25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Soomaalida Canada oo ka ‘argagaxsan’ qaabka loo dilay Nabaddoon Soomaali ah

0

Edmonton (Caasimada Online) – Meydka nin Soomaali ah oo dalka Canada lagu weysanaa muddo ka badan hal bil ayaa laga helay koofurta magaalada Edmonton – gobalka Alberta ee dalka Canada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Jibriil ayaa ka mid ahaa waxgaradka u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ku nool Canada, waxaana la waayey bilowgii bishii December ee sanadkii tegay, balse hadda ayaa la helay maydkiisa.

Ciidamada booliska ee magaalada Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Marxuum Cali Xuseen u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Lama garanayo nooca gaarigu yahay iyo waxa sababay geeridiisa toona, waxaana ciidamada boolisku wadaan baaritaan dhacdadaas ku saabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay, kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaas kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub Soomaalida ku nool magaalada Edmonton iyo guud ahaan dalka Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ayaa ka war-sugaya natiijada kasoo baxda baaritaanka Booliska, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska, balse wax faahfaahin ah aysan ka helin cidda ka dambaysay dilka Cali Xuseen.

Ehellada Marxuum Cali Xuseen ayaa sheegay in ninkaas uu ifka uga tegay seddax carruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada ku noolaa in ka badan 20 sano. 

Madaxweynaha KENYA oo shaaca ka qaaday arrin looga adkaan karo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwynaha dalka Kenya, William Ruto oo markiisii u horreysay shalay yimid Muqdisho, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo waddanka.

William Ruto oo ka qayb-galay shir ay Arbacadii yeesheen dowladda federaalka iyo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa ugu horreyn boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waddanka Kenya ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay garab istaagaan dowladdooda, isla-markaana ay ka qayb-qaataan howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga hubeysan kooxda Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay arrin ay tahay in la sameeyo, taas oo ku qeexay in looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka oo dhan.

Ruto ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la bartilmaameedsado dadka dhaqaalaha ku taageero kooxdan, si loo cuuryaamiyo, isagoo xusayn in habkaas oo kaliya lagu jebin karo.

“Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada & faafinta xagjirnimada” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda federaalka iyo waddamada dariska ay isku raaceen skaashi ka dhan ah Shabaab, ayaga oo ku heshiiyay in si waddajir loogu duulo kooxdaan, lana taageero ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Kenya oo ay ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ku duulaan xoogaga Al-Shabaab, ayna ka fuliyaan weeraro khasaare geysta.

Kaalintee ayey SOMALIA ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa marka safka hore ka gashay waddamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, sida lagu sheegay warbixinta 2022 ee Hay’adda Tansparency.

Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuq-maasuqa iyo kuwo ka guuleystay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay hoggaamineyso liiska wadamada uu la degay musuqa, isla-markaana ay gashay kaalinta koowaad, sida ku xusan warbixinta.

Sidoo kale waxaa kaalinta labad iskula jira waddamada Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya, sida ay sheegtay Transparency International.

Sida ay muujineyso warbixinta Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday halkii ay joogtay sanadkii 2021-kii, markaas oo ay gashay kaalinta labaad, waxaana ka horreyay waddanka Suudaanta Koonfureed, halka kaalinta labaadna ay ku jireen Soomaaliya iyo Syria, hase ahaateen  qiimeynta cusub ee la sameeyay 2022-kii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay hormuudka dalalka haatan ugu musuqa badan 180 dal ee ay quseyso warbixinta.

Warbixintan cusub waxyaabaha qiimeynta lagu saaray waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo aan lagula xisaabtami musuq maasuqa, taas oo kordhisay falalka xatooyada.

Sidoo kale waxay hay’adda intaasi kusii dartay in inta badan dalalkan ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan wax is-daba marinta iyo waxyaabaha keena musuqa.

Dhinaca kale waxaa isla warbixintaan lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Tansparency International ayaa sheegtay in Danmark uu noqday dalka ugu musuqa yar caalamka, waxaana ku xiga dalalka Finland iyo New Zealand oo ku jira kaalinta labaad, dalalkan ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay, sida ay ula dagaalameen musuq-maasuqa.

Si kastaba, dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celisa inay la dagaalanto musuq-maasuqa islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore.

IGAD oo maqaam sare u aqoonsatay Ugaas Maxamud Cali Ugaas (Faah-faahin)

Nairobi (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah shakhsiyaadka muhiimka ah ee shaqada wanaagsan u qabta bulshada.  

Warqad shalay ka soo baxday Urur Gobaleedka IGAD ayaa Ugaaska loogu magacaabay inuu xubin ka noqdo Gole cusub oo ay isugu imaanayaan shakhsiyaadka caanka ah ee loo tixgeliyay inay waxqabad weyn u hayaan bulshooyinka ku nool gobalka Bariga Afrika. 

Shir ka dhacay Mombasa oo ay martigelisay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu martiqaaday Duubabka dhaqanka iyo shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana golahan cusub ee loo yaqaano IGAD Council of Iminent Persons oo xubinnimadiisa ay noqoneyso muddo shan sano ah oo la cusbooneysiinayo hal mar oo kaliya.

Shaqsiyaadka kasoo muuqday ee matalayay dalka Soomaaliya ayaa waxaa mid ah, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Dr idil Osman oo qeyb ka ah horumarka Soomaaliya iyo heykalka dowlad dhiska.

Warqad ka soo baxday Urur Gobaleedka IGAD ayaa Ugaaska loogu magacaabay inuu xubin ka noqdo Gole cusub oo ay isugu imaanayaan shakhsiyaadka caanka ah ee loo tixgeliyay inay waxqabad weyn u hayaan bulshooyinka ku nool gobalka Bariga Afrika.

Shir ka dhacay Mombasa oo ay martigelisay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu martiqaaday Duubabka dhaqanka iyo shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana golahan cusub ee loo yaqaano IGAD Council of Iminent Persons ayaa xubinnimadiisa waxa ay noqoneysaa muddo shan sano ah oo la cusbooneysiinayo hal mar oo kaliya.



 

Maxay noqon kartaa kaalinta dalalka dariska ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya shirweyne muhiim ah ku yeeshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo waddamada dariska ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo loo yaqaano dalalka safka hore.

Saddexdaan waddan iyo Soomaaliya  ayaa u midoobay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaga oo ku dhowaaqay isbaheysi ay isaga kaashaan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda.

Haddaba maxay noqon kartaa kaalinta waddamada dariska ee dagaalka Al-Shabaab?

Faarax Isaaq oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah ee dawladaha iyo arrimaha ammaanka ayaa ka hadlay arrintan, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da

Aqoonyahanka ayaa shaaca ka qaaday in dalalkana ay door weyn ka qaadan karaan dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay xuduud dheer la leeyihiin Sopomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyaga ay dan weyn ugu jirto inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, la’iskana kaashado amniga xuduudaha, si aysan uga tallaabin kooxda.

“Haddii aan fiirino waxay dan weyn ugu jirtaa dowladaha dariska ah inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii loo ilaalin lahaa kooxahaan inay u gudbaan waddamada kalem ayaga ayey dan ugu jiraa ” ayuu yiri Faarax Isaaq oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta howlgalka ATMIS, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay sii dheeraa doonto qorshaha bixitaankooda, marka la eego waqtiga iyo xaaladda lagu jiro.

“Is jiid-jiidka dhanka bixitaan ciidanka ATMIS weli waxaad u maleysaa inuu sii socon doono oo waqtiga la qabsaday ay adkaa doonto,” ayuu markale yiri Aqoonyahan Faarax Isxaaq.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay in ay weli caqabado xoogan ka jiraan dalka, ciidamada Soomaaliyana aysan helin tirada & tababaradii loo baahnaa maadaama ay ku jiraan dagaal

“Ciidan dagaal ku jiro, haddane la tababaro oo uu bato way iska adkaa doontaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan dalaalka dariska oo shalay go’aamiyay in meel looga soo wada jeesto, sidii looga adkaan lahaa kooxdan oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Xamza oo warbixin laga siiyey dhismaha dekadda cusub…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Guddiga ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyay ra’iisul wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyay guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay si gaar ah u dhiiri-gelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

Sanadkii hore ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni ay xariga ka jareen wajiga koowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Xasan ayaa xiligaasi oo uu wanaagsana xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, wuxuuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

Dekedda Garacad ayaa ahayd dekeddii ugu horreysay oo ay maal-gashtaan ganacsato Soomaaliyeed, waxaana la dhagax dhigay sannadkii 2017-kii. Sidoo kale waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso.

Regional leaders plan joint military campaign against al-Shabab in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – The leaders of Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Somalia have agreed to begin a joint military campaign, referred to as “search and destroy,” to push al-Shabab militants out of Somalia.

The offensive comes after Somalia’s federal government regained control of several cities and villages in central Somalia with the help of the United States military, Somali regional governments, and allied clan militias.

The Presidents of Kenya, William Ruto, Djibouti, Ismail Omer Guelleh, and The Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed, met their Somali president Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu to review strategies to weaken and disrupt al Shabab.

“The summit … agreed to jointly plan and organize a robust operational campaign at the frontline states level, of search and destroy on multiple frontlines aiming at key al Shabab strongholds across the south and central Somalia,” they said in a joint statement.

“The time-sensitive campaign will prevent any future infiltrating elements in the region,” the communique said, without providing any details about the operation. However, further details still need to be provided.

The four countries also contribute troops to the African Transition Mission in Somalia, an African-Union peacekeeping force.

Just before the meeting, militant groups fired mortars in a district near the president’s office. No casualties were reported.  

President Hassan Sheikh Mohamud said the meeting “reaffirms our resolve to rid our region of terrorism permanently.” Kenya’s President William Ruto added that peace was within reach due to the “collective effort in anti-terrorism.”

Kenya’s President William Ruto said peace was within reach due to the “collective effort in anti-terrorism.”

Al-Shabab has been fighting to topple the central government of Somalia and establish its own rule based on Islamic Sharia law since 2006, despite recent pushback from the government.

The group has carried out attacks in hotels, military bases, and government establishments in Somalia and Kenya to pressure it into withdrawing its troops from the African Union peacekeeping mission.

According to a Western humanitarian official who spoke on condition of anonymity, more territory has been taken from al-Shabab in the past six months than in the past five years.

This is due to local communities rising against the group’s harsh taxation amid Somalia’s worst drought on record and the government quickly supporting local militia fighters in the offensive.

However, some observers see eliminating al-Shabab as daunting, as the group has proven effective without holding territory.

Despite Somalia’s commitment to defeating al-Shabab, some believe it will be difficult. According to a humanitarian official who spoke anonymously, al-Shabab has demonstrated its capability even without controlling territory.

Sawirro: Shabaab oo soo bandhigay askar ku biirtay iyo gaari ay wasiir kala goosteen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay seddax askari oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Jubbaland iyo gaari ay kala soo goosteen wasiir ka yirsan xukuumadda Jubbaland.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka soo muuqday goobta lagu soo bandhigay askarkaan

Al-Shabaab waxay sheegeen oo kaliya in askartaan ay towbad keentay oo safka Jubbaland ay ka soo baxeen, balse ma bixin faahfaahin kale, markii laga reebo inay soo bandhigeen gaari ay la soo goosteen.

Gaariga ay askartaan kala soo goosatay Jubbaland, waxaa la sheegay inuu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Mustafa Xaaji.

“Waa sawirrada seddax askari oo ka soo goostay safka Jubaland, askartan towbadkeenka ah ayaa labo kamid ah waxay lasoo goosteen gaari cusub oo HaarTop ah oo uu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland, waxaana lasoo goostay darawalkiisii qaaska ahaa Cabdifitaax Nuur,” ayaa lagu yiri faahfaahin ay kooxdu ka bixisay arrinta askartaan.

Maalmo ka hor ayuu soo yeeray warkaan sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu u goostay darawalkii wasiirkaas oo wata gaarigii wasiirka, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ay xaqiijiyeen gaarigaas toos loo geeyey Jilib.

Hadda ma cadda goobta lagu soo bandhigay askartaan oo Al-Shabaab inta badan ma sheegaan goobaha ay joogaan madaxdooda, balse waxay u badan tahay in goobtaan ay tahay howdka gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan aagga Jilib.

Gobolkaas Jubbada Dhexe ayey aad ugu dhuumaareystaan amiirrada argagixisada Al-Shabaab, in kastoo ay aad ugu dhuuntaan dhulka howdka ah, maadaama gobolku yahay dhul beereed dhir badan leh, hadana inta badan duqeymo kama dhacaan, weerar toosana warkiisaba daa, oo kooxda laguma baacsado gobolkaas.

Dad waxaa ka yaabisay sababta xiligaan oo meel kasta lagu baacsanayo Al-Shabaab ay ugu goosteen askar ka tirsaneed ciidamada Jubbaland, waxaana arrintaan ku geedaaman mugdi badan.

Jubbaland weli kama aysan hadlin dhacdadaan oo mid lamid ah ay bilo ka hor ku dhacday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal oo darawalkiisii uu u goostay Al-Shabaab, iyadoo la garan waayey ama aan lasoo bandhigin sababta ku kaliftay.

Hoos ka eeg sawirrada askarta iyo gaariga ay soo bandhigeen Al-Shabaab

Sida kaliya ee lagu qabsan karo Ceelbuur, Galhareeri iyo Ceelgaras – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waa bartilmaameed weyn marka laga hadlayo dagaalka dowladda iyo shacabka iskaga dul-qaadayaan Al-Shabaab.

Ceelbuur waxa waqti fog ka talinayay Al-Shabaab. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan S ayaa mar AS laga saaray magaalada, markaas oo duulaanka kaalin ku lahaayeen ciidanka Itoobiya, waxaa kale oo la xasuusta inuu xiligaas madaxweyne Xasan Sheekh uu tagay Ceelbuur.

Xilligaas ayada oo deegaanada kale la aadin ayuu madaxweyne Xasan Seekh amray in la qabto Ceelbuur, maanta oo xukunka kusoo laabtay dowladuna sidii hore ka xoog badan tahay shacabkuna ay go’aankooda ku biiriyeen in Al-Shabaab la bixiyo waa iska cadahay inay Ceelbuur bartilmaameed weyn u tahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Billo ka hor madaxweynaha waxa uu calaamadeeyay qabashada laba bartilmaameed oo ahaa Aadan Yabaal iyo Xarardheere, labadiina waa laga saaray Al-Shabaab weliba qabashadooda waxay sahashay in deegaano kale soo galaan gacanta dowladda.

Hadda, waxa u weyn ee la sugayo waa inuu madaxweynaha farta ku fiiqo Ceelbuur, taas ma dheera mana dhib badna.

Xogaha laga helayo Ceelbuur iyo magaalooyinka u dhowdhow waxay sheegayaan in horjoogayaashii Al-Shabaab iyo qoysaskoodii laga soo saaray Masaajid Cali-Gaduud, Aadan Yabaal, Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere inay kusoo qaxeen Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada u dhowdhow Ceelbuur, halkaas oo hadda ay kirada guryaha qaali noqotay.

Dagaalkan joogsan maayo illaa laga soo afjaro Al-Shabaab sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, haddaba maxaa la gudboon dadka degan Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada ku xeeran.

1. Inaysan kooxda ka aqbalin dagaal: Al-Shabaab waa awoodi waayeen inay ku dagaalamaan deegaanadii laga soo saaray, waxaa sabab u ahaa inay qabaa’ilka diideen in quwada dowladda ay ka hortagaan iyo in magaalooyinkooda la burburiyo.

Waxaa jira warar sheegay in Al-Shabaab dadka degan Ceelbuur iyo naxaawigeeda ay ku qal-qaalinayaan dagaalka nagala qeyb-gala.

Dadka deegaanadaasi kama faham xuma dadkii deegaanada kale ee gacmaha ka taagay inay difaacaan Al-Shabaab, iyada oo shalay la idiin diiday inaad xornimo u ganacsataan, ilmihiinu wax bartaan qaar xoog la idinkaga watay oo dagaal iyo qaraxyo ku dhinteen, xoog la idinkaga qaatay xoolihiina, dhaqankiina iyo saldanadiinii soo jireenka ahayd la burburiyay oo deegaanadiinuna 15 sano ay ka dambeeyaan Soomaalida kale.

In maanta haddana Al-Shabaab idin weydiistaan intiina hartay dagaalka gala oo ku dhamaada magaaladana ha la-duqeeyo oo ha la dumiyo, kadibna aad aqbashaan waxay idinku noqon doonta khasaare lagu karfanay khasaare kale iyo taariikh xumo aan tirmi doonin.

Reer Ceelbuur haddii ay Al-Shabaab u sheegaan in aanay dagaalka qeyb ka noqon karin sidii magaalooyinka kale iyaga ayaa iska bixi doona iyaga oo aan xabad ridin.

2. Inaysan shacabka duurka gabaad ugu noqon kooxda: Al-Shabaab dhowr goobood oo ay ka baxeen waxay dadkii deegaanka ku qasbeen qax iyo inay iyaga duurka u raacan si aanay diyaaradah u duqeyn iyadoo loo turayo shacabka.

Sida lala socdo dhamaan deegaanadii Shabeellaha Dhexe dadkii lahaa waa kusoo laabteen. Dad sabool ah u baahan baad, biyo iyo caafimaad, caruurtoodana nolol iyo waxbarasho u raba macquul ma aha in koox argagixiso ah jiqda u raacaan oo gabaad u noqdaan.

Dadka Ceelbuur iyo naxaawigeeda degan dhib uma laabto, odayaasha iyo dadka wax-galka ah ee deegaanka waxaa la gudboon in aanay kooxda ka daba-qixin.

Xilligii Al-Shabaab laga cabsan jiray waa soo dhamaatay. Haddii kooxda loo sheego in aanay taas macquul ahayn umadda magaalada degan ma wada dhameyn karaan.

3. Dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab ee kasoo jeeda Ceelbuur: Al-Shabaab ciidan ahaan waa gabal sii dhacaya, waa macquul in fikirkooda uu muddo sii noolaado laakiin ciidan ahaan dhul uma sii haysan karaan.

Dhalinyarada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan kasoo jeeda ee Shabaabka ah waxaa la gudboon in aanay aqbalin in dadkooda la qixiyo, magaalooyinkooda la duqeeyo iyo in aanay raadin wax ay macquul ka dhigi karin.

Dhinaca Wabxo ciidan ayaa ka jooga, dhanka Dhuusamareeb ciidan kale ayaa ka jooga, sidoo kale dhanka Qaayib ayaa ciidan ka jooga.

Dhalinyarada Al-Shabaabka ku jira ee deegaanadaas kasoo jeeda tallooyinka loo jeedinayo waxaa kamid ah inay ciidanka iyo siyaasiyiinta ku xisaabta ah la xiriiraan, iskuna dhiibaan tii oo ay ka faa’iideysanayaan fursadii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd cafiska.

Dagaal lagu laayey Shabaab oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo deegaano laga qabsaday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya xoogagga deegaanka ee macawiisley iyo Al-Shabaab ayaan maanta duhurkii ka billoowday deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay deegaankaas ku weerareen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ee Hiiraan ay ku galeen Al-Shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 27-xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkii galabta, dhamaan deegaanadii lagu dagaalamayna ay ka xoreeyeen.

Deegaanka Beerxaano ee dagaalkaas culus uu ka dhacay ayaa jihada koonfur ka xiga magaalada Beledweyne, wuxuuna u dhow yahay wabiga Shabeelle oo dhinaca galbeed ay ka joogaan Al-Shabaab.

Sarkaalka u hadlay ciidanka xoogga dalka ma uusan shaacin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkii ay galabta la galeen Al-Shabaab, oo caawa maqribkii soo gaaray.

Sida ay ogaatayb Caasimada Online deegaanka Beer-xaano iyo deeganada ku teedsan ee dagaalka uu ka dhacay ayaa laga saaray Al-Shabaab, waxaana caawa kun sugan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo aad u abaabulan.

Dagaalkii lagu xoreeyey deegaanadaas oo ahaa mid culus, dhowr jeer-na la isku rogaal celshay ayaa caawa soo gaaray, waxaana ugu dambeyntii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka u suurta gashay inay gacanta si buuxda ugu dhigaan deegaanadii lagu dagaalamay galabta.

Dagaalka ka socday gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreeyey guud ahaan deegaanada bari ee gobolkaas ayaa hadda ku fiday galbeed oo dhul badan ay Al-Shabaab weli ka joogaan.

Ciidanka maanta weeraray Beerxaano iyo deegaanada u dhow ee koonfur ka xiga Beledweyne ayaa qorsheynaya inay ku sii socdaan dhulka weli ku jira gacanta Al-Shabaab oo Hiiraan ka tirsan.

Gobolka Hiiraan waa kan ugu adag oo Al-Shabaab ay ku mintidayaan dagaallo culus-na ay ku gelayaan, balse waxaa muuqata in hadda loo jigeystay deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolkaas ay kooxdu ka joogtay mudooyinkaan.

Tallaabadii ay qaaday DF oo meesha ka saareysa dhaqaale ay heli jirtay Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ay hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa horumarinta ku faraysay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guuraan dalka.

Amarkan oo kasoo baxay wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa waxa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dakhliga dalka iyo arrimaha shaqo abuurka.

Go’aankan oo faa’iido badan u leh Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu meesha ka saaraya dakhligii faraha badna ee hay’adahan gelin jireen dalka Kenya.

Hay’adahan ayaa intooda badan hadda degan Kenya, waxaana muddooyinkii dambe faa’iido badan ku qabay dalkaasi, haday noqoto madaxda iyo shaqaalaha ay qaadanayaan iyo haddii ay noqoto kharashka ay bixinayaan.

Marka ay hay’adahaan usoo guuraan dalka waxay kusoo kordhinayaan dhakhliga ay ku kireystaan gaadiidka, guryaha, agabka ay iibsadaan, cuntada iyo dhamaan tas-hiilaadka kale oo ay xitaa isgaarsiinta kamid tahay.

Fa’iidada kale ee arrintaan ay leedahay ayaa waxaa kamid ah in gudaha dalka ay ka qabsoomaan siminaarada, shirarka, aqoon isweydaarsiyada, daraasadaha iyo dhamaan howlaha kale, kuwaasi oo kasoo xaroonaya dakhli gudaha ah.

War-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu “inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.”

DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay qaraxii ay ku dhinteen 101 qof ee ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa ee 30-kii bishii Janaayo ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Qaraxaasi oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, ayada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankood ahaa saraakiil boolis.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn u cambaareysay falkaan, ayada oo xustay inay kasoo horjeedo waxkasta oo ka hor imanaya qiyamka iyo mabadi’da aadanaha.

“Soomaaliya waxay si weyn u cambaareyneysa falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.”

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ee ehelkooda ku waayey qaraxyada, ayada soo kabasho deg-deg ah u rajeysay dhaawacyada.

Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid kamid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaaladaas oo ku taalla meel 20KM u jirta xuduuda Afghanistan.

Peshawar ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay fulisay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Taalibaanta Pakistan. Hase yeeshee kooxda ayaa markan iska fogeysay weerarkan dadka badan ku dhinteen.

Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku uruursanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha Shabaabka ah, ayada oo halkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Beerxaano oo dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay ciidamada kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Tarashante, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu socday dagaalka ciidan gurmad ah oo uu hogaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-galo kala duwan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howl-galada ay ug hortagayaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howl-galada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa.

Somalia condemns terrorist attack in Peshawar mosque

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation has condemned the terrorist bombing at a mosque in Peshawar, Pakistan, on Monday, resulting in multiple fatalities and injuries.

On Monday, A suicide bombing at a mosque within the city’s main police headquarters claimed the lives of at least 101 people and injured at least 225, mostly police officers, on Monday. The attacker, who managed to slip into the highly secured compound undetected, detonated the explosives among a group of worshippers.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation affirmed that Somalia “strongly condemns these criminal acts and permanently rejects all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability in contravention of human values and principles.”

“The Ministry expresses its sincere condolences to the government of the Islamic Republic of Pakistan and its people and the families of victims of this heinous crime,” the statement read. “We also extend our wishes for a speedy recovery for all those injured.”

It is the deadliest attack in Pakistan in five years and reminiscent of a time more than a decade ago when the city of Peshawar, located near the former tribal areas bordering Afghanistan, was plagued by severe militancy.

All those killed, except three people, were police, making it the worst loss for Pakistan’s security forces in a single attack in recent history, with only three fatalities not being police officers.

Pakistan’s Defense Minister, Khawaja Mohammad Asif, blamed the attack on the Pakistani Taliban, also called Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP),  alleging that they were operating from Afghanistan. He called on the Afghan Taliban to take action against the TTP. However, the TTP has denied involvement in the attack, and no group has claimed responsibility. 

The Interior Minister, Rana Sanaullah, suggested that a breakaway faction of the TTP may be responsible.

Monday morning’s bombing, which left at least 225 wounded, raised alarm among officials over a significant security breach at a time when the Pakistani Taliban, the main anti-government militant group, has stepped up attacks, mainly targeting the police and the military.

Pakistan is grappling with political and economic turmoil amid a disputed election and the aftermath of last summer’s devastating floods, which claimed 1,739 lives and caused the destruction of over 2 million homes, with parts of the country being submerged to as much as one-third. The recent bombing only exacerbates the challenges the nation is facing.

Go’aano xasaasi oo laga soo saaray shirkii Xasan Sheekh, Abiy Ahmed, Geelle iyo Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, madaxweynaha Kenya William Ruto, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo iyagu galinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.

Shirkan u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxda ayaa waxay fallaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxdan ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howl-galadii lagu xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan dalka, kuwaasi oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol.

Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey madaxda dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

Shirka ay maanta Muqdisho ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya marti-geliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha ATMIS ay uga baxayaan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan qorshaha ka bixitaanka ATMIS (ex-AMISOM) ee Soomaaliya.

Danjire Larry Andre ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageersan tahay qorshahan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim ah oo u baahan isku-dubarid iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah, si loo dhameystiro guulaha nabada iyo amni kusoo dabaalida dalka.

“Waa muhiim qorshaha kala guurka ee xiliga ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay kala wareegayaan amaanka dalka, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayna amniga la wareegto dowladda dhamaadka 2024-ka,” ayuu yiri.

“Waxaa loo baahan yahay qorshe iyo isku-dubaridid howlahaas oo wada-jir ah oo si wanaagsan la iskula shaqeeyo ayna AMISOM door muhiim ah ay ka ciyaarto sidii loo dhameystiri lahaa guulihii nabadda iyo amni kusoo dabaalida ee qorshuhu ahaa ayaga oo tallaabo kasta la kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Mareykanka uu taageero ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gaarka u ah dowlad-goboleedka, ayna ka go’an tahay joogteynta howl-galada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

“Waxaa siina tababaro iyo qalabeyn intaba sidoo kale waxaa wada-shaqeyna dhamaan ciidamada qeybahooda sida ciidanka Gorgor oo iyagana tababareen Turkiga, si guud ahaan ayaa u horumarinayna ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya nooc walba oo ay yihiin.”

“Meelaha aan ka caawino waxaa kamid ah sida saadka iyo qorsheynta, sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah taageerada ciidanka qalabka sida, Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ayaa door muhiim ah ku leh garab istaaga ciidanka.”

Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.

Sawirro: Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxda dalalkan oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa waxaa garoonka ugu tegay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, si ay usoo dhaweeyaan.

Sidoo kale madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Kenya iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo mid mid usoo gaaray Muqdisho ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka.

Intaas kadib madaxdan ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ku marti qaaday magaalada Muqdisho oo ay uga qayb-galayaan shirweyne caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan madaxda dalalka dariska ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha saddexda waddan ee lagu soo dhaweeyay Xamar ayaa u mahadceliyay dowladda federaalka iyo shacabka, waxayna sidoo kale boggaadiyeen dadaalada ay wado dowladda dhexe ee ku aadan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maanta la xiray dhaq-dhaqaaqa waddooyinka caasimada iyo sidoo kale garoonka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee dhici kara inta uu socdo shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la filayaa in goordhow uu furmo shirkan oo looga arrinsanayo amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda maraya meel adag, kadib markii ay laba jibaartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb-galaya wasiirada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee waddamadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Arrimaha kale ee shirka lagu gorfeyn doono waxaa kamid ah howlgalka ATMIS oo haatan maraya gabagabo waxana madaxdu ay isla eegi doono qorshaha kala guurka ee howlgalka.

Si kastaba, shirka ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Yaa kusoo baxay kursigii MAHAD SALAAD? + Sawirro

0

Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha shacabka, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay, Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha guud ee hay’adda NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Natiijada soo baxday ayaa aheyd mid filayay, sida aan horay u baahinay, maadaama kursiga markii horeba loo xiray ninka kusoo baxay ee Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo garab weyn ka helay taliye Mahad Maxamed Salaad.

SIdoo kale waxa uu taageero buuxda iyo garab istaag ka helay jufada kursiga leh, taaas oo u sahashay in ugu dambeyn uu kusoo baxo.

 Ilyaas sidoo kale wuxuy horay u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Soomaaliya aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha.

Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka Villa Somalia

0

Muqdisho (Casimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goor sii horeysay oo maanta ah lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen xaafado ku dhow dhismaha xarunta Villa Soonaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqisho.

Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan jidadka, kuwaas oo loo keenay inay xaqiijiyaan amniga caasimada oo uu maanta ka dhacayo shirweyne caalami ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah aya waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha dalka Kenya, madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo la filayo in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxdan oo kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ka shiraya amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shanaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba weerarkan hoobiyeyaasha oo la rumeysan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid lagu qalqal-gelinayo amniga, maadaama caasimada ay la ciir ciireyso wufuud kala duwan oo caalami ah.

Todobadkii hore ayaa weerar kan lamid ahaa lagu qaadag agagaarka xarunta madaxtooyada, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo daganaa degmooyinka Xamarweyne iyo sidoo kale Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Kulane oo qabyaaladeeyey qorshaha Xasan Sheekh ee ciidamada Gorgor ee Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Kulane (Jiis) ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo qorshaha ay dowladda Soomaaliya ciidanka Gor Gor uga soo qaadeyso degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isagoo madaxweynaha ku sifeeyey ‘oday dhaqameed qabyaaladeysan.’

Xildhibaan Kulane, ayaa sheegay in ciidankaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in la geeyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa ka soo jeeda gobolka Gedo, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii gacanta midig u ahaa madaxweynihii hore Farmaajo, door-weyn ayuu ka qaatay sidii talada dalka loogu soo celin lahaa Farmaajo, balse ma dhicin.

Doorashadii kadib, Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo markii hore muujiyey mucaaradnimadiisa dowladdaan cusub ayaa is gaabiyey mudooyinkii dambe, balse hadda ayuu dhaliil adag ka keenay qorshaha dib loogu soo celinayo ciidankii uu Gedo geeyey.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo dhameystiran:

Dooda uu qabo xildhibaankaan ayaa ah, in amniga degmada Beledxaawo uu dayacmayo, iyadoo la xoojinayo kan degmada Xarardheere, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo masuuliyadda uu u qaaday umadda Soomaaliyeed oo qabiil gaar ah uusan u eexan.

Waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya go’aansaday amarna ku bixiyey inuu ururka Gorogor ee amaanka iyo nabadda degmada Belexaawo mas’uulka ka ah loo daabulo degmada Xarardheere.

Madaxwayne, waxaa laguu doortay oo laguu dhaariyey Madaxwaynaha Qaranka Soomaaliya ee laguuma dooran oday dhaqameed qabiil.

In degmada Baladxaawo la dayaco si Shababka usoo weeraraan, degmada Xarardheerana la adkeeyo difaaceeda, waxaa loo arki karaa inaad raali ka tahay in degmada Baladxaawo maamulkeeda Shabaab la wareego.

Madaxwayne, adigaa Madaxwayne u ah labada degmo, mas’uuliyaddeedana ku saaran tahay. Waxaan ku xasuusinayaa gabaygii uu tiriyey Allaha u naxariistee

C/llaahi Suldaan Timacade uuna ku  yiri: “DUGSI MA LEH QABYAALADI”.

Eebbe talada wanaagsan hakugu aadiyo ee danta dalka, dadka iyo Diinta ay ku jirto (una dhaaratay).