25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Taariikhda hoggaamiyihii ururka Al-Itixaad Sheekh Cali Warsame oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ahaa, ee reer Burco Sheekh Cali Warsame Xasan isaga oo ku jiray da’da 83 sano.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedkiisa:

Sheekh Cali Warsame Xasan waxaa uu dhashay 1938/39-kii, Waxaa uu ku ahaa reer Miyi ah, Geella ayuu raaci jiray meel Ceyn ka tirsan.

1954: waxaa soo galay Burco, kadib waxaa uu sanad kadib tagay Hargeisa isagoo u tagay nin walaalo yihiin oo u shaqeyn jiray Ingiriiska. 1958-ii waxaa uu aaday Diridhaba isaga oo joogay ilaa ay Soomaaliya xoriyadda ka qaadato.

Diridhaba waxaa uu joogay 2 sano joogay isaga oo halkaas ka waday xalaqaadka, markii dambe waxaa aaday Sacuudiga, isagoo 3 sano dhigtay dugsi sare Machad raacsan Jaamacadda Madiina kadib Jaamacadda Madiina kuliyadda shareecada isagoo dhameeyay sanadkii 1976-dii.

Sheekh Warsame waxaa Master- Ka ka dhigtay Jaamacadda Imaam Maxamed Bin Mascuud, 4 sano ayuu ku dhameeyay, isagoo baraney Shareecada Diinta Islaamka.

Xiligaas kadib, waxaa uu ku soo laabtay Soomaaliya isagoo in ka badan 30 sano wadey faafinta diinta Islaamka.

Dowladdii Siyaad Barre waxaa ay u xireen in uu gabadhaha xijaabka u xiro, iyagoo ku eedeeyay in uu ardeyda u diiday in ay qaataan dharka Iskuulka iyo in uu la dagaalayo Shuuciyadda.

Masaajidka Buraco waxaa uu aasaasy 1982-dii, Masjidkaas oo ilaa iyo xilligan kutubo laga akhristo,  isagoo akhriyo caqiidada iyo tafsiirka.

Sheekhda Cali Warmsame waxaa uu ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha xarakada Islaamiga ah ee Itixaad, oo hadda magacooda u badalay Ictisaam, waxaa uu ku caan ahaa fatwooyin la xiriira nabadda.

Caruurta:

Xogtan oo aan ka qornay 2015-kii, waxaa uu Sheekh Cali Warsame noo sheegay in xaaska hore ay u dhashay 7 hal gabar iyo 6 gabdhood, Xaas-ka 2-aad 3 wiil iyo 5 gabdhood iyo bahda ugu dambeysa oo 8 cauruur leh, waxaa uuna intaa raaciyey in caruurtiisa iyo waxa ay dhaleen ay gaarayaan ilaa 60.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

AXMED MADOOBE oo loo diray farriin la xiriirta xiisad culus oo ka taagan Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland oo kulan ballaaran ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka shiray xiisado colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo.

Odayaashan ayaa farriin u diray maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe waxayna ugu baaqeen inuu maamulka kala dhex-galo beelaha ku diriray halkaasi.

Sidoo kale waxa ay tacsi tiraanyo leh u direen dadkii lagu laayey dirirtaas u dhexeysa labada dhinac.

“Dhacdooyinka ka dhacay eeryada Jubbaland uu xukumo gaar ahaan Diif & deegaannada kale ee u dhaw waxa aan Dowlad-Goboleedka ugu baaqeynaa in la kala dhexgalo walaalaha dagaalamaya, Dadka la laalay ayaan uga tacsiyeenayaa, waa in la xaliyaa si loo daba-qabto loona badbaadiyo Dadka ka badbaaday dagaalka” ayuu yiri qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Jubbaland oo ka hadlay kulanka ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo.

Dhankiisa Afhayeenka Salaadiinta Jubaland Ugaas Cumar Xiirey oo madasha ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna baaq nabadeed u diray beelaha diriraya, si loo qaboojiyo xiisadda dhexdooda ah.

“Adduunka inta lagu wada nool yahay Dadku waa wada dhashay oo kala tagi maayo ama waa isku deegaan, Xeerka iyo wixii ay ku xalin jireen haloo daayo oo miiska wadahadalka la geeyo, wixii meeshaas ku jirana halkaas halagu xaliyo, wixii dhacay wixii ka dambeeya waa in laga hortagaa, Dadka ka xun dagaalka waa in ay kala dhexgalaan ilaa inta la isaga imaanayo si aanay Dad kale loo dilin ama dhib kale u dhicin, Nidaamka Jubbaland ee lagu wada joogo waa in la dhowraa, Maamulka DG Jubbaland ee halkaas ka jira waa in uu ka qaybqaataa howsha uga aadan”  ayuu dhankiisa yiri Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisad colaadeed iyo dhaq-dhaqaaq laga dareemayo deegaanka Diif oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Jubbaland ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada salka ku haya dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil ooka taagan maamulkaasi.

Go’aan laga gaaray gabadha Soomaalida ee dishay ninkii isku dayey inuu kufsado

Qaahira (Caasimada Online) – Dacwad-oogaha guud ee Masar ayaa Jimchii amray in lasii daayo gabadha Soomaalida ah ee dishay nin Masri ah oo bajaaj ku waday kadib markii isku dayey inuu kufsado.

Go’aanka dacwad-oogaha oo ah mid jiri doona illaa baaritaanka laga soo geba-gabeeyo ayaa yimid kadib markii booliska iyo dhaqaatiir sameeyey tijaabo caafimaad ay xaqiijiyeen inay sax tahay doodda gabadha ee ah inay is-difaaceysay kadib markii bajaalaha uu isku dayey inuu kufsado.

Sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha, wuxuu 17-kii May helay warbixin sheegeysay in meydka Bajaajle laga helay waddo ku taalla banaanka xaafadda 6-da October ee Giza. 

Waxyar kadib gabadha Soomaalida oo markii hore da’deeda lagu sheegay 16 jir, balse hadda la sheegay inay tahay 15 jir, ayaa booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay iska caabisay ayada oo dhaawac uu ka gaaray faraha balse ugu dambeyn ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday. 

“Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira. 

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in booliska iyo dhaqaatiirta caafimaadba ay muujiyeen in sida ay gabadha wax u sheegeyso la rumeysan karo.  

Sidoo kale, baaritaan lagu sameeyey meydka Bajaajle-ha ayaa muujiyey in habka uu u dhintay iyo sida ay wax u sheegtay gabadha ay is-waafaqayaan.

Sheekada gabadha Soomaalida ah ayaa aad u qabsatay baraha bulshada Masar, ayada oo heshay taageero badan oo lagu difaacayo, waxaana dad badan ay ku baaqayaan in qareenada ugu caansan Masar iyo Golaha Qaran ee Haweenka Masar ay u istaagaan inay difaacaan.

Xasan Sheekh oo ka hadlay laba Senator oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi.

Allaha u naxariiste Marxuum Garruun iyo Jawaahir ayaa labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS, wuxuuna madaxweynaha tilmaamay inay muddo dheer u soo adeegayeen Qaranka Soomaaliyeed.

“Innaa-lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Sanator Jawaahir Axmed Cilmi iyo Sanator Cabdullaahi Cabdi Garruun waa geeri xanuun badan oo taabatay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin mug leh ka soo qaateen horumarinta dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu labada Marxuum Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, isaga oo markii danbe door weyn ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi ayaa kaalin mug leh ku lahayd horumarinta bulshada, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.

 

Mid ka mid ah culimadii la dooday Axmed Godane oo geeriyooday (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Allaha u naxariistee waxaa dalka Urdun ku geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo weyn, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa dalkaasi, waxaana geeridiisaa xaqiijiyey qaar ka mida ehelladiisa.

Sheekh Cali Warsame ayaa si weyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliyeed, wuxuuna soo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Sheekhul baladka gobolka Togdheer ee Somaliland, isaga oo muddo ka badan nus qarni ku howlanaa faafinta diinta Islaamka.

Sidoo kale marar badan ayaa la xiray intii uu ku jiray fidinta dacwada, wuxuuna horey u cambaareeyey falalka ay geysato kooxda Al-shabaab.

AUN Sheekha ayaa ka mid ahaa guddigii culimada ee sanadkii 2009 Axmed Cabdi Godane kala dooday afkaartooda ku saleysan gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah.

Dhanka kale wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war kasoo saartay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u dirtay ehelladiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxda wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxay Alle uga baryeen inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Boobka aan laga war hayn ee Midowga Yurub uu ku hayo SOOMAALIYA (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo leh xeeb dhirirkeedu le’eg tahay 3,333 kilomitir kuna fadhida aag dhaqaale u gaar ah (EEZ, exclusive economic zone) oo ka badan hal malyan kilomitir oo isku wareeg ah ayaa ka mid ah goobaha ugu qanisan kalluumaysiga adduunka oo aan weliba si weyn looga faa’iideysan. 

Aaggan badda usii galaya ilaa 370 km dal shisheeye kalama bixi karo khayraad nooc kastya ha ahaado iyadoon ogayn Soomaaliya. Haseyeeshee, tan iyo burburkii nidaamkii kelitaliska waxaa fara ba’an ku hayay xaalufinta kalluumaysiga sharcidarrada ah oo had iyo jeer ka baxsada baaritaannada siina kordhay wixii ka dambeyay hoos u dhacay burcad-badeedda.

Blue Marine Foundation ayaa May 20, 2022 sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay u fasaxeen maraakiibtooda inay si sharcidarro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya. Hay’adda OceanMind ayaa soo bandhigtay dhaqdhaqaaq kalluumeysi oo ay wadeen maraakiib Isbayn (Spain) iyo Faransiiska leeyihiin. 

Kalluumaysigan oo qawaaniinta adduunka oo idil khilaafsan wuxuu si daran u xaalufiyaa tabdin (Tuunada) nooca loo yaqaan “Bluefin ama albacore” (Tuna alalunga) oo aad loo jecelyahay.

Soomaaliya ayaa dhibaato ku hayaan maraakiibta kalluumeysiga Midowga Yurub oo ciidamada badda “Atlanta” hoos yimaadaan kuwaasoo ku cadaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay siiso muddo kordhin dhan sagaal bilood, balse marnaba iska xil saarin inay wax ka qabataan xaalufinta sharcidarrada ah.

Maraakiibta Giriiga, Talyaaniga, Portugal, Isbyn, iyo Fransiiska ayaa taariikh kalluumaysi sharcidarro ah ku leh Galbeedka Afrika, taasoo caddaynaysa in Midowga Yurub uu hagoogayo xaalufinta biyaha Soomaaliya. Waxaa daliil ka ah in aqoonyahannada daraasadka samayay markay kala hadleen xaalufinta badda Soomaaliya ay ugu jawaabeen: haddeer kuma tala jirno inaanu yareeyno.

Sawirro dayax-gacmeedka qaaday ayaa muujinaya maraakiib Yurub oo sanduuqyo ku gurayo kalluun noocyada aan la nidaamin oo ay ka jilaabteen aagagga mamnuuca ah (marine reserve area), taasoo kor u qaadday walwalka laga qabo saamaynta xun ee ay ku yeelan karaan kaydka kalluunka iyo hab-nololeedyada badda – marine ecosystems.

Daraasadka waxay kaloo sheegtay in 2020 uu ahaa sannadkii ugu darnaa oo badda laga xalufiyay saddex dalool  labo oo lagu qiyaasay inuu kalluunkaas ahaa “Tabadin” oo ay ka qaadanayso 10 (toban) sano si uu isusoo taro.

Maraakiibtaas waxay kalluumaysan karaan muddo dheer iyagoo ku rogaya tacabkooda maraakiibta qaboojiyeyaasha oo ku sugan cirifka biyaha caalamiga ah ee aaga dhaqaalaha u gaarka ah dalka (EEZ). Soomaaliya ma laha awood ay ku mamnuucdo amaseba kaga xannibto soo gelitaanka biyaheeda.

Marka laga reebo, ganacsiga maandooriyayaasha iyo hubka, kalluumaysiga sharcidarrada ah waa fal dambiyeedka saddexaad ee ugu ribix badan caalamka. Dowladda Soomaaliya wuxuu xil weyn ka saran yahay badbaadada khayraadka dalka.

Dalku waxuu leeyahay ilaa 604 nooc oo kalluun ah, kuwaasoo 420 ka mid ah ay yihiin kuwo ganacsi gal ah. Balse, maraakiibta kalluumeysiga ee dalalka Yurub iyo Aashiya ee loo soo jiheeya badda Soomaaliya waxaa u sabab ah “tuunada” oo aad u qiimo badan.

Warbixinta waxay kaloo muujisay in maraakiibtani, gaar ahaan kuwa dalka Isbayn (Spain) ay demiyaan qalabka loo yaqaan (AIS, automatic identification system) oo khasab ku ah maraakiibta waaweyn oo idil kaasoo sheegaya goobta uu markabku kaga sugan yahay si uusan markab kale ugu dhicin.

Sidaas daraaddeed, DFS waxaa waajib ku ah inay wadahadallo diblomaasiyadeed la yeelato Midowga Yurub si ay ugala xaajooto dhaqdhaqaaqyada maraakiibtooda si ay u joojiyaan ku xadgudbka madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed islamarkaasna loo hubiyo inaanay ku lug lahayn tahriibka hubka sharcidarrada ah. Baarlamaanka (BFS) waxaa isna waajib ku ah inuu dhammaystiro sharuucda badda si kuwa ku xadguba loo marsiiyo qaanuunka.

Xukuumadda Biixi oo ku gacan seyrtay dalab uga yimid mucaaridka iyo xiisad…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ku gacan seyray in uu aqbalo dalab ay labada Xisbi Mucaarid u gudbiyeen, kaasi oo ay ku dalbanayeen in loo ogolaado banaanbax ay isugu soo baxayaan taageerayaashooda.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in warqada ay u gudbiyeen Xisbiyada Mucaaridka aysan ku qorneyn goobta iyo taariikhda uu dhacayo mudaharaadka ay dalbanayaan labada xisbi, xili xiisad culus kala dhaxeyso madaxweyne Muuse Biixi.

“Hay’addaha nabad-galyada ka shaqeeya waxa faraya in aan la qaban karin mudaharaad illaa inta laga wada-hadlayo arrintaan oo go’aan laga soo saari, go’aanka laga soo saarana ogolaansho ama diidmo ayuu noqonaya intii ka horeysa ciddii tiraahda mudaharaad ayaa qabanaya waa qeyrul sharci,” ayuu yiri Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xiisada toddobaadyadii dambe ka dhex aloosneyd xisbiyada mucaaridka iyo madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii lagu kala kacay kulamo looga hadlayay khilaaf ka dhashay furista ururada iyo doorashooyinka.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani ayaa taageerayaashooda, guud ahaan shacabka Somaliland inay u diyaar garoobaan banaanbax ka dhan ah xukuumadda, si loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan deegaanada Somaliland.

Ujeedka isku soo baxooda ayey ku sheegen in loogu hiilinayo sharciga, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta Somaliland.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xili ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadalladii foolka foolka ah ee u socday xisbiyada mucaaradka, Wadani, Ucid iyo xukuumadda Somaliland.

IRAN oo howlgal weyn ku qabsatay laba Markab

Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka.

Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada.

Ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran ayaa ku eedeeyey labadan Markab inay xadgudub sameeyeen,

Tallaabadani ayaa ku soo beegantay iyada oo Iran ay hore u sheegtay inay qaadi doonto tallaabo looga aargudanayo dalka Giriiga oo ka caawiyey Maraykank inuu la wareego Markab ku safrayey calanka dalka Iran.

VOA + AP

Nabadoon Cali Dheere oo lagu dilay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere) oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogteen marxuumka, xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka fulisay ay goobta isaga baxsatay  waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

AUN Nabadoon Cali Dheere ayaa ka mid ahaa ergadii dhowaan wax kasoo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka Beledweyne oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada ay kadib sameeyeen ciidamada ammaanka.

Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysay oo ay fuliso kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda HRW oo warbixin cusub ka soo saartay xasuuqii degaanka Gololey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa warbixin cusub kasoo saartay xasuuqii laba sano ka hor ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu dilay illaa sideed qof oo ahaa shaqaale caafimaad.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu dib u eegis ku sameeyo dhacdadaasi, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

“Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Human Right Watch.

Halkan hoose ka aqriso:-

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Gelinkii dambe ee Maajo 27, 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhawaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa sideedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen.

Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ka dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada.

Dilalkaasi waxa ay halakeeyeen bulshada ku nool deegaanka Gololey, kuwaas oo ka qiirooday geerida dadkooda. Dhallinyaro badan oo ay qaraabadoodu ugu yeereen rajada ugu weyn ayaa reerkooda u hiiliyay.Dilkan ayaa sidoo kale argagax geliyay guud ahaan dalka.

Labada maamul ee gobolka iyo kuwa dowladda ee Muqdisho jooga ayaa billaabay baaritaanno. Balse labo sano ka dib, ma jirto wax ka soo baxay baaritaannadaas.

Madaxwaynihii Dowlad goboleedka Hirshabele ee xiligaasi waxa uu sameeyay guddi baaris ah, waxa uuna balan qaaday in 30 cisho gudahood ay ku soo saari doonaan natiijada baaritaanada.

Laakiin tani weligeed ma dhicin. Sidoo kale ma jiro wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanka ay wadeen Waaxda Dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Ehelada iyo asxaabta todobada qof ee shaqaalaha caafimaadka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay cadaalad.
Dhawr ka mid ah asxaabtooda oo goob-joog ka ahaa afduubka ayaa u markhaati furay baarayaasha duruufo adag.

Mid ka mid ah dumarkii aanu wada shaqaynaynay ayaa wakhtigaas noo sheegtay: “Waxa aan culays igu hayay muddo dheer. Waad fahmi kartaa sida ay dareemeyso inaad u xiistay asxaabtaada kula shaqeyneysay; waxaan rajeyneynaa in maalin uun ay heli doonaan cadaalad.”

Dhacdadan naxdinta leh ka sokow, baaritaanno kale oo lagu sameeyay dilalkii iyo waayitaankii dadka rayidka ahaa sannadihii u dambeeyay ayaan sidoo kale la soo gabagabeyn, taasoo u oggolaanaysa in isla xisaabtan la’aanta ay sii jirto oo ay ehelada wax jawaab ah waayeen.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka. Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah. Iyo eheladii iyo asxaabtii badnaa ee lagu xasuuqay Gololey waxay mudan yihiin baaritaan cusub.

Waa kuma ra’iisul wasaaraha uu Xasan soo xulan doono?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud waxuu la soo baxay guul la yaab leh isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo mar labaad ku guulaysta xilka qaranka.

Dhaqan ahaan, magacaabista ra’iisul wasaaraha waxay dhacdaa caleemasaarka madaxweynaha kaddib, taasoo muujinaysa xil wareejinta. Balse, baraha bulshada ayaa durbadiiba la booday faafinta mala-awaal ah, xilli madaxweynuhu uu wado wadatashi.

Masiibada haysata dalkan iyo Xasan Sheekh-baa waa in dadka aysan kaadsiinyo lahayn. Waxaa laga yaabaa inuu ku dhibtoodo  sidii uu u heli lahaa qof u cuntama shuruudaha xafiiskiisu u dejiyay musharraxa, maadaama xilhayntiisii hore uu madax wareer ka qaaday qofka aan karti lahayn amaseba aan lagu sameyn baaritaan xooggan.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu doonayo qofka ku habboon shaqada.  Soomaaliya waxaa caado ka noqotay in madaxweyneyaashu ay magacaabaan in ka badan hal ra’iisul wasaare muddada xilhayntooda.

Waxaa isa soo taraya doodaha ku saabsan tayada cidda noqon doonta ra’iisul wasaaraha. Si loo soo afjaro mala-awaalka ayaa waxaan eegeynaa cidda ku haboon xilligaan adag jagada.

Sideedaba, musharruxu waa inuu noqdaa qof dowladeed oo daacdnimo iyo kalsooni ku darsaday aragti dheeri uu ku curin karo isbeddel iyo caqli uu ku hagi karo xukuumad daciif ah isagoo aan xafiiska khilaaf u soo jiidin kana soo horjeedsan mudnaanta ololahii doorashada madaxweynaha balse, aan ahayn hayin malafsanaya hantida qaranka.

Run ahaantii madaxweyne Xasan Sheikh waxuu xilhayntiisii hore ku xujoobay xil la wadaagista dad aan layska hubin tayadooda iyo mooshinno aan dhammaanayn oo ka dhashay isqabqabsiga hoggaanka. Khaladka waxuu ka imanayay Dastuurka qabyada ah oo aan kala saareyn awooddaha iyo khilaafka oo suuqa la soo dhigayay!

Si looga fogaado dhaqankaas, waxaa loo badan yahay inuu qofku noqdo “technocrat” khibrad, karti iyo hufnaan leh, fahamsana habraaca baarlamaanka si uu dabada uga riixo dhammaystirka dastuurka.

Qof diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in aysan jirin wax soo jeedin ah oo rasmi ah oo cid loo jeediyay. Balse, ma xumaan lahayn in la tijaabiyo dumar, taasoo noqon doonto horumar casri ah oo uu dalka hore ugu tillaabsan. Xasan Sheekh waxuu taariikh wanaagsan u leeyahay inuu haweenka u dalacsiiyo darajooyin sare.

Isha: Jamhuriyadda

Ciidanka DF oo lagu eedeyey inay dhac ka geysteen deegaan ay qabsadeen

Warciise (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta weeraray degaanka Warciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo horay ay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidanku ay bililiqo ka geysteen degaankaas.

Dadka degaanka Warciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degaanka, markii ay ka war heleen in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin.

Maxamed Axmed Xuseen oo ka mid ah dadka reer Warciise oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maanta degaankaas ka geysteen dhac xoog leh, kadibna ay isaga soo baxeen.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay jabsadeen guryo iyo dukaamo ay dad shacab ah leeyihiin, isla markaana dadka la dhacay uu isagu ku jiro, iyadoo laga soo qaatay hub uu beeraha ku waardiyeysa jiray iyo mid uu qabaa’ilkiisu lahaa oo beertiisa yaallay.

Maxamed Axmed ayaa sheegay in lacag, hub iyo rasaas badan ay ciidamada dowladdu ka soo qaateen beertiisa oo ku taalla duleedka degaanka Warciise, sidoo kale wuxuu sheegay in taleefano, lacag, gaadiid iyo hub ay qabaa’ilka deegaanku lahaayeen ay ciidamadu soo furteen.

Gaadiidka laga soo qaatay dadka deegaanka ayuu Maxamed ku sheegay inay gaarayaan labo gaari oo kala ah Home iyo NOAH, waxaana degaanka soo baneeyey ciidamadii dowladda ee maanta qabsaday, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo maamusha degaankaas.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiishii hoggaamineysay ciidankaas ayaa baahisay in ciidamadu ay kooxda Al-Shabaab hub iyo gaadiid uga furteen dagaal ay maanta kula galeen degaanka Warciiise.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah

Hanti-dhawraha oo su’aalo weydiiyey wasiirka uu R/W Rooble shaqada ka joojiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta

Kulanka Cabdisaciid iyo xubnaha ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah.

Wasiirka shaqada laga joojiyay ayaa dhankiisa xaqiijiyay kulankaan, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Maanta waxaan kulanay xubno ka socda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka wada-hadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaana ka warsugaynaa wixii ka soo baxa.”

24-kii bishaan ayay aheyd markii uu Ra’iisul Wasaar Rooble shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda, sidoo kalena uu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Arrimahaan ayaa imanaya kadib markii uu Rooble sharci darro ku tilmaamay shaqaalaha Wasaaradda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday laga soo bilaabo kowdii Janaayo 2022, uuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad la xiriira 2026

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka go’an tahay in marka uu dhamaado muddo xileedkiisa 2026-ka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ka codsaday madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed inay kala shaqeeyan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho awooda ku celinaysa shacabka, islamarkaana aan dib loogu noqon teendhada.

“Hadafka u weyn ee aan leeyahay weeyi in aan ka gudubno doorashada dadban. Ilaahay idinkii waa in aan afar sano kadib aan u noqon hangarkii iyo meelo lamid ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ballanteena waxay tahay 2026 in aan loo noqon teendhadii oo waa ka shaqeynayna inay taas dhacdo, waxaana dadka Soomaaliyeed ka codsanaya inay nagu garab istaagan oo ay nagu taageeran in aan gaarno meeshaas oo ilaashano sharafteen iyo karaamadeena.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray xiligii tallada dalka gacanta awooda shacabka loogu celin lahaa, sidaas darteedna inta uu jooga xafiiska uu ka shaqeyn doono oo dadaal badan uu ku bixin doono hirgelinteeda.

Ugu dambeyntiina waxa uu si weyn uga mahad-celiyay guddiyadii kala duwana ee doorashooyinka, kuwaasi oo marxalada maanta dalka uu soo gaaray horseed u ah, taasi oo uu ku hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta ku dhawaaqay laba hindise oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada.

Madaxweyne Xasan ayaa ku dhawaaqay Hindisaha shaqo abuur Qaran iyo hindisaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo xooga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay siin-doonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo bulshada Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyey inay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeena iyo dadkeena.

ROOBLE oo madaxweyne Xasan u jeediyay fulinta arrin uu ku fashilmay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasibad lagu abaal-marinayay guddiyadii iyo howl-wadeenadii doorashada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyay in uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in markale dalka dib loogu celiyo doorashadii dadbaneyd ee dhibka badan iyo caqabadaha horta leh uu kasoo maray.

“Madaxweyne Xasan waxaa ka sugeyna doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu noqon dhibkii lasoo maray ee ahaa doorasho dadban, waxaa Ilaahay ka baryaya in uu dib noogu soo celin doorasho dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay joogteeyan ducada madaxda Qaranka ay la garab taagan yihiin si dalkeena ugu horseedan horumar iyo xasilooni amni.

“Ilaahay SWT ayaa mahad iska leh, oo duruuf kasta oo adag nasoo dhaafay, haddii aan Alle u mahad-celin dhamaanteen meesha aan maanta gaarnay iyo meesha u socono ma gaari doono, Ilaahay waxaa leeyahay mahadsanid dhibka aad naga saartay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xiligaan xaalada guud ee dalka ay dagan tahay hadey dhan siyaasadeed iyo amni ay tahay, isaga oo madaxweynaha cusub uga baryaya Alle in uu xilka u fududeeyo.

“Madaxda dalka howsheeni ayay wadaan oo waxay gacanta ku hayaan hantideeni, amnigeeni iyo siyaasadeeni marka haddii aan loo duceyn iyaga wey rafaadayan anagana waa khasaarayna, markaas aan u duceyno.”

Xasan oo sheegay ‘arrin dhif iyo naadir ah’ oo ay tahay in looga daysado ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashada oo uu kala soo dabaashay caqabado hor leh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay abaal uga hayso Ra’iisul Wasaare Rooble howsha uu qabtay oo aysan dan gaar ah ugu jirin, islamarkaana ay tahay in looga daydo tallaabadaas naf hurida ah ee dalka bad-baadisay.

“Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa leeyahay Allaha ajar iyo xasanaad ha ka siiyo, magac iyo karaamo ku muteyso doorasho ayuu sameeyay aysan dan ugu jirin oo isaga uu muraad ka laheyn, maanta waxa uu diyaar u yahay in muwaadin Soomaaliyeed inuu dadkiisa sharaf iyo karaamo ku dhex noolaado inuu noqdo,” ayuu yiri.

“Waa tusaale mudan in lagu daysado oo ah in madaxa lagu hayo dadkaas noocaas ah ee danta umadda Soomaaliyeed ay wadi karaan oo ayagu aan dan ka dhex laheyn waa in aan ogaano oo meel noogu qornaadan, cidkasta oo danta umadda usoo istaagta oo muujisa inaysan dan ka dhex laheyn waa in umadda ogaado oo meel lagu qorto.”

Waxa kale oo xusid mudan intii uu Rooble ku jiray howlaha doorashooyinka uu halis galay amnigiisa, hase yeeshe u dhabar adeygay marxalad iyo culeys kasta oo kusoo wajahay dhameystirka doorashada.

Si kastaba, Go’aankii uu qaatay Rooble iyo dadaalka uu galiyay in lasoo afmeero doorashada Soomaaliya ee daahday, isaga oo aan wax dan gaar ah ka laheyn ayaa ah tallaabo dhib iyo naadir ku ah in lagu arko siyaasadda Soomaaliya ee daneysiga ah, waana mid bogaadin mudan.

Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Donald Trump iyo caruurtiisa

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su’aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York.

Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go’aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose oo dhaqan-gelinaya amar loogu yeeray Trump iyo wilka iyo gabadha ugu weyn ilmihiisa, Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, si ay u bixiyaan caddeymo ku aadan baaritaanka ay waddo xeer-ilaaliyo Letitia James.

“Mar kale, waxay maxkamadaha xukumeen in Donald Trump uu u hoggaansamo baaritaankeena sharciga ah ee ku aadan heshiisyadiisa maaliyadeed,” ayey James ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan daba-galno xaqiiqooyinka kiiska si aan u xaqiijino in qofne aanu ka dhuuman karin sharciga.”

Alan Futerfas oo ah qareenka Trump ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Bishii Janaayo, James ayaa sheegtay in baaritaan socday ku dhowaad saddex sano oo ka dhan ah shirkadda Trump Organization uu shaaca ka qaaday caddeymo la taaban karo oo muujinaya suurta-galnimada khiyaanooyin.

Waxa ay qeexday wax ay ugu yeertay xisaab xiro marin-haabin ah oo ku saabsan qiimaha ganacsiga Trump iyo lix hanti dhul ah, ayada oo sheegtay in shirkadda laga yaabo inay sare u qaaday qiimahooda si ay deyn uga hesho banki, kadibna yareysay si ay hoos ugu dhigto canshuurta.

Trump ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray horaantii sanadkan waxa uu eedeymahan ugu yeeray been abuur, isaga oo ku eedeeyey James inay leedahay ajende siyaasadeed oo ay ku beegsaneyso isaga iyo qoyskiisa.

Trump iyo caruurtiisa ayaa sheegay in marag fur ay sameeyaan ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda dastuuriga ah, sababtoo ah hadalladooda waxaa loo adeegsan karaa kiis dambiyeed kan la xiriira oo uu wado xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan Alvin Bragg, oo James ay ku biirtay bishii May 2021.

Trump oo ka tirsan xasbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey James inay dacwad kusoo oogtay sababtoo ah waa inuu yahay cadow siyaasadeed. James iyo Bragg ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Maxkamadda racfaanka ayaa diiday dooddaas, waxayna sheegtay in James “ay dib u eegtay caddeymo la taaban karo oo badan,” ka hor inta aanay soo saarin amarka hor-imaansho.

REUTERS + VOA

MUQDISHO oo markii ugu horreysay si toos ah ugu xirantay qaaradda Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afjartay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.  

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray. 

Intii uu socday Coronavirus, Turkish Airlines ayaa si ku-meel gaar ah isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Istanbul bilihii July illaa September 2021, balse wuxuu ahaa kaliya ku-meel gaar, waana la joojiyey. 

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul ayaa sidoo kale si kooban u jiray 2012-kii markii Turkish Airlines ay billowday duulimaadyadeeda Muqdisho. 

Istanbul iyo Soomaaliya

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay. 

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey. 

Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku aheyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti.

Halka dadku yimaadaan?

Xog laga helay shirkadda ayaa muujineysa in 49,000 oo qof ay isaga kala goosheen labada magaalo sanadii 2019. Dadkaas ayaa badankood ka yimaada Yurub, gaar ahaan UK, Sweden, Finland iyo Norway.

Tobanka garoon diyaaradeed ee ugu badan ee ay soo maraan dadka yimaada Istanbul ee ku socda Muqdisho ayaa kala ah.

1- London Heathrow
2- Stockholm Arlanda
3- Ankara
4- Gothenburg
5- Helsinki
6- Oslo
7- Amsterdam
8- Copenhagen
9- Birmingham
10- London Gatwick

Dadka Turkish Airlines u raaca Muqdisho ee ka yimaada Mareykanka iyo Canada ayaan sidaas u badneyn sababo la xiriira jadwalka duulimaadka. 

Duulimaad faa’iido badan

Agaasimaha Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa 2017-kii sheegay in duulimaadka Muqdisho iyo Istanbul “uu yahay mid ka mid ah kuwooda ugu faa’iidada badan.”

Muddo sanado ah, Turkish Airlines waxay aheyd diyaaradda kaliya ee caalami ah ee tagta Muqdisho, taasi oo u suurta-gelisay inay shacabka saarto qiimo aad u badan marka loo eego duulimaadyadeeda kale, maadaama aysan shacabka haysan ikhtiyaar kale.

Tusaale, qiimaha duulimaadka Istanbul-Muqdisho wuxuu laba mar ka badnaa kan Istanbul-Nairobi inkasta uu saacado gaaban yahay kan Muqdisho, maadaama marka laga yimaado Istanbul ay Muqdisho ka dhowdahay Nairobi. 

Hadda oo ay Muqdisho tagaan diyaarado kale oo caalami ah sida Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, qiimaha ayaa hoos usoo dhacay.

Muxuu taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad horey uga yiri dilkii Ikraan Tahliil Faarax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.

Waxaa si kumeelgaarka ah horey taliaha nabad sugida u ahaa xildhibaan Yaasiin Farey. Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mdi ah rukana ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyya dilkeeda.

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Mr Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqtii ay doonto ha qaadatee in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan.

“Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay” ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Maadaama imika loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, ma cadda tallaabada uu Mahad Salaad qaadi doono ee ku aadan kiiska Ikraan Tahliil.