27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Rejada dib u doorashada Erdogan oo xoogaysatay kadib markii mucaaradka ay…

Ankara (Caasimada Online) – Mucaaradka Turkiga ayaa ku guuldarraystay inay yeeshaan musharrax qura oo doorashada soo socota kula loolama Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan. 

Arrintan ayaa fursad wanaagsan u abuurtay hoggaamiyahan mudada dheer u talinayay Turkiga, oo culays badan uu kasoo food saaray qaabka ay dowladdiisa u maaraysay dhul-gariirkii dadka badan ku laayey dalkaas.

Hogaamiyayaasha lix xisbi siyaasadeed oo isbahaysi samaystay ayaa Khamiistii kulan xasaasi ah isugu tegay, si ay u shaaciyaan musharraxa ka hortagaya Erdogan, balse kulankaas ayaa kusoo idlaaday fashil. 

Kemal Kilicdaroglu, oo madax u ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, ayaa doonaya in loo doorto musharraxa isbahaysiga, arrintaas oo laga diiday isaga oo mucaaradad xooggan kala kulmay xubnaha xisbiga kale ee IYI.

Kulankii Khamiista dhacay ayaa ahaa midkii 12-aad ee ay mucaaradka yeeshaan si ay isula meel dhigaan musharraxa la tartami doona Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mucaaradkiisa kuwo aan dhinac isu raaci karin, islamarkaana aan lagu aamini karin masiirka Turkiga.

Maalin kahor inta aanay mucaaradku yeelan kulankii ugu dambeeyay, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ay dhici doonaan 14-ka May. 

Markaa kadib waxaa meesha ka baxay tuhun ahaa in doorashada ay dib u dhici doonto maadaama Turkiga ay soo wajahday musiibo ka dhalatay dhulgariiradii is xigay ee ay ku dhinteen in ka badan 45 kun oo qof. 

Doorashada May 

Waxaa la saadaalinayaa in doorashada soo socota ay noqon doonto tii ugu adkeyd ee uu wajaho Erdogan oo hogaaminayay Turkiga muddo 20 sano ah. 

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa billowday mashaariic ku kacaya balaayiin dollar oo dib loogu dhisayo magaalooyinkii ku burburay dhul-gariirka. 

Mucaaradka ayaa lagu dhaliilay in aanay soo bandhigin qorshayaal muhiim u ah dalka, si ay u soo jiitaan dadka aan weli go’aansan cidda ay u codeyn doonaan. 

Sidoo kale waxa aanay mucaaradku ka faa’iideysan dhaliilaha loo jeedayay xukuumadda ee ku aaddan qaabka ay uga falcelisay dhul-gariirradii dhacay. 

Horraantii sanadkii tegay, mucaaradka ayaa kasbaday taageero badan, haddase waxaa muuqata in taageeradaas ay u wareegtay dhanka Erdogan iyo xisbigiisa talada haya, sida ay sheegeen dadka ka faallooda siyaasadda Turkiga.

Erdogan oo awoodo ballaaran ku helay doorashadii 2018 ayaa ah siyaasiga ugu caansan Turkiga.

Hase yeeshee waxaa hoos u dhacday shacbiyadda xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarinta oo ay ka weecdeen dadka saboolka ah ee Turkida.

Dalkaas ayaa la taacalaya dhaqaalo xumo baahsan oo ka dhalatay sicir-barar gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo tobanaan sano ah. Waxaa uga sii daray dhul-gariiradii dhacay bishii hore.

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri arrintii ay sameeyeen ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud weli ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hadlay arrin ay shalay oo Jimco ah sameeyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan halkaasi, kadib markii ay qaadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa marka hore boggaadiyay guusha ay ciidamada huwanta kasoo hoyeen howlgalkaasi oo ay kula wareegeen deegaano horleh.

“Waan boggaadinayaa Ayada oo Jimco tahay howlgalladii ay galeen iyo guulihii ay kasoo gaareen iyo dhulkii ay shalay tageen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dadka deegaanka sida ay ugu diyaar garoobeen howlgallada Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas, isaga oo ugu hambalyeeyay,.

“Deegaankan dib u xoreynta si fiican ayey uga socotaa runtii waa deegaan ay dadkiisa isugu tashadeen inay horay u socdaan waan bogaadinayaa, waana hambalyeynayaa” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay kordhineyso dadaalkeeda ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka socda Jubbaland.

“Dowlada federaalka Soomaaliya dadaalka ka socda deegaankan way sii xoojineysaa wayna sii kordhineysaa, haddii uu Alle yiraahdom” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay howlgal ay ku beesadeen Al-Shabaab ka sameeyeen  ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, kaas oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu ku jiray sarkaal sare.

Si kastana, Jubbaland la qorsheynayo in dhowaan uu ka bullowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si Al-Shabaab looga saaro gobollada Jubbooyinka.

Axmed Sahal iyo XUBNO kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay JUBBALAND

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Nabad Sugidda uga sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliye Carab Dheeg Axmed oo kamid ah saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday inay tageen deegaanka Turdho iyo deegaano kale ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Dheeg ayaa xaqiijiyay inay howlgalkan ku dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, isla-markaana uu ku jiro sarkaal sare oo uu magaciisa ku sheegan Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa afgarashadu yahay (Axmed Sahal), kaas oo kamid ahaa saraakiisha Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhanka jiinka wabiga, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan la qorsheynayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Somalia.

Si kastab, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan Kismaayo, waxaana qorshaha uu u tegay kamid ah dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

Daawo: Xasan iyo madaxda Jubaland oo safar ku tegay degaan hoos taga Jamaame

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dowlad-goboleedka Jubaland ayaa shalay booqday deegaanka Malleeyleey oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaankaas Maleyley, waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa deegaankaas loogu sameeyey qado sharaf.

Safarkaas waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Madoobe, labada Madaxweyne ayaa dhagax-dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose.

Wadadaan ayaa dhan masaafo ahaan 120 Kiilo-mitir, waxaana lagu wadaa in deg deg loo hir-geliyo mashruuca dhismaha wadadaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada ree Jubbaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadaneysa fududeynta isku socodka ganacsiga, dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-goboleedka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay salaadii Jimcaha wax uga tukaday masjid ku yaalla Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa dadka reer Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxda Al-shabaab, sidoo kale xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynuhu inuu dadaal kasta ku bixi doono, sidii xal buuxa looga gaari lahaa.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkaana ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin. Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, tabashada ay dadkaasi qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim.”

Hoos ka eeg booqashadii Madaxweynaha ee Malaayley

Guddoonka BF oo qaaday tallaabo muddo kororsi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay guddiyo kasoo talobixin doona soo jeedin ka timid xildhibaanada qaar, sida lagu shaaciyey warqado kasoo kala baxay xafiisyada guddoomiye ku-xigeenada koowaad ee labada gole.

Waajibaadka loo magacaabay guddiyadan waa inay ka soo talobixiyaan muddo kororsi hal sano ah oo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha loo sameynayo, taas oo u baahan in wax laga beddelo qodob kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa soo magacaawday guddi ka kooban 10 Xildhibaan oo warbixin ama mooshin kasoo diyaarinaya in wax ka beddel lagu sameeyo qodobka dastuuriga ah ee muddo xileedka golayaasha dowladda federaalka.

Warqadda ka soo baxday golaha shacabka waxaa lagu caddeeyey in muddo kordhintaan ay soo jeediyeen 97 xildhibaan, isla markaana ay lagama maarmaan noqotay in soo jeedinta xildhibaanadaas guddi loo xil-saaro.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Senator  Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 10 Senator oo warbixin kasoo diyaarin doona soo jeedin ama Mooshin ku saabsan wax ka bedal Dastuurka ku meel gaarka ah.

Warqadda Aqalka Sare waxaa lagu cadeeyey in 15 Senator ay soo jeediyeen in wax laga bedelo mudo xileedka golayaasha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Shacbaan ayaa qoraalkiisa ku sheegay go’aankaan ay qaateen markii ay eegeen xaaladda amni ee dalka ka jirta iyo sida ay muhiim u tahay in aysan joogsan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Magacaabista guddiyadaan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo dhawaan ay in ka badan 100 xildhibaan saxiixeen soo jeedin ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka KMG ah ee dalka, gaar ahaan qodobka khuseeya mudada xil-heynta golayaasha dowladda oo hadda ah afar sano, waxayna soo jeediyeen in laga dhigo shan sano.

Durbadiiba arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka eeg warqadaha lagu magacaabay guddiyada labada gole

#image_title

Daawo: Bajaajleyda, Booliska iyo Maamulka G/Banaadir oo ka heshiiyey 3 caqabadood

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta qaabilay dhalinyaro guddi ah oo wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ay iska soo dhex-xuleen.

Guddigaan oo ka koobnaa ku dhawaad 10 dhalinyaro ah ayaa wakiil ka ahaa Bajaaj-leyda reer Muqdisho, waxaana kulankii ay la yeesheen masuuliyiintaan u xilsaaran amniga Muqdisho looga hadlay seddax qodob oo kala ah:

1-Banaan-bixii ay iclaamiyeen Bajaajleyda Muqdisho.
2-Dilalka ay ciidamada dowladdu u geystaan wadayaasha mooto Bajaaj-ta ee sida joogtada ah Muqdisho uga dhaca.
3-Iyo Bandowga saaran socodka Mooto Bajaaj-ta markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii.

Kulankaan kadib guddiga iyo masuuliyiinta ayaa qabtay shir jaraa’id, waxayna warbaahinta u sheeheen in xal laga gaaray 3-daas qodob ee diiradda lagu saaray shirkii ay isugu yimaadeen maanta oo Jimco ah.

Ugu horeyn dhinacyada ayaa isku raacay in la joojiyo banaanbixii ay iclaamiyeen inuu berri oo Sabti ah Muqdisho ka dhacay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in la joojiyo oo ciidanka lagu khasbo in aysan geysan dilalka darawalada Mooto Bajaajta, isla markaana deg deg maxkamad loo hor geeyo askarigii dil geysta.

Ugu dambeyntiina qodobka 3-aad ee heshiiska looga gaaray kulankii maanta ayaa ahaa Bandowga saaran socodka mooto Bajaaj-ta, markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii, waxaana lagu daray mudo hal saac ah.

Mootooyinka magaalada Muqdisho ka shaqeeya ayaa xarooda habeen kasta 12:00 ee saqda dhexe, balse hadda waxaa loo ogolaaday inay gaari karaan 1:00 habeenimo.

Qaar ka mid ah wadayaasha mooto Bajaaj-ta ayaa la hadlay warbaahinta waxayna xaqiijiyeen in xal hordhac ah laga gaaray tabashooyinkii ah qabeen, sidoo kale guddoomiye Yabooh ayaa isna sheegay inay is fahmeen maamulka gobolka Banaadir iyo Bajaajleyda Muqdisho.

Sidoo kale Guddigii u hadlay Bajaajleyda waxay sheegeen in markii la gaaro bisha Ramadaan laga balan qaaday in loo fasixi doono inay toos u shaqeystaan 24-ka saac, iyadoo inta ka horeysana laga sii shaqeyn doono sidii ay taasi u suurta-geli laheyd.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay sida uu ka yeelayo arrinta Gedo markii uu tago

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadii Jimcaha ee maanta wax uga tukaday Masjidka Madaxtooyada Jubaland ee Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qorshihiisa safarka uu ku joogo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay ka go’antahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Madaxweynaha oo khudbadaan u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkeena ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey inuu tegayo gobolka Gedo, oo dadaal kasta uu ku bixi doono xal u helidda tabashooyinka reer Gedo ay ka tirsanayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo.

“Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dadka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo uu uga sii gudbo, halkaas oo khilaaf maamul uu ka jiro muddo ku dhow 3 sano.

Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha

 

Somalia: Over 200 civilians killed in LasAnod fighting

LASANOD, Somalia (Caasimada Online) – The ongoing conflict in Las Anod, a disputed town in Somaliland, Somalia, between security forces and clan fighters have claimed over 200 lives in a month, according to authorities.

The fighting lasted for 24 days and caused significant damage to infrastructure and homes.

The mayor of Las Anod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes.

The violence erupted after elders in the Sool region pledged support for Somalia’s federal government and urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally.

Las Anod, which straddles a key trade route, is claimed by Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia.

The ongoing dispute over the town’s ownership has resulted in multiple violent conflicts in recent years.

Damage and displacement

The fighting in Las Anod has caused widespread damage to infrastructure, with many homes and businesses destroyed and critical services like electricity and water supply cut off.

Ismail states, “715 homes were destroyed and 16,000 businesses closed.” The violence has also resulted in the displacement of over 200,000 families from their homes.

One resident described Las Anod as “a war zone,” and many have fled the town.

The UN reports that over 185,000 people have been displaced by the violence, with over 60,000 civilians fleeing to Ethiopia’s Somali region.

Humanitarian crisis in Somalia 

The conflict has created a humanitarian crisis, with many people lacking access to necessities like food, water, and healthcare.

Medical charity Doctors Without Borders (MSF) reported that one of the hospitals it supports was hit for the fourth time in three weeks, forcing the organization to suspend activities in the pediatrics ward and blood bank.

Djoen Besselink, the MSF country representative for Somalia and Somaliland, called the situation “desperate” and highlighted the “tremendous human suffering” caused by the violence.

Calls for peace

The fighting in Las Anod has alarmed the international community, with several countries, including Qatar, Turkey, the United Arab Emirates, Britain, and the United States, issuing a joint statement urging an end to the violence.

The statement called on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate the conflict and allow unhindered humanitarian access.

Despite a ceasefire announced by Somaliland authorities on February 10, the conflict has continued, with accusations of attacks on both sides.

The ongoing violence has left Somaliland poor and isolated, as its quest for statehood remains unrecognized.

Daawo: Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo shirkadda Amazon

Minneapolis (Caasimada Online) – Soomaali fara badan oo ka shaqeeya xarun ay leedahay shirkadda weyn ee Amazon oo ku taalla degmada Shakopee ee gobolka Minnesota ayaa kahor yimid go’aan ay shirkaddu ku xireyso xaruntaasi.

Maamulka shirkadda ayaa sheegay in uusan diidaneen shaqada ay u hayaan dadka Soomaalida ah, balse loo wareejinayo xarun kale, taasi oo ay diideen qaar kamid ah howl-wadeennada ka shaqeeya.

Soomaalida ayaa waxay sheegeen in go’aankan uu yahay mid ay shirkaddu uga aargoosanayso shaqaalaha Soomaalida u badan ee Amazon, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan.

Qaar kamid ah shaqaalaha diidan in xarun kale ay u wareejiso shirkadda ayaa dood ka dhigtay laba arrin oo kala ah; in ay yihiin dad ku cusub Mareykanka oo aanay heli karin shaqooyin kale iyo howl-wadeennada qaar oo ka fogaanaya deegaankooda.

Shaqaalahan ayaa waxay dhigeen banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedaan tallaabadan ay qaaday shirkada, iyaga oo sheegay in sababta loo xiray xarunta ay ka shaqeeyaan tahay hab la doonayo in iyaga shaqada looga eryo.

Amazon ayaa dhankeeda ku dooday in xafiiska degmada Shakopee ee gobolka Minnesota la xirayo, go’aankaasina aanay ka dhigneen in shaqada laga saarayo shaqaalaha badan ee xafiiskaas laakiin loo wareejinayo xarun kale.

Soomaalida ka shaqeysa shirkada Amazon ayaa hore u dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayaan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Soomaalida ah, hase yeeshe go’aankan cusub ayaa lagu macneeyay aargoosi ka dhan ah shaqaalaha, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan.

Habka xilal qeybinta dowlada Xasan Sheekh iyo afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga 4.5.

Soomaaliya waxaa lagu joogaa heshiis aan qorneyn oo la yiraahdo 4.5. Marka laga tago awoodaha waaweyn oo kala calaamadeysan waxaa jira buuq aan dhamaan oo la xiriira awoodaha dhexe iyo kuwa hoose.

Madaxweyne kasta oo yimaada Villa Somalia waxa la eega sida uu beelaha ugu cadaalad falo. Durba madaxweyne Xasan Sheekh dhaliil ayaa dhankaas kaga timida.

Beesha Puntland degta miisaankeeda lama hayo, beesha Gedo degtana weli waa gadoodsan tahay, beesha udub dhexaadka u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxay dhawaan ku shireen miisaankooda magaalada Nairobi waxaana sheegeen inay dhaliil ka qabaan saamigooda dowladda federaalka.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ku shiray xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyaguna dhaliilsan saami-qeybsigooda dowladda federaalka.

Madaxtooyada Soomaaliya hadda iskama indho-tiri karto cabashooyinkan muuqda. Ma jiro madaxweyne raadinaya inuu xukunkiisu guuleysto oo iska indho-tiri kara cabashada qabaa’ilka.

Haddaba, Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo marxaladaan?.

1. Inuu dib u habeyn dhanka beelaha ah ku sameeyo magacaabistiisa oo ay cabasho badan ka taagan tahay, si aanay qabaa’il badan uga xarig furan dowladiisa.

Isku dheeli-tirnaan beeleed oo xagga awood qeybsiga ah waa muhiim xilligaan, iyada oo la ogyahay sida aan beelaha looga maarmin marxaladaan lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

2. Shaqsiyaadka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh xilalka umadda ugu dhiibeyso ayaa sidoo kale la isku haysta, kuwaasi oo iyaguna u baahan dib u hubin.
Maadaama dadka la magacaabay ay ku jiraan dad la masuugay inay u qalmaan in bulshada hoggaamiyaan, kuwaasi oo ku suntan dhaqan aan fiicnayn.

Xitaa qaar dadkaas kamid ah wakiiladda beesha caalamka ayaa la sheegaya in illaa hadda liqi la’yihiin inay wada-shaqeyn la yeeshaan.

3. Madaxweynaha waxaa laga raba inuusan iska indho-tirin cawaaqibka ka dhalan kara in beelaha la lumiyo, sababta oo ah haddii qabiilka aad lumiso xildhibaankiisana waa lumisay, taasina siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba wey ku saameyn kartaa.

4. Suurad xumeynta madaxweynaha: Mowduucan haddii aan si dhab ah loo qaadan oo aan laga shaqeyn waxa uu madaxweynaha ku shaanbadeyna inuu yahay nin beeleed, taasina uma fiicna inuu ku sifoobo ama laga aamino.

Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda dalka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay sii xoogeysteen howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee ka bilawday gobollada dalka gaar ahaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay magaalooyin kala duwan.

“Sida aad la socotaan dalka guud ahaan waxaa ka socda howl-gallo ballaaran, markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo Khawaariijtu dadka Soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah, waxaa la rabaa in la dardar-geliyo howl-gallada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku ballameen fulinta howl-gallo xooggan, si la isugu xiro guud ahaan howl-gallada ka socda dowlad-goboleedyada hoostaga dowladda federaalka.

“Saaxiibadiina HirShabelle iyo Galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah, sidaas oo kale ayaa la rabaa in guud ahaan dalka looga cirib-tiro Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada dowladda federaalka iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee deegaannada maamulkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay toddobaadyadii u dambeeyay uu hakad kooban ku yimid dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneysay isu-diyaarinta wejiga labaad ee howl-galka, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howl-galka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan.

Somaliland oo caalamka ku wargelisay qorshe xasaasi ah ‘oo laga damacsan yahay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa waxay sheegtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland, oo loo diray beesha caalamka, ayaa waxa lagu sheegay in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool.

“Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka maalamaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga oo ku qorna luuqada Ingiriiska.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland markii ay xogtan sirdoon ay heshay si dhab ah u qaadatay khatartaas, islamarkaana ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo dadka iyo deegaanada Somaliland.

“Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxa uu doortay in uu cadaawad intaas le’eg ka qaado Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aynaan ka laba labayn doonin ama isu dhiibin gardarro kasta. Nafteena iyo dadkeenaba waanu difaaci doonaa dhamaanteen.”

Somaliland ayaa waxa kale oo ay sheegtay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, iyaga oo u jeediyay beesha caalamka tallaabo ka dhan ah arrintaasi.

“Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay
difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.”

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in waxba iska bedelin go’aankeedii kal hore ee xabad-joojinta iyo in xiisadda ka taagan Laascaanood lagu xaliyo miisak wada-hadalka.

“Somaliland waxa ay weli ku taagan tahay nabad ku wada-noolaashaha iyo wada-shaqeynta dhamaan jaarkayaga, laakiin kama waaban doono inaan difaacno muwaadiniintayada, dhul, iyo madax bannaani marka loo baahdo.”

Villa Somalia oo shaacisay sababta loo hakiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixisay sababta hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Dagaalka oo billowday bartamaha sanadkii tegay ayaa kooxda Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. 

Hase yeeshee, labadii bil ee tegay ayaa inta badan dagaalku istaagay, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in dowladda ay soo geba-gebeysay wejigii koowaad ee howlgallada.

“Waa muddo kooban oo hakad ah, kahor duufaanta,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeda in duulaan kale oo culus uu soo socdo, islamarkaana gaabiska hadda ku yimid howlgallada uu yahay isu diyaarinta wejiga labaad ee howlgalka.

Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howlgalka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalka wejiga labaad ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS. 

“Waxaan isku diyaarinaynaa wejiga labaad. Ayada oo ay nagu soo biirayaan ciidamo dheeraad ah oo aan qeyb ka aheyn ATMIS oo na taageeri doono, waxaan ku jirnaa xilligii qorsheynta, waa taas sababta hakadka keentay,” ayuu yiri.

“Qorshahooda [ciidamada ka imanaya Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti] waa inay Soomaaliya ku yimaadaan sideed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. 

Xuseen Sheekh Cali waa uu diiday inuu shaaciyo tirada ciidamada imanaya, sababo la xiriira “hadafka howlgalka.”  

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah, ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaallada lagu wiiqayo loogana adkaanayo” Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri. 

Daawo: Ciidamada booliska oo soo qabtay ninkii Isgoyska Jubba ku dilay darawalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan.

Eedeysanahaan oo markii uu falka geystay u baxsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku guleysteen in gacanta lagu soo dhigo, waxaana sida ugu dhaqsaha badan la hor-geyn doona hay’adaha kale ee garsoorka dalka, ayada oo la marsiin doono cadaalada, sida uu sheegay taliska Booliska.

Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisoow oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ninkan lasoo qabtay ee dilka geystay uu kamid ahaa ciidamada Macaawisleyda, ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliye Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in eedeysanaha ay markii hore wada socdeen marxuumka uu dilay, oo ay saaxiib ahaayeen, sida uu sheegay.

“Wiilka ku dhintay halkan iyaga oo wada socda oo saaxiib ah ayay ahaayeen oo dhibkaas ayaa dhacay. Wiilkii dhintay Allaha u naxariisto kii wax geystay gacanta ku hayna oo waxaa iska kaashanay ciidamada gobolka Banaadir maadama uu gobolka uu wax ku dilay oo uu isku dayay inuu u baxsado gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa nagala qeyb qaatay howl-galka soo qabashada ehelladii uu ka dhashay wiilka dadka dilay oo marka uu dhibka dhacay waxay go’aan ku gaareen inay soo qabtaan meel kasta uu tago, ayaga ayaa noo fududeeyay.”

Taliska Booliska ayaa ugu dambeyntiina sheegay “in markasta u taagan yahay in uu si buuxdu u guto waajibkiisa shaqo, si dadka shacabka ee uu soo gaaro dhibkaan oo kale ay cadaalad u heleaan.”

Dilkan loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho.

Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka.

Intii uusan dilkaasi dhicin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaan caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Duqa LAASCAANOOD oo caalamka u diray dalab ka dhan ah ciidamada S/L iyo SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa magaalada Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in dhinacyada isku haya ay ka baxaan gudaha magaalada.

Duqa Laascaanood oo beesha caalamka ku wargeliyay tacadiyo uu sheegay in Somaliland ay kula kacday dad aan qeyb ka aheyn dagaalka iyo kuwa gudaha magaalada, ayaa waxa uu dalbaday si ay u dhaqan-gasho xabad joojin labada dhinac ah marka hore ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC laga saaro magaalada Laascaanood.

“Ciidamada Somaliland waa in laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, lana geeyo degmada Caynaba si ay u hirgasho xabad-joojintii labada dhinac isla qaateen. Sidoo kale in shacabka hubeysan (ciidanka SSC) ee magaalada gudaheeda ku dhex jira in laga saaro si loo soo celiyo adeegii bulshada, una soo noqdaan dadkii barakacay,” ayuu yiri.

Duqa magaalada Laascaanood ayaa ku macneeyay in soo jeedintan ay meesha ka saareyso dagaalka socda ku dhawaad bil, ayna fursad u siineyso dadkii ka barakacay magaalada inay dib ugu soo noqdaan.

“Waa in gargaar bini’aadannimo la soo gaarsiiyo dadkii dhibaatadaas saameysay oo ku sugan guud ahaan degmada Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle. Kuwii gobolada kale u barakacay sida Puntland u barakacay in lala qabto wixii lala qaban karo.”

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka, halka qaarkood ay dileen, sida uu sheegay.

“Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.”

“Magaalada waxaa ka socda xasuuq bini’aadannimo, cadowtinimo, ciribtir iyo wax aan hore u maqal, waxaas oo dhan waxaa masuuliyadeeda iska leh ciidamada Somaliland iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ee xukunta. Dhibaatada intaas le’eg inay ka dhacday Laascaanood ayaa waxaa u cadeynayna umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khuseyso.”

Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Maxay tahay danta ay dalalka ku shiraya magaalada Doha ka leeyihiin Soomaaliya?

Doha (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee dawladd Qatar ayay ku sheegtay inay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya. 

Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washington DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo magaalada Dooxa.

Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Haddaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is-waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay dalalkan ka leeyihiin caawinta Soomaaliya. 

Haddii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya dalalkan Soomaaliya:

Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la ahayd dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.  

Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhallinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidannimo. 

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa iyana Soomaaliya muddo ka kaalmeyneysay arrimo uu ammaanku ka mid ayahy. Waxay u tababartay Soomaaliya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladdii Farmaajo kadib khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgalay. 

Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin waddamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya.

Maxay tahay sababta isku dan ka dhigtay dalalkan? 

Dalalka Khaliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblomaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo ka mid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay. 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay dalalkaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay dalalkooda isku soo booqdeen amiirada Qatar iyo Imaaraadka. 

“In Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili karay ma ahayn sanad kahor. Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka],” ayuu yiri Cawad oo BBC-da la hadlayey. 

Arrimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankan ayaa waxaa ka mid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Waxay sheegeen dowladahaan inay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka.

Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad, dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda Maraykanka oo ay tixgalin u hayaan.

Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaaso oo loogala wareegay deegaano badan oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka. 

Waare: Somaliland waxay ku kacday xadgudub ka weyn kii ay ka tirsaneysay kacaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Waare ayaa musiibo ku tilmaamay in duqeyn xooggan lagu garaaco magaalada Laascaanood, iyada oo la heli karo xal aan dagaal iyo madaafiic aheyn oo labada dhinac isku fahmi karaan.

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu Laascaanood ka geystay xad-gudub ka weyn kan ay ka tirsaneysay dowladda millateriga aheyd, kaasi oo ay qiil uga dhigato qadiyadeeda gooni isu-taagga.

“Wixii dhibaato dhacay oo dad la qarxiyay, gaajo loo dilay in maanta dagaal sii socda waa musiibo, bani aadanku ilko iyo carab ayaa isku dhaw way is qaniinaan balse waxaa lagu kala hormaray sidee khilaaf loo xaliyaa,” ayuu yiri.

Xukuumadda Somaliland iyo Muuse Biixi ayuu usoo jeediyay in ay raadiyaan xal aan xabad ahayn, haddii uu ku adkeystana uu ka dhaxlayo dhibaatooyin daba soconaya adduun iyo aakhiro.

“Dadka marka la leeyahay waa indheer-garad waxaa u muuqda waxa soo socda, in colaad xal la moodo waa nasiib darro, haddii caqliga saliimka ah la oddoroso meesha ay wax ku dhammaanayaan waxaa muuqda raad aan wanaagsaneen.”

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay labada dhinac ee isku haya Laascaanood ay miiska wada-hadalka ku xaliyaan xiisadda taagan.

“Waa nasiib darro in colaad xal la moodo innaga oo og wixii lasoo maray,” ayuu yiri Waare.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, ayada oo dagaalka uu socda muddo ku dhaw bil, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howlgelin u baahan

Bismilaah, waxa ay mahad oo idil ay u sugnaatay allaha leh kownkaan inagana dhigay addoomihiisa, allaha ina faray isugu kaalmeynta Samaha iyo alle ka cabsiga inagana reebay isugu kaalmeynta xumaanta, cadaawadda iyo cadawtinimada. 

Mahad Alle dabadeed, waxa aan u mahadcelinayaa cidkasta oo faafisa qormadaan, qaadata, codeysa, dhagangelisa ama si kasta oo wanaag ay ku horseedi karto qayb ka noqota. Waxa aan qormadeydaan diiradda ku saarayaa dhibaato damqisay qof kasta oo leh damiir, dadnimo iyo danqasho. Waxa aan qormadeydaan Ciwaan uga dhigay, Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howgelin u baahan. Si aan faham fiican kaaga siiyo qormadaan, Daqiiqado koban I amaahi dareenkaadda arag, maqal iyo maskaxed, haddii aad qormadaan codeys, qoraal, maqal iyo muuqaal intaba mid uun ay kugu soo gaareyso. 

Ugu horeyn, iii ogolaaw in aan warbixin kooban kaasiiyo, Wadnaha, qaab dhismeedka iyo shaqadiisa si kooban inkasta oo ay surtagal tahay in aanan kuu siin sidii u warbixin kaaga siin lahaa khabiir sanaddo darsayay ama daaweynayay wadnaha, xanuunadda kudhaca iyo habsami usocodkiisa shaqo.

Aan kuu bilaabee, Wadnuhu waa xubin ay leeyihiin inta badan xayawaanaddu hadey ahaan laheyd xamaarato, duurjoog, dabjoog, badkunooleyaal, aadane iyo inta lamidka ahiba, haba kala duwanadaan hababka shaqo, qaab iyo xajmi ee ay la egyihiin wadnayaashooduye. 

Marka aynu inimaadno aadanaha, waxa uu leeyahay wadne ah xubin kamid ah jirkooda gaar ahaanse xubnaha ugu muhiimsan oo saameyn kuleh sii jiritaanka noloshooda. Wadnahaasi waxa uu ka koobanyahay lakabyo, unugyo gaar ah, qolal, albaabo, tubooyin, fiilooyin iyo xuubab ku dahaaran oo aan ula jeedo Vessels, Valves, Chambers, Layers, Nerves, Muscles iwm. 

Wadnuhu, waxa uu inoo qabtaa shaqooyin aysan jirteen cid inoo qabata xataa haddi ay lahaan laheyd mushaar kan ugu badan ee la bixiyo, waana waxa ay tahay in aan uga mahadcelino allaha awooddahaas siiyay xubin yar oo la eg xajmiga gacantaadda gumadeeda hore ood isku laabtay”Fist”. Waxa uu wadnuhu inoo qabtaa shaqooyin kala duwan oo ay kamid yihiin: 

1. Gaarsiinta dhiigga xubnaha kale ee jirka isaga oo ah, Xarunta laga diro ilbiriqsi kasta ku dhawaad 70ml oo dhiig ah ama daqiiqad kasta 5 ilaa 6 liitar oo dhiig ah, taasi oo ka dhigan maalintii dhiiga wadnaheenu uu tuuro ku dhawaad 7,600 oo liitar oo dhiig ah.

2. Waxa kale uu wadnuhu qabtaa dhiiga kasoo noqda xubnaha jirka ee uu hore ugu tuuray isaga oo gaarsiiya sambabada si loogu soo daro hawadda ama neefta Oksijiinta isla markaana dib ugu soo noqota wadnaha, wadnuhuna uu sidii si lamid ah ugu tuuro halbowlayaasha waa weyn ee jirka si ay ugaarsiiyaan xubnaha jirka loogana faa’iideysto Oksijiinta lagu soo daray dhiiga taas oo ah, tamar ay ku shaqo galaan unugyadda jirkeena. 

3. Waxa uu sidoo kale wadnuhu dhiiga uu jirkeena utuuro qayb ka ah, Nafaqooyinka ama manfaca cuntada aynu cuno kasoo baxa taas oo la raacsiiyo qulqulka dhiigga isla markaana wadnuhu ka qayb qaato, gaarsiinta jirka si ay unugyadda jirku uga helaan tammar ay ku shaqo galaan isla markaana sare uqaadda waxsoosaarka shaqooyinkooda kala duwan ee jirka si nolosha iyo muuqeena jireed unoqoto mid sii jirta. 

4. Shaqooyinka wadnaha ee jirkeena waxa qayb ka ah, Joogteyna cadaadiska dhiiga ee jirkeena oo saameyn kuleh howlgaladda shaqo ee xubnaha muhiimka ah ee isla jirka iyo guud ahaan caafimaadkeena. Shaqooyinka wadnaheenu waa mid ka sheekeynteedu ay qaadaneyso waqti dheer, waana mid ay tahay in aan alle uga mahadcelino nicmaddas uu inagu maneystay. 

Wadnuhu, maadaama uu jirkeenu uleeyahay ahmiyad weyn isla markaana uu u yahay xubin ay tahay in aynu dhowro aadna uga welwelno dhibaato kasta oo lasoo darista, ayaa sidaasi si lamid ahina ay Muqdisho u tahay, magaalo ay tahay in aynu ka walwelno dhibkasta oo ay la kulmayaan bulshadeedu gaar ahaanse dhalinyarta oo dhibta ugu badani saameyso. 

Muqdisho, waa magaaladda caasimadda u ah dalkeena, waa magalaadda ay ku noolyihiin tiiradda ugu badan bulsho Somaaliyeed oo kala reero iyo gobalo kala duwan leh. Waa magaalo madaxda waddan ay dhalinyartiisu ka badantahay 75%, waa magaalo Soomaaliyeed oo xarun u ah hayaddo caalami iyo maxali isugu jira, safaaraddo, askar, madax, wasaaraddo, ganacsato, siyaasiyiin, culimo, nabadoono dhaqan, waxgarad, danyar, dulmane iyo cid kasta oo degaan ku ah dantey doontaba ha ujoogtee. Waa magaalo xeebeed ay fadhiyaan xarumihii ganacsiga, shirikadaha iyo hayadaha hormuudka u ah wasoosaarka, bangiyada, isgaarsiinta, caafimaadka, waxbarashadda, tiknoolojiyadda, aqoonta, farsamadda gacanta iwm.

Waa magaalo heysa malaayiin dad ah, oo kala duruufo iyo dano ah, waa magaaladda ay ku noolyihiin dhalinyarta ugu badan waddanka, waa magaaladda kulmisa ganacsade doollarku agtiisa daadsanyahay iyo miskiin aan heysan shilin uu gasiin siisto, gidaaradduna hoy uyihiin. Waa magaalo milkiyadeedu ay gacanta ku hayaan ganacsato aan u diirnaxeyn danta danyarta magaaladda isaga oo mid waliba kusoo daabulo badeeco tayadeedu hooseyso iyo daroogo kasoo gasha Cir, bad iyo dhul intaba taas oo saameysay dadka magaaladda. Waa magaalo qiimaha dhulka, kiradda, cunadda, dawadda, biyaha, korantadda, waxbarashadda iyo waxkastaba ka ganacsigeedu gacanta ugu jiro ganacsato aan dib ugu soo celin faa’iido weyn bulshadda ay ka macaashaan. Waa magaalo ay kusoo qulquleen dhalinyartu si ay waxbarasho, shaqo iyo nolol uga helaan maadaama aysan deegaanada ay ka imaanayaan ka jirin xarumo dabooli kara baahidda ay uga soo hayaameen. 

Muqdisho waa magaalo ay kusoo barakeen danyar, xoolo wixii ay lahaayeen abaaro, dagaalo iyo gabood fallo ay la kulmeen qasabtay in ay kasoo hayaamaan deegaanadooddii, magaaladana usoo aaday si ay nolol u helaan balse aan weli usuurtagelin isla markaana ay ku dayacan yihiin xarumihii ay daggeen. Nabad galyo, nolol, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo intaba kuma heystaan oo waa cidi uma maqna celna uma qodna. Waxa dadkaasi ku dul dhaca isbadalka sanadka ama xiliyada sida qabowga, roobabka, dabeylaha, kuleylka intas oo ay usii dheertahay dhibaatooyin tacadiyo oo lagula kaco sida kufsi, dhac iwm. 

Muqdisho waa magaalo ay dadku ay ku naawilaan sanadba kan ka dambeeya, nolol iyo rajo wanaagsan balse ay u korarto dhibaato, dhacdo midba mida ka dambeysa ay kasii darantahay oo fajac, madax xanuun, murugo iyo uurkutaalo leh. 

Muqdisho, waa magaalo dhibka ugu badan uu ku dhaco dhalinyarta haddii ay ahaan laheyd kuwa kujira shaqo, waxbarasho ama labadaba. Waa magaalo ay ka kaceen burcad, tuugo iyo ciyaal weero nolosha uquuru la’ dhalinyarta waddanka. Waa magaaladda habeen iyo maalin kasta la dilo qof, laba iyo kasii badan, waa magaalo u eg furin dagaal oo ay indhahaadu qabanayaan askar iyo gawaari dagaal oo ay aheyd in lagu ilaaliyo amniga muwaadiniinta balse lagu dhibaateynayo isla muwadiniintii. 

Muqdisho, waa magaalo madaxdeedu ay jeebabka ku guraneyso lacagta dadkeeda isla markaana aysan jirin cid ka xishooneysa ama u damqaneysa dadka ay masuulka uyihiin. Waa magaalo dadkeedu gaar ahaanse dhalinyarteeda gumaad lagu hayo, cid waxka qabatana aysan jirin. Waa magaalo madaxdii masuuliyadeeda qaaday ay iska tamashleynayaan oo aysan xal u heyn dadka ay madaxda uyihiin iyo dhibaatadda heysa. Waa magaalo marka aad dusha ka eegto foolxumeynteeda lagu qaato qandaraasyo, siyaasiyiintuna hormuud iyo raali uga yihiin. 

Muqdisho, waa wadne ay aheyd in wixii soo mara ay u gudbiso magaalooyinka intooda kale balse aysan muuqan cidii kaalintaas qaadan laheyd. Muqdisho waa sida wadne dhiig soo galay balse aan heyn awooddii uu ku gudbin lahaa una gaarsiin lahaa jirka intiisa kale. 

Awooddaasi, waxa ay tahay mid isugu jirta maamul dowladeed iyo mid gaar. Muqdisho, waa magaalo hayadaha ama shirikadaha ugu waa weyn ee maalgelined aysan maalgelintoodu gaarsiisneyn goboladda dalka. Waa magaalo xarumaha waxbarasho aysan adeega ay bixiyaan goboladda dalka ugu geynin dhalinyarta iyo bulshadaba. Waa magaalo hooggaankii dowladdu ku fashilmay in la nabadeeyo magaaloyinka iyo degmooyinka kale ee dalka, si adeegyadda shaqo, waxbrasho, caafimaad iyo waxqabad intaba dhalinyarta iyo bulshaduba deegaanadooda ugu helaan culeyskuna uga yaraado magaaladda. 

Muqdisho waa magaalo, loo soo hayaamay si nolol looga helo marki ay soo dhaafi waayeen waxyabahaha aasaaska nolosha u ah, dadkii gobaladda wadankuna badi magaalada usoo hayaameen. 

Muqdisho, waa magaalo ay dayaceen madaxda waddunku si weyna loo hagraday. Waa magaalo ay ka xoogsadaan nololna u ah malaayiinka kunool balse ugu biiray culeys amni iyo mid dhaqaale oo ay la kici la’yihiin, madaxduna dadka ku eeganeyso. 

Muqdisho, waa magaalo dhalinyartu go’aansadeen in ay iska iimaansadaan oo aysan naftooda ku halaagin badaha iyo saxarayasha, reerahooduna aysan gelinin welwel iyo murug maskaxiyeed saameysa noloshooda. Waxa ay go’aansadeen in ay xoogsadaan oo xoogoodda maalaan hadey ahaan laheyd farsamo gacmeed, dhismo ka shaqeyn, kaxeynta gaadiidka kala duwan sida bajaajta, tagaasida, mootoyinka deliveryga, xamuulka, xamaali iyo xoogsi kasta oo ay irsaaqad xalaal ah kula soo baxayaan noloshaadda iyo tan eheladoodana ka maareeyaan. Waxa dhalinyarta sidaasi ku shaqeysaneysa go’aana u gaartay halis ku ah askarta dowladda oo maalin kasta lasoo warinayo dhib ay u geysteen, hadde ogsoonow ilaha ay dowladdu ka hesho dhaqaalaha in ay tahay dhalinyartaasi iyo ganacsiyadda oo laga qaado canshuur bile ah. Bulshada canshuur ayaa laga qaadaa adeeg u qalmana ma helaan, nabadgalyo warked daa, waxase intaas udheer in dowladdii askarteeda ay ka nabadgali la’yihiin. Askarta oo idil dambigu mawada lahan, waase in kamid ah dowladduna indhaheedu ma arkaan shaqsiyaadkaas halista ku ah bulshadda. 

Muqdisho, baahida bulshadda haddi la tirayo oo ay waxkaqabashadeedu dowladdu leedahay aysana dhinaceeda u dhaqaaqin waxa laga qori karaa buugaag aan tiro laheyn. 

Maxaa la gudbood bulshadda gaar ahaanse dhalinyaradda oo dhibta ugu badani ku dhacdo? 

Dhalinyarta Muqdisho, waa kuwa ugu badan bulshadda ee dhibka ugu badani ku dhaco ha noqdaan bajaajley, xoogsato kale, arday iwm intaba. Waxa la gudboon dhalinyartu in ay ka dhiidhiiyaan dhibaatadda ku dhaceysa oo aan waxba layska weydiineynin si joogto ahna usoo noqnoqata. Waa in dhalinyartu sameysaa Shaqo joojin maalmo cayiman hadey ahaan laheyd kuwa kaxeeya gaadiidka xamuulka, bajaajta, tagaasiyadda, gawaaridda dadweynaha iwm. Waa in dhalinyarta waxbarshadda la siiyo maalmo fasax oo xurumaha waxbarshadda ah sida dugsiyadda iyo jaamacaddaha si dareenkooda ay usoo bandhigaan. 

Dhibka gaara dhalinyarta, waa mid ay dareento bulshadda inteeda kale, gaar ahaanse eheladda iyo waalidinta dhalinta maalin kasta la dhibaateeyo. Doodad ah muqdisho xalkeedu waxa uu ku jiraa bulshadda oo baraarugta waa been ay tahay in la beeniyo, lana tilmaamo in bulshadu tahay dhalinyarta. Dhibka gaara dhalinyartuna uu yahay mid xanuujinaya eheladda iyo waalidiintooda. Dhalinta waxa lagu leynayaa waa rasaas iyo daroogo, si taas xal loogu helana waa in dowladda lagu canaanto gaabiskeeda shaqo iyo dayaca kaalinteeda ee ilaalinta badqabka muwaadiniinta ay u dhaartay ilaalinta karaamadda, cirdiga iyo sharaftooda. 

Xooga dhalinyaradda oo lamideeyo ayaa xal loogu heli karaa dhibaatooyinka heysta dhalinyaradda, cidkasta oo sameysa abaabul iyo baraarujin dareenka dhalinyarta ee katashiga aayaha nabadgalyo iyo nololeed ee mustaqbalkooda waa mid ay tahay in lagu bogaadiyo, lana dhiirigeliyo. 

Mqormo iyo qoraalo laguma soo koobi karo, dhibaatada bulshadda waxase ay tahay in shaqsi kasta kaalintiisa uu qaato si wacyiga dhalinyarta loo soo jeediyo isla markaana xal dhab ah loogu helo dhibaatadda ku dhaceysa, midba mida kasii dambeysana ka xanuun badantahay. Allaha nabad iyo hoggaan wanaagsan dalka iyo dadka hasiiyo. Midnimadda iyo wadajirka dhalinyarta allaha haleeshiiyo, hormarka iyo iskaashiga eebbe ha ina waafajiyo dhalinyaro. 

Fariintaan, waad qaadan kartaa waad faafin kartaa, waadna codeyn kartaa, waxna waad ku dari kartaa adiga oo macnaheeda adkeynaya isla markaaana aan nuxurkeeda hoos udhigeynin. Wabilaahi Towfiiq. 

W/Q: Abdihakim Sheikh Abdullaahi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Aag cusub oo canshuuraha ka caagan oo laga daah furay Berbera + Sawirro

0

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caagan oo laga bineeyey duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Munaasibadda xadhig ka jarka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay shir-guddoonka golaha baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha DP World, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada dalka, maareeyaha dekedaha Somaliland, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay madaxa shirkadda IFFCO Mr. Cabdul Jabbar iyo Liz LLoyd oo ah madaxa shirkadda caalamiga ah ee Inigiriiska u qaabilsan maalgashiga (BII) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey xarunta ganacsiga xorta ah ee laga hirgeliyey duleedka Berbera, waxay sheegeen inuu mashruucani yahay fursad cusub oo Somaliland usoo jiidi karta maalgashadayaasha caalamiga ah.

Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin suuqan xorta ah ee loo hirgelilyey duleedka Berbera, iyaga oo caddeeyey inay si rasmi ah u isticmaali doonaan suuqan xorta ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu leeyahay suuqan xorta ahi iyo sida uu kor ugu qaadayo maalgashiga dalka.

Guddoomiyaha shirkadda DP-world, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa isaguna dhankiisa guul weyn ku tilmaamay dhamaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo qaranka iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland.

“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha suuqan xorta ah iyo mashaariicdii hore ee shirkadda DP World ka hirgelisay Berbera inay magaalada Berbera ka dhigayaan mid awood u leh inay waraabiso dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla.

“Mashaariicda laga hirgeliyey Berbera waxay ka dhigayaan dekedda mid awood u leh inay u adeegto gobolka iyo dalalka aan dekedaha lahayn ee ku yaalla qaaraddeena, waana tallaabo taariikhi ah oo dawladdu u qaadday dhinaca hirgelinta qorshihii horumarinta Qaranka ee (NDP 1,2, &3,).”

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada qaranka oo uu ku tilmaamay kuwo sabab u ah horumar kasta oo ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

“Waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa, nabaddaas, horumarkaas iyo quruxdaasi waxay ku timi dhiigga geesiyaasha qaranka ee maalin walba naftooda u huraya si aynu horumar u gaadhno oo inaga mudan mahadnaq iyo xusuus gaar ah.”

Mashruucan suuqa xorta ah ee madaxweyne Muuse Biixi uu xadhigga ka jaray ayaa kamid ah mashaariic tiro badan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Somaliland oo ay shirkadda DP World ka hirgelisay oo ay kamid yihiin casriyeynta dekedda Berbera, garoonka diyaaradaha ee Berbera iyo jidka Berbera-Wajaale (Berbera Corridor).

Sawirro: Aadan Madoobe iyo Hanafy El Gebaly oo kulan muhiima ku yeeshay Qaahira

0

Qaahira (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo weli ku sugan magaalada Qaahira ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda.

Kulankan oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla gartay in la dhiso guddi saaxiibtinimo labada baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar, iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada federaalka Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa Arbacadii gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.