26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Ruto oo u jawaabay Odinga, shaaciyeyna qorshihiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay inaan la joogin xilli waqti lagu lumin karo doorashadii dhacday, islamarkaana ay sugayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib murashaxii laga adkaaday ee Raila Odinga uu diyaariyay loolan xagga sharciga ah oo uu ku doonayo inuu kaga hortago guul-darradii ka soo gaartay doorashadii dhacday 9-kii Agaust.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ruto yahay madaxweynaha dalkaas, kadib tartan adag oo uu ku doonayay inuu ku hoggaamiyo waddanka ugu qanisan bariga Afrika, balse afar ka mid ah toddobada guddiga doorashada ayaa kasoo horjeestay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada.

Odinga ayaa sheegay in go’aankan uu kaga hor imaan doono maxkamadda, isagoo ku tilmaamay natiijada doorashadii dhacday mid ‘waxba kama jiraan ah”

Si kastaba ha ahaatee, Ruto ayaa sheegay inuu dhisayo maamul uu hoggaamiyo, isaga oo ballan-qaaday in aan qof Kenyaan ah looga reebi doonin siyaasad qaab isir ahaaneed.

“Runtii waxaan rabaa inaan ogaanno in rajada shacabka Kenya ay tahay mid aad u weyn, ma haysanno raaxo waqti lumis ah,” ayuu yiri Ruto, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka, kadib markii uu gurigiisa kula kulmay xubnaha lasoo doortay ee ka tirsan isbaheysigiisa.

Ruto oo ah 55-jir, si toos ah ugama hadlin qorshaha Odinga uu kaga hortagayo guushiisa, balse wuxuu si dadban u yiri: “Haddii ay jiri doonaan hannaan maxkamadeed, waan ku lug yeelan doonnaa sababtoo ah waxaan u hoggaansanahay sharciga.”

Kulan gaar ah oo ka dhacay caasimadda Nairobi, ayaa saraakiisha la doortay ee isbahaysiga Odinga waxaa kulankoodu ku saabsanaa sidii ay u jaangooy lahaayeen tillaabada xigta ee ay qaadi karaan oo noqon karta dagaal sharciyeed.

Odinga kama aanu hadlin xaflada, balse ku xigeenkiisa Martha Karua, wasiirkii hore ee cadaalada ayaa tiri: “Guulsheena waa dib ayaa loo dhigay.”

Odinga ayaa markii dambe bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waxaan ku kalsoonnahay inaan kasoo kaban doonnoo khiyaanadan, oo aan dib u soo ceshan doonno guusheenna waqtiga ku habboon.”

Odinga, oo 77 jir ah, horena u soo noqday Ra’iisal Wasaare ayaa madaxweyne u tartamay markii shanaad, wuxuuna haystaa illaa Isniinta inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa ku gacan seyray eedeynta afarta xubnoodd oo ka tirsan guddigan oo diiday habka tirinta codadka oo ay sheegeen inuu mugdi ku jiro.

Maxkamadda sare ayaa sheegtay Arbacadii inay diyaar u tahay inay qabato codsi kasta oo ay diyaargarow ugu jirto haddii ay dhacdo.

REUTERS + VOA

Ma laga maarmay shaqadii loo diray CC Shakuur kadib tallaabadii uu qaaday Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ra’iisul wasaare Xamza oo todobaadkaan yeeshay kulan ayaa diirada lagu saaray arrimaha gurmadka abaaraha xilli ay Soomaaliya weli ku jirto waqti adag oo abaar ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka kadib hadlay wuxuu ujeedka kulanka ku sheegay xoojinta qeyla dhaanta dowladda Soomaaliya ee arrimaha abaaraha iyo in si dhab ah wax looga qabto dhibaatada taagan.

Wuxuu dul istaagay halka uu marayo xaalka dadka ay abaartu saameysay, waxaana gabagabada kulanka lasoo nooleeyey hey’adda maareynta musiibooyinka waxaana la dhisay guddi heer wasiir ah.

Tallaabooyinkaas kadib waxaa baraha bulshada qabsaday su’aalo la xiriira in laga maarmay ergeygii gaarka ahaa ee arrimaha abaaraha oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Afar arrimood ayaa muhiim ah in la dul istaago.

Midda koowaad waa ujeedka kulanka

Sida uu Ra’iisul Wasaare Xamza sheegay ujeedka kulanka ayaa ahaa in dowladda Soomaaliya ay muujiso ahmiyadda ay siineyso abaaraha iyo in la xoojiyo qeylo dhaanta. Marka sidaasi loo aqriyo ma jiro culeys badan.

Midda labaad waa soo nooleynta hay’adda maareynta musiibooyinka

Hay’adaan waa mid sharci ah kal hore ayey martay baarlamaanka Soomaaliya, maadaama xilli adag oo abaaro ah lagu jiro waxaa muuqata in baahi loo qabo dib u howlgelinteeda.

In hay’adaan si rasmi ah loo shaqo geliyo waxay dhimi kartaa in gargaarka la musuq-maasuqo oo waxaa la heli doonaa cid lagula xisaabtamo wixii qaldama.

Midda seddexaad waa dhismaha guddiga heerka wasiir ah

Guddiga la shaaciyey oo uu horkacayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu ka kooban yahay 12 xubnood oo kamid ah xukuumadda, hay’adda culumada Soomaaliyeed, rugta ganacsiga, ururada bulshada rayadka ah iyo ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza, oo sharaxay waajibaadka guddigaan, wuxuu sheegay inuu yahay mid u taagan ka shaqeynta gurmadka, taaba gelinta iyo jiheynta arrimaha abaaraha.

Marka intaas la qaato, sida ugu fufud waa in dowladda federaalka ah ay heerkii qeylo dhaanta kor u qaaday oo ergeygii gaarka ahaa lagu kabay wasiiro, culumo, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

Haddaba su’aasha ay dad badan jawaabtau raadinayaan waxay tahay maxay noqon doontaa kaalinta ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha abaaraha?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu dhowr jeer sheegay in waajibaadkiisa aysan ku jirin raashin qeybin, si kale markii loo dhaho Warsame wuxuu horey isaga leexiyey maamulidda gargaarka la keeno.

Wuxuu doorkiisa kusoo koobay inuu dadka dhibaateysan dunida wax u weydiiyo. Hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka oo fulin ah iyo ergeygaan loo diray inuu dunida u qeylo dhaamiyo isma saameyn karaan.

Saddex arrin oo taabanaya Soomaaliya iyo waxa uu ka aaminsanyahay William Ruto

0

Nairobi (Caasimada Online) – William Ruto wuxuu sugayaa aqbalaad madaxweyne oo ka timaada dhinacyadii la tartamay ama maxkamad sharci ah.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ka qeybgashay codeyntii doorashada Kenya. Ishabeysiga Raila Odinga ayaa guul aan la fileyn kasoo hooyey gobolka woqooyi bari ee Kenya halkaas oo ay Soomaalida dagto.

Ismaamulada Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera waxaa hoggaankooda ku guuleystay xubnihii ka socday isbakeysiga xisbiyada ku jiraan ee Azimio.

Marka codeynta madaxweynaha laga hadlo sida uu faafiyey guddiga IEBC 79% codadka Gaarisa, 56% codadki i Wajeer iyo 71% codadkii Mandheera ayuu helay isbaheysiga uu hoggaaminayo Raila Odinga kaasoo ay xisbiyo badan u kulmeen.

Inkastoo Soomaalida Woqooyi bari aysan xoog badan ka gelin William Ruto haddana wuxuu u muuqdaa inuu kusii siqaayo inuu xukunka qaato haddii aysan maxkamad sharci ah burin natiijadii la faafiyey 15-kii bishaan.

Haddaba waxaan dib u eegeynaa seddex arrimood oo taabanayo Soomaalida iyo waxa uu William Ruto ka damacsan yahay ama ka damacsanaa markii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa.

1- Ciidanka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya

Dad badan oo Soomaali ah kuma qanacsana ciidanka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya, waxaa lagu eedeeyaa ciidankaasi tacadiyo badan oo ay ka geysteen gobolka Gedo.

Sanadkii 2019 William Ruto wuxuu BBC u sheegay inay tahay mas’uuliyad darro weyn in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya inta ay ka xaqiijinayaan amnigooda iyo midka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ruto waxa uu ku jiraa siyaasiyiinta sida weyn u taabacsan qadiyadda askarta Kenyanka ah ee kusii joogayaan Soomaaliya taasoo dhinaca kale aysan Soomaali badan jecleyn.

2- Ganacsiga qaadka

Ganacsiga maandooriyahaan oo dhowr jeer xaalado ka dhex abuuray labada dal ayuu ka hadlay William Ruto. Wuxuu sanadkii 2021 sheegay xilliga dowladda federaalka ee Soomaaliya ay joojisay qaadkii loosoo dhoofin jiray Soomaaliya in haddii la doorto uu Qaadka u keeni doono suuq cusub oo looga maarmo Soomaaliya.

Inkastoo aysan Soomaali badan ku faraxsaneyn daroogada Qaadka ee loo soo dhoofiyo dalkooda, haddana inuu William Ruto ka fakarayo ka talo bixidda Suuq Soomaaliya macno ayaa ku jira ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

3- Xiritaanka xirada Qaxootiga ee Dhadhaab

Dhadhaab waxaa ku nool nus Milyan qof oo Soomaali ah oo qaxooti ah, William Ruto wuxuu sanadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aanka ay dowladda Kenya ku dooneyso inay albaabada isugu dhufato xirada qaxootiga ee Dhadhaab.

William Ruto oo xilligaasi ka hadlayey shir arrimaha bini’aadanimada la xiriira oo ka dhacay Turkiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha dib u dajinta loogu sameenayo qaxootiga ku sugan xirada Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR inay xiri doonto qiryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30 Bisha June 2022, balse arrintaas illaa iyo hadda ma shaqeyn.

Turkish Airlines oo duulimaad TOOS ah ka billaabeysa magaalada Hargeysa

Istanbul (Caasimada Online) – Turkish Airlines ayaa shaacisay inay qorsheyneyso duulimaad toos ah oo ay ku tagto magaalada Hargeysa (HGA), taasi oo qeyb ka ah dadaal ay ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika.

Turkish Airlines ayaa hadda Soomaaliya ka tagta kaliya magaalada Muqdisho, balse waxay shaacisay inay dhowaan qorsheyn doonto inay duulimaadyo ka billowdo Hargeysa bilaha soo socda.

Shirkaddan laga leeyahay dalka Turkiga waqti rasmi ah uma qaban xilliga ay billaabeyso duulimaayada Hargeysa.

Duulimaadka Hargeysa ayaa qeyb ka noqon doona saddex duulimaad oo cusub oo Afrika ah oo Turkish Airlines ay billaabeyso bilaha soo socda ayada oo labada kale ay yihiin Aswan (ASW) oo Masar ah iyo Port Sudan (PZU) oo Sudan ah. 

Go’aanka ay Turkish Airlines ku ballaarineyso duulimaadyadeeda qaaradda ayaa yimid kadib markii ay shaacisay in dakhligeeda lixdii bil ee ugu horreeyey ee sanadka uu kordhay 27.5% oo uu gaaray $7.6 bilyan, islamarkaana ay xareysay faa’iido ah $664 milyan.

Turkish Airlines ayaa hadda u duusha 62 magaalo oo ku kala yaalla 41 dal oo Afrika ah.

Bishii May, Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa billowday duulimaad si toos ah isugu xiraya Muqdisho iyo Istanbul, ayada oo meesha ka saartay hakadkii ay ku sameyn jirta Jabuuti. 

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay. 

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Somaliland oo ka laabatay go’aankii ay ku fasaxday ka qeyb-galka madaxda DF ee aaska abwaan Hadraawi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay hadal uu saxaafadda u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed oo ku sheegay in ciddii ruqsad soo weydiisata ay u ogaalanayaan ka qeybgalka aaska abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee shalay geeriyooday.

Warka oo si weyn ugu baahay warbaahinta ayaa waxaa ka daba yimid qoraal kale oo uu soo saaray isla wasiirka oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada kaasi oo lagu sheegay in saxaafadda ay si qaldan warkii hore u fasiratay

“Haddaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirka wuxuu kale oo in hadalkiisa uu ahaa oo kaliya in haddii ciddii ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaan, isagoo ka raali geliyay shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa looga digay saxaafadda inaysan siyaasadayn aaska loo samaynayo Abwaankii waynaa Maxamed IbraahimWarsame (Hadraawi).

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa si caro leh oo Soomaalinimada inay ka baxsan tahay ugu falceliyay, waxaana barraha bulshada lagu codsanayay inay go’aankaasi maamulka Somaliland ka laabtaan maadaama Hadraawi ahaa Oday Soomaaliyeed oo uusan aheyn mid matala gobol kaliya.

Maxay Yahuudda ku nool Ruushka hadda u billaabeen inay u qaxaan dal kale?

0

Moscow (Caasimada Online) – Tiro aad u badan oo bulshada Yuhuudda ah ayaa ka socdaalayey Ruushka tan iyo markii dagaalkii Ukraine uu bilowday. Hey’adda Yuhuudda ee ka caawisa Yuhuudda inay ku noqdaan Israel ayaa sheegtay in 20,500 oo kamid ah 165,000 ee Yuhuudda ee Ruushka ku nool ay kasoo hayaameen tan iyo bishii March. 

Kumaankun kalana, waxay u kala haajireen dalal kale.  

Waxayna tani daba socotaa cabsi xoog leh oo isasoo taraysa oo ku abuuran Yuhuudda taas oo ay tuhmayaan in loo waxyeeleyn karo qalaalasaha ka socda Ukraine. 

Gudaha caasimadda Moskow waxaa ka socday dadaallo lagu horumarinayo bulshada Yuhuudda ah tan iyo markii uu dhammaaday taliskii Shuuciga ahaa. Waxaana horboodayay wadaad  diimeeda (rabbi) ee deegaanka ku nool oo la yiraahdo Pinchas Goldschmidt.  

Laakiin labo toddobaad un markii la joogay bilowga dagaalkii Ukraine, rabbi Pinchas iyo qoyskiisaba waxay isaga baxeen Ruushka – iyaga oo u baxsaday Hungary – kahor inta aysan gaarin Israel. 

In yar kadibna wuxuu iska casilay jagadii uu bulshada Yuhuudda ee Ruushka ku nool u hayay, kadibna wuxuu bilaabay inuu kasoo horjeesto dagaalka Moscow ay ku qaaday Kiev.  

“Waxaan dareemay mas’uuliyad ah inaan muujiyo sida aan marnaba raali uga ahayn fara-gelin iyo duullaanka qaawan ee lagu qaaday Ukraine,” ayuu yiri. 

“Laakiin halis baan ku geli lahaa middaas; haddii aan ku dhex oran lahaa gudaha Ruushka,” ayuu sii raaciyay. 

Yuhuudda Ruushka ku nool ayaa dhaleeceeyey ka tegitaankiisa Moscow iyo inuu kasoo horjeestay dagaalka, laakiin Pinchas wuxuu sheegay inuu ku saxnaa middaas. 

“Waxaan helay farriimo u qoran; ‘maxaad nooga tagtay?’ balse waxaan ku dhihi lahaa dunida oo dhan ayaa ku midaysan cambaaraynta, waana qaddiyad ka weyn inta aan moodi karno,” ayuu yiri. 

Pinchas wuxuu qiray in sababta uu u hadlay awgeed loo beegsan karo xubnaha kale ee Yuhuudda ee ku nool Ruushka. Laakiin, in badan ayaa tallaabtiisa qaaday oo boorsooyinkooda kasoo xirxirtay.  

Qaar badan waxay heleen fursadda dib ugu noqoshada Israel. Laakiin bare sare Anna Shternshis, waxay qabtaa inaysan jirin sabab looga dido dhacdooyinka maadaama naceybka ka-dhanka ah Yuhuudda aanu aad u badneyn. 

“Waxaase yaab leh in marwalba oo Ruushku wax ka dhacaan, Yuhuudda waxaa soo wajaha cabsi xooggan iyo hubaal la’aan,” ayay tiri.

Waxayse kaashanayaan keydka taariikheed ee Ruushka kaas oo qalalaaso ka-dhan ah Yuhuudda ay ka dhici jirtay marwalba oo dhacdooyin waaweyn ah ay dalka ka curtaan.  

Hal nin oo si qarsoodi ah u damacsanaa inuu uga soo baxo Ruushka ayaa sheegay inay ku adkeyd inay dareenkooda muujiyaan madaama ay degan yihiin Moskow. 

“Qoyskeygu waxay garwaaqsadeen in wax aka socda Ukraine aysan sax ahayn, laakiin ma aqoon sida aan uga bannaan bixi karno,” ayuu yiri. 

Hayeeshe bare sare Anna Shternshis waxay rumeysan tahay in cabsida ay qabaan Yuhuudda Ruushka aysan kaliya ku koobneyn dagaalka ka socda Ukraine oo ay diidan yihiin.  

Balse ninkan oo diiday inuu sheego magaciisa dhabta ah ayaa yiri. 

“Waxaynu is weydiinaynaa waxa xiga oo wararka soo socda lagu soo qaadan doono. Ma innaga oo lumina shaqooyinkeenna ama xabsiyada nalo taxaabo.” 

“Dhab ahaan, cabsi aan yareyn ayaanu qabnaa.”   

Daawo: Nuur: Gacanteyda waxay u go’day kun shilin oo u diiday askari i baadi rabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Nuur Cabdullaahi Maxamuud, oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, ayaa Caasimada Online ugu sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo uu ku waayay mid ka mid ah gacmahiisa, taasoo sababtay inuu shaqeysan waayo, noloshana maareyn waayay maadaama hal gacan ay ka maqan tahay.

Nuur ayaa ka mid ahaa kirishbooyada gaadiidka BL-ka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in gacantiisa ay u go’day Kun shilin Somali ah oo qiimo ahaan aanan waxba goyn ama lagu iibsan karin.

Askari ka tirsanaa dowladdii 2004-tii ee Cabdullaahi Yusuf Axmed AUN ayaa xabad la dhacay Nuur oo xiligaasi Kirishbooy ka ahaa gaadiidka BL-ka ee bosteejadoodu tahay suuqa Bakaaro.

Nuur wuxuu sheegay in askariga rasaasta la dhacay uu ku rabay inuu siiyo baad Kun Shilin Somali ah, laakiin uu diiday maadaama ay aheyd mid baad iyo dhac ah, waxayna sababtay in askariga uu si ku talagal ah uu dhowr xabadood la dhacay dhibanaha oo halkaasi uu ku waayay gacantiisa.

Dhibane Nuur ayaa sheegay in xiligaasi uu waayay caddaalad uu ugu baahnaa dowladdii xiligaasi jirtay, taas badalkeedna uu Alle dartii u sabray ilaa laga gaarayo maalinta Alle la xisaabtamaayo ummadiisa.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca falal arxan daran oo qofka bini’aadamka ah uu naftiisa u weynayo macno daro, iyadoo aysan jirin hay’addo garsoor iyo kuwa amniga oo si dhab ah wax ugu qabta amni darada iyo dilalka macna darada.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Soomaaliya iyo dilalka iyo dhaawacyada shacabka loogu geysto wax aan qiimo laheyn.

Hoos ka daawo sheekada Nuur

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Ciidamada Galmudug oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo raggii la socday, sida ay laamaha amnigu saaxaafadda u sheegeen.

Dhamme Cali Xirsi Sahal, Taliyaha Saldhigga Booliiska Gobolka Mudug dhanka DG Galmudug waxa uu sheegay in howlgalkaan ay kusoo qabteen ku dhawaad 50 Miino oo lagu keydiyay meel “Al-Shabaab ugu talagashay in ay kasii qaado si loogu aaso meelaha ay qorsheeyeen” sida uu hadalka u dhigay.

Gaarigan qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamadu ku raad joogaan rag kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxan.

Taliyaha saldhigga dhexe Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay soo bandhigidoonaan gaariga qaraxa siday iyo halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Waa gaarigii labaad oo qarax siday oo lagu qabto meelo katirsan gobolka Mudug. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland lagu qabtay gaari Dhayne ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, gaarigaas oo kusii jeeday dowlad deegaanka Somalida.

Gobolka Mudug waxaa ka socda Howlgallo ay kala sameynayaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Puntland halka mararka qaar ay wadajir u fuliyaan howlgallada ay ka sameeyeen Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Howlgallada Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug ay iska kaashanayaan ayaa meesha ka saaray Maleeshiyaadka hubeysan ee dilalka ka geystay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Muxuu DAVID Beasley u ballan-qaaday DF kaddib kulankii Xasan? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaalada ay dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg-dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP.

Waxa uu xusay in mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa dhankiisa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunna-yarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaaga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maal-gashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.”

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu isla shalay wareegto madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo ka duulaya codsigii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadraawi – Halgame iyo hanuuniye ka baxay umadda Soomaaliyeed

0

Toddobo sannadood ayuu xabsi ugu jiray dowladdii Kacaanka. Waxaana loo xiray sababtii uu u cabiray micnaha dhabta ah ee dowladnimada iyo sida ku dhacda leh oo uu awoodda maansada iyo suugaanta ugu ifiyay ceebaha iyo goldaloolladii ka jira taliskii Kacaanka. 

Waana un in yar kaddib markii Kacaanku dhashay. Laakiin kahor iyo kaddib markii xabsiga laga soo daayay, wuxuu ahaa ababiye, bare, abwaan iyo hanuuniye kamid ah hobollada qaranka ee macaanida suugaanta u adeegada isku soo dumidda iyo wada-noolaanshiyaha umadda. 

Kolkii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya – dalkuna uu galay burbur iyo dagaal sokeeye – kama soo harin rejada iyo yididiilada. Wuxuu si firfircooni leh qeyb uga qaatay shirarkii iyo wada-hadalladii la iskugu keenayay dhinacyada isku diidnaa siyaasadda. Wuxuu xattaa awooday inuu sees u noqdo safarkii nabadda ee abwaanada Soomaaliyeed ay gobollada dalka isku mareen si ay walaalnimada iyo midnimada uga shaqeeyaan. 

Qof ahaan, wuxuu ahaa nin hadalka heli og; codkar ogaalkiisu shisheeyo. Noloshiisii Cadan qeyb kamid uu kusoo qaatay ayaa u sahashay inuu shubaal ugu hadlo afka Carbeed. Laakiin, in kasta oo uu dhawaanahan ku noolaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, haddana noloshiisa waqtiyadii ugu muhiimsanaa wuxuu ku qaatay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuuna hadiyo jeer ahaa mid ku muujiya suugaanta sida uu Soomaalinimada iyo wadajirkeeda ugu hamuunqabo. 

Waxaa loo arkay nin qaran; dhab ahaantiina wuu ahaa. Dhaqamada iyo afaf guriyada looga hadlo goballada dalka intooda badan waxaa la arkay inuu wax badan ka fahamsanaa kuna hadli karay. Intii tiqiin shaqsiyaddiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa qof is-duldhig badan oo aad xushmad badan. 

Noloshii adkeyd oo uu yaraantiisa kusoo barbaaray – waaya’aragnimadii uu ka helay – ayuu hadiyo jeer ku saleyn jiray suugaantiisa. Ma ahayn nin ay danta iyo duruufuhu ka joojiyaan doonistiisa adag oo uu qaranka iyo jiritaanka umadnimo ee Soomaalida ku difaaco. Marka ay timaado anshaxa suuban iyo akhlaaq hagaajinteeda, wuxuu ahaa mid ku waaniya suugaanta tusmeysan; markii ay ugu adkeyd oo lagu dhici kari la’aa in Kacaankii October laga diido sinaan la’aanta iyo jujuubka, wuxuu kamid ah kuwii u muujiyay inuusan waxba ahayn. 

Heeso jiilka maanta iyo kuwii hore si isla’eg ayay u taabanayso dhageysigooda sida heesta Hooyo, Baladweyne, Jaceyl Dhiig malagu qoray, Xamarey ma nabadbaa, iyo kuwa kale oo badan ayuu gaaxdooda lahaa. 

Aad bay tiiraanyo iyo xanuun ugu tahay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan dhimashada iyo geerida abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Walanwal ‘Hadraawi’. 

Qabriga Allaha u waasiciyo; dambigiisana Allaha cafiyo.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: [email protected] 

Wararkii u dambeeyey weerarka Hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhow isgoyska KM 4, waxaana socda howlgallo lagu badbaadinayo dadka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa naloo xaqiijiyey inuu ka mid yahay saraakiil ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal culus oo dadka lagu badbaadinayo uu ka socdo gudaha Hotelka, isla markaana ay ku dadaalayaan inay yareeyaan khatarta weerarkaan.

Ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday fiidkii hore ee caawa, waxaana intaas kadib gudaha u galay dagaalyahano hubeysan oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa buuxdhaafiyey goobta, waxaana socda howlgal la doonayo in lagu soo afjaro kooxdaas, waxaa la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo bam-baano oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan.

Weli lama helin tiro koob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda, waxaana xusid mudan in dad badan ay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

 

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotel Hayaat

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Faahfaahin hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotel Hayaat oo ku yaal Isgoyska Km4.

Sida ay dab goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen, rasaas culus ayaa laga dhex maqlayaa Hotelka dhexdiisa, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Lama ogo tirada dabeyda Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka soo qaaday, illaa haddana lama helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaa ayaa iyagana waxaa qarax lagu eegtay meel u dhow xarunta dambi baarista ee CID, waxaana lasoo sheegayaa inay qaraxaas ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa dagan saraakiil ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid yihiin xildhibaano.

Wixii faahfaahin ah kala soco caasimadda Online

Somaliland oo ogolaatay in madaxda DF ay tegi karaan HARGEYSA + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dagi karaan magaalada Hargeysa, si ay uga qeyb-galaan aaska qaran ee loo sameynayo Abwaanka Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ruqsad iyo ogolaansho la siin doono madaxda rabta inay ka qeyb-galaan aaska, kadib marka ay dalab usoo gudbiyaan xukuumadda Somaliland.

“Ciddii Somaliland ee dowladda soo weydiisata ee u imanaysa aaska Hadraawi waxa siineyna ruqsad oo waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Somaliland ayaa hore u diiday in madaxda dowladda federaaalka Soomaaliya ay yimaadaan deegaanadeeda, hase yeeshe go’aanka ay maanta qaadatay xukuumadda Somaliland ayaa ah mid bogaadin mudan, maadama uu Hadraawi ahaa muunad iyo astaan Soomaalinimo.

Allaha u naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, wuxuuna u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa geerida Abwaanka uga tacsiyadeeyay ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, ayada oo sidoo kale ka tacsiyeeyen madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Sidee Somaliland u fashilisay qorshe uu damacsanaa safiirka SHIINAHA kaddib gubashadii suuqa Waaheen?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – In yar kaddib markii uu gubtay suuqa ugu weyn Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, diblumaasi sare oo Shiinees ah ayaa weydiistay idan ah inuu booqasho ku yimaado si uu ula qeybsado dareenkiisa. 

Fei Shengchao, oo ah safiirka Beijing u fadhiya Soomaaliya, ayaa u sheegay maamulka Hargeysa inuu doonayo sidii uu uga hadli lahaa suuragalnimada kaalinta Shiinuhu ka qaadan karo yareynta iyo dhimidda saameynta ballaaran ee dabku ka geystay suuqa, kaas oo ilo badan oo dhaqaale ah duugay.  

Gubashada ayaa kusoo beegantay xilli abaare ba’an lagu jiray iyo cuuryaamada dhaqaale ee xanuunka Covid-19. Markii ay booqashiisu soo dhawaatay, Fei ayaa doonay inuu la kulmo sharci-dejiyayaal kamid ah Guurtida Somaliland, hoggaamiyaasha mucaaradka iyo ardayda jaamacadaha.  

Waxayna taasi abuurtay shaki ah in qorshaha Beijing uu ka guda ballaaran yahay gurmad iyo kaalmo. Waxaa loo arkay inay jamhuuriyadda ka dhex abuuranayso xulufo la-siyaasad noqda si loo wiiqo xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.  

“Waxay ahayd gebi ahaanba mid siyaasadaysan,” ayuu yiri Ciise Keyd, oo ah wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirka ayaa u sheegay safiir Fei inuusan imaan karin.  

“Waxaan u qaadannay inay ahayd mid aan habbooneyn; mana ahan inaan wax ka cabsanay – waa inaan ogaanay ajende ka duwan midka ay noo sheegeen inay wateen,” ayuu yiri. 

Way adag tahay in dalal badan oo Afrikaan ah inay ku gacan sayraan codsiga iyo doonista Shiinaha maadaama uu adduun adag ugu maalgeliyo garoomo diyaaradeed, waddooyin iyo dekado.  

Laakiin Somaliland waxay u ahayd tallaab ku dhac ah inay qaadato go’aankaas. 

Wasiir Keyd wuxuu sheegay in Somaliland ay u furan tahay xiriir walba oo laba-geesood ah inay la sameysato dal kasta – waa haddii aysan shuruud ku xirneyn. 

“Ma aqbalayno inay cidi noo sheegto cidda aan xiriirka la yeelaynayo iyo cidda aan iska diidayno,” ayuu yiri.

Muranka iyo xasaradaha ka dhex aloosan Shiinaha iyo Taiwan wuxuu ku sigtay inuu dagaal kale oo qabow ka dhex abuuro Beijing iyo Washington, wuxuuna hadda u muuqda mid sidoo kale karkarinaya xaaladda Geeska Afrika.

Somaliland oo hadafkeedu yahay inay madax-bannaani buuxda iyo aqoonsi caalami ah ka hesho Soomaaliya inteeda kale waxay xiriir la sameysatay Taiwan oo iyadana doonaysa inay ka go’do dhulweynaha Shiinaha.  

Mr. Fei wuxuu Wall Street Journal u sheegay in Somaliland aysan kaliya dooneyn in la aqoonsado balse ay sidoo kale dab ku shidayso xasiloonidda iyo midnimada waddamada kale – tallaab uu ku micneeyey mid aysan waxba ku faa’iidi doonin oo ay gabagabadiisa isku wax-yeeli doonto oo kaliya.  

Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka warbixiyo safarkiisii fashilmay oo uu ku tagi lahaa Hargeysa kadib gubashada Suuqii Waaheen kaas oo lagu waayay adduun dhan 1.5 bilyan oo Doollar.

Washington, ayaa isla mar ahaantaana, dhinaceeda isku dayaysa inay sii xejiso danaheeda Geeska Afrika. Pentagon-ka ayaa hadda saldhig weyn ku leh Jabuuti oo Soomaliya jaar la ah; waxaana fogaan aan ka durugsaneyn saldhig kale oo militari ku leh Shiinaha

Maraykanka ayaa taniyo muddo badan wuxuu dagaal aan dhammaadkiisa loo jeedin kula jiray kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh Ururweynaha al-Qaacida.

Madaxweyne Biden wuxuu dhawaan amray in boqollaal ciidamada howlgallada gaarka ah qaabilsan oo ka socda Maraykamka loo dhiso xero ay ku tababbaraan ciidamo Soomaaliyeed oo la dagaallama al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa amray in laga soo saaro 700 oo ciidamadooda ah Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.  

Jeer iyo haddana, waxaa maamulka Biden walaac ku heysa inuu luminayo Somaliland oo xasilooni iyo dimuqraadiyad ku naaloonaysa. Waxaana jirta taageero iyo soo jeedinno gudaha Congress-ka ah oo ku baaqaya in xiriir toos ah oo sal-adag lala yeesho Somaliland oo madax bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii.  

Hadda maamulka Hargeysa ayaa fursad dahabi ah u arka loolanka quwadaha waaweyn ee Shiinaha iyo Maraykanka. Somaliland ayaa Pentagon-ka ugu deeqday inuu adeegsan karo dekadda Berbera oo dhacda Gacanka Cadan oo marin muhiim ah sheedda ku haya. 

Waxaase kusii adkaanaysa inay iska sii caabiso saameynta ballaaran ee Shiinuhu ku yeelanayo gobalka. 

Bishii May, General Stephen Townsend iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somaaliya ayaa booqasho ku tagay Berbera si ay usoo indha-indheeyaan. Militariga Maraykanka wuxuu hadda heshiis adeegsiga dekadaha ah kula jiraa Mombasa – Kenya iyo Libreville – Gabon.

“Haddii Maraykanku aanu waxba u qaban Somaliland, waxaa la arki doonaa iyada oo aan maya ku dhihi Karin saameynta Shiinaha ama aan iska caabin Karin,”ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykanka. 

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa waa guri labo dabaq ah oo ay gidaar adag lagu gedaamay, waxaana ka dul babanaya calanka lagu yaqaan Taipei. 

Shiinaha ayaa u diray Hargeysa egro dhowr ah si ay u kala disho is-bahaysiga, marka loo eego Cabdinaasir Xirsi, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda. 

Waxaa sidoo kale Beijing ay balanqaaday dhismaha jidad iyo garoomo casri ah haddii Hargeysa ay cawda u jarto Taiwan. 

Zaki Hiraale – Waxaad kala xiriiri kartaa: [email protected] 

Maxay tahay lacagta ay UK shaacisay inay ku caawineyso dowladda Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in £2.3 milyan oo Pound ay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasi oo loogu tala-galay in lagu taakuleeyo Ciidanka ammaanka dalka.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Kati Foster ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay lacagaan, kadib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.

“Maal-gelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxda Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed,” ayey tiri Kate Foster.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso ciidanka xooga Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Ciidamada UK uu bishii May ku yimid Soomaaliya, kaas oo shaaca ka qaaday inay xoojiyaan xasilloonida & amniga Soomaaliya.

UK ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinaca Amniga, sidoo kale waxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka hirgelisay xerooyin lagu tababaro ciidamada dowladda, taasi oo ay kasoo baxeen in ka badan 2kun oo Askari oo qeyb ka ah ciidanka xooga dalka.

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa weli dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

Sikastaba ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sannadka 2024 isku diyaarinaya in mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan ay kala wareegaan ciidanka ATMIS, ex AMISOM.

Dowladda IRAN oo beenisay eedeymo Soomaaliya ku saabsan oo loo jeediyey

Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha arrimaha dibadda Iiraan, Nasser Kanaani ayaa gaashaanka u daruuray in Tehran ay si qarsoodi ah hub ay soo dhiibtay uu uga degay magaaladda dekadda leh ee Hodeydiyah ee dalka Yemen, hubkaas oo horey loo sheegay in lasoo mariyey Soomaaliya.

Isaga oo warfidiyeenka la hadlayay, Kanaani wuxuu eedeymaha ku saabsan inay Soomaaliya hub u mariyaan Xuutiyiinta ku sheegay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu luminayo ra’yulcaamka. 

Wuxuu sheegay in xulufada qabsatay Yemen oo reer Galbeedku taageerayo lagula xisaabtamo dambiyadii iyo gaboodfalladii ay ka geysanayeen muddo 7 sannadood ah. 

Wuxuu hoosta ka xariiqay in gaboodfallada iyo dambiyada dagaal ee Yemen ka dhacay ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan iyo burbur baaxad leh oo ku habsatay dhismayaashii waddanka. 

“Si loo qariyo tacaddiyada ka-dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jira ayaa eedeyntaas looga dan leeyahay,” ayuu yiri. 

“Taageerada Iran ee dadka Yemen waxay markii hore ku ekeyd mid siyaasadeed, waxayna Tehran hadiyo jeer ahayd mid qorshaha nabadeynta iyo xasiloonida qeyb ka ah – waxaana sidoo kale QM kala shaqeynay dadaalladaas si xal waara loogu helo nabadda Yemen,” ayuu yiri. 

Bishii Agoosto, 13, muuqbaahiyaha al-Carabiya ayaa baahiyay fiidiyowga nin sheegaya howlgallo dhowr ah oo ay ka qeyb yihiin Xuuyitiinta Yemen kaas oo si qarsoodi ah hub looga soo geliyo dhinaca dalka Iran. 

Ninkan ayaa sheegaya in hubka markiisii hore laga soo marinayo Gacanka Cumaan kadibna lasoo marsiinayo dekadda Berbera ee Soomaaliya kahor inta aan si dhuumasho ah looga soo dejinin Yemen. 

Waana koox shakabad ah oo si laga shaqeeyey iskugu xiran. 

Wasiirka arrimaha gudaha Yemen, Muammar al-Eryani wuxuu xaqiijiyay in kooxdan gacanta lagu dhigay, wuxuu intaas kusii daray inay tani caddayn u tahay sida joogtada ah oo Iiraan ay u hubeyso maleeshiyada Xuutiyiinta si aan marnaba loogu guuleysan xasiloonida Yemen mar kale. 

Wuxuu ugu baaqay QM iyo beesha caalamka inay ereyada ugu adag ku cambaareeyaan falkaas wiiqaya dib usoo celinta nabadda Yemen. 

Dowladda Iran waxay ku celcelisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee taageerada ka helaya Maraykanka. 

Dagaalka Yemen ka jira waxaa loo arkaa mid ay isku hayaan Sucuudiga iyo Iraan. Labadan dal ayaana ku jira loolan dhinaca awoodda Bariga Dhexe cidda gacanta sare yeelanaysa. 

Bishii Janaayo, sannadkan, warbixinta ay khubaro QM ka socda ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay hayaan caddaymo ayidi kara in labadii Markab ee hubka siday oo ay ciidamada Maraykanku is hortaageen ay dhab ahaan kasoo shiraacdeen dekadda Jask ee Iiraan. 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hub isku dhaf ah ay u badan yihiin in toos loogu soo saaray keydka dowladda Iiraan. Waxaana lagu soo raray dooni dhows hubka u kala daabusha dalalka Soomaaliya iyo Yemen. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey dalabkii golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Wasiirada Xukuumadda ee ahaa dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabay guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo faray inay gutaan shaqada loo igmaday.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi – Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan – Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow – Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali – Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

DHAMMAAD

Abwaan Hadraawi oo maanta ku geeriyooday Hargeysa – Taariikhdiisa oo kooban

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida marxuumka.

Allaha u naxariistee waxaa sidoo kale geerida ku timid Abwaanka ka tacsiyeeyey madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Hadraawi wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.

Haddaba, hoos ka aqriso taariikhda AUN Abwaan Hadraawi

Maxamed Ibraahim Hadraawi waxaa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 1943-dii, yaraantiisa waxaa muddo magaalada Cadan kula noolaa adeerkii halkaas uu wax ku bartay, waxaa uuna ku caanbaxay sheekooyinka, gabayada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee maansada.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu xamarkaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho.

Hadwaari, waxaa uu wax ku bartay jaamacadda umadda Soomaaliyeed bilowgii 70-meeyadii, mudddaasi waxaa uu kusoo caanbaxay gabayada, heesaha iyo sheekooyinka ka bixi jiray Radio Muqdisho.

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya.

Hadraawi waxaa uu hormuud ka ahaa gabayo sida Siinleyda, taas oo keentay in maamulka Siyaad Barre ku arko mid khatar ah, oo kacaandiid ah, natiijadana ay noqoto in la xiro inta u dhaxeysay 1973 ilaa 1978.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

Bilowgii 80-meeyadii waxaa uu ku biiray  jabhadda fadhigeedu ahaa London ee SNM, waxaa uuna u baxsaday Itoobiya, isaga oo qeyb ka ahaa halgankii looga soo horjeeday keligii taliye Siyaad Barre, dagaaladdii kadib waxaa uu degay London.

Hadraawi, waxaa keyda idaacadaha ugu jira heeso badan sida:

1-Heesta Hooyooy La’aantaa.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray.

3 Heesta Baladweyn.

4 Heesta Garmaqaate

5 Heesta Suleekha

Heesahaasi waxaa qaaday:

1-Heesta hooyooy la’aantaa, Maxamed Saleebaan Tubeec.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray, Xaliima Khaliif Cumar Magool.

3 Heesta Baladweyn, Xasan Aadan Samatar

4  Garmaqaate , Maxamed Nuur Gariig iyo Farxiyo Cali.

5 Heesta Suleekha, Maxamed Nuur Gariig

Inkasta oo meelo badan oo dunida u tagay safarro la xiriira gabayo, hadana waxaa uu sanadihii dambe kusoo noqday, oo uu deganaa Somaliland halkaas oo uu maanta ku geeriyooday, waxaana muddooyinkii dambe uu ahaa dhulyaal isaga oo xanuunku dhul udhigay maantana uu geeriyooday.

W/Q: Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Suuq ku yaallo MUQDISHO oo maanta gubtay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dab xoogan oo geystay khasaare hantiyeed uu ka kacay Suuqa degmada Dharkenley ee loo yaqaanno Suuq Boocle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqaas, kaas oo mar dambe ay ku guuleysteen inay damiyeen gaadiidka dab damiska ah.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi oo la hadlay Shabelle TV ayaa shaaciyey inay gubteen ugu yaraan illaa 50 dukaan oo ku yaallay gudaha Suuqaasi.

“Wallaahi cadada ma sheegi karo, laakiin waxaa qiyaasayaa illaa 50 daba-kaanyo way dhan tahay halaha hadda gubatay,” ayuu ku yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuq Boocle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu saacado badan socday dabka, wuxuuna sababta ku sheegay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay waayeen waddo ay ka galaan Suuqa.

“Suuqaan isaga dhan jidad ma leh Bajaaj xittaa ma soo dhex-geli karto oo dadkii ayaa ganacsigiisii waddada lee ayuu noqday, sidaas ayaa keentay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa saameeyey qaybta qudaarka ee Suuq Boocle oo iyadana gubatay, sida ay sheegtay mid ka mid ah hooyooyinka ku ganacsada halkaasi.

“Waxaa iga gubtay basal, liin dhanaan oo shalay aan Afgooye ka keenay, weliba dayn ayaan ku soo qaaday,” ayey tiri Hooyo ka mid ah ganacsatada qudaarta ee Suuq Boocle.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, waxaana ugu dambeeyey dabkii xooganaa ee baabi’iyey suuqa isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.

Sidee Maxamed Xuseen u aas-aasay shirkad sanadkii soo xareysa $32 milyan?

Arlington (Caasimada Online) – Ka Maxamed Xuseen ahaan, oo 32 jir ah – ahna jiilka ugu horreeyey ee ku barbaara Maraykanka – kaas oo ah curadka sideed carruur ah oo la dhalatay, wuxuu ta niyo yaraantiisa fariid ku ahaa xirfadda tarjumidda iyo hindisaha hal-abuurrada. 

Isaga iyo walaaladiis waxay ugu warcelin jireen af Ingiriis waalidiintooda, wuxuuna aalaaba ahaa mid u haliila kasbashada lacagta basraaca. Da’diisii 20-meeyada, wuxuu bari jiray Ingiriiska, isaga oo wax ka fududeyn jiray heshiisyada xoolaha Sacuudi Carabiya. Sannadkii 2013-ka, wuxuu Virginia ku aas-aasay Piedmont Global Languages Solutions. 

Shirkadda oo soo xeraysay ku dhawaad $32.5 milyan oo dakhli ah sannadkii 2021, waxaa ka shaqeeya 57 shaqaale. Waxay u sameysaa turjumidda – hadal iyo dhigaal – iyo adeegyada kale ee la xiriira dad ku hadla in ka badan 200 oo luqadood oo ku kala nool 18 dal. Waa shirkad ka shaqeysa suuq dakhligiisu dhan yahay $60.5 bilyan.  

“Aalaaba way ku weyneyd maskaxday noqoshada hal-hindise wax weyn sameeya. Xurnimada maaliyadeedna waa mid aan yaraantaydii jeclaa. Intaan 16 jir noqon ayaan dhameeyey dugsiga sare kuna biiray koleejka; waxaana qorsheeyey inaan aado iskuulka caafimaadka; haddana waxaa iisoo baxday inaan aado Yemen sanandkaygii ugu horreeyey si aan u barto Carabiga muddo sannad ah. Waxaana joogay shan sannadood gudaha Sucuudi Carabiya – aniga oo bartay luqadda Carabiga, diinta iyo falsafadda. Waana halkaas goobtii aan ka ogaaday muhiimadda luqadda sida looga faa’iidaysan karo – jid bayna ii noqotay!” 

“Waxaan bare dhiga afka Ingiriiska ah ka noqday gudaha Sacuudiga – waxaana u kala socdaali jiray dalka oo dhan si aan xiisado uga bixiyo, halkii saac waxaan ku shaqeyn jiray $30. Waana markii aan bilaabay inaan lacag fiican sameeyo.”

“Markii aan si guda-galaba baridda luqadda Ingiriiska, waxaan sii helay codsi shaqo oo iiga imaanaya mashaariic kala duwan sida mareego iyo dhigaallo u baahan in tarjumadda laga caawiyo. Waxaan sidoo kale la shaqeeyey shirkad waaweyn oo dhoofinta xoolaha ka shaqeeeya si aan uga caawiyo xiriirada ay uga baahan yihiin macaamiishooda ku nool Maraykanka.” 

“Markii aan kusoo noqday Maraykanka, waan hubay inaan dooneyn noqoshada dhaqtar. Waan guursaday, waxaana doonay inaan jaamacadayda dhameeyo halkaasna kasii wado howlaha fududeynta iyo maareynta shaqada shirkadayda.”

“Waan sii waday shaqadayda tarjumidda ilaa markii dambe saaxiibkay uu ila wadaagay fursad shaqo oo mashruuc afafka Carabiga iyo Soomaaliga la isku rajumayo. Waana sababta aan ugu dambeyntii u aas-aasay shirkadda. Waana sii waday ilaa aan shaqaale ka qorto hadda kamid ah howlwadeennada shirkadda.” 

“Howlgalkeennu waa inaan hey’adaha ka caawinno inay bulaalaan. Waxaana ka caawinaa suuqgeynta, tababbarad, qoraallada mareegaha; innaga oo sidoo kale hey’adaha dowladda ka saacidayna inaan u tarjunno afafka shisheeye una keeneysa afyaqaanno ku xeeldheer. Waana qasab in hadiyo gooraale, uu tarjumuhu fahmo hadba ereybixinta uu u adeegsado marka la joogo caafimaadka, dhaqaalaha, wax-barashada iyo wixii la halmaala.”  

“Weli waan u korayaa qof ahaan oo magaarin heerkii aan ka rabay luqadaha, waxaan doonayaa inaan saddexda luqadood ee Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga aan ku daro labo kale oo caalami ah. Waxaana usii halgamayaa inaan xoojiyo barashada luqadda jireed ee Maraykanka oo aan rumeysnahay inay qeyb ka tahay yoolkayga.”