28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sharciga NISA oo Aqalka Sare la horgeeyay – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la hor-geeyay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo uu horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa dhawaan meel-mariyay Golaha Shacabka, ayada oo marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Kulanka maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa sharcigan lagu marsiiyay akhrinta koowaad, ayada oo kadib guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim uu faray guddiga golaha ee shaqada sharcigan u xilsaaran ay la wareegaan sharcigaas kana soo shaqeeyaan.

Wasiiru-dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo golaha khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyad ay leedahay in 53 sano kadib ay NISA yeelato sharci rasmi ah.

“Faa’iidada uu sharcigan leeyahay waa in lala xisaabtami karo hay’adda, qoddobada ugu muhiimsan ee sharcigan tilmaamayo waxa kamid ah in hay’adda aysan qofka hayn karin 48 saac kabadan, in hay’addu ay xiri karin qofna waaran maxkamadeed la’aan iyo in hay’addu aysan yeelan karin xabsiyo qarsoodi ah oo dadka ku xirto,” ayuu yiri.

“Qoddobadan waa kuwii ku suntana tacadiyadii lagu geystay magaca hay’add, sidaas darteed ayaa sharciga loogu cadeeyay in laga saaray si aad uga xisaabtantaan idinka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale waxa uu mudaneyaasha golaha ka codsaday in ay sharcigan siiyaan kalsoonidooda, si uu unoqdo mid dhaqan-gala oo ay hay’addu ku shaqeyso.

“Waxaa maanta haysana fursad qaali ah oo aynu mustaqbalka dalkeena ugu horseedi karno nabad, barwaaqo iyo horumar. Haddaba si aan yoolka u gaarno waxa loo baahan yahay in aan seeska iyo salka u dhigno sharciyadii ay ku dhismi lahayd dowladnimada cusub ee Soomaaliya.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa taariikhda ku gali doontaan la idinkuna xasuusan doonaa in aad noqon doontan kuwii u horeeyay ee hay’addan sharci u sameeya.”

Ceasefire in Laascaanood shattered, intense battle ongoing

Laascaanood (Caasimada Online) – The fragile ceasefire in Laascaanood, in northern Somalia, was shattered on Saturday, mere hours after its declaration by the Somaliland authorities following five days of heavy fighting.

Reports indicate that an intense battle is currently underway between the forces of Somaliland and the local forces, with both sides utilizing various weapons, resulting in casualties and injuries.

The Somaliland government has accused the SSC-Khatumo forces of launching an attack on its military base on the outskirts of Laascaanood, which prompted a defensive response from the Somaliland military. 

The Ministry of Internal Affairs of Somaliland released a statement that “terrorist elements attacked the military base” and that the military successfully defended itself and regained control of the situation.

However, traditional elders in the region dispute this account, asserting that the Somaliland forces initiated the conflict by invading the area and that peace can only be restored if the Somaliland troops withdraw.

Abdirisakh Mohamed Hassan, the spokesperson for the 33-member committee coordinating the Laacaanod meeting, accused the Somaliland government of exploiting the ceasefire as a guise for launching new assaults.

The conflict in Laascaanood was sparked by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member in late December, which was attributed to Somaliland, leading to a rise in violence and casualties. 

The battle between Somaliland forces and militiamen has resulted in at least 58 fatalities and the injury of over 150 individuals, with reports of homes and health centers being shelled during the conflict.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive widespread international recognition for its status. It has faced opposition from some clan elders in disputed areas along its border with Somalia’s semi-autonomous Puntland state.

In response to the escalating crisis in Laascaanood, The Bureau of African Affairs of the US Department of State released an official statement declaring that the “indiscriminate targeting of civilians is intolerable and must be brought to a halt.” 

The US government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, unrestricted access for humanitarian aid, and a peaceful resolution through dialogue.

Isimida Laascaanood oo laba shardi ku xiray dhaqan-gelinta xabad joojinta Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirka Isimada ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

“Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.”

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Illo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalka saaka dib u qarxay ayaa waxay sheegtay in la weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

Jabuuti oo qaar kamid ah askarteeda kala baxday SOOMAALIYA + Sababta

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaar kamid ah ciidamadeeda kala baxday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Hiiraan, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Ciidamadaan ayaa laga saaray xero ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolkaasu, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sababta loo saaray ciidamadaan ay tahay in ay dhameysteen waqtigoodii, isla-markaana lagu soo beddalayo kuwa kale oo cusub.

Col. Xasan Jaamac Faarax oo ah Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS ayaa ciidamada la beddalay boggaadiyay, wuxuuna sheegay in shaqo wanaagsan oo horumarineed ay ka qabteen aagga gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka shaqeeyeen xasiloonida halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsan la lahaayeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo maamulka ka jira halkaasi, taasina ay ku amaanan yihiin.

Col. Xasan Jaamac Faarax ayaa sidoo kale farriin u diray askarta kale lagu soo bedalaya, isla-markaana ka imaanaya Jabuuti, isaga oo ka codsaday inay ku deydaan ciidamada haatan ka baxay gudaha Soomaaliya, ayna la yimaadaan fir-fircooni iyo shaqo wanaag.

“Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay,” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS.

Jabuuti ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dowladda federaalka kula shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxayna ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka.

Si kastaba, ciidamada ATMIS ayaa qorshuhu yahay in dhammaadka bisha December ee sanadka soo socda ee sanadka 2024-ka inay isaga baxaan dalka, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya oo haatan ku jira diyaar-garow xoogan.

Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ magaalada Muqdisho oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir.

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan.

Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa,” ayuu yiri Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in haweeneyda haatan lagu soo xiray saldhigga degmada Wadajir, isla-markaana laga qaadi doobo tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Haweeneydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweeneydaan, waxaana la hor geenayaa sharciga,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo halis ku ah amnig shacabka.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada.

Si kastaba, caasimada ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal afduub ah oo badanaa lagula kaco carruuta yar-yar, kuwaas oo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.

Xabad-joojintii Somaliland oo burburtay iyo dagaal dib uga qarxay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

 

Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.

Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.

Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.

Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.

Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo.

Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwaan-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay.

Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii.

Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoowe oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto.

Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo haddii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda.

Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli kuma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miisaanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda.

Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

Saciid Cabdullaahi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaalkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wuxuuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo.

Dhageyso: Sidee ayaa saaka loo fashiliyay weerarkii is-miidaaminta ee Afmadow?

0

Afmadow (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cali Bogmadow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Bogmadow ayaa ka sheekeeyay qaabka loo fashiliyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay in baabuurta lagu qarxiyay difaaca koowaad ee xarada la weeraray, kadib markii ay ku dhaceen godad uu sheegay in loogu tala-galay in looga hortago qaraxyada Al-Shabaab.

“Waa la arkay labada baabuur xabadaa lagu ridday marka naf la caarigii difaacii hore oo godad dhaadheer laga sameeyay oo loogu tala-galay Khawaarijta wasaqda marka ay ku tala-galaan in qarax ciidamada ay ku waxyeeleeyaan inuu ku dhaco baabuurka dabadeedna uu isagu isla qarxo arrintaas waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliye Cali Bogmadow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in baabuurta la qarxiyay ay la socdeen tobaneeyo Al-Shabaab ah, balse goobta lagu wada dilay, sida uu hadalka u dhigay.

“Labadii baabuur iyo wixii la socday way qarxeen hilbahoodii ayaa meesha daadsan, 10 ayaan dilnay qiyaastii, xittaa waxaa la socday kuwo is qarxin rabay” ayuu sii raaciyay.

Dhankooda waxa uu xaqiijiyay inay dhaawacyo fudud soo gaareen illaa saddex askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla duleedka Afmadow.

“Annaga waxaa jira saddex nin oo dhaawac fudud ah waa la dhayay ciidankoodii ayey horay ugu feeleen” ayuu markale yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay si wadi doonaan gulufka dagaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socdo gudaha degmada Afmadow.

Ma joojineyno howlgalkii aanu wadnay ee bartan aan ka hoggaamineynay halkiisii ayuu ka soconayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Al-Shabaab dhankeeda waxay shaacisay inay beegsatay saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Si kastaba, maalmihii u dmabeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Dhageyso: Al-Shabaab oo dagaalkii Mudug looga dilay 117 iyo Biixi oo xog bixiyey

0

Wisil (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.

Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood maanta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku reeban.

Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.

Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

“Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aaggaas.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri.

Deleted: Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii shalay ay ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Wareysi: Tirada Soomaalida ku geeriyootay dhul-gariirka Turkey iyo tirada la la’yahay

0

Ankara (Caasimada Online) – Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.

Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.

Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.

Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.

Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.

Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.

Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.

“Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.

Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.

Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki.

“Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.

“Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”

“Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”

Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.

Weerar ku billowdy qaraxyo oo lagu qaaday XERO ku taalla degmada Afmadow

0

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday is-miidaaminta.

Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada halkaasi.

Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay iga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka muhiimka ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi.

Maalmihii u dmabeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay  weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Somaliland oo xabad joojin uga dhawaaqday Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.

Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.”

Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.

Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.

Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

“Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka.

Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf.

“Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan.

Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday.

Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan.

Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido

Dagaal culus oo dhacay Mudug iyo degaan muhiim oo laga qabsaday Al-Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino laga helayaa dagaal culus oo galabta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ay ku weerareen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Inkastoo isgaarsiinta aaggaas ay aad u liidato, hadana wararka aan ka heleyno dagaalkii galabta waxay sheegayaan in lagu jebiyey kooxda Al-shabaab.

Deegaanadii lagu dagaalamay waxaa caawa ku sugan ciidanka dowladda, waxaana kooxda loo geystay duqeyn xoog leh, sidoo kale weerar toos ah oo dhufeysyada loogu galay Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale ee koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana xusid mudan in dagaalkii galabta askar badan looga dilay ciidanka daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen.

Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ah mid culus oo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen, isla markaana dhul badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo kusoo biiraya loolanka kursiga HOP086

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa kusoo biiraya musharaxiinta doonaya kursiga xildhibaan ee HOP086 oo dhowaan doorashadiisa la qabanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Kursigan ayaa ah kii uu horey ugu guuleystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse ay diideen islamarkaana is-hortaageen guddiga doorashada heer federaal.

Kusoo biiritaanka Cabdinuur ee loolanka kursiga ayaa imaneysa kadib markii uu loolanka ka tanaasulay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo.  

Doorashada kursigan ayaa la filayaa in la qabto dabayaaqada bishan Febraayo, waxaana musharaxnimada Cabdinuur ay abuureysaa loolan adag maadaama UPD ay soo sharraxeen Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ah madaxa urur diimeedka Damul Jadiid. 

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in diyaar garawga munaasabadda shaacinta musharaxnimo ee Cabdinuur Maxamed Axmed ay maanta iyo shalay ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ilaa habeen dambe si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu kursigan u taagan yahay. 

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xilal kala duwan hore uga soo qabtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda sida Agaasimaha Warfaafinta, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya, waxayna musharaxnimadiisu muujinaysaa in tartanka kursigan uu noqon doono mid adag.

Sawirro: Wasiirka difaaca Talyaaniga oo arrin muhiim ka balan-qaaday Xasan Sheekh

0

Roma (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah magaalada Roma kula qaatay Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Guido Crosetto.

Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda. 

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Safiirka  Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha.

 Madaxweynaha ayaa cadeeyey in mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo, looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Safiirka Maraykanka u fadhisa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab,  dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda.

Somaliland fights back against accusations in Laascaanood

Hargiasa (Caasimada Online) – The Republic of Somaliland, a self-proclaimed state in northern Somalia, has dismissed the allegations related to the ongoing conflict in Laascaanood, the capital city of the Sool region. 

The conflict, which has been raging for five days, involves the forces of Somaliland and local fighters who oppose their presence in the city and have called for their withdrawal.

Over the past five days, the conflict has resulted in approximately 50 deaths and over 150 injuries. The Somaliland forces have been accused of killing civilians and disrupting basic services in the city.

Somaliland denies accusations 

The Somaliland Ministry of Foreign Affairs issued a statement rejecting these allegations. In the statement, the ministry said, “The critical situation of Laascaanood has become highly politicized and continues to be exploited by organized groups in the region who are actively working to destabilize the Republic of Somaliland and the Horn of Africa.”

The statement also denied allegations that the government has obstructed humanitarian aid to Laascaanood.

“The Somaliland government strongly rejects the baseless allegations that claim Somaliland’s national security forces have obstructed humanitarian assistance to Laascaanood. This completely contradicts the national principles, values, and dignity of the Republic of Somaliland,” the statement read.  

Terrorists and Al-Shabab claims

Somaliland, on the other hand, repeated its claims that Laascaanood is under attack by terrorists and members of Al-Shabab, a claim that has been previously perceived as a pretext for killing civilians. 

The statement called for the international community to join forces in combating terrorism and extremism, saying, “The Somaliland government emphasizes the necessity of the international community and its strategic partners to join in combating terrorism and extremism, which pose significant threats to Somaliland and the region’s security, stability, and democratization.”

Al-Shabab rebuffs involvement

However, the Al-Shabab militant group has previously issued a statement denying these claims as baseless and a guise to justify killing innocent civilians. 

“The Al-Shabab Mujahideen group denies the statement made by the self-proclaimed Somaliland administration that Al-Shabab is fighting in Laascaanood,” The statement read,

The statement added, “Al-Shabab confirms that the statement is baseless and will not accept its name being used as a guise to justify killing innocent civilians, taking their property, and their honor in Laascaanood.”

Roots of the conflict 

The conflict was sparked by a decision made by local leaders who declared that the region would be under the control of the federal government of Somalia and not part of Somaliland.

Local leaders have accused Somaliland forces of launching an attack, while Somaliland authorities have claimed that groups organized by local leaders attacked their forces.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment. 

The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland, leading to further violence and casualties.

Geelle oo lagu eedeeyay inuu gacan siinayo dhinacyada isku haya Laascaanood midkood

Jabuuti (Caasimada Online) – Mucaariadka Jabuuti ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland, oo maalintii shanaad magaalada Laascaanood kula dagaalamaya kuwa dadka deegaankaas.

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Mucaaridka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti, taasi oo ku saabsan dagaalada maalmihii u dambeeyay dhex-maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC.

“Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xad-gudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasi oo dhigaya in aanay ogolanayn QM in lasoo fara-galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta iLlaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya.”

Taageerada Geelle ee xiligaan uu siinayo Somaliland ayaa ah mid milatari oo toos ah loo siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu sheegay mucaaridka Jabuuti

Bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti ayaa waxaa loogu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, ayaga oo dhinacyada isku haya Laascaanood ugu baaqay inay aqbalaan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo QM ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Maxaan ka ognahay DANAB-ta cusub ee loo diyaariyay duminta kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dufcadii 8-aad guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska ah ee DANAB ayaa Arbacadii tobabar ugu soo idlaaday saldhiga Mareykanku kaalmeeyo ee ku yaalla deegaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaal culus oo iskaga saareyso kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale waxaa xoogeysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya ciidanka dowladda si ay uga qeyb qaataan dagaalka socda.

Ciidanka loo bilaabayo tababarada iyo kuwa loo soo xirayo ayay sidoo kale dardar-gelisay dowladda Soomaaliya si loo helo ciidan ku filan inay xaqiijiyaan himilada shacabka Soomaaliyeed oo ah in lasoo afjaro Al-Shabaab.

In boqolaal dhalinyaro ah oo si heer sare ah loo tababaray ay Arbacadii kusoo biireen kumaandooska DANAB ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn ka tari doonto dagaalka socda.

DANAB oo ay Ameerikaanku tababar ahaan iyo dhaqaale ahaanba kaalmeeyaan waa kuwa ugu tababarka iyo saanad fiican ciidanka xoogga dalka.

Iyada oo la ogyahay in Al-Shabaab ay jab badan kala kulantay DANAB-tii hore in boqolaal kale ay doraad kusoo biireen isla ciidankaasi ayaa walaac weyn ku ah kooxda.

In Al-Shabaab aanay milatari ahaan usii jiri karin ayaa ah dooda ugu sugan ee ay qabaan xeel-dheerayaal badan waqtigan.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxay madaxda dowladda federaalka ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Cutubyadaan soo dhameystay tababarka ciidan ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.