26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan oo la kulmay safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka xilli laga filayo isbeddel + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo la filayo in madaxweynaha uu isbeddelo ku sameeyo qaar ka mid ah safiirada, islamarkaana soo magacaabo safiiro cusub, sida caadada ka ah siyaasadda Soomaaliya. 

Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiyo dalalka caalamka ee uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intooda badan waxaa la magacaabay xilligii dowladdii hore, ayada oo magacaabiddooda ay aheyd magacaabis siyaasadeed (Political Appointee).

Waxa ay intooda badan ku yimaadeen rabitaanka markaas xilka haya, iyada oo lagu jaangoynayo nidaamka awood qeybsiga 4.5.

Isbeddel kasta ayaa la filayaa inuu dhaco kaliya marka la magacaabo ra’iisul wasaaraha, islamarkaana lasoo dhiso xukuumadda cusub.

DENI oo laba qodob kala hadlay safiirka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador Larry André Jr.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen amniga iyo abaaraha.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Safiirka Mareykanka oo kulanka ka hadlay ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha taageero ku aadan gurmadka abaaraha ka jira deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Arrimaha kale ee la’isla soo qaaday waxaa ka mid ah dagaalka kooxaha argagixisada, maadaama dhulka buuraleyda mamaulkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Somalia, wuxuuna qayb ka yahay howlgallada ka socda dalka, isaga oo duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Muxuu Biixi ka yiri muranka doorashada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la u warramay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan xasaradaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Biixi ayaa si gaar ah uga hadlay muranka hareeyey doorashada, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha uga imaanaya mucaaradka ee ku aadan inuu diidan yahay doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in uusan awood u laheyn inuu dib u dhigo doorashada guud ee Somaliland, isla-markaana ay dhaceyso.

“Qolada mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadlay qaaday dibad-baxyada isaga ka dhanka ah ee ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay u diideen ay tahay ilaalinta nabad-gelyada, si looga fogaado isku dhacyo.

“Mudaharaadka sida loo dhigayo xeer ayaa dhigaya, waxaa ugu horreeya nabadgalyada, muwaadinkasta iyo hantidiisa in ay nabadgasho, waraaq wargelin ayay soo qareen waxaa loogu jawaabay isku kaaya keena way ka caroodeen, Amniga xil baa naga saaran, aad ayaa u ixtiraamnaa Xisbiyada jooga & kuwa imaan doonaa” ayuu markale yiri Muuse Biixi.

Somaliland ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalay qabashada doorashada oo ku asteysan 13-ka November ee sanadkan 2022-ka, waxaana haatan isku haya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo si weyn ugu kacsan Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Bayle oo shaaca ka qaaday lacagta ay dowladdii hore uga tegtay qasnadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaca ka qaaday lacagta ku jirtay qasnadda dowladda, markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Beyle ayaa shaaciyay in qasnada dowladda ay ku jirto lacag lagu maareyn karo inta sanadka ka dhiman mushaharaadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Beyle ayaa sheegay in lixda billood ee ka dhiman sanadka aysan wal-wal badan ka jirin bixinta mushahaaraadka, haddii wax soo baxaana ay noqon doonaan wax la xalin karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladdii hore waxay ka tagtay inay suurta-gal tahay in lixda billood ee soo socda in mushaharka la bixin doono. Wixii aan ku tala-galnya weeyi koley kaalmo waa u baahanahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay go’day 18 billood ka hor lacagta kabka miisaaniyada ee dowladda la siin jiray, taasi oo la filayo in dib loo fasaxo marka xukuumadda cusub la dhiso, maadama ay qabsoomtay doorashadii madaxweynaha.

“Doorasho marka la galo wadan kasta wey joojiyaan lacagta kabka miisaaniyada, waxaan ku guuleysanay in aan nagala joojin mashaariicdii oo weli wey socdaan. Koleyba bil unbay wax kasoo go’i jireen oo ku soconay.”

Wasiir Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in baarlamaanka uu ansixiyo miisaaniyada ka hor 17-ka bishaan, si ay wax walba u fulaan sidii loogu qorsheeyay.

Koox hubeysan oo 55 qof ku dilay weerar ka dhacay…

Ouagadougou (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa sheegay in dablay hubaysani ay woqooyiga dalkaas ku dileen illaa 55 qof, ka dib weeraro iyo rabshado beryahan ka dhacayey dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, taas oo loo aanaynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee halkaas ka dagaalama.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in dableyda weerarka geysatay ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Seytenga ee ku taalla gobolka Sano.

Inkasta oo aanay jirin koox sheegatay weerarka lagu dilay 55-ka qof, haddana waxaa la aaminsan yahay in dableyda weerarka geystay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gobolkan gaar ahaan kuwa xidhiidhka la leh ururada Al-Qaacida iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo beryahan ugu dambeeyey weeraro joogto ah ka geysanayey dalka Burkina Faso.

Tusaale ahaan weerar ka dhacay magaalada Solhan bishii June ee sannadkii 2021, waxaa kooxaha jihaadiyiintu ay ku dileen ugu yaraan 160 qof.

Bishii January ee sannadkan ayay ahayd markii ciidamo gadoodsani ay xilka ka tuureen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, waxaana ciidamada xilka la wareegay ay sheegeen inay wax ka qabanayaan ammaanka sii xumaanaya hase ahaatee rabshadaha ka jira dalkaas ayaa sii kordhay, waxaana dawladdu ay haatan codsanaysaa in loo midoobo kooxaha nabad-diidka ah.

AP + VOA

Daawo: Ehellada dhaqtar galabta lagu dilay Muqdisho oo go’aan culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya dil galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Bar-control oo laga hubiyo gaadiidka, taasi oo ku taalla Shaleemo Nasri oo u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Dilka ayaa loo geystay Wiil Dhakhtar ahaa oo lagu magacaabi jiray Anas Yuusuf Maxamed, waxaana dilkiisa ka dambeeyay sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa Askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Wiilka la dilay ayaa sidoo kale ahaa wade Mooto Bajaaj, wuxuuna xilliga la dilay waday Mooto, wuxuu ahaa Aabe laba xaasle ah, sida ay xaqiijisay Hooyadiis oo warbaahinta la hadashay.

Wararka la helay ayaa sheegayaan in dilka Aanas uu yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo askariga, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda ee dilay Dr. Aanas.

Qaar kamid ah ehellada marxuum oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalka xukuma Barta-control ee dilkaasi uu ka dhacay uu inkiray in askariga dilka geystay uu ka tirsan yahay ciidankiisa.

Ehellada Dr. Anas waxay madaxda dowladda ka dalbadeen inay cadaalad u helaan wiilkooda la dilay oo uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee askariga u dilay wiilkaas, marka laga yimaado in muran kooban uu dhex-maray labadooda, mana aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dil u geysto qof shacab ah oo waa dhacdooyin aad u soo noq-noqoda

Meydka Marxuum Aanas ayaa caawa ku hoyanaya qaboojiyaha isbitaal Digfeer, waxay ehelladu cadeeyeen in  wiilkaas aan meydkiisa la aasi doonin ilaa inta laga soo qabanayo ninkii dilay.

Hoos ka daawo ehellada marxuumka oo la hadlay TV-ga Somali Cable

Wafdi sare oo Mareykan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Xasan Sheekh + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta madaxtooda kula kulmay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka Victoria Nuland oo booqasho rasmi ah ku joogta magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyda ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn Madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, Isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafinta iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu soo celinaya Soomaaliya.

Ciidamadaas Ameerikaanka ah waxay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo argagixisada kale eek a jirta Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo ciidamadiisa ka saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku ku dileen ugu yaraan shan ka mid ah kooxda Al-shahaab.

Weerar cirka ah oo lagu beegsaday Al-Shabaab ayaa ka dhacay meel u dhow deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

R/W Rooble oo guddi cusub magacaabay + Shaqadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi cusub u magacaabay qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigaan ayaa ka kooban 16 xubnood waxaana loo igmaday inay si siman u xiriiriyaan hay’addaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta Xoriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu guddigaan magacaabi doona guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xoriyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cusmaan Abuukar Dube, ayada oo ku-xigeen uu ka yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur, halka ay xubno ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga oo dhameystiran:

Fahad Yaasiin oo shaaciyey xogta ciidanka tababarka loogu qaaday ERITREA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji  Daahir oo su’aalo laga waydiiyey ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa sheegay inay ciidamadaas sax yihiin oo ay ku maqan yihiin dalkaas.

Fahad oo diiday inuu tirada ciidamadaas sheego ayaa xusay in ciidamadaas ay dowladda Soomaaliya u dirtay inay soo qaataan tababar isla markaasna ay dhawaan dalka kusoo laaban doonaan.

Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey sababta ay u doorteen in ciidamada loo qaado dalka Eritrea iyadoo la heli karo dowlado kale ayaa yiri “ horta adiga markaad baahi qabtid cidda ku siineyso ayaa laga qaataa, anaga baahida aan qabnay waxay aheyd in ciidamo naloo tababaro, marka dowladihii kale ee ciidamada noo tababarayey ma aqaan waxay ay Eritrea uga duwan tahay.”

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray “Eritrea waxay kamid tahay dowladaha bixiya tababarada ugu wanaagsan, weliba ciidamada aan geynay waxay siisay tababarkii ugu wanaagsanaa”.

Mar waxa laga waydiiyey waxyaabaha ciidamadaan loo tababaray ayuu yiri “waxaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada Militariga, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxaa loo tababaray jir ahaan, waxay noqon doonaan hanta ay ummadda Soomaaliyeed sanado badan u aayi doonaan”.

Fahad Yaasiin ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ciidamadaas ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay dalka Itoobiya ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo Tigrayga.

“Waxaa ka xumahay inaan warkaas dhaho, waxaa arrintaas faafiyey Tegreega iyo kuwa u shaqeeyo ee Soomaaliya jooga, waxaa jiro siyaasiyiin Soomaali ah oo Tegreega u shaqeeya, ma ii sheegi kartaa waxa Itoobiya oo 100 Malyan ah uga baahan tahay ciidamada Soomaaliya, hal habeen ayey qortaa boqolaal kun oo askar ah, waa wax caqliga ka hor imaanayo in la dhaho Itoobiya ayaa u baahan tahay dhowr kun oo ciidamo Soomaali ah oo tababar loo sameenayey,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu intaas kusii daray “ Waxaan xaqiijinayaa ma jiro hal askari oo ciidamada dowladda ee tababarka u joogo Eritrea oo ka qeybgalay dagaalka Itoobiya, xataa ma jiro hal askari oo ka baxay xirada tababarka oo aaday magaalooyinka kale ee Eritrea.”

Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa sheegay inay la fadhiisteen waalidiinta ilmaha loo qaaday Eritrea , wuxuuna sheegay inay mar kasta la hadlaan ilmahooda.

Waalidiinta dhalay ilmaha loo qaaday Eritrea ayaa horey u sheegay inay ilmahooda ku la’yihiin nolol iyo geeri.

Laba dhinac oo saameyn xoogan ku leh magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyay qofka uu u xushay raysul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.

Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo ra’isulwasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan.

Sida caadiga ah, ra’isulwasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 15-kii May.

Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonnaa shakhsiyaadka iyo siyaasiyiinta saameynta ku yeelan kara magacaabista la filayo inay dhowaan dhacdo.

Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in ugu yaraan laga talo-geliyo qofka loo magacaabayo raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ayaa ah in sida qaalibka ah uu qofkaas noqon karo mid ka soo jeeda deegaannadooda, marka la eego saami qeybsiga 4.5 ee uu ku salaysan yahay awood qeybsiga siyaasadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale taageero siyaasadeed u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, hadda oo uu hoggaanka hayo iyo weliba markii uu waday ololaha uu ugu jiray madaxtinnimada Soomaaliya.

Waxay ka filayaan Madaxweyne Xasan ayaa ah inuu keeno qof ay saddexdooduba ku qanacsan yihiin, isla markaana ay wada shaqeyn karaan.

Saaxiibadda siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu leeyahay saaxiibbo siyaasadeed oo isugu jira kuwo ay isbarteen inta aanu siyaasadda soo gelin iyo kuwo ay saaxiibtinnimadooda soo billaabatay markii koowaad ee uu noqday madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa markii koowaad ee la doortay 10-kii September 2012 waxa uu 25 maalin kaddib raysul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Raysul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka saaxiibbada Xasan Sheekh, maaddaama xilligaas aanay jirin hoggaamiyeyaal maamul-goboleed oo u abaal sheegan karay madaxweynaha.

Waxaa mar kale suurtagal ah in saaxiibbadda siyaasadeed ee madaxweynaha ay saameyn ku yeeshaan cidda uu ka dhigayo raysul wasaaraha.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shuruudaha ugu waaweyn ee uu ku dooran doono raysul wasaaraha cusub ay tahay inuu noqdo qof ay wada shaqeyn karaan, si loo yareeyo khilaafka soo noq-noqday ee dhexmara madaxweynaha iyo raysul wasaaraha.

Xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu magacaabay saddex raysul wasaare oo labo uu baarlamaanku u qaaday codka kalsooni-darrada, halka kan saddexaad, waa Cumar Cabdirashiid, ay isla dhamaysteen iyagoo uu khilaaf dhex yaallo.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isna magacaabay labo raysul wasaare, inkastoo uu horay u ballanqaaday inay isla dhamaysan doonaan Xasan Cali Kheyre oo ay isla billaabeen.

Xigasho: BBC Somali

Qaali Cali Shire oo weerar culus ku qaaday JEESOW kadib hadal kasoo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanad Qaali Cali Shire ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Aamiin Jeesow oo maalmihii dambe kasoo muuqday olole cadaalad loogu raadinayo Ikraan Tahliil.

Qaali ayaa sheegtay in Jeesow uu hore uga aamusay kiiska Ikraan oo hadda maqnaashaheeda uu sanad jirsanayo, islamarkaana ay hadda tahay isdaad-raacin dalabkiisa ku aadan in Guddi loo saaro kiiskaas.

“Shalay waa ka aamustay oo waxa fiirsatay danahaaga qaaska ah, maanta oo laga joogo sanad in aad tiraahdo guddi ha loo qabto waa hadalka uu Fahad yiri oo kale ee ahaa waxa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha, Mahad iyo Al-Cadaalla, iyo dad uu soo eedeeyay,” ayey tiri.

“Shalay awood ayaa haysatay oo waxa madax ka aheyd hay’addii dambi baarista ee dalka, ma dhihi karna hadalka maanta ee Fahad waa sanbuuse laga eedamaya, ragii shalay kusoo eedeyay isaga oo awood buuxda haystay.”

Sidoo kale waxay sheegtay inaysan kasoo horjeedin in guddi uu Golaha u saaro cadaalad u helida Ikraan, hase yeeshe aysan marnaba aqbali doonin isdaad-raacinta Jeesow iyo dadka lamidka ah ee saaxiibadood dhaceen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo maanta hadal ka jeediyay kulankii Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan ku qancin isku eedeynta faraha badan ee maqnaanshaha Ikraan Tahliil iyo hadalkii kasoo yeeray Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxa uu dalbaday in Guddi baaris loo saaro kiiska Ikraan oo tuhuno hor leh ku xeeran yihiin, kuwaasi oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo Xafiiska Madaxweynaha.

Maqnaashaha Ikraan ayaa hadda sanad jirsanaya, waxayna madaxdii hore ee NISA sheegen inay dishay Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay sheegashadaas, islamarkaana ay Waalidiinteeda ku tuhunsan yihiin in Gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta NISA.

BF oo qaadaya tallaabo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qaaday arrin la xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo markale cirka isku shareereay, kadib wareysi cusub oo uu dhawaan bixiyey Fahad Yaasiin.

Arrintan oo aan qayb ka aheyn ajendaha kulanka maanta ayaa waxaa Golaha dhex-geeyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hor-hadlay Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa codsaday in la magacabo guddi soo baara kiiskaasi, si ay cadaalad u hesho sarkaalad Ikraan Tahliil.

“Waxaan rabaa inaan halkan kasoo jeedino annagoo ah xildhibaano Soomaaliyeed in kiiskii Ikraan Tahliil loo xil-saaro guddi baarlamaani ah oo arrintaas isku soo duba-rido oo cadaaladda horgeeyo,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey in kiiska Ikraan uu noqday mid la’isku tuur-tuuray, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lasmeeyo baaritaan madax-bannaan.

Intaasi, kadib guddoomiyaha Golaha Shaabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay tixgelin doonaan codsiga Jeesow, isla-markaana ay guddiga u saari doonaan kiiskaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu si gaar ah uga hadli doono kiiskan, si ay cadaalad u helaan qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

Ikraan Tahliil oo maqan muddo sanad ah ayaa waxaa horey ay NISA u shaacisay inay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna ay dishay, balse waxaa ay wax weliba is-bedeleen markii uu arintaasi ka hadlay taliyihii NISA, Fahad Yaasiin oo jiho kale u leexiiyey kiiska.

Fahad Yaasiin ayaa wareysigiisa oo uu uga hadlay arrimo dhowr ah ku eedeeyey in dilka Ikraan ay ku lug lahaayeen Rooble, Al-Cadaalada iyo Mahad Salaad oo loo dhiibay NISA.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan iyo shaki weyn oo ku aadan hadalka kasoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kaniini si weyn Soomaaliya looga isticmaalo hoos u dhiga awoodda raganimada

Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada.

Cilmi baaristan, oo lagu daabacay Majalladda “Environment International”, ayaa lagu baaray ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi’iyaha sida wayn looga isticmaalo Soomaaliya ee paracetamol-ka.

Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto.

Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada.

Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista badan ay tahay maaddada BPA oo loo isticmaalo qalab badan oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubo, caanaha warshadeysan iyo konteenarrada yar yar ee raashinka lagu qaato.

Cilmi baaristan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in unugyada taranka ee ragga ay billowdaan marka ay wali ku jiraan uurka hooyada. Sidaas awgeed waxay saamaynta soo gaari kartaa haweenka uurka leh ee sida carruurta labka ah.

Arrin muddo dheer taagnayd

Cilmi baareyaasha dabagalka ku samaynayay tayada shahwada ragga aya amuddo dheer ka hor fahmay in uu jiro hoos u dhac.

Sanadkii 2017-kii ayaa wargays ka faallooda taranka bani’aadanka lagu daabacay natiijada 200 oo daraasadood oo laga sameeyay Waqooyiga Ameerika, Yurub, Australia iyo New Zealand, taasoo lagu ogaaday in tirada unugyada taranka ragga ay yaraatay 50% muddadii 40-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda.

Taas waxaa sii dheereyd in dhakhaatiirta khubarada ah qaarkood ay sheegeen in haddii hoos u dhaca uu sii socdo uu samayn ku yeelan doono kororka tirada dadka caalamka.

Waxay saynisyahannadu hoosta ka xariiqeen in arrintani ay kusii darsantay cudurrada ku imaada galmada oo muddooyinkii dambe aad u batay.

Daraasadda ugu dambaysay oo ay isbuucii lasoo dhaafay daabaceen dhakhaatiir iskaashaday oo ka kala socday UK iyo Denmark, ayaa muujisay in kiimikooyinka saamaynta ku yeesha unugyada taranka ay hadda yihiin waxa ugu wayn ee walaaca keenaya.

Sida uu qoray wargayeska “The Guardian”, Barfasoor Andreas Kortenkamp oo ka tirsan Jaamacadda Brunel ee waddanka England, oo daraasaddan ka shaqeynayay tan iyo markii la billaabay, ayaa sheegay in natiijada ay ahayd mid lama filaan ah, ayna aad ula yaabeen khatarta ay leeyihiin kiimikooyinka la baaray.

Natiijo aan la isku wada raacsanayn

Dhammaan khubarada ku xeel dheer cilmigan iskuma wada raacsana natiijada kasoo baxday daraasaddan cusub ee la shaaciyay.

Waxaa jira qaar aan la dhacsanayn, oo sheegay in hoos u dhaca tayada taranka ragga ay sabab u yihiin waxyaabo kale oo aan ahayn kiimikooyinka lagu xusay daraasadda.

Kuwo kalena waxay sheegeen in kiimikooyinka liiska daraasadda ku jira ay yihiin kuwo xaddidan oo ka yar tiradii loo baahnaa in la baaro.

Intaas waxaa sii dheer inaan ilaa hadda la ogayn inta ay la egtahay khatarta ay dumarka ugu jiraan kiimikooyinka loogu kuur galay daraasaddan.

Isha: BBC

Oday dhaqameed lagu dilay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo maanta koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Daallo oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa oday dhaqameedka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana meesha isaga baxsaday ragga ka dambeeyey falkaasi.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka ay rasaasta ka haleeshay qaybta sare, isla-markaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegay in marxuumka uu la kulmayey hanjabaadyo uga imaanayey taleefano kala duwan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ehellada marxuumka.

Ciidamada ammaanka ee degmada Howl-wadaag ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Si kastaba, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaasi oo ay mas’uuliyadoodu sheegato kooxda Al-Shabaab.

PUTIN oo dejiyey qorshe arxandarro ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Yurub

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dejiyey qorshe cajiib ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Midowga Yurub, kadib xayiraadihii ay saareen iyo hubka ay ku taageeraan Ukraine.

Prof. Timothy Snyder, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Yale University ee Mareykanka, ayaa sheegay in xanibaadda uu Putin saaray Badda Madow “looga dan leeyahay in lagu abuuro qaxooti,” si taasi ay u hoggaamiso xasillooni darro ka dhacda gudaha Midowga Yurub. 

“Qorshaha gaajada ee Putin, waxaa laga damacsan yahay in qaxooti looga abuuro Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, oo ah aag ay quudiso Ukraine. Tani waxay xasillooni darro ka abuuri doontaa gudaha Midowga Yurub,” ayuu Snyder ku qoray twitter. 

Yurub ayaa sanado badan la tacaaleysay qaxootiga Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana gaajo iyo macluul ka dhacday ay horseedi doontaa malaayiin u barakaca Yurub, taasi oo xsarad ka abuureysa.

Dagaalka ka socda Ukraine ayaa sababay in dekedaha Ukraine ee ku teedsan Badda Madow ay xirmaan, taasi oo halis gelisay qulqulkii cuntada, islamarkaana caqabad ku noqotay dalal badan oo si xooggan isugu halleeyaa haruurka Ukraine oo ah mid ka mid ah dalalka dhoofiya haruurka badan ee caalamka. 

Snyder wuxuu sidoo kale digay in haddii ay sii socota xanibaadda Ruushka, “ay malaayin tan oo cunno ah ku qurmi doonaan bakhaarada,” islamarkaana malaayiin qof oo ku nool Afrika iyo Asia ay gaajoon doonaan.

Putin oo ‘baqe-maalaya Dunida’

Ala Stoyanova, oo ah barasaab ku-xigeenka magaalada Odessa ee Ukraine, ayaa sameysay diginin noocaas ah oo ku saabsan cawaaqibka ka iman doonaa badeecadaha haruurka ah ee ka buuxa dekadaha Ukraine ee aan la dhoofin karin, taasi oo cunno yari ka abuureysa qeybo ka mid ah dunida.

“Waa ujeedkiisa, sida aan u maleynayo, inuu dalalkan saboolka ah ka dhigo inay gaajo u dhintaan haddii aanay helin haruurka. Marka uu xanibay dekedaha, wuxuu baqe-maalayaa dunida,” ayey u sheegtay waregyska The Telegraph.

Maalin kasta, waxaa dekedda Odessa iyo dekedaha kale ee Ukraine yimaada 3,000 oo konteenar oo haruur ah, halkaasi oo la geeyo baqaaro, sida uu ku warramay wargeyska The Telegraph.  

Islamarkaana, qiyaastii 276 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa wajahayey gaajo, tan iyo billowgii sanadkan. Si kastaba, tiradaas ayaa waxaa ku kordhi kara 47 milyan oo qof, gaar ahaan dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeyaa, haddii dagaalka uu sii socdo.

Dhimashada oo qeyb ka ah dacaayadda Ruushka

Prod. Snyder ayaa walaac ka muujiyey gaajada qeybo ka mid ah dunida, isaga oo sheegay in Russia ay leedahay “qorshe gaajo,” kaasi oo Putin uu diyaar u yahay inuu gaajo ku dilo inta badan dalalka dunida soo koreysa, taasi oo ah qeyb ka mid ah wejigga xiga ee dagaalka Yurub.

“Cabsida qorshaha gaajada Putin waa mid aad u weyn oo ay adag tahay inaan fahanno. Waxaan sidoo kale hilmaamsannahay sida cuntada ay xuddun ugu tahay siyaasadda,” ayuu yiri Snyder. 

Isaga oo saadaalinaya qorshaha iyo hadafyada madaxweynaha Ruushka, Snyder wuxuu sidoo kale xusay in malaayiin qof oo macluul ugu dhinta caalamka ay qeyb ka tahay dacaayadda dagaalka Ruushka ee ku aadan Ukraine. 

FAHAD Yaasiin iyo YAASIIN Farey oo isku khilaafay xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii u horeysay ku eedeyay kiiska Ikraan Tahliil inay qeyb ka yihiin Mahad Salaad, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dilka gabadha uu fuliyey Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yiraahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyey oo xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

Fahad wax cadeyn ah oo lagu kalsoonaan karo masoo bandhigin marka laga imaado eedeyntiisa, taasi oo su’aal galinaysa sax ahaanshaha eedeyntiisa.

Sidoo kale Yaasiin Farey oo ahaa gacanta midig ee Fahad ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Ikraan ay dilkeeda fuliyeen kooxda Al-Shabaab, isaga oo aan marnaba soo hadal qaadin masuuliyiinta uu sheegay Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in markii Ikraan la waayey uu taliye ka ahaa nabad sugidda gobolka Banaadir, halka Fahad Yaasiina uu dalka ka maqnaa sida uu sheegay, kadibna isaga loo xil-saaray in kiiska Ikraan uu baaro.

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintaas ay ku ogaadeen baaritaan uu sameeyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ayaa wareysi deg deg ah bixiyay markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu agaasimaha hay’adda NISA u magacaabay Mahad Salaad.

Arrintan ayaa lasoo warinaya inay ka dambeyso kadib markii ay ka warhaleen in Mahad uu aqbalay in guddi baara u saaro dhammaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda, gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Kala-hadalka Fahad iyo Yaasiin Farey ayaa sii xoojinaya eedeymihii hore ula xiriirinayay kiiskaas, maadama ay yihiin labadii masuul ee u sareeyay NISA, xiligii la waayay Ikraan oo lagu tuhunsan yahay inay ku maqan tahay gacantooda.

W/Q: Cabdi Axmed Xuseen

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

MASAR oo si taxaddar leh u wajaheysa Soomaaliya kadib doorashadii Xasan Sheekh

Qaahira (Caasimada Online) – Dib u doorashadii bishii May ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya waxaa dhashay su’aalo badan oo ku saabsan saameynta ay Masar ku yeelan karto danaha geeska Afrika.

Danaha amni iyo siyaasadeed ee Masar ee Badda Cas iyo kanaalka Suweys waxaa si toos ah u taabanaya arrimaha Soomaaliya, waxaana isku xiran oo iskana soo horjeeda danaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha gobolka ah, iyadoo dhawaan ay loolankaas kusoo biireen dowlado ay kamid yihiin Turkiga, Iiraan, qaar kamid ah dalalka Khaliijka, Ruushka iyo Shiinaha.

Labo maalmood kadib guushii Xasan Sheekh Maxamuud, wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay war-saxaafadeed heerkiisa uu hooseeyo oo ay ku sheegtay in doorashadu ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida dalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ma uusan soo dhaweyn madaxweynaha mana ka hadlin siyaasadda Masar kaga aadan, balse waxaa si fudud mar kale loogu yiri bayaanka “Masar waxay diyaar u tahay taageerada dadaallada nabadda iyo xasilloonida iyo ciribtirka argagixisada.”

Sida la ogyahay illaa hadda ma jiro xiriir rasmi ah oo dhex maray Masar iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa u sheegay Al-Monitor “Faylka Soomaaliya ayaa ugu sarreeya ajandaha Masar”.

Wuxuu intaas kusii diray “Masar waxay si dhow ula socotaa dhammaan isbeddellada siyaasadeed ee Muqdisho, oo ay ku jiraan doorashada madaxtinimada. Waan ku qanacsanahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha gobolka ee danta guud.”

Diblomaasigaan ayaa xusay in Masar ay qaadatay hindiseyaal badan oo wada-hadal ah oo ay la yeelatay jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, wuxuuna mar kale yiri “ Masar waxay heer hey’adeed kala shaqeysay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in la gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya”.

Muddo xileedkii hore ee uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka madaxweyne ka ahaa 2012-kii illaa 2017-kii wuxuu xiriir dhow la lahaa Qaahira, isaga oo afar booqasho ku tagay Masar, waxaana musid mudan in Masar safaaradeeda Muqdisho ay dib uga furtay sanadkii 2013-kii.

Sidoo kale, markii uu xafiiska ka tagay, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sii waday xiriirka weyn ee kala dhaxeeya Qaahira, wuxuuna xiriir wanaagsan la lahaa aqooyahanada Masar, iyadoo lagu martigeliyey xarumaha cilmi-baarista ee dowladda.

Maxamed Cabdiwaaxid oo horay uga tirsanaa jiray sirdoonka Masar oo ka jawaabayey su’aal uu wargeyska Al-Monitor waydiiyey oo aheyd waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay Masar ka dooneyso  Soomaaliya ayaa ku jawaabay “ Soomaaliya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa isku dheelitirka loolanka ka dhex jira dowladaha Afrika ee ku saabsan qabsashada gobolka, sida damaca Itoobiya, sidoo kalena waxay muhiim u tahay loolanka caalamiga ah ee Afrika”.

Waxa uu intaasi ku daray “Masar waxa ay aaminsan tahay in xasiloonida Soomaaliya ay horseedi karto isku dheeli tirnaan, halka Itoobiya ay doonayso in ay isku daydo in ay wiiqdo Soomaaliya oo ay farageliso arrimaheeda maxaliga ah, si ay u maamusho geeska Afrika, maadaama ay tahay wadan aan laheyn bad.”

Abdel Wahed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Masar waxa ay taageertay mowqifka Soomaaliya tan iyo markii la riday taliskii Siyaad Barre [1991] iyo guulihii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed [1997] iyadoo la ilaalinayo xiriir dheeli tiran oo ay la leedahay dhammaan gobollada Soomaaliya.”

Masar waxa kale oo ay ilaashatay wada shaqaynta ay la leedahay maamulka  Somaliland, oo ah dhulka ay ku muransan yihiin dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Qaahira waxa ay u fidisay barnaamijyo taageero iyo deeqo ah Somaliland, waxayna marar badan isku dayday inay taageerto wada-hadal dhex mara Somaliland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, intii uu xilka hayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Abdel Wahed oo ka hadlayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri “Marka loo eego siyaasadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu u muuqdaa mid u furan gobolka Carabta, taas oo ka soo horjeeda siyaasadii colaadeed ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayay in uu xulafo la yeesho Turkiga oo uu galo xerada Eritrea iyo Itoobiya.”

Maxamed Cabdikariim oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Afrika kana tirsan Jaamacadda Qaahira, ayaa u sheegay Al-Monitor  in dowladda Masar ay ka fileyso Xasan Sheekh Maxamuud dabacsanaan iyo wada-shaqeyn.

“Waxaan filayaa inay soo noqoto furfurnaan iyo wada- shaqayn xooggan oo Masar iyo maamulka cusub ee Xasan Sheekh, gaar ahaan marka la eego in xukuumaddii hore ee Farmaajo ay ahayd tii ugu liidatay Masar gaaar ahaan danaha geeska Afrika oo uu ku jiro isu soo dhawayntiisa Itoobiya iyo Turkiga oo ka soo horjeeda danaha Masar.”

Waxa uu intaasi ku daray “ma filayo in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku daba jiro isbahaysiga Itoobiya iyo Ereteriya ee uu abuuray Abiy Axmed, gaar ahaan marka la eego in Xasan Sheekh uu leeyahay aragti sheegeysa in Itoobiya ay duulaan ku tahay Masar”.

Cabdikariin oo sharaxaya iskaashiga dhex mari karo Soomaaliya iyo Masar ayaa yiri  “Soomaaliya waxa ay sugeysaa hindise Masaarida ah oo lagu kordhinayo iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, ma ahan oo kaliya dhanka amniga. Wadashaqeyntu waa inaysan ku koobnaan heerka rasmiga ah oo keliya, waayo waa in la sameeyo hindiseyaal waaweyn lagu kordhinayo isu soo dhowaanshaha Soomaaliya.”

Dhanka kale, Cabdikariin oo ka hadlayey sida ay Masar uga hadashay doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Xaaladdu waxay saamaxaysaa in Masar ay yeelato door madax-bannaan marka la eego arrimaha Soomaaliya, laakiin jawaabta Masar ee natiijada doorashada Soomaaliya weli waa daciif inkastoo caqabado badan ay horyaalaan.

Axmed Askar, oo ah cilmi-baare arrimaha Afrika kana tirsan xarunta Al-Ahram ee daraasaadka siyaasadda iyo istiraatijiyadda, ayaa u sheegay Al-Monitor, “Waxaa lagama maarmaan ah in Masar ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo soo celinta iyo fahamka Turubka siyaasadda Soomaaliya maadaama uu ka mid yahay cadaadiska taariikhiga ah, haddii ay Masar fahamto sida ay u socoto siyaasadda Soomaaliya waxaa sare u kacayo saameynta ay ku leedahay geeska Africa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu yiri, “Arrinta amnigu waxa ay noqon kartaa albaab iskaashi oo xooggan oo u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, marka la eego khibradda gaarka ah ee Masar u leedahay dhinaca farsamada iyo tababarka ciidanka.”

Askar ayaa dhanka kale qiray in Masar ay heysato xisaab kale, wuxuuna yiri   “Xisaabinta Masaarida marka ay timaado feylka Soomaaliya waxa laga yaabaa in ay noqoto mid adag marka la eego danaha Khaliijka ee sida xooggan uga jira Soomaaliya xilligan.”

Isla markii uu Xasan Sheekh noqday madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay safiirada Qatar, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana go’aankiisii ugu horeeyay uu ahaa inuu soo celiyo 9.6 milyan oo dollar oo imaaraadku lahaa oo dowladii hore ay la wareegtay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid istiraatijiyadeed oo muhiim ah ayaa Masar siisay xoogaa fursad ah, laakiin Qaahira ayaa wali si taxadar leh u muujineysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay kulankii xildhibaanada labada Aqal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, kaas oo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey inay mar labaad u doorteen hoggaanka ugu sarreeya dalka.

“Waan idin-kaga mahadcelinayaa in aad i doorateen, iyada oo la leeyahay qof horey loo doortay lama soo celinaayo, laakiin waxaan idin ka codsanayaa in aad i garab istaagtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shaqada hortaallo dowladdiisa cusub, wuxuuna ballan-qaaday inuu halka ay joogto kasii wadi doono dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa na dilay wax walba gadaal halaga soo bilaabo iyo waa markii ugu horaysay, waxaan leennahay annaga waan ka ducaysanay waa markii ugu horaysay. Wixii soo socday ee naga horreeyay waa sidii loo qabtay. Wixii noo harsan oo la qaban waayayna waan ku guulaysanaynaa,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu si adag uga hadlay arrimaha soo gelista shaqada xafiisyada dowladda, isaga oo sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta kasoo dib dhacda shaqada xafiiska, isla-markaana ay ku muteysan doonaan xilka qaadis, sida uu hadalka  u dhigay.

“Waxaa la maqli doonaa mas’uul hebel ayaa xilka looga qaaday waqtiga uu xafiiska soo xaadiri waayey. Qofkii dhowri waaye, canshuurta dadka Soomaaliyeed, isagana lama dhowri doono,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay arrimaha abaaraha ka jira dalka, isaga oo markale ku celiyey baaqiisa ah in si wadajir ah loogu gurmado dadka tabaaleysan.

ODAWAA oo shaaciyey inay howlgal ku dileen 10 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad aha ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaasi laga sameeyey agagaarka degmada Matabaan, gaar ahaan deegaano ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Odawaa ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey xarun ay lacago ku qaadi jireen.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada abaabulan ee ay kooxda Al-Shabaab ka geysato halkaasi.

Waxa kale oo uu farriin u diray dhammaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku boggaadiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada howlgalka qaaday ay dib ugu laabteen xeryahooda, kadib dhaq-dhaqaaqa ay sameeyeen.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay weeraro ku qaadaa saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolkaasi.

Ruushka oo hubka halista ah ee la mamnuucay ku garaacay dalka Ukraine

Kharkiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa boqolaal kun oo qof ku dilay magaalada Kharkiv ee dhacda waqooy bari Ukraine kadib markii ciidamada Ruushka ay si aan kala sooc laheyn halkaas ugu garaaceen bambaabooyinka la mamnuucay ee cluster , sida laga soo xigtay hay’adda Amnesty International.

Amnesty waxay sheegtay inay heshay caddeymo muujinayaa in ciidamada Ruushka ay si joogto ah u adeegsadeen bamaabooyinka cluster gaar ahaan kuwa saameynta xooggan geysta.

BBC-du waxay booqatay shan goobood oo kala duwan oo ay saameyn ku yeesheen hubkangaar ahaan xaafadaha la deggan yahay ee Kharkiv, waxaan aragnay caddaymo ku saabsan saameynta ka dhalatay hubka cluster.

Waxaa nala tusiyay sawirrada khuburadda hubka ay kasoo qaadeen goobaha hubka lagu weeraray, waxay sheegeen in saameynta ka dhalatay bambaanooyinkan la mamnuucay ay yihiin kuwa joogta ah.

“Saamayntaas waa mid ka dhalatay hubka cluster kooxaha, waa arrin iska cad,” ayuu yiri Mark Hizney, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan qeybta hubka ee Human Rights Watch.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Volodymyr Zelensky ayaa codsaday in dalkiisa la siiyo hubka casriga ah ee difaaca gantaallada si uu dalkiisa uga hortaggo weerarada Ruushka.

Wuxuu sheegay in dalkiisa lagu soo riday in ka badan 2,600 gantaal tan iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Wuxuu sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay qalabka difaaca gantaallada ee Israa’iil iyo qalab kale ee uu leeyahay Mareykanka ee American Patriot batteries.

Gantaallada Ruushka ayaa ku hoobanayay Ukraine tan iyo markii uu bilowday dagaalka halka qaar badan la qabtay. Qalabka difaaca hawada oo kaliya ah uma baahno Ukraine, waxay codsanayaan in la siiyo hub badan sida madaafiicda xilli uu dagaal xooggan ka socdo gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Dhiig badan ayaa ku daadatay dagaalka ka socda magaalada Severodonetsk iyadoo labada dhinac uu gaaray khasaare.