25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

R/W Xamza oo sameeyay ballan-qaad muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, ayaa waxa uu sameeyay magacaabistiisa kadib ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ballan-qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, islamarkaana uu har iyo habeen u istaagi doono sidii uu waajibka loo igmaday u gudan lahaa.

“Arrimaha waaweyn ee dalka iyo dadka horyaalla ee kow ka tahay Xasilooni siyaasadeed sidii loo abuuri lahaa, Amniga sidii loo sugi lahaa, Abaaraha dabada dheeraaday sidii xal waara looga gaari iyo sidii Dastuurka qudhiisa daba dheeraaday ee mudada dheer jiitamayay dib u eegistiisa lagu soo gaba-gabeyn lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha horyaalla xukuumad cusub ay tahay sidii Wada-hadalka Somaliland looga gun-gaadhi lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhalinyarada loogu sameeyo shaqo abuur.

“Sidii loo hirgelin lahaa hal-ku-dhiga weyn ee ballaaran ee Soomaalida oo dhan wada ogtahay ee Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah, intaas oo dhan waxay u baahan tahay dadaal iyo juhdi.”

Xamza Cabdi Barre ayaa kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Wasiir ka tirsan HirShabelle oo is casilay + sababta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta dowlad goboleedka HirShabelle, Eng Cabdikariin Cali Nuur ayaa shaaciyey inuu iska casilay xubnimadii golaha wasiirada, gaar ahaan xilka wasiirka wasaarada arimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi.

Cabdikariin Cali Nuur ayaa u gudbiyey is casilaadiisa Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, sida ku cad warqad uu soo saaray 14-kii bishaan June ee sanadka 2022-ka.

Is casilaadiisa ayaa wuxuu u sababeeyey, Kadib markuu arkay uu sida uu sheegay madaxweynaha H  fulin waayey balan-qaadyadii uu ku tegay Magaalada Beledweyne oo aheyd in uu saxayo awood qeybsiga dhismaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa saddex qodob kusoo goobay, waxaabaha soo dadajisay is casilaadiisa, waxayna ka yihiin:-

1-Kadib markuu arkay in madaxweynaha Hirshabelle fulin waayey Balanqaadyadii uu
kutagay Magaalada beledweyne oo aheyd in uu saxayo awood qeybsiga Hirshabelle oo aan wali wada ognahay in balantaas ay Nabadoono Badan u dakanoobeen kuwo kalane ay u geeriyoodeen.

2-Kadib markii uu dib u milicsaday daruufihii adkaa ay kusoo shaqeeyeen muddo 25 Bilood ah oo aan la helin wax gunno ama mushaar ah, iyada oo uu ogyahay in aysan jirin wax dhaqaalo xumo ah oo heysata Hir-Shabeelle

3-Mudane Madaxweyne waxaan go’aan saday in aan katago shaqada maadaama aysan dadkeygu heysan matalaadii ay ku lahaayeen Hirshabeelle anma awood qeybsigi lagu balamay, dhiig badan uu ku daatay, waxaana kaa rajeynaa in aad aqbasho codsigeyga.

Sawirro: Muxuu yahay ballan-qaadka uu R/W Rooble u sameeyey fanaan Iidle Yare?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay fannaanka Iidle Cabdullaahi Nuune (Iidle Yare).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Iidle Yare u rajeeyay caafimaad deg deg ah, isaga oo ballan-qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii uu u heli lahaa daryeel caafimaad.

Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo toddobaadyadii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa 8-dii bishaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa imaanshihiisa Muqdisho kadib waxa lagu wadaa in caafimaad loogu qaado dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa uga taalla.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi iyo xubno ka tirsan ururka, oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee ONLF ayaa uga mahad-celiyay Rooble go’aankii ay xukuumaddiisu ONLF uga saartay liiska argagixisada oo horay si aan sharci ahayn loogu daray.

Maxay shacabka Jigjiga ka yiraahdeen magacaabista ra’iisul wasaare XAMZA?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga oo uu warramay VOA-da ayaa ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu u magacaabay Xamza Cabdi Barre.

Shacabka Jigjiga ayaa si weyn usoo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaaladaasi oo xarun u ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya doorashada uu doortay inuu ra’iisul wasaare u magacaabo, Xamza Cabdi oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Maxamuud oo ka mid ah dadka ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xamza, uuna yahay nin karti leh.

“Aadbaan ugu faraxsanahay 100% ra’iisul wasaare Xamza, sababtoo ah waa nin Soomaaliyeed, waa aqoonyahan Soomaaliyeed, waa nin karti leh,” ayuu yiri C/raxmaan.

Dhankiisa Jaamac Kadiye oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa sheegay inay taariikh cusub tahay in Madaxweynuhu soo xusho nin ay isku xisbi yihiin, isla-markaana ay muddo soo wada shaqeeyeen, iyaga oo ahaa saaxibo.

“Waa taariikh ugub ku ah dadka Soomaaliyeed in maanta Madaxweynaha uu usoo xusho ninay isku xisbi yihiin muddo dheer ay soo wada ahaayeen saaxibo isku dhow” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Muxumed Cumar ayaa ugu duceeyey ra’iisul wasaaraha cusub inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda ee loo igmaday, uuna sidoo kale ku guuleeyo.

“Waxaan leeyahay Xamza Cabdi xilka Ilaahey haku asturo, Ilaahey haku guuleeyo,” ayuu ugu duceeyey Axmed Muxumed Cumar oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga.

Dareenka shacabka Jigjiga ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Xamza Cabdi Barre noqdo ra’iisul wasaaraha cusub, kaas oo haatan sugaya inay ansixiyaan xildhibaanada, kadibna uu soo magacaabi doono golihiisa wasiirada.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku xushay Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor sii horeysay magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha uu ku xushay.

Xasan Sheekh ayaa in Xamza uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

“Waxaa go’aankaan ku saleeyay marka eegay aqoonta, waaya-aragnimada iyo kartida aan ku aqaano Mudane Xamze ayaa u gartay in uu yahay qofka ku haboon ee ka bixi kara xilkaas iyo Soomaaliyada cusub ee waayahay cusub ku jirta,” ayuu yiri.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in si deg deg ah u meel-mariyaan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, Mudane Hamza Cabdi Barre.

“Waxaa kula dardaarmaya Ra’iisul Wasaaraha in uu dardar-galiyo kuna mashquulo oo aad u howl-galiyo arrimaha hortabinta leh ee xukuumadda cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, taasi oo hortabintooda ugu horeyso ay tahay; Amniga, Gurmadka Abaaraha, Heshiisiinta, Horumarinta Bulshada iyo Ka hortaga aafooyinka cimilada isbadelaysa iyo daryeelka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.”

“Ra’iisul Wasaaraha cusub waa in uu ka shaqeeyo horumarinta cilaaqaadka caalamiga ah ee Soomaaliya ay la-leedahay aduunyada inteeda kale isaga oo ka tallaabsanaya hal-hayskeenii ahaa Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu duceeyay in Ilaahay u fududeeyo Ra’iisul Wasaaraha xilka culus ee xiliga adag ee Soomaaliya ay maanta marayso lagu aaminay, loona magacaabay.

Sidee looga falceliyey magacaabista R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyneyaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, madax goboleedyo iyo siyaasiyiin kale ayaa ka falceliyey magacaabista Xamza Cabdi Barre, oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka. 

Haddaba waa kuwan qoraallada madaxdii ka falceliyey.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Allaha la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, waxaan rajeynayaa in Golaha Shacabka BFS Soomaaliya ansixiyaan si uu u guto howlaha Qaran ee horyaala. 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre: Waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu maanta magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud. 

Aniga oo dareensan culeyska shaqo iyo miisaanka mas’uuliyadeed ee xilka Ra’iisul Wasaaranimo, waxaan Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre u rajeynayaa in Allah uu ku asturo xilka, una fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.  

Waxaan codsanayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo Ra’iisulwasaaraha cusub gaar ahaan waxaan golaha shacabka si gaar ah uga codsanayaa in si deg-deg ah ay usoo dhaweeyaan, una ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha si uu usoo dhiso xukuumad dar-dar gelisa dhamaan shaqooyinka la xiriiro dib usoo kabashada dowladnimadeena oo hakad galay labadii sano ee ugu dambeeyay. 

Madaxweyne goboleed Axmed Madoobe: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan u rajaynayaa Alle inuu la garab galo masuuliyadaas culus ee hortaala.

Madaxweyne goboleed Cabdicasiis Lafta-gareen: Waxaan hambalyo iyo soo dhoweyn  u diraya Ra’isal wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre, oo Madaxweynaha JFS, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS.  Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynayaa in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, kuna asturo shaqada culus ee loo igmaday.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: Waxaan bogaadinayaa xilka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xildhibaan Xamsa Cabdi Bare. Xamsa waa nin faham fiican ka haysta xaalada dalka. Waxaan ku aqaanaa niyad wanaag, furcadi iyo in uusan aragtidiisa la gaban. Waa xil culus oo xili xasaasi ah ku soo aaday ee Allaha la garab galo masuuliyada.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed: Hambalyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamza Cabdi Barre. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda ammaanada ee ummadda Soomaaliyeed. R/W Xamza waa daljoog xog-ogaal ah, aqoonyahan fahamsan hannaanka Federaalka & ahmiyadda wadashaqeynta Hay’addaha.

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray magacaabaidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka oo galabta uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Farmaajo ayaa baarlamaanka ka codsaday inuu codka kalsoonida siiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, si dhaqso uu ugu soo dhiso xukuumadiisa.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maqribkii shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa Xamse Cabdi Barre u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Xamse Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka imaan ee xilkan loo dhiibo.

Waa kuma XAMZA CABDI BARRE – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe. 

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Waa kuma Xamza Cabdi Barre?

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaatay gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

Hadda waa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubaland, waana xildhibaankii ugu horreeyey eel aga soo doorto Jubaland, ayada oo doorashadiisa ay dhacday 28-kii December 2021. 

Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (UPD) ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghaye.

Inkastoo uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay xafiisyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii, markaasi oo dib loo soo doortay Axmed Madoobe.

Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Howlaha kale ee uu Xamza soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaaleynta.  

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre In uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dowladnimada dalka, sidoo kalena hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda culus ee lagu aaminay. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December 2021. 

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa rajo xooggan ka qabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo dadaal u galay in xitaa haddii aan isaga la magacaabin la magacaabo qof kasoo jeeda Puntland oo uu isaga kaalin ku leeyahay. 

Xamza Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970-kii.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo wakiilada Beesha Caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan wada-jir ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya, ayada oo Madaxweynaha uu soo bandhigay xaalada binu aadanimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyntiina Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

Xildhibaan ka tirsan BF oo Somaliland u aqoonsatay inay tahay dal madax-banaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ka sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, taasi oo ka hor-imaneysa midnimada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ku dooday in illaa inta natiijo la isla qaato laga gaarayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland in lagu ixtiraamo Somaliland jiritaankeeda iyo madax-banaanideeda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Somaliland waa dal madax-banaan oo gooni u istaagay illaa inta arrintooda iyo waxyaabaha ay tabanayaan miiska la keenayo in halkooda lagu hayo oo lagu ixtiraamo,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabadii ay qaaday Kenya shalay ee aheyd in kulankii Uhuru Kenyatta kasoo wada muuqdan calanka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay mid la isaga hor keenayo labada dhinac.

“Kenya waxa leenahay ma mudna in dad walaalo ah cuqdad laga beero, kii yimid iyo kii cadhooday midna eedeyn uma jeedinayo, waxa eedeyn u jeedinaya dowladda Kenya. Arrimaha Soomaaliya ee xalka u baahan anaga ayaa halkan u joogna oo ku jaan-goynayna.”

Hadalka Xildhibaanada ayaa imanaya xili ay dowladda Kenya ay raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

Ayada oo Kenya cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin.

Ujeedada qarsoon ee ay dowladda Kenya ka leedahay tallaabadii ay shalay qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxay shalay si fudud duulaan ugu qaaday waxa ugu weyn oo ay Soomaalida wada ilaashato oo ah midnimo halka uu danjire Tarsan-na uu shalay hantiyey dhibco siyaasadeed oo uu shaqo ahaan u curin waayey intii uu xafiiska joogay.

Nairobi waxay isku diyaarineysaa waji cusub oo ay kula dhaqanto Soomaaliya oo hoggaamiye cusub dooratay 15-kii Bishii lasoo dhaafay ee May. Waxay kasoo gudbeen Kenyaanka 5 sano oo aysan ku raaxeysan cilaaqaadka diblomaasiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay Kenya u aheyd mid kamid ah dalalkii uu ugu xagjirsanaa xagga la macaamilka siyaasadda.

Inkastoo ay shacabka Soomaalida ku kala qeybsameen sida uu Farmaajo u fogeeyey Kenya una soo dhaweystay Itoobiya, haddana markii la arko wax lamid ah dhacdadii shalay, waxaa bata dadka taageersan inuu Farmaajo ku saxnaa sida uu ula macaamilay Kenya.

Haddaba maxaa dhacay shalay?

Shir sanadeedka diblomaasiyiinta shisheeyaha ah ayuu shalay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu yeeray safiirada iyo diblomaasiyiinta jooga Kenya, waa shirkiisii ugu dambeeyey maadaama ay Kenya doorasho galeyso horraanta bisha August ee sanadkan, iyadoo ay tartamayaan madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Shirkaas waxaa soo xaadiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Sidoo kale waxaa isna joogay wakiil ka socday xafiiska Somaliland uga furan magaalada Nairobi.

Waxaa la sheegay inuu daniire Tarsan dalbaday in la saaro wakiilka Somaliland iyadoo ay Kenya ilaalineyso midnimada Soomaaliya, laakiin jawaab ku haboon lama siin diblomaasiyiinta Soomaalida taasoo keentay inuu danjire Tarsan isaga baxo shirka kadibna warqad ashtako oo deg deg ah u qoro dowladda Kenya. Dad badan ayaa bogaadiyey tallaabadaas.

Uhuru waxaa muddooyinkaan ku dhex jira Raila Odinga oo ay wada socdaan siyaasad ahaan. Raila Odinga wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta Kenyaanka ah ee aaminsan in Somaliland la aqoonsado.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadii shalay ku tilmaamtay kala qeybin iyo ku xadgudub lagu sameeyey jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyadana si kulul uga jawaabtay in daniire Tarsan uu dartood uga baxay shirkii kala war qaadashada madaxweynaha Kenya iyo diblomaasiyiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxay arrintaani ku qeexday mid muujineysa waxa ay ugu yeereen naceyb iyo cadaawad soo jireen ah oo ay dowladda federaalka ee Soomaaliya u qabto Somaliland.

Dowladda Kenya oo iyadana dhankeeda ka jawaabtay dhacdadii shalay waxay sheegtay inay ka shanleeneyso sidii ay wax u dhaceen iyo nooca falcelinta ka timid Soomaaliya, waxayna farriinta Kenya u muuqatay mid cudur-daar ah.

Laakiin marka lagu eego indho diblomaasiyadeed waxaa kuusoo baxeysa fasiraad kale.

Maxaa lagu qeexi karaa ujeedka dowladda Kenya ee dhacdadii shalay?

Diblomaasiyiinta waxay aaminsan yihiin in Kenya aysan ilduuf u sameyn arrintii shalay, balse ay ku xoojineyso loolankeeda cusub ee Soomaaliya.

Nairobi waxay durba walaac ku abuurtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhawaan waxaa bilowday wada-hadallo la rabay in lagu fasaxo jaadka kasoo go’a Kenya ee suuqiisa ugu weyn uu yahay Soomaaliya iyo hagaajinta cilaaqaadka labada dal oo xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Maadaama laga wada hadlayo dano iyo wax kala badalasho, Muqdisho waxyaabaha la hor dhigi karo waxaa kamid ah waxa ay ku bedelaneyso inay Kenya wiiqdo cilaaqaadka Somaliland, waana xujo jirta.

Dadka Soomaalida ee isha ku haya wada-hadalka labada wadan waxay badi sugayaan fursad dhanka socdaalka ah in la dhaafsado fasixidda Jaadka, laakiin Nairobi oo aan jecleyn inay dhankaasi wax ka badasho ayaa diblomaasiyiintu qabaan inay shalay meel kale oo muhiim ah farta ugu fiiqday Soomaaliya.

Imtixaanada hor yaala madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kamid ah sida uu ula macaamilo dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Maxey tahay KALMADDA halista amni dhallin karta ee ku jirtay wareysigii FAHAD?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabadusgidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa marxalado qalafsan wajahday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Dhowr taliye ayaa hay’adda maamushay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Waa goobta ugu weyn ee lagula dagaalamo kooxda Al-Shabaab. Marka la eego sida uu u dhisan yahay nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, hay’adani waa midda ugu muhiimsan hey’adaha amniga ee waqtigaan.

Isbadbadalka tirada badan ee madaxda hay’adda, u ekeysiinta goob lagu iibiyo siyaasadda madaxda xukuna heysa iyo xog isku wareejin la’aanta madaxda hey’adda soo martay, ayaa la aaminsan yahay inay kamid tahay waxyaabaha daciifiyey guulaha hay’adaan.

Hal arrin oo muddo aan jirin ayaase hadda soo korortay. Waqtigii hore madaxda hay’adda NISA soo martay ma faafin jirin sirta hay’adda waxayna dhinac isaga riixi jireen inay warbaahinta siiyaan xogaha amni oo ay hayaan ama kiisaska u baahan inay weli hay’adda sii baarto.

Hadda Fahad Yaasiin oo dhowr sano soo maamulay hay’adda NISA ayaa warbaahinta ku faafiyey waxyaabo haddii jiraan loo baahnaa inay janaalo kale la marsiiyo.

Balse wareysiga uu Fahad bixiyey dhawaan ayaa khubarada amnigu waxay kasoo dhex saareen qodob ay ku tilmaameen mid xambaarsan halis amni.

Fahad wuxuu wareysigiisa ku sheegay in looga baahan yahay saraakiisha hay’adda NISA inaysan wax xog ah la wadaagin agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad. Wuxuu sheegay in taliyaha cusub uu kamid yahay dadkii laga ilaalinayey sirta qaranka.

Haddii ay saraakiishu qaataan hadalka taliyahaas hore, waxaa ka dhallan karta xasilooni amni iyo inuu dhaawac soo gaaro shaqada hey’adda ayey leeyihiin xeer dheerayaasha amniga.

Inkastoo aysan u badneyn in sarkaal hore u socod ah u dhag taagi doono hadalka taliye shaqada laga eryey, haddana arrintani waxay u baahan tahay foojignaan weyn, waxaana muhiim ah inay hey’adda si dhab ah ugu fahamto kala qeybin ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii hore ee hay’adda oo aan la hadalnay.

Wuxuu soo jeediyey sarkaalkaas oo diiday inaan magaciisa xigano in agaasimaha cusub ee NISA laga rabo inuu khubaro sharci iyo saraakiil waaya-arag ah u saaro inay dhageystaan wareysiga uu bixiyey Fahad Yaasiin, kadibna ay soo saaraan wixii ku jira oo noqon kara halis amni, gaf sharci, wax liddi ku ah xeerka hay’adda iyo midka ciidanka ama keeni kara qalalaaso amni kadibna laga doodo waxa ku haboon in laga yeelo.

Baaqa agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee ah inaan lala shaqeyn ama aan xog la siinin agaasimaha cusub ee hey’adda NISA, ayaa dad badan oo arrimaha amniga ku takhasusa waxay ku tilmaameen kalmadii ugu halista badneyd ee ku jirtay wareysigii dheeraa ee uu bixiyey Fahad.

Waxaa la aaminsan yahay inuu Mahad Salaad dareensan yahay culeyska kalmadaan, waxay kaloo keeni kartaa ayaa la leeyahay in hay’adda laga saaro dadka lagu arko inay awaamiirtaan u hoggaansameyn ama laga yaabo inay fikirkaas dhinacooda ka iibinayaan.

Xildhibaan ka tirsan BF oo lagu weeraray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay lagu qaaday hoyga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee dalka, kaas oo loo adeegsaday bam-gacmeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, waxaana lagu beegsaday guriga xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ka soo galay dhanka Jubbaland, kaas oo laga soo doortey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online xildhibaanka ayaa weerarka ka bad-baaday, balse waxa ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo oo la geeyey goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ragga weerarka qaaday ee bambada ku tuuray guriga xildhibaanka ay goobta isaga baxsadeen, inta aysan soo gaarin ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa meesha tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska degmada Hodan oo uu horkacayey taliyaha saldhigga degmadaas, Xuseen Cad-Ceed, waxayna baaritaano ka sameeyeen Taleex, si loo soo qabto raggii geystay falkaasi.

Waa weerarkii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhacaya Hodan waxaana habeen weerar kan la mid ah oo loo adeegsaday bamba gacmeed lagu qaaday sadhigga booliska degmadaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo badankood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale laamaha ammaanka Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxaa kasoo kordhay arrinta Mukhtaar Roobow? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo ku dhow afar sano ku xiran Muqdisho, waxaana haatan billowday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ehelladiisa.

Guddi ka socda ehelka Abuu Mansuur ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxayna kala hadleen sii deyntiisa.

Ehellada ayaa sidoo kale guddoomiyaha u gudbiyey cabasho ay ka qabaan sii xirnaanshaha Roobow oo ay tilmaameen in markii hore xarigiisa loo maray hab sharciga baalmarsan.

Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu qayb-ka noqon doono dadaallada socda, isla-markaana uu tixgelin doono codsiga ehellada ee ah in xoriyadiisa dib loo siiyo, Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab.

Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrintaas kusoo beegantay, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacday 15-kii bishii hore ee May.

Sida aan xog ku helnay NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Xasan Sheekh ayaa horay u ballan qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed ugu xiraa nimaadkii Farmaajo.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Dakhliga sanad kasta DF uga soo xarooda baasaboor sameynta oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda sanadkan ee loo gudbiyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muujineysa cadadka lacagaha ay dowladdu ka hesho soo saaridda baasaboorka, dal ku galka la siiyo dadka ajnebiga ah, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo hay’adda duullimaadka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan ka heleysa daabacaada baasaboorka lacag dhan $5,528,165. (Shan milyan, shan boqol labaatan iyo sided kun, boqol lixdan iyo shan), sida ku cad miisaaniyadda la odorosay.

Lacagtaas ayaa ah wadarta guud ee qiimaha la filanayo inay kasoo xarooto baasaboorka Soomaaliya, wuxuuna qofkii jooga Muqdisho ku helayaa baasaboorka lacag dhan $108, balse gobollada ama dalka dibadiisa qofkii jooga wuxuu ku helayaa lacag intaas ka badan oo mararka qaar gaari karta $500.

Sidoo kale, dadka ajnebiga ah ee dalka soo gala ayaa la filayaa inay sanadkaan kasoo xarooto lacag dhan $3,485,367 (Seddax milyan, afar boqol, sideetan iyo kun, seddax boqol, lixdan iyo todoba dollar).

Dad badan oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali heysta baasaboorrada dalal kale ayaa dalka yimaada sanad kasta, iyadoo duullimaadyo toos ah ay ku yimaadaan magaalada Muqdisho.

Dadkaan inta badan waxaa keena dalka shirkadaha duullimaadyada ee Turkey airlines iyo Ethiopia airways, waxaana qofkiiba laga qaadaa lacag dhan $60 oo dal ku gal ah.

Meelaha kale ee dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo ay maamusho shirkada laga leeyahay dalka Turkeyga oo la yiraahdo Favori.

Dowladda ayaa shirkadaas sanad kasta ka qaada lacag dhan $2,593,767 (Laba milyan, shan boqol, sagaashan iyo seddax kun, todoba boqol, lixdan iyo todoba dollar.

Shirkada Favori ayaa maamusha howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana jira shaqaale Soomaali iyo ajnebi ah oo u shaqeeya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dakhliga xoog leh ka hesha diyaaradaha dulmara hawada Soomaaliya.

Hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo xarun ku taalla magaalada Muqdisho ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay kuwa ugu mashquulka badan gobolka.

Soomaaliya waxaa dulmara maalin kasta diyaarado meelo kale kasoo kacay oo u kala gooshaya dalal kala duwan oo caalamka ah.

Sidaas darteedna, dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan ka filaysa inay ka hesho ururka ay ku mideysan yihiin diyaaradaha dunida ee IATA lacag dhan $15,735016, (Toban iyo shan milyan, todoba boqol. Sodon iyo shan kun, toban iyo lix dollar).

Sawirro: Muxuu madaxweyne DENI ka sheegay furitaanka baarlamanka Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah-furay kalfadhiga 50-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, isaga oo khudbad dheer u jeediyey xildhibaanada golaha wakiilada Puntland.

Saciid Deni ayaa warbixin guud siiyey xildhibaanada Puntland, wuxuuna sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan Puntland iyo arrimaha abaaraha.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha ee 15-kii May, wuxuuna shaaca ka qaaday in Puntland ay qayb ka aheyd isbedelka ka dhacay dalka.

“Puntland waxay kaalin weyn ka qaadatay isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Deni ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorashooyinka qof iyo codka ah ee hadda ka socda Puntland, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay taaba-gelinta hannaan dimoquraadiyad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in degmooyinka harsan laga qaban doono doorashooyin dadweyne, sida Qardho, Ufeyn iyo EYL.

Dhinaca kale wuxuu si adag uga hadlay xaalufinta dhirta, isaga oo xusay in ka maamul ahaan ay la dagaalami doonaan dadka ku howlan jarista dhirta & kuwa ka ganacsada.

“Waxaa naga go’an la dagaalanka xaalufka deegaanka, dawladdu waxay isha ku haysaa kiiska dhoofinta dhirta,” ayuu markale yiri Saciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay abaaraha ka jira deegaanada Puntland, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga qayb-qaato gurmada socda ee loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Xog: Diyaarad ka kacday Muqdisho oo loo diiday inay ka degto gobolka GEDO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay loo diiday ina ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo labadaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo. 

Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degmada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilkaas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere. 

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo diidan yahay in Guurdhuub uu tago gobolka Gedo, waxaana xubnihii aan la hadalnay ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan.  

Diyaaradda iyo 30-kii rakaabka ah ee saarnaa ayaa isla shalay dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay hay’addu waddo baaritaan la xiriira dhacdadan oo halis gelin gaartay nolosha 30-ka qof ee rayidka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya mas’uuliyiin diidan maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, kuna xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo isna gobolka kasoo jeeda. 

Kenya oo Soomaaliya raali-gelin ka siisay DHACDADII shalay ee calanka Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi. 

Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. 

Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya. 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” 

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay aad uga shalaynayso dhibaato kasta iyo ceebtii ka dhalatay arrintan.

Dhacdadii shalay ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Kenya ay isku soo dhowaadeen kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Muqdisho u yimid calaamo-saarkii Xasan Sheekh.

Kenya ayaa rajo ka qabta in dib loo fasaxo khaatkii la keeni jiray Soomaaliya, balse dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa arrintaas ku xirtay shuruudo dhowr ah. Halkan ka aqriso shuruudahaas. 

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Kenya

Taliyihii saldhiga QARDHO oo lagu dilay degmadaas

0

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka loo geystay AUN taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada ammaanka degmada Qardho ay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey dilka taliyaha oo goobta isaga baxsaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira dhacdadaasi oo si weyn looga dareemay degmadaasi.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Inta badan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan magaalooyinka maamulkaasi.