28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: Markii labaad iyo xujada maqaamka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Hadda xilka ugu weyn ee gacantiisa ku haray waa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dad badan oo eryanaya kursigaas ayaa lasoo warinayaa inay dhooban yihiin xafiiska madaxweynaha. Siyaasiyiinta wax ka dhisatay madaxweynaha ayaa iyaguna olole u wada shaqsiyaad kala duwan oo ay rabaan in midkood loo magacaabo xilkaan.

Sida ay wax ku socdaan, shacabka magaalada Muqdisho waxay mar kale qaadanayaan guddoomiye gobol oo warqad madaxweyne ku magacaaban, waxayna weli masaafo usii jiraan in iyaga loo madax baneeyo aayahooda.

Xasan Sheekh wuxuu marar badan sheegay intii uu mucaaradka ahaa in qabyadii uu sheegi jiray ay kamid aheyd inuu nidaam gaar ah u sameeyo gobolka Banaadir. Hadda Xasan wuxuu mar kale nasiib u helay inuu xafiiska kusoo laabto, waxayna dadka eegayaan inuu hadalkiisii mucaaradnimada kursi doon ku ekaan doono ama inuu Muqdisho culeyskeeda wax ka badali doono, oo uu billaabi doono geediga maamul u gaar ah magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho waxay marar badan si aan dhuumasho laheyn u sheegeen inay u baahan yihiin maamul u gaar ah oo ay iyagu doortaan.

Nooca maqaamka ay magaaladaan yeelan doonto waxaa lagu xiray go’aanka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa ku lifaaqan iyadoo la tixgelinayo rabitaanka dadka magaalada

Dadka caasimadda ayaa su’aalo laga weydiiyey sanadkii 2017 nooca maqaamka ay rabaan, laakiin nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey shir bishii December 2017 lagu soo bandhigi lahaa sida ay dadka caasimadda rabaan inuu noqdo maqaamka magaaladaan.

Muqdisho waa magaalada ugu dhulka ballaaran dalka, ugu dadka badan, ugu dhaqaalaha badan, ugu ganacsiga ballaaran, cashuurta ugu badan bixisa, haddana dhinaca kale waa magaalo aan matalaad siyaasi ah ku laheyn dalka, waa magaalada ugu amniga xun, dadka ugu badan lagu dilo, midda ugu badan ee lagu gafo siyaasad ahaan iyo mid aan dadkeeda loo ogoleyn inay go’aansadaan masiirkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa heysta imtixaankii labaad ee ku saabsan magaalada Muqdsiho, haddii uu markii hore sheegay inuu dib u dhigtay hagaajinta nidaamka magaaladaan hadda ayuu gacanta ku hayaa fursaddii labaad.

Haddaba maxaa muhiim ah oo laga dhex raadin karaa xulashadiisa cusub ee qorsheysan?

Inkastoo aysan dooda noqon karin inuu hadda joojiyo isbadalka warqadda ku dhisan ee hoggaanka gobolka Banaadir, haddana waxaa madaxweyne Xasan la gudboon inuu magacaabo maamul heysta awood iyo waqti kooban oo magaalada ugu diyaariyaan inay is maamusho.

Ugu yaraan waa in la heli karo qof laba sano magaaladaan ku gaarsiin kara is doorasho. Macno badan dadka magaalada Muqdisho uma lahan guddoomiye la iska magacaabo oo aan la ogeyn waxa uu u taagan yahay.

Waa in xulashada cusub lagu saleeyaa qof dhallin kara maqaam oo haya fikradeedii iyo farsamadeedii ayey badi qabaan siyaasiyiinta deegaanka.

Iyadoo aan la dafiri karin caqabadaha awood qeybsiga beelaha iyo damaca beelaha uga wada jira inay wax ka helaan maamul madax banaan oo ay Muqdisho yeelato, haddana sida loo qeybsanayo awoodda waxaa ka muhiimsan in marka hore la meel mariyo nooca uu noqonayo maqaamka caasimadda oo uu nidaamka cusub ee Xasan Shiikh hor-tabin ka dhigto.

Dadka reer Muqdisho intaan ka badan kuma hoos noolaan karaan guddoomiye gobol oo maqaar saar ah oo saacadii uu doono uu eryi karo madaxweynaha.

Helitaanka taageerada Xasan Sheekh ee shacabka caasimadda waxay ku xiran tahay sida uu mudnaan u siiyo halista maqaam iyo maamul madax banaan oo ay caasimadda yeelato ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre oo inta ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu dhowr jeer doodo hore ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in dhibaatada taalo Muqdisho xalkeeda si dhab ah loo wajaho oo la helo maamul gaar ah oo dadku dhistaan lana xisaabtami karaan.

Xamza hadda wuxuu joogaa miiska go’aanka waxaana la eegayaa sida uu isna dhankiisa mudnaan u siiyo Muqdisho iyo maqaamkeeda.

CC Shakuur oo ka dagay Doolow iyo arrin uu shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani-aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga gaar ah ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay, si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeryaha la dejiyay dadka barakacayaasha ah.

Doolow waxaa saldhigtay qoysas intooda badan ka barakacay degmooyin katirsan gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo degmooyinka qaar ee isla gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto, islamarlaana loo baahan yahay in loo gurmado dadka ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maalin welba ay Doolow tagaan Qoys u badan xoolo dhaqato iyo beeraley abaartu saameyn taban ku reebtay.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in gargaarka dadkaas la siiyo uu gaarayo 18%, marka la eego tiradooda iyo raashinka la siinayana aanay isku dhigmin.

Mucaaradka Somaliland oo sameystay ciidan hubeysan, shaaciyeyna sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku kaliftay hogaamiyeyaasha mucaaridka inay sameystaan ciidamo hubeysan oo ilaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku dayday inay khaarajiso hogaanka mucaaridka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka qaarkood ay xiran yihiin kadib markii ay ka qeyb-galeen mudaharaad looga soo horjeedo xukuumadda.

“Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameysto, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa aragteen in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

“Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xisbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala saaro.”

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestan dhaqamada guracan ee ay wadaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin.

“Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dhaco is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu leeyahay waa beelo ee way difaacayaan waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay ficilka uu sameeyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in guddiyadii isku xil-qaamay dhex-dhexaadinta xiisada kala dhaxeysa xukuumadda uu albaabada ka xirtay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee taagan.

Toddoba khasaaro oo Saciid Deni kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu dhawaan ku laabtay Puntland, wuxuu safarkaas gunaanad u ahaa dagaal siyaasadeed qaatay muddo 2 sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa Puntland.

Wuxuu furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ka sheegay inay kaalin fiican ka qaateen isbadalka hoggaamineed ee dowladda federaalka ah.

Shacabka Puntland inta lala gaaray makarafoonka saxaafadda madaxa-banaan waxay muujiyeen in aysan u riyaaqsaneyn sida uu Saciid Deni u wajahay xaajadii federaalka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa Saciid Deni ku sifeeyey siyaasigii ugu khasaaraha badnaa doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa daliil looga dhigay arrintan, waxaana kamid ah:

  1. Qarashka

Inkastoo dhammaan musharixiinta ay qarash geliyeen doorashada, sida soo saarista xildhibaanada, sii heyntooda, iyo sooryada habeenka doorashada madaxweynaha, haddana Saciid Deni waxaa la sheegaa inuu yahay ninkii bixiyey qarashkii ugu badnaa mudadii lagu jiray marxadda doorashada Soomaaliya.

  1. Xilka madaxweynaha

Hadafka ugu weyn ee Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa inuu noqdo madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. 99 xildhibaan ayuu imaantinkooda saameyn ku lahaa, laakiin Saciid Deni wuxuu ku dhameystay kaalinta 3-aad ee doorashada madaxweynaha.

  1. Kursiga ra’isul wasaaraha

Saciid Deni oo ay hal sano iyo dhowr bilood uga harsan tahay waqti xukunkiisa Puntland, wuxuu rajeynayey inuu heli doono kursiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la sheegaa inuu Xasan Sheekh u sameeyey ballan-qaad marqaatiyaal leh intaan loo gudbin wareegii 3-aad ee doorashada madaxweynaha, balse wax walba ayaa si deg deg ah isku badalay, kadib guushii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kooxo ku hareereysan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay si weyn u diideen Saciid Cabdullaahi Deni, mar kale Saciid uma hagaagin hammigii ra’isul wasaaraha.

  1. Cilaaqaadkii Jubbaland

Deni wuxuu dul-saartay kaarkiisa siyaasadda maamulka Jubbaland. Kooxdiisa ololaha qaar waxay shaki ka qabaan inay hoosaasin jirtay. Cilaaqaadka labada dhinac hadda shaki ayaa hareenaya, iyadoo si weyn looga dharagsan yahay wixii uu Saciid Deni u huray Axmed Madoobe.

  1. Niyadda beesha kore

Deni wuxuu horey fagaaro uga sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in Farmaajo la bixiyo. Marka la joogo siyaasadda Soomaaliya xisaabtu waa 4.5.

Isbadalka dhacay 15-kii May kaliya ma quseeyo Xasan iyo Farmaajo ee wuxuu sidoo kale quseeyaa xisaabta beelaha. Inuu Deni sabab u ahaa inuu kursiga dhaafo xisaab beeleedka isaga iyo Farmaajo waxay ka lumisay Saciid dadka badan oo reerkaas ah oo dhallinyaro iyo dhaqan u badan.

  1. Siyaasiyiinta waaweyn ee Puntland

Saciid Deni wuxuu sanadkaan u bareeray inuu masraxa ka xaalufiyo siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland si uu hadafkiisa u gaaro kuwaas oo uu badankood u diiday inay ku biiraan Baarlamaanka.

Isaga iyo xubnahaas waa kala jeesteen, laakiin ma uusan gaarin sababtii uu dakanadaas u abuurtay.

  1. Habacsanaanta doorashooyinkii Puntland

Intii uu Saciid Deni eryanayey hadafkiisa federaalka waxaa si weyn hoos ugu dhacay mashruucii doorashada dadweynaha ee Puntland. Sidoo kalana wuxuu maamulka dhowr jeer dhadhamiyey khilaaf gudaha ah.

Dhacdooyinka waa kuwa loo arko inay kamid yihiin khasaarooyinkii Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo gaaray doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin si jees-jees ah uga falceliyey cabashada KULANE JIIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay cabasho ka soo yeertay Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo Kulane Jiis loo yaqaano, kaas oo sheegay in lagala noqday ilaaladiisii, kadib markii maanta labo askari oo baxsad ah looga xiray garoonka Aadan Cadde.

Cabdullahi Kulane ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad ay masuul ka noqa doonaan wixii khatar ah ee ku yimaada ammaankiisa, isagoo sheegay in ilaalo lala noqdo aysan bedeli doonin mowqifkiisa.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Saadaq Joon, Axmed Macalin Fiqi iyo wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraallo ay uga falcelinayaan cabashada Xildhibaan Kulane Jiis.

Masuuliyiintaas ayaa ku jees-jeesay cabashada Cabdullahi Kulane oo mar ahaa nin awood badan ku dhex leh hey’adda NISA, waxayna ugu jawaabeen qoraalo gaa-gaaban.

Waxaa ugu qoraal ku yaab badnaa Xildhibaan Saadaq Joon oo yiri, “GONBARTII LEEWAAYE,” sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo qoray, “Maxaad i tiri Xildhibaane? Ma fahmin!” hadaladaas oo u muuqda kuwo aan muhiimad gooni ah siineyn cabashada Kulane Jiis.

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qoray, “Namruudkii Kibray ee yiri “Anaa waxna nooleeya, waxna dila” waxaa lagu salladay kaneeco dhegta ka gashay oo madaxa fariisatay! Markuu qeyladeeda u adkaysan waayayna, wuxuu u dhintay kabihii madaxiisa lagu garaacayey si kaneecada Loo dilo.”

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray, “In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado.”

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyagoo u socda gobolka Gedo oo laga soo qoray, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.

Sawirro: Sidee Xasan loogu soo dhoweeyey Abu Dhabi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa goordhow gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

“Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

In madaxweyne Xasan uu Imaaraadka Carabta ka dhigto dalka ugu horreeya ee uu booqanayo ayaa direysa farriin siyaasadeed weyn oo gudaha iyo dibedda dalka ah. 

Waxay muujineysaa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu dalka xukumayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Imaaraadka Carabta ayaa laga go’doomiyey siyaasadda Soomaaliya, lagana doorbiday Qatar, inkasta oo Soomaalida ay xiriir ganacsi oo taariikhi la leedahay Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

Booqashadan ayaa Doha u direysa farriin ah inay si rasmi ah usoo geba-gebowday saameyntii xoogganeyd ee ay ku laheyd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee lasoo dhaafay ee uu Farmaajo dalka xukumayey. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Xasan Sheekh uusan wax dan ah la lahayn inuu colaadiyo Qatar, balse uu doonayo in Soomaaliya ay dhammaan heshiis la ahaato dalalka gobolka, taasi oo qeyb ka ah siyaasaddiisa; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.

Kulane Jiis oo Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ku eedeeyey ‘arrin halis ku ah’ naftiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa soo saaray qoraal uu ku cadeynayo in lagala noqday ilaaladiisii oo labo ka mid ah maanta la xiray, iyagoo doonaya inay garoonka Aadan Cadde diyaarad ka raacaan.

Sidoo kale Xikdhibaan Kulane Jiis ayaa ku goodiyey in mowqifkiisa aysan ka leexi doonin cabsi gelinta uu kala kulmayo madaxda dowladda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in loo logo cadowga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA mahad Salaad ayaa sheegay inay qaadi doonaan masuuliyadda wixii qalqal amni ah oo ku yimaada naftiisa.

“In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado,” ayuu Cabdullaahi Kulane ku qoray bartiisa twitterka.

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.

Xogta ay heyso Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa in askarta la xiray oo gaaraya  labo askari ay kamid ahaayeen shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir, isla markaana si leexsan ilaalo ugu ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Kulane.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan ciidan boolis ah oo uu xaq u leeyahay xildhibaan kasta, waxaana loo ansixiyay xilligii baarlamaankii 9-aad.

Askarta maanta la xiray waxaa la sheegay in markii hore laga soo qoray gobolka Gedo oo awood badan uu ku lahaa Cabdullahi Kulane, xilligii Farmaajo, balse hadda waxaa la sheegay inay doonayeen in qoryaha ay la aadaan Gedo, iyagoo aan fasax ka helin taliska guud ee NISA.

Xildhibaanada dowlad goboleedkii u horeeyay oo taageeray R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu maanta la kulmay Hamza ayaa ahaa kuwa laga soo doorto dowlad goboleedka HirShabelle, iyagoo kulankaas si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la filaya in uu maalinta Arbacada la horgeeyo Golaha Shacabka, si ay ugu qaadan codka kalsoonida, kadibna uu uguda-galo howlaha culus ee horyaalla.

Sida laga bartay siyaasadda Soomaaliya inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin.

Hamza Cabdi Barre ayaa 15-kii bishaan waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hogaamiyo madaxweynaha.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Khilaaf salka ku haya Al-Shabaab oo ka dhex qarxay culimada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa aad usii xoogeystay khilaaf xoogan oo u dhexeeya culimada Ictisaamka iyo Salafiyiinta ee Somaliland, kadib markii uu Sheekh Barbaraawi sheegay in uu xiriir ka dhexeeyo Ictisaam iyo Al-Shabaab.

Sheekh Barbaraawi oo kamid ah culimada Salafiyiinta ayaa khudbad uu jeediyay ku eedeyay Ictisaam inay kamid ahaayeen ragaii aasaasay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

“Ilmo-galeenka Ictisaam ayuu Shabaab ka soo baxay. Ragga asaasay Shabaab waxa ay kamid ahaayeen Ictisaam. Isku fikir na way ahaayeen. Inta ay Shabaabku yiraahdaan bay oran jireen,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi.

Waxa uu tilmaamay in Ictisaam ay ku eedeyn jireen Salafiyiinta uu kamid yahay inay u shaqeeyaan dadka aan Islaamka ahayn, isla markaana ay jihaadka diidan yihiin, arrintaas oo uu hadda caan ku yahay ururka Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Barbaraawi ayaa waxa ka carooday culimada Ictisaam ee Somaliland, iyaga oo beeniyay eedeyntaas, waxayna dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

“Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Mustafe Aadan Maxamed oo kamid ah culimada Ictisaam ee Somaliland.

Sheekh Barbaraawi ayaa dhankiisa markale sheegay in looga yeeray wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland, islamarkaana uu hayo caddeymaha eedeynta uu u jeediyay Ictisaam.

“Waxaan diyaar u ahay in aan gole loo dhan yahay ku soo bandhigo doodayda ku aaddan arrinkaas,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa.

Culimada Salafiyiinta iyo Ictisaamka ayaa ah kuwo si weyn ugu xoogan gudaha Somaliland.

Si kastaba, Salafiyiinta ayaa aaminsan in dagaalada Muslimiinta dhexdooda ah ay yihiin kuwo “fidno” ah oo ay dembi tahay in dhinac lala safto, midaasi oo keentay in Al-Shabaab iyo ururada la fikirka ah ay u arkaan Salafiyiinta kuwo diidan waxay u arkaan jihaadka.

Ilaalada Kulane Jiis oo lagu xiray garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyaga oo uu ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta kuna hubeysna qoryaha fudud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadan askari ay kamid ahaayeen illaa shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane inay ilaaliyaan.

Ilaalada ka tirsan Duufaan ayaa waxay Xildhibaanka sii gaarsiinayeen sida wararku sheegayaan illaa inta uu ka helayo ilaalo Ciidan Boolis ah.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9-aad.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan ilaalada ka tirsan Duufaan ee la xiray, kuwaasi oo wararku sheegayaan inay safar u ahaayeen gobol.

Daawo: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war cusub kasoo saaray maqaamka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta khudbad kooban ka jeediyey kulan ay yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maqaamka gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in Aqalka Sare uu ka kooban yahay 54 Senator, balse ay ka maqan tahay metaaladda Muqdisho oo uu tilmaamay inay tahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho, si ay xubno ugu yeelato Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Aqalkani wuxuu ka kooban yahay 54 xubnood tiradaasi ma’aha tiro sidaasi ahaaneyso gobolka Banaadir oo muhiim ah ayaa ka maqan oo ay tahay tiro inay kasoo gasho oo weliba labada Aqal ay tahay lagama maarmaan qodobka 9-aad ee dastuurka, sida uu leeyahay in maqaamkii caasimadda labada Aqal ay soo sameeyaan,” ayuu yiri Xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Taa micnaheedu waxaa weeye xubno ayuu ku yeelanayaa gobolka Banaadir Aqalka Sare, laakiin hadda waa 54 xubnood inta dhisan,”.

Horey baarlamaanka Soomaaliya ayaa u meel-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Golaha Aqalka Sare, waxaana kadib saxiixay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), balse go’aankaas ayaanan dhaqan-gelin, kadib doodo xoogan oo hareeyey doorashooyinkii soo dhammaaday 15-kii bishii hore ee May.

Si kastaba, maqaamka magaalada Muqdisho oo muddo ah la’isku hayey ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan ay soo dhammaatay doorashadii Soomaaliya ee muddada dheer soo socotay.

Sacdiya oo noqotay gabadhii ugu horreysay oo ku-sime madaxweyne ka ah Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay taariikhda ee ku sime Madaxweyne ka noqota Soomaaliya, kadib markii uu maanta dalka Imaaraadka u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacdiya ayaa ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxayna fursadaan heshay, kadib markii uu isna shalay u baxay safar dibadeed Aadan Madoobe.

Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya ayaa dalka ka talineysa inta uu mid kood soo laabanayo Madaxweyne Xasan, ama Aadan Madoobe.

Haweeneydaan ayaa baarlamaanka kasoo gashay Puntland, waxayna horey u noqotay haweeneydii u horreeyey ee ku guuleysatay ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana isla markiiba sawirrada Sacdiya lagu baahiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto, iyada oo aad loo hadal hayo arrintan.

Haddaba  sidee looga falceliyey?

“Waa markii ugu horreysay ay gabar ku sime Madaxweyne Dalka ka noqoto soo dhawaada hablaheena” ayuu yiri Cabdirsaaq Xirsi Xaashi.

“Halkaas waxaa laga dheehan karaa in aan madaxweyne noqon karno, bal may inoo quuraan hal mar, si xasaanad leh madaxweyne ku noqo,” ayey tiri Aamina Daahir Saciid.

“Soo dhawaaw Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Hambalyo Hablaha Soomaaliyeed,” ayuu isna yiri Cabduqaadir Maxamed.

“Sharaf ayey inoo tahay hambalyo dhamaan dumarka Soomaaliyeed,” ayey tiri Najmo Cilmi oo ka mid ah dadka ka falcelinayey arrintan oo hadal heynta ka dhalisay baraha bulshada.

Safaaradda Turkey ee Xamar oo ogaatay khiyaano yaab leh oo looga qaadan jiray fiisaha

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa aad u adkeysay bixinta dal-ku-galka (visa) oo horay u sahlaneyd in muwaadiniinta Soomaaliyeed si fudud ku helaan.

Tallaabadda safaaradda Turkiga ay ku adkeysay bixinta fiisooyinka ayaa salka ku haysa dhowr arrimood oo Soomaalida u sabab ah, iyadoo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay garoonka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejinayay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Turkiga, kuwaaasi oo jabiyay xeerka socdaal iyo sharciyada ajaaniibta ee Turkiga.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda, Soomaalida oo nidaamka ay ku dalbadaan fiisooyinka ka been sheega ayaa sabab u ah in la hakiyo ama aad loo adkeeyo bixinta dal-ku-galka Turkiga.

Soomaalida ayaa la ogaaday inay ka been sheegaan shuruudaha lagu xero codsadaha oo ah; caddeynta dhaq dhaqaaqa seddaxda bil ee ugu danbeyso akoonka banki iyo lacagta ku jirto cadadkeeda, ayada oo doonayo inay ugu jirto dhowr kun dollar iyo hab isticmaalka bilihii u danbeeyay.

Laakiin Soomaalida ayaa soo daabacda akoono aan jirin ama qof kale leeyahay balse magaca laga beddelayo. Dabagal iyo baaris ay safaaradda sameysay mudooyinkii danbe ayey ka ogaatay in akoono badan oo loo soo gudbiyey ay yihiin kuwa diiwaan gashneyn ama qofka ku qoran aanu aheyn kan visaha ku dalbanaya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in bankiyada qaar iyo safaaradda Turkiga ay arrintaasi wada shaqeyn ka yeesheen, sidaasi darteedna cid kasta oo dalbada fiisaha la weydiiyo caddeymaha koonta numberka iyo isticmaalka lacagaha saddexdii bil ee u danbeeyay, ciddii keentana laga hubiyo bankiga uu isticmaalo.

Inta badan Soomaalida dalbado fiisooyinka dal ku galka Turkiga ayaa diidmo la wada siiyaa marka ay safaaradda ogaato inay been ka sheegeen shuruuda dhaqaale ee qofka lagu xero, waxayna sidoo kale taas keentaa in qofkaas weligiis laga mamnuuco inuu helo dal-ku-galka Turkiga.

Arrintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka arrimaha caafimaad doonaya iyo ardayda waxbarashada u raadsada Turkiga ee sida saxan wax ku raadinaya.

Dhinaca kale, todobaadyadii u danbeeyay booliska Turkiga ayaa bilaabay inay guryaha u galaan Soomaalida degan dalkaasi iyo kuwa bannaanka laga qabto, kuwaasi oo loo ugaarsanayo sharci darada iyo nidaamka tuuganimada ay ku joogaan Turkiga, ayada oo badankood uu ka dhacay dal-ku-galkii.

Dadkaasi oo ah kuwa ku yimaada fiisooyinka waxbarashada ama dalxiiska ee marka waqtigii loogu talagalay ka dhaca dib u cusbooneysiin ama raadsan deganaanshaha dalkaasi, kuwaasi oo qorshahoodu yahay inay ka tahriibaan Turkiga, markii horena fiisaha kusoo qaata waxbarasho ama dalxiis.

Waxaa side kale, sare u kacay qiimaha muqalasiinta siisan jiray fiisaha Turkiga lacag dhan 3000 ill 2500 dollar, halka muqalasiin kale oo la ogaaday iyo dadkii ay lacagaha ka qaateen qoorta iskula jira, waxaana magaalada ka taagan muranka arrimahaasi ku saabsan.

Dadka Soomaaliyeed ee burburka 30-ka sano ku dhacay la qabsaday ayaa waxay meel walba ay tagaan ama dani ka gasho waxay kula dhaqmaan si laalaab ah, taasoo keeneysa in meel walba ay kasoo xeranto ama laga karaahiyeysto.

Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online
[email protected]

Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay MUQDISHO oo maanta xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa waxay maanta xukun 15 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasi oo qaraxyada u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cusmaan ayaa billooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, ayada oo 29-kii May ku wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Ninkaan ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen qaadista agabyada gawaarida “spare parts” iyo qaraxyada, wuxuuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo waday magaalada Muqdisho.

Fadhiga Maxakmadda ayaa waxa Maxamed lala keenay cadaymo ay kamid yihiin dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Maxamed ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab kaga biiray magaalada Beledwayne, waxaana ku qal-qaaliyay nin ay qaraaba-yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ku xuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo safar muhiim ah ugu baxay Imaaraadka + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo ku soo aaday, kadib isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta ayaa goordhow waxaa garoonka kusii sagootiyey ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Somalia, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo aad u hooseeyey sanadihii la soo dhaaafay.

“Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.

KENYA oo shaacisay xilliga la fasaxayo QAADKA ay usoo dhoofiso Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale faah faahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wadahallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee lagu doonayo in lagu fasaxo qaadka dalkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ka xayirnaa Somalia.

Wasiirka beeraha ee Kenya Peter Munya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in qaadka ay Soomaaliya si rasmi ah u fasixi doonto 5-ta bisha soo socota July ee sanadkan 2022-ka.

Peter Munya ayaa xusay in heshiis ku aadan qaadka ay labada dowladood ku saxiixi doonaan magaalada Nairobi oo ay isugu tagi doonaan madaxda labada dal.

“Shanta July ayaa heshiiska lagu saxiixi doonaa halkaan oo ah magaalada Nairobi” ayuu yiri wasiirka beeraha ee wadanka Kenya.

Sidoo kale wasiir Peter Munya ayaa ka gaabsaday waxa ay dowladda Soomaaliya ku bedelaneyso qaadka dib loo fasaxayo oo ay Kenya ka hesho dhaqaale fara badan, Soomaaliya ayaana ah suuqa weyn ee loo soo dhoofin jiray qaadka laga keeno dalkaasi.

Soomaaliya ayaa horey dhankeeda shuruudo waa weyn u hordhigtay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah arrimaha ay dalbatay oo ay dooneyso in la fuliyo 1-Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, 2– Fududeynta safarka iyo 3– Dhoofinta Kalluunka.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan intaba.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo isbedel siyaasadeed uu ka dhacay Soomaaliya, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May.

Ha’ayadda Hiddo Soor oo qabatay munaasabad lagu maamuusayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay in Soomalida degan nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Twin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibayoonka Soomaalida. Maallinta June 18 ayaa noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Soomaalida. 

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Xarunta Hilde Performance Center ee ku taalla magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota, ayadoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw ay soo bandhigeen Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda. Munasabadaan waxaa kasoo qayb galay Soomaali gaaraysa ilaa sadex kun.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo ka qayb galay ma’uuliyiin ay ka mid yihiin Congresswoman Ilhan Omar, Duqa magaalada Plymouth, Minnesota Mayor Jeffry Wosje iyo Xilibaanad Plymouth ku Matasha Gobolka Minnesota Ginny Klevorn. 

Sidoo kale munaasabadaan ayaa noqon doonta mid sanadle ah, islamarkaana lagu soo bandhigo Hiddaha iyo dhaqanka.

Ugu danbayn, Mayor Jeffry Wosje ayaa Hiddosoor gudoon siiyay warqada uu ku ogolaaday in June 18 ay noqoto maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale Maxamed Ciise oo ah agaasimaha Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida inay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego.”

Muxuu Cumar C/rashiid ka yiri magacaabista Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hor ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday inuu wax wanaagsan u arko isbeddelka hoggaamineed ee ay gashay Soomaaliya, wuxuuna guul u rajeeyey madaxda cusub.

“Dadku hadda waxa ay u arkaan in isbedel wanaagsan uu yimid waxaan rajeyneynaa in Ilaahey jidka saxda ah ku toosiyo oo dalkan sifiican lugaha loogu istaajiyo” ayuu yiri.

Sharmaa’arke ayaa sidoo kale ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, wuxuuna tilmaamay in Xamza Cabdi Barre uu yahay nin ka bixi kara mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xamza uu yahay nin leh aqoon iyo karti, isla-markaana uu wax badan kala socdo dalka.

“Madaxweynuhu markii la doortay waqti buu qaatay sida sharciyaddu siineyso ra’iisul wasaaruu soo xulay nin aan is leeyahay mugeeda waa leeyahay, tayadeeda waa leeyahay, aqoonteeda waa leeyahay iyo khibradda gudaha waxa dalka ka jira,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha sugaya ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horreeyaan dhammeystirka dastuurka, arrinta Soomaaliya iyo Somiland, caddeynta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta Ciidamada.

“Dhammeystirka dastuurka oo u baahan in dadka laga tala-geliyo, arrinta Soomaaliya iyo Somaliland sidii loo gaarsiin lahaa oo loo dhammeystiri lahaa, arrimihii siyaasadda iyo amniga, waxa kale oo dhiman arrinta xamar State-keeda sidii dastuurka loogu qeexi lahaa, waxaa is leeyahay arrimo badan oo masiiri ah ayaa yaallo” ayuu markale yiri Sharmaa’arke.

Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta ka ahaa doorashadii soo dhammaatay, inkastoo uusan isa soo sharixin, haddae wuxuu safka hore uga jiray hardankii socday, isaga oo kusoo laabtay dalka, kuna biiray shirarkii magaalada Muqdisho, ka hor doorashadii la qabtay 15-kii bishii hore ee May ee sanadkan 2022-ka.

DF oo war kasoo saartay GO’AANKA lagu joojiyey duulimaadyada gudaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saartay cabashada ay shirkadaha diyaaradaha ka muujiyeen badqabka garoomada dalka qaarkood ee keenay inay duulimaadyada joojiyaan.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka mas’uul tahay badqabka dhammaanba duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo dhanka kalena sheegtay inaanay jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay badqabka dhammaan duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo ka duuleysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba (SOMCARS).

“HDRS waxa ay halkan ku caddeynaysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah. Hay’addu waxba kama oga warqadda lagu baahiyay barraha bulshada, ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022, kuna taariikhaysan 18th June, 2022 Iyo khatarta ay ka hadleyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.

Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo shalay kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo Axadda19-ka Juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”

Sawirro: Xijaar oo sarkaal sare oo Itoobiyaan ah kula kulmay Addis Ababa + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Somalia Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay taliyaha booliska federaalka Itoobiya Gen. Demelash Gebremichael.

Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo amniga labada dal, waxayna labada dhinac isweydaarsadeen xogaha boolis ee labada dal.

Taliye Xijaar iyo wafdiga saraakiisha boolis uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Addis Ababa waxay ugu qeyb gelayaan shirweynaha booliska adduunka INTERPOL ee Bartamaha iyo Bariga Africa.

Soomaaliya oo xubin ka ah booliska adduunka ayaa waxay shirkaasi kusoo bandhigi doontaa horumarka iyo waxqabadka booliska Soomaaliyeed oo sanadihii danbe horumar sameynayay.

Somalia, waxay Interpol dhowr mar kala shaqeysay falal danbiyeedyo la rabay in xal laga gaaro, waxayna Somalia, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha Muqdisho ka qabteen booliska ka howlgala dad Interpol ku raad joogtay, halka Somalia loo soo gacan geliyay eedeysanayaal baxsad ahaa.