26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka Ciyaaraha Fiinaalka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya xulalka Argentina & France oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar.

Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqanayo waddankaan yar ee Qatar, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa safarkan kii ka horreeyay wuxuu ku tegay magaalada Washington, halkaas oo uu uga qayb-galay shirka iskaashiga Mareykanka iyo Afrika, isaga oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka.

FIQI oo soo faro-geliyey kiiska mid ka mid ah xubnihii shalay dilka lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa soo faro-geliyey kiiska nin ka mid ah sideed qof oo shalay ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Kiiskan ayaa la xiriira Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama), kaasi oo dil toogasho lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu dilay Maxamed Xaashi Faarax.

Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuum Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in hubin dheeri ah lagu sameeyo kiiskan, sida ku cad qoraal uu soo dhigay Facebook.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo dadka qaar ay u damqadeen Cabdinaasir, halka qaar kalena ay wasiir Fiqi ku eedeeyeen inuu soo faro-geliyey howl u taalla Maxkamadda oo aan shaqadiisa aheyn.

Tallaabada Fiqi uu qaaday ayaa ka hor-imaneysa hadal uu horey u jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga digay inaan lagala hadli karin qof lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo, islamarkaana xukunadooda loo daayo maxkamadaha. 

Cabdullaahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiisa ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow, kaasi oo dil toogasho lagu xukumay.

Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo baxay Cabdullaahi Xaashi Faarax ee ku aadan facelintiisa xukunka ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Waa nasiib daro weyn in qof aan denbi gelin loo toogto qof kale oo denbiila ah si loo badbaadiyo denbiilaha dhabta ah waana arin soo jiri jirtey hadeyba tan dhab tahay waana fal laga argagaxo wllhi,” ayuu yiri Baashi Xasan oo ka falciyey qoraalka Cabdullaahi Xaashi.

“Adigu mar hadii aadan taagnayn qofka walalka dilayna aadan hebel oran karin se ku ogaatay inuusan ninkaani dili ?” ayuu yiri wiil Facebooka ku soo gala magaca Philoşopher.

“Wa arin aad loga xumaado runtii,” ayuu isna yiri Shaafici Hanad.

“Brother hadaa cadeyn ku heysaan askarigii dilay wiilka maxkamadiina kiisa weecisay yuusan askarigaas magaalka laafyoone halaga adeegto warkana halkaas haku xirmo.” ayuu yiri Mursal A. Warsame.

Musharaxiinta K/G oo soo saaray go’aan culus kana hor-yimid qorshaha A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku qaadaceen qoraal ay maanta wadajir u soo saareen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale golaha ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeya 19-ka bishaan uusan Laftagareen heysan sharciyad uu ku sii joogo kursiga, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay baaqashada shirkii uu horay u iclaamiyey Aadan Madoobe in la isugu yimaado 19-ka bishaan December.

“Goluhu wuxuu cadeynayaa in habayaraatee wax wadatashi ah aan lagala sameyn war-murtiyeedkii uu maanta soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna goluhu cadeynayaa in si buuxda uu u qaadacay bayaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Golaha ayaa sheegay in K/Galbeed uu weli ka jiro nidaamkii dalka ay ku soo maamuli jirtay Nabad iyo Nolol, sida caburintii bulshada, xanibaadii safarada iyo mudo kororsigii sharci darrada ahaa.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu soo dhaweeyey sii deynta siyaasiyiin ku xirnaa K/Galbeed, iyagoo dalbaday in lasii daayo siyaasiyiin kale oo ay ka xuseen Xasan Aadan Ilkacase oo maamulka u xiran.

Sidoo kale waxay golahaan soo dhaweeyeen in dib loo furay kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas oo xirnaa mudo ku dhow hal sano, iyagoo soo jeediyey in waajibaadkooda dastuuriga ah loo madax-baneeyo Xildhibaanada.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo la eryay + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee maamulka Puntland, Maxamed Saciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kadib warqad uu soo saaray Sabtidii oo ay aheyd 17-ka December.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Sharaa’ake Xasan Cali inuu sameeyay ku takrifal iyo musuq-maasuq, isagoo amray in baaris lagu sameeyo.

“Laga bilaabo 17-ka December, waxaa shaqadii laga joojiyay Sharmarke Xasan Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, si baaris loogu sameeyo,” ayaaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta.

Sidoo kale waxaa la hakiyay dhammaan kootooyinka bangiyada u furan Wasaaradda Qorsheynta Puntland, inta uu socdo baaritaanka.

Wasiir Maxamed Saciid ayaa sidoo kale ka dalbaday Hantidhowraha Puntland inuu dabagal ku sameeyo guud ahaan Wasaaradda Qorsheyna, si loo qaado tallaabada ugu haboon.

“Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Puntland waxaa lagu wargelinayaa in baaris maaliyadeed iyo maamul lagu sameeyo Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Wasiir Maxamed Saciid.

Go’aankan shaqo joojinta ayaa lagu wargeliyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida ku cad warqadda oo ku taariikheysay 17-ka December oo ay ku beegneyd shalay.

Daawo: Guddoomiye Cali Jeyte oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ee ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa mar kale balan qaaday abaalmarin uu siinayo qofkii soo dila qof Shabaab ah.

Balan-qaadkaan cusub ayaa quseeya xubnaha Shabaab ku jira, isagoo sheegay in qofkii Shabaab ah oo qof kale oo Shabaab ah soo dila uu siinayo 10 ilaa 30 kun oo dollar, isla markaana la cafi doono.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa xubnaha Shabaab ku jira ka balan-qaaday hadii ay soo dilaan horjoogayaashooda inuu lacag badan siinayo, cafisna ay dowladdu sii doonto.

“Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku faanay in wiilashiisa ay dhinacooda uga jiraan halganka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ciidanka ku adkeeyey in kooxdaas ay deg deg dalka uga xoreeyaan, si looga badbaado dhagartooda.

“Anigu dagaalka ayaan ku jiraa kolonyo aan dhalay ayaa sidoo kale dagaalka ku jirta oo ciidanka ka tirsan, weligiin ma maqasheen Cali Dheere wiilkiisa meel uu ka dagaalamayo? Dhiiga dadkeena ayey ka beec-mushtaraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aduunka meeshii uu dalbado la geyn doono qofkii soo dila Cali Dheere ama sarkaal kale oo Shabaab ah.

Hoos ka daawo

Mas’uul maamulka Afgooye ka tirsanaa oo la dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay mas’uul sare ee oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye lagu dilay degmadaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiye waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye.

Kooxda dilka fulisay ayaa marxuumka ka toogatay qaybaha sare ee jirka, waxayna kadib ka baxsadeen goobta oo ay mar dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye Mudane Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa war kasoo saaray geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.

Cabdullaahi ayaa sheegay in Marxuum Maxamed uu ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana howlaha muhiim ah u hayey shacabka degmada Afgooye.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA oo shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagga degaanka Juxaay.

Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), kaas oo bayaanka dowladda lagu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu horeyn lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday  dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.”

Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa Shabaab-kii lagu laayey degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, waxaan lala dilay 87 dagaalame, sida lagu shaaciyey warkaan.

“Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa lagu yiri “Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadaystay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.”

CC Shakuur oo madaxda DF u gudbiyey codsi ka dhan ah kooxdii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qormo ka soo saaray askartii laga dilay markii ay gurigiisa ku weerartay dowladdii Farmaajo, 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur madaxda dowladda federaalka ka socday in baaritaan lagu sameeyo oo isla xisaabtan uu ka dhasho weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo dembiyo kale oo awooda dowladnimada lagu geystay intii uu xafiiska joogay Farmaajo iyo xubnihii kale ee la shaqeynaayey.

Hadii dadkii geystay lagula xisaabtamo wixii dhacay ayuu Cabdiraxmaan sheegay in taasi ay ilaali doonto xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisa, isla markaana ay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran:

17 ka December waxay ku beegan tahay, maalinkii ay ciidan Dawladda ah soo weerareen xarunta Xisbiga Wadajir, kuna dileen 5 ka mid ah ilaaladii xarunta, aniga iyo asxaab kalana ay ku dhaawaceen hantina ku burburiyeen, qaarkeedna qaateen. Waxaa kaloo jira gaboodfalo kale oo shantii sano ee ina dhaaftay awoodda Dawladda lagula kacay sida; dilkii Ikraan Tahliil, weerarkii Hoteel Maa’ida, dibad baxii 19 Febraayo iyo isku daygii la doonayey in lagu rido diyaaradii ay Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin kale saarnaayeen.

Waxaan Dawladda Federaalka iyo hoggaankeeda ka dalbanaynaa in baaritaan lagu sameeyo fal danbiyeedyadaas, si ay shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan xaqiiqada iyo dhabta gaboodfalladaas, ciddii ku lug lahaydna sharciga iyo cadaaladda la marsiiyo.

In la iskala xisaabtamo gaboodfalka iyo tacaddiyada awoodda Dawladda lagu gaysto, waxay ilaalinaysaa xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisii, waxay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa, waxay xoojinaysaa saraynta sharciga, waxay dhisaysaa kalsoonida lagu qabo Dawladnimada.

Maanta xukun ma hayaan kuwii gaboodfalka gaystay, awooddii ay shalay lahaayeenna maanta ma laha. Haddaba cadaaladdu waa waddada keli ah ee ay ku qanci karaan intii dhibbanaha u ahayd gabood-falkooda, waana sida keli ah ee looga baaqsan karo in sharciga gacanta lagu qaato.

Allaha u maxariisto shuhadadii 17 Dec iyo intii kale ee lagu dilay gabood-falyada aan soo sheegay, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo. Aamiin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay shirweyne lagu dhisayo Gole Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayaa ku dhowaaqay in dowladda federaalka ay qabaneyso shirweyne lagu dhisayo gole sare oo Islaami ah.

Xasan Sheekh ayaa hadalka ka sheegay magaalada Minneapolis oo uu habeen hore kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed. 

“Waxaan qabaneynaa Shirweyne Culimada Soomaaliyeed isugu imanayaan oo aan kaga tashaneyno dhisidda Golaha Sare ee illaalinta Shareecada Islaamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta Islaamka reebtay. Maanta dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’adaha dowladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.” 

Madaxweynaha faah-faahin kama bixin sida lagu soo xuli doono culimada ka mid noqon doonta golahan, ayada oo la ogyahay in culimada dalka ay ka kala tirsan yihiin firqooyin kala duwan.

Dowladda federaalka ayaa xilligi madaxweyne Farmaajo waxay inta badan ku xirneyd kaliya culimada Ictisaam ama Salafiga oo badankood loo arko inay fikir ahaan yihiin xagjir.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu horey u sheegay in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.

“Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

DF oo shaacisay tirada Shabaab maanta lagu laayey degaanka Daaru-naciim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ku laayey deegaan lagu magacaabo Daaru-naciim oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

War ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Al-Shabaab maanta deegaankaas looga dilay 40 dagaalame, kuwaas oo isku uruursanayey degaanka Daaru-naciim.

“40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay  howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka  ay ka fuliyeen tuulada Daaru-naciim oo ahayd saldhig ay isku abaabulayeen khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warkaan ay tebisay warbaahinta dowladda.

Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ayaa baabi’iyay fariisimihii Khawaarijtu isku uruursanayeen, waxaana Daaru-naciim iyo dadkeeda harsanayaan niicowda xorriyadda.”

Wararka madaxa banaan ee laga helayo deegaanadaas waxay sheegayaan in Al-Shabaab lagu duqeeyey maanta gelinkii hore deegaanka Daaru-naciim, halkaas oo aad loogu laayey kooxda.

Sawirro laga soo qaaday goobihii lagu laayey kooxda ayaa muujinaya meydad aad u badan, iyadoo dagaalyahanadii Al-Shabaab ay ku wada dhinteen dhufeysyadii u qodnaa.

Sawirro: Dowladda oo lagu wareejiyay rag hubeysan oo qeyb ka noqonaya dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ku wareejiyay rag hubeysan.

Raggaan hubeysan ayaa hadda kadib waxay qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee ka dhanka Al-Shabaab, si looga sifeeyo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad-celiyay reer Furqaan garab istaaga ay u muujiyeen Ciidanka Qaranka iyo sida ay uga go’an tahay la-dagaalanka argagixisada.

Madasha wareejinta ciidanka iyo saanadooda ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxyadiin Xasan Jurus iyo saraakiil ciidan.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah baaq uu dhawaan jeediyay Jeneraal Biixi, kaasi oo ahaa in dadka deegaanka ay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya dagaalka Al-Shabaab.

Deegaanka Furqaan oo hoostagta degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa sanado badan gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhawaan ka xoreeyay argagixisada.




Booliska oo soo xiray macallin dugsi qur’aan oo loo haysto falal naxdin leh

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka ay maanta soo xireen macalin dugsi Qur’aan oo lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar.

Gabdhaha loo haysto macalinka dugsiga in uu kula kacay kufsiga ayaa labo kamid ah da’dooda ka yar tahay 10-sanno jir.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Dhuusamareeb.

“Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Maxamuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo labo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u geystay,” ayey tiri Jeneraal Zakiya.

Waxay sii raacisay qoraalkeeda “Waxaana u mahad-celineynaa bulshada sida hufan nagala shaqeysay soo qabashada eedeysanaha. Bulsho iyo boliis is kaashado waxeey ka hortagi karaan balo walba.”

Dhacdadaan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macalinka dugsiga ayaa noqotay mid bulshada aad uga argagaxeen, waxayna hadal heyn badan ka dhalisay Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo maanta xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo loo haystay falal argagixisanimo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka wada-shaqeeyaan dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in raggaan isku xiran lasoo qabtay xili ay ku fashilmeen qorshe ay ka fulinayeen, islamarkaana ay soo dhameysteen dhamaantood habraacyadii maxkamadeed 10-kii bishaan.

“Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahlanaantay Ciidamada aan muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kooxdaan ay ka koobneyd koox jugta culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, kuwaasi oo lahaa Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Xukunada kasoo baxay Maxkamadda ayaa u dhacay sidan:

  1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October sanadkan.
  2. Xasan Cali Xuseen Ibraahim – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawac dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday marxuumka ka hor inta uusan geeriyoon.
  3. Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – waxa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo kan Caafimaadka
  4. Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – waxa lagu xukumay Shan sanno oo xabsi Ciidan ah, waxaana dhex-martay lacag ka badan sedax kun oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad.
  5. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle – waxa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi Ciidan ah, wuxuuna ahaa fura-hayaha guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ay maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, ayna u celisay xorriyadooda.

Xilliga la qabanayo SHIRKA dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo wada saareen ku shaaciyay xilliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi.

War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in furitaanka shirka loo asteeyey 5-ta Janaayo ee sanadka cusub ee 2023-ka, kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ah ayaa waxaa hore ugu baaqay Guddoomiye Aadan Madoobe, ayada oo uu soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo si weyn isku hayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

12-ka bisha December wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Laba maalmood kadib gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxay gaaraan magaalada Baydhabo halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan BFS, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu la kulmay Odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxay isla-qaateen:

  1. In dhamaan  qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.
  2. In la xoojiyo  xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.
  3. In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.
  4. In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.
  5. Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.
  6. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Sawirro: Diyaarad maanta ku burburtay Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaaray burbur xoogan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sawirro laga soo qaaday burbura diyaaradda ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah oo ay ku yaallaa geedo gaagaaban.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Qaadka ay sidday diyaaradda laga soo daabulay, waxaana soo gaaray burbur, maadaama ay kusoo dhacday dhulka.

Ma cadda khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale dowlad goboleedka Glamudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Guddoomiyaha GEDO oo tallaabo culus qaaday kaddib safarkii Janan iyo Fartaag

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed (Canjeex) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, taas oo uga sii dari karta xiisadda ka taagan gobolkaas ee ka dhalatay booqashadii ay shalay ku gaareen wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag

Cajneex ayaa xil ka qaadis ku sameeyay maareeyayaasha garoomada diyaaradaha ee degmooyinka kala ah Doolow, Luuq iyo Baardheere isaga oo magacaabay kuwo cusub.

Mahad Carab Qeys oo ahaa maareeyihii hore ee garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa waxaa lagu beddalay Diiriye Garane Xasan sida lagu sheegay wareegtada soo baxday.

Sidoo kale Saajin Dhaqane oo ahaa maareeyaha garoonka degmada Luuq ayaa waxaa isaguna lagu beddalay Maxamed Qorane Cumar oo loo yaqaano (Dhabarey).

Jaamac Cali Cabdi ayaa waxaa isna lagu beddalay Cismaan Daahir Cabdulle (Qooryarey) oo noqonayo maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Baardheere.

Xil ka qaadista mas’uuliyiintan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa loo sababeeyay inay keentay baahi loo qabo isbeddal lagu sameeyo mareeyayaasha saddexdaas degmo, si loo helo dayactir iyo horumarin lagu sameeyo garoomadaas oo muhiim u ah gobolka Gedo.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale la faray inay la shaqeeyaan maareeyayaasha cusub ee maanta loo magacaabay garoomada Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo.

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay in ay billow cusub u tahay dagaal siyaasadeed oo markale ka qarxa gobolka Gedo, kaas oo ku soo beegmay, kadib booqashadii Janan iyo Fartaag oo dhinaca Mandheera kasoo galay Gedo, waxaana is hortaag ku sameeyay mas’uuliyiinta Gedo, walow mar dambe lagu qanciyay in wafdigan uu tego degmada Dolow.

Xildhibaanada kasoo jeeda K/Galbeed oo ka horyimid muddo kororsiga Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Baaralamaanka Federalka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo muranka hareeyay.

Xildhibaanadan oo gaaraya illaa 13 Mudane ayaa marka hore kasoo horjeestay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sharraxay bayaanka ay soo saareen iyo ujeedka ay ka leeyihiin.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muddo xileedkiisu ka harsan yahay maalmo, islamarkaana ay ka murugsan yihiin mustaqbalka Koonfur Galbeed.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midda doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin” ayuu yiri xildhibaankan oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay doonayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto, islamarkaana aysan raalli ka aheydn muddo kororsiga loo sameeyay madaxweynaha

“Waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn ” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo siyaasadeed, mana muuqato diyaar garow uu hadda maamulka ugu jiro qabashada doorashada, lamana oga sida ay wax noqon doonaan balse waxaa haatan rajo weyn laga qabaa shirka dib u heshiisinta ee uu qabanayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kaasi oo looga hadlay xaaladda taagan.

Muxuu yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka uu la sameynayo Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, ayada oo shaaca ka qaaday inuu sii kobcayo, islamarkaana hormar laga sameeyay sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaaday xiriirka iskaashi ee Mareykanka iyo Somaliland.

Biixi ayaa ku faanay in Somaliland ay haatan meel fiican ka mareyso caalamka, islamarkaana ay hormariyeen siyaasaddooda arrimaha dibadda, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in labada Aqal ee Mareykanka ay ansixiyeen iskaashi amni oo dhex-maraya Somaliland iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta Somaliland caalamka meel fiican ayey ka mareysaa waxaad ogtihiin in labada aqal ee Mareykanka ay baas gareeyeen in dowladda Mareykan ay ku qasbeen inay la yeelato xiriir diblumaasiyadeed & mid amaan Somaliland,’ ayuu yiri madaxweyne Miise Bixii.

Waxa kale oo uu xusay inay u mahad-celinayaan xildhibaanada ka shaqeeyay arrintaasi, ayna filayaan in madaxweynaha uu dhaqan-geliyo go’aankaasi.

“Waxaan uga mahad naqeynaa xildhibaanada gole ahaan ee hirgeliyay dhowaana insha allaah aan fileyno in madaxweynuhu saxiixo,” ayuu markale yiri Muuse Biixi Cabdi.

Ma cadda qaabka uu Mareykanka iskaashi amni ula sameynayo Somaliland, ayada oo xiriir wanaagsan uu la leeyahay Soomaaliya, islamarkaana ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo tababar siiya ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa horey u booqday Mareykanka, isaga oo lasoo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, walow uusan ka helin soo dhoweyn aad u sarreysa.

500,000 oo Soomaaliya ku nool oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay lacag dhan $70 milyan oo lagu  horumarinayo adeegyada biyo joogto ah, beeraha, iyo deegaanka ee bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool dhulka qalalalan ee Soomaaliya. 

Mashruuca Biyaha Miyiga Soomaaliya oo loo yaqaan “Barwaaqo” laguna dhisayo mashruuca Biyoole ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag, islamarkaana ay ka sii dareyso cunno yarida ka jirta qeybo ka mid ah dalka. 

Chantal Richey oo Bankiga Adduunka u qaabilsan biyo-bixinta ayaa sheegtay in Mashruuca Barwaaqo uu isku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo, islamarkaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabiiciga ah. 

“Tani waxaa ka mid ah keydinta biyaha, ilaalinta ciidda, dhiraynta, iyo dib u soo celinta seeraha baraha biyaha kasoo burqamaan si tartiib tartiib ah looga dhigo dhul cagaaran,” ayey tiri Richey.  

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono laba dowlad goboleed oo dheeri ah oo kala ah, HirShabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo mashruuca diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba. 

Bankiga Adduubnka ayaa sheegay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda hela adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif aheyn. 

Kristina Svensson, oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la horumarinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay horseedeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah dhulka Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, oo halis gelisay hab nololeedka reer miyiga.