25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Hay’adda NISA oo soo bandhigtay sarkaal 8 sano ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ee mudada dheer ka tirsanaa kooxdaan.

Sarkaalka lasoo bandhigay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ciise Cumar Deerow Isxaaq, wuxuuna kamid ahaa dagaalyahanada jabhadaha.

Sida ay sheegeen saraakiisha Hey’adda NISA ee Koonfur Galbeed, sarkaalkaan ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 Sano ah, wuxuua kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ay kooxdaan ku qaaday ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay.

Sarkalkan waxa uu sheegey in sababta uu usoo goostay ay qeyb ka tahay  go’doominta gobolada uu kasoo jeedo, taasoo uu ku tilmaamay Fikir qaldan oo shacabka lagu dhibaateeyay.

Sidoo kale, Hay’adda Nabadsugida ayaa soo bandhigtay hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.

Sababta uu kooxdaan uga soo baxay ayuu sarkaalkaan ku sheegay inuu fahmay dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan.

Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u mahadceliyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab,

“Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey Fikir xagjirnimo ah ay wada Fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugida Koonfur galbeed.

Ugu dambeyntii Hey’adda NISA ayaa ugu baaqday dhallinyarada ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan laamaha amniga, waxayna hey’adda ballan qaaday inay si naxariis ku jirto usoo dhaweyn doonto.

10 qodob oo hoos u dhigaya miisaanka musharaxnimo ee madaxweyne Saciid Deni 

Inkastoo uu dhaliil gaar ah leeyahay musharax kasta ee rajo ka qabo inuu ku guuleysto tartanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, lana filayo in muddo bil gudaheed ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho. 

Musharixiintu marka ay tartanka galayaan waxa ay adeegsadaan luuqad ama xeelado ay dadka ku indho-sarcaadinayaan balse aan marna ka tarjumeyn waxyaabaha lagu bartay musharaxaasi oo ay dadku ku yaqaaniin.

Haddaba, mid ka mida musharixiintan waa Saciid Cabdullaahi Dani oo laga yaabo in dadka qaar ay su’aal geliyaan inuu weli yahay Madaxweynaha Dowad-Goboleedka Puntland, maadaama uu kuxigeenkiisii Axmed Karaash sheegtay inuu sifo sharci ah kula wareegay hogaanka Puntland, waxaana soo ifbaxaya iney jiraan arrimo dhowr ah oo hoos u dhigaya culeyska uu Saciid Dani filayay inuu ku yeelan karo tartanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

Waxaan qiimeyntan ku saleeyay arrimihii ugu dambeeyay ee ka taagnaa welina ka jira deegaanada Puntland iyo weliba hab dhaqankiisa hogaamineed inuu yahay mid u qalmo in lagu aamini karo masiirka Ummadda Soomaaliyeed. 

1- Mudane Saciid Dani, marna ma ogolaan inuu iska iska casilo xilka uu Puntland hayay si uu tartanka doorashada uga qeybgalo isagoo ah musharax madaxbanaan oo  isku kalsoon, wuxuuna doonayaa inuu Punland wareegto kusii maamulo isagoo Muqdisho u jooga inuu qabto xil Qaran, xitaa u diidan inuu Axmed Karaash magacaabi karo Guddoomiye Gobol iyo howl-wadeeno kale.

2- Waxa uu boob iyo awood sheegasho kusoo saartay xildhibaano aaney beelahoodu soo xulan si uu danahiisa ugu gaaro, taasoo ay ugu horeyso sida uu rumeysan yahay iney ka caawiyaan guusha tartanka doorashada, kadibna ay guul-wadayaal uga noqdaan baarlaamanka si aan loola xisaabtamin haddiiba ay guushu  dhankiisa marto sida ay rajada ama riyadiisu tahay.

3- Waxa uu Magaalada Boosaaso ka abuuray dagaal aan mid la mid ah soo marin, lagana baaqsan karay oo weliba si aan qarsoodi aheyn uu mas’uuliyadeeda u sheegtay, islamarkaana uu dagaalkaasi galaaftay nolosha dad badani, sidoo kalena dhaliyay barakac iyo burbur hantiyadeed.

4- Waxa uu si xoog sheegasho iyo sharci-daro ah uu ku eryay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland markii uu rabitaankiisa u hogaansami waayay.

5- Muddadii uu hayay hogaanka Puntland, in tiisa la yeelo mooyee weli uma tanaasulin maslaxada iyo danta Soomaaliyeed iyo xataa midka  deegaanada  Puntland.

6- Waxa uu kala qeybiyay ciidamadii lagu wareejiyay markii uu hogaanka Puntland qabtay, isagoo kasoo saaray furumihii cadawga, deetana dagaal madaxa isugu geliyay ciidamadii halka meel kasoo wada jeeday.

7- Ciddii ka aragti duwan waxa uu u arkaa cadow uu shisheeye gadaal ka riixayo ama Muqdisho laga soo abaabulay, waxuuna xasaanada ka qaaday misana uu xiray xubno baarlamaan, taasoo aaney horey u sameyn madaxweynayaashii kaga horeeyay hogaaminta Puntland.

8- Weligiis ama muddadii uu xilka hayay Beelo Soomaaliyeed isuguma keenin shir dib u heshiisiin ah, iney Beeluhu sii kala fogaadeen oo cadaawada dhexdooda ah korortay mooyee.

9- Marka uu xilka doonayo waxaa lagu bartay inuu gashto shaar nabad-doonimo iyo sama-jaceyl ah, marka uu hogaanka qabtana waxa uu lasoo baxaa kaarkiisa runta ah ee uu aaminsan yahay, kaasoo ah in SIYAASADA LAGU KALA ADKAADO, QOFKII AAN KULA JIRINA UU YAHAY CADOW KAA SOO HORJEEDA.

10- Waxa uu haatan tartanka doorashada ugu jiraa keliya in lagu gacan siiyo sidii uu uga adkaan lahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isuna muujiyo inuu ka fiican yahay ee kama ahan iney xildhibaanadu ku qiimeeyaan INUU YAHAY SHAQSIGII U QALMAY IN LAGU AAMINO MASIIRKA UMMADDA!!

Shukri Aaden
Manchester, UK

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Galmudug oo baacsaneysa dadkii Bohol uga qeyb galay dhoolatuskii Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ka bilaabatay qabqabashada dadkii maalmo ka hor tegay degaanka Bohol, halkaas oo fariisin u ah ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ciidamada booliska iyo nabad sugidda ee ka howlgala magaalooyinkaas ayaa sacadihii u dambeeyey soo xiray dad badan oo loo heysto inay Bohol uga qeyb galeen xaflado waaweyn oo ay dhigatay kooxda Ahlu-Sunna.

Dadkaan la baacsanayo ayaa degaanka Bohol uga qeyb galay xus ay Ahlu-Sunna u sameysay ciidamadii uga shahiiday dagaalladii ay kooxda Al-Shabaab kula galeen gobollada dhexe, dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamada booliska iyo nabad sugidda Galmudug oo adeegsanaya macluumaadyo gaar ah iyo tixraaca sawirrada iyo muuqaalladii laga duubay munaasabadii ka dhacday Bohol ayaa Guriceel iyo Dhuusamareeb ka bilaabay qabqabashada dadkaas.

Dad isugu jira haween, carruur iyo dhalinyaro xerow ah ayaa xabsiyada labadaas magaalo loo taxaabay, kuwaas oo qaarkood lagu eedeynayo inay Ahlu-Sunno hiil dhaqaale ku taageereen.

Sanad kasta 17-ka bisha Ramadaan Ahlu-Sunna ayaa dhigta munaasabado waaweyn oo ay ku xusayaan shuhadadii looga dilay dagaaladii qaraaraa oo ay la galeen Al-Shabaab.

Hase yeeshee munaasabadii sanadkaan ka dhacday Bohol oo ay ku muujiyeen cudud militeri oo aan laga filaneyn kooxda waxay xambaarsaneed fariin dagaal oo ku wajahan Galmudug iyo Al-Shabaab oo ah labo awoodood oo hor taagan xukunkooda.

Waxay soo bandhigeen dhalinyaro aad u hubeysan iyo qoryo u badan BKM iyo AK47, wuxuuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo munaasabadaas ka qeyb galay jeediyey hadallo kicin dadweyne u muuqday, isagoo dhaliilo waaweyn u soo jeediyey Al-Shabaab, Galmudug iyo dowladda dhexe, intaba.

Ku dhawaan 2 milyan oo qof oo Somaliland ku wajahaya xaalad halis ah (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shaaciyay inay korortay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha oo saxaafadda kula hadlay gudaha qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in abaarta ay saameysay in ka badan 1.5 Milyan (Hal milyan iyo badh) qof, ayna wajahayaan xaalad adag.

“Dalka waxa ka jirta abaar baahsan oo dal iyo dadba saamaysay, taas oo sii adkaatay marka maanta loo eego, iyada oo abaartaas saamaynteedu ka timi labadii xilli-roobaad ee ina dhaafay oo roobku aad u yaraa, saacaddaa aynu joogno oo gu’gii aynu bil ku jirno roobkii aynaan haynin, meelaha uu ka da’ayna ay aad u yar tahay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu dedaallo badan gelisay sidii loogu gurman lahaa dadka abaarta ku tabaaloobay, islamarkaana biyo raashin tiro badan ay qaybisay, balse ay hawshaasi ka baaxad badatay intii hore, loona baahan yahay isku tashi bulsho iyo midnimo gudo iyo dibadba ah oo lagu taakulaynayo dadka iyo duunyada abaartu saamaysay.

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada reer Somalilnad ugu baaqay inay caawiyaan dadka abaarta ku tabaaloobay, isaga oo hay’adaha caalamiga ahna ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda abaareed ee kasii daraysa.

Afar waxyaabood oo laga bartay doorashadii xalay ee guddoomiyaha baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Doorasho saacado badan qaadatay oo xalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa muujisay sida aysan codadka xildhibaanada u mideysneyn iyo halka ay siyaasadda dalka ku wajahan tahay.

Wareegii hore ee codeynta doorashda guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay dhammaan tartamayaasha heleen codad, balse afarta qof ee ugu horeysay ayaa noqday Xasan Cabdinuur oo ka socday dhanka madaxweyne Farmaajo, Sheekh Aadan Madoobe oo ay dhisayeen Shariif Sheekh Aadan, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kaalmaha Sedexaad iyo afar waxaa galay Cabdullaahi Black iyo Aadan Sarandsoor oo mushariixiinta qaar ay kaalmo siyaasadeed siinayeen.

Sheekh Aadan Madoobe 74 cod, Xasan Cabdinuur 98 cod, Cabdullaahi Black 33 Cod iyo Aadan Saransoor oo 23 Cod helay ayuu noqday wareegii hore ee doorashada.

Waxaa loo baahday wareeg Labaad, Labada Musharax ee Aadan Saransoor iyo Cabdullaaho Black ayaa ka haray tartanka iyagoo sheegay inay u tanaasuleen Sheekh Aadan Maxamed Nuur, weliba si aan looga baran doorashooyinka Soomaaliya waxay toos u sheegeen musharaxa ay rabaan in codadkooda loo wareejiyo.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa ka dhacay wacadaro aan la qiyaasi karin, duullaan aan loo kala harin ayaa lagu qaaday madaxweyne Farmaajo iyo musharaxoodii Xasan Cabdinuur.

Wareegii Labaad ee doorashada Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa helay 163 cod halka uu Xasan Cabdinuur helay 89 cod. Sidaas Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Waxay aheyd dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda madaxweyne Farmaajo, taasi oo hoggaanka dalka heysatay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Cabdinuur wuxuu lumiyey 9 cod oo kamid ah codadkii uu helay wareegii hore.

Haddaba waxaan eegeynaa waxyaabihii dhacay ee laga bartay doorashada guddoonka Golaha Shacabka:

1- Tabarta madaxweyne Farmaajo

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ay ku jiraan madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay la kumay natiijo aan u fiicneyn inta ka dhiman halgankooda.

Dadka qaar waxay natiijadii xalay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ku cabirayaan natiijada soo socota ee doorashada madaxweynaha. Waa farriin cabsi gelineysa dadka doonaya inay Farmaajo lasii joogaan siyaasad ahaan.

2- Awoodda isbaddal doonka

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee xalay waxay muujisay in Golaha Shacabka ay ku badan yihiin xildhibaanada doonaya in dalku aado isbadal hoggaamineed.

Mar walba xilliga doorashada Soomaaliya waxay xildhibaanada cusub u badan yihiin kuwa doonayo isbadal, golaha ayaana xalay taas muujiyey.

Inuu isbadal doonka xoogeysto uma fiicno nidaamka weli ku haray Villa Somalia. Xildhibaanada inkastoo loolanka kursiga madaxweynaha ay ku kala aragti duwan yihiin haddana mar kasta isbadalka ayey ku mideysan yihiin xilliyadaan oo kale.

3- Sida codadka u kala firirsan yihiin

Wareegii hore ee Doorashadii xalay waxay muujisay sida ay codadka xildhibaanada u kala firirsan yihiin. Musharax walba wuxuu helay codad wareegii hore ee doorashadii xalay.

Isbaheysiga Sheekh Aadan Madoobe caawinayey wareegii hore ee doorashada oo ahaa Saciid Deni, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe waxay keeneyn 74 Cod halka kooxda madaxweyne Farmaajo keeneyn 98 cod, iyadoo codadka kale loo arko inay leeyihiin musharixiinta kale.

Firirsanaanta codadka waxay dib usii dhigeysaa saadaasha kursiga madaxweynaha.

4- Fursadda uu heysto qofkii Farmaajo ku xigsada doorashada madaxweynaha

Haddii ay dhacdo in madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo codadka doorashada, qof kasta oo kusoo xigsada waxa uu heystaa fursad ballaaran, waxaana xalay muuqatay inuusan is badalin dhaqankii ahaa in awoodda la isugu geeyo in la badalo nidaamkii talinayey.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa horey usoo hoggaamiyey baarlamaanka Soomaaliya markii uu ahaa 500 xubnood, wuxuuna sidoo kale soo noqday ku-sime madaxweyne markii uu xilka iska casilay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Samafale Atooraha Badda Liido oo la toogtay isaga oo dad masaakiin ah afurinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xaafada Taleex ee degmada Hodan ku toogtay xiligii salaada maqrib isagoo afur u qeybinayay dad masaakiin ah Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” oo ahaa samafale dadka u gargaara.

Marxuumka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa darajadiisa Isbatoore.

Kooxaha falka dilka ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana xiligii la dilayay uu ku guda jiray qeybinta raashin afur ah oo dad masaakiin ah uu afurinayay.

Dilka Atooraha Badda Liido ayaa ku howlanaa inuu ciida ka farxiyo caruur agoon ah iyo kuwa aan waxba haysan inuu ciidsiiyo, hase ahaatee manaxayaal ay u diideen inuu fargeliyo caruurtaasi.

Atooraha badda Liido ayaa ahaa majaajiliiste, boolis iyo samafale caan ka ah guud ahaan Somalia, wuxuuna soo bandhigi jiray ciyaaraha legdanka iyo sheekooyinka qosolka badan.

FARMAAJO iyo ROOBLE oo ka falceliyey doorashada guddoomiye ku-xigeenada

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka falceliyey doorashada guddoomye ku-xigeenada golaha shacabka Soomaaliya ee maanta dhacday. Hoos ka aqriso qoraallada ay soo saareen.

Qoraalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Qoraalka Rooble

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.

Sacdiyo Yaasiin iyo C/llaahi Abshiroow oo ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Samatar oo heshay 137 cod halka murashaxii la tartamayay Maxamed Cumar Caana-Nuug uu ka helay 107 cod.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Somalia oo ay ku guuleysato haweeney guddoonka baarlamaanka Somalia, iyadoo Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar ay ka guuleysatay murashaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug).

Xildhibaan Caana-nuug ayaa aqbalay natiijada, isagoo sheegay inuu la shaqeynaayo guddoonka cusub ee baarlamaanka mudada afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa iyadana u mahad celisay xildhibaanada ku aaminay codkooda, iyadoo sheegtay in balantii ay qaaday ee khudbadii ay ka hor jeedisay xildhibaanada ay ku shaqeyn doonto, waxayna u mahad celisay dhinacyadii kala duwanaa ee lasoo shaqeeyay.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo codod dhan 146 kaga guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo ku haray 91 cod.

Cawad iyo Abshiroow ayaa si wada jir ah ugu mahad celiyay xildhibaanadii codka siiyay, iyagoo sheegay inay si wada jir ah baarlamaanka ugu wada shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Abshiroow oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga ee xukuumadda R/W Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono isbadalka dhacay.

Sacdiyo Yaasiin ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku aheyd doodaha baarlamaankii 10- inaad ka dhex muuqato iyadoo fikirkeeda ay ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.

Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa isla goobta lagu dhaariyay, iyadoo amaankooda ay la wareegeen ciidamada amaanka.

Musharaxiinta Villa Somalia oo ku haray wareegga 1-aad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaana Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo kamid ahaa Afartii musharax ee ugu codka badna wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golahaas ayaa ka haray tartanka, kadib markii ay tanaasuleen.

Maxamed-weli ayaa waxa wadatay Villa Somalia iyo Khadiija Diiriye oo iyana lagu tiriyo dhankaas ayaa labadaba ka haray tartanka, xili ay safka hore kasoo galeen wareegii koowaad ee doorashada.

Waxaa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iskugu soo haray Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar).

Caana-nuug iyo Sacdiya ayaa waxay labadaba ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka, waxaana sidaas markale ku seegay kooxda Farmaajo ee Villa Somalia inay qeyb ka noqoto guddoonka Golaha Shacabka. Natiijadan ayaa ka dhigan jab kale oo soo gaaray kooxda madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad.

Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabaneysa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Natiijada wareega 1-aad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyey wareegga koowaad ee codeynta xildhibaanada golaha shacabka ee doorashada guddoomiyaha ku-xigeenka 1-aad ee golahaas, oo ka socota teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Doorashada maanta oo dhameystir u aheyd middii guddoonka cusub ee Baarlamaanka oo xalay lagu kala baxay ayaa waxaa isku soo taagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad 10 musharrax, kuwaasi oo kala ah;

Wareega Koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan helay Xildhibaan Maxamed-weli Cabdale Axmed, waxaana codadka loo kala helay sidan:

1. Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod
2. Maxamed Cali Cumar (Caano-nuug): 58 cod
3. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar): 52 cod
4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod
5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod
6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod
7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod
8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.
9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod
10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, mana jiro musharax hadda gaaray tiradaas, taas oo ka dhigay in wareeg kale la aadi doono.

Maxamedweli oo ay wadatay Villa Somalia iyo Khadiija Diiriye oo iyana lagu tiriyo dhankaas ayaa labadaba tanaasulay, waxaana isku soo haray Caana-nuug iyo Sacdiya oo labadaba ka tirsan kooxaha mucaaradka.

Natiijadan ayaa ka dhigan jab kale oo soo gaaray kooxda madaxweyne Farmaajo.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay Sheekh Aadan Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo dhaba cusub u jeexay isbedalka doorashada Soomaaliya, waxaana guddoonka baarlamaanka ee labada Aqal sidaasi looga adkaaday kooxda Villa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad.

Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabaneysa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Khadiija Diiriye: Isbedalkii dhacay waa la filayey (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa Wariyeyaasha kula hadlay hoolka doorashada xerada Afisyoone, waxayna ka mid tahay xildhibaanada u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo maanta doorashadiisa lagu qaban doono halkaasi.

Khadiijo Diiriye oo sanado badan ku jirta baarlamaanka ayaa haatan dooneysa inay noqoto gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo marar hore ay isku soo taagtay, mana helin.

Wareysigaan ayey ku sheegtay inay rajo weyn ka qabto tartanka doorashada ee ay geleyso, waxayna shaacisay inay soo dhoweeyn doonaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rajeynayaa 100% ay ila tahay in natiijadii xalay guddoonka dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ay soo dhoweeyeen, maantana ay soo dhoweyn doonaan natiijada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad,” ayey tiri Marwo Khadiija Diiriye.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wata ayaa shaaca ka qaaday in isbedalkii xalay dhacay uu ahaa mid la filayey, isla-markaana ay iyadu qayb ka tahay isbeddalka, sida ay hadalka u dhigtay.

“Isbedalkii xalay dhacay waa la filayay sidii loo filaayey ayuuna u dhacay. Aniga qaanad kuma jiro markaan isbedalkaan ka mid noqday,” ayey markale sii raacisay.

Marwo Khadiijo Diiriye ayaa 5 sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd kooxda Farmaajo, gaar ahaan xildhibaanada taageersan, balse haatan waxay u muuqataa inay ka baxday garabka Villa Soomaaliya iyada oo la sheego inay leedahay wejiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe.

Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey.

Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana loo ballansan yahay in la doorto ku xigeenada koowaad iyo labaad kadib markii xalay la doortay gudoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadan xil ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo taagay illaa 10 musharrax, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo sharraxeen illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay,” ayuu yiri gudoomiyihii Ku meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano & dheeraad.

Dad muslimiin ah oo lagu laayey dalka ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Illaa 20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi.

Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.

“Dhacdadu waxay dhacday shalay markii Muslimiintu ay u socdeen inay aasaan shakhsi,” ayuu yiri Seid Muhammed, oo ah madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Amxaarada, oo Arbacadii la hadlay Reuters.

Seid waxa uu sheegay in ragga hubaysan ay walxaha qarxa ku tureen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku sugnaa magaalada Gonder, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhibanayaasha kale ayaa ku dhintay iska horimaadyada xigay.

“Waxaa dhacay bililiqo loo geystay dukaamo, waxaana la isku dayay in la gubo saddex masaajid, hal masjid waxaa dalb la qabadsiiyay gogosha kasoo gaaray bur-bur yar” ayuu sii raaciyay.

Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka maamulka gobolka Axmaarada ayaa sheegay in shilkan uu baaris ku socdo uuna dib ka sheegi doono wixii kusoo kordha.

Ilo dhanka bini’aadinimada ah ayaa sheegay in 15 qof oo dhaawac ah loo qaaday cisbitaalka Gonder, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay walxaha qarxa.

Sannadkii 2019-kii, mas’uuliyiintu waxay xireen shan qof oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaalla magaalada Motta ee isla gobolka.

VOA + Reuters

Waa kuma Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay saqdii dhexe teendhada Afisyoone loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe), kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen wareegga labaad uu helay 89 cod.

Hadaba waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Sheekh Aadan Madoobe Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Aaden Madoobe waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.

January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.

Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ka dhigan in muddo xaalka madaxtinnimada Soomaaliya ay ahayd mid hubanti la’aana ay hadda u muuqato in hawshaasi soo dhammaatay oo ay xigi doonta muddaynta doorashadii madaxtinnimada.

HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada 3 kursi

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in 29 bishan April la shaacinayo guddiyada soo xulayo ergada doorashada ee kuraastaasi oo kala ah:- HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135, waana kuraastii u dambeysay ee ku harsaneyd HirShabelle.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono maalinta Sabtida ah oo ku beegan 30 bisha April ee sanadka aynu ku jirno 2022-ka.

Saddexdaan kursi laba ka mid ah deegaan doorashadooda waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halka midka kalena uu yaallo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yaa ku fadhiyey?

HOP#135 waxaa ku fadhisay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhowaan iyada oo musharrax aheyd lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

HOP#141 waxaa ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaas oo haatan wajahaya loolan adag.

HOP#146 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, balse 4 sano ee soo socota waxaa kursigan lagu sharfay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la filayo inuu kusoo baxay kursigaasi.

Doorashada kuraastan oo aad loola daahay ayaa waxaa sabab looga dhigay khilaafaad in muddo ah ka taagnaa sida loo wajahayo hannaanka qabashada ee doorashadaasi.

 

FARMAAJO iyo ROOBLE oo ka falceliyey doorashada Sheekh Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xasan Rooble ayaa qoraallo kasoo saaray guusha xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo caawa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalladooda. 

Qoraalka Rooble

Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray. 

Qoraalka Farmaajo 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee geeddi socodka siyaasadda dalka oo aas-aas u ah xasilloonida iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Xildhibaannada cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta. Sidoo kale waxa uu xusay doorkii Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka.

DHAMMAAD

Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay ayna hareeyeen caqabado.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Guushan ayaa ka dhiggan guul usoo hoyatay mucaaradka iyo isbeddelka doonka diidan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga iyo kooxdiisa ay aad u taageerayeen Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa guushiisa kaalin wanaagsan ka wada qaatay dhammaan Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Doorashada ayaa qaadatay in ka badan 5 saac, waxayna timid kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan.

Ugu dambeyn ayaa waxaa codeynta laga reebay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. 

Guusha Aadan Madoobe ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo kale, ayada oo la filayo inay dhabbaha u xaarto in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq ay toos uga mid noqdaan Golaha Shacabka. 

Askar ka tirsanaa ciidanka BURUNDI oo qarax lagu dilay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan howlgalka ATMIS ex AMISOM, gaar ahaan kuwa Burunti weerar qarax ah lagula eegtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi lagula beegsaday deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la qarxinayey ciidamada Burundi ay ku jireen howlgal roondo ah, isla-markaana ay la kulmeen weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa kadib furay rasaas xoogan, waxaanba daba socday howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Buurane, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qoraal ay baahisay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay qaraxaas ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, sidoo kalena ay  burburiyeen gaari dagaal.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha howlgalka ATMIS ee ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, gaar ahaan beegsiga ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM.

TOOS: Doorashada guddoomiye ku-xigeenada BF oo billaabatay iyo xubnaha ugu cad-cad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya xilka gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo kan 2-aad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa isku soo taagay 10 musharrax oo kala ah: 1. Xil. Cabdikariin Abdow Xayder 2. Xil. Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde 3. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye 4.Xil. Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud 5. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) 6.Xil. Maxamed Nuur Abuukar 7. Xil. Maxamed Cumar Cimow 8. Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego) 9. Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar) 10. Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.

Sida aan xog ku helnay, waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ugu cadcad Caana-nuug iyo Khadiija Maxamed Diiriye, waxaana loo badinayaa dhanka Caana-nuug.

Sidoo kale  ku xigeenka labaad waxaa isku soo sharraxay  illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxayna kala yihiin:- 1. Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir 2. Xil. Axmed Aadan Axmed 3. Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed 4. Xil. Asyuub Ismaaciil Yuusuf 5. Xil. Mahad Cabdalla Cawad 6. Xil. Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo) 7. Xil. Saciid Maxamed Cali

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo dhaba cusub u jeexay isbedalka doorashada Soomaaliya, waxaana guddoonka baarlamaanka ee  labada Aqal sidaasi looga adkaaday kooxda Villa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano & dheeraad.

Halkan hoose ka daawo:-