27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Midowga Yurub oo Somalia u ansixiyay malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).

Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda.

Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii horey loogu cayimay ATMIS sanadkaan 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu tala-galay ciidanka xoogga dalka.

Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa dhawaan u ballan-qaaday dowladda federaalka Soomaaliya in kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi.

Tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Somalia: Parliament proposes controversial term extension

Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Parliament of Somalia is currently embroiled in a highly contentious proposal to extend the terms of both parliament and the country’s president.

The proposal has sparked intense debate among concerned Somalis, who fear such a move could undermine the country’s fragile democratic institutions.

The proposal to amend the constitution comes after nearly 100 MPs in the Lower House, and 15 senators in the Upper House submitted the proposal to their councils last month.

The primary objective of the proposal is to extend the period of office of members of parliament and the president by one year.

Committees to consider constitutional amendment

The proposal involves the creation of two special committees, each comprising ten members, with the task of preparing a report proposing an amendment to the constitution to facilitate the extension of the terms of office.

The reports will then be submitted to the parliamentary committee for inclusion on the parliament’s agenda.

The Lower House and the Upper House of the Somali Parliament have announced the appointment of these two special committees.

The proposed amendment of the constitution would extend the term of office of members of parliament and the president from four years to five.

Appointments raising concerns in Somalia

The appointments of these special committees have generated worries among some Somalis, who fear that the proposals may undermine the country’s fragile democratic institutions.

Despite garnering some support, some groups oppose extending the terms of parliament and the president. Among them is the Himilo Qaran Party, led by the former president of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed.

In a statement, Sharif expressed his strong opposition to the move, emphasizing the importance of respecting the provisions of the constitution that give the federal government and member states of the federal government the power to lead.

Similarly, MP Abdirahman Abdishakur Warsame, the special envoy for drought relief of the President of Somalia, has accused the parliamentary committee of working term extension.

He has argued that the parliamentary committee should instead focus on how to move away from the indirect election system that has been in place for some time.

Minister of Justice and Constitutional Affairs move

The Minister of Justice and Constitutional Affairs, Hassan Mo’llim Mohamud, has appointed an independent committee of five members to review the country’s constitution and work on its implementation.

The cabinet has approved the committee of the federal government of Somalia. The next step is for the committee to go before the federal parliament to complete the constitutional process of appointing its members.

The committee’s mandate will be to review the country’s constitution and identify areas that need to be amended or updated.

Its work will also extend to implementing the constitution, particularly concerning elections and other key democratic processes.

The committee comprises five nominated members, including Mohammed Hassan Idriss, Ahmed Mohamud Jama, Mohamed Abdall Salah, Farhia Mumin Ali, and Burhan Adan Omar, as well as five other members from the regional governments that are members of the federal government of Somalia.

Daawo: Khasaare xoogleh oo ka dhashay dabkii ka kacay isgoyska BANAADIR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay suuq casri ah oo la yiraahdo Karaama Mall oo ku yaalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay haamo yiilay qol kamid ah Mall-ka, wuxuuna kusii fiiday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu dhaliyay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in ugu yaraan afar goobood ay gubteen, isla-markaana ay ku jirtay carwadii uu ku lahaa halkaasi.

“Wixii dhici lahaa way dhaceen qadar alle waayey aniga iyo qolo kale oo daris ila aheyd sidoo kale u baxeen ugu yaraan afar ganacsi ayaa gubatay,” ayuu yiri ganacsaduhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga koon kama dhex qaadin waa isku dhammaatay carwo ayey aheyd,”.

Ganacsade kale oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sharraxay inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray suuqa uu dabka ka kacay oo ay ku yaalleen carwooyin iyo farmashiyaal.

“Wax khasaare Nafeed ah ma jiro, laakiin waxaa jiro khasaare hantiyeed meesha waxa ay aheyd goobo ganacsi meel farmashi iyo carwooyin.” ayuu yiri ganacsade kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Sawirro: DF Soomaaliya oo hal arrin ka codsatay Britain

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saran.

Wasiirka Difaaca Qaranka Soomaaliya ayaa intii uu kulankaasi socday wuxuu carrabka ku adkeeyey in arrinta cunaqabateynta ay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhismaha ku socda ciidan qaranka Soomaaliya, si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha taageerada muhiimka ah dhanka ciidamada ka siisa Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta dib u dhiska ciidankii burburay ee qaranka.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah, taas oo dowladda Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title

Somalia recalls ambassador to Qatar in a diplomatic shift

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has recalled its ambassador to Qatar, Abdirisaq Farah Ali Taano, for undisclosed consultation matters, according to the letter obtained by Caasimada Online

In the letter dated March 2, 2023, The Ministry of Foreign Affairs of Somalia informed the Qatari embassy that Run Said Korshel would take over as the Chargé d’affaires ad interim to the Somali Embassy Doha.

“The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia presents its compliments to the Embassy of the State of Qatar in Somalia and has the honor to inform the latter that H.E. Abdirizaq Farah Ali, Somali Ambassador to the State of Qatar has been recalled home for a consultation and Ms. Run Said Korshel has been appointed as the Chargé d’affaires ad interim to the Somali Embassy in Doha,” the letter said.

“In that connection, the Ministry would appreciate if the esteemed Ministry of Foreign Affairs of the State of Qatar could assist the Chargé d’affaires a.i to carry out her entrusted duties at the Somali Embassy.” 

The decision to recall Ambassador Abdirisaq is seen as a passive sacking due to his close ties with former Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and former intelligence chief Fahad Yassin Haji Dahir.

It also coincided with President Hassan Sheikh Mohamud’s visit to the country on Saturday to participate in a conference on Somalia and hold meetings with Qatari leaders.

Removing Farmajo’s loyalists

Caasimada Online understands that the president intends to replace all ambassadors close to Farmajo with his loyalists to balance his political power in the region.

Among the ambassadors set to be replaced are those in other Arab countries, including the United Arab Emirates, Saudi Arabia, and Egypt.

The ambassador to Egypt, Ilyas Sheikh Omar, appointed in February 2021 to replace Abdiqani Mohamed Wa’ay, who died of COVID-19 in 2020, is expected to be removed due to his closeness to Fahad Yassin.

The ambassador of Saudi Arabia, Salim Haji Macow, appointed by President Farmajo, will also be replaced. Hassan Sheikh visited Riyadh late last year for talks with Saudi officials.

The ambassador to the United Arab Emirates will also be replaced.

Importance of ambassadors to Gulf countries 

Gulf ambassadors are crucial to Somalia due to their economic support and the federal government’s efforts to seek international investment.

This development comes at a time when Somalia is grappling with a range of security and political challenges, including the threat of al-Shabab militant group.

President Hassan Sheikh Mohamud, who took office in 2022, has been working to consolidate his power and strengthen the federal government’s authority. 

Nevertheless, His administration has faced criticism over allegations of corruption and mismanagement. There have been calls for greater transparency and accountability.

The recall of Ambassador Abdirisaq may be part of President Hassan Sheikh’s efforts to reshape Somalia’s diplomatic corps and assert greater control over the country’s foreign policy.

However, it remains to be seen how this move will impact Somalia’s relations with Qatar and other Gulf countries.

Mareykanka oo Ukraine ka dejinaya hub militari oo culus

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasi oo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS ee uu Mareykanku ugu deeqay Ukraine iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, gawaarida gaashaaman, hubka wax bur-buriga iyo qalabka dayactirka.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine.

Blinken ayaa intaas ku daray in madaxweyne Binden aanu oggolaasho uga baahneyn Congress-ka si uu ugu wareejiyo qalabka iyo adeegyada kaydka Mareykanka ee ay Ukraine u baahan tahay inta lagu jiro xaaladda degdeg ah.

Marka lagu daro xirmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine siiyay in ka badan $32 bilyan oo gargaar militari.

Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaarsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah 20-kii Febraayo ee sanadkan ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xilligaasi wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden.

Somalia: FAO urges action to prevent catastrophic famine

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is facing a potentially catastrophic food crisis due to a prolonged drought, increased conflict, and rising food prices, according to The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO).

The Integrated Food Security Phase (IPC) Acute Food Insecurity analysis warns that the situation is dire, and the most vulnerable areas in the country are experiencing elevated mortality levels.  

Up to 727,000 people are expected to face catastrophic food insecurity by June 2023, leading to starvation and death.

Rural farming, pastoralist, and displaced communities, predominantly from rural areas, are at the greatest risk of famine.  

Their survival depends on the health and productivity of their animals, which have been severely affected by the drought.  

The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) urges the international community to take swift action to address the immediate needs of rural communities to prevent famine. 

Addressing immediate needs in Somalia

The FAO emphasizes that immediate action is necessary to avert famine. However, it warns that this is insufficient, and increased investment in resilience and livelihood support is crucial. 

FAO Representative in Somalia, Etienne Peterschmitt, notes that “real action needs to be taken not only to help communities meet their immediate needs but also so they can adapt their livelihoods and build resilience in the face of climate crises and economic shocks, preparing them for whatever the future may bring.” 

To prevent famine, sustained levels of at-scale support will be required well into mid- to late-2023.

Somalia rural communities most affected 

The prolonged drought conditions have left pastoral, agro-pastoral, and farming communities unable to cope.  

Rural agriculture, pastoralist communities, and displaced communities, overwhelmingly from rural areas, are among those most at risk of famine.  

The FAO emphasizes that saving livestock is crucial since they are the only source of food and income for many rural communities.  

The FAO will continue providing range cubes and animal vaccines, restoring water holes, and cash assistance to help people meet their basic needs. 

Underfunded livelihoods support

Rural livelihoods assistance saves lives, helping people remain in their homes when it is safe for them to do so and paving the way for future recovery.  

However, a lack of large-scale funding for livelihood support, climate‑resilient food production, and development priorities pose significant challenges. 

This leaves livelihoods and the productive sectors they depend on weak and vulnerable to climate and economic shocks. 

The FAO has been assisting rural communities through cash and agricultural inputs, such as seeds, animal feed, and fertilizers.  

From May to December 2022, the FAO reached over 700,000 individuals across 35 districts, treated 11 million animals to support their survival, and trucked 27 million liters of water to remote areas.  

Over $24 million in cash and livelihood assistance has been provided to rural communities most exposed to famine. The FAO plans to reach over a million more people in the coming months. 

Additional funding is urgently needed 

Although FAO’s appeal is expected to be 70% funded within the year, additional funds are needed to provide life-saving support through cash transfers in hard-to-reach and inaccessible rural areas. 

The FAO emphasizes that sustained funding is necessary to support livelihoods, including agricultural inputs, cash transfers, and access to water and veterinary care, to help communities withstand the effects of future shocks.

The situation in Somalia is dire, and the international community must act swiftly to avert a humanitarian catastrophe.  

The FAO has called on donors to provide urgent and sustained funding to support Somalia’s most vulnerable populations. Peterschmitt notes, “if we want to make a lasting difference, we need to help build resilience among rural communities in Somalia.”  

Without timely and sustained action, the risk of famine and acute malnutrition will continue to threaten the lives of millions of people.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa safar ku gaaray dalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka degay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Doxa ayaa ah mid aan horay loo sii shaacin.

Madaxweynaha ayaa dalka Qatar uga qeyb-galaya shir ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey oo u gaar ah dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, ayaa waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan.

Shirkaan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay baahan tahay garab, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dunida kala dhexeeya iyo in garab ay ku hesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uusan ka dhoofin dalka wuxuu socdaal ku joogay deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo madaxda maamulkaas uu kulamo kula yeeshay, isagoo booqday deegaano fog-fog oo ka tirsan gobolkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu waday inuu u safro gobolka Gedo oo jaha-wareer maamul uu ka jiro, isagoo Jimcihii balan qaaday inuu Gedo tegayo oo dadka gobolkaas ku nool uu soo dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan.

Gobolka Gedo ayaa Jubbaland ka go’an ku dhawaad 3-dii sano ee lasoom dhaafay , waxaana hadda rajo badan laga qabaa in meesha laga saaro madmadowga ka dhex jira siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa caawa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisu ay aad u xooganeyd oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

In kastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin bartilmaameedka qaraxaas, hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu ka dhacay gudaha xarunta waaxda Halgan ee degmada Deyniile.

Waaxda Halgan ayaa ku taalla xaafadda caanka ah ee Raadeerka, lama oga cidda wax ku noqotay ama la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxa nooca uu ahaa qaraxaas ama waxa loo adeegsaday, maadaama uu aad u xooganaa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah.

Inta badan qaraxyadu kama dhacaan degmada Deyniile, markii laga reebo dilal ka dhaca meelaha qaar, hadana waxay ka mid tahay degmooyinka ugu xasiloon caasimadda Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata dilal iyo qaraxyo u badan miinooyin, sidoo kale hey’adaha ammaanka ayaa caasimadda joogto uga sameeya howlgallo ka dhan ah kooxda.

Hadda Al-Shabaab gudaha Muqdisho wax ku dila waxaa loo bixiyey magaca ‘Garanwaa’ waxaana caasimadda ka socda howlgallo lagu baadi goobo ‘Garanwaaga.’

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xakamey la’ dilalka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka fuliso kooxda Al-Shabaab, hadana waxay ku faanaan inay yareeyeen, iyagoo muujiya in dhawaan laga bixi doono amni darada.

Erdogan ‘remains unfazed’ by opposition alliance’s split

Ankara (Caasimada Online) – Turkey’s President Tayyip Erdogan declared that his ruling AK Party and its nationalist partner would stick to their plans for the upcoming national election, despite the opposition bloc’s split over who should run against him. 

Erdogan said, “Whatever they do, we continue to work on our plan, on our roadmap,” adding that the split was expected.  

The opposition alliance’s division, which occurred on Friday, is considered a major setback for opposition efforts to oust Erdogan, who has held power for 20 years. 

Erdogan: 20 years in power 

Turkey is a parliamentary democracy with a president as its head of state. Erdogan has been the country’s leader since 2014, serving as prime minister and president. He has led his party to a majority in parliamentary elections.  

His leadership has been marked by controversy, including allegations of authoritarianism and corruption.  

Erdogan’s popularity has decreased in recent years due to rising living costs. 

He has been criticized for his government’s handling of natural disasters, such as the recent earthquakes that killed over 45,000 people. 

Opposition alliance’s split 

The opposition alliance comprises five political parties and has been plagued by internal disagreements for months. The coalition includes

  • The center-left Republican People’s Party (CHP).
  • The center-right Good Party (IYI).
  • The Islamist Felicity Party (SP).
  • The Democrat Party (DP).
  • The conservative Democrat Party of the Centre (DCP).

The alliance was formed in 2018 to challenge Erdogan’s parliament dominance and unseat him in the upcoming presidential election.

Meral Aksener, the leader of the IYI Party, announced on Friday that her party was leaving the opposition alliance due to disagreements over who should run against Erdogan. 

Aksener accused the other parties of pressuring her party and disregarding the people’s will. 

She proposed Mansur Yavas and Ekrem Imamoglu, the CHP mayors of Ankara and Istanbul, respectively, as candidates.

In contrast, five parties in the alliance suggested Kemal Kilicdaroglu, the CHP leader, as their candidate. The CHP has the largest voter base in the alliance, followed by the IYI Party.

Kilicdaroglu stated there was no room for political games in the alliance and suggested that other parties could join the bloc. 

Erdem Aydin, the founder of the London-based RDM Advisory, remarked that the best hope for the opposition is to keep Erdogan below 50% in the first round of voting and display unity in the second round.

Turkey’s pro-Kurdish People’s Democratic Party (HDP), a significant participant in the effort to defeat Erdogan, urged the opposition to unite around democratic values such as justice and freedom. 

Erdogan’s waning popularity 

Erdogan’s declining popularity has been exacerbated by a rising cost of living crisis and his government’s handling of natural disasters.

Despite previous attempts by the opposition to unseat him, Erdogan has remained in power. 

The opposition has grown more cohesive since winning major cities, including Istanbul and Ankara, from the AK Party in 2019’s local elections.

Sawirro: Booliska magaalada Muqdisho oo soo bandhigay rag maanta lagu soo qabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga fuliyo howlgallo lagula dagaalamayay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dadka ka ganacsada, sida uu shaaciyey booliska Soomaaliya.

Howlagalladaas ayaa laga fuliyay degmooyinka qeybaha Waliyow-Cadde iyo Galbeed ee Gobolka Banaadir, waxaana gacanta lagu soo dhigay dad lagu raad-joogay oo ka ganacsada maan-dooriyaha.

Afhayeenka booliska Soomaaya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dadkaan lagu soo qabtay howlgallada la hor-geyn doono maxkamadaha dalka.

“Howlgalladaan oo xalay la qaaday ayaa socday ilaa maanta, waxaana barbar socda holwgallo gaar ah oo lagula dagaalamayo Khawaarijta iyo kooxaha ciyaal-weerada oo khatar ku ah amniga caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan oo qoraal soo saaray.

Dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayaa ku badan magaalada Muqdisho, waxaana dadkaas maalmahaan soo wajahday cabsi xoog leh, kadib markii ay beegsi ku bilowday kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Muqdisho ku dishay dhowr qof oo ay ku eedeeyeen inay ka ganacsanayeen ama isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya, waxaana meelaha qaar isaga cararay kooxihii ka ganacsa jiray ama isticmaali jiray daraagiska.

Dowladda Soomaaliya oo horay u baacsa jirtay kooxdaan ayaa hadda u muuqata inay sii laba jibaartay howlgalkaan, kadib markii lagu dhaleeceeyey in Al-Shabaab ay qabanayaan howl looga baahnaa dowladda.

Muqdisho waxaa la xiray inta badan goobihii lagu iibi jiray waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii ay kooxahaan Al-Shabaab ka dileen dhowr qof, sidoo kale meelaha qaar waxaa laga nastay kooxihii ciyaal-weerada oo khatar badan ku haayey bulshada.

Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa hadda si adag u baacsanaya ciyaal-weerada iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada maan-dooriyaha, taas oo aad u farax-gelineysa dadka reer Muqdisho.

Puntland oo ka jawaabtay qorshihii ay Somaliland ku wargelisay caalamka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale ku celisay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo waxba kama jiraan ku sheegtay eedeymaha uga imaanaya Somaliland.

Somaliland ayaa shalay beesha caalamka la wadaagtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland, islamarkaana ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntlland marwalba ay qadarinayso in Soomaalida dhexdeeda iyo gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada-hadalka.

“Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.”

Puntland ayaa waxay sheegtay in dagaalka socda mudada ku dhow hal bil uu udhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka.

“Cid kasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.”

Sii socoshada dagaalka Laascaanood ayaa waxa uu maamulka sheegay in waxaa kaliya oo ka dhalan kara yihiin masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

“Colaadda gobolka Sool ee keentay dhimashada, dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.”

Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargelisay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, kadib markii ay sheegeen in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda.

“Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay
difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.”

Si kastaba, Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer beeniyay sheegashooyin kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ay kula xiriirineyso dagaalka ka socda Laascaanood iyo inay qorshe ay uga faa’iideysaneyso xiisadda taagan.

Sawirro: XASAN oo tegay xerada ciidanka Danab ee Jubaland iyo arrin uu kala hadlay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa xerada kusoo dhaweeyay ururka 5-aad ee ciidamada gaarka ah u tababaran ee Danab.

Madaxweynaha iyo madaxdii la socotay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada Danab ee Jubbaland, taasi oo ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada iyo howl-galada ay ka wadaan maamulkaasi.

Xasan Sheekh ayaa dhankiisa u mahad-celiyay ciidamada Danab, isaga oo bogaadiyay howl-gallada ay ka wadaan dowlad-goboleedka Jubbaland, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Daraawiishta.

“Waxa aan bogaadinayaa ciidamada qalabka sida haddii ay yihiin federaalka, Daraawiishta Jubbaland, ilaalada Madaxtooyada, Danab iyo dhammaan ciidamada kale,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa soo gaba-gabeeyay booqashadiisa dowlad-goboleedka Jubbaland, isaga oo ku amaanay dadka deegaanka sida ay ugu diyaar garoobeen howlgallada Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas, islamarkaana ugu hambalyeeyay.

“Maanta waxaa inoo soo gaba-gabowday booqashadii gaabneed aan ku nimad dowlad-goboleedka Jubbaland, dadka reer Jubbaland iyo masuuliyiintoodaba waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay noo soo dhaweeyeen, intaas kaddib caasimadda KMG ah ee Jubbaland waxa aan kusoo aragnay wax aad iyo aad loogu farxo,” ayuu yiri.

“Deegaankaan dib u xorreyntiisa si fiican ayay u socotaa, waa deegaan dadkiisa ay si fiican isugu tashadeen waan bogaadinayaa, sida ay wax u wadaan haddii ay kusii wadaan ilaahey idinkiis mardhow Khawaariijtu way ka dhammaan doontaa.”

Dowlad-gobleedka Jubbaland ayaa waxaa ka billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay howl-gal ka sameeyeen deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, kaasi oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, uuna ku jiray sarkaal sare.

Wararkii ugu dambeeyay DAGAALKA Laascaanood – Maxaa dhacay maanta?

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay shalay iyo maanta.

Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iyagu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa furan dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah.

Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb ka ah in uu qaboobo dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan.

Ciidamada Somaliland ayaa lasoo warinaya in maalmahan ka shaqaynayeen dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood.

Dhinaca kale, Ciidamo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC kana tirsan Puntland, balse la sheegay inay u abaabulan yihiin hab beeleed ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay xalay kasoo baxeen magaalada Qardho, si ay uga qeyb noqdaan xoraynta gobolka Sool.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada gurmadka ay saacadaha soo socda tegi doonaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somaliland.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ku dhaw bil ayaa waxaa isa-soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

DF oo dib ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.  

Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. 

Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub.

Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa imaneysa ayada oo maanta uu dalka Qatar tegayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi uga qeyb-galay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena la filayo inuu la kulmo madax Qatar.

Safiir Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha.

Caasimada Online ayaa 4-tii Febraayo qortay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu beddelo safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safiirada aan shaacinay in la beddeli doono ayaa waxaa ugu weynaa safiirka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, oo sida dhacday hadda loo yeeray.

Xasan Sheekh ayaa isbeddelkan u adeegsan doono mid uu qof aad ugu dhow uga dhigo safiirka Soomaaliya ee Qatar, taasi oo uu ku miisaamaayo awooddiisa siyaasadeed ee gobolka.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in madaxweynaha uu dhowaan beddeli doono safiirada Soomaaliya ee dalalka kale ee Carabta, sida Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

Safiirka Soomaaliya ee Masar, Ilyaas Sheekh Omar, waxaa la magacaabay bishii Febraayo 2021, si uu u beddelo Cabdiqani Maxamed Wa’ay, oo 2020 u dhintay cudurka COVID-19. Ilyaas, oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin, ayaa waxaa salfan doona u dhowaanshihiisa madaxii hore ee sirdoonka, waxaana la filayaa in meesha laga saaro.

Xilalka kale ee la filayo in isbeddelka lagu sameeyo waxaa ku jiri kara safiirka Sacuudiga, ayada oo xilka laga qaadi doono Saalim Xaaji Macow, oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa horraantii bishii tagtay u safray Riyadh.

Waxaa sidoo kale la beddeli doonaa safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Safiirada Khaliijka ayaa muhiim u ah Soomaaliya sababo la xiriira taageerada dhaqaale ee dalalkaas ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladda federaalka ku raadineyso maal-gashi caalami ah.

 

Madaxweyne XASAN oo ‘si lama filaan ah’ uga hadlay tabashada beelaha ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay tabashooyinka ay beeluhu ka qabaan dowladda federaalka, taasi oo toddobaadyadii dambe si weyn isku soo tareysay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka beeluhu qabsanayaan aysan xal u ahayn tabashada ay ka qabaan dowladda, balse ay fursad siinayaan kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda.

“Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor istaagaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor keenayaan qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waa in ka feejignaanaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beelaha ee kor loo sheegayo ay kooxda Al-Shabaab u sahlayso ujeedkooda ah in dowladda laga mashquuliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda, sida uu sheegay.

“Dad badan oo dadkeena oo Shabaab aheyn oo aan aaminsaneyn fikirkooda ayaa haddana u adeegaya, wixii Shabaab uu rabay dowladda inay daciifto oo buuq ku furmo,ka mashquusho Shabaabka oo ku jeesato yaa na haysta iyo kan naga fujiya waa waxay rabaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu qiray madaxweynaha in tabasho ka imaan karto dowladda, laakiin taas aan cudur daar looga dhigan karin in Shabaab fursad la siiyo oo dhexdeena la isku mashquulo, halkii xoogga la wada saari lahaa howl-galada dagaal ee ka socda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay salaadii Jimcaha wax uga tukaday masjid ku yaalla Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa dadka reer Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynuhu inuu dadaal kasta ku bixi doono, sidii xal buuxa looga gaari lahaa.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkaana ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin.”

“Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, tabashada ay dadkaasi qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim.”

Gabdhaha ku jira golaha shacabka oo gorada isla galay iyo jahwareer taagan + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahwareer xoogan iyo buuq ayaa weli ka taagan Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka Baarlamaanka.

Dood xoogan iyo murano u dhexeeyo xildhibaanada dhexdooda ayaa ka taagan Golaha, waxaana hor-boodaya gabdhaha ku jira Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Inta badan haweenka ayaa gorada iskula jira, waxayna isku hayaan sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen xildhibaanada ragga ah, una hei lahaayeen xuquuqaadka ka maqan.

Xildhibaan Seynab Caamir oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay arrintaan, waxaana ay shaaca ka qaaday in gabdhuhu ay wareer ku hayaan Baarlamaanka.

“Annaga waxaa nahay Xildhibaano Soomaaliyeed war annaga haweenkaan waa na wareeriyeen war raggii isma heystaan annaga maxaa u kala sarreynaa”,” ayey tiri.

Waxaa kale oo ay sii raaciyay “Haddii wax la tirsanayo annaga guuddoon baan leenahay guddoomiyaa joogto oo haweenka metaleyso oo kusoo gashay magaca haweenka”.

Sidoo kale waxay baaq u dirtay haweenka Baarlamaanka ku jira, ayada oo ka codsatay inay ‘foodada’ ka joojiyaan golaha dhexdiisa, isla-markaan ay ilaaliyaan xeer hoosaadka u yaal.

“Gabdhow qaska aad watiin joojiya gabdha cusub oo hadda Baarlamaanka soo galay ayaa tihiin annaga nama hoggaamin kartaan xiinkiina haka dheereynina. Anaa reerka u weyn anaana u yar cid iga daba hadli karto malahan” ayey markale hadalkeeda sii raacisay.

Maalmo kahor ayey aheyd markii gabdhaha Baarlamaanka ay dood ka keeneen in baaris lagu sameeyo boorsooyinkooda, marka ay galiyaan xarunta Villa Hargeysa, taas oo buuq iyo fowdo ka dhex dhalisay mid kamid ah kulamadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha.

Falcelin ka dhalatay ‘muddo kororsiga loo sameynayo’ hay’adaha DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka falceliyay muddo kordhinta la damacsan yahay in loo sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka, kadib markii guddoonka labada Aqal uu u guddi u xilsaaray arrintaas.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya uu qaabilsan arrimaha bani’aadanimada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdirxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid tallabadan gaar ahaan in muddo kororsi loo sameeyo labada Aqal, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in guddoonka Baarlaamanka laga filayay inay soo bandhigaan ajandayaan ku aadan sidii dalka looga bixiin lahaa doorashada dadban.

“Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Ma ahayn in ay xilligaan muddo kororsi ka fekeraan, iyagoo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray”.

Dhankiisa Xildhibaan Ambasador Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka digay muddo kororsigan, wuxuuna ku taliyay  in laga fogaado, isaga oo tilmaamay inay arrin sharci darro ah.

Fiqi ayaa sidoo kale ku baaqay in laga daayo shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo qaddiyadan si adag uga hadlay Xildhibaan Dayax Axmed Cumar, kaas oo wax lala yaabo ku tilmaamay tallaabada guddoonka labada Aqal ay ku doonayaan in muddo kordhin horleh loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano.

Si kastaba Durbadiiba arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka bilowday xeelad cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka billowday dagaalka ay kula jirto ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada, waxay ku lifaaqeen xeelad cusub oo ku ogaanayaan bulshada iyo dadka ka ganacsada daroogada.

Caasimada Online oo la hadashay dhowr ganacsade oo looga shakiyay inay iibiyaan taabuuga iyo daroogada ayaa sheegay in goobahooda ganacsi ay marar kala duwan yimaadeen hal ilaa labo dhallinyaro iska dhigay inay dadka daroogada isticmaalaan.

Waxay sheegeen in dhallinyaradaas ay weydiiyeen in laga iibiyo taabuu, balse ay u sheegeen inaysan iibin. Hase yeeshee waxaa markii danbe goobahaasi ganacsi ee dhallinyarada ay tageen lasoo xiriirtay Al-Shabaab, una sheegtay in la hubiyay inaysan iibin daroogada.

Ganacstada ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay ka codsadeen inay soo gudbiyaan goobaha lagu tuhmayo in lagu iibiyo taabuuga.

Dhinaca kale, labadii habeen ee u danbeeyey ayaa degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa waxa ay dhalinyaro ku caweyneysay goobaha shaaha laga iibiyo, xaqiijiyeen inay arkeen maleeshiyo hubeysan oo wajiyada u qarsanaa, kuwaasoo dha;linyarada ka baarayay daroogada iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Dhallinyaro dhacdadaas habeen hore ku qabsatay Xaafada Xaliimo Heyti ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay yimaadeen labo maaqayad oo shaaha laga cabo.

Dhalinyaradii ku sugneyd maqaayadahaas ayaa dhamaantood jeebabkooda laga baaray taabuuga iyo waxyaabaha maanka qofka dooriyo, kadibna maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa si nabdoon goobta uga tagay markii ay daroogo ka waayeen dhallinta ay baareen, ayaga oo aan ka qaadan wixii kale ee ay haysteen. 

“Ilaa sagaal nin oo hubeysan ayaa hal mar  ka war helnay iyagoo dhinacyada naga taagan, waxay inoo sheegeen inaan is dejino, wax dhib ahna uusan jirin, kaliyana ujeedkoodu yahay inay naga baaraan daroogo iyo tubaakada taabuuga, markii ay na baareen oo dhallinyaradii ka waayeen wax daroogo ah, waxay inoo sheegeen in qofkii lagu helo ay nafta dhaafsiin doonaan, noomana sheegin cidda ay yihiin iyo halka ay ka tirsan yihiin, laakiin waxaan ogaanay inay ahaayeen Al-Shabaab markaan aragnay muuqaalkooda,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ahaa dhallinyaradaas.

Al-Shabaab ayaa toddobaadkaan shaacisay in Muqdisho kula dagaalameyso kooxaha daroogada ka ganacsada iyo ciyaal weerada, iyadoona ka dhabeysay, waxayna fuliyeen dhowr howlgal oo ah qaraxyo ay ku burburiyeen xarumo lagu iibin jiray daroogada, sidoo kale waxay toogteen dhow dhallinyaro oo ku lug lahaa ganacsiga daroogada.

Howlgallada Al-Shabaab ee Muqdisho ka billowday ayaa sababay inay durba yaraadaan ciyaal weerada iyo in si tuuganimo oo qarsoodi ah dadka u kala iibsadaan daroogada iyadoo dhinacyada la iska fiirinaayo.

Tallaabooyinka Al-Shabaab ayaa ceeb weyn ku ah dowladda federaalka oo muddo wax ka qaban waysay ciyaal weerada iyo ka ganacsiga daroogada.

Daawo: CIRRO oo Muuse Biixi ku taageeray dagaalka magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo taageero u muujiyay xukuumadda Muuse Biixi.

Cirro ayaa madaxweyne Biixi ku taageeray in xukuumaddu ay ka hortegto duulaan uu sheegay in Somaliland ay ku soo qaaday Puntland, isaga oo si adag u cambaareeyay.

“Xisbiga Wadani waxa uu si adag u cambaareynayaa duulaanka fara-gelinta ah ee maamul goboleedka Soomaaliya Puntland kusoo qaaday gudaha Somaliland,” ayuu yiri Mr. Cirro.

Wuxuu intaas raaciyay “Xisbiga Wadani waxa uu boggaadinayaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay iska difaaceen duulaankaas gar-darrada ah,”.

Musharraxa xisbiga Wadani oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aan la aqbali karin dagaalka iyo barakaca weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

“Dagaalka, barakaca iyo dhiiga sokeeye ee ku dadaanaya magaalada Laascaanood, ma’aha wax la aqbali karo, waana xaalad murugo, tiiraano iyo uur ku taallo leh,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in waxa ka socda Laascaanood uu yahay dagaal sokeeye oo la dhex-dhigay Ummad mid ah, si loo kala dhan-taallo.

Ugu dambeyn Cirro ayaa shaaciyay in Laascaanood ay ula mid tahay magaalooyinka kale ee Somaliland, isla-markaana ay ka damqanayaan dhibaatada ka taagan magaaladaasi.

“Waxaan u arkaa dagaal sokeeye oo aan aheyn laba dhinac oo la dhex dhigay Ummad mid ah oo aan meel kala tageyn. Laascaanood waxay naloo mid tahay Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo,” ayuu markale yiri musharraxa xisbiga Wadani.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay xukuumadda Somaliland u shaacisay in dagaalka ka socda Laascaanood ay iska kaashanayaan ciidamada Puntland, argagixiso iyo kuwa nabad diid ah, walow ay eedeyntaasi iska fogeeyeen waxgaradka deegaanka ee SSC.