28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Diyaarad ka kacday Muqdisho oo loo diiday inay ka degto gobolka GEDO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay loo diiday ina ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo labadaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo. 

Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degmada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilkaas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere. 

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo diidan yahay in Guurdhuub uu tago gobolka Gedo, waxaana xubnihii aan la hadalnay ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan.  

Diyaaradda iyo 30-kii rakaabka ah ee saarnaa ayaa isla shalay dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay hay’addu waddo baaritaan la xiriira dhacdadan oo halis gelin gaartay nolosha 30-ka qof ee rayidka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya mas’uuliyiin diidan maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, kuna xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo isna gobolka kasoo jeeda. 

Kenya oo Soomaaliya raali-gelin ka siisay DHACDADII shalay ee calanka Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi. 

Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. 

Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya. 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” 

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay aad uga shalaynayso dhibaato kasta iyo ceebtii ka dhalatay arrintan.

Dhacdadii shalay ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Kenya ay isku soo dhowaadeen kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Muqdisho u yimid calaamo-saarkii Xasan Sheekh.

Kenya ayaa rajo ka qabta in dib loo fasaxo khaatkii la keeni jiray Soomaaliya, balse dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa arrintaas ku xirtay shuruudo dhowr ah. Halkan ka aqriso shuruudahaas. 

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Kenya

Taliyihii saldhiga QARDHO oo lagu dilay degmadaas

0

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka loo geystay AUN taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada ammaanka degmada Qardho ay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey dilka taliyaha oo goobta isaga baxsaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira dhacdadaasi oo si weyn looga dareemay degmadaasi.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Inta badan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan magaalooyinka maamulkaasi.

KENYA oo duqeyn culus ka fulisay GOBOLKA GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya duqeymo diyaaradeed oo ciidamada dowladda Kenya ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, taas oo geystay khasaare kala duwan.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay  deegaanada Ceel-Cadde, likooleey, Buusaar iyo Garsaal, halkaas oo mararka qaar lagu arko dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaanada la duqeeyey ay degan yihiin dad xoolo dhaqaqto, isla-markaana ay kasoo gaartay waxyeelo u badan dhaawac.

Sidoo kale ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyey in xoolo fara badan ay ku le’deen duqeymahaasi oo ahaa kuwa is xig-xigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee laga fuliyey halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, balse waxaa jirta cabsi iyo walaac soo wajahay deegaanka ee ku dhaqan goobaha la duqeeyey oo welo dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo.

Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan weeraro ka fulisaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo hoostaga Jubbaland.

Al-Shabaab dhinaceeda iyaduna weeraro culus ku qaada gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

Somaliland oo jawaab yaab leh ka bixisay tallaabadii uu maanta qaaday safiir Tarsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabo uu maanta qaaday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Danjire Tarsan ayaa maanta isaga baxay shir la isugu yeeray Diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigooda yahay dalka Kenya, balse Somaliland ayaa qoraalkaan ku sheegtay in Danjire Tarsan uu isaga baxay qado sharaf uu Uhuru Kenyatta u sameeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

“Dowladda Somaliland waxay ka xun tahay tallaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo maanta si deg deg ah uga soo baxay qado diblomaasiyadeed. Soo dhaweynta ayaa waxaa sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana loogu talo-galay diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi. Safiirka Soomaaliya ayaa uga tegay qadada sababo la xiriira aragtidiisa ku aaddan ka qaybgalka Somaliland ee xafladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay intaas ku sii dartay, “Haddaba, tani waxay si cad u muujinaysaa naceybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda.”

Ugu dambeyntii qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxaa lagu yiri, “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal qaran ah, madax-bannaan, dimuqraadi ah, oo ku taamaaya inay nabad iyo xasillooni kula noolaadaan waddamada jaarka ah oo ay Soomaaliya ku jirto.”

Hadaba sidey maanta wax u dhaceen?

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shirkaas uu isaga baxay Danjire Tarsan waxa khudbad ka jeedin lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taasi oo aheyd khudbadiisa ugu dambeysay doorashada dalkaas ka dhaceysa ka hor.

Amb. Tarsan ayaa markii uu yimid goobta shirka oo ay ku casuumnaayeen safiirrada caalamka ee Nairobi, wuxuu ku arkay calanka Somaliland iyo qof matalayay Somaliland oo fadhiya, taasi oo uu si weyn uga carooday.

Waxa uu ka biyo diiday Amb. Tarsan in shirka laga qeyb-galiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo keentay in safiirka uu shirka si caro leh uga soo baxo.

Kenya ayaa sanadihii dambe sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland, kadib markii ay si weyn isku qabteen dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaaminayey, oo ayadu ka dhigatay cadow.

Xog: Shaqsiga ay u badan tahay in loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay u badan tahay inuu xilkan u magacaabo xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, haddii aanu isbeddel deg deg ah dhicin.

Xamza Cabdi Barre ayaa horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December 2021.  

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa rajo xooggan ka qabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo dadaal u galay in xitaa haddii aan isaga la magacaabin la magacaabo qof kasoo jeeda Puntland oo uu isaga kaalin ku leeyahay.

Haddii la magacaabo Xamza Cabdi Barre wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee aan qurbo jog aheyn ee xilkan loo magacaabo, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh naftiisa aanu aheyn qurbe-joog. 

Wuxuu sidoo kale noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo.

Hanti-dhawrka ‘oo musuq dartiis’ u xiray xafiisyada wasaarad ka mid ah DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa maanta albaabada isugu dhuftay Xafiisyo ka mid ah Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta, kadib markii uu dhawaan uu soo if baxay musuq-maasuq ka jira wasaaradaasi, kaasi oo la xiriira hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan oo dhaqaale badan lagu xiray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xafiisyada la xiray ee albaabada la isugu dhuftay ay ka mid yihiin; Xafiisyada Wasiirka, Agaasimaha Guud, Waaxda Xajka iyo xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Xubno kamid ah Hanti-dhowrka ayaa amray in ilaa amar dambe aan la furi karin xafiisyadaas, wuxuuna ku dhajiyay xafiisyadaas waraaq ay ku qoran tahay “Lama furi karo xafiiska hanti-dhowrka guud la’aantii”.

Sidoo kale waxa lasoo warinaya in weli khilaaf uu ka dhex jiro xaruunta Wasaarada kadib markii Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu amar ku bixiyay in Wasaarada uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Khilaafka soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaa la sheegaya in uu la xiriiro habka maamulida arrinta Xajka ee sanadkaan iyo mashruuc la yiraahdo PCV oo UN-ka maali-gelinayso.

Mashruuc ay iska kaashanayaan PCV iyo UN-ka ayaa sida la sheegay ku saabsan la-dagaalanka argagixisada, kaasi oo lasoo warinayo in uu ku baxayo dhaqaale badan.

Qoondada wasaaradaha DF ee miisaaniyada 2022-ka iyo kuwa ugu muhiimsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu matalayey wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa axaddii 12-kii bishan waxaa ay kulanka wadajirka ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka qeybisay xeerka qoondada miisaaniyadda 2022-ka oo wadar ahaan kutalagalku yahay $918,666,761.

Shaxdan Hoose, waxaan u kala hormarinay sida wasaaradaha ay qoondo ahaan u kala lacag badan yihiin:

1. Maaliyadda iyo Mashaariicda waxaa loogu talagalay: $206,780,958, Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoondo ahaan ku leh: $10,845,840 halka inta soo harta loo qoondeeyey mashaariic, xafiiska xisaabiyaha guud, adeegga guud ee dowladda, agaasinka xarunta warbixinnada maaliyadda iyo hey’adda iibka qaranka.

2. Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa guud ahaan loo qorsheeyey: $30,169,026, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa ay lacag ahaan heli doontaa: $8,423,355 halka inta soo hartay lacagta loo qeybin doono mashaariic, jaamacadda umadda, akaademiyadda fanka iyo suugaanta iyo akaademiyo goboleedka Afka Soomaaliga.

3. Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Mashaariicda waxaa uu guud ahaan ku bixi doonta: 16,357,476, Wasaaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ah ayaa qoondo ku heli doonta: $7,298,283 halka lacagta soo hartay lagu qarash gareyn doono mashaariicda SURP, SURP PH2, SUIP, guddiga qaxootiga qaranka iyo barakacyaasha, iyo hey’adda diiwaangelinta dadweynaha.

4. Warfaafinta waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $6,217,798, Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay qeyb ahaan heli doontaa: $6,217,798.

5. Caafimaadka waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $58,583,344, Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay lacagtaas ka heli doontaa: $3,669,096 halka 54 milyan oo doolar ka badan lagu bixin doono mashaariic.

6. Arrimaha dibadda waxaa guud ahaan ku bixi doona 2022: $10,375,403, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoonda ahaan ku leh: $3,645,903, inta soo hartana waa qoondada safaaradaha.

7. Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $4,639,150, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa ay heli doontaa: $2,776,850 inta soo hartana hey’adda tayo-dhowrka.

8. Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $17,716,538, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulsita waxaa ay ku leedahay: $2,372,296 halka 15 milyan oo doolar ka badan ay leedahay hey’adda saadaasha iyo duulista hawada.

9. Wasaaradda Dastuurka ayaa qoondo ahaan heli doonta: $2,211,799, waa kulli ahaan inta loogu talagalay dastuurka.

10. Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $29,341,548, Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa qoondo ahaan u leh: $2,193,836, inta soo hartana waa qoondooyinka Mashruuca Biyoole, Hey’adda Tirakoobka qaranka iyo mashaariic hoos yimaada hey’adda.

11. Kalluumeysgiga iyo Kheyraadka Badda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,794,108, Wasaaradda Kaluumeysiga waxaa ay lacag ahaan leedahay: $1,928,324, inta soo hartana lacagta waxaa leh hey’adda cilmi barista badaha iyo mashruuca horumarinta xeebaha.

12. Boostada iyo Isgaarsiinta waxaa ay guud ahaan qoonda u heshay: $3,005,874, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta waxaa ay qeyb ahaan u heleysaa: $1,839,270 halka lacagta soo hartay loo qeybinayo mashruuca ICT iyo hey’adda isgaarsiinta qaranka.

13. Beeraha guud ahaan waxaa loo qoondeeyey: $2,098,176, Wasaaradda Beeraha waxay ku leedahay: $1,829,756.

14. Cadaaladda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $12,175,074, Wasaaradda Cadaaladda ayaa qoondo ahaan u heleysa: $1,767,438 halka lacagta soo hartay ay 10 milyan oo doolar ka badan ku bixi doonta ciidanka Asluubta.

15. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $231,759,484, Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay heli doontaa: $1,763,836 halka inta soo hartay lasiin doono mashruuca Baxnaano.

16. Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $31,380,269, Wasaaradda Hawlaha guud waxaa ay lacag ahaan leedahay : $1,676,212 halka lacagta inta soo hartay oo ka badan 29 milyan oo Doolar loogu talagalay mashaariic.

17. Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,680,484, Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxaa ay ku leedahay: $1,659,184 inta soo hartana dekadda Xamar.

18. Arrimaha Diinta iyo Awqaafta waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $1,433,640, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa heli doonta: $1,383,640.

19. Macdanta waxaa guud ahaan ku baxeysa $2,345,732, Wasaaradda Macdanta waxay ku leedahay $1,338,692 inta kale lacagta waa hey’adda Batroorka iyo mashruuca SOPYAP.

20. Gargaarka iyo Maareynta Musiibiiyinka waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $1,450,832, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa heli doonta $1,278,332.

21. Difaaca ayaa guud ahaan loo qoondeeyey: $97,589,477, Wasaaradda Gashaandhigga ayaa ku leh: $1,264,643 halka lacagta inta soo harta ay leeyihiin taliska ciidamada xoogga dalka, maxakamadda ciidanka iyo hey’adda naafada iyo agoonta ciidanka xoogga dalka.

22. Tamarta iyo Biyaha waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $6,703,452, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha waxay ku leedahay: $1,264,072 halka lacagta inta ugu badan ku bixi doonto mashruuca SEAP.

23. Amniga Gudaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $70,026,086, Wasaaradda amniga waxaa ay ku lahaan doontaa: $1,149,292 halka lacagta soo hartay loo qorsheeyey taliska ciidanka booliiska, hey’adda nabad sugidda qaranka iyo hey’adda jinsiyadaha iyo socdaalka.

24. Xanaanada Xoolaha waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $3,485,098, Wasaaradda Xanaanada xoolaha waxaa ay lacag ahaan heli doontaa: $1,067,332.

25. Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,333,154, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxaa ay qoondo ahaan u heshay: $910,084

26. Isboortiga iyo Dhalinyarada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $909,460, Wasaaradda Isboortiga iyo dhalinyarada waxaa ay lacag ahaan qoondo u heshay: $909,460.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Sawirro: Halke ayuu marayaa dhismaha xarunta cusub ee xukuumada iyo xafiiska RW?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maraya heer gebo-gebo ah.

Dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sannadihii ugu dambeeyay ka socotay xarunta Xisbiga ee ku dhegan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium.

Rooble ayaa kormeer ku maray qeybaha kala duwan ee xarunta ka kooban tahay, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Injineerada iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta ku haya dhismaha xaruntan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay, sidoo kalena bilaabay dhismaha xaruntan loo dhisayo xukuumadda oo hadda ku dhax shaqeysa xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhismaha xaruntaan ayaa waxa uu ka mid ahaa mashaariicdii ay maal-gelisay dowladda Qatar ee xukuumaddii hore ay ugu deeqday.

Xog: Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo isaga baxay shir uu ugu yeeray Uhuru + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay shir la isugu yeeray Diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigooda yahay dalka Kenya, sida ay noo xaqijiiyeen ilo xogogaal ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shirkaas ayaa waxa khudbad ka jeedin lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taasi oo aheyd khudbadiisa u dambeysay doorashada ka hor.

Amb. Tarsan ayaa markii uu goobta shirka yimid ku arkay calanka Somaliland iyo qof matalayay Somaliland oo fadhiya, taasi oo uu si weyn uga carooday.

Waxa uu ka biyo diiday Amb. Tarsan in shirka laga qeyb-galiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo keentay in safiirka uu shirka si caro leh uga soo baxo.

Kenya ayaa sanadihii dambe sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland, kadib markii ay si weyn isku qabteen dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ayadu ka dhigatay cadow.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa siyaasad ahaan isku fara saaray sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo xittaa mar la kala qaatay safaaradaha, waxaana sidoo kale mar uga sii daray xiisadda kiiska badda ee la geeyey Maxkamadda ICJ, kaas oo ay ku guuleysatay Soomaaliya.

Daawo: Maxaa laga filan karaa hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa dhawaan yeelatay hogaan cusub, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay inuu dalka hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Hay’adda ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana isbedelkan uu yimid xilli eedeymo culus ay wajahayaan madaxdii hore ee hoggaanka Nabad Sugidda Soomaaliya.

Maxaa laga filan karaa hay’adda NISA?

Danjire Maxamed Axmed Caalin oo si aad ah u falanqeeya xaaladda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Universal kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dhismaha hay’adda NISA, shaqadeeda iyo waxa laga filan karo afarta sano ee soo socota.

Caalin ayaa shaaca ka qaaday in NISA laga filayo inuu ku yimaado isbedel dhanka maamulka iyo shaqada ah, gaar ahaan in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan.

Danjiraha ayaa xusay inay muhiim tahay in hay’addu ay ku shaqeyso sharciga oo aysan ka shaqeyn danaha madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Hay’adda waxaa laga filan karaa inaanay siyaasadda ku dhex-milmin oo aanay noqon inay ka shaqeyso danaha madaxda dowladda ama inay aragti Diini ku shaqeyn, hay’addu waa inay ku shaqeysaa, sida sharciga ah, sida ay maxkamadaha u shaqeeyaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ay shaqadeeda tahay amniga dadka shacabka ah iyo sidoo kale ilaalinta madaxda qaranka.

“Hay’adda inay ku ekaato amniga shacabka Soomaaliyeed iyo amniga madaxda qaranka in la ilaaliyo oo aanay noqon hay’ad fikir ka tarjunta,” ayuu sii raaciyey Caalin.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray inuu ka rajeynayo dowladda cusub in la ballaariyo hay’adda NISA, sidoo kalena gaarsiiyo maamul goboleedyada dalka.

“Hay’adda waxaan ka rajeynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in hay’adda la ballaariyo oo maamul goboleedyad la geeyo,” ayuu markale yiri Danjiri Caalin.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo isbedel guud uu ka dhacay dalka, kadib doorashadii 15-kii May, kaas oo gaaray hay’adda NISA oo yeelatay hoggaan cusub, waxaana loo dhiibay Mahad Salaad oo mudo soo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya.

Faah-faahin: Weeraro xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu beegsaday saldhigga degmada Kaaraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa howlgal sameeyey ciidamada Booliska ee Kaaraan oo gudaha u galay xaafadaha ku dhow saldhigga, walow ay baxsadeen ragga weerarka geystay.

Sidoo kale weerar labaad oo isna loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidamadii ku sugnaa gudaha saldhiggaasi.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo marayey wadada xilliga uu dhacayey weerarka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weeraradaas iyo howlgallada ay sameeyeen Booliska.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli habeenadii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddiga ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka oo shaaciyey saddex arrin oo dowladda Xasan ay ka taageerayaan

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ay ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasaddu inay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dawladda Maraykanku diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka caawiso saddex qodob oo kala ah; ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

“Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF.

Waxay dhinacyadan kala hadashay xaaladda abaaraha ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo weliba taageerada ay dawladda Maraykanku ka geysan karto arrintaas.

“Victoria Nuland, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda u qaabilsan dhinaca siyaasaddu, waxay xustay in dawladda Maraykanku ay qorshaysay in si degdeg ah loo siiyo Soomaaliya cuntada loo baahan yahay, [taageerista] dedaalada lagaga hortegayo macaluusha, iyo gargaar kale oo bini’aadanimo kaas oo qayb ka ah gargaar bini’aadanimo oo cusub oo gaadhaya illaa $105 million oo dollar, kaas oo loogu talo galay gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka.

Qoraal shalay ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku kuu dileen ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shahaab weerar cirka ah oo ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani.

Abiy oo qaaday tallaabo lagu soo afjarayo xiisadda TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta shaaciyay in dawladda Faderaalka ee Itoobiya ay dhistay guddi wada-hadalo la fura xoogaga gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas.

Dagaalka ayaa ka qarxay Tigray bishii Noofambar 2020, wuxuuna ku faafay gobollada deriska ah ee Canfarta iyo Axmaarada snadkii hore, laakiin dagaalka ayaa yaraaday tan iyo markii dawladda federaalku ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo hal dhinac ah bishii Maarso.

Abiy ayaa u sheegay baarlamaanka Itoobiya “Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doonaan sida loo wadahadli karo”

Waa markii ugu horeysay ee Abiy uu shaaciyo xogta guddigan.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Demeke Mekonnen uu hogaaminaayo guddigan, kaasoo qaadan doona 10 ilaa 15 maalmood, si ay uga soo baaraandegaan waxyaabaha laga wadaxaajoon doono.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobbolada iyo kuwa daacada u ah kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa xagal-daaciyay qorshayaashii dawladdu ku doonaysay in lagu casriyeeyo dhaqaalaha, waxaana uu hakad geliyay qaar ka mid ah maalgashadayaasha shisheeye.

Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee BF oo guddoon cusub doortay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee baarlamaanka ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2022-ka ayaa waxay maanta fadhigoodii u horeeyay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxay xubnaha guddiga intii uu socday kulankooda iska dhex doorteen guddoonka guddiga, kuwaasi oo si aqlabiyad ah cod gacan taag ah loogu codeeyay.

Hoos ka aqriso magacyada guddoonka cusub:

1. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux = Guddoomiye
2. Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) = Guddoomiye ku-xigeen
3. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur = Xoghaye

Guddiga ayaa sidoo kale maalmaha soo socda guda-geli doona diyaarinta sharciga Miisaaniyada Qaranka ee 2022-ka, ee la doonayo inay ku shaqeyso xukuumadda soo socota ee uu dhisayo Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

MUQDISHO: Maalin walba hooyo ayaa ooyneyso, ilmo ayaana agoontoobayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dilalka, dhaawaca iyo waxyeelada shacabka loogu geysanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo walaaca iyo qaylo dhaantooda ay gaartay meel sare, balse ma jirto cid wax ka qabaneysa.

Hooyo Xaliimo Sacdiyo oo shalay wiilkeeda Anas Yuusuf Maxamed uu askari ku dilay inta u dhexeyso  isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ka jira caasimada, gaar ahaan xaaladaha ay wajahayaan Waalidiinta.

Waxa ay sheegtay marka laga soo tego dilka wiilkeeda in magaalada Muqdisho maalin kasto dad lagu dilo, isla-markaana ay ilmeeyaan Hooyooyin, caruurna ay agoontoobaan.

Dhacdooyinkan ayey tilmaamtay in ay soo noq-noqdeen, waxayna ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

“Waxaan way dhacaan wayna soo noq-noqdaan ma’an midkeyda kaliya waxa aan u hadlaayo, keyga waqtigiisa ayaa dhammaaday laakiin qiso mar walba taagan ayaa jirta, waxaan ka codsanayaa madaxda wadanka inay wax ka qabtaan arrintaan,” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay Hooyo Xaliimo raacisay “Maalin walba hooyo ayaa ooyneyso, maalin walba ilmaa agoontoobaayo, waxay ku agoontoobaayaan waa wax aan macno laheyn,”.

Anas ayaa ahaa Wiil Dhakhtar ah, sidoo kalena ahaa wade Mooto Bajaajle, wuxuuna ahaa Aabe laba xaasle ah, sida ay xaqiijisay Hooyadiis oo warbaahinta la hadashay.

Ehellada ayaa sheegay in aysan aasi doonin maydka, illaa ay ka helayaan cadaalad, si loo soo qabto askarigii ka dmabeeyey falkaasi oo goobta ka cararay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u mahad-celiyey dowladda Sacuudiga kadib markii ay…

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga garab istaageeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Sidoo kale waxa uu rajeeyay in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo mudnaan gaar ah siinaya sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya.

Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahad-celiyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd.

Waxa uu sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya mudane Maxamed Khayaad.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf gudoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka xilli laga filayo isbeddel + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo la filayo in madaxweynaha uu isbeddelo ku sameeyo qaar ka mid ah safiirada, islamarkaana soo magacaabo safiiro cusub, sida caadada ka ah siyaasadda Soomaaliya. 

Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiyo dalalka caalamka ee uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intooda badan waxaa la magacaabay xilligii dowladdii hore, ayada oo magacaabiddooda ay aheyd magacaabis siyaasadeed (Political Appointee).

Waxa ay intooda badan ku yimaadeen rabitaanka markaas xilka haya, iyada oo lagu jaangoynayo nidaamka awood qeybsiga 4.5.

Isbeddel kasta ayaa la filayaa inuu dhaco kaliya marka la magacaabo ra’iisul wasaaraha, islamarkaana lasoo dhiso xukuumadda cusub.

DENI oo laba qodob kala hadlay safiirka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador Larry André Jr.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen amniga iyo abaaraha.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Safiirka Mareykanka oo kulanka ka hadlay ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha taageero ku aadan gurmadka abaaraha ka jira deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Arrimaha kale ee la’isla soo qaaday waxaa ka mid ah dagaalka kooxaha argagixisada, maadaama dhulka buuraleyda mamaulkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Somalia, wuxuuna qayb ka yahay howlgallada ka socda dalka, isaga oo duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Muxuu Biixi ka yiri muranka doorashada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la u warramay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan xasaradaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Biixi ayaa si gaar ah uga hadlay muranka hareeyey doorashada, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha uga imaanaya mucaaradka ee ku aadan inuu diidan yahay doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in uusan awood u laheyn inuu dib u dhigo doorashada guud ee Somaliland, isla-markaana ay dhaceyso.

“Qolada mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadlay qaaday dibad-baxyada isaga ka dhanka ah ee ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay u diideen ay tahay ilaalinta nabad-gelyada, si looga fogaado isku dhacyo.

“Mudaharaadka sida loo dhigayo xeer ayaa dhigaya, waxaa ugu horreeya nabadgalyada, muwaadinkasta iyo hantidiisa in ay nabadgasho, waraaq wargelin ayay soo qareen waxaa loogu jawaabay isku kaaya keena way ka caroodeen, Amniga xil baa naga saaran, aad ayaa u ixtiraamnaa Xisbiyada jooga & kuwa imaan doonaa” ayuu markale yiri Muuse Biixi.

Somaliland ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalay qabashada doorashada oo ku asteysan 13-ka November ee sanadkan 2022-ka, waxaana haatan isku haya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo si weyn ugu kacsan Muuse Biixi Cabdi.