27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Isimida Laascaanood ku shirsan oo war lama filaan ah ka soo saaray fara-gelintii Geelle

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee maalmihii dambe uu shirka uga socda magaalada Laascaanood, ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Jabuuti ee xiisada taagan.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka, Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin wax dhex-dhexaadin ah oo ay aqbalayaan, kadib hadalkii shalay kasoo yeeray urur goboleedka IGAD.

“Maya hadda diyaar uma nihin arrintaan, hadii aanu nahay dadka gobolada waxaa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay,” ayuu yidhi Falaalug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto cabsi ay ka qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada-hadal iyo waan waan kula galaan Somaliland.

“Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto,” ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku celceliyay in aanay jirin cid ay dhex-dhexaadin ka aqbalayaan, balse taas badalkeed ay xiligaan rabaan in Geelle iyo IGAD oo ka yimid baaqa dhex-dhexaadintu ay ciidanka Somaliland ka saaran guud ahaan gobolka.

“Majirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalaynaa, IGAD ha ahaato, ama Jabuuti, dowlada federaalka Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo. Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadka yaga dilay.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii urur goboleedka IGAD uu shaaciyay in uu bogaadinayo door nabadeed uu madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyahay xiisadda ka taagan Laascaanood, si xal waara loogu helo.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti inay soo fara-geliso xiisada Laascaanood.

Garaadka ayaa dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, ayada oo xasaradda ka taagan magaalada ay sababtay in dadku ka qaxaan, xili ciidamada Somaliland ay magaalada dibada ka joogaan, islamarkaana ciidamo hubaysan oo garaadada daacad u ah ay gaaf wareegayaan gudaha magaalada.

Ilhan Cumar oo ka jawaabtay tallaabadi looga saaray…

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay tallaabadii xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay u hadasho dadka dhiban ee caddaaladda raadinaya guud ahaan caalamka, howshaas ayay tilmaamtay in ay sii wadi doonto illaa ay dadkaas ka helayaan waxa ay raadinayaan, sida ay sheegtay.

Xubinnimada Aqalka Congress-ka ayay ku sheegtay in ay tahay mid ka tarjumeyso u hadlidda dadka ay wakiilka ka tahay iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka la kulmaya balse aan heli karin meel ay kusoo bandhigaan, islamarkaana ay tallaabadan caburin doonin.

“Waan sii wadi doonnaa in aan u hadlo qoysaska caddaaladda raadinaya guud ahaan Caalamka, dabcan kama baaqsan doonno in aan codkooda noqdo dadka ku xareysan xeryaha qaxootiga iyo kuwa guryaha ku cabursan, halkaan uma imaan in aan aamuso ee waxa aan u joogaa in aan codkeyga muujiyo una hadlo dadkaas,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa hore u sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, taasi oo markii dambe uu Jamhuuriga u codeeyey.

Waxa ay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda.

Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa ahayd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo kamid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

Ilhaan ayaa ah mid kamid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.

DF oo taageero u heshay qaadista cuna-qabateynta saaran Soomaaliya ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayaa Arbacadii shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku gaareen in ay si wada-jir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyada howl-gal loo dhan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Shirkaas ayaa waxay Soomaaliya ku heshay taageero horleh oo la xiriirta qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa isla qaatay in ciidamada amaanka oo si wanaagsan loo qalabaeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.

Madaxdan ayaa war-murtiyeed ay soo saareen Arbacadii waxay beesha caalamka kaga codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, taasi oo u ogolaaneysa dowladda federaalka inay si wanaagsan u qalabeyso ciidankeeda la-dagaalamaya argagixisada.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaq-dhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan hordhigay dalab la xiriira arrintaan.

Xasan ayaa waxa uu Linda ka dalbaday in Mareykanka uu gacan ka siiyo sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Xasan oo Baydhaba gaaray iyo qorshaha safarka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan golayaasha maamulkaasi.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la xiriira gunaanadka shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ka socday halkaas, kaasi oo uu furay 17-ka bishii hore.

Shirkan ayaa afar maalin kahor galay wajigiisa labaad, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada ka socdeen kulamo loogu gogol xaarayo mira-dhalka shirkan oo xaqiijinaya Koonfur Galbeed heshiis ah.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu xalay la kulmay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, isaga oo u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad.

Wajiga labaad ee shirka ayaa lagaga arrinsanayay hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Xog: Mahad Salaad oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo markii uu yimid hay’adda wuxuu isbeddelo waaweyn ku sameeyay hanaankii ay NISA u shaqeynaysay, taasi oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex-milantay arrimaha siyaasadda.

Marka la iga imaado dib u qaabeynta NISA, sidoo kale waxa uu Mahad qaaday tallaabooyin qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna gudaha Muqdisho ka qortay dhar cad aad u badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mahad ayaa magaalada Muqdisho kusii dhex daayay dhalinyaro dharcad ah, si looga hortago falalka Shabaab ay ka fuliyaan gudaha caasimada dalka, islamarkaana ay hay’adda ugu suurta-gasho inay ka hortagto isku-dayada guracan ee kooxda.

NISA ayaa xilligaan kaalin muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, ayada oo kor u qaaday howl-galada dhulka iyo cirka ee ay hay’adda ku bartilmaameedsaneyso xubnaha kooxda, kuwaasi oo mararka qaar iska kaashadaan saaxiibada caalamka.

NISA ayaa sidoo kala haatan leh saraakiil dharcad ah oo jooga meelo ay kamid yihiin baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Agaasimaha cusub oo durtaba ay muuqato natiijada isbeddelada uu ka sameeyay NISA, ayaa sidoo kale waxa uu ka shaqeeyay sidii ay hay’adda u yeelan lahayd sharci ay ku dhaqanto, si aysan madaxdeeda iyo hay’adda laftigeeda u dhaafin xuduudeeda.

Sharciga NISA oo wax badan ka tari doona hab-tacaamulka hay’adda ee dadka ay soo xirto iyo guud ahaan hab-dhaqankeeda ayaa waxa hore u ansixiyay Golaha Wasiirada, ayada oo la horgeeyay Golaha Shacabka.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Si kastaba, Khubarada amniga ayaa qaba in muhiim tahay in hanaanka shaqo qorista hay’adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex arkaan qeybaha kala duwan ee deegaanada Soomaalida taasi oo sarre u qaadi karta wada-shaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.

DF oo shaacisay halka uu marayo dadaalka Soomaaliya ugu biireyso ururka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ka warbixiyay dadaalada ay dowladda federaalka ugu jirto in ay xubin ka noqoto ururkaasi.

Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wafdi culus oo ka socday ururkaas oo dhawaan yimid caasimada dalka ee Muqdisho ay Soomaaliya ka gudbi doonaan warbixin u qalanta ku biirista EAC.

“Waxaa soo dhameyn 12 cisho oo nala joogeen wafdi ballaaran oo 40 qof ka badan, wafdigaas wuxuu fiiriyay sida ay dowladda Soomaaliya u shaqeyso iyo waxa ay qabaneyso Soomaalidu. Dhinac walba waa laga eegay, dhinaca dhaqaalaha, lacagta, sharciga, ciyaaraha, iyo dhaqanka, marka dhinac aan laga eegin majirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in wixii ka dambeeya 25-ka bishaan loo gudbi doono wajiga labaad ee hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururka bulshada bariga Afrika (EAC).

“Waxaa qabna in natiijada kasoo bixi doonta ay fiican tahay oo aan marxalada labaad gaari doono marka ay ku noqdaan dhulkooda,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Meel fiican ayay marayaan (dadaalada ku biirista) waxa ku rejo qabna in la yidhaahdo report-kii waa la aqbalay Soomaaliya ha gaarto marxalada labaad.”

“Majirto caqabad gaar ah oo ku gadaaman ama ku hor-gudban oo Soomaaliya ka hortaagan ku biirista ururkaan, umana jeedo.”

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa 25-ka bishii hore ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Madaxweyne Qoor Qoor oo dalab la xiriira dagaalka socda u gudbiyay Mareykanka

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulsn muhiim ah la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoor-Qoor ayaa intii uu socday kulankan waxa uu ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.

Sidoo kale waxa uu Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkii hore sheegay inay weerar dhinaca cirka ah ku dileen 30 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow Xarardheere, kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul ahayd “isku-dayga fal gardarro ah”.

Warqadda ka soo baxday dalka Iran laguma soo bandhigin caddaymo gaar ah.

Dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen saddex diyaaradood oo ah, kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday goob lagu tababaro ciidamada, waxaana la toogtay lama ka mid ah, diyaaradahaas.

Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu burbur yar u geystay dhismaha.

Dalka Israa’iil ayaa hore u fuliyey weeraro kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah oo lala xidhiidhinayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan dhacdadan.

Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay haysataa xuquuqdeeda sharciga ah iyo xaqa dhabta ah si ay u difaacdo ammaankeeda qaranka oo ay si adag uga jawaabto hanjabaad kasta ama ficil kasta oo khaldan oo uu ku kaco maamulka Israel, meel kasta iyo mar kasta oo loo arko lagama maarmaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

AP, AFP + VOA

Sawirro: Wajiga labaad ee shirka K/Galbeed oo furmay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imanaya afar maalin kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka uu soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb-galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale gaba-gabadii shirkaas kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la-dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Shirka dib-u-heshiisiinta oo 17-kii bishii hore ka furmay Baydhabo ayaa waxaa lagu waday in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana muuqata in waqti dheeri ah loo baahday si loogu guuleysto heshiis dhex-mara labada dhinac.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Neighboring states support lifting arms embargo on Somalia

0

Mogadishu (Caasimada Online) – A summit of heads of state and government from neighboring countries of Somalia – Djibouti, Ethiopia, and Kenya – has supported Mogadishu’s bid to lift the UN arms embargo by the end of 2023. 

The summit, held in Mogadishu on Wednesday, was attended by Djibouti’s President Ismail Omer Guelleh, Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed Ali, Kenya’s President William Ruto, and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud.

The meeting aimed to support Somalia’s government in obtaining lethal and non-lethal support in its fight against the al-Shabab terror group and adequately equip the newly-generated Somalia National Army units.

The leaders agreed to jointly plan a decisive operational strategy against the terror group and mobilize regional support for timely and decisive operations. 

President Ruto stressed the importance of adopting a common strategy for combating terrorism and associated criminal activities in the Horn of Africa region. 

President Mohamud acknowledged the crucial role played by Djibouti, Ethiopia, and Kenya in Somalia’s counterterrorism efforts.

The extension of the United Nations Security Council (UNSC) sanctions on Somalia’s arms embargo in November 2022 sparked dissatisfaction from Somalia and the African Union. 

The extension included a ban on the sale or transfer of critical components of improvised explosive devices used by al-Shabaab, a ban on importing and exporting Somali charcoal, travel bans, and asset freezes on individuals associated with the terror group.

The sanctions also included travel bans and asset freezes on individuals associated with al-Shabab and its activities. Somalia’s Permanent Representative at the UN, Abukar Osman, expressed dissatisfaction with the extension of the sanctions, warning that it hindered the country’s efforts to rebuild its security forces.

In the Mogadishu meeting, a joint operations mechanism was agreed upon to coordinate efforts to defeat the al-Qaeda-linked terror group. 

The leaders emphasized the importance of joint military operations against al-Shabab to facilitate the drawdown of The African Union Transition Mission in Somalia troops and the handover of security responsibilities to the Somali security forces. 

The leaders also called for support from international partners for Somalia’s stabilizing efforts in newly liberated areas and a joint border security mechanism to eliminate cross-border terrorism activities and ensure the legal passage of trade and movement. 

However, al-Shabab demonstrated its resilience with mortar attacks during the military meeting preceding the summit. No casualties were reported. 

Jamhuuriga oo ku guuleystay inay Ilhan Omar ka saaraan…

Washington (Caasimada Online) – Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog. 

Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

Ilhaan ayaa iska difaacday Aqalka, ayada oo weydiisay haddii ay jirto cid la yaabtay in la beegsaday, “sababtoo ah marka aad awoodda riixdo, awoodda dib ayuu kusoo riixdaa.” 

“Codkeyga wuxuu noqon doonaa mid intan kasii dheer kana sii xoog badan, islamarkaana hoggaankeyga waxaa u dabaal-degi doona dunida oo dhan,” ayey Ilhaan kusoo xirtay khudbaddeeda. 

Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas jiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi. 

Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd, ayuu yiri. 

“Ma ahan isla xisaabtan, waa aargudasho siyaasadeed,” ayuu yiri Jeffries. 

 Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez ayaa tallaabo dheeri ah qaaday, ayada oo sheegtay in tallaabada Jamhuuriga ay tahay mid ka mid ah “waxyaabaha laga yaqsiyoodo ee laga dhaxlay 9/11,” ayada oo ula jeeda weeraradii September 11 2011 – “beegsiga iyo cunsuriyeynta ka dhanka Muslimiinta Mareykanka ee dalka Mareykanka oo idil. Tani waa mid ka mid ah dhaxalkaas.”

Waxay intaas ku dartay “Tani waa beegsiga haweenka midabka.”

Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka. 

AP, VOA

House ousts Ilhan Omar from Foreign Affairs Committee

Washington (Caasimada Online) – Amidst a tumultuous debate, House Republicans voted Thursday to remove Democratic Representative Ilhan Omar from the Foreign Affairs Committee, citing her controversial remarks about Israel.

The vote was broadly divided along party lines and resulted in a 218-211 count. The decision to remove a member from a House committee is a significant escalation of tensions following the Democratic removal of far-right GOP lawmakers from committees two years prior.

Speaker of the House, Kevin McCarthy, successfully secured Republican support against the Somali-born Muslim congresswoman in the new Congress, despite some GOP lawmakers expressing reservations.

The resolution was proposed by Ohio Representative Max Miller, a former Trump administration official, who declared that Omar’s comments brought “dishonor to the House of Representatives.”

Democrats accused the GOP of targeting Omar based on her race and religion. In her defense on the House floor, Omar questioned if anyone was surprised by the move and stated, “my voice will get louder and stronger, and my leadership will be celebrated around the world.”

Democratic leader Hakeem Jeffries of New York acknowledged that Omar had made mistakes and used anti-Semitic tropes but maintained that Thursday’s vote was not about accountability but rather political revenge.

Representative Alexandria Ocasio-Cortez went even further, claiming that the GOP’s action was a continuation of the “disgusting legacy after 9/11,” referring to the targeting and racism against Muslim Americans in the aftermath of the 9/11 attacks. She said the move was targeted explicitly against women of color.

Omar, one of the first two Muslim women elected to Congress, quickly generated controversy in 2019 after her tweets suggested that lawmakers who supported Israel were motivated by money.

The tweets led to a public rebuke from then-House Speaker Nancy Pelosi and other Democrats. Omar eventually apologized for her comments.

“We always have to be willing to step back and think through criticism, just as I expect people to hear me when others attack me about my identity,” Omar tweeted. “This is why I unequivocally apologize.”

The chairman of the Foreign Affairs Committee, Texas Representative Michael McCaul, argued that Omar’s views on Israel were incompatible with the committee’s and that while he was open to differences of opinion, this went beyond that.

Some Republicans had requested “due process” for lawmakers facing removal, and McCarthy stated that he would work with Democrats to create a due process system, though it is still a work in progress.

House Speaker Kevin McCarthy has prevented Democrats Adam Schiff and Eric Swalwell from being reinstated on the House Intelligence Committee after the Republicans gained control of the chamber in January. Although the Speaker has the authority to make appointments to the intelligence committee, a House vote is necessary to remove Omar.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Daawo: Laba Carruur ah oo laga afduubtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa afduub xalay laba caruur ah loogu geystay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday Kaamka Cali Dheere oo ku yaallo xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay koox hubeysan oo watay gaari Surf ah ay laba carruur ah ka wateen halkaasi, kadibna ay la baxsadeen.

Muno Muxudiin Maxamed oo la dhalatay mid kamid ah wiilashada la afduubtay ayaa sheegtay in walaalkeed Saciid oo 10 jir ahaa laga watay bannaanka xaafadda, waxayna sheegtay in gaariga lagu qaatay yy taargo la’aan ah ayna la socdeen saddex nin, oo uu mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda, isla-markaana uu hubeysnaa qoray AK47 ah.

“Xalay Maqribkii waxaa la watay walaalkeyga sanadkiisa waa 10 jir laamiga siliga, gaar ahaan Jaamacadda akteeda ayaa laga watay, isaga iyo wiil kale oo yariis ah. Waxaa wateen mid ciidan ah oo usoo dagtay oo dharka ciidanka wato iyo laba kaleeto oo funaanado ciyaartoy ah watay, gaari Surf ah oo taargo la’aan ah ayey ku wateen,” ayey tiri Muno.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ilmaha ay iyadu heysay,maadaam ay Hooyadood dhimatay, sidoo kalena Aabaha uu ka maqnaa guriga, xilliga uu dhacayey afduubka.

“Hooyo way dhimataym Aabaheyna maba joogin, xalana la raadinaayey war dhan lagama haayo,” ayey ku dartay Muno Muxudiin Maxamed.

Dhinaca kale wiilka la afduubtay eedadiis oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed ayaa farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ay ka dalbatay in lala raadiyo ilmaha.

“Madaxweynaha iyo walaalaheyga Soomaaliyeed wiilkaas yar hooyadiisa waa dhimatay waxaan ka codsanayaa si naxariis leh inay noogu soo celiyaan,” ayey tiri Farxiyo Maxamed

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in illaa iyo hadda aysan helin wax raad ah oo ku aadan ilmaha la afduubtay, isla-markaana ay weli baadi goobayaan.

“Waa u dhibanahay xalay ma seexanin waxaan ka imaaday Tareedisho walaalahey hadda waa maqan yihiin meel loo raacana malaha,” ayeyey hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

Sawirro: Dowladda Talyaaniga oo wafdi culus maanta usoo dirtay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego. 

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada. 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Talyaaniga oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay Villa Somalia.

Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub.

DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorasho muran badan uu hareeyey + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa markale ka hadlay muranka ka taagan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isaga oo shaaciyay go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan doorashaasi.

Wasiir Barre ayaa sheegay in aysan Wasaaraddu aqbali doonin doorasho hal dhinac ah,wuxuuna u digay shaqisiyaad uu sheegay inay ku howlan yihiin arrintaasi.

“Annaga ka Wasaarad ahaan go’aanka doorashooyinkaas inaan la aqbali karin doorashooyin is-barbar yaac ah ama qolo gaar ah ay isku caana shubaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Barri ayaa sidoo kale sheegay in xiriirada ka jira dalka ay madax banaan yihiin, balse siyaasad ahaan ay hoostaaan Wasaaradda oo ayadii mas’uul ka dhan ciyaaraha dalka.

“Xiriirada kala duwan ee ka jira dalka waa ka madax bannaan yihiin shaqo ahaan wasaaradda farsamo ahaan iyo maamul ahaan, laakin siyaasad ahaan wasaaraddaa waxay dalkoo dhan mas’uul uga tahay siyaasadda qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka Wasaaradda Ciyaaraha uu yahay in la qabto doorasho hufan oo cadaalad ah, maadaama ay tahay wax la wada leeyahay.

“Ka Wasaarad ahaan roolka nooga aadan waxaa waayey inaanan aqbalin wax Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhexeeya in qolo ay si gaar ag ugu takri fasho,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha, kaas oo haatan gaaray meeshii ugu sarreysay.

Khilaafka ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada hoggaanka xiriirk, ayada oo baaqyo isxigxiga ay soo kala saareen Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

TURKEY oo si caro leh uga jawaabtay tallaabo ay dalka Reer Galbeedka qaadeen

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta cambaareysay dalal dhowr oo Reer Galbeed ah oo si ku-meel gaar ah u xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Istanbul sababo amni dartood, waxayna ku eedeysay “dagaal maskaxeed” iyo isku dayo lagu burburinayo dalxiiska Turkey.

Jarmalka Netherlands iyo Britain ayaa ka mid ahaa dalalka toddobaadkan xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin magaalada ay ku nool yihiin 16-ka milyan.

Safaaradda Jarmalka ayaa sheegtay suurta-galnimada weeraro aargudasho ah kadib markii qur’aanka lagu gubay dalal ka mid ah Yurub.

Dhinaca kale, Mareykanka iyo dalalka kale ayaa soo saaray diginin safar oo ay muwaadiniinta ugu sheegayaan inay feejignaan muujiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in xiritaanka qunsuliyadaha iyo digniinta safar ay qeyb ka aheyd shirqool Reer Galbeed oo lagu waxyeeleynayo qeybta dalxiiska Turkey ee dib usoo kabaneysa kadib safmareenkii Coronavirus.

“Maalin aan ku dhowaaqnay in ujeedkeenu yahay inaan soo jiidano 60 milyan oo dalxiisayaal ah, waqti ay noo yimaadeen 50.5 milyan oo dalxiisayaal ah islamarkaana aan helnay $46 bilyan oo dhaqaale dalxiis ah, waxay qarka u saarnaayeen inay qaadaan dagaal maskaxeed ka dhan ah Turkey,” ayuu yiri wasiirka oo caan ku ah hadallada ka dhanka ah Reer Galbeedka.

Soylu ayaa sheegay in Turkey ay fulisay in ka badan 60 howlgal oo ka dhan ah kooxda Daacish illaa hadda sanadkan, islamarkaana ay xirtay 95 qof.

Sanadkii tegay, waxaa la xiray in ku dhow 2,000 oo tuhunsaneyaal Daacish ah kadib markii la fuliyey in ka badan 1,000 howlgal oo ka dhan ah kooxda, ayuu yiri.

Horraantii toddobaadkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Turkey ay xireen tiro tuhsaneyaal ah kadib diginin ka timid “dal saaxiib ah” balse aysan helin wax hub, rasaas, ama astaan muujineysa ficil rabshado oo la qorsheeyey.

Bishii November, lix qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee bartahama Istanbul.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa weerarka ku eedeeyey mintidiinta Kurdish-ka. Dhowr qunsuliyad ayaa ku yaalla meel u dhow Istiklal.

AP, VOA

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo isku dhiibay ciidamada DF

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolkaasi.

Raggan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay aagga degmada Xarardheere oo kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikariim, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Caad.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay Al-Shabaab uga biireen deegaanada HirShabelle, gaar ahaan labada gobol ee maamulkaas oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda ee ka socdo halkaasi.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayey ka dalbadeen cafis guud, isla-markaana ay wax u qabto, maadaama ay yihiin dhalinyaro mustaqbal ka leh nolosha.

Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda ee soo dhoweeyay labada dhalinyarada ah ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, laguna wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh.

Mudug ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu gaarsiiyay khasaaraha ugu badan, ayada oo laga qabsaday deegaano horleh.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taas oo loo arko inay bilow u tahay dhammaadka kooxda.

Ismaaciil Cumar GEELLE oo ‘soo faro-geliyey’ xiisadda magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda kacsan ee weli ka jirta gudaha Laasacaanood, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Workneh Gebeyehu ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in IGAD ay ka walaacsan tahay xaaladaha murugan ee laga soo warinayo magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa soo hadal qaaday door nabadeed oo uu sheegay in madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu ku leeyahay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku boggaadinayaan madaxweyne Geelle dhex-dhexaadinta uu ka dhex wado labada dbhinac.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Workneh Gebeyehu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho arrinta ka jirta magaalada Laascaanod, si xal loogu helo xasaradda ka taagan magaaladaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadii hubeysanaa ee ka dhacay gudaha magaalada, maadaama dad shacab ahaa lagu dilay dagaalladii dhacay.

“Waxaanu soo qaadanayna xiisada dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri.

Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, taas oo keentay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan gudaha magaaladaasi, waxayna qalalaasahaasi ka dhasheen dilal 15-kii sano ee lasoo dhaafay magaalada loogu geysanayay haldoorka Sool.

Si kastaba, waxaana haatan laga war dhowrayaa shirweynaha ka socda Laascaanood, kaas oo ay leeyihiin waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo la’isku yiraahdo (SSC), wuxuuna shirkooda qaatay maalmo badan, kaas oo la filayo inay go’aanno kasoo saaraan.

Arrintii shalay dhacday oo muujisay isbeddelka mabda’ ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka, kaasi oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Guusha Ilyaas Sheekh Axmed ee kursigan ayaa ahayd natiijo la filayay, maadama kursiga markii horeba loo xiray Ilyaas, oo ay aad iskugu dhow yihiin Mahad Salaad oo isagu baneeyay kursigaan.

Soo bixista Ilyaas iyo in loo xiro kursigan ayaa ka dhigan in kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia uu aad uga soo horjeeday in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne Xasan ayaa xilligaas aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, balse waxa lama filaan ku noqday dad badan in Xasan uu si dhakhso leh kala wareeg mabda’ ugu yimid.

Kursiga ay doorashadiisu ka dhacday Dhuusamareeb ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka cad in kursiga labaad ee la filayo inay qabtaan guddigan oo ah kii hore loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin la dhaafin doono Fahad.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ka dhacday doorashadii Dhuusamareeb.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad, ayada oo dhanka kale kor u qaadeysa suurta-galnimada in Xasan iyo kooxdiisa ku dhaqaaqi karaan arrimo ay markii hore si adag uga soo horjeedeen ama u arkayeen inay yihiin ku tagri-fal awoodeed.

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay afar ASKARI + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Khamiis ah tiirka geysay, kadibna xukun dil ah ku fulisay illaa 4 askari oo ka tirsanaa noocyada kala duwan ee ciidanka dowladda federalka Somalia.

Afarta askari ee la toogatay ayaa ka kala tirsanaa talisyada milatariga, Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo loo heystay dilal ay horey u geysteen.

Afarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay horey u dileen askar kale oo ahaayeen saaxibo shaqo wadaag ah, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

Sidoo kale waxaa toogashada lagu fuliyay askartan aad usoo dhaweeyay ehellada marxuumiintii ay horey u dileen oo muddo sugayey cadaaladda ay maanta heleen.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada ayaa markale digniin u diray askarta dowladda ee dilal ka geysta Muqdisho iyo deegaanada kale ee ka howlgalaan, ayada oo fartay inay ku ekedaan shaqadooda oo ah ilaalinta amniga iyo u adeegida dadkooda iyo dalkooda.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa, iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Waxaa sidoo kale jira rag kale oo weli sugayo fulinta xukunka dilka ah ee ku dhacay, waxaana kamid ah askartii ugu dambeysay ee dilalka ka geysatay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Sh/ Dhexe.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay fulinta xukunadda dilka ah, waxaana horay loo toogtay rag ka kala tirsanaa Shabaab iyo Daacish.