25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Barkhad Batuun oo jawaab ka bixiyey tallaabadii Rooble

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo lacag malaayiin dollar ah u fasaxay xukuumadda Hargeysa, kadib dabkii xooganaa ee dhowaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Ugu horreyn Barkhad Batuun ayaa ku bogaadiyey madaxweyne Muuse Biixi inuu guddoomo lacagtaasi, si loogu gurmado shacabka ay dhibaatada soo gaartay.

“Madaxweyne waad ku mahadsan tahay go’aanka aad qaadatay inaad hantidaas Ummaddan Somaliland u keentay inaad gobanimadaas sameysay inaad siyaasaddii iyo xifaaltankii Soomaaliya naga dhexeeyey meel iska dhigtay,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Sidoo kale wuxuu si ballaaran ugu mahadceliyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu lacagtaasi gaarsiiyey Somaliland.

Xildhibaan Barkhad ayaa shaaca ka qaaday in Rooble uu sameeyey wanaag, isla-markaana ay tahay in loogu mahad-naqo, iyada oo halkeedii ay tahay siyaasaddii la’isku hayey.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro, una mahadceliyo dowladda Soomaaliya ra’iisul wasaaraheeda maalintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliyana naga qaldan yahayna ninka la hadlayey aniga ayuu ahaa maalintii uu wanaag innoo sameeyana waxaan leenahay waad mahadsan tahay ra’iisul wasaare,” ayuu markale ku yiri hadalkiisa xildhibaan Barkhad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay   xiriir toos ah la sameeyeen Muuse Biixi , iyaga oo la wadaagay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dhacdadii suuqa Waaheen, waxaana kadib ra’iisul wasaaraha u diray lacag horey looga xayiray Somaliland oo lagu daray 1 milyan oo ay iska uruuriyeen ganacsatada dalka.

Muuse Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray BAYDHABO + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Muuse Geelle ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan FEIT iyo wasiiro ka mid ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay qayb uga noqon lahaayeen kulamada xal raadinta ah ee ka socda Baydhabo, si looga gun gaaro tabashada ay qabto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha FEIT ayaa ku biiraya dadaallada ka socda halkaasi oo uu hormuudka ka yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Koonfur Galbeed ayaa qaadacday shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Sidoo kale dowlad goboleeda Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey.

Si kastaba, beri oo ku beegan 14-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada Gole oo ay ku adkeysanayaa Rooble iyo guddiga FEIT.

Xog: Maxaa sababay in R/W ROOBLE looga adkaado dooddii kuraasta K/Galbeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afarta kursi ee guddiga doorashada heer federaal uu xayiraadda geliyey ayaa la filayaa in la fasaxo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Waxaa maalmahan socday cadaadis ballaaran oo ay beeshu caalamka ku haysay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, la-taliyeyaashiisa iyo Guddiga Doorashooyinka ee FEIT oo ku aadanaa in si degdeg ah iyo shuruud la’aan loo sii daayo kuraasta la xayiray.

Kuraastan oo uu kamid yahay kursiga ugu hadal-haynta badan ee HOP#086 ee uu kusoo guuleystay Fahad Yaasin Xaaji Daahir, kaasi oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la tuhunsan yahay in hakintooda ay siyaasad ka dambeyso, si gaar ahna kursiga Fahad.  

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in beesha caalamka ay luuqad adag kula hadlaysay dhinacyada Soomaalida, islamarkaana cadaadiska uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku kordhay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka.

Shir muddo sacaado ah ka socday Hotel Decale oo dhexmaray xubno aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, sida wasiirka waxbarashada Injineer Cabdullaahi Carab, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo loo xilsaaray inay kasoo talabixiyaan go’aanka laga gaarayo kuraastan iyo sida looga kug bixi karo cadaadiska Reer Galbeedka.

Cadaadiskan caalamiga ah kadib, Xafiiska Ra’iisul Wasaraaha ayaa go’aansaday in xubno ka tirsan FEIT loo diro maanta magaalada Baydhabo kadibna ay sii daayaan kuraasta xayiran, ayada oo loo muujinayo in xal ka baxsan beesha caalamka la gaaray.

Xubnaha ka tirsan safaaradaha UK, Mareykanka, Midowga iyo Xafiiska QM ee hawshan garwadeenka ah ayaa aaminsan inuu dhaqaaqay tareenka doorashada, xafladda dhaarintana ay waqtigeeda ku dhacayso, ayada oo la filayo in kuraasta la fasaxo galabta illaa caawa ama saacadaha hore ee berri. 

Sawirro: Farmaajo oo xariga ka jaray dhismooyin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajoayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qaybgalay Xuska Sanad Guurada 62aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo shalay oo kale 14-ka April la qabto.

“Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay qoraal caawa lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaankiisa Dhismaha ku bogaadiyay fulinta dhismeyaashan tayada leh, oo ah kuwa ay si isxilqaan ah u dhiseen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu ku booriyay in ay dardargeliyaan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka.”

XOG: Qarashka u baxay munaasabaddii 12-ka April xilli dalka ay macluul ka jirto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadii xuska sanad guuradii 62-aad ee aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd shalay 12-ka April ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku muujiyay awooda ciidan iyo sheyga kaliya ee uu ku guuleystay inay tahay dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo madaxdii ka horeysay ay billaabeen tayeynta iyo dib u dhiska xoogga dalka.

Sida aan xog ku helnay Farmaajo ayaa dabaal dega munaasabadda 12-ka Apriil ku qarash gareeyay lacag dhan saddax milyan dollar xili gobollada dalka qaarkood ay ka jirto macluul baahsan oo dad iyo duunyo saameysay.

Warbixintii ugu danbeysay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in lix milyan muwaadiniin Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo ay ku jiraan 330 caruur qarka u saaran macluul.

Farmaajo ayaa khudbadii uu jeediyay ka turjumaysay ololahiisa murashaxnimo, isagoona isu muujiyay inuu yahay waddani inta kale ee ka fikir duwana aheyn muwaadaniin dalka laxjeclo ka heyn.

Wuxuu kaloo uu khudbadiisa ku sheegay in uu ku guuleystay dhismaha ciidan tayo leh oo dalka difaaci kara, inkastoo uu carabkiisa ka ilaaliyay in madaxweyneyaashii hore ay yihiin kuwii soo bilaabay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed, waxaana la og yahay in madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay kii dowladda Turkiga heshiiska dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed la saxiixday iyo in xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom inuu bixiyay dhulkaasi.

Shantii sano ee u danbeysan ee uu xafiiska fadhiyay Farmaajo waxba kama qaban la dagaalanka argagixisada inay sii kordhiyeen weerarada iyo dilalka mooyee, taas badalkeedna wuxuu ciidamadii qaranka u adeegsaday inuu ku weeraro madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiinta ka fikirka duwan iyo inuu ku burburiyo maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubaland oo xalay qarax lagu weeraray + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay, iyada oo lagu weeraray hoy uu halkaas ka dagan yahay madaxa howlaha Dekedda Kismaayo.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo middi ay tahay Haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ay dhashay, halka uu ku dhaawacmay wiil 14 kale jir ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro qoyska reerka, sida uu shaaciyey  Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane).

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in qaraxa, kadib ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah, isla-markaana ay kusoo qabteen dad koe u dhaafaya 20 ruux.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Wasaaradda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay Talaadadii sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay yimaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka, iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield.

Warka ku saabsan bixitaanka Satterfield ee la filayo, oo ay markii ugu horreysay soo warisay majaladda Foreign Policy, ayaa kusoo beegantay xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Isbeddelka joogtada ah ee Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa ayaa sidoo kale keenaya su’aalo ku saabsan ka go’naanta maamulka Biden ee arrimaha gobolka, gaar ahaan marka ay la tacaaleyso qalalaasaha siyaasadeed ee meelo kale ee dibadda ah, oo ay ugu horreeyaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Satterfield, ah diblomaasi muddo tobannaan sano ah kusoo jiray shaqada diblomaasiyadda ayaa beddelay Jeffrey Feltman, oo ahaa diblamaasi kale oo Maraykan ah oo ruug-caddaa, kas oo shaqada ka tagay dhammaadkii sannadkii hore kadib qiyaastii sagaal bilood oo uu ahaa Egayga Mareykanka ee Geeska Africa.

Voa + Reuters.

Guddiga doorashada FEIT oo wafdi u diraya Baydhaba maanta – Maxaa isbeddalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in subaxa Arbacda maanta ah uu guddi u diri doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo maamulka Koonfur Galbeed. 

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaadacay shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri oo Khamiis ah ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey. 

Waxaa dhowaanahan socday wada-hadallo ay xildhibaano billaabeen oo uu markii dambana kusoo biiray hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse wax natiijo la taaban karo ah kama soo bixin, inkasta oo Qoor Qoor uu weli ku sugan yahay magaalada Baydhaba.

Xubnaha uu guddiga u dirayo Baydhaba ayaa imaneysa ayada Xubnaha Beesha Caalamka ay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraasta la xayiray lagu fasaxo, iyagoo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Ma cadda xubnaha guddiga u dirayo Baydhaba ay horseedi doonto in dib loo dhigo dhaarinta xildhibaanada inta ay xal kasoo helayaan iyo in jadwalka dhaarinta ee 14-ka April lagu socon doono.

Daawo: CC Shakuur oo dalab u diray madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay munaasabadii maanta iyo khudbadii uu ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilay in dhowr qodob oo muhiim ah oo Madaxweynuhu uu iska indha tiray maanta.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa dalab la xariira doorashada Gedo u diray Madaxweyne Farmaajo, wuxuun xusay dhowr qodob oo maanta la gudbooneed in Farmaajo uu khudbadiisa ku soo daro, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha dalka ka jira, doorashooyinka dalka ka socda, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada kuraasta Garbahaarey.

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo marka hore u hambaliyeeyey ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano guracan, wuxuu kula taliyey inay xirfadahooda kor u qaadaan, isagoo dhaliilay hanaankii saraakiisha loo dalacsiinaayey waayihii dambe.

Wuxuu sheegay in maanta uu Farmaajo khudbadiisii ku soo koobay faan iyo qab aan jirin, isagoo ku ehbiyey inuu ka hor wareego doorashada kuraasta gobolka Gedo, si dadkiisu aysan u weyn metelaad ay doorashada uga qeyb galaan.

“Farmaajo hadii uu ilaahey yaqaano waa bil Ramadaan, hadii uu qabyaalad ka fogyahay, ha iska daayo muranka doorashada Gedo, dadkiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo doorashada inay ka qeyb galaan ha ogolaado. Guddiyada doorashada iyo maamulka Jubbaland Garbahaarey ha tagaane ka wareeg,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Walaalow hadaa Soomaali qabyaalad ka waanineysid adigu iska bilaaw oo ogolaaw doorashada Gedo, si aysan uga harin doorashooyinka baarlamaanka, Farmaajo adigey taasi kaa falantaa ee u tanaasul umadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale siyaasigaan ayaa Farmaajo ku dhiliilay in maanta uusan soo hadal qaadin abaarta baahsan ee dalka ka jirta, xilli Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dilaacdo macaluul daran.

Dhanka ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in maanta oo ciidankii qaranka uu ka hor hadlaayey uusan Farmaajo soo hadalqaadin, xilli Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan gudaha Muqdisho, sidoo kale ay gumaadayaan masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Sawirka Yaasiin Farey iyo Ra’iisul Wasaare ROOBLE ee hadal-haynta badan abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa tan iyo xalay aad looga hadal hayay baraha bulshada sawiirada taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa xalay booqday oo shacab kula kulmay hotelka Jazeera ee Muqdisho, waxaana wehliyey xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil uu ka mid yahay Yaasiin Farey oo ah taliyaha NISA.

Sawirkan ayaa hadal haynta badan u abuuray laba arrin dartood, oo mid ay tahay kiiska Ikraan Tahliil, halka midka labaadna uu yahay digniintii NISA ee aheyd in Al-Shabaab ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. 

Middka koowaad: Khilaaf ka dhashay kiiska Ikraan Tahaliil ayaa la aaminsanyahay in labada mas’uul uu ka dhxeeyay kaas oo cirka isku shareeray.

Ikraan Tahaliil oo ahayd gabadh ka tirsan Hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda ee Soomaaliya (NISA) ayaa la sheegay inay dileen NISA.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilligaas soo saaray warqad uu shaqada uga joojiyay madaxii hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa si kumeelgaar ah xilkii uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo xilligaas ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Midda labaad: NISA ayaa dhowaan ka digtay in Al-Shabaab ay beegsaneyso madaxda qaranka, sida Farmaajo iyo Rooble, balse mucaaradka ayaa u fasiray inay tahay in NISA ay beegsaneyso Rooble.

Rooble ayaa la sheegay in markii xalay lagu arkay la weydiiyey “miyaadan ka cabsaneyn Maxamed Maahir?” oo ah ninka ay NISA sheegtay inuu mas’uul ka yahay howlgalka lagu beegsanayo. Rooble ayaa markaas intuu qoslay ku yiri “Maahir iyo ninkii sheegayba waa wadaa.”

Daawo: Hooyada IKRAAN Tahliil oo arrin cusub dalbatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maama Qaali Maxamuud Guhaad ayaa markii u horeysay ka hadashay dacwada uu Fahad Yaasiin u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka, xili aysan waxba ka qaban kiiskii gabadheeda Ikraan oo Fahad uu kamid ahaa eedeysanayaasha liiska u horeeya ku jira.

Qaali ayaa ka dalbatay guddoomiyaha maxkamadda sarre in uu wax ka qabto kiiska Ikraan Tahliil, oo kal hore ay NISA kusoo gunaanaday inay dileen Al-Shabaab kadib markii ay u gacan gashay, inkasta oo sheegashadaasi ay beenisay kooxdu.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in cadaaladdii ay halkaas marayso, maanta in Fahad Yaasiin oo aan gabadhaydii ku tabaayo inuu maxkamadda tagay uu dacwad furay, wax adduunyo darteed kursi. Aniga waxaa iga maqan qof nool, gabar dhan ayaa iga maqan oo nolol iyo geeri aan heyn oo gacantiisa ku dambaysay, maalin waliba waa la iska kay daba wareejinaa, wax cadaaladda oo iiga soo naaso cad uma jeedo” ayey tiri Maama Qaali.

Sidoo kale waxay ayaan-darro ku tilmaamtay in maxkamadii sare ay maanta kursi la raadineyso Fahad, oo asagu ku eedeysan maqnaashaha gabadheeda Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

“Ninka Maxkamadda ugu wayn waa uu maqlayaa, nin weyn oo sharaf iyo qiimo leh ayaa tahay, Ilaahaga ka cabso, maxakamaddii gabadhii yareed oo 24 jirka aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda wax usoo baratay oo madaxdii dalka ay dhibaataysay wax ayaad ka qabawayseen.”

“Maanta kursi ayaa la raadina, miyaan muwaadin aheyn, waa wax laga xishoodo ee Ilaahey ka cabso (guddoomiye) taydii wax ka qabo.”

Hadalka Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa imanaya kadib markii uu Fahad Yaasiin dacwad ka dhan ah guddiga FEIT u gudbiyey maxkamadda sare, kadib markii guddiga uu ka reebay liiska xildhibaanada dooran ee qaadanaya shahaadada, kuwaasi oo qorshuhu yahay in la dhaariyo maalinta Khamiista ee 14/04/2022.

Lix arrin ‘oo laga fahmay’ khudbaddii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi horeyna uga mid ahaa xildhibaanada Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday ayaa soo bandhigay 6 qodob oo uu ka fahmay khudbadda madaxweyne Farmaajo ee ka jeediyey munaasabadda 12-ka April.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalk uu Fiqi ka qoray khudbadda Farmaajo

Khudabadda Oday Farmaajo uu ka jeediyey munaasabadda xuska 12 April, oo ahayd middii ugu dheereyd ee uu jeediyo; waxaan ka fahmay dhowr arrimood:

Tan koowaad: odaygu kalimadda ugu badan ee uu sheegey waxay ahayd “QABIIL” uu Umadda uga digayay. Farmaajo wuxuu iska indhatiray waaqaca Soomaaliya ee qabiilka wax walba ay ku salaysan yihiin sida in Xildhibaanada lagu soo doorto qabiil, xilalka kalena lagu magacaabo qabiil.

Tan labaad: wuxuu inkiray dawladihii asaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii, asagoo ka soo qaaday xilli qabiil shaqaynayay oo kaliya.

Tan saddexaad: oo la yaabka lahayd waxay ahayd inuusan khudbadiisa hal marna ku xusin  “kooxda Shabaab” oo uu bedelkeeda adeegsanayay “Alqaacida” asagoo ku dhiiran waayay sida uu hadalada kale ugu dhiirtay!

Tan Afraad: wuxuu ka hadlay dhismaha, qalabaynta iyo xuquuqda ciidanka laakin ma xusin hal tuulo oo ay xoreeyeen, waxaana cabsi laga qabo Shabaab darteed loo xiray maantay magaalada Muqdisho oo dhan!

Tan Shanaad: wuxuu ka hadlay wadaniyadda iyo xasilooni-darro siyaasadeed asagoo ku celceliyey, waxaana la og yahay mudadii uu joogay xukunka in qabyaaladii ay dib u soo noolaatay, kala aamin bax weyn ay dhacday, xasiloonidarrada siyasadeed ee uu abuurayna in madaxtooyadii Aag la isugu jiro oo asaga iyo xukuumadiisii aysan wax wada shaqayn ah lahayn

Tan Lixaad: maba soo qaadin wax doorasho la yiraahdo, Dhaarinta xildhibaanada iyo gobolka Gedo oo siyaasadda gurracan ee Farmaajo ay sababtay in illaa iyo hadda muranka kuraasta taalla uu socdo.

Ugu dambayn duqu wuxuu u muuqday Nin Ummad iyo caalam kale la hadlaya oo ka boodsan waaqaca runta ah ee Soomaaliya. waxaana rajaynayaa khudabadani in ay noqoto mid sagootis ah sida kalimooyinkiisa qaar ka muuqatay!

W/Q: Axmed Macalin Fiqi.

Xukuumadda Rooble oo go’aan cusub kasoo saartay Terminal-ka MOVECON

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay warqad ay dib ugu fasaxayso oo lagu furayo Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Amarka dib u furista terminalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yimid kadib markii laga sal gaaray inta badan sababihii loo xiray markii hore.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan hay’adaha sare ku xusan in dib loo furay Terminal-ka MOVECON si buuxda laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2022,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga oo uu ku saxiixna Wasiir Cabdullaahi Nuur.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dib u furista terminalkaas ay soo dadajisay kadib markii ay xukuumaddu tix-gelisay adeega muhiimka ah ee lagu fuliyo marinkaas.

Dhawaan unbey aheyd markii ay Wasaaradda ku wargelisay ayna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MOVECON ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Amarka markii hore si kumeel gaar ah loogu xiray terminal-ka ayaa yimid kadib markii Ururka Midowga Afrika uu ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Xukuumadda ayaa sidan oo kale dhowr jeer xirtay haddana dib u fasaxday terminal-ka gaarka ah MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Xog: Qoor Qoor oo fashiliyey xal laga gaari rabay kuraasta la isku heysto ee K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli la awoodi la’yahay in lagu qanciyo inay qaataan shahaadada xildhibaanimada si loogu gudbo wajiga dhaarta ee xildhibaanka ka dhigeysa si rasmi ah.

Maamulka wuxuu ka cabanayaa xayiraad uu guddiga doorashada ee FEIT ku sameeyey 3 ka mid ah kuraastii uu maamulkaas soo gudbiyey natiijadooda.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa  dhawaan ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey.

Waxaa socday wada-hadallo ay xildhibaano billaabeen oo uu markii dambana kusoo biiray hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kooxda uu Qoor Qoor hoggaaminayey ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay ku sheegeen xal doon iyo in Koonfur Galbeed lagu qanciyo inay xildhibaanada soo fasaxdo, laakiin wada-hadaladii waa dhicisoobeen oo sida muuqata dhaarta lagama soo gaarsiin karo xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Maxaa adkeeyey wada-hadallada

Sida la xaqiijiyey Qoor Qoor iyo kooxdii la socotay wax ogolaansho ah kama heysan dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyadoo dhinaca Rooble ay wax badan ku xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha dhawaan mar uu la hadlay xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka wuxuu u sheegay inuusan isaga dirsan kooxda Baydhaba aaday uuna saxaafadda ka arkay, laakiin uu wixii xal ah soo dhaweyn doono.

Kooxdii Baydhabo aaday waxaa lagu eedeeyey inay xaaladda uga sii dareen, isku aragti ma aheyn lixdii xubnood ee Baydhaba tagtay, qaar waxay rabeen in Lafta-gareen lagala hadlo saddexdiisa kursi, qaarna waxay rabeen in afarta kursi oo uu midka Fahad ku jiro in isku xeer lagu dhaqo oo aan la kala qaadin, ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo aan arrintaan wax ka waydiinay.

“Markii doodaha iyo kulamada bateen, waxaa adkaaday kuwii rabay inaan dhaarta lagu degdegin oo si sax ah loo wada hadlo oo uu dhammaan kuraasta ka wada fuqo Ra’iisul Wasaare Rooble, xubnihii noo yimid ee ujeedo badan qaar markii dambe olole ay musharixiin u wadeen ayey halkaan ka dhex billaabeen,” ayuu xildhibaanka ku daray hadalkiisa.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor weli wuxuu joogaa magaalada Baydhaba, halka xubnihii kale ee Muqdisho kusoo laabteen.

Waxaa la sheegay in Lafta-gareen uu mar rabay in laba kursi loo fasaxo kursiga Sareedana lagu laabto doorashadiisa, laakiin xubnihii xal doonka u baxay ayaa qaarkood xaalka sii adkeeyey iyagoo shaqo leexsan u haya Fahad Yaasiin, waxayna Lafta-gareen ku qanciyeen inuu kuraasta isku kiis ka dhigo.

Xubnaha Beesha Caalamka waxay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraastaas lagu fasaxo, iyagoo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT, laakiin ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxay sheegeen inuusan Rooble ogoleyn in Qoor Qoor uu dhibco siyaasadeed ka dhex helo kiiskaan, kaasi oo dadka qaar ay ku eedeenayaan inuu yahay ninka xaaladda sii adkeeyey.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor ayaa Lafta-gareen ku qanciyey inuusan ka tanaasulin mowqifkiisa uu xildhibaanada ku xayiran illaa laga fasaxo kursiga Fahad Yaasiin, wuxuuna muddooyinkii dambe Qoor Qoor si rasmi ah uga shaqeenayey danaha Fahad Yaasiin.

Weli waxaa jirta rajo waxaana socda dadaal loogu jiro in la helo xildhibaanada Koonfur Galbeed, laakiin waxaa niyad jab abuurtay in kooxdiisa Baydhaba is xilqaanka u aaday in maanta qaarkood lagu eedeenayo inay xaaladda sii fogeeyeen.

Dooda la xiriirta in Lafta-gareen laba kursi loo fasaxo midna lagu laabto weli miiska ayey saaran tahay, lamana yaqaano sida ay u miro dhali karto.

Madaxweyne FARMAAJO: Waxaa la ii ballan qaaday dib u doorashadeyda, haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta khudbad ka jeediyey xuska maalinta ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo ku faanay in dowladiisu ay xoog gelisay tayada ciidanka iyo inay helaan mushaaraadkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka wadaniyadda iyo qabiilka, wuxuuna tilmaamay in nidaamkiisu bilaabay wadaniyad dhab ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaba markii la’ii doortay waxaan ku imid nidaam la yiraah isbedal doon, ma aheyn inaan shaqsi bedalo ama qof beddalo. Isbedal doonku waxa uu ahaa inaan dib u milicsano wixii Aabeyaasheen ay ku shaqeeyeen oo ay ku keeneen xorriyad ay ku keeneen ciidan xoog leh, taas oo ah inaan dib ugu noqdo ama aan kala doorto wixii 30 sano inan dhibaateeyey ee Qabiilahaa oo siyaasaddeenana qayb ka ah,” ayuu yiro Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Isbedalkeeno ma aheyn shaqsi bedal, laakiin wuxuu ahaa nidaam bedal, nidaamkaas oo ah inaan billowno waddaniyadda oo si dhab ah oo daacad ah ay naga tahay,”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii ay dowladdiisu la gashay Kenya, gaar ahaan kiiska Badda ee ay Soomaaliya ka gaartay guusha, Farmaajo ayaana xusay in culeys siyaasadeed iyo mid dhaqaale la saaray, xittaa loo sheegay in lagala shaqeynayo dib u doorashadiisa, haddii uu ka laabto dacwadda badda, balse uu taasi ka biyo diiday.

“Si aan badda uga noqo waxaa lay saaray culeys dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo xittaa ah in meelo lasoo marsiiyey in Election-ka la’igala shaqeynaayo, si aan usoo noqdo, waana diiday,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Hadalkan ayey dad badan u arkaan mid olole ah oo Farmaajo doonayo inuu kula shar tego doorashada soo socota ee loogu jiro loolanka culus, maadaama si weyn la’isugu hayo.

Guddiga FEIT oo war cusub kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta war cusub kasoo saaray munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee labada aqal ee baarlamaanka, taas oo loo qorsheeyey 14-ka bishan aynu ku jirno April.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dhaarinta ay dhaceyso maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyada oo lagu wargeliyey dhammaan xubnaha baarlamaanka.

“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin culus u diray xildhibaanada dooran, wuxuuna ka dalbaday inay isugu yimaadaan hoolka Teendhada ee Afisooni abaare 10:00AM,.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha baarlamaanka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay ilaaliyaan waqtiga, isla-markaana ay soo xaadiraan.

Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni. Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga FEIT.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo aan weli xal loo helin tabashada Koonfur Galbeed oo gebi ahaan xiriirka u jartay ra’iisul wasaare Rooble, walow haatan ay socdaan dadaallo garwadeen ka yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse guddiga FEIT iyo Rooble oo mas’uul ka ah doorashada ayaa ku adkeysanaya qabashada dhaarinta xildhibaanada.

Xoghayaha guud ee QM oo lasoo hadlay Farmaajo xilli cabsi laga qabo qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 11-kii April 2022, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.  

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud uu garab -istaag u muujiyey Soomaaliya oo wajaheysa weeraro sii kordhaya oo ka imanaya kooxda Al-Shabaab iyo abaaro xooggan.

“Wuxuu sidoo kale taageero u muujiyey howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, wuxuuna rajeeyey in Soomaaliya ay awoodi doonto inay amnigeeda xaqiijisato sida ugu dhaqsaha badana uguna macquulsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

António Guterres iyo Farmaajo ayaa sidoo kale ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya ee geba-gebada ku dhow, ayada oo la filayo in xildhibaanada cusub lagu dhaariyo magaalada Muqdisho 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah. 

“Xoghayaha guud iyo madaxweynaha waxay sidoo kale ka wada xaajoodeen hanaanka doorashada Soomaaliya. Xoghayaha guud ayaa rajeeyey in si deg deg ah loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada, islamarkaana arrimaha taagan lagu xaliyo wada-hadal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. 

Wada-hadallada uu António Guterres la yeeshay Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli ay jirtay cabsi xooggan oo mucaaradka ay ka muujiyeen in Farmaajo isku dayayo inuu mar kale carqaladeeyo hanaanka doorashada ama sameeyo afgambi maalinta ciidanka xooggan oo ku beegan 12-ka April oo maanta ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay shalay soo saareen uga digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-degto, isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hambalyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maanta

Si kastaba, golaha ayaa wuxuu ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaanada oo loo mudeeyay 14-ka April ee 2022-ka, sida ay hadalka u dhigeen.

Kenya oo billowday inay ka faa’iideysto biyaha Somalia, kadib go’aankii maxkamada

Nairobi (Caasimada Online) – Lix bilood ayaa laga joogaa markii ay Maxkamadda Cadaalladda Adduunka xukuntay dacwadii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, go’aankaas oo inta badan aagga lagu muransanaa u xukumay Soomaaliya.

Aggaas oo ka tirsan badweynta Hindiya ayaa la rumaysan yahay inuu leeyahay shidaal iyo gaas, sidoo kalena waxa uu qani ku yahay noocyada kala duwan ee noolaha badda.

Kenya ayaa diidday inay u hoggaansato go’aanka Maxkamadda, iyadoo kalluumaysateeda, gaar ahaan kuwa Lamu ay weli ka jillaabtaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Abubakar Twalib oo kamid ah kalluumaysata Lamu, muddo 30 sano ah ku jiray hawshaas ayaa subax kasta u shaqo taga biyaha lagu mursan yahay, gaar ahaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Waxa uu kamid yahay tiro kalluumaysato reer Lamu ah oo wacad ku maray in aysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, halka qaar kale ay ka baqeen tallaabada noocaas ah.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa la kulmay Abubakar oo maalin kasta ka kaluumeeysta badda loo xukmiyay Soomaaliya.

Ka hor inta uusan safarka u bixin, Abubakar ayaa weriyaha tusay doonyo kalluumaysi oo camal la’aan ah.

“Dhammaantood waxay ka soo jilaabban jireen biyaha Soomaaliya, hadda waa shaqo la’aan oo kalluumaysata ma haystaan waxay ku maareeyaan noolal maalmeedkooda, muranka labada waddan awgii,” ayuu yiri Abubakar.

70% kalluunka lagu iibiyo jasiiradda Lamu ayaa laga keenaa aagga ay labada waddan isku hayaan ee badweynta Hindiya. Waxaa laga heelaa noocyada ugu qaalisan kalluunka, gaar ahaan aargoosatada.

“Haddii uu dhaqangalo go’aanka maxkamadda, waxa uu nooga dhigan yahay geeri. Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhalato saamayn ballaaran. Waxaa suuragal ah in argagixasada ay ka faa’iideysato kalluumaytada shaqo la’aanta ah.”

Abubakar ayaa sheegay in sanado badan ay ka kalluumaysanayeen baddaas, haddana ay u muuqdaan kuwo ajaaniib ku ah dhulkooda.

Doon u rarneyd ganacsade Somaliland ah oo gubatay, kadibna degtay (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni u rarneyd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo dab xoogan uu qabsaday, xilli ay kasoo baxday magaalada Cadan ee waddanka Yemen, kuna soo jeeday dekedda Berbera.

Doonida oo gabi ahaan gubatay ayaa sidoo kale biyo ay soo galeen, kadibna sidaasi ay ku degtay, iyadoo ay dhammaan ku baaba’day hantidii saarneyd.

Miilkiilaha doonida oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhacdadan ay dhacday Isniintii xilli maqrib ah, wuxuuna tilmaamay in isku dayo la sameeyey aan lagu guuleysan.

“Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay” ayuu yiri milkiilaha doonidaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doonidu ay sidday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale.

Hantida saarneyd ayuu sidoo kale qiimo ahaan ku sheegay 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale”

“Doonta iyo xoolaha saaranba Somaliland ayaa laga leeyahay, doonta waxa lahaa anigaygan kula hadlaya ee Cali Ducaale ah, xoolaha saarana waxaa lahaa ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo Somalilander ah, hantida doonta saarnayd waa, 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale” ayuu markale yiri Cali Ducaale milkiilaha doonida burburtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo aan weli laga soo gabay dhacdadii Suuqa Waaheen oo dabkii ka kacay ay ku hanti beelay ganacsata fara badan oo reer Somaliland ah.

Maxaa Fahad gaarsiiyay inuu sharciga usoo laabto, maxaase ku hoos duugan dacwadiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan sano kadib dadka Soomaalida waxay arkayaan taliyihii awooda badnaa ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aaday dhanka hey’adaha garsoorka dalka.

Maxkamadda Sare ee dalka waxaa loo gudbiyey gal-dacwadeed uu wato Fahad Yaasiin, muddo shan sano iyo dhowr bilood ah waa lagu kari waayey inay halkaan soo gaaraan.

Fahad wuxuu ka dacwoonayaan kursigiisa HOP#086 oo ay joojiyeen guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT, qareen ayuu qabsaday la taliyaha amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Maxkamadda Sare ee dalka oo uu hoggaankeeda sare taabacsan yahay madaxweyne Farmaajo lagama sugayo go’aan liddi ku ah Fahad Yaasiin, balse ujeedka dacwadaan ku hoos duugan ayaa faham badan u baahan, iyadoo siyaabo kala duwan loo faaqiday.

Dhowr sharaxaad ayaa laga bixiyey dacwadaan:

1) Wadooyinkii kale oo adkaaday

Dadka aaminsan in dacwadaan si dhab ah kursi loogu raadinayo waxay aaminsan yihiin in dhammaan waddooyinkii kale ay kasoo xirmeen Fahad Yaasiin, taasina ay tahay sababta uu dacwadaan u gudbiyey.

Fahad iyo kooxdiisa waxaa in muddo ah lagu eedeenayey inay wax walba u adeegsadeen xoog iyo dhaqaale, iyagoo dhinac isaga riixay sharcigii dalka.

2) Qorshe siyaasadeed

Fahad Yaasiin oo waayahaan la aaminsan yahay in uusan shaqo badan ka qaban kursigiisa ayaa dadka ka shakisan dacwadaan waxay qabaan inuu rabo in maxkamadda Sare ay kursigiisa fasaxdo, kadibna kooxda Ra’isul Wasaare Rooble qaadacdo go’aanka maxkamadda, markaasna kadibna la aado buuq cusub oo dib usii dhigi kara geediga doorashada, maadaama haddii ay maxkamadu fasaxdo kursigaan ay dhinaca kalena diidaan go’aanka maxkamadda, waxaana xigi kara fowdo iyo buuq hor leh.

3) In lagu lumiyo dareenka 12-ka April

Dadka ka shakisan ujeedka loo gudbiyey dacwadaan waxay qaarkood sheegayaan in ujeedada noqon karto in saacadaha soo socdo dadka laga mashquuliyo howlaha la xiriira 12-ka April oo uu dul saaran yahay walaac xoog leh.

Xubnaha mucaaradka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay kor u sheegay in munaasabadda 12-ka April in arrimo kale ku hoos duugan yihiin, inkastoo uu taas beeniyey taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka.

4) In kooxda Farmaajo muujiso inay doorasho rabto

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xooganaa wararka la xiriira in kooxda madaxweyne Farmaajo aysan doorasho u socon.

Dadka dacwadda Fahad lafa guraya waxay leeyihiin waxay noqon kartaa farriin loo dirayo Soomaalida iyo Beesha Caalamka oo lagu muujinayo in garabka Farmaajo ay diyaar u yihiin in doorashadu si hagaagsan kusoo dhammaato, balse dhinaca kale ay yihiin cidda cuuryaamineysa geediga doorashada.

Si walbaba, haddii kooxda Fahad ujeeda kursi doon ah la leedahay dacwadaan waa astaan muujineysa hoos ku dhac ku yimid awooddii Fahad Yaasiin iyo sida uu u galaaftay dagaalkii uu la galay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dacwadda Fahad Yaasiin waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 14-ka bishaan la sugayo in la qabto dhaarinta xildhibaanada laba Aqal, iyadoo dhinaca kale isha lagu wada hayo munaasabadda 12-ka April.