27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka cusub shirka Lafta-gareen iyo mucaaradkiisa?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo laf-dhabar u ah dadaalada lagu rabo Koonfur Galbeed heshiis ah ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socda gobolka Bakool oo magaalada Baydhabo u jooga shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda gobolka Bakool ayaa waxaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista shirkaan iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayaa waxay guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa islamarkaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Aadan Madoobe oo Baydhabo ku sugan muddo ku dhaw bil ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Al-Shabab threatens banks as Somali government targets group’s revenue

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somalia-based militant group Al-Shabab has issued a warning to local banks and money transfer firms, urging them not to “expose” their clients or risk facing punishment.

The move comes in response to the Somali government’s decision to crack down on the group’s sources of revenue.

Last month the government announced it has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, per Prime Minister Hamza Abdi Barre. 

“The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” the Prime Minister said. 

In response, the group’s official spokesperson, Sheikh Ali Dheere, stated that Al-Shabab would not “accept” the practice of some banks giving “information” about their customers to strangers, referring to the government.

He added that such acts are ” unethical ” and “punishable.” This is the first time Al-Shabab has targeted financial institutions in Somalia, where the group is believed to channel most of its revenue.

Al-Shabab is known to generate revenue through various means, including punitive taxation and ransom payments. Al-Shabab uses part of its revenue to pay its active fighters and maintain its territories.

A report by the United States estimates that the group has an annual budget of $100 million, with $24 million allocated for the purchase of weapons. 

Sheikh Ali Dhere believes that the plan to target banks and reveal the clients who provide funding to the group is a component of a broader US strategy to target Somalia’s financial institutions.

“The United States has invested significant effort in developing a plan to enable the Somali government to implement it. The goal of this plan is to gain control of Somalia’s wealth,” stated Sheikh Ali Dhere.

In its efforts to tackle Al-Shabab, the Somali government has adopted a multi-pronged approach that includes ideological tactics and financial control in addition to military fronts.

President Hassan Sheikh Mohamud believes that targeting the group’s financial accounts can significantly reduce their activities in central and southern Somalia.

He stated that the government is closing the group’s bank accounts and shutting down mobile money transfer firms connected to them to ensure security.

The government’s decision to focus on cutting off the group’s sources of revenue is seen as a crucial step in weakening the group’s capabilities and reducing its activities in central and southern Somalia.

However, it is unclear how effective this strategy will be in the long run.

While cutting off the group’s access to financial resources may weaken its capabilities in the short term, the group will likely find alternative ways to generate revenue.

Additionally, the group’s reliance on threats and intimidation may make it difficult for banks and other financial institutions to operate in the country.

WASIIR caawa lagu dilay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Farxiyo Cabdi Waasuge oo aheyd wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka Haweeneydaas ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Gabadhaan ayaa ka soo jeeday beesha Saruur ee Habargidir oo dhawaan bilowday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kuna guuleysatay inay kooxda ka xoreysato Xarardheere iyo deegaano kale oo ay degto.

Al-Shabaab ayaa caan ku ah inay Muqdisho ka ugaarsadaan dadka ugu muhiimsan beelaha ay kala kulmaan kacdoonka, iyadoo la xasuusto beegsi ay horay kooxdu ugu sameysay beelo aan ka xusi karno Dir, Xawaadle iyo Saleebaan, kuwaas oo haldoor badan looga dilay Muqdisho.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen gabadhaan wasiiru dowlaha ka aheyd wasaaradda gaadiidka Galmudug, markii laga soo baxay salaadii cishaha ee caawa, waxayna ka baxsadeen goobta.

Inkastoo Al-Shabaab looga gacan sareeyo dagaallada ka socda gobollada dalka oo dhul badan ay lumiyeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, hadana kooxdu waxay weli awoodaa inay dilal qorsheysan ka fuliso gudaha caasimadda Muqdisho.

Muqdisho oo ah magaalada ugu muhiimsan dalka, qof kasta oo Soomaali ah oo aan deganeyn waa booqdaa, ama waa ku hamiyaan inuu tago, laakiin waxaa looga maara la’yahay dilalka qorsheysan ee argagixisada, taas oo cabsi badan ku heysa shacab iyo masuul, qof kasta oo ku nool magaaladaan.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ‘Garanwaa’ u bixiyey kooxaha dila dadka ee hadana ku dhex dhuunta magaalada Muqdisho, wuxuuna iclaamiyey howlgal qof iyo guri ah, si loo aqoonsado Garanwaaga.

Inkastoo ciidamada ammaanka ay dhaqdhaqaaq iyo xooraan intaba sameeyaan, hadana lama soo qabto kuwa dadka dila ee Muqdisho ku dhex dhuumaaleysta, taas oo xujo weyn ku ah dowladda Soomaaliya oo ku hamineysa in waayo dhow ay saaxada ka tir-tirto kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirka wasiirka la dilay

Daawo: Wasiirka difaaca oo farriin ka soo diray furimaha dagaalka ee Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa farriin u diray Al-Shabaab.

Farriinta wasiirka ayaa si gaar ah ugu socotay dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta koxoda Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu wasiirku aad u amaanay ciidamada qaranka ee u dhabar adeygay soo hoynta guulo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

“Halkaan aan joogno waa deegaan, waa jabeen Khawaarijtii, waxaan maanta farriin u dirayaa dhalinyarada la qalday, waxaad leyneysaan dad muslimiin ah, waxaad ku cayaareysaan naftiina, walaalayaalow qaladkaan ka soo noqda, weli fursadaa heysataane,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo maalmo badan ku sugan gobolkaas Mudug ayaa sheegay inuu soo arkay hoogga iyo ba’a ay ku noolyihiin dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab, maadaama uu joogo furimaha dagaalka.

“Dowladiina iyo dadkiinu waa idin soo dhaweynayaan hadaa noo soo laabataan, sidaa ku jirtaan waa hoog iyo ba’ maalin kasta waa gubaneysaan, halaag adduun ayaa ku nooshihiin, kii aakhirana waa idin sugayaa,” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in Shabaab laga adkaaday, isagoo yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Khawaarij waa jabtay, inta hartayna waan is raacineynaa insha allaah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka oo farriintaan isaga soo duubay Cabdi-bile korkiisa ayaa yiri, “In maanta aan halkaan soo gaarno oo shacabkeena deegaanadaan fog ku nool ay xornimo dareemaan waxaa suurta geliyey ciidankeena geesiyaasha ah, Allaha idin abaalmariyo.”

Wasiir Jaamac ayaa maanta sheegay in internet-kii ugu horeeyey ee abid laga isticmaalo ay maanta ku guuleysteen in la gaarsiiyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo kooxda Al-Shabaab ay maamuleysay intii ay aas-aasneyd.

“Taariikhda hala geliyo Xarardheere internetkii ugu horeeyey ayaa galabta laga daayey wicidii ugu horeysey oo WhatsApp ahna anaa hadda sameeyey.
Shacabkayagoow Guuleysta,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

Daawo: Al-Waajidi oo BF ka hor sheegay arrin ku saabsan khilaafkii Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimadii dhawaan ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa maanta fadhigooda ugu tagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo u sameeyey baraarujin.

Culimadaan ayaa guddoonka golaha ka codsatay inay kalmado baraarujin ah ka hor jeediyaan xildhibaanada, sida uu kulankii maanta ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow.

Sheekh Xasan Al-Waajidi oo ka mid ahaa culimadii maanta lagu casuumay kulankii xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn kulanka ka akhriyey Qur’aan.

Markii uu soo gabagabeeyey akhrinta Qur’aanka ayuu jeediyey khudbad baraarujin ah, isagoo sheegay in xildhibaanada uu u sameeyey xirsi xir, ‘Waxaan niyeystay inaan Golaha Shacabka Qur’aan saaro, horay  waxaan u Quraan saaray Madaxtooyada oo khilaaf ka jiray, si Sheydaanka iyo Jinigu uga baxo,” Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in hadda ka hor lagu casuumay madaxtooyada oo khilaaf adag uu ka taagan yahay, isla markaana uu Qur’aan ku akhriyey, si sheydaanka uu uga xijaabo madaxda.

“Waa waajib i saran in aan dalka qur’aan u akhriyo, habeen kale ayaan tegay iyadoo sidii uu khilaaf uga taagan yahay madaxtooyada, labada guri ee madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaan qur’aan la dhex istaagay, si khilaafka looga baxo, sababtoo umadii waa dhibaateysan tahay, madaxdiina waa dagaashan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Xasan Al-waajidi.

Shiiqa ayaa xildhibaanada xasuusiyey in dad Soomaaliyeed oo dowlad la’aan ah ay sugayaan, isagoo kula dardaarmay inay khilaaf ka fogaadaan oo danta dalkooda ay ka fekeraan mar kasta.

“Soomaali hadaan nahay aqoonta diinta islaamka kaalinta ugu horeysa ayaan uga jirnaa, markii la joogo adduunka, gudaha dalka markii la joogo waa in muhiimad weyn la siiyo diinta islaamka, idinka dhan waxaan idinka codsaneynaa, in shareecada islaamka lagu maamulo dalkaan,” ayuu yiri Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Hoos ka daawo

R/W XAMZA oo xil sare u magacaabay Xamza Xaadoow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilkan u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, wuxuuna bedelaya Amb. Maxamed Cali Nuur oo xilkaan hayay tan iyo horaantii 2020-kii, oo markaas ay u magacowday wasaaradda arrimaha dibedda.

Magacaabistan ayaa dhaqan-galeysaa maanta oo taariikhdu tahay 28-da Janaayo 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku howlan dib u qaabeynta xukuumadda, ayada oo dhawaan uu golaha wasiirada Soomaaliya xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Sharciga NISA oo la geeyay BF iyo dood ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loogu qeybiyay sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Kulanka maanta oo uu guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow ayaa waxa xildhibaanada la siiyay mmuddo 3 maalmood ah oo ay kusoo akhriyaan sharciga cusub ee NISA.

Abshirow ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan loo raacayo xeerka, islamarkaana 3 berri kadib la isugu soo laaban doono doodiisa, xilli kal hore ay dhacday in guddoonka Golaha uu cod galiyay sharci aan la marin nidaamkii xeerarka, kaasi oo dood badan ka dhalisay Golaha.

Xildhibaanada qaarkood ayaa guddoonka Golaha Shacabka ku eedeeyay in la dadajiyay sharciyo hore oo qaarkood hal mar laga dhigay laba akhrin, taasi oo keentay in mudanayaasha golaha ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan sharciyada la horgeeyo golaha.

Inkasta oo sharcigan uusan mad-madow badan ku gadaamneyn ayna tahay markii u horeysay ee hay’adda NISA ay yeelato sharci ay ku dhaqanto sanado badan ayaa haddana waxay xildhibaanada qaarkood qabaan in waqti la siiyo, taasi oo keentay in saddex maalmood kadib la isugu soo laabto.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Sharcigaan ayaa waxa la rumeysan yahay in uu dabrayo madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn.

Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd. Sidoo kale cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharcigan ayaa waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto.

Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda.

Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo.

Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka.

Sharciga cusub ee NISA ayaa waxa uu soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’addan.

Cali Dheere oo si caro leh uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka.

Cali Dheere ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qorshe uu Mareykanku wax badan kasoo shaqayay, uuna u diyaarsaday (dowladdii) u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawl-geli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Waxaad ogtihiin in Mareykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan.”

Waxa kale oo uu sheegay in kooxda ay isha ku hayso bangiyo uu ku sheegay ajaanib oo raba inay yimaadan gudaha Soomaaliya “Waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.”

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay inay xirto akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli socda dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.

Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.

Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.

Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.

Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.

Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.

1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.

Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.

In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.

2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah.

Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas.

Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka.

Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda.

Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka.

3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda.

Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.

Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen.

4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.

Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada.

Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.

Turkiga oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib falkii lagu gubay qur’aanka ee Denmark

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa u yeertay danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”.

Arrintan ayaa daba socota kadib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan.

Rasmus Paludan oo u dhaq-dhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, kadib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.

Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhamaan xubnaha isbahaysiga NATO.

Turkiga ayaa dhawaan muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga.

Waxa kale oo uu sheegay in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.

Daawo: Mahdi Guuleed oo markii u horreysay war kasoo saaray arrinta Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahadi Guuleed oo haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana shantii bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mahdi Guuleed ayaa cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaasha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabirayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda.

“Ugu horreyn waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Xildhibaan Mahadi Guuleed oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa farriin u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda.

“Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dhammeystaan,” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana maanta magaaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Ismimada ayaa la filayaa in go’aan ka soo saaray xaaladda taagan iyo  sidii laga yeeli lahaa ciidanka Somaliland, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday.

Sidoo kale waxaa shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

MADAALE oo shaaciyay arrin ay sameynayaaan ka dib weerarkii gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay amaanka.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku boggaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore.

“Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonaan wax kasta oo looga hortagayo abaabulka kooxda.

“Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaraym haddii uu Ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Weerarkii gobolka Banaadir oo saacado qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

Si kastaba, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socdo gobollada dalka.

Sawirro: Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ciidanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen.

Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

Arrimahan waxay ku soo aadayaan, maalmo ay xaalad adag ku jirtay Laascaanood oo rabshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka.

Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool.

Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidamada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shireynahaha maanta ka furmay halkaasi.

Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamadeeda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia.

 

Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

Qudus (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta. 

Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza.

Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeeray “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.”

“Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yiraahdeen booliska.

Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska. 

Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel.

Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.”

Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel.

Goorta lasoo dooranayo kursiga xildhibaan ee MAHAD SALAAD oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo booskaasi.

Kursiga jadwalkiisa la shaaciyey ayaa ah HOP147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayey xubnimadiisii Baarlamaanka oo uu muddo ka soo tirsanaa.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in maantaba la guda-galayo diyaar garowga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo.

Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha.

Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano xoogan, taas oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xoogan.

Wasiir Khadiija oo farta ku fiiqday dhibaato kale oo Al-Shabaab ku hayso dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi oo ka hadashay dagaalka Al-Shabaab ayaa iftiimisay in dhibaatada Shabaab aysan ku koobneyn dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigeyso Jiilalka soo socda.

“Al-Shabaab waxay 15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab jartay mallaayiin geed oo ay dhuxul u bedeleen si ay uga ganacsadaan, una dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maal-geliyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxay sheegtay in arrintaan ay ku kacday Al-Shabaab ay dhul badan ka dhigtay lama degaan, kuwaasi oo markii hore ahaa kaymo iyo dhul-beereed.

“Tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore ahaa Keymo, Dhul-daaqsin iyo Dhul-beereed, laf-dhabarna u ahaa wax soo saar dalka.”

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dadka iyo deegaanka.

Al-Shabaab oo sanado badan dhibaatooyin kala duwan ugeystay bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda wuxuu dagaal xoogan kaga socdo qeybo badan oo dalka, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Bangiga Afrika oo hal arrin ku amaanay DF + Sawirro

0

Dakar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo kulan gaar ah magaalada Dakar ee dalka Senegal kula yeeshay Wasiirka Maaaliyadda dowlada Somalia ayaa ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen deyn cafinta.

Ugu horreyn wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Dr. Akinwumi Adesina warbixin ka siiyay xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliyam horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sidoo kale  kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn dowladda dederaalka Soomaaliya ka sameysay.

Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw, taas oo fursad u siineyso helida maal-gashi caalami ah.

Dhankiisa Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo ka hadlay madasha ayaa ku bogaadiyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka.

Dr. Akinwumi Adesinaa ayaa shaaciyay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.

Madaxweynaha ayaa intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka laga wada cafiyo deymaha waxay u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Palestinian gunman kills 7 in East Jerusalem shooting

Jerusalem (Caasimada Online) – A Palestinian gunman opened fire outside a synagogue in East Jerusalem, killing seven people and injuring three others on Friday night.

The attack, which occurred during the observance of the Jewish Sabbath, has been deemed the deadliest attack on Israelis in years and has raised concerns of potential further bloodshed.

The shooting has also posed an early challenge for Israel’s new right-wing government, which is dominated by ultranationalists who have advocated for a hard line against Palestinian violence. 

Israel’s police chief Kobi Shabtai called the shooting “one of the worst attacks we have encountered in recent years.” It also fell on International Holocaust Remembrance Day.

“As a result of the terror attack, seven civilians were pronounced dead, and three additional civilians were injured,” police said.

In response to the attack, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu held a security assessment and announced immediate actions. He plans to convene his Security Cabinet on Saturday night to discuss further response.

Though he did not elaborate on what these actions may be, he emphasized that Israel would act with “determination and composure.” He also called on the public not to take matters into their own hands.

The United States issued a statement condemning the attack and expressing condolences for the loss of life. White House Press Secretary Karine Jean-Pierre stated that the U.S. would extend full support to the government and people of Israel.

Israeli police identified the attacker as a 21-year-old East Jerusalem resident who appeared to have acted alone. The police chief promised an “aggressive and significant” effort to track down anyone who may have assisted the shooter.

The attack has prompted Defense Minister Yoav Gallant to instruct security officials to assist police and strengthen defenses near Jerusalem and Jewish settlements in the occupied West Bank.

The attack also led to celebrations in both the occupied West Bank and Gaza Strip, where people fired guns into the air, honked horns, and distributed sweets.

This has escalated tensions that were already heightened following a military raid in the West Bank town of Jenin on Thursday, which resulted in the deaths of nine people, including at least seven militants and a 61-year-old woman. The raid was the deadliest in the West Bank in two decades.

The attack threatens to trigger a tough response from Israel and has cast a shadow over U.S. Secretary of State Antony Blicken’s visit to the region.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn dalka Soomaaliya uguna dadka badan ayaa dadka yaqaana sida loo dego waxay u kala qeybiyaan ama u kala tilmaamaan waqooyi iyo koonfur, tilmaantaas waxaa lagu saleeyaa qadkii cagaarnaa ee beri kala qeybi jiray Muqdisho.

Hadda waxaa timid su’aal ah maxay Muqdisho uga koreysaa koonfur oo waqooyi ay u maalgasha la’yihiin dadka dega oo aan ka dhaqaale yareyn qabaa’ilka dega dhanka koonfureed ee magaalada.

Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa warbixin ka diyaariyey arrintaan, isagoo isku maray koonfurta iyo waqooyiga caasimadda Muqdisho, weliba xilli habeen ah.

Weriyaha ayaa la kulmay ganacsato iyo gaadiidley, wuxuu weydiiyey hanaanka ay u shaqeeyaan, warbixintaan waxaa soo galaya arrimo quseeya amniga oo dadka reerv Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan.

Isgoysyada KM 4, Dabka, Jubba, Xeebta Liido iyo goobo kale ayuu socod ku marayaa weriyaha diyaariyey warbixintaan oo soo bandhigeysa magaalada oo qeyb ka densan, qeybna aan laga hoyan.

Weriye Xuseen, wuxuu la kulmayaa oo istaajinayaa dhalinyaro wada mooto Bajaaj, waa xilli habeen ah, wuxuu ka dalbanayaa in ay geeyaan Kaaraan, balse wuxuu kala kulmayaa diidmo adag, iyagoo u sheegaya inay ka baqayaan tuugo.’

Sidoo kale goobaha uu Bajaaj-leyda qaar ka dalbaday inay geeyaan waxaa ka mid ah Carafaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse waa ay ka cudur-daaranayaan, iyagoo si cad ugu sheegaya inay ka baqayaan in tuugo dhibaateyso.

In kastoo Muqdisho aysan kala ammaan wanaagsaneyn oo degmo kasta ay tuugadu dhac ka geysato, hadana waxaa jira degmooyin aad looga baqo, kuwaas oo maamullada ka jira aysan xil iska saarin inay wax ka bedelaan caqabadaha amni ee bulshadu ay dhibanaha u tahay.

Hoos ka daawo warbixinta

Al-Shabaab oo mar kale afduubatay dad isku beel ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Dadkaan ayaa maanta laga afduubtay deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow oo hoos taga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanadaan waxay u dhowyihiin wabiga Shabeelle.

Kooxda afduubatay dadkaas waxaa la sheegay inay ka soo talaabeen wabiga Shabeelle, waxaana dadkaan intooda badan laga watay guryahooda.

Dadka la afduubtay oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraley, waxayna Al-Shabaab la aadeen dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, maadaama uu gobolkaas kala baro wabiga Shabeelle oo bari iyo galbeed u kala qeybiya.

Al-Shabaab ayaa toos u ugaarsata dadka u dhashay beesha Xawaadle oo dagaal adag la gashay kooxda, waxayna isugu dartaa dil iyo afduub, si beesha loogu cadaadiyo inay ka baxdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta badan dhulka ay gobolka Hiiraan ka degto beesha Xawaadle ayaa laga saaray Al-Shabaab, balse weli kooxdu waxay wadaa cadaadis ka dhan ah beesha, si dagaalka kala dhexeeya ay xal ugu hesho.

Tobanaan qof oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa u afduuban Al-Shabaab, dadkaas intooda badan waxaa la xaqiijiyey in lagu haayo deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab ay weli ku xooggan yihiin.

Beesha Xawaadle ayaa furo u noqotay gulufka dagaal ee dalka uga socda Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo in sanado ama bilo kadib uu horseedi doono in saaxada laga tir-tiro kooxda Al-Shabaab.