gudahood kooxda looga sifeeyey dhul baaxad leh.

R/wasaare Xamza oo sheegay laba faa’iido oo ay haystaan ciidamada dagaalka ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ay marwalba qabaan laba faa’iido.

Xamza ayaa sheegay haddii ay ciidamada dalka dhaafiyaan Al-Shabaab ay tahay guulo taariikhi ah oo waqti badan lagu noolaan doonaan, haddii ay dhintaan iyaga oo difaacaya dalka, diinta iyo dadka ay yihiin shuhado.

“Mar haddii ay Khawaarij yihiin (Shabaab) waxaa idinka (Ciidamada) idin sugeysa laba mid uun, waa guul ama waa shahaado. Idinka waxaa sugeysaan in aad guuleysataan oo dalka xoreysaan oo Khawaarijta ka adkaatan ama in aad shahiidaan sida ay u shahiideen walaaladiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Waa laba arrimood oo kala dhigan, ama waa ina aad Jano tagto ama in aad guuleysato oo ka adkaato adiga oo ajarkii xambaarsan, sow labadu ma fiican. Laakiin iyagu maxay sugayaan in Ilaahay cadaab idinku dhufto oo ku Aakhiro iyo ku Adduun, ama gacanteena Alle idinku cadaab oo anagu idin dilno.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, isaga oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin xoreynta dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.

Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumadiisa Dan-Qaran ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumada ay ansixiyeen mudada afarta bilood ah ayaa waxay kala yihiin; 1. Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, 2. Hindise-sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, 3. Hindise-sharciyeedka aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, 4. Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, 5. Hindise-sharciyeedka nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa iyo 6. Hindise-sharciyeedka dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya.

7. Hindise-sharciyeedka hey’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, 8. Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, 9. Hindise-sharciyeedka xuquuqda maalgashatada iyo maalgashiga, 10. Hindise-sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, 11. Hindise-sharciyeedka socdaalka, 12. Hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed, 13. Hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka isbeddelka cimillada iyo 14. Hindise sharciyeedka dhowrista xogta.

Shuruucda ay afarta bilood ku meel-mariyeen golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ah hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasi oo dhaliyay buuq badan.

Sharcigan oo la geeyay golaha shacabka ayaa waxaa lagu meel-mariyay hab sharci darro ah, ayada oo aan loo dhameystirin hab raaci golaha ee shuruucda, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka golaha shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay bishii hore.

Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

Si kastaba, xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanod iyo hadalkii Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. 

Somaliland ayaa marar badan ku celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay BBC-English, ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.” 

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood. 

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in sheegashada Somaliland ay tahay mid maamulka Hargeysa “uu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood.”

Dagaalka oo billowday Isniintii islamarkaana u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa maanta galay maalintii afaraad.

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaaraha dagaalkii maanta ayaan weli la helin. 

Deni oo guddoomiyay shir amni iyo qodobo xasaasi ah oo kasoo baxay + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddomiyey shirka amniga gobolka Bari.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen guddiga amniga gobolka Bari iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay adkeynta nabad-gelyada, horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo nashqadeynta magaalada.

Shirkan ayaa waxay masuuliyiintu ku go’aamiyeen in dhulka banaanka ee maamulkaasi laga jaro dhul dan guud ah oo dhan 30%, ayada oo la tixraacayo xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee dowlad-goboleedka Puntland.

Qoddobada kasoo baxay kulankan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; in dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee dowladda iyo adkaynta nabad-gelyada guud ee gobolka bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Hoos ka aqriso dhamaan qodobada kasoo baxay shirkan oo dhameystiran;

  1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
  2. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.
  3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.
  4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.
  5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.
  6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.
  7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.
  8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.
  9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

Al-Shabab rejects claims of involvement in ongoing Laascaanood conflict

Mogadishu (Caasimada Online) – The Al-Shabab militant group in Somalia has rejected the claims made by the Somaliland administration that its fighters are participating in the ongoing conflict in Laascaanood, the capital of the Sool region. 

The conflict, which began on Monday between Somaliland forces and local forces opposing their presence in the city, is now on its fifth day. An estimated 40 people have since lost their lives, and over 150 have been injured.  

Somaliland’s claims against Al-Shabab

Somaliland has frequently stated that Laascaanood is under attack by terrorists and members of Al-Shabab, which the local population has previously perceived as a pretext for killing civilians.

In a recent interview with BBC English, Somaliland’s Foreign Minister, Dr. Ise Kayd Mohamud, claimed that they have “evidence and have recorded instances of Al-Shabab militants attacking military bases.”

The Minister further stated that they had apprehended several Al-Shabab militants and other soldiers affiliated with the neighboring Puntland administration fighting in Laascaanood.

Al-Shabab’s statement of denial

However, Al-Shabab has rejected these claims and issued a statement denying any involvement in the conflict. The statement read, “The Al-Shabab Mujahideen group denies the statement made by the self-proclaimed Somaliland administration that Al-Shabab is fighting in Laascaanood.”

The statement added, “Al-Shabab confirms that the statement is baseless and will not accept its name being used as a guise to justify killing innocent civilians, taking their property, and their honor in Laascaanood.”

Al-Shabaab further accused the Hargeysa administration of using these false claims to seek support from the international community to carry out its alleged killing of the Laascaanood population.

Calls for an immediate ceasefire

On Thursday, The United States issued a call to action in response to the escalating conflict in Laascaanood. In an official statement from the Bureau of African Affairs of the US Department of State, the government declared that “the indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must be brought to an end.” 

The US Government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, and unrestricted access for humanitarian aid. The statement also emphasized the need for a peaceful resolution through dialogue. 

Roots of the conflict

The conflict was sparked by a decision made by local leaders, who had been meeting in the city for several days, stating that the region would not be part of Somaliland but instead be under the control of the federal government of Somalia. 

The traditional leaders also declared the SSC-Khaatumo regions to be part of the federal government of Somalia and committed to Somali unity.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment.

The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to try to quell the situation, leading to further violence and casualties.

US demands end to conflict in Laascaanood, Somalia

Washington (Caasimada Online) –  The United States has issued a call to action in response to the escalating conflict in Laascaanood, Somalia, which has now entered its fourth day and resulted in fatalities and extensive damage.  

In an official statement from the Bureau of African Affairs of the US Department of State, the government declared that “the indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must be brought to an end.” 

The US Government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, and unrestricted access for humanitarian aid. The statement also emphasized the need for a peaceful resolution through dialogue. 

This sentiment was echoed by Somalia’s international partners, who expressed “grave concern” over the violence in Laascaanood, including the loss of civilian life, including children. They, too, called for an end to the violence, the protection of civilians, and a peaceful resolution through dialogue. 

The conflict, which began on Monday, is between forces from Somaliland and local fighters who oppose their presence in the city and have called for their withdrawal.  

In the three days since the conflict began, approximately 40 people have lost their lives, and over 150 have been injured. The latest casualties are yet to be reported.

The conflict was sparked by a decision made by local leaders, who had been meeting in the city for several days, stating that the region would not be part of Somaliland but instead be under the control of the federal government of Somalia. 

The traditional leaders also declared the SSC-Khaatumo regions to be part of the federal government of Somalia and committed to Somali unity.

Somaliland authorities have claimed that groups organized by local leaders attacked their forces. In contrast, one of the local leaders denied the claim and accused Somaliland forces of launching an attack.  

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment.

 The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to try to quell the situation, leading to further violence and casualties.

Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” 

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraal laba maalin kahor kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo lagu sheegay “inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.”

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Dagaalka oo billowday Isniintii ayaa u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, kuna baaqay inay ka baxaan. 

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaaraha dagaalkii maanta ayaan weli la helin. 

Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. 

Victims of Laascaanood conflict transported to Mogadishu for treatment

Mogadishu (Caasimada Online) – Eighteen individuals who have been severely injured in the ongoing conflict between the Somaliland military and the SSC-Khatumo forces in Laascaanood were transported to Mogadishu for medical treatment on Thursday.  

The victims were transported from the Garowe airport in the Puntland capital and were welcomed by government representatives who had traveled to the region to assess the humanitarian situation and provide aid and medicine. 

The Somalia Disaster Management Agency, under the Office of the Prime Minister, has signaled its readiness to support the victims and address the situation, and has requested assistance from international organizations.  

The Puntland Minister of Health, Jama Farah Hassan, expressed gratitude towards the regional and federal government agencies for their aid to the affected individuals, saying, “We are truly grateful for the support from our government and regional agencies. These individuals desperately need medical attention, and we are grateful for their aid in getting them the help they need.” 

The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has called for an end to the conflict, urging both the SSC-Khatumo and Somaliland officials to immediately stop the fighting in Laascaanood.  

“The solution to the problems in Sool and Sanag lies within the realm of politics. The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set,” the president said. 

President Mohamud has also signaled the federal government’s readiness to participate in and facilitate a peace conference to resolve the tense situation in the town, saying, “The federal government is ready to participate in and facilitate a peace conference to resolve the situation in Laascaanood. It is time for both sides to come to the negotiating table and find a peaceful resolution to this conflict.” 

The tension in Laascaanood has been escalating over the past month due to the local population’s opposition to the presence of Somaliland’s administration and the demand for the withdrawal of its troops. 

Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment in the area. 

The current crisis was triggered by the assassination of local youth leader and opposition Waddani Party member Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), which was blamed on Somaliland. 

The Somaliland security forces have used force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict.

Somaliland oo soo saartay sheegasho yaab leh oo ku saabsan dagaalka L/Caanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-Engilish ayaa war cusub kasoo saaray dagaalka culus ee maalinta afaraad ka socdo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka ayaa marka hore iska fogeeyay eedaymaha loo jeedinayo ee ah in ay dad shacab ah ku laayeen magaaladaasi, wuxuuna tilmaamay in uu dagaalka u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo koox argagixiso ah oo soo weeraray xarumaha ciidamadooda milatariga.

Kayd ayaa carabka ku goday in dagaalka ay ka qayb-qaadanayaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga,” ayuu yiri wasiir Kayd.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay tusayaan beesha caalamka iyo cid walba oo u baahan arrintaasi caddeynteeda, sida uu ku dooday Wasiir Ciise Kayd Maxamuud.

“Waxaanu heynaa maxaabiis Al-Shabaab ah, waxaanu heynaa maxaabiis Puntland ah iyo maxaabiis dagaal waxaan diyaar u nahay inaan tusno oo aynu la wadaagno beesha caalamka iyo cid walbaa xaqiiqdiina dagaal uma dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo reer Laascaanood kuwaas oo ah dad reer Somaliland ah,” ayuu markale yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Sirdoonkeenu waxa ay soo jeediyeen in weerarkan ay soo qaadeen xubno Al-Shabaab ah oo ka faa’iideysanyo xiisadda gudaha,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidanka Somaliland aysan burburin xarumaha caafimaadka ee magaalada, isaga oo tilmaamay inay iyagu shacabka u dhiseen. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in aysan weerar ku aheyn dadka rayidka ah ee reer Laascaanood.

“Ma weerari karno dadkeena rayidka ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal ka socdo Laascaanood, kaas oo ay ku dhinteen illaa 50 qof, kuna dhaawacmeen dad kor u dhaafayo illaa 150 ruux oo u badan rayid, kuwaas oo la kala geeyay Muqdisho iyo Garoowe.

Eritrea president calls Tigray rights abuse claims a ‘fantasy’

Nairobi (Caasimada Online) – The Eritrean President, Isaias Afwerki dismissed allegations of rights abuses by Eritrean troops in Ethiopia’s Tigray region during the two-year war as “fantasy.” 

The President stated that these allegations were merely part of a “factory of fabricating misinformation” aimed at disrupting the peace process in Ethiopia and creating conflict between Eritrea and Ethiopia.

War in Tigray and Eritrean involvement

The war in Tigray began in November 2020 and resulted in untold civilian casualties, displaced over two million people, and left millions in need of humanitarian aid.

 Eritrea’s army supported Ethiopian forces during the federal government’s war against the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) and has been accused of some of the conflict’s worst atrocities by the United States and rights groups.

A peace deal was signed in November 2021, calling for the withdrawal of foreign forces. However, there was no specific mention of Eritrea, whose regime considers the TPLF its enemy. Eritrean troops remain present in parts of Tigray and are accused by residents of murder, rape, and looting.

Afwerki’s response to continued troops presence 

When asked about the continued presence of Eritrean troops in Tigray, President Isaias stated that he had no intention of interfering in the matter and that the allegations were part of a disinformation campaign to derail the peace process in Ethiopia. 

He further stated that Eritrea should not be used as a pretext for the problems in Ethiopia or elsewhere in the region.

Human Rights Watch recently called for fresh sanctions against Eritrea, citing its “ruthless” conscription policy during the Tigray war. 

The organization accused Eritrea of rounding up thousands of people, including minors, for mandatory military service and setting up checkpoints nationwide to net recruits.

The devastating impact of the war in Tigray

The war in Tigray has had a devastating impact on the region and its people. Essential services such as communications, banking, and electricity are slowly being restored. 

However, the region still faces dire food, fuel, cash, and medicines shortages. Access to Tigray is restricted, making it impossible to verify the situation on the ground independently.

Ongoing withdrawal of Eritrean troops

The TPLF has announced that it has begun disarming, while the United States has reported an “ongoing withdrawal” of Eritrean troops from Tigray. 

A joint monitoring body has been established by the Prime Minister’s government and the TPLF to ensure all sides respect the peace deal and to address any violations.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Xiisadda LAASCAANOOD oo weji cusub yeelatay kadib tallaabadii Saleebaan Diiriye

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay weji cusub yeelatay, taas oo marba marka ka dambeyso kasii dareyso, waxaana dagaalka uu galay maalintii afaraad.

Xiisadda oo sii xoogeysatay ayaa keentay in mas’uuliyiinta gobolka ay ka tagaan shaqada, waxaana haatan is casilay Saleebaan Diiriye Cabdi oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo la hadlay warbaahinta, kuna dhowaaqay go’aankiisa.

Saleebaan oo xilkan loo soo magacaabay markii uu bilaabanayey kacdoonka Laascaanood ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay ‘guumaadka’ lagu hayo shacabka magaaladaasi.

Sidoo kale ninkan ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda deegaanka inay iska casilaan xilalka ay u hayaan Somaliland oo ku eedeeyay inay wado xasuuq shacab.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalada, isaga oo beeniyay in Somaliland ay Laascaanood kula dagaalameyso argagixiso, wuxuuna shaaciyay in waxa dagaalamaya ay yihiin dadka deegaanka oo kasoo horjeestay dulmi jirsaday 15 sanno ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Sool ee ku dhawaaqay is-casilaada ayaa intaasi kusii daray in Somaliland uu ugu baaqayo inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha degmada Laascaanood, si loo yareeyo khasaaraha soo gaarayo dadka shacabka ah ee dhimanaya.

“Xalkii Laascaanood kolay xabad ayuu noqday, umada inta hadhay in ay kala badbaado waxa lagu heli karaa ciidamadaas oo Laascaanood lagala baxo” ayuu yiri Saleebaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu saaka markale dagaalka uu dib uga qarxay Laascaanood, wuxuuna xoogiisa ka socdaa aagga xerada loo yaqaano Qooja-cadde.

Si kastaba, waxaa haatan isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay arrinta ka taagan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya gudaha magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

10 sano kaddib oo $7 BILYAN ay baxday maxay Soomaaliya weli u wajahaysaa halista?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay munaasibad lagu daah-furayay qorshaha ka fal-celinta baahiya bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2023.

Kulankan oo ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb-galay ergeyga madaxweynaha JFS ee arrimaha bani’aadannimada, agaasimaha hay’adda gurmadka Qaranka iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha gargaarka.

Madaxda ka soo qeyb-galay kulankan ayaa waxa ay si qoto dheer u lafa-gureen sida Soomaaliya uga bixi lahayd xaaladda ay ku jirto ee bani’aadannimo.

Ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bani’aadannimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay kulanka ayaa su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

“10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajaheysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dad lugu qiyaasay 8.25 milyan oo qof, oo ku dhow kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa ayaa sanadkan billowga ah u baahan caawinaad naf badbaadis ah oo deg-deg ah.

In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa guryahooda ka bara-kacay si ay u helaan biyo, cunto iyo hab nololeed cusub.

Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga cabsi qabo macluul bilaha April iyo June ee sannadkan, haddii aan la joogteynin gar-gaarka bani’aadannimo.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay gaddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaalada taagan.

Sawirro: Dareenka magaalada Muqdisho ee dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la daala dhaceysa dhibaatada ka dhalatay dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaasi, kaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 15 kun oo qof, dhaawac intaas ka badan iyo burbur xoogleh.

Hay’adaha dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa weli meydad horleh ka baadi goobayo dhismayaasha soo dumay ee dalkaas oo haatan ku jiro xaalad adag.

Haddaba sidee Muqdisho looga dareemay dhul-gariirka ku dhuftay TURKIGA?

Magaalada Muqdisho ayaa la tiiraanyooneyso musiibada ka dhacday Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dadka ay mashaqadan ku dhintay ku jiro muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan arday, kuwaas oo ku noolaa gudaha dalkaasi.

Qoysaska la tiiraanyoonaya dhul-gariirka ku dhuftay waxaa kamid ah qoyska Cabdiraxiin Nuur Cismaan oo walaalkood Maxamed Nuur Cismaan ku waayey dhul-gariirkaasi.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku noolaa dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga.

“Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur.

Sidoo kale waxaa tacsida iyo tiiraanyada musiibadan si weyn looga dareemayaa xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku qul-qulayaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda dhexe & kuwa dowlad goboleedyada oo tacsi u tegay safaaradda.

Waxaa kamid ah mas’uuliyiintaasi ra’iisul wasaare Xamza iyo qaar kamid golihiisa wasiirada oo maanta booqasho ugu tegay safiirka Turkiga, Danjire Ibrahim Mete Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isaga oo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay dhulgariirka, waxaana isaga oo ku hadlaya codka Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu soo duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkaasi dalka Turkiye iyo Suuriya, inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale mas’uuliyiinta booqday safaaradda Turkiga waxaa kamid ah guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas tacsi ku aadan dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga ugu tegay Safiirka dalka Turkiga ee Muqdisho.

Gudoomiyaha iyo wasiirrada ayaa saxiixay buuga tacsida, iyada oo uu alle kaga baryay dadkii halkaasi ku dhintay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna Ilaahay u booga dhayo.

Dhaawacyo laga soo qaaday Laascaanood oo Muqdisho la keenay maanta (Daawo)

Muqdisho(Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaarad sidday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada ka taagan gudaha magaaladaas ayaa billowday gurmad u fidinta dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socdo halkaasi, waxayna dirtay diyaarado soo daabulo dadka qaba dhaawacyada halista ah.

Illaa sodomeeyo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalllada Laascaanood ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaan & mas’uuliyiin kale.

Dhaawacyada oo loo diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa loo qaaday qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la keenayo dhaawacyo kale oo laga soo daabulayo magaalada Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xaalad murugsan.

Dowladda federaalka ayaa maalin kahor shaacisay mowqifkeeda, waxayna sheegtay isoo dhaweyneyso rabitaanka reer Laascaanood, ayna sidoo kale garab istaagi doonto.

Dagaalka haatan ka socdo gudaha magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu saaka dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso.

Si kastaba waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Golaha wasiirada oo maanta magacaabay hanti-dhowraha cusub ee qaranka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa midka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu magacaabay Hanti-dhowra cusub, kaas oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha cusub ayaa waxaa loo magacaabay Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, kaas oo ay soo jeedisay in xilkan loo magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guutaale ayaa ah nin aqoonyahan ah, sidoo kalena ka soo shaqeeyay warbaahino kala duwan, isaga oo ahaa agaasimaha Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaas oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo gudbiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay isla Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka hadlay ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyn wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyada oo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.