25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee dhaarinta xildhibanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacayesa munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo soo martay is jiid jiid dheer iyo murano soo kala dhexgalay guddiga FEIT iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay isugu tegi doonaan xildhibaanada cusub.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala Dugsiga Tababarka Booliska Janaral Kaahiye illaa iyo Afisyooni oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Illaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 200 oo xildhibaan, kuwaas oo si wadajir ah loogu dhaarinayo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa xal laga gaaray tabashadii Koonfur Galbeed, kadib markii guddiga FEIT uu fasaxay kuraastii laga hakiyey maamulkaasi, waxaana xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ay qayb ka noqon doonaan dhaarinta.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo FEIT oo garab ka helaya Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay qabashada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhameystirka doorashooyinkanSoomaaliya oo marar badan dib u dhacday, taas oo qaadatay muddo ka badan sanad dheeraad.

TOOS: Munaasabadda dhaarinta xildhibaannada oo ka socota Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal, taas oo muddo dheer soo jiitameysay, kadib khilaafaad ka dhashay hannaanka doorashada.

Ugu horreyn waxaa la yeeriyey magacyada xildhibaanada, iyada oo kadib la guda-galay dhaarinta xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dhaarinta ayaa wanaagsan ku socota, iyada oo koox koox loogu yeerayo xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ah mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doonaan madasha.

Munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhammeystirka doorashada, waxaana qayb ka ah xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed, kadib xal laga gaaray khilaafkii taagnaa.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, waxaana ugu horreysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha.

Daawo: Go’aan rasmi ah oo laga soo saaray kuraastii laga xayiray Koonfur Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay.

Sidoo kale guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda. 

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed ay toos u tegi doonaan Muqdisho iyo goobta dhaarinta, kadib markii ay qaataan shahaadooyinka xubinimada,” ayaa lagu yiri warbixintii guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in markii ay maanta Baydhaba tageen ay bilaabeen maaritaanka hanaankii lagu soo doortay labada kursi ee caawa ay fasaxeen, sidoo kalena kursiga kale ay go’aamiyeen in doorashadiisa lagu noqdo.

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka oo guddoomiye Muuse Gelle uu hoggaaminayo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tegay xal u helida khilaafkii ka dhashay natiijada kuraastaas.

Hoos ka daawo 

Guddoonka baarlamaankii dhacay oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka baarlamaankii 11-aad, Cabdikariim Cabdi Buux ayaa caawa soo saaray fariin war-gelin ah oo ku socota xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Fariintaan ayaa xildhibaanada loogu sheegay inay 9:30 AM oo barqanimo isugu yimaadaan dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

“Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa  akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo.”

Xildhibaanada ayaa lagu war-geliyey in halkaas basas looga qaadayo, si loo geeyo teendhada Afisyooni oo dhaarintu ay ka dhaceyso, sidoo kale gaadiidka iyo ilaalada ayaa loo sheegay xildhibaanada inay uga taganayaan gudaha Jeneraal Kaahiye.

“Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso. Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye,” ayaa lagu yiri war-gelintaan.

Sidoo kale xildhibaanada degan gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa lagu war-geliyey in saacadaas ay yimaadaan saldhiga garoonka, halkaas oo ayagana loogu diyaariyey gaadiidkii qaadi lahaa oo lagu geyn lahaa xarunta ay dhaarintu ka dhaceyso ee Afisyooni.

Khamiista berri oo ku beegan 14-ka bisha ayaa loo balansan yahay dhaarinta xildhibaanada cusub ee dowladda federaalka, waxaana xusid mudan in weli aysan Muqdisho imaan xubnihii laga soo doortay Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku maqan khilaaf ka dhashay seddax kursi oo natiijadooda la diiday.

Sidoo kale waxaan weli shahaadooyinkii xubinimada qaadan xubnaha sida weyn u taageersan Fahad Yaasiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Khadiija Diiriye, Yaasiin Farey, Cabdullahi Kullane iyo xubno kale, waxayna ku gorgortamayaan in loo fasaxo kursiga Fahad Yaasiin.

Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka HIIRAAN oo caawa la dilay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Allaha ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiyihii hore ee waxbarashada maamulka gobolka Hiiraan Cusmaan Caato.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Dhagaxjebis ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii bistooladaha ku hubeysneed ee dishay guddoomiyaha.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa caawa xaafado badan oo ka tirsan magaalada ka bilaabay howlgallo lagu baacsanayo kooxdii dilka geysatay.

Allaha u naxariistee Cusmaan Caato ayaa seddax bilood ka hor laga qaaday xilkii guddoomiyaha waxbarashada ee maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale dadka yaqaanay Cusmaan waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin aqoonyahan ah oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, waxayna mudooyinkaan dadka reer Beledweyne dareemayaan amni darro xoog leh.

Maxaa sabab u ah go’aanka xildhibaanada kutlada NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada diiday inay shahaadaqaataan kuma koobna kaliya kuwa maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ka hor-istaagay madaxweyne goboleedkooda Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxaa jira xildhibaanno kale oo si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, waxaana xildhibaanadaas ka mid ah kuwa loo yaqaan kutlada NISA, oo horey u ahaa saraakiil ka tirsan sirdoonka balse hadda isu rogay xildhibaano. 

Xildhibaanadaas ayaa waxaa ugu caansan taliyaha NISA eek u-meel gaarka ah Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaanno Kulane Jiis, iyo saraakiil kale oo xilal hoose haya.

Haddaba maxaa sabab u ah go’aankooda? 

Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA kana faallooda arrimaha amniga, ayaa sheegay in arintaas siyaabo kala duwan loo fasiran karo, balse tan ugu weyn ee laga eegi karo ay tahay ina la duubteen Fahad Yaasin oo sida uu sheegay gacan weyn ku lahaa inay baarlamaanka ka mid noqdaan. 

“Maaddaama isagu uu sababta ugu weyn ee xildhibaannimadooda lahaa, haddii ay noqoto kharash, garab iyo soo xulistoodaba, waa wax la filan karo inay la xanaaqsanaadaan amaba la xannibnaadaan, lagana yaababa inaysan xor u ahayn inay shahaadada qataaan,” ayuu yiri. 

Tirada xildhibaannada cusub ee NISA ka tirsan ayaa lagu qiyaasaa 20, waxaase jira kuwo aanan muuqan oo aan la aqoon. 

Xildhibaannadan ma aysan ka hadlin arrintan, mar aan isku daynay inaan la xiriirnana nooma aysna suurtogelin. 

Go’aankooda ma mid la mahdiyaa?

In xildhibaanada aysan shahaadada qaadan waxay ka dhigan tahay taageero ka maqan madaxweyne Farmaajo, haddii go’aankoodu sii socdo illaa doorashada, waxaana codkodoa weyn kara shaqsiyaadka u ordaya guddoonka baarlamanka ee raacsan Villa Somalia, ama madaxweyne Farmaajo haddii go’aanku sii fogaado. 

Si kastaba, saameynta maqnaanshaha codkooda ayaa waxaa hoos u dhigay xildhibaanada maqan ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo sida muuqata la’aantood aanay doorasho ka dhici doonin xarunta baarlamanka.

Si kastaba, haddii xildhibaanada Koonfur Galbeed lasoo xiro geliyo, laguna sii dhegnaado Fahad, waxaa kutlada NISA qabsan doonta laba darran mid dooro oo ah; inay Fahad soo cidleeyaan ama in codkooda qiimo beelo.

Jubaland oo James Swan u gudbisay go’aan ku aadan doorashada Garbahaarey

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa shirka sido kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee matala Gobolka Gedo, Waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira masiirka 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanka uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo guul sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirka ka qeybgashay, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in James Swan uu ku cadaadiyey maamulka Jubaland in xal deg deg ah laga gaaro doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey, si loo dhameystiro hanaanka doorashada Soomaaliya.

Si kastaba, xubnaha ka socday Maamulka Jubaland ayaa lagu warramay inay u sheegeen in Wakiilka QM in aan degmada Garbahaareey doorasho lagu qaban karin balse uu u sheegay in hal dhinac uusan go’aan ka gaari karin.

16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa kamid noqday caqabadaha heysta doorashooyinka, iyada oo Beesha Caalamka ay Maamulka Jubaland iyo Villa Somalia ku cadaadinayaan inay xal ka gaaraan.

Madaxweynaa Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan cadeeyey in aysan macquul ahayn doonista qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka oo raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo ay kala qeybsadaan xildhibaanada kasoo baxaya gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan, isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Ma cadda sida ay arrintan ku dhammaan doonto ayada oo la filayo in berri la dhaaro xildhibaanada cusub ee baarlamanka.

Wararkii ugu dambeeyay dacwadda Fahad Yaasiin iyo garyaqaanka guud ee DF oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa goordhoweyd soo saaray qoraal uu Maxkamadda sare kaga dalbanayo in loo kordhiyo mudada laga sugayo jawaab celintii ku aadaneyd dacwadii uu gudbiyay Fahad Yaasiin.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa sheegay in weli ay u baahan yihiin waqti dheeri ah, ayada oo shalay maxkamaddu ay ugu dartay hal maalin oo dheeri ah oo ku eeka maanta oo ah 13-ka April ee 2022-ka.

“Mudane Guddoomiye waxaa si xushmad leh kuugu wargelinayaa in aan u dirnay Warqadaha sumadeedu tahay XGG/072/2022 ee 10/04/2022 Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aan uga codsanay inuu sida ugu dhaqsida badan noogu soo gudbiyaan cadaymaha looga baahan yahay si looga difaaco dacwada loo haysto,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda.

Warqada oo uu ku saxiixna Garyaqaanka guud ee dowladda, Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa waxaa Guddoomiyaha maxkamadda sare looga codsaday in markale uu waqti ugu daro jawaab-celinta laga sugayo, xili uu guddiga FEIT ku mashquulsan yahay diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada.

Qoraalkan ayaa daba socda warqad shalay ay soo saartay Maxkamadda Sare, taasi oo xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda looga dalbanayay in uu maanta keeno jawaab-celinta dacwada uu soo gudbiyay Fahad Yaasiin oo kursigiisa muran badan ku gadaaman yahay.

“Maxkamadda Sare ee dalka iyada oo tixraacaysa warqadda sumadoodu kala yihiin XGG/073/2022 iyo XGG/072/2022 ee ku taariikhaysan 10/04/2022 waxay hal maalin dib u dhigtay jawaab celintii lagu sugayay xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shalay maxkmadda sare.

Si kastaba, dacwada uu gudbiyay Fahad oo aheyd isku-deygii u dambeeyay ee u qaado si loogu fasaxo kursigiisa ayaa u muuqda in uu gaabis weyn wajahayo, ayada oo sida muuqata ay ka cago-jiidayaan guddiga doorashooyinka heer federaal oo ayagu hore ugu dhaganaa kursigaas.

JACFAR ma ka tanaasuli doonaa dhul-boobka marka berri la dhaariyo kadib?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada la filayo in berri Muqdisho lagu dhaariyo waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jafcar oo wajahaya eedeymo culus oo ku aadan dhul boob uu ka sameeyey degmada. 

Waxaa su’aal ay ka taagan tahay sababta guddiga doorashada u doortay in qof ku eedeysan dhul boob dadweyne ay siiyaan shahaado ayaga kuraas badan u xayiray eedeymo intaas aad uga yar.

Qaar ka mid ah shacabka degmada Dayniile dhulka ku leh ayaa horey u sheegay in dhul ay leeyihiin uu burburiyey guddoomiye Jacfar, isaga oo ku doodaya inuu ka dhigo garoon diyaaradeed, oo ay la ogtahay dowladda.

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa marar badan iska fogeysay arrinta uu sheegayo Jacfar, waxaana sheegashada garoonka loo arkay mid lagu xalaaleysanayo dhulka shacabka.

Dhulkan ayaa waxaa leh shacab badan oo ka kala tirsan qabaa’ilo kale duwan, waxaase u badan dad kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, kuwaas oo soo bandhigay dukomuntiyo ay ku cadeynayaan in dhulkaas ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan.

Shacabka ayaa sheegay guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jafcar inuu xoog uga qaatay dhulkaasi, kadibna uu falay isaga oo sheegay inuu ku darayo dhismaha garoonka.

Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban.

Haddii Jacfar berri la dhaariyo oo uu noqdo xildhibaan rasmi ah, waxaa su’aal ay ka taagan tahay inuu ka tanaasuli doono dhul boobka iyo intaas ay u noqon doonto fursad uu xasaanad ku helo oo uu kusii xoojisto dhul boobka. 

Arrintan waxay sharaf dhac ku tahay dowladda federaalka iyo beesha uu kasoo jeedo Jacfar, oo lagu eedeeyey inay raali ka yihiin inuu dhulkan boobo, inkasta oo magacooda uu si weyn ugu sumcad dilay.

Suurta-gal ma tahay in KURSIGA Fahad Yaasiin lagu daro kuraasta la fasaxayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedeeraal Muuse Geelle iyo xubno la socda ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay, halkaas waxaa jooga 74 mudane oo kamid ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo diidan sida uu guddiga u wajahayo gunaanadka doorashada, gaar ahaan 3 Kursi oo maamulkaan looga dhagay.

Guddiga doorashada waxaa socda cadaadis caalami ah oo la xiriira inay Kuraastaan fasaxaan si aysan doorashada usii daahan.

Muuse Geelle wuxuu u socdaa inay Koonfur Galbeed ka wada hadlaan xalka kuraasta sida uu guddiga xaqiijiyey.

Laba doodood ayaa aad ugu dhow mira dhal, mid waa in saddexda kursi ee maamulkaas la wada fasaxo midna waa in laba kursi la fasaxo kursiga kalana doorashadiisa lagu laabto.

Guddigaan taageero badan kama heysto Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha maamulkaan Cabdicasiis Laftagareen wuxuu dhawaan sheegay in guddigaan laga qaaday madax banaanidii, isagoo xafiiska Ra’iisul Wasaaraa ku eedeeyey inuu xataa akoonadii baraha bulshada ee guddiga la wareegay.

Laftagareen waxaa si weyn cadaadis u saarayo safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, maadaama Ingiriiskaa uu mashaariic badan ka taageero Koonfur Galbeed.

Safarka maanta ee guddoomiyaha guddiga doorashada ee Baydhaba ayaa xubnaha qaar rajo ka muujiyeen, laakiin walaaca qarsoon wuxuu yahay in dhinaca Villa Somalia ku cadaadinayaan Laftagareen in dooda lagu daro Kursiga Fahad Yaasiin.

Kursigaas oo HirShabelle laga soo doortay ayaan wax difaac ah ka heysan maamulkiisa oo weli ku mashquulsan gunaanadka doorashada.

Fahad Yaasiin wuxuu dhawaan dacwad u qortay Maxkamadda Sare ee Dalka isago rabo inay kursigiisa fasaxdo. Maxkamadda waxay qoraal u dirtay garyaqaanka guud ee Dowladda, qoraalkas oo ay ku dalbaneyso jawaab Laba maalin ah, laakiin xafiiska garyaqaankaa guud wuxuu dalbaday waqti dheeri ah, dacwadda oo lasoo dhameystiro iyo inuu wareysto guddiga lasoo eedeeyey.

Sharci yaqaanada waxay sheegayaan in arrintaasi ay muddo qaadan karto. Maadaama uu Fahad Yaasiin dacwad aaday kuraasta hadda la rabo in xal siyaasi ah laga gaaro laguma dari karo ayey ku doodayaan qaar kamid ah sharci yaqaanada.

Guddiga doorashada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay heystaan sabab ay kursigaan dib ugu sii dhigi karaan, maadaama uu kursigaasi aaday dhanka sharciga iyagoo fasixi kara seddexda kale.

Baydhabo waxaa weli ku sugan hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoo Qoor), kaasoo lagu eedeenayo inuu xal u raadinayo kursiga Fahad Yaasiin.

Haddii Koonfur Galbeed loosoo bandhigo xal ku kooban Kuraasteeda ma cadda inay diidi doonto iyadoo Fahad Yaasiin u raadineysa xal, laakiin waxaa qarsooneyn inuu cadaadis ku socdo.

Kursiga ugu dhibka badan ee goobta yaala waa Kursiga Fahad Yaasiin, kaasoo dagaal siyaasadeed dhexda uga jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa way adag tahay in lagu qanciyo inay kursigaan ka fuqaan, walow ay wajahayaan cadaadis caalami ah oo dalbanaya in dhammaan kuraasta la fasaxo iyo in doorashada deg deg lagu soo afjaro.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada xabsiga Hargeysa iyo suxufiyiin horleh oo la xiray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino kala duwan kasoo baxayaan rasaas culus oo goor sii horeysay laga dhex maqlayay gudaha xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Rasaasta oo si weyn looga maqlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa la sheegaya inay ka dhalatay kadib markii qaar ka tirsan maxaabiista xabsiga ay gadoodeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiistaas ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas, taasina ay keentay is-rasaaseyn dhex-mareysa ayaga iyo ilaalada xabsiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ayaa isku hareereeyay dhammaan jidadka kasoo baxa xabsiga dhexe si looga fogaado inay baxsadaan qaar ka tirsan maxaabiista.

Booliska ayaa joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee jidadka u dhow xabsiga dhexe, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa ka socda gudaha xabsiga.

Sidoo kale waxay ciidamada booliska xabsiga dhigeen ku dhawaad lix wariye oo ka tirsan warbaahinta kala duwan ee Somaliland, kuwaasi oo tabin toos ah kaga jiray agagaarka xabsiga ay shaqaaqada ka dhacday.

Xukuumadda ayaa gebi ahaanba warbaahinta madaxa-banaan u diiday inay kasoo ag dhawaato agagaarka xabsiga, si ay u tabiyaan waxa jira, ayada oo telefishanka ku hadla afka dowladda uu yahay ka kaliya ee loo ogol yahay in siday xukuumaddu rabto u tabiyo xaalada halkaas ka taagan.

Amaanka xabsiga weyn ee Hargeysa ayaa hadda si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamada gaarka ah ee RRU-d, ciidamada Booliska iyo Ciidanka asluubta, ayada oo gudaha xabsiga ku jiraan wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Ma jirto maxaabiis ka baxsatay xabsiga illaa hadda inta la ogyahay. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.

Barkhad Batuun oo jawaab ka bixiyey tallaabadii Rooble

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo lacag malaayiin dollar ah u fasaxay xukuumadda Hargeysa, kadib dabkii xooganaa ee dhowaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Ugu horreyn Barkhad Batuun ayaa ku bogaadiyey madaxweyne Muuse Biixi inuu guddoomo lacagtaasi, si loogu gurmado shacabka ay dhibaatada soo gaartay.

“Madaxweyne waad ku mahadsan tahay go’aanka aad qaadatay inaad hantidaas Ummaddan Somaliland u keentay inaad gobanimadaas sameysay inaad siyaasaddii iyo xifaaltankii Soomaaliya naga dhexeeyey meel iska dhigtay,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Sidoo kale wuxuu si ballaaran ugu mahadceliyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu lacagtaasi gaarsiiyey Somaliland.

Xildhibaan Barkhad ayaa shaaca ka qaaday in Rooble uu sameeyey wanaag, isla-markaana ay tahay in loogu mahad-naqo, iyada oo halkeedii ay tahay siyaasaddii la’isku hayey.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro, una mahadceliyo dowladda Soomaaliya ra’iisul wasaaraheeda maalintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliyana naga qaldan yahayna ninka la hadlayey aniga ayuu ahaa maalintii uu wanaag innoo sameeyana waxaan leenahay waad mahadsan tahay ra’iisul wasaare,” ayuu markale ku yiri hadalkiisa xildhibaan Barkhad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay   xiriir toos ah la sameeyeen Muuse Biixi , iyaga oo la wadaagay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dhacdadii suuqa Waaheen, waxaana kadib ra’iisul wasaaraha u diray lacag horey looga xayiray Somaliland oo lagu daray 1 milyan oo ay iska uruuriyeen ganacsatada dalka.

Muuse Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray BAYDHABO + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Muuse Geelle ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan FEIT iyo wasiiro ka mid ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay qayb uga noqon lahaayeen kulamada xal raadinta ah ee ka socda Baydhabo, si looga gun gaaro tabashada ay qabto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha FEIT ayaa ku biiraya dadaallada ka socda halkaasi oo uu hormuudka ka yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Koonfur Galbeed ayaa qaadacday shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Sidoo kale dowlad goboleeda Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey.

Si kastaba, beri oo ku beegan 14-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada Gole oo ay ku adkeysanayaa Rooble iyo guddiga FEIT.

Xog: Maxaa sababay in R/W ROOBLE looga adkaado dooddii kuraasta K/Galbeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afarta kursi ee guddiga doorashada heer federaal uu xayiraadda geliyey ayaa la filayaa in la fasaxo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Waxaa maalmahan socday cadaadis ballaaran oo ay beeshu caalamka ku haysay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, la-taliyeyaashiisa iyo Guddiga Doorashooyinka ee FEIT oo ku aadanaa in si degdeg ah iyo shuruud la’aan loo sii daayo kuraasta la xayiray.

Kuraastan oo uu kamid yahay kursiga ugu hadal-haynta badan ee HOP#086 ee uu kusoo guuleystay Fahad Yaasin Xaaji Daahir, kaasi oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la tuhunsan yahay in hakintooda ay siyaasad ka dambeyso, si gaar ahna kursiga Fahad.  

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in beesha caalamka ay luuqad adag kula hadlaysay dhinacyada Soomaalida, islamarkaana cadaadiska uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku kordhay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka.

Shir muddo sacaado ah ka socday Hotel Decale oo dhexmaray xubno aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, sida wasiirka waxbarashada Injineer Cabdullaahi Carab, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo loo xilsaaray inay kasoo talabixiyaan go’aanka laga gaarayo kuraastan iyo sida looga kug bixi karo cadaadiska Reer Galbeedka.

Cadaadiskan caalamiga ah kadib, Xafiiska Ra’iisul Wasaraaha ayaa go’aansaday in xubno ka tirsan FEIT loo diro maanta magaalada Baydhabo kadibna ay sii daayaan kuraasta xayiran, ayada oo loo muujinayo in xal ka baxsan beesha caalamka la gaaray.

Xubnaha ka tirsan safaaradaha UK, Mareykanka, Midowga iyo Xafiiska QM ee hawshan garwadeenka ah ayaa aaminsan inuu dhaqaaqay tareenka doorashada, xafladda dhaarintana ay waqtigeeda ku dhacayso, ayada oo la filayo in kuraasta la fasaxo galabta illaa caawa ama saacadaha hore ee berri. 

Sawirro: Farmaajo oo xariga ka jaray dhismooyin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajoayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qaybgalay Xuska Sanad Guurada 62aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo shalay oo kale 14-ka April la qabto.

“Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay qoraal caawa lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaankiisa Dhismaha ku bogaadiyay fulinta dhismeyaashan tayada leh, oo ah kuwa ay si isxilqaan ah u dhiseen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu ku booriyay in ay dardargeliyaan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka.”

XOG: Qarashka u baxay munaasabaddii 12-ka April xilli dalka ay macluul ka jirto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadii xuska sanad guuradii 62-aad ee aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd shalay 12-ka April ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku muujiyay awooda ciidan iyo sheyga kaliya ee uu ku guuleystay inay tahay dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo madaxdii ka horeysay ay billaabeen tayeynta iyo dib u dhiska xoogga dalka.

Sida aan xog ku helnay Farmaajo ayaa dabaal dega munaasabadda 12-ka Apriil ku qarash gareeyay lacag dhan saddax milyan dollar xili gobollada dalka qaarkood ay ka jirto macluul baahsan oo dad iyo duunyo saameysay.

Warbixintii ugu danbeysay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in lix milyan muwaadiniin Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo ay ku jiraan 330 caruur qarka u saaran macluul.

Farmaajo ayaa khudbadii uu jeediyay ka turjumaysay ololahiisa murashaxnimo, isagoona isu muujiyay inuu yahay waddani inta kale ee ka fikir duwana aheyn muwaadaniin dalka laxjeclo ka heyn.

Wuxuu kaloo uu khudbadiisa ku sheegay in uu ku guuleystay dhismaha ciidan tayo leh oo dalka difaaci kara, inkastoo uu carabkiisa ka ilaaliyay in madaxweyneyaashii hore ay yihiin kuwii soo bilaabay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed, waxaana la og yahay in madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay kii dowladda Turkiga heshiiska dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed la saxiixday iyo in xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom inuu bixiyay dhulkaasi.

Shantii sano ee u danbeysan ee uu xafiiska fadhiyay Farmaajo waxba kama qaban la dagaalanka argagixisada inay sii kordhiyeen weerarada iyo dilalka mooyee, taas badalkeedna wuxuu ciidamadii qaranka u adeegsaday inuu ku weeraro madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiinta ka fikirka duwan iyo inuu ku burburiyo maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubaland oo xalay qarax lagu weeraray + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay, iyada oo lagu weeraray hoy uu halkaas ka dagan yahay madaxa howlaha Dekedda Kismaayo.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo middi ay tahay Haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ay dhashay, halka uu ku dhaawacmay wiil 14 kale jir ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro qoyska reerka, sida uu shaaciyey  Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane).

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in qaraxa, kadib ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah, isla-markaana ay kusoo qabteen dad koe u dhaafaya 20 ruux.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Wasaaradda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay Talaadadii sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay yimaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka, iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield.

Warka ku saabsan bixitaanka Satterfield ee la filayo, oo ay markii ugu horreysay soo warisay majaladda Foreign Policy, ayaa kusoo beegantay xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Isbeddelka joogtada ah ee Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa ayaa sidoo kale keenaya su’aalo ku saabsan ka go’naanta maamulka Biden ee arrimaha gobolka, gaar ahaan marka ay la tacaaleyso qalalaasaha siyaasadeed ee meelo kale ee dibadda ah, oo ay ugu horreeyaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Satterfield, ah diblomaasi muddo tobannaan sano ah kusoo jiray shaqada diblomaasiyadda ayaa beddelay Jeffrey Feltman, oo ahaa diblamaasi kale oo Maraykan ah oo ruug-caddaa, kas oo shaqada ka tagay dhammaadkii sannadkii hore kadib qiyaastii sagaal bilood oo uu ahaa Egayga Mareykanka ee Geeska Africa.

Voa + Reuters.

Guddiga doorashada FEIT oo wafdi u diraya Baydhaba maanta – Maxaa isbeddalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in subaxa Arbacda maanta ah uu guddi u diri doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo maamulka Koonfur Galbeed. 

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaadacay shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri oo Khamiis ah ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey. 

Waxaa dhowaanahan socday wada-hadallo ay xildhibaano billaabeen oo uu markii dambana kusoo biiray hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse wax natiijo la taaban karo ah kama soo bixin, inkasta oo Qoor Qoor uu weli ku sugan yahay magaalada Baydhaba.

Xubnaha uu guddiga u dirayo Baydhaba ayaa imaneysa ayada Xubnaha Beesha Caalamka ay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraasta la xayiray lagu fasaxo, iyagoo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Ma cadda xubnaha guddiga u dirayo Baydhaba ay horseedi doonto in dib loo dhigo dhaarinta xildhibaanada inta ay xal kasoo helayaan iyo in jadwalka dhaarinta ee 14-ka April lagu socon doono.

Daawo: CC Shakuur oo dalab u diray madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay munaasabadii maanta iyo khudbadii uu ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilay in dhowr qodob oo muhiim ah oo Madaxweynuhu uu iska indha tiray maanta.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa dalab la xariira doorashada Gedo u diray Madaxweyne Farmaajo, wuxuun xusay dhowr qodob oo maanta la gudbooneed in Farmaajo uu khudbadiisa ku soo daro, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha dalka ka jira, doorashooyinka dalka ka socda, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada kuraasta Garbahaarey.

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo marka hore u hambaliyeeyey ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano guracan, wuxuu kula taliyey inay xirfadahooda kor u qaadaan, isagoo dhaliilay hanaankii saraakiisha loo dalacsiinaayey waayihii dambe.

Wuxuu sheegay in maanta uu Farmaajo khudbadiisii ku soo koobay faan iyo qab aan jirin, isagoo ku ehbiyey inuu ka hor wareego doorashada kuraasta gobolka Gedo, si dadkiisu aysan u weyn metelaad ay doorashada uga qeyb galaan.

“Farmaajo hadii uu ilaahey yaqaano waa bil Ramadaan, hadii uu qabyaalad ka fogyahay, ha iska daayo muranka doorashada Gedo, dadkiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo doorashada inay ka qeyb galaan ha ogolaado. Guddiyada doorashada iyo maamulka Jubbaland Garbahaarey ha tagaane ka wareeg,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Walaalow hadaa Soomaali qabyaalad ka waanineysid adigu iska bilaaw oo ogolaaw doorashada Gedo, si aysan uga harin doorashooyinka baarlamaanka, Farmaajo adigey taasi kaa falantaa ee u tanaasul umadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale siyaasigaan ayaa Farmaajo ku dhiliilay in maanta uusan soo hadal qaadin abaarta baahsan ee dalka ka jirta, xilli Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dilaacdo macaluul daran.

Dhanka ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in maanta oo ciidankii qaranka uu ka hor hadlaayey uusan Farmaajo soo hadalqaadin, xilli Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan gudaha Muqdisho, sidoo kale ay gumaadayaan masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo