26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ilhaan oo war kasoo saartay xayiraadda Mareykanka ee madaxda Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka ayaa qoraal xasaasi ah u dirtay maamulka Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateynta saaran.

Ilhaan ayaa ka dalbatay Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012-kii.

“Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Soomaaliya.

Bishii April 13, 2010-kii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada kuraasta HOP#025 iyo HOP#081?

0

Dhuusamateeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay deegaanada maamulkaasi.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga HOP#025 ayaa waxaa isku soo taagay laba musharrax oo kala ah Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile iyo Xasan Cali Cismaan oo mar dambe isaga tanaasulay tartanka.

Jacfar oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa ku guuleystay kursiga HOP#025, wuxuuna helay codad gaaraya 100, sida uu shaaciyey guddiga doorashada.

“Waxaa ka tanaasulay tartanka Xasan Cali Cismaan waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Mohamed Abukar Cali (Jacfar) waxaana ogol ugu codeeyey 100 ergada ah, waxaa maya ku codeeyey 1 ergo ah, wax ka aamusay majiraan. Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#025 Mohamed Abukar Cali (Jacfar) oo helay 100 cod,” ayuu yiri gudiga doorashada Galmudug oo shaaciyey natiijo hordhac ah.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#081 oo ay horey ugu fadhisay Maryan Cariif Qaasim ayaa waxaa kusoo baxday Marwo Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen) oo heshay 71 cod, waxaa iyadana u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabey oo kula tartami laheyd kursiga.

Kuraastan ayaa qayb ka ah doorashaada xubnaha Baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan, iyadoo kadib la dooran doono guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.

Qoor Qoor oo looga digay qorshe uu ka rabo kursiga xildhibaan ee ay isku hayaan Mahad Salaad iyo Cali Yare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga digay in shakhsi gaar ah uu u xiro kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP147.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo xiray Mahad Maxamed Salaad, oo ah Xildhibaanka hadda ku fadhiya kursigaasi.

“Waxaan rabaa xaqiiqo jirto oo run ah inaan ka hadlo, kurisgan #HOP147 maamulkiisa iyo taladiisa waxaa iska leh jufada la yiraahdo bah Ina Xasan, markii hoos loo sii degana jufooyin ka kooban ayaa iska leh maamulkiisa. Ninka la yiraahdo Qoor Qoor oo Madaxweynaha Galmudug ah asagu malahan, mana maamuli karo, shaqana kuma laha,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in 16-kii sano sano ee la soo dhaafay ay kursigaasi isku bedbedelayeen qoyska Maxamuud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad, oo wiil iyo adeerkiis ah.

“Kursiga #HOP147, mar waxaa 8 sano haayay oo ku fadhiyay Maxamuud Salaad Tarabi, muddadaasi uu joogay si kasta haku jooggo waa laga soo gudbay, 8-dii sano ee ku xigtayna waxaan isla ognahay in 4-tii sano ee hore ay niman ganacsato ah ka boobeen dadkii iska lahaa, ayadoo dadka oo dhan ay taagan yihiin oo la leeyahay haloo tartamo ayay habeen madow la guureeyeen, 4-tii sano ee xigtayna markii aan Cadaado tagnay Dowaddii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisii ayaa dhaqaale iyo farsamo, xoog iyo xeeladba ugu qaaday Mahad Maxamed Salaad,” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Waxa kaloo uu yiri “16-kaasi sano kursigaasi sooma dhaafin raaska ama qoyska Maxamuud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad Tarabi, dadka uu kurisga ka dhaxeeyana waxay xaq u leeyihiin inay kurisga u tartamaan, waxay xaq u leeyihiin inay wax doortaan iyo in la doorto. Marka caafimaadka ummadana wuxuu ku jiraa inuu kursiga wareego oo lagu tartamo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Waad ogtihiin kursigan wuxuu ka dhaxeeyaa Babaanshe, Suubiye iyo Ayaanle, bahdaas Ina Xasan la yiraahdo ayuu ka dhaxeeyaa, Cayr kaloo talo iyo tusaale ku leh ayaa jiro oo xaqna u leh inuu ku metelo. Marka kursigaas asaga ah in hebelaa loo xiray, Qoorqooraa xiray iyo Mahad Salaad baa loo xiray la yiraahdo waa dulmi, cid laga yeelanayana iyo cid laga aqbalaayana malaha.”

Suldaan Mahdi ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu iska horkeeno dadka wada dhashay, shakhsi gaar ah oo kursigaasi uu u xirana aysan hadhow ka saari doonin.

“Waxaan rabaa in marka hore Ilaahay laga cabsado, dadkana aan fidno laga dhex abuurin. Madaxweyne Qoorqoor-na waxaan leenahay ganacsataa ii timid iyo hebelaa kursigaasi kula saaxiibay makaa bixinayso eeddiisa. Nin Muslim ah haddaad tahay ummadda ha isku dirin, dan dhaqaalena haka dhex raadinin,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaan Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay inay magacyadooda sheegi doonaan ganacsatada uu sheegay inay kursigaasi u xaglinayaan dhanka Mahad Salaad, haddii aysan ka waan-toobin boobka ay ku hayaan.

“Ganacsatadaasi aan hadda ka hadlaynana haddii ayaga laftigoodu Ilaahay iyo ummaddiisa ka xishoon waayaan, waxay noqon doontaa inaan si toos ah uga hadalno oo magacyadooda Warbaahinta ka sheegno. Waxaan leenahay is qarinta aad is qarinaysaan ka joogga, dhabarkiina muuqdo waa loo jeedaa, waxaan aad ku jirtaana Ilaahay uga baqa. Guud ahaan ummadda kursigaasi iska lehna waxaan leeyahay kursigaasi haloo tartamo oo si cadaalad ah haloogu tartamo,” ayuu sii raaciyay Suldaan Mahdi.

Si kastaba ha-ahaatee Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiga Doorashada Galmudug ay doonayaan inay ka fogaadaan wax kasta oo eedeymo uga imaan kara maamulka kursigaasi, ha yeeshee uu cadaadis ka haysto dhanka Madaxtooyada Galmudug, taas oo liddi ku ah habraacyadii doorasho ee horaan lagu heshiiyay. Kursigan ayaana doorashadiisa la qaban doonnaa Axadda ina soo aaddan.

Imaaraadka Carabta oo soo saaray amar cusub oo la xiriira Soomaaliya (Warbixin)

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan oo ah guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa amray in la xoojiyo howlgallada lagu caawinayo dadka ay abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Sheikh Hamdan uu taleefonka kula hadlay ergada hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya si ay barnaamijyo bani’aadaminimo uga fuliyaan gobollada ay sida darran u saameysay abaarta.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa ergada Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda. 

“Imaaraadka Carabta wax dadaal ah kalama hari doono caawinta dadka u baahan ee Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyadooda iyo noloshooda,” ayuu yiri.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa illaa hadda ah kan kaliya ee gargaarka soo gaarsiiyey dadka ay abaartu saameysay ee Soomaaliya, ayada oo laba goor ay magaalada Muqdisho yimaadeen diyaarado gargaar sida.

Imaaraadka ayaa gargaarka billaabay kadib markii uu sidaas ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ka raali-geliyey sidii ka baxsaneyd nidaamka diblomaasiyadda ee dowladda federaalka ay ula dhaqantay 2018-kii kadib markii ay garoonka Muqdisho kula wareegtay lacag ay leedahay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Rooble ayaa raali-gelintaas kadib tegay dalka Imaaraadka, waxaana wixii markaas ka dambeeyey soo hagaagayey xiriirka labada dal ee walaalaha ah, oo uu ka dhaxeeyo xiriiri taariikhi ah oo ku dhisan ganacsi iyo dano kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Russia iyo Ukraine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in maanta ay telefoonka kula hadlaan Madaxweyne Putin.

Xukuumadda Moscow ayaa dalka Belarus ka bilowday dhoolatus milateri oo ballaaran, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inoo ka xiran dhanka badda.

Isha: BBC

Madaxweyne Cabdi Iley oo diiday in maxkamad la hor-geeyo- Muxuu dalbaday?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa diiday in mar dambe uu hortago maxkamadda gacanta ku haysa kiiska dacwadaha loo heysto.

Cabdi Iley waxaa la xiran xubno kale oo Soomaali ah, kuwaas oo ka hoos shaqeyn jiray mudadii uu joogay xukunka, Talaadadii lasoo dhaafay ayaa looga jeeray xafiiska maxkamadda kiiskooda gacanta ku heysa, balse dhamaantood waxay diideen inay maxkamadda hor-tagaan.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha kale ee Soomaalida ah, waxay ku doodeen in bilihii lasoo dhaafay xabsiyada Itoobiya laga siidaayey dadkii ka soo jeeday qowmiyadaha kale, kuwaas oo qaar ay isku kiis ahaayeen, qaarna ay kasii dembiyo cuslaayeen.

Maxabiista Soomaalida ah ee Madaxweyne Cabdi Iley waxay sheegeen in aysan jirin sabab Soomaalida kaliya xabsiyada loogu sii hayo, iyagoo ku dooday in 17 maxbuus oo qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ka soo kala jeeda xabsiyada laga sii daayey.

Xubnaha dambiyada waaweyn loo haystay ee ay dowladda dhexe ee Itoobiya sii deysay uu Cabdi soo xigtay waxaa ka mid ah Sibhat Neggaa oo ah aas-aasaha iyo maskaxda fallaagada Tigrayga ee TPLF iyo xubno kale oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega.

Waxaa la sheegay in Cabdi Iley uu codsi gaar ah u diray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka dalbaday inuu cafis u fidiyo, balse Abiy oo ka hadlay xarigga Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay inuu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, isla markaana helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Muddada uu Cabdi Maxamuud Cumar uu ku jiray gacanta dowladda dhexe waxaa marar badan lasoo taagay maxkamadda sare ee dalka, inkastoo ilaa hadda aan wax xukun ah lagu ridin.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga la dhigay, kadib mudo 8-sano ah oo deegaanka Soomaali Galbeed uu gacan bir ah ku xukumaayey.

Baarlamaanka deegaanka Soomaalida ayaa Cabdi Iley xasaanadii ka xayuubiyey 26-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii, waxii intaas ka dambeeyana waxuu ahaa eedeysane xabsiga ugu jira dowladda dhexe ee Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya oo xarigga Cabdi Iley ka hadlay wuxuu sheegay in loo haysto gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagrifal awoodeed.

Cabdiweli Jaamac oo ah xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka Soomaali Galbeed, oo BBC la hadlay aya sharaxay eedeymaha loo hesto Cabdi Iley, isagoo yiri, “Dhibaatooyinka dadka lagu samayn jiray waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, reero badan oo iyaga guryahooda iska jooga inta ciidan la soo geliyo la layn jirey, iyaga oo aan waxba galabsan, kufsi la gaysan jiray. Waxaa kaloo jirtay dadka inta la xirxiro jeelasha lagu layn jiray, sida Jeel Ogaadeen oo kale. Dhibaatooyin balaaran ayaa ka dhacday deegaanka waa la wada ogyahay. Dhibaatada dadka lagu samayn jiray aad bay u ballaarnayd.”

Maxay ka dhigan tahay in askar badan ay noqdaan xubno baarlamaan?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo badanaya tirada shaqsiyaadka ciidanka ah ee ku soo baxaya doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Soomaaliya.

Waxaa u dambeeyay Maxamed Abuukar Jacfar oo maanta ku soo baxay kursiga astaantiisu tahay HOP025 ee ay doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb.

Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa ka mid ahaa ragga ku caan baxay abaabulka ciidankii la magac baxay Badbaado Qaran ee diiday muddo kordhintii uu ansixiyay Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

Waxaa sidoo kale kuraas xildhibaannimo soo helay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, kaasoo lagu xusuusto dowrkii uu ku lahaa dagaalkii April 2021 ka dhacay.

Yaasin Cabdullaahi Farey, taliyaha kumeelgaarka ah ee hay’adda NISA, ayaa horay ugu soo baxay kursiga 067 ee doorashadiisa ay ka dhacday Dhuusamareeb, inkastoo la hakiyay natiijada kursigaas, balse markii dambe la fasaxay.

Cabdullaahi Aadan Kulane, madaxii shaqaalaha ee NISA kana mid ah saraakiisha ugu awoodda badan hay’addaas, ayaa isna u sharaxan mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taala Galmudug.

Galmudug ayaa noqotay deegaanka ay saraakiisha ugu badan ee ciidanka ah ka soo galaan Golaha Shacabka.

Hadaba maxaa ka dhalan kara in saraakiil u badan da’ dhexaad inay ku biiraan Golaha Sharci dejinta dalka? Waxaan su’aashaas u bandhignay Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga.

‘Khatar weyn ayay leedahay ciidameynta Golaha Shacabka Soomaaliya. Welibana waa kala yihiin ee nooca ciidan ee maanta ku biiray baarlamanka iyo qaabka ay ugu uga mid noqdeen ayaa ah mid hoos u dhigi doonta awoodda metelaad ee kuraasta ay ku fadhiyaan,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Waxa uu intaa raaciyay in khibradooda ciidan iyo da’da ay tahay arrin muhiim u ah shaqada loo igmaday.

‘Haddii askarta ay ahaan lahaayeen kuwo khibrad badan leh oo da’ ah, dhib kama imaan lahayn oo waxaan filayaa in ay xitaa ka damqasho wanaagsanaan lahaayeen xildhibaannada rayidka ah, balse ragga aan hadda ka hadleyno labaduba ma laha waana kuwo si aan daah-furnayn ku soo qaatay kuraasta,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdisalaan Guuleed.

Waxaa jirta dood ah in saraakiisha doonaya xildhibaannimada ay rabaan inay sidaa ku helaan xasaanad baarlamaan, maadaama ay dhici karto in lagu soo oogo dacwado ku aaddan falal dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Qodobka 70-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xasaanadda xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka. Waxaa ku xusan iin xildhibaanka aan la xiri karin iyadoo aan oggolaansho laga haysan golaha shacabka, marka laga reebo in la qabto isaga oo gacmaha kula jira fal dembiyeed.

Doorashada xildhibaanadan iyo kuwa kale ee sharaxan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay bulshada dhexdeeda iyo waliba saxaafadda, iyada oo xitaa uu jiro kaftan maad ah oo caan ah oo laga sameeyay dadka baarlamaanka soo galaya sanadkan.

Haweeney xaamilo aheyd oo si arxan darro loogu dilay Galgaduud + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil haweeney xaamilo aheyd loogu geystay gudaha deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la dhaawacay mid kale.

Falkan arxan darrada ah ayaa waxaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo ka baxsaday goobta, kadib dhacdadaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Hodan Cabdi Jaamac waxaana ay ka mid aheyd qoysaska xoolo dhaqatada ah ee ku sugan halkaasi.

AUN Meydka marxuumadda ayaa waxaa goobta kasoo qaaday ehelladeeda, waxaana isla maanta la geeyey magaalada Gelinsoor, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka

Sida ay ogaatay Caasimada Online falkan ayaa saka ku haya dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka oo ka hadlay dilka haweeneydan ayaa ku tilmaamay inuu yahay wax laga xumaado, waxaana ay fareen saraakiisha laamaha ammaanka inay sameeyaan baaris dheeraad ah si loo soo qabto maleeshiyaadka.

Galgaduud ayaa waxaa inta badan kusoo noq-noqda colaad beeleedyada, waxaana maalmihii u dambeeyey dagaallo qaraar ay ka dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta HOP#025 iyo HOP#081

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta HOP#025 iyo HOP#081.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadaan kursi ayaa haatan ka socota caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Kursiga HOP#025 oo ay ku fadhisay Naciima Maxamed Gacal, balse aan hadda qayb ka aheyn tartanka, maadaama kursigan laga wareejiyey qoondo hawween ayaa waxaa ku tartami doono Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ah Guddoomiyaha Degmada Dayniile iyo musharrax Xasan Cali Cusmaan.

Sida la filayo waxaa kursigan loo wadaa Jacfar oo maalmihii u dambeeyey dadaallo xoogan ka wadan magaalada Muqdisho iyo Galmudug.

Sidoo kale kursiga kale ee HOP#081 oo ay horey ugu fadhisay Maryan Cariif Qaasim ayaa waxaa ku tartami doono musharixiinta Cadar Cali Maxamed iyoNasro Maxamed Dalabey.

Caasimada Online ayaa ogaagatay in sidoo kale kursigan loo wado musharrax Cadar Cali Maxamed oo si gaar ah loogu xiray, si ay ugu biirto baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada kuraastan ayaa qayb ka ah xubnaha Baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan, iyadoo kadib la dooran doono guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.

Cali Cosoble oo shaaciyey sabab aan lagu boobi karin doorashada Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay doorashada lagu qabanayo magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurta-galnimada in dad gaar ah loo boobo kuraas.

Waxa uu sheegay in hanaanka doorashada ee Beledweyne isha lagu wada-hayo, maadama dhawaan la shaaciyay in heshiis ka gaareen xiisadii taagneyd madaxweynaha HirShabelle iyo beesha Xawaadle.

“Uma maleynayo in dadkii oo taagan la boobi karo kuraastooda, oo sida la ogyahayna Beledweyne waa magaalo ay sahlan tahay inay xasarad ka kacdo, oo meeshaas buuq ka yimaado, haddii dadka ay arkaan in doorashada hanaankeeda la leexiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Cabdullahi Cosoble ayaa yiri, “Ilama aha in madaxweyne Cali Guudlaawe uu Beledweyne u aaday inay ka dhacdo doorasho dulmi ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in shakiga u weyn ee ku gadaaman doorashada Beledweyne ay tahay kursiga uu doonayo Fahad Yaasiin oo saaxiibo dhow ay yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Hase yeeshe ay adag tahay in xiligaan kursigaas hanaan boob qaawan ah lagu saaro Fahad, maadama ay aad u soo jeedaan dadka reer Beledweyne oo indhaha ay ku hayaan hanaanka loo maamulayo doorashada.

“Ninkaas (Fahad) koley dadkaas waa u dhashay, xildhibaana hore waa ugu fadhiyay kursigaas oo reer Beledweyne ah oo dadkii deegaanka ahaa oo umadda oo dhan aad u yaqaana. Kursigaas waa midka u weyn ee shakiga keenaya, maadama uu saaxiibkii yahay Farmaajo. Labada Nin waa isku reer oo deegaankii ah, umadda ayaa marqaati ka noqon doonta, koley waa u maleynayaa in Faarax uu ku dadaali doono in kursigaas uu ceshado,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cosoble.

Cali Cosoble ayaa hore ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka, xilli ay muddo labo asbuuc ah ka hadhsan tahay waqtigii loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo.

Si kastaba, doorashada Beledweyne ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, ayada oo Guudlaawe uu ballan-qaaday in doorashada ka dhaceysa magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah.

Dowladda SOOMAALIYA oo loo haysto heshiis caalami ah oo PUNTLAND ay jebisay

0

Garowe (Caasimada Online) – Ururka bad-baadada Caruurta ee ‘Save the Children’ ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso dhainyarro uu maamulka Puntland dhawaan ku ridday xakunno isugu jira dil iyo xabsi dheer, iyagoo lagu eedeeyay inay kooxo hubeysan ka tirsanaayeen.

1-dii bishaan Febraayo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah 6 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab.

Dhalinyaradaas ayaa la sheegay inay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana lagu soo qabtay howlgallo culus oo sanadihii u dambeeyey ay Puntland ka waday Gaalkacyo, si loo soo afjaro beegsiga dadka.

Maxkamadda ayaa afar ka mid ah dhalinyaradaas ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kale lagu riday xabsiyo dhaadheer oo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Qoraal ka soo baxay Save the Children ayaa sheegay in xukunnadaasi ay ka hor imanayaan heshiiska Qaramada Midoobey ee xuquuqda carruuta oo ay Soomaaliya-na ansixisay sanadkii 2015-kii.

Maamulka Puntland ayaa horay loogu eedeeyey inuu xukuno adag ku riday dhalinyaro aad u da’ yar, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo ay ciidanka Puntland la galeen kooxda Al-Shabaab iyo howlgallo qorsheysan oo ciidanku ay fuliyeen.

Waxaa jira heshiis dhigaya in carruurta ka yar 18 sano aan loo ciqaabi karin dunuubta ay galaan, kaas oo Qaramada Midoobey ay ka saxiixday inta badan dalalka caalamka oo Soomaaliya ay ku jirto, Soomaaliya ayaa  heshiiskaan qalinka ku duugtay sanadkii 2015-kii.

Dhageyso: Dabageed oo war kasoo saaray kursiga la sheegay inuu rabo Fahad

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa si adag u beeniyay in xiriir uu ka dhaxeeyo ciidamada dhawaan ay Dowladda Federaalka gaysay Magaalada Beledweyne iyo safarka la filayo in uu magaaladaasi ku taggo Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Fahad Yaasiin ayaa la fahamsan yahay inuu xusul-duub ugu jiro kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP086, kaas oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, sidoo kalena ah musharax mar kale u taagan tartanka doorashada ee kursigaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka HirShabelle ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee la geeyay Beledweyne ay Fahad Yaasiin u boobayaan kursigaasi.

“Horta kursi shakhsiyad oo Beledweyne yaala ma jiree, 25-ka kursi ee taala kursi walba qabiilaa iska leh, 101 qof oo qabiilkaasi ah ayaana dooranaya. Kursi kasta oo kuraastaasi ka mid ah intaas oo qof ayaa ku tartamaysa, qofkii Ilaahay xagiisa uga qoran oo Ilaahay u calfo, qabiilkaasuna doorta ayaa madax noqonaya,” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka HirShabelle.

Yuusuf Dabageed oo VOA la hadlay ayaa yiri “Kurisga uu Fahad wax ka leeyahayna, kuraastaas ayuu ka mid yahay, ee kursi gaar ah uu Fahad leeyahay ma jiro, haddii qabiilkiisu doortana Fahad Xildhibaan ayuu noqonayaa, hadduu qabiilkiisa cid kale doortana dadka la dooran waayo ayuu ka mid noqonaa.”

Waxa uu intaasi ku daray “Dad dan gaar ah leh oo dowladnimada Somaliya inuu cambaareeyo keliya ay shaqadiisu tahay ama xil ku raadinaya waaye waxa waxaas sheegaaya.”

Kursiga #HOP086 ayaa ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee sida dhow isha loogu hayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Yuusuf Dabageed

Xog: Doorashada kursi uu Farmaajo u rabo gabar ay qaraabo yihiin oo la hakiyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#053, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka oo la tashi la sameeyay Guddiga heer federaal uu go’aansaday in dib loo dhigo doorashada kursigaas, kaasi oo aysan weli soo dhameystirmin habraacyadiisa.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, balse waxaa doorashada laga dhigay kursi ay u tartami karaan kaliya haween, taasi oo la sheegay inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo u raba gabar ay qaraabo yihiin.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa hore ugu diiwaan-geliyay kursigaas musharaxiin gaaraya 7 haween ah, oo kasoo jeeda jufada Reer Dalal ee Mareexaan, kuwaas lagu kala magacaabo.

1. Reysal Qorane Abshir
2. Xaajiyo Axmed Gaas
3. Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon
4. Ubax Abdi Ali
5. Zamzam Xasan Diiriye
6-Fahmo Caabi Guureeye
7- Hani Cabdi Gaas

Sida ay ogaatay Caasimada Online, doorashada ayaa la hakiyey kadib markii la isku qabtay cidda u tartameysa kursigan, ayada oo la sheegay inuu faro-gelin xooggan ku sameeyey Farmaajo.

Farmaajo ayaa doonaya in kursiga loo xiro kaliya Reysal Qorane Abshir, oo ay qaraabo hoose yihiin, lagana saaro gabdhaha kaliya.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa kasoo horjeestay odayga iyo saxiixaha kursiga oo lagu magacaabo Jaamac Shire, kaasi oo doonaya in kursiga loo wada tartamo.

Guddiga doorashada Galmudug oo cadaadis kala kulmaya Farmaajo, islamarkaana ka cabsi qaba ceebta ka dhalan karta oday Jaamac oo ku hanjabay inuu shir jaraa’id qabanayo ayaa go’aansaday in doorashada kursiga dib loo dhigo.

Ma aha markii u horeysay ee Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu hakiyo kursi, islamarkaana uu dib uga dhigo jadwal doorasheedkiisa uu hore u soo saaray.

Guddiga ayaa sidoo kale 2-dii bishan u hakiyay doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#071, kaasi oo uu ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.

XOG: Imisa ergo doorasho ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha amniga 6 qof oo kamid ah ergada doorashada Xildhibaanada Gobolada Woqooyi ayaa lagu dilay qaraxii Shalay lala beegsaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli ergadu kasoo laabatay codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobolada waqooyi, wuxuuna weerarku ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab .

Sarkaal katirsan dowladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyay ee dhimashada ergadu ay tahay lix qof halka 12 kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.

“Waxa aanu saarnayn baskii isgoyska marayey, waxa aan arkayey qof baska u sii ordaya iyo booliiska oo ku qaylinaya ‘istaag’ oo qoriga ku taagaya. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax,” Saado Cabdillaahi, oo ka mid ah ergada ayaa  u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaaye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaarsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goor sii horeysay ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab la beegsato ergada doorashada, waxayna sheegtay in ay bilowday beegsiga ergooyinka cusub ee doorashada.

Al-Shabaab oo meel u dhow MUQDISHO ku toogtay ABUUKAR ISAAQ CIISE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Gamboole ee hoos taga degmada Jowhar ku toogtay nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Abuukar Isaaq Ciise oo 24 jir ah ayaa Al-Shabaab kal hore gacanta ku dhigeen xilli ay weerar kusoo qaadeen fariimaha ciidamada Dowladda.

Goobta ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka Gamboole oo kooxda Al-Shabaab ay ku qasabtay inay usoo daawasho tagaan toogashadaan.

Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin halka laga soo qabtay Askarigaan iyo xilliga la qabtay, balse wuxuu qaadi ka mid ah Al-Shabaab sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Dowladda sidaasna loogu xukumay dil toogasho.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay sirdoon u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa muddo ka badan 15 Sano waxay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab welina lagama adkaan, waxayna gacanta ku heysaa deegaan muhiim ah oo ku yaalo Soomaaliya.

Kennedy: Muqdisho ayaa ka wanaagsan magaalooyin badan oo Mareykan ah

Washington (Caasimada Online) – Sen. John Kennedy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Joe Biden, isaga oo tusaale usoo qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kennedy ayaa sheegay in Biden uusan wax xiiso ah u qabin inuu wax ka qabto dambiyada iyo rabshadaha sare uga sii kacaya magaalooyin badan oo ka mid ah Mareykanka, oo uu sheegay in hadda ay ka amni badan tahay magaalada Muqdisho.

“Inaad hadda ku socoto waddooyinka magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa ka amni badan kuwa badan oo ka mid ah magaalooyinkeena oo noqday meelo lagu barto toogashooyinka oo furan,” ayuu yiri Kennedy. 

Kennedy ayaa hadlayey kadib markii Biden uu toddobaadkii tegay booqday magaalada New York, halkaasi oo dilalka, xaditaanka baabuurta iyo rabshadaha kale ay sare uga sii kacayaan.

Sanadkii 2021, New York waxaa toogasho lagu dilay 485 qof, taasi oo 4% ka badneyd tirada dadkii la dilay 2020 iyo 52% dadkii la dilay 2019. Waxaa sidoo kale lagu xaday 10,421 oo baabuur taasi oo 15% ka badneyd tirada baabuurtii la xaday 2021.

Warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan kuwa midigta, ayaa sare u kaca dilalka ku eedeynaya dadka soo-galootiga ah ee kasoo gudbaya xudududa koonfureed ee dalkaas uu la wadaago dalka Mexico.

Kennedy ayaa sheegay in sanadkii 2021 oo kaliya xuduudda lagu xiray 1.9 milyan oo qof oo si sharci-darro ah uga soo gudbay.

Maxkamad Amsterdam oo dhageysatay dacwad u dhexeysa maamulka Masjid Soomaalidu leedahay (Daawo)

Amsterdam (Caasimada Online) – Maxamad ku taal Magaalada Amsterdam ayaa shalay bilowday dhageysiga dacwad u dhexeysay Guddigii maamulayay masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay oo ku yaal waddanka Nederland. 

Dacwadu waxay u dhexeysaa; Sheekh Suldaan Gasle oo ah iimaamkii masjidka oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo dhinaca kale ah, iyada oo khilaafkani soo jiitamayay muddo sannad ah, waxaanna ku soo baxay culumaaúdiin, waxgarad iyo shaqsiyaad hormuud u ah bulshada, inkastoo ay ku guul-dareysteen  in xal  laga gaaro khilaafka. 

Masjidkan dhulka uu ku  fadhiyo waxaa lagu iibiyay, laguna dhisay dhaqaale laga soo uruuriyay dadka Soomaalida ee ku dhaqan Nederland & wadamada Yurub. 

Masjidkan ayaa kaalin weyn u haya guud ahaan mushtamaca Islaamka, gaar ahaan Soomaalida.

Maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay dooda 2da dhinac, u soo jeedisay in muddo 4 toddobaad gudahood ay ku soo wadahadlaan, kuna soo heshiiyaan, haddii ay taasi dhici weyso na in Maxkamadu ay go’aan kale gaari doonto. 

Shiikh Suldaan Gasle oo saxaafadda kula hadlay afaafka hore ee maxkamadda, ayaa isaga oo faahfaahinaya wixii maanta ka dhacay Maxkamadda, wuxuu sheegay in aanu fileyn in khilaafka masjidku gaari doono heer maxkamadeed, haddana isaga oo xusay in isagu lagu qasbay dacwada oo aanu waxba ka qaban karin. 

“Anigu masjidka ma dacweyn, waxaan dacwad ka geeyey waa labadaas nin oo aniga cirdigeyga ku xadgudbay,” ayuu yiri Sheekh Suldaan oo ka la weydiiyay in masjidkii uu iimaamka ka ahaa uu Maxkamad ka dacweeyay. 

Ragga masjidka ku haray oo warbaahintu isku dayday inay la xiriirto markii ay Maxkamadda soo gaareen iyo markii laga soo baxay Maxkamadda ayaa saxaafadda dhabarka u jeediyay, isla markaana diiday in ay wax warbixin ah siiyaan. 

Duufaanta afgembiyada AFRIKA iyo halista saraakiisha siyaasiyiinta Soomaalida

0

Markale, Afrika waxaa ku dhufanaya safmar afgembiyo ah oo ay hoggaaminayaan saraakiil ciidan iyo askar gadoodsan.

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau ayaa ka badbaaday isku day afgembi kaddib is rasaaseyn shan saacadood socotay habeenkii Talaadada.

Umaro Cissoko Embalo ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha gadooday ee afgambiga wadday ay doonayeen in ay laayaan isaga iyo guud ahaan golihiisa wasiirrada.

Xaaladda dalkaas ayaa weli jahwareer iyo jaantaa rogan ah, iyadoo weli aan la xaqiijin cidda dhabta ah ee ka dambeysa isku daygaas afgembi.

Dhanka kale Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay magaalada Ouagadougou ee caasimadda Burkina Faso si ay ugu dabaal dagaan afgembiga ay ciidanka Militeriga meesha uga saareen taliskii Roch Kaboré bishii January ee sannadkan.

Waa Afgembigii afaraad oo ka dhaca Galbeedka Afrika 17kii bilood ee lasoo dhaafay, halka shan afgembi laga diiwaangeliyay dalalka ka hooseya saxaraha tan iyo August 2020.

Saraakiil ka amar qaadata taliyihii hore ee ciidanka qalabka sida Sudan Jeneraal Abdel Fattah Burhan ayaa talada dalkaas kula wareegay afgambi iyagoo xabsi guri ka dhigay Abdalla Hamdok iyo golihiisa wasiirrada.

Jahwareer siyaasadeed iyo dhaqaale xumo baahsan ayaa isku raacay, shacab gadoodsan ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalooyinka waa weyn ee dalkaas, iyaga oo dalbanayay in xukunka dalka laga dhigo mid reyid ah.

Ugu dambeyn heshiis siyaasadeed ayaa laga gaaray in ciidanka door laga siiyo saami qeybsiga awoodaha dalka taas oo keentay in horaantii January sannadkan Ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok uu iska casilo xilka.

Sidaas oo kale September sannadkii hore, askar gadoodsan oo uu hoggaaminayay Korneyl Mamadi Doumbouya ayaa af gambiyay taliskii madaxweyne Alpha Condé oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo ay shacabka dalka Guinea doortaan sannadkii 2010.

Conde ayaa u baxsaday dalka deriska la ah ee Mali kaas oo laftigiisa laba jeer oo isku xigta isku day afgembi ay ka dhaceen dhowr iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale laba maalin uun ka hor inta aan la dhaarin madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum, saraakiil gadoodsan ayaa isku dayay in ay afgembiyaan madaxweynaha cusub.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlay aagga madaxtooyada, inkastoo ilaalada qasriga waddankaas looga taliyo ay iska caabbiyeen ciidankii afgembiga waday haddana waxa ay abuurtay cabsi badan.

Iskusoo duub, Afrika dhowr iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay afgembiyadii ugu badnaa labadii tobanle ee ugu dambeysay.

Marka laga soo tago silsiladahaas afgambi ee Afrika ka dhacay, waxaa kale jira afgambiyo ka dhacay dalalka Myanmar, Armenia iyo Haiti kuwaas oo ay ku lug lahaayeen saraakiil ciidan.

Haddaba maxaa sabab u ah afgembiyada ciidan ee soo noq noqonaya?

Inkastoo dalalku ku kala duwan yihiin asbaabaha keena afgembiyada haddana warbixin lagu daabacay sannadkii hore machadka Daraasaadka RAND waxaa lagu sheegay saddex qodob oo aas aas u ah afgambiyada soo noqnoqday ee Afrika iyo guud ahaan dunida saddex aad.

  1. Taariikh afgambi oo laga dhimbil qaato. Dalku haddii uu leeyahay taariikh afgambi oo soo jireen ah, markasta ayaa la filan karaa in uu dhaco afgambi. Tusaale afgambigii dalka Chad waxaa uu ahaa kii lixaad ee dalkaas ka dhaca tan iyo 1975. Dalka Guinea waxaa sannadkii tegay ka dhacay afgambigii saddexaad tan iyo xorriyaddoodii. Halka Mali na ay soo martay shan afgambi tan iyo 1960 kii.
  2. Xal u helid la’aanta tabashooyinka; Afgembiyadu badankooda waa natiijada cabashooyinka iyo tabashooyinka ka imaada shacabka, saraakiisha ciidanka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalkaas. Markasta oo ay dowladda jirta ay ku guuldarreysato in ay kaafiso tabashooyinkaas waa markasta oo la fisho afgambi sida laga dhimbil qaadan karo taariikhda.
  3. Awoodsiinta damaca askarta: markasta oo askarta laga qeybgeliyo xalka arrimaha siyaasiga ah waa markasta oo hanka askariga uu sara u kaco oo uu isku arko cidda keliya ee sixi karta khaladaadka siyaasiga.

Dib u curashada afgambiyada ayaa noqotay halis caalami ah oo dunida oo idil ay is weyddiineyso.

Xogayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres ayaa aad u dhaleeceyay afgambiyada soo badanaya isagoo yiri. “Afgembiyada militeri waa ay soo noqnoqdeen, waxaana sabab u ah iskaashi xumida dowladaha iyo beesha caalamka, waana halis mudan in wax laga qabto”

Halka Madaxweynaha Mareykan ka Joe Biden uu ugu hanjabay cid kasta oo halis ku ah dimuqraddiyadda talaabo sharci ah laga qaadi doonno, aysanna oggolaan doonin dowladda Mareykan ka nidaam kasta oo ku imaada afgambi.

Taariikhda Afgembiga Soomaaliya

Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii Afrika ugu horreeyay ee ay saameeyeen duufaannadii afgembiyada kaddib xorriyaddooda.

1961-kii, sannad uun kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaaddatay, saraakiil dhallinyaro ah oo gadoodsan ayaa isku day afgambi ka sameeyay gobollada Wuqooyi ee Soomaaliya. Inkastoo uusan afgembiga nidaamsaneyn haddana waxa ay tooshka u shidday suurtagalnimada in markasta la fisho afgembi.

Markale sannadkii 1969kii saraakiil uu hoggaaminayay allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegay talada dalka kaddib dilkii tuhunka badan ku hareereysnaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Markey talada la wareegeen Siyaad iyo kooxdiisa afgambiyadu halkaas kuma harin oo waxaa jiray in loo dilay Allaha u naxariistee Salaad Gabeyre iyo saraakiil la socotay in ay maleegayeen afgambi.

Markale waxaa afgambi dhicisoobay sameyay April 1978 dii saraakiil uu hoggaaminayay allaha u naxariiste Korneyl Cabdullahi Cirro kaas oo ugu dambeyn fashilmay.

Wixii markaas ka dambeyay dalka waxaa ka curtay jabhado mucaarad ah oo doonayay in talada laga xayuubiyo taliskii Ina Siyaad Barre illaa dowladdii ay la duntay.

La Macaamiladda saraakiisha

Dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa socday geeddiga dib u dhiska ciidan qaran oo ka madax banaan isdiiddooyinka siyaasiga iyo tan qabiilka.

Ka hor February 2017, askariga Soomaaliga ah waxaa uu ahaa mid aanan ka badin arrimaha ciidanka iyo waxa la xiriira. Tan iyo markii uu talada dalka yimid madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo askariga Soomaaliga ah waxaa uu yeeshay shaqo aan ahayn tii ciidanka.

Dowladda Farmaajo waxa ay askarta u isticmaashay xal u helidda arrimo siyaasi ah, tusaale waxa ay ku lug yeesheen oo loo isticmaalay khilaafyo la xiriira doorashooyin, sida ka dhacday December 2018 magaalada Baydhabo.

Ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo wakhtigaas kasoo qafaashay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo markaas ahaa musharrax u tagaan xilka madaxweynnimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay ku lug yeesheen oo loo isticmaalay is diiddooyinka maamulka Jubbaland iyo qaddiyadda gobolka Gedo. Ciidan badan ayaa Xamar looga raray sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xal u helidda isdiiddooyinka siyaasiga ah.

Markale, dhawaan waxaa magaalada Baladweyn tegay taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi kaas oo shaqada uu u tagay ay ahayd in uu la macaamilo ama aan si kale u dhigee dhammeeyo wada hadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Jeneralka gadoodsan ee Abuukar Xaaji Xuud.

Waxaa jirtay dhowr siyaalo oo lagu wajihi karay qaddiyadda la macaamilka Jeneraal Xuud iyadoo laga fogaanayo sabab kasta keeni karta in saraakiil ciidan ay ku lug yeeshaan xal u helidda arrin siyaasi ah sida tan Hiiraan ka taagan oo kale.

Intaas uun kuma eka e, markii uu soo ifbaxay khilaafka u dhexeeya M/W Farmaajo iyo R/W Rooble December sannadkii hore waxaa kala furtay hay’adihii amniga iyo taliska ciidanka Soomaaliya.

Ogaal la’aanta wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidan loo daabbulay magaalada Baladweyn. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax,oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ee aysan ka warhaynin ciidamada la geeyay Balad Weyne.

Markale xukuumadda R/W Rooble ayaa ka hor timid ciidanka loo qaaday Baladweyn. Jeneraal Odawaa oo wareysi siiyay VOA laanteeda Soomaalida la hadasha ayaa sheegay in aysan muhiim ahayn in wasaaradda Amniga iyo tan gaashaandhigga la ogeysiiyo howlaha maalinlaha ah ee taliska ciidanka.

Dad badan ayaa hadalkaas u arkay in uu ahaa fududeysi, halka kuwa kalena ay u arkayeen in hay’adaha dalku sii kala furfuranayaan oo talisyada ciidanka iyo hay’adaha reyidka ah sii kala fogaanayaan

Sidoo kale intii uu jiray khilaafkii December u dhexeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ciidamo loo maleeyo in ay ka amar qaadanayeen xafiiska madaxweynaha ayaa is hor taagay ra’iisul wasaaraha in uu soo shaqo tago xafiiskiisa, inkastoo daqiiqo kooban loo diiday in uu xafiiskiisa tago haddana Taliyaha ciidanka Soomaaliya Jeneraal Odawa Raage oo uu wehliyo jeneral Xijaar ayaa ra’iisul wasaaraha u galbiyay xafiiskiisa.

In xafiiska ugu sarreeyo dalka loo adeegsado maquunin ciidan waxa ay leerka cas u shideysaa halista markasta ay leedahay isticmaalka askarta amarka ku shaqeysa ee lagu maqiiqayo arrimaha u baahan xal u helid siyaasi ah.

Saraakiisha siyaasiyiinta

Mar haddii ay waddanku joogaan ciidamo AMISOM, sidoo kalena ay jiraan dalal badan oo Soomaaliya caawiya suurtagal ma ahan afgembi, taas waa aragtida badanaa dadku ka qabaan suurtagalnimada in uu afgembi dhaco.

Haddaba afgembiyadu badanaa waxa ay ka imaadaan firaaq siyaasi ah iyo fashilka siyaasiyiinta lagu daray saraakiisha oo siyaasiyiin noqda taas oo keenta in askartu isku dayaan in ay iyagu xalka noqdaan oo damacooda siyaasiga uu weynaado.

Tusaale Maxamed Siyaad Barre markii uu dalka la wareegay waxa uu aad u dhaliilay nidaamkii reyidka isagoo ku sheegay in ay siyaasiyiintu ku fashilmeen in ay dalka hoggaamiyeen oo musuq iyo boob ku mashquuleen.

In ay kulmaan taliyaha ciidanka qalabka sida, taliyaha ciidanka Booliska, taliyaha nabad sugidda gobolka, iyo taliyaha ciidanka Asluubta ayna ka wada hadlaan xaaladda siyaasiga ah ee dalka waxa ay muujineysaa sida saraakiisha ciidanku iskugu sii baddalayaan siyaasiyiin intii ay noqon lahaayeen sarakiil ciidan.

In ay taliyayaashu kulmaan ceeb ma ahan, in ay ka hadlaan xaaladda amni ee dalka waa waajibkooda, balse in ay ka hadlaan xaaladda siyaasiga ee dalka ama u kala jabaan labada xafiis ee ugu sarreysa dalka waxa ay muujineysaa heerka dib u dhac ee ee ciidanka gaaray afartii sano ee lasoo dhaafay.

Kala qeybsanida hay’adaha dowliga ah tan ciidanka, tan fulinta, tan garsoorka, tan sharci dejinta iyo hay’adaha kalaba waxa ay dheelitiraan quruxda dowladnimada. Haddiise caksiga ay isku milmaan oo siyaasigu askari yahay, askartana ay siyaasiyiin yihiin waxaa oof wareen ku dhacaya dowladnimada iyo haykalkeeda sida ay ku doodayaan culimada dowlad dhiska ku taqasusay.

Xildhibaannada cusub

Taliyaha kumeel gaarka ah ee nabad sugidda Soomaaliya Yasin Farey ayaa kusoo guuleystay kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa.

Sadaq John oo horey u ahaa taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir ayaa isna xildhibaan soo noqday. Fahad Yasin iyo Cabdullahi Kulane oo nabad sugidda ka tirsanaa ayaa mid kasta loo badinayaa inay xildhibaanno noqon doonaan dhawaan. halka Jeneraal Indha Qarshe uu isna yahay musharrax xildhibaan.  dhammaan ragga aan soo sheegay waa saraakiil ciidan. Waxa ay soo dayacayaan badankooda doorkoodii askarinnimada mar haddii ay xildhibaanno noqonayaan.

Cabaaqib xumada ka dhalata Saraakiisha Siyaasiyiinta ah

Mid kamid ah asbaabaha loo aaneeyo dumitaanka dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa kow ka ah saraakiil tuutaha iyo suudka isku xirtay.

Markii saraakiishu dalka la wareegeen oo ay laaleen sharcigii heshiiska lagu ahaa, waxaa ka meesha ka baxay wada lahaanshiyihii dowladnimada waayo talada dadka iyo dalkana waxaa isku koobtay saraakiil siyaasiyiin isku heysta oo damac siyaasi uun ku hubeysan.

Markale markii uu dalka burburay oo jabhaduhu la wareegeen guud ahaan dalka waxaa haddana sabab kale oo muhiim ah oo towfiiqda loo haleeli waayay waxa ay ahayd damaca hoggaamiyayaashii jabhadaha oo saraakiil ciidan u badnaa kuwaas oo ku heshiin waayay saami qeybsiga awoodaha siyaasiga ee dalka.

Haddaba cabaaqib xumooyinka waa weyn ee ka dhasha ku milanka saraakiishu siyaasadda waxaa kamid ah:-

  1. Dayac amni
  2. Khalkhal siyaasadeed
  3. Afgambi la filan karo markasta
  4. Isku dhacyaac dhanka hay’adaha
  5. Awaamiirta oo aanan fulin
  6. Iwm

Haddaba si intaasba looga badbaado waxaa muhiim ah in la fuliyo qodobka 127-aad firqaddiisa koobaad xarafkiisa ‘E’ oo dhigaya in askartu ka fogaadaan siyaasadda iyo kala aragti duwanaanteeda.

Haddii ay se dhici weyso in saraakiishu siyaasadda ku dhex labnaadaan waxaa halis loogu jiraa mar aan fogeyn in isku day afgambi uu dalka ka dhaco ama saraakiisha ciidanku door ku yeeshaan miiska wada hadalka sida ka dhacday dalal badan.

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

DF oo qarisay khasaaraha qarixii Ceelgaabta iyo xogta cidda la beegsaday – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ayaa qariyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta, kaasoo waxyeelo kasoo gaaray ergo kasoo jeeda Somaliland.

Sida xogta lagu helay, waxaa qaraxa uu haleelay gaari bas ah oo ka mida kuwii ay la socdeen ergadaasi, waxaana dhaawacyo qaarkood culus yihiin kasoo gaaray ku dhowaad 8 dumar ah oo kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco oo ka mid ahaa ergada doorashadii shalay Muqdisho ka dhacday.

Hablaha ergada ahaa qaarkood ee qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer, waxaan la sheegay in laba ka mida ay qabaan dhaawacyo culus oo ay qalliin galeen, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.

Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mida ergda ku dhaawacmay qarixii shalay ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ee dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaana duco loogu diray hablaha dhaawacmay, iyadoo la is weydiinayo sababta keentay inay dowladda iyo hay’adaheeda Amniga ay qariyaan dhibaatadaasi.

Warbaahinta dowladda ayaan soo hadal qaadin warka qaraxa weyn ee dhacay iyo qasaaraha uu geystay, waxayna ciidamadu diideen inay saxafiyiintu tagaan goobta qaraxa, iyadoo tacadi kula kacay weriyeyaasha qaarkood.

Afhayeenka Booliska Col. Cabdifitaax Aadan Xasan oo war kooban kasoo saaray qaraxa ayaa ka gaabsaday inu ka hadlo khasaaraha qaraxu geystay. Qaraxan ayaa u muuqda in Hay’adaha Amniga ay go’aansadeen inay qariyaan, laakiin dhibannyaashii iyo dadkooda ay bannaanka soo dhigeen.

Amiin Ambulance oo gaadiidkooda gurmadka ay goobta gaareen ayaa sheegay inay qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay madaxa Aamin Ambulance Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidamada booliska.

Isha: Goobjooge 

CC Shakuur oo loo ogolaaday kursiga xildhibaan balse hal caqabad oo culus wajahaya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Arbacadii waxaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo, ayaa hadda u tartamaya kursiga Hop138 ee golaha shacabka.

Masuuliyiin heer federaal ah, maamulka magaalada Dhuusamareeb, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo dadweyne badan ayaa Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyey deegaan doorashadiisa.

Qoraal uu boggiisa Facebook-ga ku daabacay waxuu ku sheegay in Dhuusamreeb uu u tegay inuu tartamo mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka, isagoo rajeeyey in doorashada kursigaas ay noqoto mid hufan.

Dad badan waxay is weydiinayaan Cabdiraxmaan kursi maka soo heli doonaa Dhuusamareeb? Hadii Cabdiraxmaan uu soo waayo kursiga beeshiisa ee golaha shacabka, waxay caqabad weyn ku noqon doontaa damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Markii laga hadlayo xaalka doorashada ee sanadkaan, afar dhinac ayaa laga eegayaa kursigaan, waa sida uu kuu garab taagan yahay maamulka gacanta ku haya kursiga, qabiilka kurisga leh, guddiga doorashada maamulaya iyo xaalka tartamayaasha.

Markii hore dhaqaalaha ayaa macne weyn lahaa, laakiin hadda dad badan oo dhaqaale heystay ayaa sanadkaan kuraastii loo soo diiday. Hadii aan kala qaadno dhinacyadaas oo aan waafajino Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

1 – Maamulka Galmudug

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu ogolyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaato kursiga beeshiisa, laakiin ma rabo inuu u xoogo sidii loo sameeyey ragga qaar.

Shirkii ugu dambeeyey oo seddax cisho ka hor ay Muqdisho ku yeesheen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxaa la isla qaatay in maamulku uusan aad u fara gelin kursigaan, balse si dadban uu u taageero Cabdiraxmaan.

In maamulku uusan ku diidaneyn, oo dagaal uusan kugula jirin waa fursad muhiim ah xilligaan.

2 – Qabiilka

Seddax jufo ayuu ka dhaxeeyaa kurigaan, odayaasha ay taladu ka go’do ee 3-daas jufo iyo dhalinyaradu waxay ka mideysan yihiin rabitaanka ah in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Rabitaanka ay beeshiisu u qabto Cabdiraxmaan ayaa dhabarjab ku ah musharaxiinta kale ee raadineysa kurisgaan.

Waxaa la xaqiijiyey in beeshu isku raacday inay sanadkaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur doortaan.

3 – Musharaxiinta kale

Kursigaan Xildhibaankii horay ugu fadhiyey oo ah Saciid Nuur Giriish ayaa la sheegay in weli damac ku jiro oo sanadkaan uu qorsheynayo in mar kale uu u tartamo kursigaan. Hase yeeshee Saciid waxuu wajahayaa dood ku saabsan metelaadiisii shantii sano ee lasoo dhaafay.

Taardhuleed oo wasiir ka soo noqday Galmudug, deegaankana aad looga yaqaano ayaa isna ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop138, waxaana jira warar sheegaaya in musharaxnimada Taardhuleed uu  gacan ku leeyahay Fahad Yaasiin oo u soo dhex-maray xubin ka mid ah guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira nin la yiraahdo Cabdinaasir Cabdi Caruush oo sida la sheegay dooqa koowaad u ah Villa Somalia. Xubnihii kale ee u tartamaayey kursigaan waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay u tanaasuleen.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ka go’an inay taageeraan cid kasta oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaafi karta kursigaan, si loo qab-jebiyo.

Sidoo kale waxaa jira culeys ka imaanaya dhanka guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, kaas oo ka soo jeeda beesha iska leh kursigaan.

Guddoomiye Maxamed Daahir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la sheegay in aysan isku fiicneyn.

Si walbaba markii dhinacyo badan laga fiiriyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kursiga Hop 138 oo la dooranayo horaanta todobaadka soo socda.

Abdullahi Osman Farah