30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Al-Shabaab oo iska dilay xubno badan kadib dagaal ka dhex-qarxay (Faah-faahin)

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Xarardheere ayaa shaaciyay in dagaal xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in xubnahaas uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Xarardheere kadib markii 10 xubnood oo kamid ah ay rabeen inay isku soo dhiibaan dowladda, halka kuwa kale ay kasoo horjeedeen go’aankaasi, taasi oo keentay in ay is rasaaseeyan.

“Shalay ugu dambeysay halkan ayay ku dirireen meel aan aad nooga dheereyn, waxaa isoo gaartay in 14 iska dileen. 10 ayaa soo fakatay waa laga daba yimid, tobankiiba waa la dilay oo iyaguna afar ayay dileen dhowr iyo toban kalena wey dhaawaceen,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa rag la yaqaano oo xataa la iisheegay meelihii markii hore ka imaadeen magacyadooda, taasi waxay muujineysa Shabaab jabka iyo niyad xumada ku dhacday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab badankooda lagu qasbay dagaalka, oo aysan raali ka aheyn, “Niman ayaa noo soo galay oo noo warbixiyay waxay yiraahdeen inta dagaalka diyaarka u ah iyo inta la qasbayo waxaa badan inta la qasbayo. Shan nin haddii ay meel yar gaadheyso qoryaha waa laga dhigaya oo laba nin oo qori wata ayaa geesaha laga raacinaya.”

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in dad sidaas loo qasbayo aysan muddo badan dagaalami karin, isaga oo tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Xarardheere ay awood u leeyihiin inay difaacaan deegaanka, ayna xoreeyaan kuwa kale ee weli ku jira gacanta kooxda.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in si deg deg ah u xasiliyaan deegaanada ay ciidamadu qabtaan, si ay hore uga sii socdaan, islamarkaana ay lagama maarman tahay in la helo Boolis kala wareega deegaanadaasi, si howl-galka uu hore ugu sii socdo.

Sabtii unbay aheyd markii kooxda Al-Shabaab ayaa toogatay 6-xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii laga shakiyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, lixda dagaalame ee la toogtay Sabtidii waxay ku tashadeen inay kooxda ka goostaan, laakiin waxaa ka war helay amiiradooda oo tallaabo deg deg ah ka qaaday.

Lixda xubnood waxaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana lagu hor dilay raggii ay horay uga tirsanaayeen oo ay ka soo goosa rabeen, si ayaguna ay ugu quus qaataan. Toogashadaas ayaa ka dhacday tuulo lagu magacaabo Wadaariq oo hoostagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay maamulaan.

DF oo shaacisay in 80 Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in dagaal maanta ka dhacay gobolka Mudug lagu laayey kooxda Al-shabaab.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay dagaalkaas Al-Shabaab looga dilay in ka badan 80 dagaalame, isla markaana dhaawacyo badan looga qabtay kooxda.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, halka ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ay toos u dagaalamayeen.

Howlgalkaan ayaa qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay oo Shabeelow uu ugu horeeyo hadda maamulaya ciidanka dowladda, sida lagu shaaciyey warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed oo dhameystiran:

In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Geesiyaasha Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.

Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaanqdhaawacyo.

Dhanka kale waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa iyo 14 kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarigta.

Al-Shabab militants engage in fierce battle in Mogadishu

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Suspected members of the Al-Shabab militant group were involved in a fierce battle with the Somali National Army (SNA) and police in Mogadishu on Tuesday.

According to eyewitnesses, the attack targeted the Mirinaayo neighborhood in the Abdiasis district, starting with a powerful explosion that destroyed a nearby building.

The militants subsequently stormed a residence, targeting civilians and injuring Ma’awiisley fighters before the security forces arrived and engaged them in a gunfight.

The government of Somalia has confirmed that its security forces are currently undertaking a counter-attack against the Al-Shabab militants responsible for the attack. The government has also pledged to investigate the incident and ensure that those responsible are held accountable for their actions.

The extent of the damage and the number of casualties from the attack is yet to be determined, and officials have not released any information on the matter.

The incident comes just days after a series of deadly bombings and assassinations in Mogadishu, which the Al-Shabab militant group claimed. These incidents have raised concerns about the city’s security situation and the government’s ability to combat the group.

The Al-Shabab militants have been targeting the country’s highly populated regions and military centers, with the central and southern regions being the most affected.

The military has responded by launching sophisticated operations, resulting in the deaths of over 700 militants and thousands injured. Despite this, the group continues to carry out attacks and has claimed responsibility for the recent incident in Mogadishu.

Reports suggest that the militants who carried out the attack targeted fighters from the Ma’awiisley militias, who had been injured in a recent clash between government forces and Al-Shabab militants in the Hiiraan region had taken shelter in the building.

In recent weeks, the Somali National Army has received support from the US Africa Command, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and local militias.

President Hassan Sheikh Mohamud has vowed to eliminate Al-Shabab militants from their hideouts and improve the country’s security.

The government’s efforts have yielded some success, with the recent operations against the group being a notable example. However, the group remains a significant threat to the country’s stability, and the government’s ability to counter their attacks is a cause for concern.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Al-Shabaab ay ku galeen guri ku yaalla Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo koox Al-Shabaab ah oo weerar ku qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Guriga ayaa waxaa lagu qaaday weerar ku billowday qarax xooggan, waxaana kadib xigay weerar ay maleeshiyo ku galeen guriga. Qarax ka dhacay afaafka guriga ayaa sidoo kale saraakiisha amnigu aamisan yihiin inuu ahaa qof ismiidaamiyey. 

Dablayda guriga gashay ayaa laamaha amnigu aamisan yihiin inay gaarayaan ilaa afar qof. 

Guriga ayaa xog aan helnay waxay sheegeysaa inay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. 

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu guriga ku sugnaa taliye ka mid ah kuwa hogaaminayey dagaalka gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ee dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jiraan maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo weerar ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasiis. 

Waxaa la arkayey ciidamada oo ku xeeran gurigaasi iyo rasaas dhacaysa. Qaar ka mid ah dadka ku sugnaa gurigaasi ayaa ciidanka dawladdu ay soo badbaadiyeen. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegtay in maleeshiyada kooxda ay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare.

Al-Shabaab waxay sheegteen inay tobannaan Macawiisley ah ku dileen weerarka, sheegashadaas oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin. Dawladda Soomaaliya ayaan weli rasmi ah uga hadlin weerarkan. 

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollo ka mid ah dalka, hawlgalladaasi oo dhul ballaaran dawladdu ku qabsatay. 

Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada.

R/W Xamza oo laba arrin ka dalbaday ganacsatada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dalbaday ganacsatada Somaaliyeed laba arrin oo muhiim ah, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Mudane Xamza ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, isaga oo ka dalbaday inay gacan ku siiyaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaaraha ka dalbadya ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo uu sheegay inay u baahan yihiin furdooyin ay ka-waaridaan ganacsigooda.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka.

Waxa uu xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo, isaga oo hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in si taas loo xaqiijiyana xukuumaddiisa ay meel-marisay sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo la aasaasay 2016-kii ayaa waxa xubno ka ah 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana shirka maanta u furmay looga hadlaya fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

42 xubnood oo Shabaab ah oo lagu dilay Shabellaha Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay in ka badan 42 kamid ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in howl-galkan ay iska kaashadeen ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah, ayna ka fuliyeen deegaanka Cadalay ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe.

Dowladda ayaa sheegtay in howl-galkaan uu socday in ka badan 30 saacadood, islamarkaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku abaabulayay deegaankaasi.

“27 kamid ah meeshiyaadka la laayay waxaa xalay lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, ayada oo gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen kooxda Khawaarijta ah.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad, kuwaasi oo lagu laayay boqolaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay ka go’an ciribtirka Khawaarijta ka been sheegtay Diinta ee duulaanka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo inay cadaaladda marsiiso kuwa adkaysta inay ka sii mid ahaadaan Khawaarijta, sida lagu yiri qoraalka.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Daawo: Aadan Madoobe oo shaaciyey qorshe ay wadaan isaga, XASAN iyo XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay mooshin ay xildhibaanada qaar keeneen golaha, si go’aan baarlamaani ah looga soo saaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa golaha shacabka hor geeyey qaraar ay ku dalbanayaan in go’aan laga soo saaro xiisadda Laascaanood oo noqotay qadiyad qaran, maadaama la isku heysto gooni u goosadka Somaliland iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dalbaday in arrintaas loo daayo madaxda ugu sareysa dalka oo meel fiican uu u marayo wadahadal u socda, kaas oo golaha uu ku soo celi doono go’aankii ka soo baxa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii qaraarka ku qanciyey in isaga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo u fadhiya arrinta Laascaanood uu safar deg deg ah soo galay Madaxweynaha, isla markaana ay meel fiican wax u marayaan.

“Daraad aniga, madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaa ka fariisanay arrintaas, madaxweynaha ayaa safar naga aaday, wax kasta oo aan qaba karno looma kala haraayo, si dadkaas loo badbaadiyo, xildhibaanka deegaankaas ka yimid mas’uuliyadda saaran mid lamid ah ayaa anagana naga saaran dadkaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanada u sheegay in qadiyadda arrintaas aysan ayaga oo kaliya taabaneyn oo go’aan aad looga baaraan degay ay u baahan tahay, maadaama ay tahay qadiyad qaran, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday sida ay uga go’antahay inay maslaxada dadka Sooimaaliyeed ka shaqeeyaan ayuu tusaale u soo qaatay safar uu mudo bil ah u jiray Koonfur Galbeed oo khilaaf culus uu ka taagnaa, kaas oo xalintiisa ay ku guuleysteen.

“Intii karaan keena ah waxaba lama hari doono xalka u raadinta xiisadda Laascaanood, markii hore waa ogtihiin waxaa socday wadahal aan Somaliland tabashadeeda xal ugu raadineyno, hadana tan ayaa soo korortay, marka waan ka fariisanay xalkeeda ayaana ku jirnaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Shiikha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ay la xariiri doonaan, “Qorshaheenu waa in madaxda qaranku ay go’aan rasmi ah ka soo saarto, madaxweyne Xasan Sheekh ayaan ku laabanayaa go’aan ayaan idinku soo celi doonaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Hoos ka daawo

Faah-faahin ku saabsan QARAX kale oo Muqdisho ka dhacay + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax baraqnimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay aagga waddada Jaalle Siyaad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sida aan xogta ku helnay waxaa qaraxan lala bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, kaas oo waddada marayay xilliga uu dhacayay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah askartii ilaalada ee la socday kolonyadiisa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaan ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, daqiiqo kadib markii uu qaraxu dhacay.

Waa qaraxii labaad ee muddo 24 saac gudahood ka dhacay caasimada, waxaa kii u dambeeyay uu shalay ka dhacay agagaarka Zoobe, kadib gaari lagu soo xiray qarax uu ku qarxay afaafka hore ee Isbitaalka Aadan Cadde oo ku yaalla Laami yaraha Zoobe.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada oo la sheegay inuu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay oo aad u kordhay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxaa ka jira in gaadiid ay leedahay W/Arrimaha Dibadda uu u gacan galay Al-Shabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maanta qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in gaadiid ay leedahay wasaaraddiisa ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Huruuse oo warbixin ku aadan arrintan soo galiyay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore beeniyay in gaadiid uu leeyahay isaga ama ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya uu maqan yahay ama uu u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in weerarkaas ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna cadeeyay in uusan jirin baabuur ka maqan wasaaradda.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab,” ayaa yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac, kadib war qoraal ah oo uu soo saaray.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ujeedka warkan loo faafiyay uu yahay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo arrintaasi ka digay

“Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.

Jawaabta kasoo baxday Huruuse ayaa meesha ka saareysa hadal-heyntii ka taagneyd baraha bulshada ee ku aadaneyd in gaadiid lagala goostay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma’a markii ugu horreysay ee uu soo baxay kiis la xiriira arrintan waxaana horay u dhacday in gaadiid ay leedahay dowladeed lala aaday dhanka xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Horay darawalka wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha & tamarta ee maamulka Jubbaland Mustaf Xaaji ayaa u goostay dhnaka Al-Shabaab, isaga oo iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, wuxuuna horay ula tegay gaari ay laheyd wasaaradaas, kaas oo noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna isku dhiibay kooxda Al-Shabaab. Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa dhowaan u goostay Al-Shabaab, isaga oo markaas uun ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo sidoo kale walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal xalay ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan Puntland oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo dhaliyay dhaawacyo.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan ciidamada saldhigga Booliska magaalada Garoowe iyo kuwa kale uu watay taliyihii hore ee Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay socotay ku waad 20 daqiiqado, isla-markaana ay keentay in lagu kala cararo agagaarka barxadda Garoowe oo ah meel mashquul ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay in saddex qof oo shacab ah iyo sidoo kale askari ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Iska hor imaadka ayaa lagu soo warramayaa in xoogan looga dareemay, balse haatan xaaladda ayaa ah mid deggan, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud

Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan shaqaaqadaasi khasaaraha dhalisay.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka amni ee mararka qaar ka dhaca magaalada Garoowe oo xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimada Puntland.

Ammaanka Garoowe ayaa habeenadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas aan la ogeyn waxa ay ahayd & burcad dhac geysaneysay.

Puntland ayaa sidoo kale dagaal adaga kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, isla-markaana dhibaatada ku haya bulshada.

Dagaal culus oo ka socda Laascaanood iyo Somaliland oo go’aan ku gaartay in…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in markale uu maanta dagaal dib uga billowday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka haatan socda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogan yahay kuwii horay uga dhacay gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Somaliland ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen Laascaanood, waxaana iska caabin kala horyimid ciidamada deegaanka.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, taas oo  kordhineyso khasaaraha iyo burburka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in Somaliland ay go’aan ku gaartay in maanta la wada qabto Laascaanood, si ay ugu laabtaan ciidamadeeda, taas oo keentay in magaalada uu ka qarxo dagaal ka xoogan kuwii horay uga dhacay halkaasi.

Abaabulka qorshaha ay maanta ku dhaqaaqday Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedyada magaaladaas oo ay maanta kasoo weerartameen ciidamadeeda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana magaalada gudaheeda si xoogan looga maqlayaa rasaasta iyo hubka culus ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

Al-Shabaab oo weerar culus xalay ku qaaday xero ciidan oo ku taalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xerada Guulwade oo ku taalla xaafadda Shiirkoole ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa qaaday rag hubeysan, kuwaas oo dhowr bam ku tuuray gudaha xeradaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale weerar kadib ayaa waxaa xigay is rasaaseyn u dhexeysay labada dhinac, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka qaaday inay goobta isaga baxsadeen, kadib falkaasi.

“Illaa rubi saac wax ka badan ayey rasaasta socotay. Qalqal iyo walaac ayaa jiro waxaad arkeysaa ganacsi dadkii lahaa ay ka carareen oo cidlo ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray ay jawaab bixiyeen, kadibna ay howlgallo kooban ka sameeyeen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo sidoo kale gaadiidka.

Si kastaba, weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay haatan culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab.

DF oo awood dheeraad ah siisay ciidan ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa awood dheeraad ah siisay ciidamada ka howl-gala bar-kontaroolada laga ilaaliyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Taliska Booliska oo fulinaya amar kasoo baxay madaxda sare ee dalka, ayaa waxa lagu faray ciidamada ku sugan bar-kontorooladaasi in ay awood u leeyihiin baarista gaari kasta oo kasoo gudbaya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda wata ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ay tahay inay u hogaansamaan awaamiirta ciidamadaas, islamarkaana ay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

“Ciidamada amaanka ee ku sugan chek waxay ku amran yihiin faritaano cadna u haystaan inay hubiyeen gaadiid kasta oo soo galaya Checkpoint-ga si loo hubiyo amniga iyo xasiloonida umadda Soomaaliyeed, maadama waajibka dowladda ay ilaalineyso ay tahay,” ayuu yiri.

“Ciidankaas faritaanada noocaas haysta ayaa waxa dhacda in dad wata gaadiid iyo ciidan ay mararka qaar isku-dayaan si xoog ah ku jiiraan kontoroolada, sidaas daraadeed waxaan uga digeyna dadka wata ciidamada waxay doonaan ha ahaadeen meesha ay doonaan ha ka shaqeeyaan in ay u dhago nuglaadan ciidamada jooga baraha hubinta gaadiidka.”

Ciidamada NISA ayaa bishii hore la geeyey dhammaan kontoroolada magaalada Muqdisho, ayaga oo beddelay booliska kadib markii booliska ay noqdeen kuwa musuq-maasuq badan, oo la iibsan karo, taasi oo halis gelisay amniga caasimadda.

Awooda dheeraadka ah ee la siiyay ciidamada ku sugan bar-kontoraalada magaalada Muqdisho ayaa looga dan leeyahay si wax looga qabto amni darada caasimada, maadama ay jiraan tuhuno la xiriira in saraakiil ka tirsan dowlada ay argagixisada ku gacan siiyaan falalka amni darro, gaar ahaan soo gelinta qaraxyada.

Laba maalin ka hor unbay aheyd markii sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo wata ciidamo iyo hub uu isku-dayay in uu xoog ku maro bar-kontarool oo ku yaalla isgoyska Siinaay, taasi oo dhalisay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamadii halkaasi ku sugan iyo maleeshiyaadka hubeysan ee la socday sarkaalka.

Afwerki oo si yaab leh uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray dalkiisa Eritrea iyo siyaasadda Soomaaliya

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa wareysi soconayay 4 saacadood siiyay talefishinka qaranka ee dalkaas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha.

Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah ayuu xaaladda Soomaaliya kaga hadlay, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan karin ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhawaan hubka qaatay, si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska ciidamada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”.

“Si taas loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda, isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” ayuu sii raaciyey Afwerki.

Baahida ciidanka difaac ee Soomaaliya

Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u tababartay Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu faahfaahiyay sida ay Soomaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrimahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wuxuu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soomaaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in “ Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”.

Faragelinta shisheeye iyo ciidanka Soomaaliya

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jiritaanka Soomaaliya, iyaga oo aan ka amar qaadaneyn dad ajaaniib ah.

“Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha inay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaaliya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” ayuu yiri Asaias Afwerki Madaxweynaha Eretria.

Afwerki oo ku sheegay in waxa Soomaaliya curyaamiyey ay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka.

“Waxaa uga sii daraya xaaladda Soomaaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacmaha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama Al-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki.

Hadalka madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyo beeleedyo la magac baxay macawisleyda ay kula jiraan ururka Al-Shabaab uu meel xasaasi ah marayo.

QM oo Somaliland saartay cadaadis xoogan oo ku aadan DAGAALKA Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Joseph Katuramu oo ah Madaxa Amniga ee Qaramada Midoobay (UN Security Cheif).

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda arrimaah gudaha ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada guud ee amniga Somaliland, horumarka iyo wada-shaqeynta hay’addaha QM iyo xukuumadda Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay wasiirka, agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan ayaa sidoo kale waxay labada dhinac uga wada-hadleen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

Madaxa Amniga ee QM ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha in Somaliland laga rabo inay xal nabadeed ku wajahdo xiisadda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ka agdhawa kulankaan.

QM ayaa dhawaan ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhex-dhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo sheegay ee guryaha,” ayuu yiri Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan.

Barmaanijkii dhaqan celinta argagixisada oo joogsaday iyo DF oo war yaab leh oo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabeyso cabasho ka timid ciidanka ilaaliya iyo tababarayaasha ka howlgala xarunta lagu dhaqan celiyo dadka soo soo hara Khawaarijta Al-Shabaab, xaruntaas ayaa hoos tagta wasaaradda amniga.

Xaruntaas oo lagu magacaabo (Xero Sarandi) ayaa waxaa lagu hayaan ugu yaraan 250 qof oo dhaqan celin u joogta halkaas, dadkaas ayaa siyaabo kala duwan uga yimid kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya dalka.

Shaqaalaha ka howlagal xaruntaas oo isugu jira tababarayaal iyo ciidan ilaaliya ayaan mushaar qaadan bilihii lasoo dhaafay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in wasaaraddu ay u sheegtay in wax kharash ah aan loo heynin oo ay kala tagaan.

Wasaaradda Amniga ayaa hadda been abuur ku tilmaantay wararkaas, waxay cadeysay in deeqihii lagu bixi jiray mushaarka shaqalaha xaruntaas la jartay dhamaadkii 2022-kii, isla markaana uu dib u habeyn ku socdo nimaadka shaqo ee xarunta.

“Barnaamijka dhaqan celinta oo dowladda ay ka kaalmeynayeen wadamada saaxiibka la ah, waxaa si ku meel gaar ah hakad u galay taakuleyntii la sii jiray, waxayna dib u eegis ku socotaa nimaadka taakuleynta oo ku ekaa dhamaadkii 2022,” ayaa lagu yiri warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaqaalaha ugu laab qaboojisay in dib loo fasaxayo xuquuqdooda markii lasoo gabagabeeyo dib u habeynta, isla markaana ay dowladdu diyaar u tahay inay bixiso kharashaad lagu socod siinayo shaqada xaruntaas oo muhiim u ah dalka.

“Wasaaradda amniga waxay ku wargelineysaa dhamaan xuquuqihii si ku meel gaar ah hakad u galay in mar dhow dib loo fasixo doono,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda amniga.

Xaruntaan lagu dhaqan celiyo dadka la soo dhaqmay argagixisada ayaa xiligaan muhiim u ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay isku soo dhiibayaan ama dagaalada lagu qabanayo Shabaab badan.

Hadii uu jiro warka sheegaya in wasaaraddu ay shaqaalihii Xero Sarandi ka howlgalayey tiri “Kala taga xuquuq la idiinma hayeen” waa arrin khatar ah, inkastoo ay hadda beenisay wasaaradda amniga XFS oo xaruntaan maamusha.

 

DHUL-GARIIR labaad oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Ankara (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dhul-gariir labaad oo markale ku dhuftay dalka Turkiga, waxaana haatan kooxaha gurmadka ay baadi goobayaan dadka ku hoos jira dhismooyinka ku burburay dhul-garirka ka dhacay dalkaasi.

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay koofur-bari oo u dhow xadka Suuriya, halkaas oo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariiradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.

Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo labo gobol.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.

Si kastaba, inta uusan imaan dhul-gariirka labaad waxaa raadinta dadka laga waday gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qaran ee musiibooyinka.

Xarardheere oo bandow la saaray – Maxaa soo kordhay?

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada lagu soo rogay bandow, kadib kulan ay yeesheen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Kulankan ay yeesheen saraakiisha amniga ayaa waxaa lagu go’aamiyay in habeenkii laga bilaabo lixda fiidnimo illaa waaberiga la joojiyay dhamaan isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada ku sugan gudaha degmada lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabtaan xeryahooda, marka laga reebo kuwa sida gaar ah ugu xil-saaran sugida amniga.

Saraakiisha amniga ee Xarardheere ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in dadka kusoo laabanay degmada ee horay uga barakacay ama raacay kooxda Al-Shabaab inay soo maraan saldhiga booliska kahor inta aysan usoo gudbin gudaha degmada, si loo marsiiyo baaritaan amni.

Arrimahan ayaa looga dan leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ay marin muhiim ah u aheyd howlahooda argagixiso,

Tallaabooyinkan ay qaadeen saraakiisha amniga ayaa sidoo kale looga hortagaya weeraro gaadmo ah oo kooxda ay kusoo qaado degmada, si kal hore ka dhacday deegaano muhiim ah oo laga qabsaday.

Si kastaba, tan iyo markii uu dagaalka Al-Shabaab ka billowday deegaanada maamulka Galmudug, waxaa kooxda gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

EAC to review Somalia’s verification mission report at Council of Ministers meeting

0

Bujumbura (Caasimada Online) – The East African Community (EAC) Council of Ministers’ 43rd ordinary meeting is currently taking place in Burundi, and it is set to review a report on the verification mission for Somalia’s admission into the regional bloc.

This report was compiled after a visit to Somalia from January 25th to February 3rd, 2023.

With Somalia’s admission, the EAC will have eight member states, including Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, the Democratic Republic of Congo (DRC), and Uganda.

On January 13th, 2023, EAC Secretary General Peter Mathuki hailed Somalia’s long Indian Ocean Red Sea route, which links Africa to the Arabian Peninsula, as a vibrant economic zone that will benefit the EAC immensely.

The EAC is a regional intergovernmental organization that promotes cooperation and integration among its member states. It was established in 1967 and was revived in 2000 with the signing of the Treaty for the Establishment of the East African Community.

The EAC Council of Ministers’ five-day meeting, which started on February 19th and will run through to February 23rd, will review reports on various issues, including political matters, customs and trade, finance and administration, as well as reports of other EAC organs, such as the East African Legislative Assembly and the East African Court of Justice.

The EAC Council of Ministers is the policy-making body of the regional bloc, comprising ministers responsible for EAC affairs and/or regional cooperation of each member state. Its functions include promoting, monitoring, and reviewing the implementation of the EAC’s programs and ensuring the proper functioning of the regional bloc.

The admission of Somalia into the EAC will bring about many opportunities and benefits for the country and the region as a whole. Somalia has significant untapped natural resources, including oil, gas, and minerals, that could contribute to the growth of the EAC’s economy.

Furthermore, Somalia’s strategic location provides a gateway for the EAC to access the Middle East and Asian markets, opening up more opportunities for trade and investment.

Hanti-dhowrka cusub ee qaranka oo shaaciyay shan QODOB oo hor-tebin u leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo gelinkii dambe ee shalay xilka kala wareegay Hanti-dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa shaaciyay arrimaha xafiiskiisa hor-tebinta u leh.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha Bangiga dhexe, qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda, xildhibaannada labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono inta uu joogo horumarinta xafiiska hanti-dhowrka.

“Alle-na waxa aan weydiisanayaa in uu i waafajiyo in aan si daacadnimo iyo ammaano leh ayna kujirto danta dalka, dadka iyo diinta,” ayuu yiri Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka.

Mudane Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shan qodob oo muhiimaad gaar ah uu siin doono, taasi oo kor u qaadi doonto shaqada uu xafiiskan u hayo Qaranka, kuwaasi oo kala ah;

  1. Dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta
  2. Hirgelinta Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo xafiisku ku guto waajibaadkiisa, islamarkaana ay mas’uuliyiinta dowladda, shaqo wadaagga iyo shaqaaluhu ogyihiin una tababaran yihiin.
  3. Hirgelinta tababar quseeya howlaha xafiiska iyo sida uu u gudanayo waajibkiisa, kaasi oo xafiisku siinayo agaasimeyaasha guud, maareeyeyaasha agaasime-waaxeedyada iyo baarayaasha gudaha ee wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda
  4. Dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda, mashaariicda iyo hannaanka deyn cafinta
  5. In Laga billaabo aniga iyo shaqaalaha xafiiskuba aan raacno habraac anshax iyo howlgal oo aan tusaale u noqono xaqiijin,  daah-Furnaan isla-xisaabtan, ammaano iyo dhex-dhexaadnimo

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah.