26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe uu doonayo in awood qeybsiga 4.5 looga gudbo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bixiyey wareysigii ugu horeeyey ayaa shaaciyey in dowladiisa ay u qorsheysan tahay in laga gudbo nidaamka ay hadda beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan ee 4.5 ka.

Madaxweyne Xasan oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA wuxuu sheegay in sanadihii uu ahaa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya la sameeyey nidaam looga gudbi karo awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee afar dhibic shan iyo doorasho dadban, balse aan la dhaqan gelin.

“2017-kii markii aan xukunka ka degay, waxyaabihii aan Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey waxaa ka mid ahaa qorshe looga gudbayo nidaamkaan 4.5 iyo doorashada dadban, laakiin qorshahaas lama dhaqan gelin sababo badan awgood, welina waa yaallaa, hadda dib u eegis ayaan ku samey doonaa, waana dhaqan gelayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in beelaha Soomaaliyeed qaar aysan jecleyn sida hadda awoodaha loogu qeybiyo ee 4.5, isagoo balan qaaday in qorshe nidaamkaas looga gudabayo ay la imaa doonaan markii uu dhameysto mudo xileedkiisa 2026-ka.

“Nidaamkaas inuu dalka ku soo noqdo ma jeclin hadii Alle yiraahdo, markii waqtigeenu dhamaado 2026-ka, waxaan la imaa doonaa nidaam doorasho oo dadku isku raacsan yahay oo doorashada dadban ka duwan ayaan la imaa doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynuhu wareysigaan wuxuu ku sharaxay qorshaha dowladiisa ee 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh dowladnimada uu hoggaaminayo ee Soomaaliya.

“Waxaa rabnaa 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabnaa in aan sameyno heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu federaaleynayo arrimaha muhiimka ah. Si amniga magaalada Muqdisho aan u xaqiijino waxaan rabnaa inay amni noqotaan gobollada Shabeellooyinka, srrimaha amniga cidkasta oo naga saacideysana waan soo dhoweynaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa aad uga cabta nidaamka ay burburkii kadib Soomaalidu ku qeybsato awoodaha dowladda ee 4.5, taas waxaa barbar socday doorashooyin aad loo nacay musuqa iyo awood sheegashada ka dhex jirta, balse hadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad fursad u helay inuu ku soo laabto xukunka ayaa balan qaaday inuu dalka ka gudbi doono afar dhibic shan iyo doorasho dadban.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Magaalada KISMAAYO oo baahi weyn u qabta isbedalka ka dhacay dalka + Video

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay wajahday culeyskii ugu xooganaa ee ka dhashay dagaalkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe.

Kismaayo ayaa haatan waxaa u baryey waa cusub, kadib dib doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisii la aas aasay Jubbaland, gaar ahaan sanadkii 2013-kii.

Shacabka Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa haatan baahi weyn u qaba isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, maadaama uu saameyn xoogan ku yeeshay hardankii siyaasadeed ee u dhexeeyey dowladdii Maxamed Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah shacabka Kismaayo oo ka hadlay isbedalka dhacay ayaa sheegay inay ka rajeynayaan Madaxweynaha mar 2-aad la doortay inuu wax ka qabo xaalka Jubbaland.

‘Nidaamkan isbedelka ee lagu doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud shantii sano dhibaatooyinkii Jubbaland ay wajaheysay in uu ka tiro ayaan horta rajadeena ugu weyn ay tahay,” ayuu yiri mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale gabar kale oo ka mid ah dhalinyarada Kismaayo ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub inuu Jubbaland ka qaado cunaqabateynta la saaray, una soo gurmado.

“Xasan Sheekh Maxamuud waxaan leenahay annaga oo reer Jubbaland ah guuleyso garabkaaga nahay waxaan kaa codsaneynaa inaad noo hagar baxdo colaaddii iyo cunaqabateyntii na saarneyd inaad naga dul-qaado” ayey tiri gabar reer Kismaayo ah.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda maamulka ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo ay ku wajahayaan gobolka Gedo, si xal looga gaaray wixii dhacay.

“Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay maamul goboleedka Jubbaland sharci ahaan heshiis ay wada saxiixeen saddexda gobol ayuu kagag mid noqday maamul goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirku.

Saleebaan Maxamed ayaa sidoo kale xusay inay gobolka ka sameyn doonaan dib u heshiisiin, kadibna ay dhisi doonaan maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka.

“Dowladd cusub ee dhalatay iyo Jubbaland waxay sameyn doonaan dhammaan gogol wada-hadal ah oo dib u heshiisiin ah, taas oo maamullada degmooyinka iyo gobollada la dhisi doono sidaasna lagu sameyn doono maamul,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Jubbaland ayaa dagaal siyaasadeed oo culus la gashay Madaxweynaha xilka kasii dagaya oo ciidamo fara badan geeyey gobolka Gedo, taas oo sii hurisay xiisadda labada dhinac.

Wasiir Bayle oo rajo weyn ka muujiyey deyn cafinta dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu Aaladda Zoom-ka kula yeeshay madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u ahaa geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Kulankan ayaa waxaa ka horreeyey mid kale goobjoog ahaa Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh, kaas oo isna diiradda lagu saaray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Goor dhaw waxaa inoo soo idlaaday Shir kale oo muhiim u ah geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya, maanta waxa aan si gaar ah ula shirnay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyadoo markale uu nagala soo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ay dhammaan ka cafiso dowlada Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

“Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hadda ah mid aaad u sarreysa” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey.

Dadaallada deyn cafinta oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay horumar dhaqaale u sameyso iyo maal-gashi ayaa soo socday sanado badan, iyadoo haatan uu marayo meel wanaagsan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxaana jira dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay dowladda dhexe.

Basaasiin u dhashay dalka Shiinaha oo loo haysto xog ay ka uruuriyeen Mareykanka

New York (Caasimada Online) -Muwaadin Mareykan ah iyo afar sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Amniga ee Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen basaasnimo iyo shirqool loo maleegay in lagu aamuusiiyo mucaaradka ka dhanka ah Shiinaha ee ku sugan gudaha dalka Maraykanka, sida ay shaacisay waaxda caddaaladda ee Mareykanka.

Eedeymo aan faahfaahin badan laga bixinin oo loo gudbiyey maxkamad federaali ah oo ku taalla magaalada New York, ayaa lagu sheegay in Shujun Wang oo ku nool magaalada New York oo ah muwaadin haysta dhalashada Maraykanka, in lagu eedeeyeey inuu la shaqeeyey sirdoonka dalka Shiinaha isaga oo kala shaqeeyey in dalka Shiinaha loo gudbiyo xog iyo macluumaad sir ah oo ku saabsan taageerayaasha caanka ah ee u dhashay dalka Shiinaha iyo ururada u dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyadda ee ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

Eedaynta ayaa lagu sheegay in Wang oo 73 jir ahi inuu macluumaadka sirta ah la wadaagayey afar sarkaal oo ka risan wasaaradda arrimaha gudaha ee Shiinaha oo kala ah Feng He, Jie Ji, Ming Li iyo Keqing Lu. Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in raggani ay ahaayeen cidda u qaabilsan inay xogaha ka ururiso Wang.

Inkasta oo Wang la xidhay bishii March 16-keedii, haddana waxaa illaa haatan baxsad ku maqan afartii sarkaal ee u dhashay dalka Shiinaha.

Xeer Ilaaliyaha kiiskan gacanta ku haya oo lagu magcaabo Breon Peace oo ku sugan New York ayaa sheegay in eedaymahan “ay muujinayaan oo ay daaha ka faydayaan hawlgal ay wadeen (Shiinuhu) oo khatar ku ah badbaadada iyo xoriyada muwaadiniinta Shiinaha ee degan Maraykanka, sababo la xidhiidha waxa ay aaminsan yihiin dimuqraadiyadda iyo hadalka.”

Daawo: Muxuu madaxweyne Xasan ka yiri haddii ay is-khilaafi doonaan ra’iisul wasaarihiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sharaxaad ka bixiyey sababaha keena inay mar kasta isqabtaan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Xasan Sheekh oo dowladii uu hoggaaminayey ay yeelatay seddax Ra’iisul Wasaare oo labo uu xukunka ka tuuray kadib markii ay isku qabteen shada socota ee dowladda ayaa sheegay in meesha uu dhibku ka jiro ay tahay dhanka Dastuurka dalka oo weli qabyo ah.

“Horta dhibkeenu kaliya maahan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha xukunka jooga ee is qabsanaya, dhibku wuxuu naga heystaa dhanka dastuurka, waxaa noo shaqey la’ awoodaha xadadaya hanaanka ay u shaqeynayaan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in tan iyo markii ay xornimada qaadatay Soomaaliya aysan jirin dowlad ay xukunka isla dhameysteen Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweynihiisa.

“Marka arrinta meesha taalla Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha maaha, waa sharciga dalka waxa dib u eegista u baahan dastuurka iyo qodobada quseeya arrintaas, tusaale aniga hadda waa la i doortay, markii aan Ra’iisul wasaare u soo magacaabo nin aan la dooran, masuuliyadiina ay dadku Madaxweynaha saareen qoortaa la isku gelayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sidoo kale sheegay in howsha ugu weyn ee xafiiska Madaxweynaha ka bilaabata ay tahay soo magacaabidda Ra’iisul wasaaraha.

“Dadka Soomaaliyeed-na madaxweynaha ayey eegayaan oo masuuliyadda asaga ayey saarantahay oo lasoo doortay, marka arrimahaas is qabashada Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha, waa kuwo u baahan in dadka Soomaaliyeed lagala hadlo, doodo laga furo oo la hagaajiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareysigaan uga hadlay waxa dowladdiisa u qorsheysan 100-ka maalmood ee ugu horeeya, qorshihiisa amniga Muqdisho, deyn cafinta, sidii looga gudbayo awood qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo doorasho dadban.

Hoos ka daawo

Afarta qodob ee sahlay guushii madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Madaxweynaha oo dalka Soomaaliya ka dhacday 15-kii May ku guuleystay cod aqlabiyad ah.

Iyada oo Kursiga madaxweynaha ay u tartamayeen musharrixiin ka badan 30 oo ay ka mid ahaayeen 3 musharrax oo horay madaxweyne u soo noqday.

Guusha madaxweynanimada ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u sahlay arrima ay ka mid yihiin qodobbadan hoos ku xusan.

Farmaajo oo si weyn loo mucaaraday

Waxaa aad u xooganayd oo jirtay aragti ah in qofkii aan Farmaajo ahayn xilka madaxweynenimada loo doorto , waxaana jirtay mucaaradad aad u xooggan oo ka dhan madaxweynaha xilka ka dhammaaday oo ay dad badan u hayeen ay si weyn isugu hayeen dhanka siyaasadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka madaxweynanimada soo hayey tani iyo 2017-kii waxyaabo wanaagsan oo uu qabtay sida ay u jiraan haddana waxaa jira waxyaabo sababay in Madaxweynaha la mucaarado.

Waxyaabaha lagu mucaaradayna waxaa ka mid ah dhiibista Qalbi-dhagax, isku daygii muddo korosigi ee uu sameeyey iyo xiisadda gobolka Gedo in mudda ah ka taagneed.

Bishii April ee sanadkii hore ayuu Golaha Shacabka ansixiyay labo sano oo muddo kororsi ah oo loogu daray hay’adaha dowladda oo uu ka midyahay madaxweynaha.

Arrintan ayaa timid kadib markii muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday 8-dii feberaayo ee sanadkaas, aysana jirin wax qorshe ah oo meel ool ahaa oo doorasho lagu qabanayay.

Arrintan ayay dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda si weyn uga soo horjeedsadeen, waxaana dhacay 19-kii April iska hor imaad shacab iyo mid ciidan oo aad u xoog badan, iyada oo uu dhashay qalqalkii ugu weynaa.

Ugu dambeyntina Golaha Shacabka ayaa ka noqday go’aankii muddo kordhinta ee ay horay u gaareen isla-markaana go’aamiyey dalku inuu doorasho u dareero.

Dareenkan guud ee kooxaha siyaasadda ay ku mideysnaayeen oo ah kasoo horjeedka Farmaajo ayaa qof kasta oo wareegga labaad ee doorashada imaada ama ay isku soo haraan Farmaajo wareegga ugu dambeeya u sahlayay in uu helo fursado waaweyn.

Farmajo inta uu xilka hayey khilaafka siyaasadeed ee ugu weynaa ee soo maray wuxuu ahaa arrinta Gobolka Gedo oo si aad ah ay madaxweynaha isugu qabteen Dowlad Goboleedka Jubbaland, dhowr marna ay ka dhaceen dagaallo ay dhiig ku daateen. Arrintan ayay u egtahay in madaxweynaha fadhiya uu ku lumiyay 16 kursi oo lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii ay shaqayn weysay in wax lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Koox culus oo siyaasiyiin oo garab u ahayd

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud intii uu ololaha doorashada soo waday wuxuu garab xooggan uu ka helayey Siyaasiyiin culus oo saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya.

Dadkan oo dalka kasoo qabtay xilal kala duwan ayaa iskood u lahaa saamayn siyaasadeed oo mid kasta oo ka mid ah uu ku kasban karay codad , codadkaas oo markii dambe isugu soo biyo shubtay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud. Gaar ahaan markii lasoo gaaray wareegii labaad iyo kii sedexaad oo dadka la kala xulanayay ay aad usoo yaraadeen.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka kala yimid gobolada iyo beelaha kala duwan, taas oo u sahashay in ay cod ka helaan deegaan-doorashooyinka intooda badan.

Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyp Puntland xiriirka kala dhaxeeyey dowladda uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo oo aad u xumaana Xasan Sheekh waxay u sahashay iney madaxda dowlad gboleedyadaasi uu garabsado.

Waxaa sida oo kale garab u ahaa siyaasiyiin ay isku heyb yihiin oo si weyn uga soo horjeeday siyaasadda uu Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo dalka Soomaaliya uu ku hagayo.

Olole xooggan oo socdey 3 sano

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in guusha intaa le’eg uu ka gaaro doorashada madaxweynaha ee dalka Soomaaliya waxyaabaha u sahlay waxaa ka mid ah olole aan kala joogsi lahayn uu madaxweynaha soo waday muddo laba sano ka badan.

Ololahaasi oo uu ka waday magaalada Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya qaarkood, wuxuuna si shaqsiyan ah dadka uga gaday siyaasadihiisa, nidaamka dowladnimo ee uu doonayo iyo taageerada uu u hayo habka federaalka ee uu dalka ku dhaqmo, taasoo ahayd arrin ay u guuxeen beelo badan oo markii horeba shaki ka qabay dowlad dhexe oo xoog badan.

Xasan ololahiisa doorashada wuxuu halku dhig uga dhigay ‘Somaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah’, tanina waxa ay ahayd arrin kale oo ay dadka ka dhex arkeen xasilooni siyaasadeed, maamul gacan dabacsan , kuna dhisan wada hadal.

Isbahaysiga Musharixiinta

Madaxweyne Xasan wuxuu ka mid ahaa Golaha Midowga Musharrixiinta oo intii uu Farmajo muddo korosiga sameeyey dagaal siyaasadeed oo xooggan. Waxa ugu weyn ee ay heshiiska ku ahaayeen musharixiinta ayaa ah in qofka fursadda yeesha codadka la’isugu geeyo wareegga ugu dambeeya, waana sidii dhacday markii uu Xasan soo gaaray wareeggii seddexaad.

Musharrixiinta sida gaarka ah loo tilmaami karo uu Xasan isbahaysiga la sameystayna waxaa ka mid ahaa Shekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdi shakuur, Cosoble iyo Musharriixn kale.

Wareegga labaad marki ay doorashada isugu soo hareen Musharrixiinta kala ah Xasan Sheek Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre musharrixiinta waxay iisu baheysteen si ay Farmaajo mesha uga saaraan iney codkooda isugu geeyaan Xasan Shekh oo wareegga labaad ay isugu soo hareen Farmaajo.

Ugu dambeyntina Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u suura gashay inuu kursiga madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya uu ku guuleysto isaga oo helay 214 cod halka Farmaajana uu helay 110 cod, iyada oo ay doorashada u codeeyee 328 xildhibaan ee labada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Isha: BBC SOMALI

Dhageyso: Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshihiisa 100-ka maalmood ee ugu horreeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay qorshihiisa 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh ee dowladiisu qabaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in uu dalka ka dhaqan-geli doono tallaabooyin dhanka amniga ah, xasilooni siyaasadeed iyo dib u soo kabida dhaqaalaha dalka.

“Waxaa rabna 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabna in aan heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu Federaaleynayo arrimaha muhiimka ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha amniga ay muhiimad gaar ah siin doonaan, islamarkaana ay hirgelin doonaan qorshayaal kor loogu qaadayo amniga dalka, gaar ahaan midda caasimada.

“Magaalada in aan xaqiijino ayaa rabna inay amni noqoto, si aan u xaqiijino amniga Muqdisho dhexdeeda Muqdisho kuma xaqiijin karno labada Shabeelle iyo banaankana waa ka xaqiijineyna. Arrimaha amniga oo dhan cidkasta oo naga saacideysana waa soo dhoweynayna.”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaan qorshe looga gudbayo nidaamka doorashada dadban oo aan dhaqan-gelin, si looga gudbo doorashada dadban ee khilaafka badan.

“Dadka Soomaaliyeed ma jeclin in sida ay wax u dhaceen ee nidaamka doorashada dadban ee khilaafka badan in uu ku soo noqdo. Marka uu dhamaanayao muddo xileedkeena 2026, nidaam dadku isku raacsan yihiin oo ka duwan doorashada dadban ayaa la iman doona.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Jubbaland oo dalab la xiriira gobolka GEDO u gudbisay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa shaaciyay in madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud uga fadhiyaan sidii uu gacanta maamulkooda dib ugu soo celin lahaa gobolka Gedo.

Wasiirka warfaafinta Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in madaxweyne Xasan ay ka rajeynayaan in uu sixi doono waxkasta oo dowladdii hore ay kharibtay.

“Waxaa ka rajeynaynaa hadda dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah, sida sharciga ah (Gedo) ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.

Sidoo kale waxa uu sheegayn wasiirka in Wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin ay ka sameyn doonaan gobolka Gedo, oo dagaal siyaasadeed adag uu ku dhex-maray dowladdii madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Wada-hadal iyo dib u heshiisiin ay sameyn doonaan dowladda jubaland iyo dowladda cusub-na ay sameyn doonaan sidaana khilaafaadkii jiray lagu xalin doono ayaan rajeynayna. Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la’aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso, sidaa la-ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan.”

Dowladdii madaxweynaha xilka kasii dagaya ayaa ciidamo fara badan u daad-gureysay gobolka Gedo, ayada oo meesha ka saartay maamulkii gobolkaas ee maamulka Jubbaland, una magacaabatay maamul cusub.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ah mid kamid ah caqabadaha horyaalla madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ay tahay in uu xal u keeno khilaafkeeda, oo mar si weyn u ragaadiyay qabsoomidii doorashooyinka.

Galmudug oo shaacisay waxa lagu sameyn doono haddii lasoo qabto Sheekh Shaakir

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyey tallaabada laga qaadi doono haddii gacanta lagu soo dhigo saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu ku jiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Taliska booliska Galmudug ayaa shalay soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, waxaana ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in haddii lasoo xiro saraakiisha Ahlu Sunna iyo Sheekh Shaakir ay caddaaladda horkeeni doonaan, si loo maxkamadeeyo.

Taliya aya xusay in saraakiisha Ahlu Sunna iyo hoggaamiyahooda Sheekh Shaakir ay dambiyo ka galeen dadka reer Galmudug, sidaasna ay booliska u amreen in la qabto meel kasta oo lagu arko.

Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamulada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.

“Hadda waxay joogaan Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni,” ayuu yiri gaashaanle sare Khaliif Cabdulle oo wareysi siiyey Idaacadda BBC.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn sheegay inuu Dadka reer Galmudug u ballan qaadayo in kooxdaan iyo hoggaamiyahooda ay mari doonaan Cadaaladda waqti kasta oo gacanta lagu soo dhigo sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamo taabacsan Sheekh Shaakir kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Jimcihii lasoo dhaafay weerar kusoo qaaday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dagaalkii Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sababay dhimashada dad Shacab ah iyo ciidamo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana maamulka Galmudug u suurta gashay inay magaalada ka saaraaan kooxihii weerarka kusoo qaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta shir gudoomiyey kulan muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyay Shir muhiim ah oo looga hadlayay abaaraha ka taagan dalka.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo qaar ka mid ah ururada Bulashada Rayidka.

Waxaa looga hadlay xaalada abaaraha, taas oo dalka saameyn ku reebtay dadka iyo duunyada iyo weliba sidii caawimo loogu fidin lahaa dadkeena ay saameysay.

Kulanka ayaa imaanaya xilli ay dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalo caqabado badan oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Abaaraha soo noq-noqda, ayada oo xiligaan laga sugaya sida ay dowladdiisa u maareyn laheed abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Sawirro: Ciidanka Somaliland oo dhoola-tus cajiib ah ka sameeyay xuska 18 May

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 31-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibadda ayaa waxaa lagu qabtay barxadda fagaaraha, waxaana ka qeyb-galay Madaxweynaha, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo dunida uga timid ka qayb-galka munaasibadda iyo taliyeyaasha ciidamada.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Ciidamada ayaa gaaddo-ka-ciyaar xirfadi ka muuqato goobta kusoo bandhigay, waxay sidoo kale goobta kusoo bandhigeen gaadiid kala geddisan oo casri ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka cul-culus xambaara.

Munaasibaddan ayaa aheyd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ciidamada kala duwan ee Somaliland kusoo bandhigeen dhoola-tus cajiib, taasi oo ay bulshada reer Somaliland ee halkaas ku sugna ay si weyn ugu riyaaqeen.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa waxay sanadihii dambe horumar ka sameysay dhinacyo badan, inkasta oo illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.

Sawirro: Axmed Madoobe oo sanad kadib maanta tegay Villa Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta sanad kadib, gudaha u galay xarunta Villa Soomaaliya, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal kooban ka soo saaray booqashada Axmed Madoobe ee Madaxtooyada ayaa yiri “Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ugu dambeysay dhamaadka September 2020 markii hishiiskiisa 17 September la gudagaliyay dhaqan galkiisa. Waxaa xafiiskiisa ku qaabilay RW Rooble,”.

Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashadii soo dhammaatay.

“Waxa ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaatay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa Rooble uga mahad-celiyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Kulankan ayaa u muuqday mid dabaal-deg ah iyo sidoo kale is marxabeyn, kadib guushii doorashada Soomaaliya iyo go’aankii laga gaaray doodii xildhibaanada gobolka Gedo, maadaama guddoomiyaha Baarlamaanka oo meel mariyey xubnihii kasoo baxay Ceelwaaq.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Muqdisho abaabul ku aadan qorshe uu ku wajahayo gobolka Gedo oo gacantiisa ka maqan, wuxuuna doonayaa, isaga oo kaashanaya saaxibadiisa in dowladda cusub ay ciidamada kasoo saarto gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ka gudubtay xaaladdii adkeyd iyo is mariwaagii taagnaa, kadib isbedalka ku yimid hoggaanka Villa Somalia oo mar labaad loo doortay Xasan Sheekh.

Muxuu Amiir Maxamed Bin Salmaan ka yiri doorashada madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa war kasoo saaray doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan Afisyoone ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bin Salmaan ayaa u rajeeyey Madaxweynaha cusub oo la filayo inuu dhowaan xilka la wareego inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda iyo howsha adag ee hor taalla.

Sidoo kale wuxuu Soomaaliya u rajeeyey amni iyo xasilooni waarta, sida lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga.

“Maxamed Bin Salmaan wuxuu u rajeynayaa madaxweynaha cusub guul iyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasillooni,” ayaa lagu yiri farriin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee wasaaradda.

Farrintaan hambalyada ah ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta Madaxweyne Xasan uu qaabilay  safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya oo uu ka guddoomay hambalyo.

Horey dowladaha Qatar iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka mid ah wadamada Carbeed ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee ay yeelatay Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxayna gudaha dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan.

Xog: La-taliyeyaasha Xasan Sheekh oo ka hor-yimid cinwaan khaldan oo shalay ay siisay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa diiday qeyb ka mid ah qoraal uu shalay baahiyey xafiiska Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo si khaldan u dhigay jagada madaxweynaha cusub.

Erayga ku jiray qoraalkii ay shalay baahisay Villa Somalia ayaa ahaa (Madaxweynaha dooran), taas oo sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah muran badan abuurtay. Markii laga soo tago in qoraalkaan ugu horeyntii lagu baahiyey bogga Villa Somalia, sidoo kale waxaa sidiisa u qaadatay oo baahisay warbaahinta dowladda.

Xubno ka tirsan la-teliyayaasha madaxweyne Xasan ayaa la xiriiray kooxda warfaafinta madaxweyne Farmaajo una sheegay inay saxaan cinwaanka, oo ay ka dhigaan “Madaxweynaha Soomaalia.”

Maadaama madaxweyne Xasan Sheekh lagu hor-dhaariyey baarlamanka, waa madaxweynaha saxda ee dalka, kamana dhigna inuusan joogin Villa Somalia in loogu yeero “madaxweynaha dooran,” sababtoo ah wuxuu fursad u siinayaa madaxweyne Farmaajo inuu ka guuro.

Dhinaca kale, wasaaradda warfaafinta ayaa howlwadeenna warbaahinta qaranka ku amray inay bedalaan erayga (Madaxweynaha dooran) maadaama uu Xasan Sheekh yahay Madaxweyne sharci ah oo xilkiisa loo dhaariyey habeenkii la doortay.

Qoraalka uu ku jiray eragaas ee xafiiska Farmaajo uu baahiyey ayaa u dhignaa sidaan, “Madaxtooyada Qaranka ayaa u guddoontay Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.”

Wixii markaas ka dambeeyey warfaafinta Villa Somalia ayaa joojisay inay madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeraan ‘madaxweynaha dooran’, waxayna u beddeleen madaxweyne Xasan ama madaxweynaha Soomaaliya.

Daawo: Muxuu Muuse Biixi ka yiri doorashadii Xasan?

Hargeysa (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhowaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay arrimo dhowor ah iyo doorashadii Xasan Sheekh.

Biixi ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday qaddiyadda Somaliland, wuxuuna ku eedeeyey Soomaaliya inay weli diidan tahay inay helaan aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha ayaa xusay Somaaliya ay aaminsa tahay in Somaliland ay weli tahay gobol iyaga ka mid ah, sida uu ku dooday.

“31 sanadood oo aynu kala maqneyn 1991-kii illaa maanta walaaladeyn kama aynaan helin wax garowshiyo ah kama aynaan heli wax gar qaadasho ah waxay isku raacsan yihiin dhammaantood inaanu nahay gobol ka mid ah oo aan xor sheegan karin,” ayuu yiri Biixi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashadii Madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Teendhada Afisyoone, isla-markaana mar labaad xilka loogu doortay Xasan Sheekh.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo inay si nabad ku dhacday doorashadaasi, isla-markaana ay talada isku dhiibeen labada Madaxweyne.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyey Madaxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada Madaxweyne ee gacanta isku dhiibay aad iyo aadbaan usoo dhoweyneynaa in Ilaahey idin barakeeyo oo sidaas ku wadaan waan idin kuugu soo duceyneynaa,” ayuu markale yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland uu boggaadiyey doorashadii Afisyoone, una hambalyeeyey Xasan Sheekh.

Maxaa keenay in cododkii Jubaland ee uu ku tashanayay Deni u wareegaan Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday Axadii lasoo dhaafay ayaa noqotay si ka duwan sidii la filayey marka la eego habka ay u codeyn doonaan xildhibaanada.

Murashaxiin la islahaa waxay kusoo bixi doonaan wareega koowaad ayaa dib u dhacay, codod murashax ku tashanayay ayaa waxaa urursaday mid kale oo u fududaaday inuu wareega koowaad ugu soo gudbo.

Heshiis ay horay u gaareen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ayaa habeenkaasi buray, markii qaar ka mid ah xildhibaanada Jubaland ee uu soo saaray Axmed Madoobe ay ugu shubeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tallaabadaasi oo filan waa ay ku boqotay Saciid Deni oo tiradii uu filayay ku hungoobay.

Dhabar jabka Saciid Deni uu kala kulmay Axmed Madoobe ayaa dhalisay caro iyo inuu Saciid Deni ku eedeeyo madaxweynaha Jubaland inuu balantii ugu baxay. Waxaa intaas dheer in lix ka mid ah xildhibaanadii Puntland ay codkooda siiyeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu saacadihii danbe ee ololaha doorashada dhex maray heshiis aan weli faah-faahin laga helin.

Axmed Madoobe ayaa aad u doonaya in shaqsi kasoo jeeda beeshiisa loo magacaabo ra’iisul wasaare, hase yeeshee ma cadda haddii taas uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu yaqaan inuu yahay qof aan go’aanadiisa siyaasadeed saameyn lagu yeelan.

 keensan doono shaqsiga laga dhigi doono ra’iisul wasaaraha uu soo 

Axmed Madoobe ayaa xilka ra’iisul wasaaraha imaan doona la doonaya Dr. Maxamed Yuusuf Aw-Daahir oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Ogaadeen jilibka Cawlyahan. Dr Maxamed ayaa u shaqeeyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Tallaabadaan ayaa dab kusii shidi doona carada Saciid Deni uu ka qaaday tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Jubaland iyo guuldaradii uu la kulmay.

Guusha uu gaaray Xasan Sheekh waxaa qeyb weyn ku lahaa xildhibaanada Jubaland iyo xildhibaanada Digil iyo Mirifle iyo kuwa reer Waqooyiga intooda badan oo usoo jabay Xasan Sheekh.

R/W Rooble: “Madaxweyne XASAN waxaan leeyahay, dalkaan ka ilaali milkiile”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi xasaasi ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashooyinkii soo dhammaaday iyo dhismaha dowladda cusub.

Rooble ayaa sheegay in waqti adag, kadib uu ku guuleystay inuu qabto doorasho wadar ogol ah, isla-markaana uu kasoo maray marxalado kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa farriin la xiriirta dhismaha dowladda cusub u diray Madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda xilka la wareegi doono.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla-markaana uu isagu qaato go’aannada iyo tallaabooyinka la qaadayo.

“Waxaan kula talinayaa oo kale oo shacabka ay hadda jecel yihiin inaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyo waxay tahay Milkiile ka ilaali dalkan,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Adaa mas’uul ka ah waa ku sheegayaa mar koowaad, mar labaad, mar saddexaad Miilkiile dalkaan iskama lahan nin ku keensaday ma jiro Soomaali adiga ayey ku dooratay,”.

Rooble ayaa sidoo kale xusay in Miilkiile uu yahay waxa burburiyey dalkan, ayna tahay in laga gudbo, mas’uuliyaddana laga rabo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

“Walaalow Xasanow waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah Milikiile go’aanka adiga qaado iyo ra’iisul wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heyso cid kale haku aaminin,” ayuu markale wareysigan ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la xasuusto dagaalkii siyaasadeed oo uu ra’iisul wasaaruhu la galay madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo iyo la-taliyihiisa amniga qaranka Fahad Yaasiin oo loogu yeeraayey 5 sano ee lasoo dhaafay Miilkiilaha dowladda.

Sawirro: R/Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah maanta la qaatay madaxda ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha nabad ilaalinta ee ciidamada ATMIS u joogaan dalkeen iyo weliba wada-shaqeyntooda ciidamada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaare Rooble in ay sii dardar-geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.

Ciidamada ATMIS (ex-AMISOM) ayaa waxay door weyn ka qaateen Amniga doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaga oo kaashanayay ciidamada booliska Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha cusub oo la kulmay safiirada Qatar iyo Sacuudiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah safiirada Carbeed, gaar ahaan kuwa wadamada Qatar iyo Sacuudiga.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa hoygiisa ku qaabilay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad iyagoo ka wada-hadalay danaha labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale ujeedkiisa waxa uu ahaa salaan iyo Hambalyo uu safiirka la wadaagay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ayaa maanta la kulmay safiirka Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem, isaga oo ka guddoomay hambalyo iyo salaan.

Ambassador Hassan bin Hamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab siin doonto Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay, wuxuuna u rajeeyey inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kadib doorashadii Teendhada Afisyoone.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonayo shirar uu maalmahan dambe Madaxweynaha ka wado magaalada Muqdisho, si uu u sameeyo wada-tashiyo ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana soo dhoweeyey dowladaha dariska iyo kuwa caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Galmudug oo ‘Wanted’ u aqoonsatay Sheekh Shaakir iyo saraakiil badan + Video

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska booliska Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, dadkaan waa ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa saraakiishaan ka tirsan Ahlu-Sunna.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Sidoo kale liiskaan waxaa ku jira saraakiil badan oo horay uga tirsanaa jiray ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dib ugu laabtay ciidanka u dagaalama Ahlu-Sunna ee dhowaan uu Sheekh Shaakir ka aas-aasay galbeedka gobolka Galgaduud.

Hoos ka daawo Dhamme Nuur Cilmi iyo sawirada dadkaas