26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

FBI-da oo shaacisay haddii Sacuudi Carabiya ay ku lug laheyd weeraradii Sep. 11

0

Riydh (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada.

Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo.

Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday.

Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah.

Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Guddi ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waayay wax caddeyn ah oo sheegaya in Sacuudi Carabiya ay si toos ah u maalgelisay Al-qaacidda oo ay Taalibaan ku qarineysay Afghanistan xilligaa, hase yeeshee baaritankan ayaan meesha ka saariin inay dhici karto in shakhsiyaas masuuliyiin Sucuudi ah ay taageero siiyeen Al-qaacida.

Wakaaladda warararka ee Reuters ayaa qortay in qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka lagu dilay weeraradaas, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan ayaa dacweeyay Sacuudiga, iyagoo raadinaya balaayiin doolar oo magdhaw ah.

VOA

Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dhaawacay weerar uu ka geystay dalka Talyaaniga

0

Rome (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay weerar uu nin Soomaali ah ka geystay magaalladda Rimini ee gobalka Emilia-Romagna dalka Talyaaniga.

Wargeyska Corriere di Bologna ayaa laga soo xigtay in ninka weerarka fuliyey uu Toorey ku dooxay dadkaasi, xilli ay la socdeen Bas ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini.

Sidoo kale warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa intaasi ku sii dareysa in eedeysanaha oo 26-jir ah  uu Tikid la’aan raacay Baska, kadibna markii ugu horreysay uu toorey ku dhuftay laba haween oo u xil saarnaa hubinta Tikidhada, sidoo kalena uu sii dhaawacay saddex qof oo kale oo ka mid ahaa Rakaabkii kale ee la socday Baska.

Dadka dhaawacmay sidoo kale waxaa ku jira wiil yar oo 5 sano jir ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaalada uu weerarka ka dhacay.

Intaas kadib eedeysanaha ayaa isku dayey inuu baxsado, isaga oo si deg-deg ah uga dagay gaariga, balse waxaa durbaba qabtay boolis ka agdhowaa halkaasi.

Weli ma shaacin boolisku magaca ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, balse waxa ay u muuqataa in uusan xiriir ah la laheyn kooxaha Argagixisada, iyada oo badinayo inuu isticmaalay mukhaadarad, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya ee laga helaya Talyaaniga.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ee gacanta lagu dhigay ayaa dhowr bilood ka hor tegay Talyaaniga, isaga oo qaxootinimo ku galay dalkaasi, balse ma helin wax aqbalaad ah.

Ma’ah dhacdo ugub ah in nin Soomaali ah uu weerar ka geysto Europe, waxaana dalal kala duwan laga soo wariyey weeraro ay geysteen Soomaali oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Abukaate Sakariye Yuusuf oo wax ka qoray dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuusan xeer lagu dhaqo u dajin hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA taasoo uu ku sheegay sababta khilaafka ka taagan hey’adda.

Abukaate Sakariye oo ka qeybgalay dood ay qabatay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuusan kala garaneyn illaa hadda xeerka lagu dhaqo hey’adda NISA haddii uu yahay midkii Siyaad Barre iyo haddii uu yahay midkii lagu heshiiyey sanadkii 2004.

“Haddii hey’adda lagu dhaqayo xeerkii Maxamed Siyaad Barre  waxaa la raacayaa xeer la yiraahdo lambar-14 oo ah mid uu jideeyay golihii kacaanka Sare ee 1970-kii, ee uu saxiixay Gudoomiyihii Golahaas” ayuu yiri Abukaate Sakariye.

“Haddii la yiraahdo Wasiirka Amniga ayey hoostageysaa, waxaa la raacayaa heshiiskii lagu gaaray Kenya ee lagu dhisay dowladdii 2004 ee Federaalka ahayd”, ayuu BBC Somali u sheegay Abukaate Sakariye.

Dhanka kale, Abuukaate Sakariye ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu awood buuxda u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha Wasiirada iyadoo aysan ku xirneyn wax shuruud ah.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu sidoo kale dastuurka dalka u ogolaanayo inuu xilka ka qaado ama u magacaabo xubanha Xukuumadda balse looga baahan yahay inuu ogolaansho iyo soo jeedin ka heysto Ra’isulwasaaraha.

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta ku dhigay maanta shabakado lagu raad-joogay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howl-gallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug waxa ay gacanta ku sood dhigeen shabakado isku xiran oo lagu raad-joogay maalmihii la soo dhaafay.

Shabakadahan oo ka ganacsadaha maan-dooriyaha, kana kooban dhowr xubnood ayaa lagu kala qabtay degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee gobolka Mudug.

Laamaha ammaanka ee maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan lagu soo qabtay laba ka mid ah shabakadihii ugu weynaa ee maandooriyaha khamriga gelin jiray gudaha deegaanada maamulkaasi iyo sidoo kale gaadiidka ay ku howl-geli jireen.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ayaa xusay in dadka la qabtay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqeen shacabka inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan howl-gallada lagu sugayo, laguna ciribtirayo ka ganacsiga waxyaabaha maanka-dooriya.

Booliska Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ay ka wadaan gobolka Mudug, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Si kastaba Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaas ayaa maalmihii lasoo  dhaafay laga dareemayey xasilooni, kadib markii la kordhiyey howl-gallada ka socda halkaasi.

Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xaaji Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa xubnaha isku soo taagay inay u tartamaan kursiga Aqalka Sare ee afrtii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa caawa sheegay inuu ka tanaasulay ka qeyb galka tartankaas.

Shan musharax oo kala ah, Xaaji Muuse Suudi, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci, Xasan Cadaay Cali iyo Xaaji Muxidiin Xasan Afrax ayaa lagu shaaciyey liiskii tartamayaasha ahaa ee uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, balse hadda waxaa tartanka isaga baxay Muxidiin Xasan Afrax.

“Mar hadii halkaan kursi la isugu yimid oo meesha la isku cariiriyey, waa in tanaasul yimaadaa, inteenaas hadaan saf u galno hal kursi, waxaan is tusay in culeys ka imaanayo,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar, madaxda maamulka iyo xubnihii ku garab siinayey inuu u tartamo kursigaas ayuu Xaajigu aad ugu mahad celiyey.

“Waxaan idiin cadeynayaa inaan dib ula laabtay rabitaankeygii kursigaas Aqalka Sare, madaweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka iyo mas’uuliyiinta reer HirShabeelle waa isoo dhaweeyeen, waana rabeen inaan tartamo, laakiin isku tanaasul la’aanta markii aan arkay ayaan tanaasulay, qofkii guuleystana waan la shaqey doonaa,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa todobaadkii hore shaaciyey liiska musharaxiinta u tartameysa 8-da kursi ee Jowhar lagu dooranayo, kuwaas oo gaarayey 32-xubnood, balse Xaaji Muxudiin ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay oo ka tanaasulay tartanka mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag ee taalla HirShabeelle, kaas oo ah kursigii uu ku fadhiyey Xaaji Muuse Suudi.

Hoos ka daawo Xaaji Muxudiin Afrax

 

Daawo: Dr. Tahliil Faarax oo markii u horeysay ka hadlay dilka gabadhiisa IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in wax diyo ah aysan qaadan doonin, baaqna u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aabe Tahliil Faarax ayaa sheegay in isaga iyo hooyada dhashay gabadhiisa ee Qaali Maxamuud Guhaad aysan qaadan doonin diyo ama mag, “Xataa hadii ay bilyanis noqoto” sida uu sheegay.

“Markii ay NISA shaacisay geerida Ikraan, ee Ra’iisul wasaaruhu amray hey’adaha garsoorka in kiiska ay baaraan, durbadiiba waxaa ka hor yimid Fahad iyo Farmaajo oo in ka badan laba bilood ah dhegaha ka fureystay qeyladhaanteena iyo tan shacabka, ficilkii ugu horeeyey ee Farmaajo waxa uu noqday inuu hor istaago cadaalad u raadinta kiiska gabadheyda,” ayuu yiri Dr. Tahliil Faarax.

Diktoorka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan jirin qof cadaaladda ka weyn umadda uu u dhaartana ay cadaaladda un deeqdo, “Hadii aadan wax ka ogeyn dilka gabadheyda, fadlan Farmaajo ka wareeg cadaaladda, hanaga hor istaagin,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano.”

“Aniga iyo hooyada dhashay gabadha ee Qaali Maxamuud, waxaan u cadeyneynaa madaxda dhex-dhexaadinta ku howlan in marnaba aanaa diyaar u aheyn in kiiska lagu dhameeyo xeer Soomaali, wadahadal iyo diyo, xataa hadii ay bilyanis tahay,” ayuu yiri.

Aabe Tahliil Faarax ayaa u mahad celiyey dhammaan dhinacyadii isku howlay cadaalad u raadinta gabadhiisa Ikraan Tahliil, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey madaxda ku howlan waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay kiiska Ikraan.

Hoos ka daawo Dr. Tahliil Faarax

Sawirro: Xil kala wareejin ka dhacday Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan uu Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Somalia, waxa uu xilka kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Cabdisaciid ayaa horey u ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin, oo ra’iisul wasaare Rooble oo ka joojiyey shaqadii agaasimaha NISA, inkastoo markii dambe uu sheegay inuu is-casilay.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Farmaajo, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.

Sawirro: Soomaalida Holland oo maanta dhageystay daraf ka mid ah gudiyada isku haya maamulka Masjidka QUBA

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Shiikh Suldaan Gasle oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands,  ayaa galabta kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, wuxuu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaaf intii muddo ahayd ragadaadiyay guddiga maamula masjid Quba oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaal Amsterdam.

Khilaafkani wuxuu u dhexeeyaa Iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah.

Kulankan waxaa soo agaasimay guddi ka dhisan Amsterdam,  guddigaasi oo ku soo baxay khilaafka, hasse ahaatee waxaa jira guddi kale oo ay horay labada dhinac ay  ugu madax dhiibteen si ay go’aan xaq & xalaal ah uga gaaraan khilaafka ka dhexeeyo, inkastoo Shiikh Suldaan uu madasha galabta ka sheegay in xubno ka tirsan guddigaasi oo uu saluugay dhexdhexaadnimadooda darteed inuu dib ugala laabtay kalsoonidii uu ku qabay.

Madasha kulanka maanta waxaa ku sugnaa   Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafka u dhexeeyo, halka daraftii kale ay ka cudurdaaratay kulanka.

Cali Waare, oo ka tirsan guddiga xalinta khilaafkaadka Amsterdam,  isaga oo ka hadlayay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dedaalada guddigooda ay hormuudka u ahaayeen oo ahaa kuwa  xal loogu raadinayo xiisada  masjidka Quba, wixii hadda ka dambeeya ay ku soo wareejiyanayaan waxgaradka Soomaalida, isaga oo intaasi raaciyay  in isaga & saaxiibadii ay ula muuqatay waajibaad diini ah in ay tahay in ay ku soo baxaan khilaafka, ujeeddada qura ee ay ka leeyihiinna ay tahay in xal loo helo khilaafka.

“In la kulmo oo labada dhinac la dhagaysto oo walaalaha kale ee madasha ka maqan aan waqti siino aad ayaa u jecleyn, ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay arrintan, ujeeddadeenu waxay tahay in dhinacyada khilaafkani uu ka dhexeeyo in ay wadahadlaan si xal loogu helo khilaafka masjidka, maadaama masaajidka dadka ugu badan ee ku intifaacaya ay Soomaali yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna ka dalbaday Shiikha in maadaama daraftii kale ee uu khilaafka kala dhexeeyay ay madasha ka maqan tahay in maqnaashiyahooda la ixtiraamo.

Shiikh Suldaan oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa dhinacyo fara badan ka hadlay, isaga ku xusay  in uusan jecleysan in dadku ay afkiisa ka maqlaan wax ka duwan wixii looga bartay ee ahaa muxaadaro & fasiraada kutubta & culuunta diiniga ah.

“Annagu haddii aan nahay Quba, markii hore halkee ka dhalanay.? SOMVOA ayaa ka dhalanay, anigoo iimaam masjid ka ahaaa ayaa rag culimo ah ay ii yeereen 2005-tii, culimadii ii yeertay waxaa ka mid ahaa Shiikh Shibili, waxaa la igu yiri howshan lagaama maarmi karo’e nala wad, waxaana shaqaale ka noqday masjidka” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in hindisaha lagu iibiyay dhulka uu masjidka ku fadhiyo & fadhiisinta howlaha masjidka oo soo billaabmay 2007-dii inuu oday ka ahaa, qeyb waynna ka qaatay sidii howshaasi ay u najixi lahayd, hasse ahaatee shaqsiyaad dhalinyaro ah, oo qaarkood ardaydiisa ka mid ahaa  in ay isku dayeen in ay banaanka dhigaan.

“Maalin bay ii yeereen, markii aan wada fadhiisanay ayeey igu yiraahdeen laga billaabo caawa, shaqada waynu kaa rafacnay, waxaan ku iri, sharciyadeed u cuskateen inaad shaqada iga fadhiisisaan.? sababaha ay go’aankaas isula qaateen waxaa ka mid ahaa; markii aan ka hor imid mashaariic aan la marin waddadii saxda aheyd oo laga bixiyay lacago masaajidku lahaa” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo dhinaca kalena ku eedeeyay [Aadan Kaah] oo ka mid ah guddigii 2da dhinac ay u xilsaareen xalinta khilaafkaadka inuu  ka leexday dariiqii dhexdhexaadinimada, lana saftay xubnihii uu khilaafku kala dhexeeyay, sida uu Shiikhu yiri.

“Dambiyada uu ALLE xarimay waxaa ka mid ah xoolaha dadka oo sifo aan sharci ahayn lagu cuno, hadhow qofkii isaga oo ay qoorta u suran tahay ayaa la soo saarayaa, ciddina oran maayo ciddaas ayaa xoolaha cuntay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan oo ay hadaladiisu u badnaayeen kuwa duur-xul ah, wuxuuna intaasi raaciyay in maalintii uu garaad yeeshay ilaa waqtigan oo madaxiisu ay ciro buuxisay in shaqada keliya ee uu yaqaan ay tahay fidinta diinta & wacyigelinta ummadda.

Aniga & cid kale ba waxaa ka wayn maslaxada ay masaajidka ku qabaan ummadda muslimka ah, haddii qof howshaasi aniga iga mudan la helo waxaan diyaar u ahay inaan duca ugu daro” Ayuu yiri Shiikh Suldaan.

Shiikh Suldaan waxaa kale oo uu sheegay in mushtamaca Soomaalida inuu ku soo celiyay ammaanadii ay u dhiibteen, isaga oo haweenka ku ammaanay sida ay hantidooda ugu bixiyeen dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka.

Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, in guddigii ugu horreeyay ee howsha dhexdhexaadinta loo xilsaaray ee fadhigoodu ahaa Tilburg & Eindhohoven in iyaguna ay maalinta Axada ah oo  taariikhdu ku beegan tahay 19  ay shir isugu yeereen jaaliyadaha Soomaalida, kana dalbadeen in ay ka soo qeybgalaan kulan ay ku shaacin doonaan natiijadii ka soo baxday dhexdhexaadintii ay muddada soo wadeen.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

Sheekh Shaakir oo Guriceel tegay iyo Macallin Maxamuud oo ku wajahan Gaalkacyo

0

Guricel (Caasimada Online) – Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, islamarkaana ka mid ah madaxda Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Guriceel, halkaas oo maanta laga dareemayey soo dhaweyntiisa, waxaana magaalada isugu yimid inta badan culumada Ahlu-Sunna ee gobollada Dhexe.

Shaakir ayaa deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb, kaasi oo keenay in markii dambe madaxda Ahlu Sunna isaga baxaan magaalada.

Sidoo kale, hogaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadaan hoggaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah isla markaasna deegaanada Galmudug uu ka socdo dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor weli kama uusan hadlin safarka uu Sheekh Shaakir ku yimid Magaalada Guriceel.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.

Maxkamadda ciidamada oo heshay laba qof oo xog ka haya kiiska Ikraan Tahliil iyo madaxdi NISA oo loo yeerayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah:

1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey
3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis
4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA

Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.

Shir xasaasi ah oo u socda Farmaajo iyo R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu haatan ka bilowday shir xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Wada-hadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galabeed iyo Galmudug oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu Rooble la tagay afar qodob oo ka mid ah kuwa keenay khilaafka haatan kala dhexeeya Farmaajo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ra’iisul wasaaraha u sheegay Lafta Gareen iyo Qoor Qoor in ay lama taabtaan yihiin qodobadaasi, uuna ka taasuli doonin, waxayna kala yihiin:-

1- Shaqo ka joojinta Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

2- In Bashiir Maxamed Jaamac Goobe uu yahay Taliyaha KMG ah ee NISA maadaama uu u xilkaas u magacaabay.

3- In Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

4- In Kiiska Ikraan Tahliil ay baarto Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamaddaas si cadaaladda loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay kiiskeeda.

Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa horey u aqbalay xilka qaadista Fahad Yaasiin, wuxuuse u magacaabay la-taliyaha guud ee amniga Qaranka.

Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in si gaar ah loo xalliyo, kiiska Ikraan Tahliil Faarax uuna bixiyo diyadeeda, sida uu shaaciyey Xasan Faarax oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan.

Si kasta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Farmaajo iyo Rooble ayaa saameyn ku yeelatay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka 2021-ka.

Maxaa ka soo kordhay xaalka aqoonyahanka taageera Farmaajo ee la afduubtay?

0

Nairobo (Caasimada Online) – Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda aqoonyahankan oo maalintii Talaaladadii aheyd ee la soo dhaafyay lagu afduubtay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada waddankaasi Kenya.

Cabdicasiis Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Cabdiwahaab ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in wal-wal xoogan uu soo jawahay qoyska, tan iyo markii la faduubtay walaalkiis, isagoo xusay inuu dhibaato ku noqday afduubka loo geystay Cabdiwahaab.

“Wal-wal saa’id ah ayaa jira wax hurdaaya malaha Walaahi dhibaato badan ayaa jirta ciyaal yar yarna waa joogaan oo murugeysan dhibta ma yara,” ayuu yiri Mr. Cabdicasiis

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay meel kasta ay tageen, ayna ku wargeliyeen laamaha dowladda, si loo baadi goobo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo illaa iyo hadda aan la garayneynin sababta loo afduubtay iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.

‘Horta wax aan kala socono malaha meel kasta waan tegnay waan raadinay, dowladdana waan u sheegnay, Media wax kasta waa kala hadalnay” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay la aadi doonaan maxkamadaha, isla-markaana ay qabsan doonaan Lawyer, si loo qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Hadda Lawyer baan qabsan doonaa dhib malaha maxkamadda ayaan tegeynaa wixii sharci ah oo dalka ka jira ayaan raaceynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa ah fallanqeeye iyo aqoonyahan ka soo jeeda Soomaalida Kenya, waxaana sidoo kale uu si weyn u taageersan-yahay madaxweynaha uu waqtigiisy dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Muuse Biixi oo sameeyey xilal ka-qaadis iyo magacaabis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

Muuse Biixi ayaa magacaabay shan guddoomiye gobol, agaasimaha guud ee bangiga dhexe iyo saddex xubinood oo kale.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweynaha Somaliland oo sidoo kale dhowaan isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd
Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe
Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone
Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1- Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
2- Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.
3- Maxamed Cilmi Xuseen Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
4- Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5- Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
6- Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
7- Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
8- Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
9- Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Saciid Deni oo digniin culus diray – Maxaa soo kordhay?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa digniin culus u diray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kuwa kale ee ka howl-gala ee dalka.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan sugida amniga, isaga oo uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Soomaaliyeed laga rabo inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadaha is diidan iyo muranada u dhexeeya siyaasiyiinta.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” ayuu yiri Deni xilli uu ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kula hadlayey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada in aysan u kala eexan xubnaha musharixiinta ah ee u tartmaya kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu jiro xaalad adag oo kala guur ah iyo sidoo kale doorashooyin guud oo isugu jira mida baarlamaanka & tan madaxweynaha.

Si kastaba horay musharixiinta mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si ay u fara-gelinayaan doorashooyinka.

Xogta dhex-dhexaadinta FARMAAJO iyo ROOBLE ee xalay iyo waxa kasoo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaallada ayaa waxaa wada madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay kulamo duwan la yeeshay labada mas’uul.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa kulankii ugu horreeyey oo saacado badan qaatay la yeeshay ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aanay wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin kadib saacado ay wada-hadlayeen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa iyo go’aamadii hore ku adkeysanayo, maadaama uu mas’uul ka yahay amniga iyo siyaasadda dalka, sababtuna ay tahay in Farmaajo ay sharciyaddii ka dhacday.

Qodobada Rooble ku adkeysanayo ee uu sheegay inaanay jirin meel uu uga laabto ayaa waxaa ka mid ah ah; shaqo ka ceyrinta Fahad Yaasiin, in Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, in Cabdullaahi Maxamed Nuur uu yahay wasiirka amniga, iyo in kiiska Ikraan Tahliil ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo kuwii ay ku caddaatana sharciga la mariyo.

Dhinaca kale Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay Farmaajo, balse weli lagama hayo wax faah-faahin ah.

Si kastaba, waxaa horey loo ogaa in Farmaajo uu raali ka yahay xil ka qaadista Fahad, balse uu doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. 

Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa diidan xil ka qaadista wasiirka amniga Xasan Xundubey, balse waxaa suurta-gal ah inuu aqbali karo in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaa NISA, qodobkaas oo la fahamsan yahay inaanu sidaas ugu adkeyn.

Xog: Mursal oo kusoo biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan ay caddaalad hesho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhacay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan Tahliil Faarax ay hesho cadaalad, taasi oo uu ka shaqeynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Mursal, oo hoos taga Farmaajo, horena ugu gacan siiyey muddo kororsigii fashilmay ee dhaliyey dagaalka, ayaa xiligan door ka qaadanaya daminta kiiska Ikraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale, Mursal ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo Golihii Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday lagu soo nooleeynayo, si loo carqaladeeyo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha, laguna hor istaago cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

Mursal ayaa Khamiistii ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga, taasi oo uu hore u diiday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxayna marag ma doon cad u noqoneysa in Mursal oo markale dhinaca saaray saaxiibkii Farmaajo.

Mursal ayaa ku doodaya in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, wuxuuna shaki galiyay awoodaha Ra’iisul Wasaaraha ee xiliga kala guurka.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale laga dooranayo.”

Maxamad Mursal ayaa hore ugu fashilmay hirgelinta qorshayaasha Farmaajo, kuwaasi oo qaarkooda ay halis u geliyey dalka colaad sokeeye, kadib markii uu meel-mariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha aqalka sare, gaar ahaan xubnaha sideeda kursi ee ka imaanaya dhanka maamulkaasi, laguna dooranayo Jowhar.

Diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa lasoo gaba-gabeynayaa gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle.

Sidoo kale beri oo Axad ah, kuna beegan 12-ka bisha September ayaa qorshuhu yahay inay hadal jeedin sameeyaan xubnaha musharixiinta ah ee is-diiwaan-geliyey, kadibna waxaa la guda-geli doonaa qabashada doorashada, si loo soo xulo Senatarada ka imaanaya Jowhar.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada booliiska ay howl-gallo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada ka wadaan halkaasi.

Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa ah mid xamaasad leh, kana duwan marka loo eego doorashooyinkii ka dhacay xarumaha kale ee dowlad goboleedyada, kadib markii madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe uu tartanka doorashada ka dhigay mid furan.

Kuraasta ayaa waxaa ku tartamayaa ugu yaraan saddex musharrax illaa ugu badnaan lix musharrax, waana sababta xiisadaha u yeeshay doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle.

Dhinaca kale musharixiinta oo haatan intooda ku sugan Jowhar ayaa wada ololahhoodii ugu dambeeyey, waxaana ka mid ah xubnahaasi siyaasiyiin saameyn ku leh Soomaaliya.

Si kastaba HirShabelle ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu dambeeyey ee guda-gala qabsoomida doorashooyinka golaha aqalka sare oo horay uga bilowday maamullada kale.

Farmaajo oo codsaday inuu bixiyo diyada Ikraan Tahliil kiiskana la soo xiro + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay, Dr. Xasan Faarax Axmed oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan Tahliil Faarax Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo odoyaal sheeganaya inay yihiin ehellada marxuum Ikraan Tahliil Faarax.

Dr. Xasan Faarax Axmed ayaa sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ganacsade Xuseen Dhoobow iyo odoyaal kale oo qaraabo kore la ah Ikraan ay la kulmeen Farmaajo kadibna ay kula hadleen in uu bixiyo diyada Ikraan, isagoo sidoo kale codsaday in kiiskaan la xiro oo aan maxkamad la geynin. 

“Anigoo ah adeerka runta ah ee Ikraan waxaa halkaan ka sheegayaa in aanan wax diyo ah qaadan doonin, xildhibaan Jeesow iyo Xuseen Dhoobow waxaan ugu baaqayaa in kiiska Ikraan gacanta kala baxaan,” ayuu yiri Dr Xasan Faarax Axmed. 

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan ayaa horey u sheegtay in waxa kaliya ee ay ku qanceyso ay tahay in gabadheeda ay caddaalad hesho, waxayna uga digtay Daahir Amiin Jeesow oo ku beel ah Ikraan, balse aan wax xiriir ah kala dhaxeyn, inuu faraha kala baxo kiiska gabadheeda. 

In madaxweyne Farmaajo uu codsado diyada bixinta Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh.

Ra’iisul Wasaare EMaxamed Xuseen Rooble ayaa gudi saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana ka dhashay mowjado siyaasadeed aad u culus iyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Soomaaliya – Ma albaabkii TURKIGA ee Bariga Afrika?

Turkiga oo toban sano ka hor August 19, 2011 u soo gurmaday Soomaaliya oo ay ka jirtay macaluul iyo colaad sokeeye ayaa khibrad la wadaaggiisa aqoon, maalgashi dhaqaale iyo ciidan dhiskiisaba gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada dowladnimada dalka. 

Burburka ka dhacay Afghanistan ayaa marqaati ma doonto u ah inaan laysku hallayn karin cudud shisheeye. Afartii sano ee la soo dhaafay, mudnaanta kowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ahayd dhismaha ciidamo tayo xirfadeed iyo asluub waddaninimo leh si loogala wareego AMISOM mas’uuliyadda amniga dalka. 

September 2017, ayuu Turkiga ka furay Muqdisho  Kulliyadda TurkSom oo ay ku baxday maal dhan ilaa 50 malyan doolar lehna awood ay ku tababbarto in ka badan 1,500 askari markiiba iyo 200 sarkaal. 

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo la hadlayey wakaaladda wararka “Anadolu” ayaa sheegay in dalkiisu uu u tababbari doono Soomaaliya inta u dhaxeysa 15,000 ilaa 16,000 askari, (Daily Sabah 04/08/2020).

Dhawaan, dowladda Turkiga waxay ku deeqay Soomaaliya gawaarida gaashaaman oo iskugu dhafan kuwo aysan karin waxyaabaha qarxa iyo gaadiid leh udub dhexaad lagu rakibo qoryaha darandoorriga u dhaca oo lagula dagaallami doono xagjirta. 

Wixii ka horreyey 1975-78, Turkigu waxuu lahaa warshado yar oo lagu farsameeyo hubka. Mareykanka oo uu ka iibsan jireen qalabka kabka ayaa ku soo rogay xayiraad, taasoo ku dhalisay inuu si dhaqsa leh u hormariyo warshadaha muhiimka u ah baahidiisa, si uu uga kaaftoomo ku tiirsanaanta Dibedda.

Shantii sanadood ee u dhexeysay 2015 – 2019 hub soo dejintiisa waxay hoos u dhacay 48% marka la barbardhigo shantii sano ee ka horreysay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saaraan in ka badan 70% qalabka baahida dalkiisa (BBC News 23/10/2019).

Dadaalka heerarka kala duwan ee niyadsamida ku bilowday ayaa unkay xidhiidh bulshadeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Haseyeeshee, siyaasiyiin xildoon ah iyo baraha bulshada aan xasillooneyn ayaa meel kaga dhacay hiilkii walaalnimo. Waxay ahayd faduul dalal gaar ah ay ku doonayeen inay Turkiga suuqa kaga saaraan. 

Intii u dhexeysay 2010 ilaa 2019 waxuu hub u dhoofiyey ilaa iyo 28 waddan. Waxaa lagu qiyaasayaa hubka uu dhoofiyey 2018 keliya ilaa 2.2 bilyan doolar.

Dalka Kenya ayaa ka iibsaday ilaa 118 gawaariga gaashaaman kaddib markii ciidamada gorgor  oo ku qalabeysan hubka Turkiga muddo saacada ah ku soo afjareen miliishiya Kenya soo hubaysay.

Warshadaha Turkiga ayaa ka mid yihiin 100 shirkadood ee ugu waaweyn adduunka. Waxay si tartiib tartiib ah u kordhiyeen ka iibinta badeecadooda dalal Afrika oo ay ka mid yiniin: Algeria, Burkina Faso, Ghana, Liibiya, Mauritania, Nigeria, Rwanda, Senegal, Tunisia, Uganda (Geopolitical Monitor 16/12/2019).

Sida ay December 2020 sheegtay hay’adda “Stockholm International Peace Research Institute’s (SIPRI’s)” Turkigu waxuu ka mid yahay afarta hub dhoofiyeyaal ee soo shaac baxay waayahaan oo ay ka mid yihiin Brazil, Koonfurta Kuriya iyo Imaaraadka [oo dulaala ah].

Maalka la qiyaasayo in dowladda Turkiya ay gelisay warshadaha qalabka difaaca ayaa kor u dhaafaya 60 bilyan doolar, taas oo qiimaha warshadahaas oo ahaa hal bilyan doolar 2002kii, gaarsiisay ilaa iyo 11 bilyan 2020kii (Carnegie Endowment for International Peace 09/10/2020).

Lama dafiri karo in Turkigu wixii ka dambeyey u soo gurmadkii Soomaaliya uu noqday ciyaaryahan saameyn ku leh Afrika.  

Isha: Jamhuriyadda.com

Shiinaha oo malaayiin dollar ugu deeqay Afghanistan

0

Kabul (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dollar oo gargaar ah oo uu siinayo Afghanistan, taas oo u muuqata mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu horreeyay ee shisheeye ee gaara waddanka ay ka taliso Taalibaan.

Gargaarka Shiinaha ee Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

“Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Isagoo la hadlayay dhiggiisa waddamada Pakistan, Iran, Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.

Ku dhawaaqista xirmada gargaarka ayaa timid isla maalintii uu Shiinuhu sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin xukunka Taalibaan, kadib markii ay qaadeen “tallaabadii lama huraanka aheyd” ee ay ku dhiseen dowlad ku meel gaar ah.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ka digtay in Afghanistan ay wajahayso “saboolnimo baahsan” bartamaha sanadka soo socda haddii aan la xoojin dhaqaalaha dalkaas.

Danjiraha Pakistan ee Washington Asad Majeed Khan ayaa sheegay inay ula muuqato in beesha caalamku ay gacan ka geysato sidii Afghanistan uga gudbi laheyd dagaalka dhaqaale ee ay ku jirto.

VOA