30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

NISA oo war kasoo saartay howlgal lagu laayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howl-gal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa waxa fuliyay ciidan ka tirsan kuwa hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraal ay NISA soo dhigtay twitter ayaa lagu yiri “Howlgal Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay xalay iyo maanta ka sameeyeen deegaanka Shaw ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu dilay 22 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.”

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera howl-galada, wuxuuna ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa intaas kusii daray in weerarka lala beegsaday gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadkaasi ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howl-galkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoostagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Xalay unbay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay ka dishay 80 dagaalame, islamarkaana dhaawacyo badan looga qabtay kooxda, kadib dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, halka ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ay toos u dagaalamayeen.

Howl-galkaas ayaa qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay oo Shabeelow uu ugu horeeyo hadda maamulaya ciidanka dowladda, sida lagu sheegay bayaan xalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dhimashada iyo dhaawaca dagaalka Laascaanood ka socda oo kordhay (Warbixin)

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa korodhay, sida uu warbaahinta u sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in tirada dhimashada ay tahay in ku dhow 150 qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 500.

“Magaaladan in ku dhow 500,000 kun oo qof ayaa ku nool maantana konton kun qof kuma noola, waxa qixiyay dhibaato kale ma ah ee waa duulaanka, xabada iyo madfaca uu maamulka Somaliland la dhacayay magaalada Laascaanood,” ayuu yiri.

Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood uu sababay burburka xaafado ka tirsan magaalada, “Guryaha dumay ee madaafiicda ku dhacday, xaafado dhan ayaa la gali kareyn oo baaba’ay, intii aad aragteen waxa filaya in kontomeeyo tahay.”

Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu socday illaa saaka, ayna xabada u badan ka dhaceyso dhanka bariga magaalada Laascaanood.

“Dadka madfaca kusoo dhacayo iyo dhalinyarada magaalada difaacaneysa ee rag iyo dumar leh. Xabaal-wadareedyadii markii la kala aasi kari waayay, cagaf ayaa lagu aasayay. Waxaasi wax indhaha laga qarin karo ama Muuse da’di karo ma ahan.”

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dambi dagaal oo cad uu ka dhacay magaalada Laascaanood, taasi oo uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, sida uu sheegay.

“Dad naftooda, guryahooda, maalkooda iyo sharaftooda ilaashanaya ayaa nahay, inta qof naga nool-yahayna xaaladaas ayaa ku sugnaaneyna illaa aan ku guuleysaneyno in aanu dadkayaga iyo dalkayaga u madax-banaano. Qiimo kasta oo ta nafta ugu qaalisan tahay oo tan maalka iyo hantidu ku xigto waan galineyna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in waxa ka dhacay Laascaanood ay tahay wax aysan weligood iloowi doonin, ayna dacwadooda u gudbiyeen beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Laba doorasho oo iska soo horjeeda oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay labo doorasho oo iska soo horjeeda, taasi oo lagu kala dooranayo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Labada doorasho ayaa waxaa kala qabsaday laba garab oo ay kala hogaaminayaan Cali Shiino oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta iyo Xasan Yabarow Wiish, ayaa mid kasta gaarkiisa loogu doortay laba munaasibadood oo ka dhacay Muqdisho.

Labada garab ayaa mid walba isu arka inuu haysto sharciyadda xiriirka kubadda cagta, taasi oo horseeday waxa maanta ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay saameyn ku leeyihiin waxa socda, ayna gadaal ka taagan yihiin.

Arrintan ayaa sida muuqata sii murjineysa xaaladda xiriirka kubadda cagta oo markii hore-ba la daala dhacayay khilaaf ka dhashay guddoomiyihii hore ee xiriirka oo si deg deg ah xilka looga qaaday.

Dhinacyada isku haya xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa hore loo soo gaarsiiyay digniin uga timid xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxaana xilligaan sareeya walaaca laga qabo in FIFA ay Soomaaliya ka mamnuucdo ciyaaraha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa markii u horeysay dhawaan ku guuleysatay tartanka 17-jirada ee Bariga Afrika, kaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta dalka.

Buuq ka taagan qorshe lama filaan ah oo dowladda ay u diyaarisay kursiga HOP086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xoog leh ayaa ka taagan doorashada kursiga HOP#086, kursigan oo kal hore loo diiday in uu qaato taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa hadda waxaa u taagan illaa shan musharax.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay damacsan tahay in la bedelo deegaan doorashada kursigan oo markii hore aheyd Beledweyne, haddana la rabo in Muqdisho loo soo wareejiyo.

Musharaxiinta kursigan marka laga reebo musharaxa ay dowladda federaalka ah wadato waxay sheegayaan in odayaal dhaqan oo beesha kursiga iska leh kasoo jeeda in loo dhex-marayo soo jeedinta wareejinta deegaan doorashada kursiga.

In qaar kamid ah odayaasha beesha kursigan iska leh dano dhaqaale loogu bedelayo soo jeedintan ayay warinayaan musharaxiinta qaarkooda, wallow aan la xaqiijin karin dhab ahaanshaha eedaas.

Waxa la rabaa in la abuuro mar-marsiiyo la xirirta duruufo amni oo ka jira Beledweyne iyo Jowhar, si kursigaan loogu boobo magaalada Muqdisho ayay leeyihiin qaar musharaxiinta kamid ah.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxa ka go’an ayaa la’leeyahay inay musharaxeeda Dr Maxamed Xaaji u xoogto kursigaan.

Halkaas markay taagan tahay waxaa kugu soo dhacaya wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kamid ah saaxiibada gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh, horena isagu ugu fadhin jiray kursigaan.

Uma badna wax uusan Faarax raali ka aheyn in lagula kici doono kursigan, waxayna u badan tahay in isaga lagu xushmeyn doono hanaanka loo marayo kursigan iyo qofka qaadanaya kursiga HOP#086.

Villa Somalia waxaa u sawiran kursiga haddii Beledweyne la geeyo, tartankiisana la furo in laga adkaan karo musharaxooda.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir xujo culus ayaa hortaalla, sagaal billood beeshiisu metelaad kuma laheyn labada Aqal ee dalka. Kursigan waxa uu seegay doorashadii madaxweynaha iyo tii guddoonka, reerkuna waxay badi arrintaas u arkeen in lagu dulmiyay.

Balse maanta waa maalin kale iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo awood haysta.

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku waxay illaa hadda qabteen laba kursi, waxayna ku qabteen labadoodii deegaan doorasho waa Dhuusamareeb iyo Kismaayo. Labadaas kursi waxaa ka kacay Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Mahad Salaad.

In kursigaan loo diido deegaan doorashadiisa waa arrin kale oo diiwaan-keedu xun yahay. Haddii kursigaan la boobo, loo diido in lagu qabto deegaan doorashadiisa ama buuq iyo fadeexad ka dhacdo oo la isku dayo in musharaxiinta qaar loo awood sheegto, waxay dhamaan ceebahaasi kusoo laaban doonaan wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayay leeyihiin fallanqeeyayaasha.

Tallooyinka loo jeedinayo wasiir Faarax waxa kamid ah inuu muujiyo odeynimo, isku dayo u cadaalad sameynta beesha, musharaxiinta iyo in aan markale kursiga dambiile laga dhigin oo aan laga soo tarxiilin deegaan doorashadiisa.

Dadka u tartamaya kursigan waxa ugu cadcad Dr. Maxamed Xaaji oo ay wadato dowladda federaalka iyo Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia.

AQALKA SARE oo go’aan ka gaaray SHARCIGA NISA iyo Mahad Salad oo ka falceliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn u codeeyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharcigan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen Senataradu.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka Aqalka Sare ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan.

Xagaa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Sharcigan uu muhiim u yahay dowladnimada iyo sidoo kale dhismaha hay’adda NISA.

“Maanta waa maalin weyn oo aan dhidibada u taagnay tiir kamid ah tiirarka ay ku dhisan tahay dowladnimada oo ah ansixinta Sharcigan oo ay ku dhismi dooto NISA,” ayuu yiri.

Dhanka kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu mahadceliyay Golaha Aqalka Sare, isaga oo ku boggaadiyay tallaabada ay qaadeen.

Mahad Salaad ayaa ballan-qaaday inuu Sharcigan ku shaqeyn doono, isla-markaana uu soo celin doono kalsoonidii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Sharcigan ayaa waxaa dhowaan soo ansixiyay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen ilaa 144 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa Sharcigan loo sii gudbin doonaan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu shaqeeyo.

Si kastaba, 53 sano kadib ayey NISA yeelatay Sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

 

Dagaal iyo duqeymo culus oo ka socda Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ayaa maanta ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay isku hayaan ciidamada milatariga maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wuxuu dagaalku galay maalintii 17-aad oo xiriir ah, taas oo sii adkeynaysa xaaladda adag ee haaran ka jirta magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay qaadeen ciidamada Somaliland oo sidoo kale adeegsanaya duqeyn aan kala sooc laheyn oo lagu garaacayo Laascaanood.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo koonaha magaalada, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran,.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, waxaana lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen goobo caafimaad, kuwa ganacsi iyo xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, taas oo  kordhineyso khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkaaso.

Daryanka hubka iyo duqeynta ayaa sidoo kale si xoogan looga maqlayaa meelo ka fog fog oo ka baxsan magaalada, taas oo muujineyso in dagaalka uu yahay mid aad culus.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

GAAS oo sheegay inuu hayo caddeynta in Somaliland ay maalgeliso Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo war cusub soo saaray ayaa sii xoojiyay eedeynta loo jeedinayo Somaliland ee ku aadan inay taageerto xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Cabdiweli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in intii uu hayey xilka madaxweynaha Puntland uu uruurinay xogtan, wuxuuna sheegay inuu ku ogaaday in Somaliland maalgeliso Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu hayo caddeyn ku filan arrintaasi, isla-markaana uu la wadaagay dowladda UK balse uu kala kulmay jawaab yaab leh, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasigan oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay dood uu uga qayb-galay barta Twitter Space, wuxuuna tilmaamay in qaddiyadan uu kala hadlay safiirka UK ee Itoobiya, balse uu tilmaamay inuu u muujiyay inuu raalliba ka yahay.

“Waxaan Addis Ababa kula kulmay safiirka UK ee Itoobiya,waxaan ku iri, Somaliland waxa ay maalgelisaa Al-shabaab,caddeyntiina waan heynaa, waxaase uu igu yiri fadlan kor ha u dhihin, xitaa haddii ay jirto” ayuu yiri doodaan ku yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay u muuqato in Al-shabaab iyo Somaliland ay yihiin laba mashruuc hal-meel laga maalgeliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in marar badan uu is-weydiiyay sababta ay Al-Shabaab halis ugu yihiin dalka intiisa kale, marka laga reebo deegaanada Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir uu shaaciyay in amiirka guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, isla-markaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena caruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Caydiid ayaa tilmaamay in sidoo kale sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni, isaga oo carabka ku dhuftay in la rabo in lagu bedalo amiirka xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo ay horey xukuumadda Hargeysa u sheegtay in Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mareykanka oo dalbaday in dunida aysan Soomaaliya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan hoos u dhac ku yimaada gargaarka bini’aadannimo, xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan.

Deeq-bixiyayaasha ayaa Soomaaliya caawinayay tobannaan sano, inkasta oo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin, sida ay sheegeen qaar kamid ah howl-wadeenada gargaarka.

Dalalka deeq-bixiyaasha oo ay wehliyaan dhibaatooyin badan oo dunida ka jira ayaa sidoo kale u baahan taageero bini’aadannimo, taas oo hoos u dhigi karta heerka lacagaha ay Soomaaliya hesho, sida ay sheegeen madaxda howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa weli ah deeq-bixiyaha kaliya ee ugu badan ee bixiya gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya, hase yeeshe xilligaan waxay Ameerikaanku dalbadanayaan in dunida kale aysan ku fiirsan, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Sarkaalkan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ugu deeqday illaa $1.3 bilyan oo gargaar ah tan iyo bartamihii sanadkii 2021-ka.

Waxa uu si cad u sheegay sarkaalkan in Mareykanka uusan dabooli karin kaligiis baahida bini’aadannimo ee Soomaaliya, taasi oo mareysa marxalad si weyn looga deyrinayo.

“Kaligeena ma sameyn karno shaqada intaas le’eg waxaana ugu baaqaynaa dhamaan deeq-bixiyaasha inay kaalintooda ka qaataan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen joogteynta iyo kor u qaadida jawaabta xaaladdahaasi si loo hubiyo in gargaarku uu sii socdo heerarka lagama maarmaanka ah.”

Sarkaalkan ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa uu intaas kusii daray “Mareykanka waa sii wadayaa ka jawaabida xaaladda bini’aadannimo, badbaadinta nolosha iyo ka-hortagga bilowga macluusha iyo dhimashada baahsan.”

Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar ay ku noolaadaan.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay haddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaaladda taagan.

Shariif oo hogaanka u qabtay mucaaradka huursan ee DF kadib tallaabo uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii si xoogan uga horyimid dhaq-dhaqaaqa muddo kororsiyada is-huwan ee ka socda dalka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka socda abaabul iyo mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, kaas oo ay ku doonayaan in muddada xil-haynta labada Aqal looga dhigo Shan sano.

Hadda muddada xil-haynta ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waa Afar sano, sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa dhawaan hal sano loogu ansixiyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Inkasta oo ay midda federaalka adag tahay oo ay u baahan tahay in la helo saddex meelood laba kamid ah labada Aqal si loo bedelo qodob Dastuuri ah, haddana Shariif Sheekh Axmed iyo xisbigiisu waxay ku tilmaameen kalsooni darro haysata madaxda la doortay.

Marka laga reebo Saciid Deni, dhamaan madaxda maamul-goboleedyada ayaa iyaguna sameystay muddo kororsi hal sano ah, taas oo xisbiga si weyn u diiday isaga oo aan kala qaadin.

Waxay ku baaqeen in madaxda ku shaqeeyaan muddada ay haystaan, Dastuurkana ay ilaaliyaan. Wax aan suurtoobi karin ayay ku tilmaameen in qof xafiiska doorasho iyo sanado la isla yaqaano ku yimid in isagu gacantiisa ku bedesho muddada uu fadhinayo kursiga.

Qorshooyinkan socda ayuu xisbiga Himilo Qaran ku tilmaamay kuwa abuuri kara xasillooni daro siyaasadeed iyo qalaalase horleh, sidoo kalena wiiqi kara dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee garwadeenka ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu xisbiga Himilo Qaran ee Shariifku hoggaamiyo waxa uu ku tilmaamay mid loogu gogol xaarayay muddo kororsi heer federaal ah.

Qoraal adag oo xisbigu soo saaray ayaa si weyn loogu diiday tallaabadan dastuur jabinta ah, iyada oo la xasuusto wixii doorashadii ugu dambeysay ka dhacay dalka kadib markii madaxweyne Farmaajo uu isku dayay inuu labo sano ku darsado.

Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in xisbigiisu sidan u hadlo waxay ka dhigan tahay inuu durtaba isagu qaatay hoggaamintii mucaaridka iyo dhinaca kale inay kooxdiisu tahay qolada qura ee si cad u diiday in Dastuurka la jabiyo.

Waxay kasoo baxeen xeyndaabka mucaaridka huursan, waxayna berri heli karaan waddo ay wax badan ku diidaan, dadkuna ugu garaaban.

R/W Xamza oo Midowga Yurub ka helay ballan-qaad muhiim u ah dagaalka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaamiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligaan.

Mudane Xamza ayaa si gaar ah u tilmaamay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee kooxdaasi ka curyaamisay.

Ms Tiina ayaa ra’iisul wasaaraha u xaqiijisay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhan ka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

HirShabeelle oo si carro leh uga hadashay weerarkii ka dhacay degmada C/casiis

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku billowday ee ay Al-Shabaab shalay ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidanka Macawiisleyda.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaciyay in dagaalkaas lagu dilay 10 ka mid ahaa ciidanka Macawiisley ee horay ugu soo dhaawacmay dagaalka Hiiraan, wuxuuna intaasi ku daray in dadka la dilay uu ku jiray dhaqtarkii gaarka ahaa ee baxnaaninayay dhaawacyadaasi.

Karoore ayaa sidoo kale xusay in weerarkaan uu ahaa mid aargudasho ah oo ay Al-Shabaab uga jawaabeyso jabkii loogu geystay gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa niman looga adkaaday dagaalkii furinta ahaa marka aarsi iyo cadowtinimo ayey ku jiraan, marka waxa ay rabaan inay dadka xanuunjiyaan,” ayuu yiri Wasiir Karoore.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dayac amni lagu sameeyay dadkaasi, isaga oo sababta ku sheegay in reer Hiiraan aysan wa metalaad ah ku laheyn gobolka Banaadir.

“Waa qorshe ay maleegeen oo ay ku guuleysteen, Gobolka Banaadir haddii ay tahay amnigii iyo talooyinka kaleba dadka deegaankaas kasoo jeedaa wax metelaad ah kuma lahan,” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxaana fuliyay afar nin oo la toogtay, ayada oo mid kale oo shanaad uu isku qarxiyay afaafka hore ee guriga la weeraray.

Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda shaacisay in dagaalka lagu dilay 10 qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 7 kale oo ay afar ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka amniga.

Si kastaba,, weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana ay dowladda Soomaaliya ay guullo ka gaartay howlgallada ka socda gobollada, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab, oo dhankeeda iyaduna haatan culeys soo saartay gudaha magaalada Muqdisho.

DF oo shaacisay tirada dagaal-yahano isku soo dhiibay iyo kuwo dhaawac lagu qabtay

0

Shabeelow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhiibtay ciidanka, kadib dagaal culus oo 10 saacadood ka socday koonfurta gobolka Mudug.

Nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidanka, iyagoo nabad qaba.

“Waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa 14 xubnood, kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka sababay in Shabaab-kaan ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab.

Ugu yaraan 80 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalkaas, sida ay shaacisay dowladdu, waxaana kooxda laga qabsaday deegaankii lagu dagaalamay ee Shabeelow oo u dhow degaanka Bacaadweyn oo horay looga xoreeyey kooxda.

Ciidanka xoogga dalka ee Danab, daraawiishta Galmudug, ciidan is abaabulay oo dadka deegaanka ah iyo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa weerarkaas ku qaaday Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay waa la hareereeyey kooxda, kadibna halkaas ayaa lagu laayey.

Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay inay jiraan xubno nolosha lagu qabtay, iyagoo dhaawac ah oo dagaalamaya “Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaanqdhaawacyo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay DF.

Dhinaca kale, dagaal ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay inay iska dilaan ugu yaraan 14 dagaalame, kadib markii ay ka war-heleen in rag badan ay qorsheysteen inay ka soo goostaan Al-Shabaab oo isku dhiibaan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Xarardheere ayaa shaaciyay in dagaal xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow Xarardheere.

Waxa uu sheegay in xubnahaas uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Xarardheere kadib markii 10 xubnood oo kamid ah ay rabeen inay isku soo dhiibaan dowladda, halka kuwa kale ay kasoo horjeedeen go’aankaasi, taasi oo keentay in ay is rasaaseeyan.

“Shalay ugu dambeysay halkan ayay ku dirireen meel aan aad nooga dheereyn, waxaa isoo gaartay in 14 iska dileen. 10 ayaa soo fakatay waa laga daba yimid, tobankiiba waa la dilay oo iyaguna afar ayay dileen dhowr iyo toban kalena wey dhaawaceen,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa rag la yaqaano oo xataa la iisheegay meelihii markii hore ka imaadeen magacyadooda, taasi waxay muujineysa Shabaab jabka iyo niyad xumada ku dhacday.”

Xisbiga Waddani oo Biixi ku eedeeyey arrin xasaasi ah oo ku saabsan Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi in ay leedahay hab dhaqankii dowladii kacaanka, maadaama ay Somaliland rasaas uga jawaabtay mudaharaadkii ka dhacay Laascaanood.

Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Laascaanood aysan sabab la’aan u kicin, balse ay ku qasabtay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiye Muuse Biixi.

“Hab dhaqankii Siyaad Barre in aanu dhimanin waxa kamid ah dagaalka Laascaanood, waa dagaal sokeeye oo ka dhaxeeya Somaliland gudaheeda, maaha dagaal sabab la’aan u dhacay, 32 sanno oo Somaliland jirtay dadka reer Sool qalbigooda way hanan kari wayday,” ayuu yiri Xoghaye Khadar.

Waxa uu intaas kusii daray “Mudaharaadkii Siyaad Barre waxa ku dhintay arday iyo macalin, maalin kali ah ayay 7 qof ku dhimatay, su’aasha markaa aad is waydiinaysa waxay tahay xuska maalintani macno noocee ah ayuu kuu samaynaya, dhaqankii aad maalintaa diiday haduu wali jiro.”

Xoghayaha Waddani ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Somaliland in anay u cadaalad falin dadka reer Sool, oo nidaamka wax qaybsiga maammulka ay cadaalad ka waayeen, ayada oo sidaas ay tahay xukuumadda Muuse Biixi wax garowshiyo ah muujin wayday, sida uu sheegay.

“Waxaa la fulin waayay heshiisyadii ay xukuumaddii Siilaanyo la gashay Khaatumo oo waxa dhagaha laga fureystay AUN Cali Khaliif Galaydh mudadii uu Hargeysa ku sugna illaa oo uu ka geeriyooday,” ayuu yiri Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ay ku fashilantay in nabad-gelyo ay siiso dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, kuwaasi oo kacay markii haldoor-koodii la dilay, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad, ayada oo ay fashilmeen dadaallo xal looga gaarayay xiisadda taagan, wuxuuna dagaalkaan sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur xooggan oo gaaray magaalada.

Sacuudiga oo $1 bilyan ugu deeqay dowladda YEMEN

0

Riyad (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan Talaadadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari ah iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.

Riyadh ayaa hoggaamineysa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta xulafada la ah Iran tan iyo 2015 kadib markii Xuutiyiintu ay ka saareen caasimadda Sanca dowladda uu Sacuudiga taageero.

Colaadda ayaa hakatay, iyada oo ay jirto nabad la’aan, maadaama dagaalku inta badan joogsaday, balse labada dhinacba waxay ku guul-darreysteen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad-joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo dhacay bishii Oktoobar.

Ilaa hadda ma cadda in 1 bilyan oo doollar ay qayb ka ahayd xirmo taageero ah oo 3 bilyan oo doollar ah oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta u ballan-qaadeen bishii May ee lasoo dhaafay dhaqaalaha Yemen.

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay koonfurta ayaa la arkayay in dhaqaalaheeda guud uu sii xumaanayo kadib markii xarakada Xuutiyiinta ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada halkaas ku yaala kuwaas oo caqabad ku noqday dhoofinta shidaalka oo ah isha dakhli ee muhiimka ah.

Bishii Nofembar, Sanduuqa Lacagta Carbeed ayaa saxiixay heshiis $ 1 bilyan ah oo lagu taageerayo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Yemen.

VOA

Maxay ka dhigan tahay booqashada madaxweyne Biden ee caasimada Ukraine?

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah Isniintii ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky kuna sugan Madaxtooyada Mariinsky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad kahor la qabay ee aheyd in ciidamada duulaanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasimadda Ukraine.

“Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan tahay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tahay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay. Dadka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhinac taagan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay booqashada madaxweyne Biden ee caasimada Ukraine ee Kyiv?

Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Yurub, degenna UK oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in booqashada Biden ee caasimada dalka Ukraine ee Kyiv ay muujineyso in Mareykanka uu taageero 100% la garab taagan yahay Ukraine.

“Mareykanka ballan-qaadyada u sameeyay Ukraine ayaa waxa kamid ah in dhinac walba ka taageeri doonaan hadey noqoto hubka iyo dhanka dhaqaalaha. booqashada Biden macno badan ayay u sameynaysaa shacabka iyo dowladda Ukraine,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in booqashada Biden ee Kyiv ay kusoo aaday xilli uu Ruushka qorsheynayo in uu qaado guluf culus oo ka dhan ah Ukraine, si uu wax weyn uga bedelo dagaalkan dabada dheeraadaay.

“Waxay uga dhigan tahay madaxweynaha Kyiv iyo shacabkiisa in ay kor u kacday rejadooda dagaalka ayna ka mooral fiican yihiin markii uu billowday dagaalkaasi. Maalinta uu bilaabanayay maanta ayay ka niyad fiican yihiin.”

“Cidda kaliya ee Ruushka isku taagi karta dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan waa Mareykanka, wax wey ayay uga dhigan Ukraine oo wax ayay ka bedeli doonta jihada dagaalka.”

Maxamed Nuur ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dagaalkan uu muddo dheer sii socon doono, maadama dhinaca kale oo ah Ukraine ay taageero ka helayso Mareykanka oo si weyn isku hayaan Ruushka.

“Waxa aad mooda in dagaalkan u noqon doono mid sii soconaya oo adduunkana uu iskala qeybsan doono. Habka aan u jeedo iyo qaabka la iskugu diyaar garoobayo labada dhinaca waa sii soconaya sanadahan dagaalkaasi.”

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli cod-bixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.

Al-Shabab kills ten civilians in Mogadishu house attack

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Ten civilians were killed, and three others wounded on Tuesday when Al-Shabab fighters attacked a house in the northern Abdiaziz district of Somalia’s capital, Mogadishu.  

During the attack, the Somali government confirmed that security forces rescued and extracted many civilians from the targeted house and nearby buildings.  

The extremist group Al-Shabab, connected to Al-Qaeda, claimed responsibility for the raid, which reportedly involved using explosives to blast the main gate of the building before the attack. 

A soldier who witnessed the scene said that the militants turned to attack houses occupied by civilians after they were defeated on the frontlines. 

Although the Somali army and local clan militias have retaken chunks of territory from Al-Shabab in recent months with the help of US air strikes and an African Union force known as ATMIS, the group still controls parts of the countryside, from where they have carried out numerous retaliatory attacks in Somalia and neighboring countries.  

In the past, Al-Shabab frequently retaliated against military offensives with bloody strikes. In the deadliest attack, since the latest offensive began last year, the group killed 121 people in two car bomb explosions at the education ministry in Mogadishu in October. 

During Tuesday’s attack, Al-Shabab militants targeted a series of compounds in the Abdiaziz district of Mogadishu.  

One of the homes was being used to house wounded Ma’awisley fighters, who had been battling Al-Shabab for months alongside government security forces, while the neighboring property belonged to the Deputy Speaker of the Upper House, Ali Sha’ban Ibrahim.  

General Garabey’s residential home, which played an essential role in the recent offensives in the Hiiraan region, was also targeted by the militants.

The Somali government’s Ministry of Information confirmed that all four Al-Shabab militants were killed during the raid, which started with a suicide blast at the compound’s gates on Tuesday afternoon.  

The ministry added that the attack on a residential neighborhood in Mogadishu is a sign of Al-Shabab’s growing desperation amidst the group’s battlefield losses in south and central Somalia. 

The attack is a shift in tactics from the Al-Qaeda-linked militant insurgency group, which was previously known for staging attacks on hotels and government offices. 

Since Somalia declared a ‘total war’ on Al-Shabab in mid-2022, the government has been supported by local clan militias, making the offensive the most successful in a decade.  

The offensive has enabled the Somali government to reclaim several towns and villages and secure road networks that the militants had long cut off.

Putin suspends START nuclear pact, raises tensions

Warsaw (Caasimada Online) – The Ukraine crisis continues to be a point of contention between the United States and Russia, with recent speeches from President Joe Biden and President Vladimir Putin revealing vastly different perspectives on the ongoing conflict.

While Putin has accused the West of escalating the war into a global conflict, Biden has vowed to stand by Ukraine and protect its sovereignty.

The Ukraine crisis began in 2014 when Russian troops annexed the Crimean peninsula from Ukraine. Since then, fighting has erupted in the eastern provinces of Donetsk and Luhansk, with Ukrainian forces facing off against Russian-backed separatists.

The conflict has displaced millions of people and left Ukrainian cities, towns, and villages in ruins. According to the U.N. human rights office, more than 8,000 civilians have been killed, and thousands more are presumed to have died.

While Russia still controls roughly a fifth of Ukraine, the country has suffered three significant battlefield losses in the past year. However, Putin has made it clear that he sees the conflict as a vital interest of Russia and has warned the West against interfering.

Biden’s speech in Warsaw

President Biden’s speech at the Royal Castle of Warsaw emphasized the importance of standing by Ukraine and upholding democracy.

He stated that the invasion of Ukraine was a test for the ages, not just for Ukraine but for the entire world. He said that the United States and its NATO allies took action to defend sovereignty, protect people from aggression, and uphold democracy.

Biden also made it clear that the U.S. support for Ukraine would remain steadfast and that NATO would remain united. He rejected Putin’s claim that Western allies were attempting to control or destroy Russia through their support of Ukraine but did accuse Russia of crimes against humanity, such as targeting civilians and rape.

Putin’s speech to Russian Elite

In a speech to Russia’s military and political elite, Putin accused the United States of escalating the war into a global conflict and announced the suspension of Russia’s participation in the New START (Strategic Arms Reduction Treaty).

Putin also indicated that he would use nuclear weapons to defend Russia if needed and announced that he had signed a decree to put new ground-based strategic systems on combat duty a week prior.

While the foreign ministry clarified that Moscow would still abide by the restrictions outlined in the treaty regarding the number of deployed warheads, the move was met with criticism from U.S. Secretary of State Antony Blinken, who called it “deeply unfortunate and irresponsible.”

NATO Secretary-General Jens Stoltenberg also expressed concern, stating that it made the world more dangerous and urged Putin to reconsider.

China’s U.N. Ambassador Zhang Jun also expressed concern, noting that a nuclear war could not be won and should never be fought and that the parties concerned should continue negotiating to find a solution.

The future of the conflict

The future remains uncertain as tensions continue to rise between Ukraine and Russia. While the United States has pledged its support to Ukraine and promised to defend democracy, Russia has made it clear that it sees the conflict as a vital interest and has warned the West against interfering.

Reports from the Ukrainian Armed Forces General Staff on Tuesday night indicated that 18 towns and villages near Bakhmut had come under fire. Russian forces had shelled the contested city of Marinka and nearby Vodiane and Nevelske.

Russian fire also hit several towns and villages further west in the Zaporizhzhia region, including the contested cities of Hulyaipole and Orikhiv. However, reports of battlefield events have not been independently verified by Reuters.

The conflict in Ukraine remains a major point of contention between the United States and Russia. While the situation is tense and uncertain, both sides have made it clear that they will stand by their positions and protect their interests.

Somali Football Federation under threat of FIFA suspension

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali Football Federation (SFF) has been embroiled in a crisis that could potentially lead to an international suspension from FIFA. 

The crisis began in 2022 when the then-president of the SFF, Abdigani Said Arab, was accused of abusing his authority during an extraordinary congress and was subsequently removed from his position. 

Ali Abdi Mohamed (Shiino), the first vice-president, was appointed caretaker president. However, disputes intensified, with Shiino facing multiple accusations.

SFF election controversies

Shiino was tasked with overseeing a free and fair election, but he was accused of running an opaque election. 

A select committee was formed to organize the election, with Shiino and Hassan Wish running for the presidency. However, delegates supporting Wish were disqualified, leading to the election committee’s disarray and prompting government intervention.

Wish blamed Shiino for undermining his candidacy and accused him of being the mastermind behind the committee’s unfavorable announcements. Shiino denied the allegations and stated that he adhered to the decision made by the election committee and congress. 

Several amendments were made during the preparations for the election, including expanding the congress membership that elects the federation president, which angered an SFF faction, questioning the legality of the move and the intentions behind it. 

Ali Barre, a member of the congress, accused Shiino of adding more than a dozen members to the congress.

The Ministry of Sports mediates

Members supporting Wish filed a complaint with the Ministry of Sports after being told they did not meet the eligibility requirements for the election, leading to the ministry suspending the election scheduled for early February. 

The Ministry of Sports, in collaboration with football stakeholders, including former football players, has initiated mediation efforts to reach a common ground. 

During a recent open discussion, the Minister of Sports, Mohamed Barre, clarified that sports policy falls under his ministry’s jurisdiction, giving him the right to mediate and intervene if any irregularities arise reasonably.

FIFA suspension looms

Despite the ongoing reconciliation efforts, football expert Hussein Abkow warned the Minister of Sports not to interfere in football matters, citing the possibility that FIFA may decide to ban Somalia from international football. 

If the situation remains chaotic and wrangles continue within SFF, the country may face a ban from FIFA, hampering its soccer growth. 

This is especially true as the country celebrated its recent victory in the East African Under 17 tournament, a first in its football history.

Mediation to end the stalemate

Former Somalia midfielder Hassan Karanle, one of the figures mediating to end of the stalemate, remains optimistic about the ongoing reconciliation efforts. 

He emphasizes the need for all parties to come together, compromise, resolve their differences, and hold free, fair, and transparent elections. Only through this can the sport save football in the country, which is now gaining momentum and may collapse if friction continues.

Somalia’s national team has made significant progress in recent years. The victory in the East African Under 17 tournament is a testament to this growth. However, the ongoing crisis threatens to undo all the gains made in the sport. 

A ban from FIFA would impact the national team and have significant ramifications for the country’s domestic leagues and grassroots football development.

Institutions must uphold the rule of law

The crisis in the SFF serves as a reminder of the need for institutions to uphold the rule of law and adhere to legal processes. 

The allegations of impropriety in the SFF’s election highlight the need for transparency and accountability in all processes. Without these, the credibility of institutions and the public’s trust are eroded, leading to instability and crises such as the one currently being witnessed in the SFF. 

The Ministry of Sports and the SFF must work together to ensure that the ongoing crisis is resolved amicably and that free and fair elections are held. This will allow the sport to thrive and serve as a beacon of hope to the country’s citizens, who have longed for stability and normalcy.

Sawirro: DF oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee guriga Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la toogtay, waxaana shan ku ahaa ninkii is-qarxiyey ee bilaabay weerarka, sida ku cad qoraalkaan ka soo baxay dowladda.

Guriga la weeraray waxaa deganaa oo lagu dabiibayey ciidankii macawiisleyda Hiiraan ee ku soo dhaawacmay dagaallada, waxayna laga dilay oo weerarkaan uu galaaftay 10 nin, halka seddax kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in guriga la weeraray ay deganaayeen dad shacab ah, isla markaana ciidankii badbaadinayey dadkaas ee weerarka soo afjaray ay ka dhaawacmeen shan askari.

Hoos ka akhriso bayaanka dowlada oo dhameystiran:

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjari lahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa. Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan, waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday. Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

-Dhammad-

Al-Shabaab oo iska dilay xubno badan kadib dagaal ka dhex-qarxay (Faah-faahin)

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Xarardheere ayaa shaaciyay in dagaal xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in xubnahaas uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Xarardheere kadib markii 10 xubnood oo kamid ah ay rabeen inay isku soo dhiibaan dowladda, halka kuwa kale ay kasoo horjeedeen go’aankaasi, taasi oo keentay in ay is rasaaseeyan.

“Shalay ugu dambeysay halkan ayay ku dirireen meel aan aad nooga dheereyn, waxaa isoo gaartay in 14 iska dileen. 10 ayaa soo fakatay waa laga daba yimid, tobankiiba waa la dilay oo iyaguna afar ayay dileen dhowr iyo toban kalena wey dhaawaceen,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa rag la yaqaano oo xataa la iisheegay meelihii markii hore ka imaadeen magacyadooda, taasi waxay muujineysa Shabaab jabka iyo niyad xumada ku dhacday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab badankooda lagu qasbay dagaalka, oo aysan raali ka aheyn, “Niman ayaa noo soo galay oo noo warbixiyay waxay yiraahdeen inta dagaalka diyaarka u ah iyo inta la qasbayo waxaa badan inta la qasbayo. Shan nin haddii ay meel yar gaadheyso qoryaha waa laga dhigaya oo laba nin oo qori wata ayaa geesaha laga raacinaya.”

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in dad sidaas loo qasbayo aysan muddo badan dagaalami karin, isaga oo tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Xarardheere ay awood u leeyihiin inay difaacaan deegaanka, ayna xoreeyaan kuwa kale ee weli ku jira gacanta kooxda.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in si deg deg ah u xasiliyaan deegaanada ay ciidamadu qabtaan, si ay hore uga sii socdaan, islamarkaana ay lagama maarman tahay in la helo Boolis kala wareega deegaanadaasi, si howl-galka uu hore ugu sii socdo.

Sabtii unbay aheyd markii kooxda Al-Shabaab ayaa toogatay 6-xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii laga shakiyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, lixda dagaalame ee la toogtay Sabtidii waxay ku tashadeen inay kooxda ka goostaan, laakiin waxaa ka war helay amiiradooda oo tallaabo deg deg ah ka qaaday.

Lixda xubnood waxaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana lagu hor dilay raggii ay horay uga tirsanaayeen oo ay ka soo goosa rabeen, si ayaguna ay ugu quus qaataan. Toogashadaas ayaa ka dhacday tuulo lagu magacaabo Wadaariq oo hoostagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay maamulaan.