25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Qorshaha dowladda Kenya ay ka leedahay tallaabadii ka careysiisay DF ee ay qaaday

Talaadadii June 14, 2022 ayay dowladda Kenya kulan sanadeedle  isugu yeedhay diblomaasiyiinta dalkeeda ka hawlgala. Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u fadhiya Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kolkuu qolka kulanka galay arkay calanka Soomaaliya iyo midka Soomaaliland oo meesha lagu bilay.

Safiirku wuxuu kaloo martida kulanka ku dhex-arkay wakiilka Soomaaliland matila oo isna goobjoog ku ahaa, markaas ayay u caddaatay in Kenya ay si buuxda u muujisay in Somaaliya iyo Soomaaliland ay yihiin laba dal oo xiriir la leedahay, wuxuuna go’aansaday inuu kulanka isaga baxo.

Inakstoo, ay 24 saac kaddib Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya  ku sheegtay dhacdada inay ahayd mid aan ku talaggal ahayn, haddana waxay dhalisay goolka ay u dan lahayd oo ah: “Sidaasna waan naqaan!”

Muddadii lagu shuqlanaa doorashada madaxweynaha ayay mucaaradka dowladda oo ay ugu horreeyeen musharraxiintii madaxtooyada so geliyeen dalka aragtida ah :”Wixii Xunba Xaawaa Iska Leh” , taasoo ahayd in xiriirka labada dal oo xumaaday uu sabab u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aragtaas waxaa barbar socotay mid kale, oo dadka danahooda ku xiran yihiin Kenya, ay dabada ka riixayeen oo ku dhisnayd in mar haddii uu tegay madaxweyne Farmaajo, xiriirka labada dal oo faa’iidooyin waaweyn u leh Soomaaliya, caadi ayuu noqon doonaa. Oraahda madaxweynaha cusub, “Soomaali Heshiis Ah, Dunida Hweshiis La Ah,” oo micne guud lahayd ayaa loo fasiray inay dawo u tahay xiriirka xumaaday.

Dhaqanka Kenya isma beddelin inkastoo, madaxweynaha Soomaaliya uu is-beddelay. Teeda kale, waxaa xusuus mudan in Kenya ay isu diyarinayso doorasho guud oo dhici doonto wax ka yar laba bilood (August 09, 2022). Waxaa meesha ku xirmaya xilkii Uhuru Kenyatta oo aan kusoo noqonayn madaxtinimada markii uu dhammaystay labadii xilhayn oo uu dastiuurka u oggolaa.

Madaxtooyada Kenya waxaa u tartamayo Raila Odinga iyo William Ruto, iyadoo Uhuru Kenyatta uu kafaala-qaadayaa Raila Odinga. Saadaasha doorshada Odinga iyo Ruto way isu dhawdahay, balse waxay u badan tahay inuu Odinga rayn doono. Waxaa iyaduna xusuus mudan inuu Odinga horeyba u caddeeyay in haddii uu madaxtooyada fariisto uu  u aqoonsan doono Soomaaliland dal buuxa oo madaxbannaan.

Daqanka quursiga leh iyo daaddaansiga ka muuqdo oo ay Kenya ku dhaqanto ma aha mid maanta billawday, balse waa mid sii kobcayay  wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya.

Haddaba, maxaa ku kallifayo inay Kenya sidaas ula dhaqanto Soomaaliya mar haddii xiriirka u dhexeeya labada dal uu faa’iidooyin aad u fara badan u leeyahay marka la barbardhigo faa’iidada ay ka hesho Soomaaliya?

1- Kenya waxay ka faa’iidsataa maalgelin Soomaalida oo la egg wax ka badan 6 bilyan doolar. Waxaa kaloo soo gala xawaalooyin loo soo diro Soomaalida ku nool dalkeeda oo aan ka yarayn hal bilyan oo doolar sannadkiiba.

2- Waxaa dalkeeda xafiisyo ku leh inta dowlad ama hay’adood oo kaalmo iyo deeq u wada Soomaaliya, maaddaama Kenya lagu tiriyo dal aamin ah.

3- Kenya waxay noqotay xuddunta ganacsiga iyo albaabka safarka ka soo galo Soomaaliya (Hub) oo badanaaba ay u adeegsato inay ku baaddo Soomaalida iyo Soomaaliyaba iyadoo u muujiso inay dalkeeda u baahan yihiin.

4- Kenya waxay ka faa’iidsataa shaqaalaha khubarada ah iyo barayaasha ka hawlgala Soomaaliya oo ka yimaadda dalkeeda.

5- Kenya waxay u dhoofisaa Soomaaliya qaadka oo ay ku xiran tahay nolosha beeralay fara badan oo ku nool dakhliga kasoo gala qaadka. Waxay kaloo u dhoofisaa badeecooyin kale oo dalka kasoo baxa iyo kuwa dalal shisheeye uga yimaadda oo ay dib ugu sii dhoofiso Soomaaliya oo suuq u ah.

6- Kenya waxay ka kalluumaysataa badda Soomaaliya idan la’aan.

Arrimahaan oo idil waa kuwo Soomaaliya ay wax ka beddeli karto. Kenya, iyadoo ka faa’iidsanayso dibudhiska dowladnimada Soomaaliya oo qabya ah, ayay kula dhaqantaa dalka quursi, baad, iyo faraggelin joogta ah. Waxaa taas dheer inay ku adkaysanayso inaysan u hoggaansamaynin go’aanka Maxkamadda ICJ oo ay caqabad weyn uga dhigayso madaxweynaha cusub.

Haseyeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka dheregsan yahay dhaqanka Kenya, sidaas daraaddeed lagama yaabo inuu ku khaldamo. Balse dhacdadii 14ka bishan waxay digniin iyo darsi siinaysaa u tahay cidda moodaysay in dhaqanka Kenya uu yahay mid uu u sabab ahaa Farmaajo, misna ka filayay Kenya dhaqan ku dheehan daris-wanaag, is-ixtiraam, iyo baarwaaqo sooran.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Faalladan waxay markii hore kusoo baxday Jamhuriyadda.com

HOOYO lagu afduubtay Muqdisho, la kufsaday kadib-na si arxan darro ah loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aad u fool xun ayaa ka dhacday xaafada Xerka Dheere oo ka tirsan deegaanka Gubadleey ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa, dhacdadaasi oo Axadii dhacday ayaa dadka deegaanka iyo cid kasta oo maqla ku abuurtay murugo.

Dhacdadaan naxdinta iyo murugada xambaarsan ayaa qeyb ka ah dhacdooyin xiriirsan oo mudooyinkaan kusoo badanayay duleedka bari ee degmada Kaaraan, taasoo ay sabab u tahay amni darro xoogan oo degmada ka jirta iyo ciidamo milateri oo fariisimo ka dhigtay goobaha ay amni darada ka jirta.

Koox hubeysan ayaa waxay afduubteen Hooyo shan caruur ah leh, islamarkaana xaamilo aheyd, iyagoona kula kacay kufsi wadareed, kadib markii ay kufsadeen si arxan daran oo bini’aadanimada ka baxsan u dilay.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabi jiray Xaajiyo Macallin Xuseen oo aheyd Xaas dhashay afar wiil iyo gabar ayaa xiligii la kufsanayay raadineysa ari ka lumey, balse nasiib daro waxaa goob cidla ah ka helay dableyda oo si arxan daran u jir dilay kahor inta aan la kufsan, waxayna jajabiyeen qaar ka mid ah lafaha xubnaheeda iyo ilkihii oo ay ka jabiyeen sida ka muuqatay meydka marxuumadda.

Ehellada marxuumada ayaa ku eedeeyay maamulka degmada Heliwaa inaysan caawin kana gaabsadeen falkaani si wax looga qabto.

Aabo Macallin Xuseen ayaa Caasimada Online u sheegay isagoo murugeysan indhahiisana ilmo ka daadaneysay in gabadhiisa ay u baahan tahay caddaalad, kuwii laga sugayayna wuxuu sheegay in ay weydiiyeen lacag shan boqol dollar ah si dilka gabadha loo baaro.

Aabo Macallin Xuseen ayaa Caasimada Online u sheegay in Hay’adda dambi baarista ee CID ay ku xirtay baarista kiiska iyo meydkaba 500 Dollar, balse ay taas badalkeed meydka marxuumada guriga kusoo ceshadeen maadaama aysan awoodin bixinta lacagtaasi, sida uu qiray aabaha dhalay marxuumada.

Hay’addaha amniga, gaar ahaan booliska ayaa ka hadlin dhacdadaan naxdinta iyo murugada xambaarsan.

Dhinaca kale, todobaadkii lasoo dhaafay waxaa isla aagaas, gaar ahaan Buurka Diikoow, Xerka Dheere iyo Xaawo Casir oo ka wada tirsan degmada Kaaraan, ka dhacay ilaa seddax kiis oo kufsi ah, kuwaasi oo ay geysteen kooxo hubeysan oo dareeska ciidamada ku labisan.

Aaga bari ee degmada Kaaraan iyo Gubadleey ilaa Ceel Cadde waxaa ku sugan ciidamada milateriga Guutada 4-aad qeybta 27-aad oo uu Taliye u yahay Saneey Cabdulle.

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen oo lagu dilay Masjidkii horey loogu dilay aabihiis

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxo hubeysan ayaa nabadoonka ku dilay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, xilli uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo Salaaddii Cishaha uu ku soo tukaday. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay ka baxsadeen goobta, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.

Bishii August ee sanadkii 2011 waxaa isla Masaajidkan lagu dilay aabihii Nabadoon Xasan Xuseen Aw Maxamed (Waloore).

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) ayaa ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug ee dhexda u xirtay xasillinta iyo masaalixda Magaalada Gaalkacyo.

Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore, oo imanaya xilli dilalka qorsheysan ay maalmihii tegay kusii kordhayeen magaalooyinka Puntland.  

Subaxnimadii Talaadada, waxaa la dilay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun, ayada oo la sheegay inay dilka ka dambeeyeen koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Al-Shabaab oo laba weerar ku qaaday GALMUDUG iyo dagaal xooggan oo socda

Baxdo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa deegaanka ah.

Wararka naga soo gaaray deegaanka ayaa sheegaya in hadda uu deegaanka ka socdo dagaalka culus oo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo kuwa xoogagga Ahlu-Sunna oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu ka socdo dhowr meelood oo ka tirsan deegaanka Baxdo, waxaana jira khasaare aad u badan oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah. 

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo gurmad ah ayaa ka baxay degaannada kale ee gobolka ee ku dhow Baxdo, si ay uga qeyb qaataan difaacidda deegaanka.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan. 

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa saaka madaafiic xooggan ku garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Madaafiicda oo gaaraya ku dhawaad 10 ayaa goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhaceen garoonka iyo agagaarkiisa, balse weli lama oga khasaaraha ka dhashay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan ciidamada Jabuuti ee katirsan holwgalka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen.

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda ah mid degan, waxaana Ciidamada Gorgor ay duleedka magaalada ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah.

Saddex sabab oo Xasan Sheekh looga fujin waayay magacaabista Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku dhawaaqay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib muddo bil ah, markii mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaiiya 16 May 2022.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay Xamza Cabdi Barre ayaa la hadal hayay toddobaadkii ugu danbeeyay ayaa la sheegay inuu ahaa dooqa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qofka kaliya ee uu ku qancay ilaa 20 musharax oo miiska u saarnaa.

Xasan Sheekh oo saddex ra’iisal wasaare magacaabay intii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya hayey 2012 ilaa 2017, waxay laba ka mida ku kala tageen khilaaf mooshin ku dhammaaday iyo waqti badan oo ku lumay, taas sababta keentay inuu markan si weyn uga fiirsado qofka uu xilka wasiirka koowaad u dhiibayo.

Arrimaha keenay in Xasan Sheekh laga fujin waayo Xamza Cabdi oo dhammaan saaxiibadii iyo inta saameynta ku leh go’aankiisa u bedeli waayeen, waxaa ka mida:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qancay inay wada shaqeyn karaan Xamza Cabdi Barre, isla markaana uu yahay nin aan ka hor imaaneynin oo fulinaya qorshaha uu doonayo 4-ta sano ee soo socota.

2- Inuu Xamza ka mid ahaa xisbigiisa UPD, muddo dheerna ay soo wada shaqeeyeen, taasoo aanay jirin Musharax uu uga kalsooni badnaa, dhammaan dadkii kale ee xilkaasi doonayey.

3- In hore beel aan ka mid ahayn beelaha waaweyn ee xilalka sare loo xiray loo magacaabay Ra’iisal wasaare sanadkii 2017, taasina ay fursad u noqotay Xasan Sheekh inuu Mudane Xamza Cabdi kasoo magacaabo Beel aan weli xilalka ugu sareeya dalka loo magacaabin.

Ra’iisal wasaaraha cusub inuu heysto kalsoonida madaxweynaha magacaabay iyo inuu yahay mas’uul ku shaqeeya qorshaha madaxweynuhu doonayo oo kaliya, waxaa sheegi doona waqtiga, laakiin waxay u muuqataa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aankan ku saleeyay khibradii hore uga soo martay ra’iisal wasaareyaashii hore.

Xigasho: Goobjooge

Danjire YOONIS: “Markii la doortay madaxweyne Xasan, YURUB waxay muujiyeen dhaqaaq aan horey loo arag”

Brussels (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada la isku yiraa Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yaasiin Yoonis Xaashi [Ooga-cade] oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Brussels, ayaa wareysi dheer oo lala yeeshay wuxuu kaga warbixiyay  arrimo dhowr ah, waxaanna qoddobada uu ka hadlay ka mid ahaa;  waxqabadka safaaradda, xiriirka safaaradu la leedahay jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan waddamada Benelux, dedaaladda uu hormuudka u yahay ee ku aadan soo celinta iyo hagaajinta xiriirka waddamada Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo guushii xilka hogaaminta dalka ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xassan Sheekh 15-kii bishii May.

Dhismaha safaaradda oo uu isbeddel weyn ka muuqday marka loo eego qeybo badan oo lagu soo kordhiyay iyo kuwa hor leh oo uu dayactir ku socda ayeey saxaafaddu weydiisay Danjire Yoonis maadaama uu xilka safaaradu hayo muddo ka yar hal sanno sida ay ugu suurtagashay dib u habeyntan uu ku sameeyey safaaradda.

“Oktoobar 2021 ayaa imid oo uu boqorka dalkan i qaabilay, waxaan u imid hanti Soomaaliyeed oo u baahan dayactir nuuc kasta ba leh. ILAAHEEY baa mahad leh oo talada i haleeshiiyay aniga oo la kaashanaya jaaliyadaha Soomaalida ee Biljam-ka iyo Netherlands howl fiican ayaan dhismaha safaarada ka qabanay oo haddaba aad indhahaaga ku aragto,” ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in ay xoogga saareen 2 arrimood oo kala ahaa; soo celinta sharaftii iyo heybadii safaaradu laheyd iyo in  loo diyaariyo bulshada Soomaaliyeed dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ay safaarada uga baahan yihiin.

Danjire Yoonis mar la weydiiyay kaalinta dalalka Midowga Yurub ee abaaraha ku dhiftay Soomaaliya, wuxuu sheegay in farriintii Madaxweyne Xassan ay kor u qaadeen ayna gaarsiiyeen dhinacyadii la is lahaa wax bay ka gaysan karaan.

“Hadalkii Madaxweynaha waanu qaadnay ilaa goobtii uu mudnaana waa gaynay, waayo annagu waxeynu nahay shaqaale Dowladeed.  Maalinta Jimcaha waxaa suurtagal ah inaan boqorka dalkan Biljam-ka is aragno, waxaan gaarsiin doonaa xaaladda abaarta Soomaaliya. Sida aad la socoto Brussels waa xaruntii Yurub waxayna diyaar u tahay in ay kaalinteeda qaadato,” ayuu yiri Danjire Yoonis, isaga oo intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in dalka Biljam-ka dhowaan uu soo gaaro wefdi uu horkacayo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxweyne Xassan u magacaabay Ergeyga u qaabilsan Somalia Abaaraha.

“Waxaana suurtagal ah Madaxweynaha wakiilkiisa gaarka ah mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu na soo gaaro dhowaan, waddanku waa diyaar, safaarad, jaaliyad iyo Midowga Yurub intuba, waxay diyaar u yihiin in loo gurmado dadka ay abaaruhu ku dhifteen,” ayuu yiri Danjiraha.

Mar uu ka hadlayay kaalinta Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in Yurub ay u jiheysatay in ay Afrika wax la qabsato.

“Yurub waxay daneyneysaa in ay Afrka la jaanqaado oo ay isku meel u wada jiheystaan haddeey tahay  xaga ganacsi,  dhaqan dhaqaale iyo tan diblumaasiga ah. Tan iyo markii la doortay Madaxweynaheena Xassan Sheekh yurub waxay muujiyeen dhaqdhaqaaq aan horay loo arag, waxay dirtay saraakiil fara badan oo xamar tagtay, waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya wax la qabsadaan, yurub waa balooga keliya ee Soomaaliya waxtarkeeda qeyb weyn kaga jira,” ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in kulamo dhowr ah oo uu la yeeshay xildhibaanno dhalinyaro ah oo baarlamaanka Yurub u metelaya dalal kala duwan oo Yurub ah  in ay isku afgarteen sidii Midowga Yurub ay isu garab taagi lahaayeen Soomaaliya.

“Xildhibaanno badan oo Yurubiyaan ah oo dalal badan ka kala yimid ayaa is aragnay, kulankeena waxaa ka soo baxay in ay Muqdisho tagaan indhahooda ku soo arkaan xaaladda dalka, waxay balanqaadeen in ay maanta diyaar u yihiin haddii fursad loo siiyo,” ayuu yiri Danjire Yoonis.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa ugu dambeyntii ugu hambalyeeyay R/wasaaraha cusub ee la magacaabay.

“Waxaan maanta fursad u helay inaan halkan hambalyo diiran uga soo gudbiyo R/wasaaraha cusub mudane Xamza Cabdi Barre oo noqonaya R/wasaarihii 21-aad, waxaan ILLAAHEEY uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilkaas. Mudane R/wasaare waa kuu hambalyeyneynaa, waynu kula shaqeyneynaa,” ayuu yiri Danjire Yoonis.

Waxaa wareystay: Cabdishakuur Cilmi Xasan

Faallo: Xildhibaan Gobsan waa in lagu ciqaabaa gefka ay ka gashay qaranka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sababaha ay Soomaalida dhibaatada uga bixi la’dahay waxaa ugu weyn isla xisaabtan la’aanta iyo kuwa dambiyada gala oo aan la marsiin ciqaabta ay mudan yihiin.

Is-hilmaamsiintaas waxay keentay in damabiileyaasha ay ku celceliyaan gaboodfallada, kuwa kalena ay albaabada ugu furaan inay kusoo biiraan, maadaama aan lagu ciqaabin xadgudubyadii hore.

Waxay hadda mareysaa in xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo ku dhaaratay ilaalinta midnimada qaranka uu meel fagaare ah lasoo istaagto; in qeyb ka mid ah dalka ay u aqoonsan tahay dal kale oo madax banaan.

Arrinta yaabka leh ayaa ah; in haddii hadallo noocaas ah ay kasoo yeeri lahaayeen shisheeye ay Soomaalida oo idil wada kici laheyd, ayada oo xaqiiqda ay tahay in hadalka shisheeyaha uu ka dhaawac iyo halis badan yahay midka qofkii lagu aaminay xilka qaranka.

Talaadadii markii uu safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ka baxay kulankii diblomaasiyadda ee madaxweyne Uhuru Kenyatta sababo la xiriiray in la keenay calanka Somaliland, laguna casuumay wakiilka Somaliland, waxa uu baraha bulshada Soomaalida ka noqday halyey; balse shalay oo wax ka darran ay dhaceen, xaaladduu waa iska caadi. 

Maxaa dhacay shalay? 

Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland, ayaa xarunta Golaha ka sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, oo ay tahay in sidaas lagu ixtiraamo.

Xildhibaanada ayaa ku dooday in illaa inta natiijo la isla qaato laga gaarayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland in lagu ixtiraamo Somaliland jiritaankeeda iyo madax-banaanideeda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Somaliland waa dal madax-banaan oo gooni u istaagay illaa inta arrintooda iyo waxyaabaha ay tabanayaan miiska la keenayo in halkooda lagu hayo oo lagu ixtiraamo,” ayey tiri Gobsan.

Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabadii ay qaaday Kenya ee aheyd in kulankii Uhuru Kenyatta kasoo wada muuqdan calanka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay mid la isaga hor keenayo labada dhinac.

Xadgudub datsuuri ah

Xildhibaan Gobsan waxay ku kacday khiyaano qaran, waxayna si cad u jebisay dastuurka dalka, waxayna meel weyn uga dhacday madax-banaanida iyo midnimada qaranka, ayada oo dal u aqoonsatay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Qodobka 7aad ee dastuurka Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ku qoran qodobada soo socda: 

(1) Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo. 

(2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo. 

(3) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah. 

(4) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya. (5) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: (a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed; (b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti; (c) Galbeed: Itoobiyia; (d) Koonfur Galbeed: Kenya; (e) Bari: Badweynta Hindiya. 

Maxay tahay in Gobsan lagu sameeyo?

Xildhibaan Gobsan waa in golaha shacabka looga yeeraa oo fursad loo siiyaa inay cudurdaar iyo raali-gelin ka bixiso hadalka gefka ah ee ay ka hor sheegtay golaha.

Haddii aaney meel fagaare ka bixin cudurdaar, oo aanay qaranka Soomaaliyeed raali-gelin ka siin gefka ka dhacay, waa in lagu qaadaa dembiga ay gashay ee ah inay Soomaaliya kala goysey, lagana xayuubiyaa xildhibaannimada.

Ma jirto sabab qof diidan midnimada dalka uu xildhibaan federaal usii ahaado. Haddii ay gabadhan u aqoonsan tahay Somaliland inay tahay dal iyo qaran madax banaan, ha iska casisho xubunnimada xildhibaan oo ha tagto Hargeysa, kuna biirto golaha wakiilada Somaliland. 

Haddii aan sidaas la sameyn, waxaa dhici doonta inay xildhibaanno noo sii ahaadaan kuwa badan oo ayada la mid ah oo dowlado ama dhinacyo kale u shaqeynaya.

Ma jirto sabab loogu caroodo Kenya iyo Uhuru ayadoo kuwa ka daran ay xildhibaano yihiin.

Dowladda Xasan Sheekh oo heshay taageero deg deg oo ah 100 milyan oo dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson oo la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacisay in Bangiga Adduunka uu dowladda ku taageerayo 100 Milyan oo dollar.

Kulanka Xasan iyo Kristina ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan.

Marwo Kristina ayaa sheegtay in lacagtaan uu Bangiga Adduunka ku taageerayo 12-ka billod ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Sidoo kale waxay ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadida adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Bangiga Adduunka ugu baaqay in uu kala shaqeeyo dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Ffederaalka.

Daawo: Kulane iyo Biixi oo la sheegay inay ka dambeeyeen dhacdadii Gedo ee Talaadadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in gobolkaas ay weli ka jirto dhibaatadii maamul oo ay gelisay dowladdii Farmaajo.

Guddoomiye Al-Qaadi ayaa sheegay in dadka reer Gedo ay weli dhibane u yihiin Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo weli ka arrimiya gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Qaadi ayaa intaas ku daray in labadaas nin ay hadda hor istaageen duullimaadyadii gobolkaas, “Dad shacab ah oo rabay inay ka baxaan Muqdisho ayaa laga hor istaagay shalay, waana ka xunahay waxa weli ka socda gobolka Gedo,” ayuu yiri Alqaadi.

Al-Qaadi ayaa tixraacayey diyaarad siday shacab oo Talaadadii loo diiday inay ka degto degmada Luuq, sababo la xiriira inuu saarnaa Guddoomiyihii degmada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub, wuxuuna Al-Qaadi ku eedeeyey Kulane iyo Biixi inay ka dambeeyeen dhacdadaas.

Maxamed Gar-dhuub ayaa Talaadadii markii ugu horeysay u safray gobolkaas, kadib isbedelkii ka dhacay dalka, balse raga hadda maamula gobolkaas ayaa diyaaradda ku wargeliyey in guddoomiye Gar-dhuub aysan Muqdisho ka soo qaadi karin.

Al-Qaadi wuxuu nasiib darro ku tilmaamay isbedelka dalka ka dhacay in uusan weli gaarin gobolka Gedo, oo dhibaatadii maamul ee dowladii Farmaajo ay abuurtay ay weli ka taagan tahay.

“Gedo maanta waxay mareysaa in duulimaadyadii oo dhan laga xiro, mana u dul qaada karno in Biixi iyo Kulane ay sii dhibaateeyaan dadka reer Gedo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Al-Qaadi ayaa fariin u diray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ugu baaqay dadkiisa reer Gedo uu dhibaatada ka dul qaado oo maamulkoodii uu u soo celiyo.

Hoos ka daawo

Sawirro: R/W Xamza oo wada-hadal la yeeshay madax goboleedkii u horeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Mudane XamzaCabdi Barre oo kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho ayaa maanta wadahadalkii ugu horreeyey la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Xamza ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa mid salaan iyo isbarasho ah oo ka dhashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee shalay uun la magacaabay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa marka hore u hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha magacaaban, wuxuuna Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Labada mas’uul ayaa intaasi kadib iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee dalka dhacay iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay diiradda isla saareen wax yaalaha hor tabinta u ah waxqabadka xukuumadda cusub oo ay ka mid yihiin ugurmashada dadka ay abaarahu saameeyeen , amniga dalka iyo arrimaha dib uhishiisiinta.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha cusub ayaa maanta booqasho ugu tegay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, wuxuuna ahaa kulankoodii u horreeyey oo ahaa mid is barasho ah.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday

La-taliyaha amniga qaranka oo u jawaabay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa baaq bani-aadanimo kasoo saaray xaalada abaaraha ee ka taagan dalka, kaasi oo u diray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Xuseen ayaa waxa uu Al-Shabaab ugu baaqay inay joojiyaan hor istaaga shacabka kasoo qaxaya macaluusha ee raba inay gaaran goobaha gurmadka ay ugu diyaarisay dowladda.

“Shabaab haddii ay Muslinimo iyo Bani-Aadanimo wax ka yaqaanaan ha joojiyaan hor istaaga shacabka ka soo qaxaya macluusha, oo soo aadaya goobaha ay dawladdu gurmadka ugu diyaarisay. Barbarkeey Ka Baxdaa Waa Bakayle Qaleen,” ayuu yiri.

Al-Shabaab oo ayadu dagaal kula jirta dowladda ayaa go’doon ku haysa deegaano ay si weyn u sameeysay abaarta ka jirta dalka, taasi oo maraysa meel aad looga deyrinayo.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bartamihii sanadkii hore dab xoogan qabad-siiyay gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Gaari Dameerada oo gaarayay illaa sagaal ayaa la gubay, kuwaasi oo sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Lama oga sida ay baaqan uga fal-celin doonto Al-Shabaab oo aan looga baran xataa inay u dhimriso xaalada bani-aadanimo ee ka jirta dalka.

Maxay Al-Shabaab ka tiri wadahadal ay la gasho DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa wareysigii ugu horreeyey oo uu bixiyey siiyey Channel 4 oo laga leeyahay UK, wuxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah.

Mahad Karate ayaa qayb ka mida wareysiga uga hadlay, haddii ay wadahadal la-galayaan dowladda Soomaaliyeed, si loo soo afjaro dagaalka ay ka wadaan dalka, wuxuuna shaaca ka qaaday in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa” ayuu yiri Mahad Karate.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada Islaamka.

Mahad Karate ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ee sida aadka ah loo doon doonaya, waxaana 10-kii April ee 2015-kii 5 milyan oo Dollar dul dhigay Mareykanka.

Daawo: Xamza oo hadda ka hor si cajiib ah uga hadlay maqaamka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo hadda ka hor ka qeyb galay dood ku saabsaneyd maqaamka Muqdisho ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda ay reer Muqdisho u leedahay inay helaan metelaada ay xaqa u leeyihiin.

Doodaan oo la qabtay maalmihii ay jirtay hadal heynta 13-kii xubnood ee Farmaajo uu sheegay in Aqalka Sare laga siinayo reer Muqdisho ayuu Xamza ka sheegay in Farmaajo uu sirayo bulshada gobolka Banaadir, isla markaana lagu beer-laxowsanayo kuraas aan la sii doonin.

Waxaa rumowday doodii uu maalintaas Xamza ka jeediyey madal ay ku sugnaayeen siyaasiyiin uu ku jiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dadka reer Muqdisho looga baxay balan qaadkii 13-ka kursi.

Sidoo kale intii ay socotay doodaas Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu soo bandhigay sharaxaad dheer oo muujineysa sida uu u doonayo in bulshada gobolka Banaadir ay helaan metelaadooda.

“Caasimadaan ay malaayiinta qof ku noolyihiin ee dowladdu degan tahay, dadkeedana aad loo canshuuro, jidadka laga xiro, qaraxyadana lagu laayo dadkeeda, waxaa u dheer adeeg la’aan xitaa ma helaan biyo nadiif ah, caafimaad lama siiyo, jidadka looma dhiso, wax adeeg ah, haba yaraatee dowladaan kama helaan,” ayuu yiri xiligaas yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale Xamza wuxuu xiligaas ku dhaliilay dowladii Farmaajo inay ku celcelineysay inay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku guul dareysatay inay maamul u soo dhisto gobolka Banaadir.

“Reer Muqdisho xaq waxay u leeyihiin inay maamulkooda soo doortaan oo helaan adeeg dowladeed, loona maamulo sida shucuubta degan caasimadaha caalamka, 13-kaan kursi ee la sheegaayo waa lagu indha sarcaadinayaa, yaa soo dooranaya horta? Waxaa looga gudbayaa caqabado markaas taagan ee 13-ka xitaa ma heli doonaan reer Muqdisho,” ayuu xiligaas yiri R/Wasaare Xamza Barre.

Ciwaanka doodii uu ka qeyb galay xiligaas ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ahaa “Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo maareynta xiligga kala guurka siyaasadeed.”

Xamza: Siyaasadda waxaan rabaa inaan janno ku galo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Zamza Cabdi Barre oo horey u ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo shaqooyin kala duwan soo qabtay ayaa wareysi horey looga qaaday kaga hadlay damaciisa gaarka ah ee hoggaamineed ee dalka iyo hadafka ugu weyn ee uu ka leeyahay siyaasadda Soomaaliya.

Xamza ayaa wareysigaas ku sheegay inuu siyaasadda ka rabo in jano uu ku galo, uguna adeegdo dadkiisa iyo dalkiisa.

“Haddaad rabto inaad leedahay riyo weyn oo dooneyso inaad waxaas xaqiijiso waxaa lagama maarmaan ah inaad u hurid (Sacrifice) sameyso marka goolkan aniga leeyahay waxaa weeye siyaasadda inaan janno ku galo” ayuu horey u yiri Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in barwaaqo kasta loo soo maro dhibaato, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in naf hurnimo loo sameeyo mustaqbalka dalka.

“Aniga waxaan aaminsanahay cid kasta iyo dal kasta oo barwaaqoobay waxaa jirta kuwa usoo gudbtay, usoo dhintay baaba’ay noloshoodii ka tegay oo ciqaabtaas u galay ayaa jira haddii ay intaas jiri laheyn, kuwa dambe kuma raaxeysteen,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in isaguna uu diyaar u yahay inuu istaago sidii Soomaaliya oo uu hadda ra’iisul wasaare ka noqday looga samata bixin lahaa xaaladda ay ku jirto.

“Sidaan ay Soomaaliya ku jirto intay kusii jiri laheyd, deegaankeyga sida uu ku jiro inta uu kusii jiri lahaa waxaan diyaar u ahay noloshaas mac macaan inaan isaga tego oo aan  Sacrifice sameyso oo raadiyo waxa aan doonayo saan ku xaqiijin lahaa,” ayuu markale yiri.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday.

Daawo: JANAN oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay ‘tallaabo ay qaadeen xubno ku xiran’ madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan kuwii sida weyn ugu dhawaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay weli ku dhaqmayaan caqliyadii madaxweynihii hore.

Cabdirashiid Janan ayaa si adag uga horyimid tallaabadii dib loogu soo celiyay diyaarad rakaab oo uu saarna Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo oo rabtay inay ka degto gobolkaas.

“Waxa arrintaas sameeyay oo meesha la dhigay baabuurta NISA, ciidamada waxan inay sharci darro yihiin waa arkaan markay diideen waxa dhacday in guddoomiyaha degmada ee nidaamkii hore ee jiray uu garoonka dhex dhigo baabuur isaga iyo ilaaladiisa, illaa meesha ka dhacdo buuq iyo ciidan kala qeybsado oo xabad la rido,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in amarkaas uu bixiyay Taliye Biixi oo uu adeegsaday Sarkaal kale oo joogay gobolka iyo maamulkii ay meesha geysatay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Farmaajo kursigii waa ka degay, oo weli gobolkii waa dhibaateysan yahay uma dulqaadan karno. Kulane Jiis ayaa xukuma oo Taliye Biixi ayaa askar amraya wax la dhageysan karo ma aha.”

Waxa uu sheegay in taliyeyaasha amarkaas fuliyay ay wiiqayaan siyaasada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo dhigaysa in uusan jirin aargoosi siyaasadeed iyo in wixii hore u dhacay hore looga sii socdo.

“Maamul shacab doorteen ma aha, nidaam dowli ah oo dalka ka jira soo magacaabay ma aha, ma dhihi waa maamul. Waxa u baahan in lala xisaabtamo nimanka talisyada ciidanka ka kala tirsan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu wax ka qabto beegsiga ay wadaan taliyeyaasha weli ku dhaqmaya nidaamkii Farmaajo, islamarkaana culeyska laga qaado gobolka Gedo.

Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ku aadan xilka cusub ee loo magacaabay, maadaama laga sugayo dhismaha xukuumad tayo leh, wuxuuna la kulmay guddoonka labada Aqal.

Xamza ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sidoo kale kulankaas ku wehlinayey ku xigeenkiisa labaad C/qaadir Abshirow.

Labada dhinac ayaa salaan kadib ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga samata-bixin lahaa abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.

“Kulanka oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxaana uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe oo lagu faah faahiyey kulankaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, kaas oo ka dhacay hoyga Cabdi Xaashi, kadib salaan uu ugu tegay Xamza.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ra’iisul wasaaraha cusub u jeediyey dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdi Xaashi.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi oo boggaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday.

Mareykanka oo ka jawaabay hadal Al-Shabaab kasoo yeeray oo la xiriiray Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa ka jawaabay sheegasho kasoo yeertay Al-Shabaab, taasi oo ay ku sheegen inay mar un la wareegayaan guud ahaan Soomaaliya.

Larry ayaa sheegay in aysan Al-Shabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo ayadu ku guuleysatay inay la wareegto gacan ku haynta Afghanistan.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in arrintaan ay Al-Shabaab ka leeyihiin buun-buunin, taasi oo uu wareysi laga qaaday ku sheegay Hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, Mahad Karate.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaasi oo diyaar u ah in Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu qiray Larry in Al-Shabaab ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku leedahay saameyn, taasi oo ku eek inay lacagaha canshuuraha ku sheegen ay ka qaadaan ganacsatada.

Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa wareysigii ugu horreeyey oo uu bixiyey siiyey Channel 4 oo laga leeyahay UK ayaa waxa uu ku shaaciyay in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka, isaga oo xusay inay mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada.

Dhageyso: Masuulkii ay siday diyaaraddii laga soo celiyey Gedo oo bixiyay xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub ayaa ka warbixiyey is hortaag lagu sameeyey safar uu ku tegi lahaa gobolkaas, iyadoo Talaadadii diyaarad siday laga soo celiyey degmada Luuq.

Sidoo kale maamulka shirkadda iska leh diyaaradii masuulkaas geysay gobolka Gedo ee dhibaatada ku muteysatay ayaa ka hadlay dhacdadaan, waxaana is hor-taagaan lagu eedeeyey maamulkii taabacsanaa madaxweyne Farmaajo oo weli gobolkaas ka taliya.

Maxamed Gar-dhuub ayaa Talaadadii markii ugu horeysay u safray gobolkaas, kadib isbedelkii ka dhacay dalka, balse raga hadda maamula gobolkaas ayaa diyaaradda ku wargeliyey in guddoomiye Gar-dhuub aysan Muqdisho ka soo qaadi karin.

“Waxay diyaaradda ku amreen in aysan isoo qaadi karin, kadib waxaan arrinteyda ku war-geliyey Taliska NISA ee Muqdisho iyo hey’adda duulista rayidka, waxaa la ii ogolaaday in aan safari karo. Markii diyaaradii aan la socday ay soo gaartay Doolow, waxaa lagu amray in dadka ay sido la dejiyo, dad kalena aysan ka qaadi karin Doolow, markii aan u gudubnay Luuq, waxaa garoonka lagu jaray gaari ciidan, waxaana u soo gudubnay Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiye Gar-dhuub.

Ninkaan oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ragga safarkiisa hor istaagay ay yihiin taliskii NISA gobolkaas u qaabilsanaa xiligii Farmaajo, isagoo dowladda federaalka iyo Jubbaland ugu baaqay in dhibaatada maamul ee gobolkaas ka jirta deg deg wax looga qabto.

Guddoomiye ku xigeenka midowga shirkadaha diyaaradaha, ahna milkiilaha diyaaradda laga soo celiyey gobolka Gedo, Axmed Diini Cilmi oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in maamulka ka jira gobolkaas ay u sheegeen in ninkaas ay diyaaradu geyso Gedo aysan rakaab xagga kasoo qaadi doonin.

“Waxaan ku iri ninkaan Muqdisho ayuu ka baxayaa, hadii uu dembi leeyahay dowladda ayaa qabaneysa, hadii uusan dembi laheyna qof tikid naga goostay ma celi karno, waxay igu yiraahdeen hadii ninkaas aad keentaan Doolow iyo Luuq dad kama qaadi doontaan,” ayuu yiri Axmed Diini Cilmi.

Guddoomiye Axmed Diini ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ay dhibaato badan ku qabaan maamul goboleedyada, sida markii ay gobolka geeyaan qof ay dhibsanayaan madaxda maamullada.

Hoos ka dhageyso wareysiyada Gar-Dhuub iyo Axmed Diini

Wareysiga Gar-dhuub

Wareysiga Axmed Diini

 

Lamaane ka tirsan DAACISH oo lagu xukumay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday lamaane is qaba oo lagu helay dembi ah inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya.

Lamaanaha oo lagu kala magacaabo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa la sheegay inay la baxeen magacyo been abuur ah oo loo yaqiinay, sida Mustaf iyo Xaawo, waxaana lasoo xiray bishii March ee sanadkan 2022-ka, iyada oo lagu qabtay agabkii qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo sidoo kale qarax diyaarsan.

Dayib ayaa maxkamaddu sheegtay inuu kooxda u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, halka Xaliimo ay qaabilsaneyn keydinta hubka iyo soo dhaweynta xubnaha kooxda Daacish.

Intaas kadib xafiiska xeer ilaalinta ayaa baaris dheer kadib maxkamadda ciidamada weydiistay in la maxkamadeeyo billowgii June, isla xilligaas ayay maxkamadda aqbashay dhegeysiga dacwadda laba eedeysane.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale maxkamadda ka hor caddeeyey in labada eedeysane ay is qabeen, laakiin ay isku guursadeen magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxayna maxkamadda ka hor sheegeen labadooda in sarkaalkii xukumayay ee kooxda Daacish uu isku doonay.

Dhankooda qareennada difaacayey eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto, loona fiiriyo qodobada dembiga fududeeyo.

Dhowr fadhi kadib maxkamadda ayaa maanta ku wada xukuntay lamaanahan min 15-sano oo xabsi ah, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Dayib Macalim iyo Xaliimo Cabdi ayaa heysta fursad kale oo ay rafcaan uga qaadan karaan xukunka lagu riday, haddii aysan ku qanacsaneyn, sida ay shaacisay maxkamadda.

R/W Xamza oo sameeyay ballan-qaad muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, ayaa waxa uu sameeyay magacaabistiisa kadib ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ballan-qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, islamarkaana uu har iyo habeen u istaagi doono sidii uu waajibka loo igmaday u gudan lahaa.

“Arrimaha waaweyn ee dalka iyo dadka horyaalla ee kow ka tahay Xasilooni siyaasadeed sidii loo abuuri lahaa, Amniga sidii loo sugi lahaa, Abaaraha dabada dheeraaday sidii xal waara looga gaari iyo sidii Dastuurka qudhiisa daba dheeraaday ee mudada dheer jiitamayay dib u eegistiisa lagu soo gaba-gabeyn lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha horyaalla xukuumad cusub ay tahay sidii Wada-hadalka Somaliland looga gun-gaadhi lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhalinyarada loogu sameeyo shaqo abuur.

“Sidii loo hirgelin lahaa hal-ku-dhiga weyn ee ballaaran ee Soomaalida oo dhan wada ogtahay ee Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah, intaas oo dhan waxay u baahan tahay dadaal iyo juhdi.”

Xamza Cabdi Barre ayaa kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.