26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Daawo: Nabadoon Xaad oo laga soo badbaadiyey hotel Xayaat oo bixiyey xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay hotel Xayaat ayaa ka sheekeeyey wixii uu ku arkay gudaha Hotelka oo mudo shan saacadood ah uu ku xayiraa.

Nabadoonka ayaa ciidanka dowladda ku eedeeyey inay ka soo daaheen Hotelka oo laba saacadood kadib ay yimaadeen, intaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay gudaha Hotelka toogasho ka wadeen.

Markii lasoo weeraray Hotelka wuxuu sheegay inay fadhiyeen banaanka hore, isla markaana dadkii ay u kala careen seddax jiho oo kala ah irida weyn, qeybaha kore ee Hotelka iyo dhica xiga Hotel Saxafi.

Nadoon Xaad ayaa intaas ku sii daray in markii weerarku bilowday uu u galay derbiga xiga dhinaca Hotel Saxafi, halkaas oo shan saacadood kadib ay ka soo badbaadiyeen ciidanka Haramcad oo aad uu ugu mahad celiyey.

Nabadoon Xaad ayaa yiri, “5 saac ayaan gudaha Hotel-ka ku jiray, meel u dhaxeysa Hotel Saxafi iyo Hayaat oo derbi ah ayaan galay, dadkii waa dhamaadeen dhawac faro badan ayaa yeella hotel-ka, gurmadkii looga baahnaa dowlada laga ma helin.”

Wuxuu aad u dhaliilay ciidanka Alpha Group, oo sida uu sheegay maanta lagu wareejiyey howlgalka, kuwaas oo sida uu sheegay aad u burburiyey Hotelka, iyagoo aan sameyn wax gurmad ah, taas bedelkeedna wuxuu amaanay Haramcad iyo Taliye Farxaan Qaroole.

Sidoo kale Nabadoon Xaad wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ku canaantay in sidaan ay wax ka bedelaan oo firfircoonida dadka ay hoggaanka u qabteen ay ka faa’iideystaan, isla markaana ay ku dhaqaaqaan dagaalka ay iclaamiyeen ee Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

DF oo qaadatay go’aan lagu burburinayo Hotel Xayaat oo laga saari waayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay bixisay amar dhulka lagula simayo Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii labaad ay si toos ah uga dagaalameyso koox ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxda sare ee hay’adaha amniga ayaa caawa gaaray goobta waxayna amreen in howlgalka deg deg loo soo afjaro, intaas kadibna ciidamada ku sugan goobta waxay bilaabeen diyaarinta qorshe lagu burburinayo dhamaan Hotelka.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladdu amartay in Hotelka lagu dumiyo raga ka dhex dagaalamaya Hotelka, markii uu soo baxay amarkaas kadib waxaa la maqlay seddax jug oo xoog leh, kuwaas oo la aaminsan yahay inay bilow u yihiin howlgalka burburinta ah.

Durbadiiba waxaa baraha bulshada is qabsaday walaaca dadku ay ka qabaan in khasaare laxaad leh uu ka dhasho, qorshaha la doonayo in lagu dumiyo Hotelka, maadaama laga saari waayey raga ka dhex dagaalamaya.

Ilaa seddax nin ayaa la sheegay inay gaarayaan dagaalyahanadu, waxaana la rumeysan yahay in dad shacab ah oo weli nool ay ku go’doonsan yihiin qeybo ka mid ah Hotelkaan la qorsheeyey in dhulka lala simo.

Ciidamada weriyaasha iyo dhamaan dadkii ka ag dhowaa Hotelka, ayaa la isugu geeyey isgoyska Taleex, waxaana loo sheegay inay ka fugaadaan goobta, maadaama dhismaha Hotelka loo adeegsa rabo, hub culus iyo qaraxyo lagu burburinayo.

Isku daygaan wuxuu galaafa karaa nolosha dad la aamisan yahay in noloshooda lasoo badbaadi karo, waxaana naloo xaqiijiyey in go’aankaan ay dowladdu qaadatay, markii ay ku guul dareysatay in la toogto dagaalyahanada Al-Shabaab.

Abuu Muscab oo war yaab leh ka soo saaray weerarka ka socda hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa goordhow ka hadalay weerarka ka socda Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen fiidkii hore ee xalay.

Wuxuu sheegay inay aad ula socdaan xogta dagaalyahanadooda weli ka dhex dagaalamaya Hotel Xayaat, isagoo sabab ay u weerareen Hoteelkaas ku tilmaamay inuu ahaa goobta lagu qorsheeyo dabinada loo dhigo Al-Shabaab oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Abuu Muscab aya sheegay in ciidamada dowladda oo isku deyaya inay qabsadaan Hotelka ay maanta ilaa xalay soo qaadeen 15 weerar, balse ay iska caabiyeen xubnaha Al-Shabaab eek u jira gudaha Hotelka in ka badan 24-saac.

“Halkaas ciidamo fara badan ayey kusoo uruuriyeen, mar kastana ciidan cusub ayaa la soo galinayay goobta, waana la jebinayey, dhimasho iyo dhaawac badanna waan gaarsiinay,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab oo wareysi siiyey warbaahinta Al-Shabaab.

Sidoo kale ninkaan u hadlay Al-Shabaab wuxuu sheegay in weerarka ay ku dileen dad ka badan 40 qof, isagoo ku faanay in dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin.

“Hawlgalkan wuxuu yimid ayadoo Xasan Sheekh uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay, in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’iyo tacsi iyo geerina ay u taallo,”  ayuu yiri Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Wuxuu sheegay in sidaan oo kale uu Farmaajo dagaal ugu iclaamiyey Al-Shabaab, markii uu yimid xukunka, “Waxaan gaarsiinay in maalinkii uu madaxtooyada ka baxayay aan madaafiic ku garaacno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Weerarka ka socda Muqdisho, gaar ahaan Hotel Hayat ayaa dhaafay goortii uu bilowday goorteedii kale, ciidamada ugu tababarka wanaagsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ilaa xalay isku bedelayey, welina waxaa la soo afjari la’yahay dagaalyahano ka tarsan Al-Shabaab oo tiradooda aan la garaneyn, kuwaas oo xalay xoog ku galay Hotelka.

Weerarka Hotel Xayaat oo noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hotel Xayaat ee Muqdisho ayaa noqday weerarkii ugu muddada dheeraa taariikhda ee kooxdaas ay ku qabsato hotel ama xarun kale.  

Weerarkaas oo billowday xalay abaare 7-dii habeennimo ayaa hadda dhaafay muddo 24 saac, waxaana weli dagaalyahanada kooxdan laga saari la’yahay hotelka oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho. 

Waa arrin weli jawaab loo la’yahay sida dhowr dagaalyahan oo kooxdan ka tirsan ay u awoodeen inay boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda iska caabiyaan muddo ka badan 24 saac. 

Fashilka arrintan ka dhashay ayaa horseeday in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ayaa weli laga saari la’yahay hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo soo gaaray dadkii daganaa Hotelka iyo kuwa kale oo ku sugnaa meelo u dhow Hoteelka. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas ku geeriyooday illaa 25 qof halka uu dhaawac intaas ka badan yahay 30.

Wararka qaar ayaa sheegayay in weerarka oo soo afjaristiisa dheeraatay ay u sabab u tahay kooxda weeraray ee gudaha u galay oo hub fara badan oo miinooyin u badan, kuwaas oo ay dhigeen gudaha hoteelka.

Miinooyinka ayaa qaarkood lagu soo cabeeyey caagagta saliidda, waxaana la dhigay gudaha hoteelka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka ka socda Hotel Xayaat + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaati ee Magaalada Muqdisho kaasoo weli lasoo afjari la’yahay ayada oo Al-Shabaab ay weli gudaha ugu jiraan.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow, oo qoraal kusoo qoray bogiisa Facebook, ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood, gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo.

Macalimow ayaa sheegay in beeshiisa Gugundhabe oo la isku yiraahdo Baadicadde, Jiidle iyo Gaaljecel uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan Baadicadde iyo Laba Jiidle ah oo lagu dilay weerarka. Wuxuu kale oo uu sheegay inuu jiro dhaawac badan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Macalimow

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11, Baadicadde 9, Jidle, 2

1- Xaaji Bashir Xaaji Suleymaan Muxumed, 2- Cabdirashiid Cabdi Axmed, 3- Shahiid Axmed Cumar, 4- Axmed Cabdullaahi Ibraahim, 5- Cabdullaahi Abiib Maxumed, 6- Maryan Sheekh Cali, 7- Abdirashid Nuunow, 8- Yusuf Mahad Barrow, 9- Ahmed Cali Xaaji, 10- Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine), 11- Seynab Abdi Maqaar.

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Alpha Group oo laga saaray Hotel Hayat iyo Haramcad oo la wareegay howlgalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya hotel Xayaat yaa sheegaya inuu weli socdo howlgalka hotelkaas oo ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayay in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab.

Sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen Caasimada Online, waxaa la toogtay illaa 2 kamid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab, waxaana hadda weli la rumeysan yahay inay gudaha ku jireen tiro kale oo aan la aqoon inta ay le’eg yihiin inkasta oo warar ay sheegayaan inay yihiin laba kale.

Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa soo bilowday xalay markii ay kooxda Al-Shabaab hotelka ku qabsadeen weerar ku bilowday qaraxyo is qarxin ah oo gaarayo illaa 3 qarax.

Meydad hor leh ayaa laga soo saaray gudaha Hotelka, waxaana jiro burbur xoog leh oo gaaray Hotelka iyo guryaha u dhow dhow.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaan, waxayna dhimashada ku dhowdahay illaa 20 halka uu dhaawaca kor usii dhaafayo 40.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay weerarka Hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan la’ inay soo afjaraan weerarkii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo soo gaaray dadkii daganaa Hotelka iyo kuwa kale oo ku sugnaa meelo u dhow Hoteelka. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas ku geeriyooday illaa 18 qof halka uu dhaawac intaas ka badan yahay.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa warbaahinta u sheegay in Isbitaalka lasoo gaarsiiyey illaa 40 qof oo dhaawac ah, waxaana sidoo kale jiro dhaawacyo kale oo la geeyey Isbitaalada kale ee ku yaalo magaalada.

Dagaalyahano lagu qiyaasay illaa 4 ayaa weli la rumeysan yahay inay ku jiraan gudaha Hotelka, waxaana burburay qeybo badan oo kamid ah Hotelka kadib markii ciidamada dowladda ay ku garaaceen hubka culus.

Hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyey dad aad u badan oo ay ku jiraan carruur iyo haween, waxaana suuragal ah inay weli jiraan dad kale oo ku go’doonsan Hotelka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weli gacanta ku heyso Hotelka isla markaasna ay iska caabisay dhowr jeer oo ay ciidamada dowladda isku dayeen inay Hotelka la wareegaan.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.

Kooxda weerertay hoteel Xayaat oo adeegsatay xeelad dheereysay in lasoo afjaro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli jug xooggan iyo rasaas ay ka dhex dhacaysaa gudaha hoteel Xayaat oo xalay ay gudaha u galeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, weerarkaasi oo sababay dhimashada in ka badan 15 qof iyo dhaawaca 30-meeyo.

Weerarka oo soo afjaristiisa dheeraatay ayaa waxaa u sabab ah kooxda weeraray ee gudaha u galay oo hub fara badan oo miinooyin u badan, kuwaas oo ay dhigeen gudaha hoteelka.

Miinooyinka ayaa qaarkood lagu soo cabeeyey caagagta saliidda, waxaana la dhigay gudaha hoteelka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Maleeshiyada gudaha hotelka ku jira ayaa adeegsanaya qaraxyadaasi marka ciidamada amniga ay usoo dhawaadaan kadibna qarxinaaya, taasoo keentay in 20 saacadood uu socdo weerarka.

Weerarkaan oo noqday kii ugu cuslaa uguna khasaare badnaa ee dhaca tan iyo markii ay dhalatay dowladda cusub ayaa waxaa durba bilowday eedeymo loo jeedinaayo hay’adaha amniga dowladda oo ah inay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga.

Dhinaca kale, waxaa xalay xaafado ka tirsan Muqdisho lagu garaacay hoobiyeyaal kaasoo sababay dhaawacyada dad rayid ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaan oo ay ku dhinteen dad isugu jira ganacsato, shacab iyo xubno u shaqeeya dowladda.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir Muxuddiin Warbac Shadoor oo qarax lala eegtay xili uu usoo gurmanayay weerarka hotelka Hayaat.

Hoobiyeyaasha Muqdisho qaarkood oo ku dhacay guriga lamaane aroos ahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Weerar hoobiyeyaal ah oo xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab ayaa geystay khasaare xoogg badan, ayada xiliga ay madaafiicda hoobiyeyaasha dhacayeen uu dhanka kale socday weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat.

Lamaane arooskooda cusub yahay ayaa ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi oo xalay 3-dii habeenimo bilowday, waxaana sariirtooa buuxiyey dhiig ka dhashay dhaawacyada soo gaara.

Lamaanaha oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray hoobiyaha kusoo dhacay sariirtooda ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo wax ka qabashada xaaladooda.

Sidon kale, tiro dad gaaraya 20 ayaa dhaawacyo kasoo gaareen madaafiicdaasi, iyadoo la sheegayo in labo qof oo dhaawacyadooda hails ahaa ay ku u dhinteen.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad hoobiyeyaasha, hase ahaatee waxaa horay looga bartay kooxda Al-Shabaab inay magaalada Muqdisho xaafadaheeda ku garaacaan hoobiye iyo madaafiic kale.

Weeraradan ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.

Daawo: Maxaa ka soo kordhay weerarka hoteel Xayaat?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa illaa hadda howlgal ka wada hoteelka Xayaat oo ay fiidkii hore ee xalay weerar toos ah oo qaraxyo waa weyn ku billowday ay ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in uu weli socdo howlgalka oo qaatay saacado badan, waxaana haatan hoteelka ka dhex-dagaalamaya raggii gudaha u galay oo wata hub aad culus.

Qaraxyo nooca bambaanooyinka ayaa sidoo kale laga maqlayaa gudaha hoteelka oo ay haatan ku hareersan yihiin ciidamada ammaanka oo qaarkood gudaha u galay dhismaha.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaan ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka hoteelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mid ah:-Ganacsade Cabdihaadi Maxamed Sheekh, Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale. 

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoteelka ku dhex dishay in ka badan 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hoteel ku yaalla Muqdisho, tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

 

Intii uu ku maqnaa salaadda ayaa xaaskiisii lagu kor gowracay sariirta + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo Jimcihii ka dhacday xaafadda Tusbaxle ee degmada Dayniile, kadib markii sariirteeda lagu gowracay haweeney lagu magacaabi jiray Qamar Yuusuf Cali.

Marxuumadda ayaa aheyd hooyo korineysay lix carruur ah, waxaana u dhacay nin ku hubeysnaa mindi oo ku dhex-gowracay gurigeeda, xilli ay hurdeysay.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu u dhacay guriga, xilli uu Salaadda Subax u baxay seyga marxuumadda oo guriga kor uga xiray, waxaana kadib soo daba maray ninka mindida watay oo la sheegay inuu ahaa tuug, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Aweys Yuusuf Cali oo la dhashay marxuumadda ayaa sheegay illaa saddex mindi ah lagu dhuftay walaashiis, ayna u dhimatay dhaawac markii hore ka soo gaaray tooreyda.

“Ninkeedii ayaa xalay la joogay guriga ayuu kor ka xiray Salaad ayuu aaday intii uu Salaadda ku maqnaa ayaa la soo jabiyey guriga, ninaa soo jabiyey guriga ayuuna galay, kadib saddex toorey ayuu ku dhuftay marxuumadda,” ayuu yiri Aweys Yuusuf Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninka uu baxsaday, markii ay ku soo kaceen carruurta guriga joogtay, ayada oo haatan uu socdo baaritaanno ay wadaan laamaha amniga.

“Illaa iyo hadda lama xaqiijin karo, laakiin qaab tuug waayey, baaritaan ayaana hadda ku jirnaa,” ayuu sii raaciyey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayey dilalka arxan darrada ah ee loo adeegsanayo tooreeyada, waxaana ugu dambeeyey dilkii Hibo Qaasim Maxamed oo todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, xilli ay ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Somalia.

Daawo: DF Somalia oo hal arrin ka codsatay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa fariin u diray kooxda Al-Shabaab, isagoo ka dalbaday inay u damqadaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanada ay joogaan ku wajahaya xaaladaha adag.

Fiqi ayaa Al-Shabaab toos uga dalbaday inay ka wareegaan gargaarka loo wado dadka ku nool deegaanada ay ka joogaan gobollada dalka, si loo badbaadiyo nolosha dadkaas.

“Al-Shabaab waxaan ugu baaqayaa in aysan carqaladeyn deeqaha oo deegaanada gacantooda ku imtixaanan dadka ku dhibaateysan aysan gargaarka ka hor istaagin,” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu ku tilmaamay niman arxan daran, balse kama uusan quusan inuu fariintaan u diro, wuxuu tusaale u soo qaatay habdhaqanka rag uu ku jiro Mahad Karataay oo dhowaan ka soo muuqday warbaahinta.

“Al-Shabaab dabcan waa dad Soomaali ah, oo ka dhashay umadaan dhibaateysan, waxay sheegtaan inay shareecada islaamka wax ku raadinayaan, fariinteyda hala gaarsiiyo, waxaan arkayey rag uu ku jiro Mahad Karataay oo umadaan baahan u soo bandhigaya iyagoo Jilib hilib isaga cunaya,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu Fiqi carabkiisa ku adkeeyey in Al-Shabaab ay ogolaadaan dalabkaan, isla markaana aysan damaacin, kana wareegaan deeqaha loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu ku heyso deegaanada ay maamusho kooxdaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay wada gaarto deeqda aan ugu tala galnay, sanadkaana waxaa la ogaa doonaa in ragaasi ay yihiin dhiigyo-cab dadku markey wax heystaan ka dhaca, markii ay gaajoonayaana ku fiirsada,” ayuu yiri Fiqi oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/OQE-ppy_vvM?t=4

20 qof oo ku dhaawacmay hoobiyeyaal lag garaacay degmada Xamarjajab + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare u badan dhaawacyo.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray, xilli ay hurdayeen.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxaa dhacdadaan ku dhaawacmay illaa 20 qof oo u badan dad isku qoys ah.

Sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay ka mid ah lamaane aroos ah, hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyo dad kale, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayat oo ay ku jiraan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan muddo ka badan lix saac oo xiriir ah, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.

Al-Shabaab ayaa hotelka, oo ku yaalla agagaarka KM4, waxay weerar ku billowday qaraxyo baabuur ku qaadeen abaare 7-dii habeennimo iyo dhowr daqiiqo, waxaana kadib galay maleeshiyo ka tirsan kooxdaas.

Waxaa hadda soo baxaya xogta khasaarihii ugu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mida: Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale. 

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo ka mid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka. 

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan banaanka hotelka ayaa hub culus ku garaacaya hoteelka, ayada oo ay adag tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro. 

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoteelka ku dhex dishay in ka badan 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.

Caruur iyo haween laga soo badbaadiyey hotel Xayaat iyo kuwo weli ku go’doonsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladdda ayaa ku guuleystay inay haween iyo caruur kasoo badbaadiyaan Hotelka Xayaat, oo caawa qaraxyo iyo weerar toos ah ay kusoo qaadeen dagaaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in dad shacab ah ay weli ku xayiran yihiin gudaha Hotelka oo illaa hadda ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo ku jiray muddo ka badan lix saac oo xiriir ah, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.

Dadka lasoo badbaadiyey waxaa ka mid ah hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay oo sawirkooda si aad ah loo wareejinayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.

Waxaa isa-soo tareysa xogta khasaarihii ugu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mida: Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale.

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo kamid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka.

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Guddoonka BF oo war cusub kasoo saaray kulankii lagu dhaari lahaa FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u diray fariin loogu sheegayo inuu baaqday kulankii berri loo balansanaa, kaas oo la doonayey in lagu dhaariyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoonku ma shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo kulanka golaha, balse waxaa qoraalka lagu xusay in sababo ay jiraan, waxaana kulankaas loo bedalay maalinta Axada ah.

Fariinta loo diray xildhibaanada ayaa lagu yiri, “Xildhibaano, arrimo jira awgeed ,Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August.”

Ajendayaasha loo qorsheeyey kulanka baaqday waxaa ka mid ahaa in Farmaajo loo dhaari lahaa xubin ka tirsan golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu Farmaajo ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

Inkastoo guddoonka golaha shacabka uusan shaacin sababta loo baajiyey kulankii golaha ee berri, hadana waxaa xusid mudan in caawa uu weerar toos ah ka socdo Hotelka Hayat oo ku yaalla isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen.

Al-Shabaab oo sheegasho deg deg ah ka soo saartay weerarka ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si deg deg ah u sheegatay qaraxyo iyo weerar toos ah oo caawa ka socda Hotelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoysaka KM 4 ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Sidoo kale warka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in qarax kale ay sarakiil boolis ah kula beegsadeen agagaarka xarunta CID-da, kuwaas oo gurmad ahaan ugu socday goobta, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kale.

Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday.

Intaas kadib waxaa Hotelka gudaha u galay rag aad u hubeysan oo aan weli tiradooda la aqoonsan, kuwaas oo gudaha Hotelka ka dagaalamaya.

Ciidamo xoog leh ayaa gaaray goobta, waxaana socda howlgal la doonayo in lagu soo afjaro kooxdaas, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo bam-baano oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan.

Khasaare culus ayaa jira in kastoo aan weli la helin tiro koob rasmi ah, sidoo kalena uu socdo weerar toos ah oo ciidamada ammaanku ay la tacaalayaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Madaxweyne FARMAAJO oo berri lagu dhaarinayo BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan lagu dhaarinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa berri markii la dhaariyo wixii ka dambeeya wuxuu xubin ka noqonayaa golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

Sidoo kale kulanka golaha shacabka ayaa berri lagu dhaarinayaa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, sida lagu shaaciyey ajendaha.

Intaas kadib xildhibaanada golaha shacabka ayaa berri guda gelaya doorashada guddoonka guddiyada Golaha Shacabka, kuwaas oo gaaraya 14 guddi.

Laba habeen ka hor guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo saaray liiska 14-ka guddi ee golaha shacabka loo kala qeybiyey, kuwaas oo berri oo dooranaya guddoonadooda.

Erdogan oo beeniyey qorshe la sheegay in Turkey ay ka damacsan tahay dalka…

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey aysan ku talo jiirn inay qabsato dhul ka mid ah Syria inkasta oo ay sare u qaaday weerarada ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga dalkaas.

Hadallada Erdogan ayaa yimid maalmo kadib markii duqeyn diyaaradeed oo Turkey ay ka fulisay xuduudda Syria, oo ay ku sugnaayeen ciidamada rajiimka Assad, lagu dilay 17 dagaalyahan.

Koox dusha kala socota dagaalka Syria ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay ciidan isugu jira kuwa dowladda Syria iyo kuwa Kurdish ah.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Syria ayaa sheegtay in saddex askari oo ka mid ah kuwa dowladda lagu dilay weerarka.

Turkey waxay sheegtay inay ka jawaabeysay duqeyn lala beegsaday fariisimo ay ku leedahay xuduudda oo looga dilay laba askari.

Rasaasta halkaas la isku weydaarsaday ayaa tusmeysay mid ka mid xiisadahii ugu darnaa tan iyo markii Ankara iyo Dimishiq ay weeraro isweydaarsadeen 2020.

Erdogan ayaa hadda u muuqda inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda, xilli uu kasoo laabtay safar uu ku tegay Ukraine.

“Indhaheenu kuma jeedaan dhulka Syria sababtoo ah dadka Syria waa walaalaheen,” ayuu yiri Erdogan sida ay kasoo xigatay warbaahinta Turkish-ka.

“Rajiimka waa inuu ka war hayaa arrintan.”

Booqashada Erdogan ee Ukraine ayaa timid laba toddobaad kadib markii uu u duulay magaalada Sochi oo uu wadahadallo kula yeeshay Vladimir Putin, kuwaas oo sidoo kale looga hadlay arrimaha Syria.

Taageerada Putin ayaa muhiim u aheyd inay gacan ka siiso madaxweynaha Syria Bashar al-Assad inuu ka badbaado dagaal 11 sano socda oo uu kula jiro kooxo mucaarad ah oo qarakood ay taageerto Turkey.

Erdogan ayaa sheegay inuu u sheegay Putin inuu doonayo inuu si dhow ugala shaqeeyo Ruushka waqooyiga Syria, halkaasi oo Ankara ay ku beegsaneyso Kurdiyiin ay u aragto “argagixiso.”

“Ruushka waan kala xiriirnaa tallaabo kasta oo aan ka qaadeyno gudaha Syria,” ayuu yiri Erdogan.

AFP + VOA

Maxay ahaayeen ciidamada maanta kasoo degay Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada cusub oo ka yimid wadanka Nigeria oo kamid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya yaa ku biiraya dadaalada ku aadan Nabadda iyo Xasiloonida, iyaga oo ka qeyb qaadan doona ilaalinta goobaha muhiimka ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ka hor inta aan ciidamada la keenin magaalada Muqdisho waxaa munaasabad tababar ay qaateen loogu soo xirayay ay ka dhacday dalka Nigeria, ayada oo saraakiisha ciidamada booliska dalkaas ay fareen inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Nigeria ee ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa uga mahad-celiyay ciidamada iyo saraakiishooda tababarka ay qaadeen loogana baahan yahay inay waajibaadkooda si waangsan u gutaan.

Ciidamada maanta soo gaaray magaalada muqdisho ayaa kamid noqonaya Ciidamada Booliska ATMIS ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka kala socda qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba dooneysay in howl-galka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya, si ay ugu suurta gasho dowladda inay ciidamada shisheeye kala wareegto mas’uuliyadda amniga.