29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

EAC to review Somalia’s verification mission report at Council of Ministers meeting

0

Bujumbura (Caasimada Online) – The East African Community (EAC) Council of Ministers’ 43rd ordinary meeting is currently taking place in Burundi, and it is set to review a report on the verification mission for Somalia’s admission into the regional bloc.

This report was compiled after a visit to Somalia from January 25th to February 3rd, 2023.

With Somalia’s admission, the EAC will have eight member states, including Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, the Democratic Republic of Congo (DRC), and Uganda.

On January 13th, 2023, EAC Secretary General Peter Mathuki hailed Somalia’s long Indian Ocean Red Sea route, which links Africa to the Arabian Peninsula, as a vibrant economic zone that will benefit the EAC immensely.

The EAC is a regional intergovernmental organization that promotes cooperation and integration among its member states. It was established in 1967 and was revived in 2000 with the signing of the Treaty for the Establishment of the East African Community.

The EAC Council of Ministers’ five-day meeting, which started on February 19th and will run through to February 23rd, will review reports on various issues, including political matters, customs and trade, finance and administration, as well as reports of other EAC organs, such as the East African Legislative Assembly and the East African Court of Justice.

The EAC Council of Ministers is the policy-making body of the regional bloc, comprising ministers responsible for EAC affairs and/or regional cooperation of each member state. Its functions include promoting, monitoring, and reviewing the implementation of the EAC’s programs and ensuring the proper functioning of the regional bloc.

The admission of Somalia into the EAC will bring about many opportunities and benefits for the country and the region as a whole. Somalia has significant untapped natural resources, including oil, gas, and minerals, that could contribute to the growth of the EAC’s economy.

Furthermore, Somalia’s strategic location provides a gateway for the EAC to access the Middle East and Asian markets, opening up more opportunities for trade and investment.

Hanti-dhowrka cusub ee qaranka oo shaaciyay shan QODOB oo hor-tebin u leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo gelinkii dambe ee shalay xilka kala wareegay Hanti-dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa shaaciyay arrimaha xafiiskiisa hor-tebinta u leh.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha Bangiga dhexe, qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda, xildhibaannada labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono inta uu joogo horumarinta xafiiska hanti-dhowrka.

“Alle-na waxa aan weydiisanayaa in uu i waafajiyo in aan si daacadnimo iyo ammaano leh ayna kujirto danta dalka, dadka iyo diinta,” ayuu yiri Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka.

Mudane Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shan qodob oo muhiimaad gaar ah uu siin doono, taasi oo kor u qaadi doonto shaqada uu xafiiskan u hayo Qaranka, kuwaasi oo kala ah;

  1. Dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta
  2. Hirgelinta Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo xafiisku ku guto waajibaadkiisa, islamarkaana ay mas’uuliyiinta dowladda, shaqo wadaagga iyo shaqaaluhu ogyihiin una tababaran yihiin.
  3. Hirgelinta tababar quseeya howlaha xafiiska iyo sida uu u gudanayo waajibkiisa, kaasi oo xafiisku siinayo agaasimeyaasha guud, maareeyeyaasha agaasime-waaxeedyada iyo baarayaasha gudaha ee wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda
  4. Dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda, mashaariicda iyo hannaanka deyn cafinta
  5. In Laga billaabo aniga iyo shaqaalaha xafiiskuba aan raacno habraac anshax iyo howlgal oo aan tusaale u noqono xaqiijin,  daah-Furnaan isla-xisaabtan, ammaano iyo dhex-dhexaadnimo

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah.

‘Donor fatigue threatens’ Somalia’s drought response

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is experiencing its worst drought in decades, and humanitarian aid workers have expressed concerns over a possible decrease in support due to donor fatigue. 

Compounded by multiple humanitarian crises worldwide, there is growing anxiety among aid workers that donor fatigue may reduce the funds received for Somalia’s appeal.

According to Mohamed Abdi, the Country Director for the Norwegian Refugee Council, who talked to VOA Somali, donor fatigue has been a persistent issue for Somalia. Somalia has received humanitarian assistance for over three decades with no substantial improvement, leading to donor fatigue.  

Many donors support other humanitarian causes in countries such as Yemen, Syria, Turkey, and Ukraine. Abdi adds that European donors would prefer to support the Ukrainians because of their proximity and the impact of the war. 

Somali government and humanitarian agencies appealed for $2.6 billion to assist 7.6 million people in 2023. However, famine is a strong possibility if rains in the spring are insufficient and humanitarian assistance is not sustained.  

A spokesperson for The U.N. Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) has warned that while the needs in Somalia are increasing, donors are indicating that funding may be reduced this year. This development comes after OCHA’s appeals for donor support to Somalia in the past two years failed to reach its goals. 

According to the spokesperson, this funding shortfall has significantly impacted OCHA’s ability to provide vital assistance to the people of Somalia. The reduction in funding is especially concerning as the humanitarian situation in Somalia continues to deteriorate. 

Reduced funding and its impact

According to a spokesperson, the funding for humanitarian assistance in crucial sectors is projected to decrease from April to June.  

This anticipated reduction of the financing is part of the calculus for the famine projection, despite last year’s efforts to meet the needs of 7.6 million people by increasing the initial appeal from $1.46 billion to $2.27 billion, of which only 67% was funded. As for 2021, the $1.09 billion request was only 78% received. 

As per Abdi’s confirmation, the Norwegian Refugee Council received only 40% of the $40 million they requested to support people affected by drought last year.

He emphasizes that with assistance from humanitarian donors, they will be able to reach the number of people they have planned to reach. 

The role of donors 

The United States remains Somalia’s largest single donor of humanitarian aid, contributing around $1.3 billion since October 2021. However, U.S. Embassy officials in Mogadishu stress that they cannot meet Somalia’s humanitarian needs alone.

In a call for action, humanitarian aid officials urge all donors to step up and contribute to sustaining and scaling up the humanitarian response to ensure that assistance continues to reach necessary levels. 

This plea comes as funding for critical sectors is anticipated to decrease in the coming months, adding to the already challenging circumstances faced by millions of people in need.

Somali and U.N. officials hope that European and Arab countries will step up to provide support. They emphasize that the sooner the funding is received, the better they will be able to respond to the crisis. 

The U.N. Famine Prevention and Response Coordinator, Reena Ghelani, urges donors to react before the crisis.  

Following a visit to Mogadishu last month, U.S. Ambassador to the U.N. Linda Thomas-Greenfield stated that swift action with humanitarian assistance is needed in Somalia to save lives and prevent the onset of famine. 

Weerar ku billowday qarax oo lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasomada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Goobjoogayaasha ku sugan aagga Mirinaayo ayaa sheegay in la maqlay jugta qarax culus kadibna ay xigtay rasaas xooggan oo sida la rumeysan yahay ay is-weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Guriga ayaa xog aan helnay waxay sheegeysaa inay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu guriga ku sugnaa taliye ka mid ah kuwa hogaaminayey dagaalka gobolka Hiiraan

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegtay in maleeshiyada kooxda ay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare.

Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada.

Aadan Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xildhibaanno loogu hanjabay aragtidooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in lagu handaday aragti ay ka dhiibteen sharciga hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo maalmahaan ay doodiisu ka socotay golaha.

Arrintaan guddoonka golaha shacabka ayaa deg deg u soo fara-geliyey, wuxuuna guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in cagajugleyntaas raali gelin laga bixiyey, islamarkaana lagu balamay inaysan soo noqon.

Mid ka mid ah xildhibaanadii lasoo wacay ee loo hanjabay markii ay aragtidooda ka dhiibteen sharciga cusub ee hey’adda Socdaalka ayaa sheegay in raali gelin kaliya aan lagu qanci karin oo loo baahan yahay in ficil la sameeyo, maadaama xildhibaano loo hanjabay.

“Xildhibaankii ku qancay raali gelin sharafteena ayuu meel uga dhacay, arrintaan waxbaa ka soo noqon kara, guddoomiye iyo xildhibaano arrintaas sharciga wixii uu ka qabo hala marsiiyo, xildhibaanada inta lasoo wacay ayaa lagu yiri baarlamaankaa igala dagaalantaye banaanka ayaan kaala dagaalamaa, arrintaas waa gef weyn, sharciga in lagu xaliyo ayaan rabnaa arrintaas,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka shir guddoominayey ayaa islamarkiiba arrintaan ka hadlay wuxuuna dalbaday in xiisadda la dejiyo, maadaama raggii hanjabaada sameeyey ay raali gelin bixiyeen.

“Arrintaas xildhibaanadii ay ku dhacday waa loo yeeray, waa lala fariistay, waana laga raali geliyey, waa dhamaatay, hadda kadib qofkii isku dayana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa oo raali gelin lagama aqbali doono, marka walaalihii ay arrintaas kala gaartay waa iska raali geliyeen, laakiin xildhibaanka cid fikirkiisa ku colaadi karta ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Lama shaacin cidda u hanjabtay xildhibaanada dalbaday in qodobada qaar ee sharciga hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dib loo saxo, kaas oo maalmahaan ay xildhibaanadu ka doodayeen.

Sharcigaan oo ah kii ugu horeeyey oo hey’daan ay yeelaneyso ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi, waxaana dood dheer kadib anxisiyey xildhibaanada golaha shacabka.

Hoos ka daawo

Daawo: Booliska Muqdisho oo war kasoo saaray dilal ay askari ka geysatay 3 degmo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd faahfaahin ka bixiyay dilal ay dad shacab u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilalkan ay ka kala dhaceen isla shalay saddex degmo oo kala ah; Howl-wadaag, Xamar-Weyne iyo Hodan, waxaana dhamaantood ay ahaayeen rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda ku furanayeen wadada oo jaam aheyd.

Doodishe ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay inta badan askartaasi dadka shacab ah ku dilay saddexda, kadib markii ay si dhaqsa leh uga howl-galeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, halka kuwa kalana ay ku raad-joogaan, sida uu sheegay.

“Howl-wadaag 19-kii February 2023 ayaa saddex shaqsi oo ku lebisan dharka ciidamada qalabka sida oo marayay Masaajidka Nasru-diin waxay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawa iyaga oo ku macneynaya in ay waddo ku furanayeen taasi oo haba-yaraate qalad ah. Waxa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo goobta marayay laguna magacaabi jiray AUN Sharmaarke Cabdixakiin Diiriye,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in dhacdadaasi qofka marxuumka ah ku eedeysna ciidankii ku eedeysna gacanta lagu dhigay oo sida ugu dhaqsaha badan waxay kasoo hor-muuqan doonaan maxkamadda awooda u leh si cadaalada u maraan.”

Isla shalay degmada Xamar-Weyne, gaar ahaan agagaarka Afar-Iridoodka waxay saddex askari oo ku lebisnaa direyska ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen waddo saxmad ah, taais oo ku dhaawacmay Yuusuf Cabdi Xuseen, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Yuusuf ayaa waxa gargaar u fidiyay ciidamada amaanka oo goobta ku baxay, waxaana lagu simay goobaha caafimaadka haddana xaaladiisa waa wanaagsan tahay.”

Dhacdada saddexaad ayaa isla shalay iyaduna askar ka tirsan ciidanka dowladda ay ka geysteen degmada Hodan, taasi oo rasaas ay jid ku furanayeen ku dhaawacantay haweenay goobta ka agdhweyd oo lagu magacaaba Saciido Isaaq Aadan.

“Gabadhaas ku dhaawacantay ayaa waxay gargaar caafimaad u fidiyay ciidamada amaanka. Dadkii ku eedeysna falkaasi wey xiran yihiin intooda kalena waa lagu raad-jooga, waxaana socota baaristooda.”

Dhacdooyinkan ayaa waxa laba kamid ah geystay sida aan hore u baahinay askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan lagu soo celiyey magaalada Muqdisho.

Dhowr xarumood ayaa gudaha magaalada Muqdisho laga dejiyey ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana magaalada ku soo badaneysa cabashada ay shacabku ka qabaan, iyadoo lagu eedeynayo inay geystaan dilal, dhac iyo handadaado kale oo bulshadu aysan ka mudneyn.

Hoos ka daawo muuqaalka

Dib u milicso: laba sano ka hor isku-daygii dil ee khatar galin gaaray SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dib ugu laabo maalmaha, habeen hore oo kale laba sano kahor laba madaxweyne oo Soomaaliya soo maray ayaa hoteelkii ay deganaayeen lagu weeraray, waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo lagu weeraray hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho.

Saacada lagu aadiyay weerarka waa xilli ay badi dadka magaalada ay hurdeen oo la aaminsana in madaxweynayaashu gurmad fiican heli karin. Ilama ahan inaad maanta is-weydiineyso yaa weeraray iyo qorshuhu dil miyuu ahaa.

Dabcan halka aad degan tahay markii sabano oo ciidan dabaabad ku hubeysan loo adeegsado, waano iyo wada-hadal ma ahan ee waa doonista in lagu soo afjaro.

Labo sano kadib madaxweynihii loo diray inay ciidanka dowladda soo khaarajiyaan ayaa maanta dalka xukuma oo ku adkaaday doorashadii dhacday 15-kii May ee 2022.

Kani waa Xasan Sheekh Maxamuud, darsi weyn ayaa halkan ku jira oo la yiraahdo adkeyso ha ka joogsan doonistaada iyo xukun qaadashada khatar badan ayaa ka sokeysa.

Weli wax u eg aargoosi ma uusan sameyn mana ka muuqato Xasan Sheekh astaamaha nin eryanaya ragii isku dayay inay dilaan.

Lama yaqaano waxa uu fali doono gunaanadka muddo xileedkiisa, iyada oo la xasuusto waxa uu Farmaajo ku kacay dhamaadka muddo xileedkiisa.

Haddii habeenkaas labada madaxweyne la dili lahaa lama qiyaasi karo waxa uu noqon lahaa mustaqbalka dowladeed ee Soomaaliya iyo amniga caasimada.

Soomaaliya oo ah dal weli dowlad ahaan jilicsan, qabaa’ilka weli hubeysan yihiin, wadaniyadu ayna xooganeyn, argagixiso dhex jiifto ayaa halis gali karta marwalba oo Villa Somalia uu qabsado hoggaamiye aaminsan siyaasad hubeysan, in la kala adkaado ama tirsanaya tabashooyin hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh maanta waxa uu haysta cashiro ku filan oo u sheegaya in wax walba dalkaan macquul ka yihiin, sidaas darteedna uu ku qasban yahay nabadooneyn, dad isku wad, aargoosi la’aan iyo ilaalinta sharciga qoran ee dalka.

Isla shalay 19-kii Febraayo ee 2021, nidaamkii madaxweyne Farmaajo waxa uu weerar hubeysan ku qaaday banaanbax ay hogaaminayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dalkan waxa uu kasoo baxay gacanta hogaamiye aaminsan siyaasad hubeysan oo aan dan ka laheyn xasilooni siyaasadeed, mid bulsho, Al-Shabaab oo laga adkaado iyo in aan la damqin boogaha qabiilka.

Waxaa la eegaya halka uu Xasan Sheekh dhigo dhamaadka muddo xileedkiisa oo ah 15-ka May 2026.

Beelaha Somaliland oo ku kala qeybsamay dagaalka iyo go’aan cusub oo lasoo saaray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Shir ay maanta isugu yimaadeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa si adag looga soo horjeestay go’aamadii ay shalay ku dhawaaqeen garab kale oo kasoo jeeda beeshan.

Odayaashan maanta ku shiray Hargeysa ayaa waxay ku eedeeyeen garabkii shalay soo saaray bayaanka looga soo horjeeday Muuse Biixi in ay yihiin kuwa ay soo saareen guddida Gacan Libaax ee Garxajis ee xisbiga Waddani.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka garabkan kale ee beesha Garxajis u qabsoomay ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka raali-gelinayaan umadda Somaliland qoddobadii shalay lagu soo saaray magaca beesha.

“Salaadiinta Cugaasha iyo Waxgaradka Beelaha Garxajis ee Sama-taliska ahi waxaay ka raali gelinayaan umada reer Somaliland qodabadii ay soo saareen Gudida Waddani iyagoo adeegsanaya magaca Garxajis ee ay kaga soo horjeedeen xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka soda magaalada Laascaanood.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedkan “Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay guddidaasi ku metelin beelaha Garxajis qodobada ay soo saareen.”

Waxay sheegeen inay garab taagan yihiin cid kasta oo ku hawlan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana ka shaqeynaysa sidii nabad buuxana loogu soo dabaali lahaa.

“Dadweynaha ku Abtirsada Beelaha Garxajis dagaalka ka socda Laascaanood, waxay kala mid yihiin Umada Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo nabada jecel. Waxaanu shacabka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolkaas u xaqiijinaynaa in aanu qeyb ka nahay ergada nabada ee ka kooban madax-dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland, ee isu xil-qaamay dariiqo kasta oo dagaalkaasi ku istaagayo.”

Sidoo kale waxay sheegeen in garabkii shalay soo saaray bayaanka ay yihiin xisbiga Waddani, sidaa darteedna wixii gef iyo meel ka dhac ka yimaada eedeyntooda dusha loo saarayo xisbiga Waddani, sida ay ku yiraahdeen war-saxaafadka ay soo saareen maanta.

“Salaadiinta Cuqaasha yo Waxgaradkani waxay Tacsi u dirayaan intii ku dhimatay dagaalkaas (Laascaanood), waxayna u ducaaynayaan inta dhaawacu ka soo gaadhay Rabi ha u booga dhayo Aamiin Aamiin.”

Ugu dambeyntiina waxay guul u rajeeyeen ergo ay sheegeen inay isu xil-qaantay xal u helida nabaada, oo sheegeen in ay qayb ka yihiin beelaha Garxajis, oo sida la fahamsan yahay ah ku kooban garabkan ka tirsan beesha ee maanta qabtay shirka jaraa’id.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in shirka jaraa’id ee maanta qabteen odayaashan uu ka dambeeyo Muuse Biixi “oo si weyn u taabteen” go’aamadii shalay kasoo baxay garab kamid ah beesha Garxajis.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleystay in uu kala jebiyo beeshan, isaga oo garabka kasoo horjeeda “ku shaanbadeynaya” xisbiga Waddani, oo kal hore heshiis kula galay madaxtooyada, si jawi nabdoon loogu dhameeyo xiisadda ka taagan Laascaanood.

Muuse iyo xukuumadiisa ayaa dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ku wajahayaan wada-hadal, islamarkaana ay u dirayaan ergo dhaqan oo lasoo fariisata Isimida ku sugan Laascaanood, inkasta oo garaadada SSC ay sheegeen “in aysan jirin” wax ay ka ogyihiin ergada uu sheegay maamulka Muuse Biixi.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo si caro leh uga hadlay falal kusoo batay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta furay shir sanadeedka 5-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dilalka kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo si caro leh uga hadlay dilalkaasi, gaar ahaan kuwa ay dadka shacabka ah u geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhawaajiyay in aan la aqbali karin xilligaan oo dagaal lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

“In maalin walba arday jaamacada dhiganayay, miskiin bajaaj ku shaqeynayay oo waalid iyo walad ay sugayaan si dhib yar xabad loogu dhufanayaa, haddaan cadaaladu ayna qaban cadowga banaanka lagu baacsanayo wax ay kan ku kala duwan yihiin ma jiraan,” ayuu yiri.

“Waan dadaaleyna oo amniga aan sugna ayaa dhahnay haddana dambiyadii wey dhacayaan, duurka la jira oo cadowga lala diriraya haddana in halkaan ka dhacaan maalin walba waxaasi lama aqbali karo.”

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, islamarkaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

“Markii la isku soo wada dardaro waa shabakad isku xiran oo ay lagama maarman tahay in hal mar isla saxno iyada oo isla socota. Fule xantii ma mooga meelaha laga eed sheeganayo waa ognahay dadaal ayaa ku wadna ee marka hore waa in aan isla qirna muhiimada ay wadanka iyo umadda u leedahay caddaalada.”

Waxa kale oo uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyi-geliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Shir sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, safiirro iyo marti sharaf kale.

BIDEN makes unexpected visit to Kyiv, meet Zelenskyy

Kyiv (Caasimada Online) – US President Joe Biden made a surprise visit to Ukraine on Monday, February 20, 2022, just days before the first anniversary of Russia’s invasion of the country.  

The visit came at a crucial moment in the war as both sides prepared for spring offensives. It also signifies a united front with President Volodymyr Zelenskyy and occurs at a crucial moment in the conflict as both sides prepare for spring offensives.  

The White House has not provided any specifics about the visit. However, it was reported that “basic communication with the Russians occurred to ensure deconfliction” shortly before Biden’s visit to avoid any misunderstandings that could lead to direct conflict between the two nuclear-armed nations.  

Solidarity against Russian aggression

The visit was a deliberate show of support for Ukraine and a direct message to Russia that the United States will stand with its allies against aggression. Security was a top priority, and planning was kept under wraps to ensure the safety of all involved. 

During his visit, President Biden announced additional aid worth half a billion dollars to Ukraine, including shells for howitzers, anti-tank missiles, air surveillance radars, and other assistance. The aid package was designed to help Ukraine repel Russian forces and defend its sovereignty.  

However, Zelenskyy calls on his allies to speed up the delivery of pledged weapon systems and request fighter jets from the West. 

President Biden’s visit also allowed him to witness firsthand the destruction caused by the Russian invasion of Ukraine. 

The war has killed thousands of Ukrainian soldiers and civilians, created millions of refugees, and resulted in tens of billions of dollars in infrastructure damage. 

While President Biden was in Ukraine, US surveillance planes kept an eye on Kyiv from Polish airspace. 

A historic moment in US-Ukraine relations 

President Biden’s visit to Ukraine marked the first time a US President had visited a conflict zone where the US or its allies did not have control over the airspace—this historic moment in US-Ukraine relations demonstrated America’s commitment to the country’s economic and political stability. 

The visit also showed that the United States is willing to go to great lengths to support its allies and that it is committed to deterring Russian aggression. 

The visit symbolized solidarity and strength, sending a message to Russia that the United States and its partners will stand together in the face of aggression.

A critical concern for the International Community

The situation in Ukraine is a critical concern for the international community, and the Biden administration has made it clear that it will continue to stand with its allies to support Ukraine’s sovereignty and territorial integrity. 

The United States and the international community view the situation in Ukraine as a critical concern. The Biden administration has been essential to Russia’s recent military buildup near the Ukrainian border, which has raised concerns about another offensive.  

Along with providing financial and military assistance to Ukraine, the US has imposed a series of economic sanctions on Russia in response to its aggression towards Ukraine. These sanctions have significantly impacted the Russian economy and have been an important tool in pressuring the Kremlin to change its behavior. 

Xisbiga Shariif oo war kasoo saaray qorshaha muddo kororsi ee DF iyo maamullada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan uu ku caddeynayo mowqifkiisa ku aadan qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Bayaankan ayaa waxa lagu sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in baal-maraan golayaasha DF iyo maamulada qoddobada ku qeexan Dastuurada ee lagu doortay ee awooda u siiyay inay metalaan ama hogaamiyaan bullshadooda.

“Waxaa marna suurta-gal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi in wax ka bedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay’adaha dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si looga fogaado danaha isdiidan ‘Conflict of interest’,” ayaa lagu yiri.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu amaanisan yahay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Baydhabo, uuna garwadeenka ka ahaa madaxweyen Xasan Sheekh uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hogaanka sare ee dowaldda federaalka.

“Ifafaaladeediina hadda ayuu ka billowday Golaha Shacabka JFS oo gudbiyay soo-jeedin (Motion) ay ku raadinayaan muddo kororsi. Xisbiga waxa uu gebi ahaanba kasoo horjeeda muddo kororsi noocey doonto ha noqotee, magacii la doonana haloo bixiyee,” ayaa lagu yiri bayaanka Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ah ka ah DF inay dhowraan sharciga kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed, sidii horey loo soo tijaabiyay.

Xisbiga ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu aamnisan yahay in dowlad dhiska Soomaaliyeed uu marayo marxalad adag oo u baahan dhowrista heshiisyada bulsho, adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in fikradda kororsiga muddo xileedka inay asaas u tahay kalsooni darro iyo cabsi ay qabaan qaar kamid ah hogaamiyaasha in aan dib loo dooran, waxaana haboon in hogaanka dalku heerarakiisa kala duwan ay ku kalsoonaadaan bulshadooda ayna xoogga saaran inay muddo xileedka la doortay qabtaan waxqabad la taaban karo.”

Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay madaxda dowladda federaalka inay mudnaanta siiyaan shaqooyinka hortabinta u leh qaran Soomaaliyeed iyo geedi dhiska dowladnimada, sida; qabyo-tirka Dastuurka, xoreynta dalka IWM.

“Waana in aan dalka loo horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo in laga mashquulo halganka loogu jiro la-dagaalanka argagixisada iyo dayn cafinta.”

Sawirro: Madaxweyne Biden oo booqasho lama filaan ah ku tegay caasimada Ukraine

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah maanta ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky kuna sugan Madaxtooyada Mariinsky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad kahor la qabay ee aheyd in ciidamada duulaanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasimadda Ukraine.

“Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan tahay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tahay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay. Dadka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhinac taagan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyey booqashada hoggaamiyaha Mareykanka ee Kyiv, oo uu ugu yeeray inay astaan u tahay sii socoshada taageerada Mareykanka sanad kadib duulaankii Ruushka.

“Joseph Biden kusoo dhowow Kyiv. Booqashadaada waxay astaan aad muhiim u ah ugu tahay taageerada dhammaan shacabka Ukraine,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky.

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli codbixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.

AFP, AP, VOA

BF Somalia oo la horgeeyay Mooshin culus + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta qabtay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 28 mudane, kuwaas oo dalbaday in ajendaha maanta lagu soo daro kulankooda, kaas oo ay xildhibaanada kale u codeeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo qabtay mooshinkan ayaa ka hadlay, waxaana golaha lala wadaagay warbixin guud.

“Xildhibaano gaaraya 28 ayaa waxay inoo soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in ajendaha lagu daro warbixin ku saabsan magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo ka hadlayay xaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay inuu la socdo dhibaatada ka jirta gudaha magaaladaasi, isla-markaana uu ka xun yahay.

“Meeshaas inuu dhib yaallo ayaan ognahay waana ka xunahay dagaal walaalo dhex maraya ayaa meeshaas ka taagan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Intaas kadib xildhibaanada Baarlamanaanka Soomaaliya ayaa ka dooday mooshinkan, waxayna badankood cabmbaareeyeen xukuumadda Somaliland.

Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in gumaadka lagu hayo shacabka Laascaanood uu mas’uuliyadeeda qaadayo Muuse Biixi.

“Dadkii halkaa ku dhintay ama ku dhaawacmay lambarkooda oo tiro badan waxaa qirtay oo sheegay inuu laayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,” ayuu yiri xildhibaan Bidhaan.

Sidoo kale Xildhibaan Sadad Maxamed Nuur oo ka hadlay mooshinkan loo gudbiyay Golaha ayaa sheegay in dhibaatada Laascaanood ay keentay dadkii laga soo raafay magaaladaas.

Waxa kale oo uu ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka shacabka ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay dagaallada ka socda halkaasi.

“Runtii dhibka Laascaanood wuxuu ka soo billowday dadkii laga ay soo raaftay Somaliland, runtii Laascaanood dhibaa ka jira ee haloo gurmado” ayuu yiri xildhibaan Sadad Maxamed

Dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay maalintii 15-aad, waxaana ka dhashay khasaare xoogle, waxaana dagaalka barbar socda duqeyn lagu garaacayo magaalada.

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Isbitaalka Aadan Cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ma cadda shaqsiga wadatay gaariga lala bartilmaameedsaday qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray waddadaasi.

Ugu yaraan hal qof aya ku dhaawacmay qaraxan, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada laami yaraha Zoobe oo ay ku yaallaan xarumo hay’adeed, isbitaallo & jaamacado.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal dib uga billowday magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 15-aad oo xiriir ah.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerar ay ciidanka milariga Somaliland ku qaadeen saldhig ay ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin  banaanka degmada.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay haatan isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socota duqeyn xoogan, ayada oo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay inay weli madaafiic ku ridayaan Laascaanood taas oo uga sii dareysa xaalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday halkaasi

Ma cadda khasaaraha uu geystay dagaalka haatan socdo, waxaase lasoo wariyay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

PUNTLAND oo sheegtay in amiirka Al-Shabaab uu arrin caafimaad u joogo Hargeysa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka qayb-galay dood lagu qabtay Twitter Space ayaa eedeyn culus u jeediyay Somaliland, wuxuuna sheegay in ay si buuxdo u taageerto Al-Shabaab, isla-markaana ay gacan siiso.

Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, islamarkaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena carruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni oo uu carabka ku dhuftay in la rabo in lagu beddalo hoggaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane.

“Hadda u dambeysee Aadan Suni Hargeysa ayey ka soo kaxeeyeen sirdoonkoodu illaa ay geeyeen Jilib, waxayna u wadaan in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu bedallo, ninka hadda xanuunsanayo ee Hargeysa jiifo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Al-Shabaab la sheegayaa waa xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyay weeye sidiisaba ee Soomaaliya ka jira”.

Caydiid oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in lala dagaalamo xukuumadda Somaliland, isla-markaana go’doon lagu galiyo Hargeysa, isagoo sheegay la waayi doono Al-Shabaab.

“Haddii xukuumaddan lasoo afjaro oo lagu soo oodo inta ay Isaaq dagan yahay waxaan kuu caddeynayaa in Al-Shabaab la waayi doono”

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay 82 akoon uga furan tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, isla-markaana ay ugu soo dhacaan lacagaha ugu badan.

“Akoonada marka la baarayay ee Al-Shabaab wax loo mariyo waxaa la helay 82 akoon oo Hargeysa ka furan oo ah kuwa ugu badan ee ay lacagta u marto,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo horey xukuumadda Hargeysa ay u sheegtay Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gabar Somali ah oo si arxan darro ah loogu dilay Masar

0

Qaahira (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Abuukar Ibraahim, waxaana ay kamid ahed ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka gabadhan uu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ka howlgala Qaahira.

Dilka aayaa ka dhacay guri ay marxuumadda ka daganeyd halkaasi, waxaana la sheegay in ceeji lagu dilay, kadibna biyo lagu dhex riday, taas oo xanuun ku reebtay ehellada.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-Faraj ee magaalada Muqdisho, isla-markaana ay horay uga soo baxday marxuumadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadha.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumad Caasho ay dalka Masar u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

“Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday  Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan (Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-faraj ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu maamulku alle uga barayey marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskeeda iyo qaraabadeeda.

“Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada,” ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeed ka Iskuulka Al-Faraj.

Ma’aha dilkii ugu horreeyay ee muwaadin Soomaaliyeed loogu geysto Masar, waxaana jira dhacdooyin hore oo ka dhacay dalkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan.

Maxaan ka ognahay xaaladda dhaawacyadii Laascaanood ee la keenay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee dhawaan la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa soo raysanaya, ayada oo lagu baxnaaniyo qaar kamid ah isbtilaada magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan ayaa waxaa lagu soo qaaday diyaarad gaar ah oo dowladda federaalka ay u dirtay, waxaana qaar kamid ah dhaawacyadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ay sheegeen inay heleen adeeg caafimaad oo tayo leh, xaaladoodana ay aad usoo reysatay.

“Waxaa la iga keenay magaalada Laascaanood oo ku dhaawacmay, waxaa ka dhaawacmay labada miskooda, jajab iyo goo’go badan ayaa isoo gaaray. Isbitaal Madiino ayaa si fiican la igu shaqeeyay oo aad iyo aad ayaa la igu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Khaalid Cabdirashiid oo kamid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii hore qof dhaawac ah oo xataa kici kareyn oo hadli kareyn ayaa ahaa himikana waad aragta waaniga hadlaya. Wax ehel ah halkan ima joogaan waxaa igu soo dhaweeyay walaalahay Soomaaliyeed, dhakhaatiirta iyo bulshada kala duwan ee reer Muqdisho aad iyo aad ayay u mahadsan-yihiin.”

Maxamed Faarax Ciise oo isaguna kamid ah dhaawaca laga keenay Laascaanood ayaa wax uu yiri “Halkan (Isbitaal Madiina) ayaa jooga aad ayaa u fiicanahay. Meeshu waa meel fiican oo hadda waa la isoo dhayay.”

Agaasimaha Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labadii asbuuc ee u dambeeyay ay qabteen dhaawacyo badan oo laga keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iskugu jiray kuwa fudud iyo kuwa culus.

“Waxaa aad noo soo gaarayay dhaawacyada ka imaanayay dagaalka ka socda Laascaanood, guud ahaan tirada nasoo gaartay waa 32, waxayna nasoo kala gaareen saddex mar oo kala duwan. Dhaawacyada kuwa fudud iyo kuwa xaaladooda liidatay ayey iskugy jireen, illaa haddana wax dhimasho ah ma jiraan.”

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu dhowr jeer diyaarado gargaar ah u dirtay magaalada Laascaanood, ayaa waxay hore u sheegtay in ay ka go’an tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood ee dagaal kula jira xukuumadda Somaliland.

XAALADDA madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo laga walaacsan yahay

0

Atlanta (Caasimada Online) – Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, islamarkaan alagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center.

Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga.

“Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo.

Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David.

Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haystayaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mareykan ah sannadkii 1980kii.

Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli.

Isha: VOA

Ciidamada Danab oo nolosha kusoo qabtay saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa deegaannada Xinlabi iyo Baraag-Ciise ee Mudug.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in nolosha lagu soo qabtay illaa 5 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo tababarada.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa la socday gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Gaari Laylo Calaawi ah iyo shan xubnood iyo raashin 50 kiish ah ayaa gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Lama shaacin magacyada saraakiisha lagu soo qabtay howlgallka sidoo kalena lama baahin sawirradooda, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagayo

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo kooxda Al-Shabaab oo ku aadan xubnaha looga qabtay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gobolkan si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Si kastaba, howlgallada ka socda Galmudug ayaa waxaa lagu jabiyay Al-Shabaab, ayada oo looga dilay xubno tiro badan, sidoo kalena looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.