25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Maxay tahay sababta maanta Villa Somalia loogu casuumay warbaahinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta ku martiqaadday weriyeyaal ka tirsan warbaahinta gaarka loo leeyahay shir-saxaafadeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddada uu xafiiska joogay.

Weriyaasha ayaa Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, hordhigay weydiimo ku saabsan abaaraha, ammaanka iyo su’aalo quseeyay siyaasadda oo uu mid mid uga jawaab celiyay.

“Qorshaheenna warbaahineed waxaa ka mid ah in si joogto ah aan bulshada ula wadaagno xogta iyo xaaladaha soo kordha ee dalka, waxaa noo qorsheysan inaan si joogto ah bulshada ula hadalno oo uga  haqab tirno xogta qaran ee la wada leeyahay,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar.

Weriyaasha maanta tegay madaxtooyada ayaa afhayeenka weydiiyey su’aalihii ay qabeen halka isaguna uu uga jawaabay, iyadoo su’aalaha inta ugu baday ay ka imaanayeen dhinacyada amniga, abaaraha iyo xog siinta warbaahinta.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay cabasho xoog leh kasoo yeertay warbaahinta madaxa banaan oo ku dooday in lagu casuumay magacaabaidii Ra’iisul Wasaaraha, balse balantii looga baxay.

Hoos ka daawo warbixinta

BAXDO oo soo bandhigtay hub ay Al-Shabaab ka furteen iyo maxaabiis + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka deegaanka Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay saanad ciidan oo lagu furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.

Sida ay sheegen Saraakiishu tirada laga dilay Al-Shabaab ayaa waxay gaareysa 70 dagaalame, oo ay kooxdu isaga carartay meydkooda kadib markii ay awoodi weysay inay qaataan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay sheegen in xubnaha la dilay ay ku jireen ajaanib, ayaga oo xusay in dagaalkii shalay lagu soo qabtay Ninkii waday gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ay goobta kusoo bandhigeen.

Dagaalkii shalay ee lagu jabiyay Al-Shabaab kadib waxay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howl-galeen deeganada hoos-taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab-kii soo weeraray.

Baxdo hadda wax cabsi ah kama taagna, waxaana isla maanta deegaankaasi looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo maanta ka billowday guud ahaan dalka.

Arrintan ayaa muujineyso inay dhabar adeyg muujiyeen reer Baxdo oo shalay wajahay dagaal qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo khasaare la kulmay.

Shirkadaha diyaaradaha dalka oo ku dhawaaqay joojinta duulimaadyada + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo maanta kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maalinta berri ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo barri oo Axad ah taariikhduna ay ku beegantahay 19, Juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”

Shaqo joojinta kasoo baxday Maamulka shirkadaha diyaaradaha gudaha dalka ayaa waxaa wali ka jawaabin dowladda, gaar ahaan hay’adda duulista hawada, oo ay ku eedeeyeen inay ku guul-dareysatay ilaalinta amniga diyaarahada iyo rakaabka saaran.

Maxay yihiin xerta hubeysan ee Baxdo ee mar kasta Al-Shabaab casharka u dhigta ?

Baxdo (Caasimada Online)- Dagaal sababay khasaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Shalay ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo sameeyay iska caabbin iyadoo gaadiid qaraxyo siday oo ay Al-Shabaab weerarka ku billaabi rabtay ay suurtagali weyday in ay qarxaan, kuwaas oo la qabtay sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Dadka inta badan ka hortaga Shabaabka waa dad deegaanka deggan, waxayna u badan yihiin dad xer ah oo ah xerta loo yaqaanno Suufiyada gaar ahaan Axmadiyada. Saldhiggooda ugu weyn waa masaajidka jaamaca ah ee magaalada Baxdo. Halkaas ayay joogaan oo ay kitaabbada ka raacdaan.

Waxaa u jooga mashaa’ikh ay mar walba ku xiran yihiin oo u ah hoggaamiyeyaal diimeedyo. Xertaas intooda badan qoysas iyo ganacsiyo ku leeyihiin magaalada oo ay deggan yihiin. Sidoo kale, dadka qaraabada la ah ama ay ehelka yihiin ee ku sugan deegaanka iyaga ayay mabda’ ahaan taabacsan yihiin. Waa wadaaddo bulshada deegaanka Baxdo u ah indheer-garad. Sidaas daraaddeed, mar kasta oo la soo weeraro Baxdo iyaga ayaa ah ciidan oo ka hortaga.

Xertaan ma aha ciidamo abaabulan oo hub iyo ciidan iyo xeryo leh. Waa dad goonnidood u socda oo deegaanka ah. Laakiin, nin walba gurigiisa waxaa yaalla hub u gaar ah oo uu soo iibsaday. Dhowr jeer oo Al-Shabaabka ay soo weerartay magaalada qof walba gurigiisa ayuu ku laabtay, qorigiisa ayuu soo qaatay, wuxuuna billaabay weerar-celin. Dadka Baxdo ee dhowrka jeer weerarka kala hortagay Al-Shabaab, waa dad noocaas u shaqeeya.

Baxdo waa magaalo ku taalla gobolka Galgaduud, dhinaca koonfur-bari ayay qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Waa deegaan yar, waxaana ka dhisan maamul aan xoogganayn oo ciidamadiisa iyo tasiilaadkii kale ee uu wax ku fulin lahaa aysan u dhameystirneyn . Magaaladu waxay ku tiirsan tahay dadka deggan.

Sideed caqabad oo horyaalla R/W Xamza Cabdi Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre ayaa 15-ka bishaan loo magacaabay ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Ninkaan ayaa la filayaa in dhawaan uu madaxweynaha hor geeyo Baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida kadibna waxaa looga fadhiyaa dhismaha xukuumad u adeegta dalka oo ku jira waqti aad xasaasi u ah.

Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa 8 waxyaabood oo shacabka rajeenayaan inuu hor tabin ka dhigan doono ra’isulwasaaraha cusub kuwaas oo haddii uu ka boodo aysan wax badan u hirgeli karin.

  1. Saamileyda siyaasadda

Xamza wuxuu fahamsan yahay in magacaabistiisa ay wax u dhibtay qaar kamid ah xubnihii codadka siiyey Xasan Shiikh wareegii labaad iyo midkii sedexaad ee doorashada maadaama uu isaga markii horaba ka tirsanaa kooxda Xasan Shiikh.

Kooxihii kala duwanaa ee sugayey kursiga ra’isulwasaaraha hadda uma caafimaad qabaan sidii ay ahaayeen magacaabistii Xamza ka hor.

Inuu kooxahaas mudnaan siiyo oo uu xukuumadda ka dhigo mid midnimo siyaasadeed abuurta oo dib isugu soo celin karta saamileyda siyaasadda waa xujo hor taalo ra’isulwsaare Xamza.

  1. Baarlamaanka

Ra’isulwasaaruhu wuxuu la shaqeyn doonaa Baarlamaanka aysan kooxdiisa xildhibaano badan ku laheyn taas oo isaga iyo saaxiibadiis ka dharagsan yihiin.

Musharixiin kale, xisbiyo iyo kooxdii madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaan ku heysto golaha, waxaa jirta aragti durba la abuuray oo ah in xukuumadda laga ilaaliyo xildhibaanada, haddii ay taasi dhacdo iyadoo kooxdiisana aysan markii horaba xildhibaano badan oo rasmi ah golaha ku laheyn wuxuu ra’isulwasaaraha la kulmi karaa caqabad weyn.

Xujooyinka hor yaala waxaa kamid ah sidii uu golaha shacabka ugu dhex yeelan lahaa xildhibaano badan oo daacad u ah kuwaas oo u sahli kara inay golaha mariyaan qorshayaasha xukuumadiisa kana badbaadin kara ugaarsi uga yimaado baarlamaanka dhexdiisa.

  1. Shaqada Dowladda

Dowladda Federaalka ah ayaa wax shaqo ah ka qaban dalka labadii sano ee lasoo dhaafay iyadoo Farmaajo iyo Rooble uu waqtiga kaga dhammaaday dagaal iyo sharciyada qoran oo laga boodo.

Waxaa joogsaday mashaariicdii socotay waxaana yaraaday gargaarkii beesha caalamka, dalka waxaa ka dilaacay abaaro, xafiisyo  badan oo dowladeed ayaa u xirmay khilaafka madaxda sare, waxaana dhaawac weyn soo gaaray wada-shaqeynta hey’adaha dowladda, ciidanka iyo beesha caalamka.

Dib u xasilin shaqo ayaa kamid ah waxyaabaha sida deg degta ah looga sugayo ra’isulwasaaraha cusub.

  1. isku milanka awoodaha

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay awoodaha isku Milan ee dowladda taasoo dhaawacday shaqada iyo isla xisaabtanka.

Madaxweynayaasha waxay isku dayaan inay ku milmaan shaqada xukumadda, xukuumadahana waxay isku dayaan inay farageliyaan shaqada hey’adda sharci dajinta.

Dhaqankaan wax hormar ah kuma siyaadin dalka iyo dowladnimada. Ra’isulwasaare Xamza waxaa la eegayaa haddii uu karo inuusan awoodiisa siinin cid kale iyo inuusan faraha la gelin awoodaha waaxda sharci dajinta.

  1. Amniga iyo Al-Shabaab

Dalka wuxuu ku jiraa xilli adag amni ahaan, caasimadda weli ciidamada dowladda waxay sii wadaan dilalka shacabka, Al-Shabaab ayaa iyaguna sidoo kale wada dilal iyo weeraro ay ka fulinayaan gobolada.

Baahi weyn oo amni ayaa ka jirta magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareereysan. Ra’isulwasaaraha cusub waxaa hor taala inuu la yimaado aragti amni iyo xukuumad la fulin karta.

Al-Shabaab awaa awood jirta, wada-hadal iyo awood ciidan middii lagu xalin lahaaba waa xaqiiqo hor taalo ra’isulwasaaraha cusub oo uga baahan maareyn.

  1. wada-shaqeynta beesha Caalamka

Wakiilada caalamiga ah ayaa si weyn uga niyad xumaaday dowladda iyo dhaqanka madaxda Soomaalida. Labadii sano ee ugu dambeysay waxay ku dhawaadeen inay dalka ka quustaan.

Dhaqaale badan ayey hakiyeen markii ay xaaladda arkeen, weli waxaa la sheegayaa inay ku jiraan qiimeyn. Ra’isulwasaare Xamza waxaa hor taalo inuu dib u furfuro wakiilada beesha caalamka oo uu kalsooni geliyo si ay mar kale ugu dhiiradaan wada-shaqeyn hagar la’aan ah.

  1. Dib u heshiisiinta, dastuurka, wada-hadalka Somaliland iyo doorasho hormarsan

Meelaha lacagaha ugu badan lagu cuno ee iska furan waqtiga dheer waxaa kamid ah dhameystirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, wax hormar ah laga sameyn shaqooyinkaan. Sidoo kale dowladdi dhawaan waqtiga ka dhammaaday waa ku fashilantay inay doorasho hormarsan dalka ka qabato.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa iyaguna noqday mashruuc iska taagan. Afartaan arrimood waxay kamid yihiin shaqooyinka ugu muhiimsan dalka balse aan badi mudnaan la siinin.

Waa imtixaan ay badi ku dhaceyn xukuumadihii dalka soo maray. Xamza waxyaabaha lagu qiimeyn doono waxaa kamid ah miisaank shaqada uu ka qabto dib u heshiisiinta, wada-hadalada Somaliland, dhameystirka dastuurka iyo horumarinta doorashooyinka.

  1. Siyaasadda arrimaha dibadda iyo loolanka gobolka

Gobolka geeska Africa waxaa ka jira loolan, kala riixasho iyo is xulafeysi, dhinac walba oo ay Soomaaliya u dhaqaaqdo saameynteeda ayey leedahay. Nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa geeska geliyey Jabuuti iyo Kenya isagoo qaatay Itoobiya wuxuuna ku darsaday Eretariya.

In sidii Farmaajo qaar la tuuro qaarna lala shaqeysto aad uma caawin karto Soomaaliyada laga filayo inay dhisaan Xamza iyo Xasan Shiikh.

Dalalka Carabta sida loola macaamili doono iyaduna waa xujo kale, gaar ahaan dowladda Qatar. Siyaasad aan xasilooneyn oo arrimaha dibadda ah ayuu dalku muddo kusoo jiray.

Xukuumadda imaan doonto caqabadaha hor yaalo ayey kamid tahay sida ay u abuurto siyaasad arrimo dibadeed oo bilaa cadaawad ah oo danna ugu jirto dalka.

Shacabka BAXDO oo arrin cajiib ah sameeyey, kadib weerarkii AL-SHABAAB

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta deggan, kadib weerarkii khasaaraha lagu gaarsiiyey Al-Shabaab ee Jimcihii ka dhacay gudaha deegaankaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Shacabka oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal kala hortegay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyey halkaasi, iyada oo looga dilay illaa 70 xubnood oo ay ku jiraan saddex ajaaniib ah, sida uu shaaciyey Madaxweynaha Galmudug.

Haddaba maxay sameeyeen reer Baxdo, kadib weerarkii Al-Shabaab?

Shacabka ku dhaqan deegaanka Baxdo, gaar ahaan bahda waxbarashada ee deegaanka ayaa sameeyey arrin kale oo cajiib ah, waxaana isla maanta deegaankaasi looga fariistan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo maanta ka billowday guud ahaan dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in maanta Baxdo ay tahay nabad, isla-markaana looga fariistay imtixaanka mideysan ee ay qaadeyso dowladda.

“Goobihii ay shalay wax ka dhaceen waxaan u sheegeynaa Ummadda Soomaaliyeed in saaka ay amni tahay Baxdo, Imtixaankana lagu galaayo. Dhammaan goobihii aan ugu talagalnay waxbarashada inay gaareen saaka imtixaanka oo wada billowday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Saraakiisha amniga meel kasta oo ay joogaan waxaan ka codsaneynaa inay u fududeeyaan”.

Arrintan ayaa muujineyso inay dhabar adeeg muujiyeen reer Baxdo oo shalay wajahay dagaal qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo khasaare la kulmay.

Xaaladda guud ee deegaanka ayaa maanta ah mid xasiloon, waxaana weerarkaas siyaabo kala duwna uga hadlay dowladda Somalia & Galmnudug oo guullo ka sheegtay dagaalka.

CID-da Muqdisho ‘oo arrin yaab leh kula kacday’ qoys gabadhooda la kufsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aan dowladnimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed u wanaagsaneyn ayaa hay’adda danbi baarista C.I.D kula dhaqantay qoys dhibane ah oo gabadhooda inta la xoogay, la jir dilay haddana la kufsaday iyadoo uur leh.

Hay’adda C.I.D oo ku shaqo leh inay baaris iyo dabagal ku sameyso kiisaska fal dambiyeed, haddii ay ahaan laheyd dilka, dhaca iyo fal dambiyeed kasta ayaa si shuruud la’aan ah oo lacag la’aan ah ay tahay inay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhiban.

Hase yeeshee, waxaa soo yeertay isla markaana ogaanay in masuq maasuq baahsan uu ka jiro hay’adda dhexdeeda, islamarkaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee doonaya in kiisaska dacwadaha iyo dambiyada loo baaro, lagu xero shuruudo kala duwan.

C.I.D ayaa lagu wargeliyaa falalka dilka ah ee ka dhaca Muqdisho si loo baaro meydka iyo falka dambiyeedka, waxayna qaadaan meydka oo mudo maalin ama labo maalin ay haystaan si loo baaro, hase ahaatee inta aysan qaadin meydka waxay ehelka marxuumka ay ka dalbadaan lacag dhan 500 Dollar si loo baaro kiiska, ciddii aanan bixina wax baaris ah looma sameeyo.

Macallin Xuseen oo ah aabaha dhalay Xaajiyo Macallin oo habeenkii Axadda inta la jir dilay la kufsaday iyadoo uur leh ayaa sheegay in C.I.D ay diiday inay baaraan kiiska gabadhiisa ilaa ay ka bixiyaan 500 dollar, wuxuunta intaa raaciyay in ay dib usoo ceshdeen meydkooda oo ay duugteen.

“C.I.D waxay ku leedahay 500 dollar keena, ilaahey baa idinku dhaarshee, dadkii caddaaladda ka shaqeyn lahaa waa kuwaas,” ayuu yiri Aabe Macalin Xuseen isagoo ilmeynayay, wuxuuna tallo saartay Alle SWT.

Xaajiyo Macallin Xuseen oo aheyd Xaas dhashay afar wiil iyo gabar ayaa xiligii la kufsanayay raadineysa ari ka lumey, balse nasiib daro waxaa goob cidla ah ka helay dableyda oo si arxan daran u jir dilay kahor inta aan la kufsan.

Marxuumada ayaa ka muuqday dhaawacyo ay ka mid ahaayeen inay jajabnaayeen lacaheeda, afka ciid looga duugay, ilkahana la jabiyay iyo dhaawacyo kale oo fool xun.

Hay’adda C.I.D ayaa isku daynay inaan la xiriirno si ay arrintaan ugu jawaabaan, hase ahaatee kama aysan jawaabin codsigeena.

Guusha buuxda ee DDF waxaa naga xiga ansaxinta BF ee R/Wasaaraha magacaaban

Guusha Dadka Soomaaliyeed ee la dhacsan nidaamka dowladnimo ee Dastuuri, Dimuquraadi, Federaali (DDF) wuxuu ka soo bilowdey xulkii xildhibaanadda wuxuuna ku dhamaanayaa ansaxinta RW magacaban.

Faahfaahinta 4-ta marxaladood ee guusha DDF ka akhriso hoos:-

1. Xulkii xildhibaanada labada gole oo ay inta badan ku soo baxeen mudanayaal iyo marwooyin federalist ah.

2. Waxaa ku soo xigey doorashadii Guddoomiyayaasha labada aqal oo ay ku soo baxeen hogaan federalist ah.

3. Waxaa ku xigey doorashadii Madxweynaha ee dhacdey 15.5.22 oo ay kamadabeystii isugu soo hareen labo hogaamiye oo ay kala watey labo fikir nidaam dowli oo kala ah centralist vs federalist. Habeenkaas doorashada waxaa guul taariikhi ah u soo hoyatey musharaxii watey fikirka nidaamka federalism-ka. Mudane Xasan Shiikh oo kal hor lagu bartey inuu yahay hogaamiye aaminsan fikirka DDF ayaa si weyn uga guuleystey musharaxii ay isu soo hareen oo lagu bartey kolkiisii inuu u janjeero nidaam dowlad dhexe oo awooda hal meel lagu soo ururiyey. 

4. Waxaa ku xigay xulkii Madaxweynaha uu u soo xushey Xilka Wasiirka 1aad Md. Xamza Cabdi Bare 15.6.22. Mudane Xamze oo ah qof si mug leh ugu soo halgamey dhismaha Soomaaliya Federaal ah, waxaa lagu xusuustaa kaalintiisii mudnaanta 1aad laheyd ee dhismaha Dowlad Goboleedka JL oo kamid ah Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, sidoo kale Mudane Xamze waa xubin xisbiga UPD oo ay ku wadajiraan Madaxweyne Xasan Shiikh. Mudane Xamze waxaa laga filayaa inuu isaga oo RW ah u howlgali doono kuna gacansiin doono Madaxweynaha xoojinta iyo dhamaystirka nidaam dowladnimo ee jamhuuriyad ah DDF.

Hadda dhamaystirka dowladda Madaxweynaha 5naad ee Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhiman in la ansixiyo xulka Madaxweynaha ee xilka RW – sidaas darteed, Xildhibaanadda waxaa looga fadhiyaa inay siiyaan codka kalsoonidda RW magacaaban weliba si aan kalahar laheyn si ay u muuqato in Dalka Soomaaliya uu u jiheystey dowladnimo ku dhisan DDF kadib markii uu dalka yeeshey hogaamiyayaal u taagan ku shaqeynta shaxda siyaasadda ee DDF (Dastuuri, Dimuquraadi Federaali).

Hassan Said Mohamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegtay guul weyn – Dilka 70 ay ku jiraan saddex ajaaniib

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal ka soo saaray dagaalkii Baxdo ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo iyo ciidamada daraawiishta Galmudug, sida ay iskaga difaaceen weerarkii Al-Shabaab.

Qoraalka Axmed Qoor Qoor ayaa lagu cadeeyey in kooxdu ay deegaanka uga tagtay meydadka 70 dagaalame, hub iyo saanad ciidan, iyadoo la fashiliyey gaari ay u diyaariyeen inuu is-miidaamiyo.

“Dowladda Galmudug waxay ku ammaaneysaa Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo,” ayaa lagu war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkaan ay baahisay madaxtooyada Galmudug waxaa lagu sheegay in weerarka kadib ay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab-kii soo weeraray, “Iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.”

“Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii Baxdo.

Labo xaalad oo kala daran oo isugu darsantay shacabka degmada Buulo-burte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan Axmed Mahad Nuur oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee degmadaasi oo ka mida meelaha ay ku soo barakaceen dadka ay saameysay abaarta dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan shacabka Buulo-Burde, wuxuuna tilmaamay inay isugu darsameen abaar iyo sidoo kale go’doomin ay degmada ku hayaan xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Axmed Mahad Nuur ayaa sidoo kale xusay in xaaladda ay kasii dartay markii ay magaalada kusoo barakaceen qoysas badan oo ku noolaa miyiga gobolka Hiiraan, isaga oo intaasi ku daray in haatan ay macluul ka jirto magaalada, taas oo uu kasoo saaray baaq deg-deg ah.

“Abaarta saameyn weyn ayay ku yeelatay Magaaladaas oo muddo go’doonsan, Xoolo dhaqato iyo Beeraley ayaa degen, macluul badan ayaa ka jirta, Ganacsiga Xooggiisa waxa u ku yimaadaa diyaaradaha oo 4 maalin yimaada, Dadka deegaanka waxaa kusoo barakacay oo dulsaar ku noqday qoysaskii degenaa Tuulooyinka oo Xoolo dhaqato u badan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda cusub iyo hay’adaha samafalka, wuxuuna ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi.

Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa aan ka sugeynaa in ay wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira Buula burte, rajo ayaan ka qabnaa Maadaama Madaxweynaha uu magacaabay Ergay u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada waxa aan ka codsaneynaa in uu wax ka qabto abaartaan taagan” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Buulo Burte.

Dhowaan Buulo-burte waxaa booqasho ku tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha, isagoo kormeeyay xeryaha degmadaasi.

Xaaladda bani’aadanimada Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana deegaanada qaar laga soo warinayaa dhimasho ay sababtay abaarta iyo macluul daran.

35,000 oo u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ay u fariisteen ilaa 35,000 oo arday ah.

Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana wehlinayey wasiirka wasaaradda waxbarashada, Mudane Cabdullahi Carab, iyada oo Rooble uu qaybiyey qaar ka mid ah imtixaanaadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed, isaga oo xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo  kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

“Runtii maanta farxad ayay ii tahay in aan daah-furo imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, waxa aan leeyahay alle ha idiin fududeeyo, Waalidkii idinku soo tiir & tacab beelay in aad ka war heysaan, macalimiinta wax idin soo bartay meelkasta oo ay joogaan waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo afar dowlad goboleed oo kala ah Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Muqdisho ayaa waxaa ku galaya ardayda ugu badan oo tiradooda ay gaareyso illaa 25-Kun kuwaas oo loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir,

Dhinaca kale Puntland ayaa qeyb ka aheyn Imtixaanka dowladda, iyadoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka 12-aadee dugsiyada sare ee ku yaalla maamulkaasi.

Mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa dil qorsheysan oo ay maanta rag hubeysan ka geysteen xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay Marxuum Cali Shanlow Cali oo ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online inay dilka fuliyeen kooxo hubeysan oo watay bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib toogashada marxuumka.

Cali Shanlow ayaa lagu soo warramayaa in xilliga la dilayey uu isku diyaarinayay inuu kormeer ku sameeyo imtixaanka shahaadiga ee maanta billowday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saartay dilka marxuumka, waxayna tacsi u diray ehelladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay aad uga xun tahay falkaasi, iyada oo ku baaqday in baaris deg deg ah lagu sameeyo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shaab oo ku sugan deegaano hoos yimaada magaaladaasi.

Khasaaraha Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo oo kordhay – Sidee wax u dhaceen?

Baxdo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha kala gaaray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo saakay ku dagaalamay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta lagu soo bandhigay meydadka dagaalyahanadii kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee la gaarsiiyey Al-Shabaab uu gaarayo 100 qof.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay Al-Shabaab ka furteen hub iyo afar gaari oo isugu jiray kuwo lagu soo diyaariyey waxyaabaha qarxa iyo kuwo toos u dagaalamayey.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in dagaalkii maanta Baxdo ka dhacay ay hoggaaminayeen culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo si weyn uga abaabulan degaankaas, kuna guuleystay inay iska caabiyaan kooxda.

Khasaaraha gaaray dadka deegaanka ayuu ku sheegay ilaa 10 qof oo afar ka mid ah ay geeriyoodeen, halka inta kale dhaawacyadooda la kala geeyey magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in Al-Shabaab dagaalka looga qabtay maxaabiis ay ku jiraan xubno ajaanib ah, sidoo kale dagaalka waxaa dib uga soo biiray ciidanka xoogga dalka oo khasaare uu ka soo gaaray.

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in isaga Xildhibaan Cabduraxmaan Odawaa, guddoomiye Abshir Bukhaari iyo Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo deegaankaas ay ka soo wada jeedaan ay galabta isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku booqdeen Sheekh Muuse oo kamid ah culumadii maanta lagu dhaawacay dagaalka Baxdo.

Xildhibaan Cabdisaabir ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Madaxweynaha iyo taliyaasha aminigaba waan gaarsiinay gurmadka iyo baahiyaha ay qabaan reer Baxdo oo markii labaad iska difaacay khawaarjita, waxayna ballaan qaadeen sida ugu dhaqsiyaha dhow in looga jawaabi doono baahiyahaas.”

Sidoo kale Cabdisaabir oo baaq u diray qurba-joogta deegaanka ayaa yiri, Waxaan baaq gooniya u dirayaa qurbajoogta reer Cadaado iney ka soo qayb qaataan gurmadka dadkaas walaalahood oo abaaraha iyo dagaalka khawaarijtu isugu darsameen.”

Hoos ka dhageyso wareysi uu wasiir Falagle siiyey VOA

Daawo: Sheekh Usuuli oo si cajiiba ugu hadlay kiiska Ikraan digniina u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee bulshada uga jawaabta su’aalaha diiniga ah ee ka dhex guuxaya ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyey isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, xilli uu toos u fadhiyey barnaamij ka baxay TV-ga Universal.

Sheekha ayaa fariin la xariirta kiiska Ikraan Tahliil u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga digay inay la kala saftaan siyaasiyiinta isku eedeyneysa dilka Ikraan.

Wuxuu soo jeediyey in kiiskaan maxkamad la geeyo oo ragga isku eedeynaya halkaas lagu kala saaro, balse aan lala kala safan siyaasiyiin faraha isku fiiqeysa, “Shacabow arrintaan afkiina ka beri-yeela,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in shacabku ay baraha bulshada ka fidaacayaan siyaasiyiinta, “War yaa kuu sheegay waxaan aad ku doodeyso? Maxkamadda malagaa wacaa berri oo ma ku marqaati furee? Maka jawaabeysaa hadii lagu weydiiyo sidii loo dilay Ikraan? Cadeyn hadaadan heynin iska aamus walaalow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta oo maanta uu Ilaahey ka beri-yeelay kiiskaan uu nasiib leeyahay, “War shacabow ilaahey ka cabsada, gabar dhiigeedaa la isku heystaa, dhiiguna waa khatar, waxaan ilaahey ka baryaa inuu dhiiga gabadhaas xaqa ka soo saaro,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta looga baahan yahay inuu gacan ka geysto sidii kiiskaan maxkamad loo geyn lahaa, balse laga baaqsado marin habaabinta, “Buuqa la kicinaayo waxaa looga dan-leeyahay in dacwada taalla ay noqoto mid aan wax ka soo qaad laheyn, qiyaamaha waa la qabsanayaa dadka ka qeyb qaadanaya marin habaabinta dhiiga gabadhaas,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Shacabow waxaan idinku waaninayaa, ka gaabsada kiiskaan, haka qeyb qaadanina marin habaabintiisa, qof kasta ninka uu taageerayo maalinta qiyaame waa uu ka carari doonaa, nin kasta oo qof tuhmay cadeyn ayaa laga rabaa.”

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalkii BAXDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa bogaadiyey dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka degaanka Baxdo ku amaanay sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo saaka weerar ‘bahalnimo ah’ ku soo qaaday deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka xoogga dalka ay gaarsiiyeen Al-Shabaab soo weerartay ay muujinayso sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh ay iskaga dulqaadi karaan dhibaatada ay argagixisadu ku hayso.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan, kuwaas oo difaacayay dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee waxyeeladu  ka soo gaartay weerarkaas.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan, kadib markii ay awoodi weysay kooxdu inay qaadato.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaarsiiyay dagaal-yahanad kooxda.

Sidoo kale dadka deeganka Baxdo ayaa waxay soo bandhigeen saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Sawirro: Xamza oo la kumay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Xamza Cabdi Barre u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Arbacadii ayey aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamza, taasi oo uu si weyn u soo dhaweeyay Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray Arbacadii.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa tan iyo markii la magacaabay kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo ahaa kulankoodii u horreeyey oo ahaa mid is barasho ah.

Sidoo kale waxa uu wada-hadalkii ugu horreeyey la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Xamza ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa mid salaan iyo isbarasho ah oo ka dhashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee shalay uun la magacaabay.

Labada mas’uul ayaa intaasi kadib iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee dalka dhacay iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay diiradda isla saareen waxyaalaha hor-tabinta u ah waxqabadka xukuumadda cusub oo ay ka mid yihiin u gurmashada dadka ay abaarahu saameeyeen, amniga dalka iyo arrimaha dib uhishiisiinta.

Maxay magacaabista Xamza Cabdi Barre uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo markii u horeysay ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya uga dhigan tahay inay u jiheysatay siyaasadda xisbiyada.

Prof. Afyare ayaa qaba in magacaabista Xamza ay sare u qaadeyso awoodda xisbiyada, taasi oo siyaasadda ka dhigeysa mid leh aragti iyo jiho ka badalan middii sanadaha badan lagu hogaaminayay dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu kamid ahaa xisbigii uu hogaaminayay madaxweynaha, runtii waa arrin muujineysa in loo socdo nidaamka xisbiyada oo halkii hore ee dad aan is aqoon isugu imaanayeen labada xil u sareeya waa soo badalatay, waana horumar ayaa isleeyahay marka dhinacaas laga fiiriyo,” ayuu yiri.

“Waxaa isleeyahay markasta oo loo sii dhawaado xisbiyo in siyaasadda ay waji, jiho iyo aragti ay yeelaneyso.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha ay hor-taallo dhaqan-gelinta hal-ku-dhigii ololaha madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ahaa “Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah”.

“Golaha ha la xoojiyo oo dooduhu ha ka dhacaan oo go’aamada lagu gaaro ha noqdaan, oo yeysan noqon Gole uu iska leeyahay Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha. Waxaa ku talinay in habka loo habeynayo wasaaradaha ay noqdaan hab la socda caalamka hadda cusub.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, horena u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Al-Shabaab oo 40 dagaal-yahan looga dilay dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay…

Baxdo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ah ay iska caabiyeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab saaka kusoo qaaday deegaanka kaasi oo ku bilowday qaraxyo.

Sida ay ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaarsiiyay dagaal-yahanad kooxda.

Sidoo kale dadka deeganka Baxdo ayaa waxay soo bandhigeen saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Kooxda ayaa awoodi weysay inay qaadato meydadka kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulantay ciidamo daacad u ah culumo ku sugan Baxdo oo halkaas ka akhriyo duruus diini ah.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray ciidamada dadka deegaanka ee daacadda u ah culimada Ahlu Sunna iyo ciidamada maamulka, waxaana la xaqiijiyey toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan, waxaana joogo ciidamo daacad u ah culamo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka.

Deegaanka Baxdo ayaa 90-km u jiro magaalada Cadaado, waa deegaan hoos tago Cadaado oo aan weli loo aqoonsan degmo.

Toban dhacdo oo muhiim ah oo FAHAD YAASIIN uu ka dhuuntay inuu ka hadlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin wuxuu dusha saartay dhacdooyin badan oo loo haysto nidaamkii madaxweyne Farmaajo, intii uu socday wareysi uu dhawaan bixiyey.

Dhacdooyinkii uu Fahad mas’uuliyadooda qaatay, waxaa qaar laga sugayey inay ka jawaabaan Farmaajo ama madaxdii kale ee dowladaas, laakiin Fahad oo awooday inuu jawaabaha qaar xawilo ayaa doortay inuu isaga ka jawaabo.

Shantii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka waxaa ka dhacay arrimo waaweyn, kuwa badan oo muhiim ah oo ay dadku sugayeen inuu Fahad ka hadlo ama la waydiiyo ayaan soo gelin wareysiga.

Uma badna in la iloobay waxayse u muuqdaan dhacdooyin uusan rabin Fahad Yaasiin inuu ka hadlo. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa 10 dhacdo oo qaarkood ay dalka iyo dowladnimadaba gilgileen oo uu Fahad ka dhuuntay una baahan in mar kale la waydiiyo.

  1. Arrinta Qalbi Dhagax

Dambiga ugu weyn ee nidaamkii madaxweyne Farmaajo loo haysto waa in muwaadin Soomaali ah loo dhiibay dowladda Itoobiya. Falkan lagula kacay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ayaa gilgilay nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Waa kiis uusan qofna ka boodi karin marka uu rabo inuu ka waramo maamulkii madaxweyne Farmaajo. Fahad kama hadlin arrinta Qalbidhagax.

  1. Dilkii Injineer Yariisow

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir En. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo qaar kamid ah maamulkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdsiho.

Waxay aheyd dhacdo weyn in xafiis sidaas loo ilaaliyo uu falkaasi ka dhici karo. Illaa hadda mugdi ayaa ku jira dilkaas.

Muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka qarsoon sida ay dowladda u maareysay ayaa shakiga gudaha ah xoojisay. Fahad waa ka dhuuntay mowduucaan.

  1. Weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dowladdii Siyaad Barre kadib in qof siyaasi ah la isku dayo in loo qaarijiyo aragtidiisa siyaasiga ah waxay dhacday bishii December 2017.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo si weyn uga aragti duwanaa dowladaas. Fahad Yaasiin wuxuu markaas ahaa agaasimaha Villa Somalia oo la aaminsan yahay in weerarka laga abaabulay.

Dhacdadaan iyadana Fahad lama waydiin/

  1. Weerarkii madaxweynayaasha

Laba jeer ayaa la weeraray madaxweynaha maanta talada haya Xasan Sheekh Maxamuud intii uu jiray nidaamkii Farmaajo. waxay aheyd gaf xasaanadeed, mid sharci iyo halis la geliyey dowladnimada Soomaaliya.

Dhaqankaas foosha xun illaa hadda cidna looma maxkamadeyn. Fahadna wuxuu doortay inuusan arrimahaas ka hadlin.

  1. Xildhibaanimadii loo diiday Fahad

Jabkii ugu weynaa ee siyaasad ahaan soo gaara Fahad Yaasiin waxaa loo arkaa guuldaradii kursigii loo diiday. Muranka kursigiisa muddo ayuu socday mana ahan wax la iloobi karo, Fahad kama hadlin lamana weydiin sababtii uu kursiga ku waayey.

Laakiin wuxuu wareysiga dhexdiisa ku weeraray qof walba oo kaalin ku lahaa inuu kursiga xildhibaanimada waayo.

  1. Xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu laayey Baydhabo

Muddo dhowr sano ah waxaa NISA ugu xirnaa Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Ninkaan oo isagoo raba inuu u tartamo hoggaanka Koonfur Galbeed lasoo xiray waxaa dhinaca kale dhacdadiisa xigay dad dibad-baxayaal ah oo ay dowladda ku leysay magaalada Baydhabo.

Fahad kama hadlin sababta loo soo xiray Mukhtaar iyo mas’uuliyadda shacabkii la laayey.

  1. Doorashooyinkii maamul Goboleedyada

Dowladdii madaxweyne Farmaajo waxaa lagu tilmaamaa dowladdii lacagtii ugu badneyd ku bixisay burburinta maamul goboleedyada.

Farmaajo iyo saaxiibadii waxaa la sheegaa inay nidaamka federaalka ah diidan yihiin. Doorashooyinkii ugu liitay ayaa maamul goboleedyada laga qabtay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Silacaas loo geystay masiirkii dadka gobolada ku dhaqan iyo hantida lagu burburiyey midna kama uusan hadlin Fahad Yaasiin.

  1. Asalka khilaafka iyo isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble

Fahad wuxuu wareysigiisa ku muujiyey naceybka iyo cadaawadda ka dhaxeysa isaga iyo Rooble. Dad badan ayaa ku dhaliilay Fahad inuu wax kala reeban waayey, balse dhinaca kale Rooble isna dhowr jeer ayuu Fahad si farsameysan ugu weeraray warbaahinta.

Gunta khilaafka labada nin kama uusan waramin Fahad

  1. Ridistii sharci darada aheyd ee Kheyre

Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa si aan sharciga lo marin loo riday Bishii July 2020. Sharci-daradaas oo la aaminsan yahay inay Fahad iyo Farmaajo darawaliin ka ahaayeen iyadana lama soo hadal qaadin.

  1. Sababtii guuldarada doorashada madaxweynaha

Fahad wuxuu ahaa madaxii ololaha madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegtaa inuu yahay macalin sixi kara qiyaasta doorashooyinka, walow dadka qaar ay taas si weyn u duraan, haddana Fahad ma sheegin waxa sababay guul-daradii qaraareyd ee kooxdooda kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha.

Tobankaan dhacdo ee waaweyn ma ahan inuusan Fahad xasuusan ama aan la weydiin karin, balse waxaa lagu sifeeyey dhacdooyin uu ka baxsanayo ka hadalkooda.

Soomaaliya oo liiska awoodda militariga uga sare martay dal ka tirsan NATO iyo Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Bogga Golobal Firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.

Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan, Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.

Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah. Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.