25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ololaha iyo lacag bixinta musharaxiinta oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni aysan weli bixin wax lacag ah. Villa Somalia ayaa xalay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, taasi oo ay diideen.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo. 

Caasimada Online si madax banana uma xaqiijin karto xogta Sahan Resaerch. 

Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.

Loolanka ayaa waxaa weli ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, iyo Cosoble haddii ay sax tahay taageerada Qatar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. 

Toos: Maxaa ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Teendhada Afiysoone ee ku dhex taalla gudaha xerada Xalane oo ay maanta ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay bilowdeen dhaq-dhaqaaqyada iyo xaadiritaanka goobta doorashada oo si weyn amnigeeda loo ilaalinayo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal iyo musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa goor hore sii tegay hoolka doorashada, si ay isugu diyaariyaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee labada Gole ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha.

Warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale loo ogolaaday goobta, si ay goob joog uga noqdaan doorashadan oo ay ku loolami doonaan illaa 35 musharrax madaxweyne.

Dhinaca kale waxaa xiran dhammaan waddooyinka caasimada, iyada oo hakad la geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, kadib bandow ay soo rogtay dowladda.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay dowladda dhexe, maamullada & mucaaradka.

Daawo: Beelaha Banaadiriga oo kitaabka u kala furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga ee Muqdisho ayaa maanta kulan duco ah oo qur’aan loogu akhrinayay madaxweynihii hore ahna murashax Xasan Sheekh Maxamuud ku qabtay isla degmadaas.

Kullankaan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha bulshada ayaa 114 Qur’aanka Kariimka ay u akhriyeen Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona u duceeyay, Alle-na ugu baryay inuu ku guuleeyo tartanka doorashada madaxweynenimo ee beri subaxdii loo balansan yahay.

Odayaashii ger cadka iyo dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaasi ayaa waxay sheegeen in Xasan Sheekh uu u roonaa dadka iyo dalka, gaar ahaan waxay xuseen in beesha Banaadiriga inuu wax badan u qabtay, abaalna ay ugu hayaan, dhalinyaradii uu shaqaaleysiiyay iyo xilalkii uu siiyay.

Waxay xuseen waxgaradkaasi in beesha Banaadiriga xilalkii safiirnimo oo gaarayay ilaa seddax laga qaaday xilalkii ay hayeen, laguna badalay shaqsiyaad beel ahaan loo xoo xushay.

Ugu danbeyntii qur’aan akhriskaasi alle loogu baryay Xasan Sheekh ayey waxay kusoo gabagabeeyeen duco iyo qasiidooyin, nuxurkoodu yahay guul iyo inuu xilka madaxweyne hanto Xasan Sheekh.

Doorashada madaxweyne oo beri 10 subaxnimo loo madalsan yahay ayaa waxaa la sugayaa natiijada cidda kusoo baxdo, iyadoo murashaxiinta liiska ugu sareeya soo galaya la hadal haayo inay ka mid yihiin madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni.

Sarkaal ka tirsanaa xoogga dalka iyo gabdhihiisa oo si yaab leh loogu dilay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Kismaayo lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan.

Dhanka kale waxaa caawa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dilay Cabdirashiid Muxumed oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay kursiga HOP058, kaas oo Cabdullaahi Sanbaloolshe uu ku geystay sanadkaan.

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa dishay marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Cabdirashiid, kooxda Al-Shabaab ayaa beegsata ergada soo doorata xildhibaanada Soomaaliya.

Xogtii ugu dambeysay ee ololaha doorashada iyo lacagta lagu iibsanayo codka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in isbeddel weyn uusan dhicin saacadihii ugu dambeeyey, taasi oo war wanaagsan u ah musharaxiintii horey ugu horeeyey loolanka. 

Arrinta yaabka leh ayaa ah in weli uusan jirin musharax bixiyey wax lacag ah, oo uu ku iibsanayo codka xildhibaanada, waxaana weli la wada sugayaa in Villa Somalia ay billowdo, si musharaxiinta kale ay uga jawaabaan, maadaama la rumeysan yahay inay bixin doonto lacagta ugu badan. 

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacag bixinta ay billaaban karto saacadaha hore ee berri subax, gaar ahaan 5-ta illaa 6-da subaxnimo, taasi oo xildhibaano badan aysan jecleysan kuwaas oo doonaya in lacag bixinta lagu kala baxo isla caawa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Villa Somalia laga filayo in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyn ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Xubno ku dhow musharaxiinta qaar ayaa Caasimada Online u sheegay inay rajeynayaan in ugu yaraan ay bixiyaan 50% lacag kasta oo ay bixiso Villa Somalia, ayaga oo ku doodaya in taasi ay laba mar lacag siin karto xildhibaanada, kadibna qofka ay doonaan ay u codeyn doonaan, ayaga oo ku rajo weyn in qofkaas aanu noqon doonin Farmaajo.

Sida ay aan saaka qornay, waxaan weli wax iska beddelin inuu loolanka ku horreeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacadihii ugu dambeeyey ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, inkasta oo ay suurta-gal tahay inuu Xasan Kheyre soo ciriirsado kaalinta afaraad.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

Taliska booliska oo bedalay waqtiga bandowga la gelinayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqan-gelayo Bandowga caawa lagu soo rogayo magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ayaa loo ogolyahay in caawa wixii ka horeeya 1:00 AM ay adeegtaan oo magaalada meeshii ay doonaan ay maraan, iyadoo markii hore uu waqtigu ku ekaa 9:00 PM.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa baahisay in Taliyuhu uu sheegay in iyadoo loo damqanayo bulshada la kordhiyay saacadaha ka dhiman waqtiga bandowga, si howlahooda muhiimka ah ay dadku u qabsadaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID-card baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha caafimaad ee deg-degga ah u baahan, kadib marka ay hubiyaan ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo igaday.

Axadda berri 8:00 AM ayaa lagu xaroonayaa hoolka doorashada ee teendhada Afisyooni, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada, waxayna doorashadu bilaaba doontaa 10:00 AM

Qalbi-dhagax oo shaaciyey qorshe looga hor-istaagay safarkiisa Muqdisho iyo dhibka uu usoo maray

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay isku dayeen inay ka hor istaagaan inuu yimaado magaalada Muqdisho, balse uu ka badbaaday shirqoolkaas.

Wuxuu sheegay in Khamiistii lasoo dhaafay uu doonayey inuu yimaado Muqdisho, balse uu ka war gelay in diyaaradaha loogu hanjabay in tii soo qaada rukhsada ay kala noqa doonto dowladda Soomaaliya.

Qalbi-dhagax oo wareysigaan siiyey VOA ayaa sheegay in safarkiisii uu u weeciyey magaalada Kismaayo, halkaas oo maalmo uu ku sugnaa.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyey in kooxda Farmaajo ay diideen in diyaarado aadaan magaalad Kismaayo, isla markaana uu ugu dambeyntii Muqdisho ku yimid dadaal uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Farmaajo iyo kooxdiisa markii ay ka war heleen inaan joogo Kismaayo baajiyeen labo diyaaradood oo maalintaas tegi laheyd, kadibna waxay diyaaradihii u kala baxeen gobollada kale, ugu dambeyntii goor dambe oo galab ah ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku guuleystay in hal diyaarad ay soo qaado dadkii ku xayirnaa garoonka Muqdisho, taas ayaan soo raacay ana,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Dhanka kale waxaa la weydiiyey Qalbi-dhagax, in berri uu khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, inta aysan bilaaban codeyntu.

Wuxuuna ku jawaabay in hadii lagu casuumo uu berri khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, balse ilaa hadda aan la isku raacin taas.

Sidoo kale Qalbi-dhagax wuxuu cadeeyey in hoolka doorashada uu berri tegi doono, “Waxaan ahaa doonaa xubin sharafeed ku sugan goobta doorashada.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aysan ilaa hadda uga cudur daarin gabood falkii ay u geysteen.

Hoos ka daawo wareysiga

Beesha caalamka oo fariin u dirtay xildhibaanada berri dooranaya madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saaxafadeed ka soo baxay beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa fariin dardaaran ah u diray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo berri dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay damiirkooda kaashadaan oo waajibkooda dastuuriga ah ay u gutaan, si madax-banaan.

“Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale wakiillada beesha caalamka ayaa xildhibaanada ugu baaqday inay codkooda siiyaan musharax samata-bixi kara Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wakiillada soo saaray qoraalkaan ayaa Soomaaliya u kala jooga dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka haray tartanka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhowaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ee la filayo inay berri ka dhacdo teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya,” ayuu Daahir Geelle ku yiri qoraal uu soo saaray. 

“Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.”

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka 11-aad in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

Waxaa horey sidoo kale tartanka uga haray Cabdikariin Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdille Maxamed oo labaduba sheegay inay u tanaasulee Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Daahir Geelle ma shaacin cid uu si gaar ah u taageerayo. 

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.” 

Guuleed ayaa isna yiri “Dalku wuxuu soo maray shantii sano lasoo dhaafay is qab-qabsi iyo kala irdhoobid xoog leh. Wuxuu u baahan yahay isbadal mug leh oo xasiloonidii soo celiya. Waxaa qayb kasii ahaanaya isbadalkaas waxaana garab taaganahay Walaalkay Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.” 

Cabdikariim Guuleed ayaa sidoo kale ku booriyay taageerayaashiisa inay ololaha maalmaha kooban ku garab istaagaan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

Guddoonka BF oo kulan xasaasi ah la yeeshay ATMIS kahor doorashada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxa ay kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen Gudigga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabadoon.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka May 2022 oo ay innaga xigto wax ka yar 48 saacadood, taas oo ka dhici doonta Teendhada ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 9:00 fiidnimo ee caawa bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ku ekaan doono aroorta hore ee Isniinta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, isla-markaana ay dul qaataan inta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta Soomaalida kuwaas oo doonayo inay qeyb ka noqdaan hoggaamiyaha cusub ee loo dooran doono Soomaaliya.

Waxaa is diiwaan geliyey illaa 39 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan musharixiin qaar oo la sheegay inay tanaasuleen.

Yuusuf Garaad Cumar oo ka digay arrin ka dhici karta doorashada madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada beri ka dhaceysa Afisyoone.

Yuusuf Garaad oo horey usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa farriin u diray xildhibaanada isagoo ugu baaqay inaysan ka shaqeyn danta qof kale.

“Baarlamaanku ha ka feejignaado “Murashax” aan ujeeddadiisu ahayn in isaga la doorto,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda kadib qoraal uu soo dhigay Facebook.

Wuxuu intaas kusii daray “Keliya wuxuu meesha u soo istaagi doonaa in la siiyo mikrafoonka, si uu toos ama tilmaan uu Xildhibaannada uga codsado in ay diidaan murashax uu isagu diiddan yahay, doortaanna mid kale oo uu isagu doonayo.Hore ayay u dhacday. Aan wax ka baranno.”

Hadalka Yuusuf Garaad ayaa kusoo aadayo xilli musharixiin badan oo isku diiwaan geliyey tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ay rajeenayaan in loo ogolaado inay xildhibaanada la hadlaan inta aysan bilaaban doorashada kadibna ay shaaciyaan inay is casileen sida dhacday doorashooyinkii hore.

Guddiga doorashada madaxweynaha ee Labada Aqal ayaa la filayaa inay illaa caawa soo saaraan jadwalka doorashada Berri iyo dadka khudbadaha la siin doono, inkastoo uu khilaaf ka taagan yahay arrintaas.

Qaar ka mid ah musharixiinta ayaa ku talinaya in khudbad la siiyo kaliya qofka Aayadaha Qur’aanka ku furayo kulanka Baarlamaanka kadib si toos ah loo galo doorashada oo aan qof kale loo ogolaan inuu xildhibaanada la hadlayo si uu ugu leexiyo jiho kale.

Wararkii ugu dambeeyey ololaha doorashada iyo halka la kala marayo (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii ugu dambeysya kahor doorashada oo dhaceysa berri oo Axad ah.

Waxaa xoogeystay dadaalka ay wadaan musharaxiinta ee ay ku raadinayaan codadka xildhibaanada, ayada oo xildhibanaaduna ay isku marayaan musharaxiinta ugu xooggan, oo marba ay taagan yihiin xarunta ololaha ee musharax gaar ah. 

Arrintan yaabka leh ayaa ah in illaa hadda uusan jirin musharax bixiyey lacag, sidii horey caadada u aheyd, balse waxay u badan tahay in haddiiba la bixinayo inay noqoto caawa. 

Sida ay illaa hadda wax u socdaan, waxaa loolanka ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacadihii ugu dambeeyey ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni. Waxaa sii dhimaneysa rajada Xasan Cali Kheyre, oo xildhibaano badan ay u arkaan inaan hoggaanka dalka lagu aamini karin marka la eego diiwaankiisa ra’iisul wasaarenimo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. 

Inkasta oo Saciid Deni la rumeysan yahay inuu kasoo gudbi doono wareegga koowaad, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuusan rajo ka qabin xilka madaxweynaha, islamarkaana ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu codadkiisa wareegga koowaad ku gorgortamo, isaga oo raadinaya xilka madaxweynaha. 

Deni ayaa la rumeysan yahay inuu taageeri doono madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dad badan ay rumeysan yihiin inuu guuleysan karo hadduu kasoo gudbo wareegga koowaad, islamarkaana noqdo mid ka mid ah saddexda musharax ee ugu codadka badan. Si kastaba, Shariif ayaa laga cabsi qabaa inuu galo kaalinta afaraad, taasi oo ku qasbi karta inuu haro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu wareegga koowaad galo kaalinta koowaad ama labaad, waxaana la saadaalinayaa inuu ka adkaano karo musharaxiinta kale ee dhan, marka laga reebo Shariif oo la sheegay in haddii ay isku haraan uu halis wajihi karo.  

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. 

Guddiga doorashada oo soo saaray farriin ku socota musharaxiinta madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa war cusub kasoo saaray doorashada hoggaanka dalka oo beri oo Axad ah 15-ka May ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa waxaa fariin loogu diray xubnaha musharixiinta ah, iyada oo laga dalbaday in musharrax kasta uu soo gudbiyo qof wakiil uga ah tiririnta codadka doorashada, xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale guddiga ayaa u qabtay musharixiinta inay ku soo gudbiyaan illaa 12:30am duhurnimo ee maanta, haddii kale aysan u suurta gelin in hoolka uu yimaado qofka wakiilka ah.

“Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda .FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaan bandow lagu rogay caasimada, kaas oo bilaabanay 9:00 fiidnimo ee caada, sida uu shaaciyey Booliska Soomaaliya.

Tartanka doorashada ayaa ah mid aad u adag, waxaana ku loolamaya ku dhowaad 40 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka oo uu ku jiro Farmaajo.

Daawo: Booliska oo bandow kusoo rogay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 9:00 fiidnimo ee caawa bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ku ekaan doono aroorta hore ee Isniinta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, isla-markaana ay dul qaataan inta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inay soo adeegtaan galabta, isla-markaana ay guryahooda ku nagaadaan, inta ay xiran yihiin waddooyinka.

“Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yiri Gaashanle Cabdifitaax.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka la geliyey heegan buuxa, isla-markaana ay adkeyn doonaan ammaanka inta ay socoto doorashada.

Sida uu qorshuhu yahay doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa beri oo Axad ah, kuna beegan 15 ka bishaan May, iyada oo loolan adag loo geli doono xilka madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashada madaxweynaha ee beri ka dhaceysa caasimada.

Musharax labaad oo ka haray tartanka, sheegayna inuu ‘u tanaasulay’ CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu “u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.  

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.” 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey “tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir. 

Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo caawa ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Habeen hore ayaa waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isna sheegay inuu “u tanaasulay” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana waa erey u muuqda mid aan ku habooneyn tallaabada ay qaadeen, sababtoo ah ma jiro tartan toos ah oo kala dhaxeeya hal musharax, mana la gaarin xilligi doorashada oo ay tanaasuli karaan. 

Ma cadda haddii haritaanka Guuleed iyo Cabdinaasir ay wax badan u tari karto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo aan ka mid aheyn musharaxiinat ugu cadcad, oo la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheysiga Guuleed, Cabdinaasir iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

SACIID DENI: Ma wuxuu u tartamayaa xil madaxweyne mise Ra’iisal Wasaare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni waa musharaxii labaad ee isagoo ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, 2004.

Siciiid Cabdullaahi Deni waa siyaasi wasiir kasoo noqday dowladda federaalka, wuxuuna hore ugu tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse doorashada 2022 waa musharax ka duwan sidii hore.

Wuxuu dagaal aan waxba la iskula harin la galay Farmaajo iyo maamulkiisii, isagoo hoggaamiye u ahaa mucaaradka dowladda, wuxuu garab iyo gashaan u noqday Axmed Madooba-ha Jubbaland, ugu danbeyn wuxuu ku guuleystay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Siciid Deni sida uu ku sheegay khudbadii uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuusan Farmaajo mar kale kusoo laaban Villa Somalia, taasoo ka dhigan dhammeystirka halgankiisa.

Inkastoo codad badan uu heysto, soona saartay inta badan xildhibaannada labada Aqal ee kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni ma aha musharax loo sadaalinayo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo uu wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha gaari karo, haddana waxaa la rumeysan yahay in Siciid Deni halka ugu sareysa ee uu gaari karo ama uu raadinayo ay tahay isbaheysi cod iyo xil is-weydaarsi ah oo uu la galo mid ka mida musharixiinta ugu codadka badan wareegga koowaad, marka laga reebo Farmaajo.

Musharax Siciid Deni waxaa la filayaa inuu raajicinayo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, dadaalkiisuna halkaas ku suntan yahay, kaasoo aan la damaanad qaadi karin marka la eego loolanka adag ee xilka Madaxweynaha.

Waxaa la saadaaliyey inuu aad ugu dhow yahay isbaheysi uu la galo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna wajahaya tartan saddex geesle ah oo adag, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre.

Dagaalka uu Siciid Deni la galay nidaamkii Farmaajo ee lagu guuleystay, waxaa mar kale xaqiiqo ah inuu guushii labaad qarka u saaran yahay guushiisii labaad ee ah inuu kursiga dhaafsiiyo Farmaajo xitaa haddii aanu isagu ku guuleysan.

Waa sidee xaalada guud ee magaalada Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaalad deganaasho ah ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, kadib dagaallo shalay ku dhex-maray ciidamada Galmudug oo garab kal helaya kuwa dowladda iyo Xoogga Ahlu Sunn oo soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka barakacay Dhuusamareeb ay haatan bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, walow saameynta dagaalka laga dareemayo halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale yar, waxaana magaalada weli laga dareemayaa cabsi la xiriirta in markale ay ku dagaalamaaan labada dhinac.

Galmudug ayaa dhankeeda ku dhowaaqday inay gacanta ku hayso magaalada oo dhan halka  Ahlu Sunna aynsan weli wax war ah ka soo saarin dagaalkaasi.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in haatan xoogaga Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Sangoy oo u dhow Dhuusamareeb, sidoo kalana kaabiga deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna.

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, iyadoo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay labaduba ku suganyihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada madaxweynaha  Soomaaliya oo dhici doonta maalinta beri ee ah 15-ka May.

Si kastaba, Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dhammaadkii bishii October ee hore 2021-kii dagaal culus looga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen.

Qalbi-dhagax faahfaahiyey qaabkii ay u raali geliyeen Rooble iyo xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa mar kale sharaxaad cusub ka bixiyey qaabkii loo soo qabtay, isla markaana loogu dhiibay dowladda Itoobiya, kadib wareysi uu siiyey VOA.

“Hadda waan soo noqday,  dadka Soomaaliyeed kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin balaaran, waana ku qanacsanahay joogitaanka Muqdisho,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu ka sheegeeyey sida uu u sharfay, una raali geliyey ra’iisul wasaare Rooble, isagoo eedeymo culus u jeediyey Farmaajo iyo Kheyre oo markii la dhiibay dadka maamulayey.

“Nimankii xilka hayey ee cadowga ii dhiibay waxay iga dhigeen qof aan dalka waxaba ku laheyn, Rooble isagoo heysta awoodii Ra’iisul Wasaaraha wadanka ayuu gaboodfalkaas iga raali geliyey, wuxuu I huwiyey calankii aan jiritaankiisa u halgami jiray, wuxuu ii xaal mariyey sidii Soomaalidu isku xaal-mari jirtay,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in goobtii lagu go’aamiyey in lagu dhiibo, ONLF-na ay argagixiso tahay ay hadda ku raali geliyeen, Ra’iisul wasaare Rooble, golihiisa wasiirrada iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Qalbi-dhagax ayaa sheegay in waligiis uusan dhibaateyn qof Soomaali ah, oo xitaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay uusan waligiis ku lug yeelan, balse uu maanta ku faraxsan yahay in goobtii lagu dulmiyey lagu raali geliyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Qodobo dhowr ah oo sare u qaaday rajada dib u doorashada Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Fursadda dib u doorashadsa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn kor ugu soo kacday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Waxaa la fahamsan yahay in arrimo badan oo is biirsaday ay si weyn u caawinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taariikhda dowladeed ee Soomaaliya ayaa sanado badan diidaneyd in dib loo soo doorto Madaxweyne hore. Laakiin sanadkaan waxaa loo arkaa inay macquul tahay in taariikhdaas la inkiro.

Seddax Madaxweyne oo hore ayaa ka qeyb geleysa doorashada dhaceysa 15-ka bishaan May, kuwaas oo kala ah, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Qormadaan waxaan ku eegeynaa sababaha Xasan Sheekh u sahlaya inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo xukunka loo doorto mar labaad.

1 – Fahamkiisa dowliga ah

Xasan Sheekh waxaa loo arkaa ninka ugu dowlad yaqaansan madaxdii dalka soo martay burburkii kadib, 3-dii dowladood ee ugu dambeysay Xasan Sheekh wuxuu heystaa rikoor ka wanaagsan kan madaxda kale.

Hey’adaha dowliga ah ee Xasan Sheekh uu dib u soo dhisay, safaaradaha uu dib u furay, sharciga uu u sameeyey shaqaalaha rayidka ah, hanaanka maaliyadeed ee uu abuuray, miisaaniyadda uu dalka u sameeyey, dhismaha maamul goboleedyada, ururrada caalamiga ah ee Soomaaliya uu dib ugu celiyey iyo qeynuunka uu u jeexay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa Xasan Sheekh uga marqaati furtay inuu heysto faham aysan heysan madaxdii kale ee la tijaabiyey.

Dowladii ka horeysay waa hir geli weysay howlahaan, tii ka dambeysana wax badan kuma biirin, waxaana arrintaan loo sababeeyey in Xasan uu leeyahay faham dowli ah oo ka xoog badan kan madaxdii dalka soo martay burburkii kadib.

Marxalada ay maanta Soomaaliya joogto waxaa kabi kara qof heysta faham dowli ah oo xooggan, qof uu liito hafamkiisa dowladnimada casriga ah, ma dhaqaaji karo Soomaaliya, ayey ku doodayaan xildhibaanadu.

2 – Luuqadda diblimaasiyadda

Xasan Sheekh sababta uu u dhisay xiriir caalami ah oo balaaran oo safaarado badan uu dib ugu furay, reer Galbeedkana uu ugu guuleystay inay Xalane soo degaan waxaa loo arkaa inay sareyso luuqadiisa diblomaasiyadda.

Soomaaliya waa dal sabool ah oo u baahan gacan caalami ah, hadii aysan helin hoggaamiye fahamsan luuqada diblomaasiyadda oo caalamka soo jiida kara waa adagtahay inay gaarto halka ay ku taameyso.

Inta badan dadka Soomaaliyeed dood kama qabaan in Xasan Sheekh uu luuqada iyo fahamka diblomaasiyadda uga fiican yahay madaxdii kale ee dalka soo martay.

3 – Kooxda la joogta

Madaxda qaar waxaa lagu eedeeyaa in ayagoo ay aqoontooda dowladnimadu liidato aysan hadana heysan dad xirfad u leh inay dhisaan Soomaaliya cusun oo dunidu fahmi karto, qorsheheeduna dowladnimadii la yaqaanay uu waafaqsan yahay.

Hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh markii laga tago miisaankiisa shakhsiga ah, aqoonta dowladeed ee lagu tuhmaayo iyo diiwaankiisa wanaagsan, waxaa hadana hareer taagan siyaasiyiin loo yaqaano inay leeyihiin aqoonta in dalkaan loo dhiso hanaan dowladeed oo casri ah.

Madaxda qaar ayaga iyo xubnaha la jooga oo aan aqoon iyo faham dowladeed midna laheyn ayaa sabab u noqota in laga kala cararo, si dalka iyo dowladnimada aan loola deign.

Arrimahaan oo markii la uruuriyo isagu imaanaya dowlad yaqaanimo ayaa Xasan Sheekh ka dhigaya ninka heysta fursadda ugu wanaagsan ee Madaxweyne hore dib loogu dooran karo, mar labaad.

Waa dood culus in xildhibaanadu ay dadka qaar shaki gelinayaan fahamkooda dowliga ah iyo inay dhisi karaan Soomaaliya la fal-geli karta loolanka ka socda adduunka.

Dhageyso: CC Shakuur oo shaaciyey heshiis dhex-yaalla musharaxiinta qaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cabduraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, sababta uu isku soo sharaxay iyo waxa u qorsheysan ayaa sidoo kale ka hadlay nooca iskaashi ee midowga musharaxiinta  ay yeela karaan, xilliga doorashada.

Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in markii hore go’aanka Midowga Musharaxiinta uu ahaa in dalka ay doorasho ka dhacdo, mudo kororsigana laga hor tago.

Sidoo kale wuxuu sheegay in musharaxiinta aysan ku heshiin in qof ama xisbi gaar ah la dhiso, balse uu jiro is faham hoose oo dhanacyada siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku wajahaayaan doorashada.

“Midowga musharaxiinta labo u jeedo oo kaliya ayuu lahaa, 1 – in dalka ay doorasho ka dhacdo, 2 – iyo in mudo kororsiga la diido, wax kale ma jirin, labadaas qodoba waan ku guuleysanay, inkastoo lasoo maray jiitan dheer,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey suurta galnimada inay isku tanaasuli doonaan, oo xubnihii ku mideysnaa golaha midowga musharaxiinta ay hal hoggaamiye dhisi doonaan.

“Waxaa noo socda wadahadal ah in la is kaashado ah, dadku sida ay isku leeyihiin, dadka qaar siyaasadda isku deegaan ayey kasoo galeen, siyaasiyiinta qaar waa saaxiibo dhow, marka qof kasta qofka u dhow ayaan hadda ku tashanay inuu kaashado,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii la fiiriyo sidii ay u dhacday doorashadii guddoonka labnada Aqal ee BF aysan jirin fursad uu heysto Madaxweyne Farmaajo.

“Ma aragno xulufo uu hadda wato oo garab taagan Farmaajo, marka ka midowga musharaxiinta ahaan waxaa naga go’an in dalka ay doorasho ka dhacdo, in la is kaashadana waxay ku xiran tahay, hadba sida la isugu siyaasad dhowyahay, sida la isku yaqaano iyo sida siyaasadda loo wadaagi karo,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka dhageyso wareysiga