25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Qorshaha xukuumadda R/W Xamza oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta helay kalsoonida baarlamaanka ayaa jeediyey khudbad uu ku soo koobay balan qaadkiisa waxa uu qaban doono, isagoo aad ugu mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aaminay masuuliyadaan.

Wuxuu soo bandhigay qodobo ay xoogga saari doonto xukuumaddda uu soo dhisi doono, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka, sida uu balan qaaday Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu balan qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Xamza in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Isagoo baarlamaanka hortiisa ku soo bandhigaya soo yaalkiisa wuxuu yiri, “Waxaan noloshayda, dhinac aqoon, waxbarasho iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo aan intooda badan ugu adeegay bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan ahaa macalin wax ka soo dhigay jaamacadaha dalka, ka soo shaqeeyay xafiisyada dawladda, heer federal iyo mid goboleedba, kana soo qayb qaatay geeddi socodka dib-u-dhiska dalka.”

“Waxaan sanadihii la soo dhaafay si dhaw ula socday xaaladda dalkeennu ku jiray, waxaan wax badan ka fahamsanahay baahiyaha dadkeenna iyo caqabadaha ina horyaalla, taas oo haddii Allaha wayni ogolaado ii sahli doonta in aan qayb ka noqdo xalka aan u raadinayno cagabadahaas,” ayuu yiri R/Wasaare Xamza oo baarlamaanka ka hor hadlayey.

Maadaama uu maanta helay kalsoonida baaralamaanka balan qaadyadiisa waxaa ku jirtay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, sida uu khudbadiisa ku sheegay.

220 Xildhibaan oo soo xaadirtay kulankii maanta ee golaha shacabka oo ajandihiisu ahaa in cod loo qaado Ra’iisul Wasaaraha waxay si buuxda kalsoonidooda u siiyey Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu hor dhaariyey golaha.

Wuxuu ugu dambeyntii xildhibaanada uga mahad celiyey kalsoonida ay ku siiyeen codkooda, wuxuuna balan qaaday in xukuumadiisu ay si dhow ula shaqey doonto baarlamaanka.

Tallaabadii aan caadiga aheyn ee uu qaaday madaxweyne Xasan oo waddo cusub furtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay qaaday tallaabo naadir ka ah siyaasadda Soomaaliya, isaga oo shacabka Soomaaliyeed si daacadnimo ah ugu wargeliyey xaalad ay adkaan laheyd inay ogadaaan haddii aanu sidaas sameyn. 

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19,” ayuu yiri madaxweynaha oo qoraal soo dhigay facebook. 

Tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh waxay aad uga duwan tahay hab-dhaqankii madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siyaasad wax qarin ah iyo in laga dhuunto bulshada iyo warbaahinta ay ka go’neyd.

Ka sokow inuu sheegay xanuunka, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale shalay kasoo degay qeyb gaar ah oo ka mid ah garoonka Aadan Cadde, isaga oo ilaalinaya badqabka shacabka iyo shaqaalaha garoonka. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la socday diyaarad gaar ah, isaga diyaaraddii sidday ula gudbay goob gaar ah oo ku taallo hangarka Afisyooni ah, isaga oo halkaas toos uga aaday Villa Somalia, si uu u ilaaliyo bedqabka shacabkiisa oo ay ku jiraan shaqaalaha garoonka Aaden Cadde. 

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shalay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed u muujiyey inay xaq u leeyihiin inay ogaadaan xaaladda madaxdooda iyo dowladdooda, taasi oo sahelysa in lala xisaabtamo. 

Falcelintii ka dhalatay wargelintiisa ayaa gebi ahaan aheyd mid togan, oo uu helo ducada malaayiin badan oo qalbiyadooda ay daqiiqado ku buuxisay kalsooni badan oo ay qaadeen madaxweynahooda. 

Waxaa sidoo kale xusid mudan, in Xasan Sheekh uu soo kordhiyey in afhayeenkiisa uu shir jaraa’id u qabto warbaahinta si joogto ah, oo su’aalo ay weydiiyaan, taasi oo u sahleysa inay jawaabo u helaan arrimaha mugdiga ku jiro, waana wax aan horey uga dhicin taliskii ka horreeyey.

Inkasta oo ay tahay xilli hore, haddana madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu nidaamka dowladeed ee Soomaaliya ka dhigayaa mid la mid ah kuwa kale ee caalamka, oo ah nidaam ku dhisan daah-furnaan, dimoqraadiyad, ogaansho iyo isla xisaabtan.

Xasan Sheekh waxaa kale oo saacidaya inaysan jirin wax uu qarinayo ama khaladaad ka dhacay oo uu shacabka kala dhuumanayo, taasi oo siineysa kalsooni ah inuu shacabka la hadli karo xilli kasta.

Muddada ku dhow bil iyo bar-ka ee uu madaxweyne yahay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warbaahinta xorta ah siiyey wareysi ka badan intii uu bixiyey Farmaajo shanti sano ee uu dalka madaxweyne ka ahaa, taasi oo ku tuseysa heerka isku kalsoonaanta iyo dimqoraadiyadda ee madaxweynaha ku shaqyenayo.

Kuma filnaan doonta oo kaliya daah-furnaan, waxaase madaxweyne Xasan Sheekh laga sugayaa inuu ku daro wax qabad la taaban karo, taasi oo haddii uu ku guuleysto baal dahab ah ka gelin doonta taariikhda Soomaaliya.

Sidee siyaasiyiintu u dilaan shaqsiyadooda siyaasadeed?

Ereybixinta dilka Shaqsiyadda (Character Assassination) ha ahaato mid Siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, Diin ama mid Suugaaneed markii ugu horreysay waxa ay soo shaacbaxday qiyaasta Sanadkii 1930; Nuxurkka dilka Shaqsiyadda waxa si fiican u hormariyey una sharraxay Jerome Davis; labaatan sano kaddib markii ereybixintu magac ahaan ku fidday Siyaasadda iyo dhaqaalaha, muddo kaddibna waxa uu noqday mid ka mid ah hababka loo adeegsado dagaallada dacaayadda ku dhisan ee ka dhanka ah dalalka, dowladaha, Shaqsiyaadka iyo xitaa haddii loo baaahdo hab dadka Maskax ahaan loogu qanciyo in dalalkooda iyo dadkoodu xun yahay oo aysan u qalmin ku noolaansho iyo la noolaansho.

Dilka Shaqsiyaddu (Character Assassination) waa Qorshe iyo dadaal isku xiran oo si ku talagal  loo bixiyo si loo dumiyo Sumcadda iyo heybadda qofeeed, daleed iyo siyaasadeed, 

Ujeedada iyo sababta loo adeegsado Aragtida dilka shaqsiyadda qofeed, Waddan iyo Kooxba waxa ugu horreeya in si taban loo saameeyo fikirka dadka ku hareereysan Yoolka (Qofka, Waddanka ama Kooxda dilka shaqsiyaddiisa loo dan leeyhay) kaddibna si tartiib-tartiib ah loo kobciyo loona baahiyo Fikirkaas taban (Negative think) habka iyo kooxda qaadda Weerarka lagu dilayo shaqsiyadda waxa loo yaqaan Weeraryahanada dhabta ah (Pragmatic Attackers).

Sidee Siyaasiyiintu u dilaan Shaqsiyaddooda siyaasadeed?

Siyaasiyiintu marka laga tago weerarada ka dhanka ah Shaqsiyaddooda Siyaasadeed ee uga yimaada dibadda ama meel kale iyaga qudhooda ayaa kaalin ka qaata dilka Shaqsiyaddooda Siyaasadda, balse markaan waxa ay u dhacdaa si aan ku talagal ahayn, tusaale qaarajinta Shaqsiyadda,  Siyaasiyiintu waxa ay isku sameeyaan muddada ay halganka iyo gulufka ugu jiraan helidda awoodda iyo kaddib marka ay helaan, taasina waxa ay dhacdaa iyaga oo aan habayaraatee aragti ka haysan ama aan ku baraarugsanayn sida ay u dhaceyso. 

Dilka Shaqsiyadda kahor helidda Awoodda

Qaarkood waxa ay qabaan hammuun-gorgor siyaasadeed iyo baahi awooddeed (Power hunger) sidaas awgeed wax walba ayay u sameeyaan meel walbana waa u maraan helidda awoodda, waxa ay jeediyaan hadallo aan qornayn iyo kuwo sara-joog ka tuur ah oo sababa in ay ku dhacaan gef diineed, mid dhaqan, Siyaasadeed, ballan-qaad uusan fulin Karin, Jinsi iyo mid taariikheed, waxaa dhacda in Siyaasigu dhowr gef iyo dhac-dhac aragtiyeed ku jiro, muddo kaddibna waxaas oo dhan marka la isugeeyo waxa ay horseedaan dhaawac gaara shaqsiyaddiisa siyaasadeed, sida in dadweynaha dhexdiisa ay ugu faafto aragti xun (Negative idea) sida Siyaasi hebel lama aamini karo, Saaxiib siyaasadeed ma laha, Beenlow iyo wixii la mid ah! waxaas oo dhami waxa ay dhici karaan inta uu ku jiro ololaha, waana halis kuwajahan sida uu u muuqanayo haddiiba uu guuleysto.

Sida uu qabo Jerome Davis; oo ah qoraa iyo Faylasuuf dersay Aragtida dilka shaqsiyadda, siyaasiyiinta la kulma weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah Shaqsiyaddooda Siyaasaddu kuma guuleystaan ololeyaashooda la xiriira Siyaasadda! haddii Weeraryahanada dhabta ah (Pragmatic Attackers) ku ay leeyihiin Ujeeddo iyo Yool fog oo kuwajahan in ay si dhammeystiran u dilaan shaqsiyadda siyaasiga, sidaas oo kale weerarada dilka shaqsiyaddu waxa ay dib u riixaan guulaha siyaasiga iyaga oo sababa in uu muddo dheer ku qaato halgan iyo raadinta awoodda! Siyaasiyiin Afrikaan iyo reer galbeed  ah oo la kulmay Weeraradaas magac iyo shaqsiyad dilka ah waxa ay guuleysteen iyaga oo aad u da’weyn muddo kabadan 30-50 sanana la hardamayey Weerarada dilka shaqsiyadda, balse guushoodii waa maamuli waayeen laba sabab awgood da’da awgeed iyo gabbaad la’aan siyaasadeed (Warbaahin, PR iyo Ra’yulcaam)  

Dilka Shaqsiyadda kaddib helidda Awoodda

Shirkadaha iyo Kooxaha fuliya ololeyaasha dilka shaqsiyaddu waxa ay dersaan Sooyaalka iyo Xaadirka Yoolka la rabo in la dumiyo Shaqsiyaddiisa Siyaasadeed, kaddibna waxa ay soo xushaan dhacdooyinka xiriirka la leh Yoolka kuwaas oo si fudud u dhalin kara hadal-hayn xun, waxa ay dejiyaan qorshaha Weerarka shaqsiyadda, tusaale muddada loo baahan yahay in hadal-hayntaas xumi socoto siina jirto iyo sida ay ku sii fidi karto, waxa ay adeegsadaan Dhaqaale, Warbaahin, Ra’yulcaamka iyo haddii loo baahdo fanka. 

Sida ay qabaan culimada Cilmi Nafsiga Siyaasaddu (Political psychologists) dilka shaqsiyadda siyaasaddu waa hab ama jid loo maro in codbixiyeyaasha lagu dhex abuuro kalsooni-darro ku saabsan Siyaasiga loo dan leeyahay dilka shaqsiyaddiisa iyo in la badiyo tirada codbixiyeyaasha aan go’aansan cidda ay u codeynayaan balse qabay ama aragti xun ka haystay Siyaasiga si aysan marna u qaadan go’aan caawinaya siyaasiga bartilmaameedka u ah Weerarka. 

Tusaalayaasha ugu fiican ee aan ku fahmi karno waxa kamid ah dilkii Shaqsiyadda siyaasadeed ee dowladdii tala-wadaagga ahayd ee Jamhuuriyadda Soomalaiya oo Baarlamaanku doortay intii u dhexeysay 1960-1969), Gen. Maxamed Siyaad Barre; oo afgembiyey xukuumaddii rayidka ahayd islamarkaana Baarlamaankii iyo Maxkamaddiiba xiray ayaa Weerar nidaamsan ku qaaday xukuumaddaas isaga oo si joogto ah u adeegsaday ereyga Xukuumadda Musuqa iyo xilligii iskudhexyaaca, kaddib muddo dheer oo ku celcelinayey waxa u hirgashay in dadweynuhu aamino kaddibna la aqbalo ereybixintaas.

Isla Jaalle Siyaad ayaa January-1975-tii waxa uu ku dhacay gef Diineed iyo mid dhaqan oo labaduba xiriir la lahaa siyaasadda, waxa uu dhaawacay Shaqsiyaddiisa siyaasadda kaddib markii uu meel Fagaare ah ka jeediyey hadal lid ku ah Qaanuunka Islaamku u dejiyey dhaxalka, waagaas Wargeysyada reer Galbeedkku waxa ay qoreen dhowr maqaal oo uu kamid ahaa “Soomaaliya: Simidda ragga iyo Dumarka oo dhiig ku daatay  (The bloody sex Equality in Somalia).

Gefefka diinta la xariira waa halis weyn oo si dhaqsi ah u dumisa una disha shaqsiyadda Siyaasadda sidaas daraadeed wixii ka dambeeyey faragelinta iyo si cad u diiddidda Xeerka dhaaxalka ee Islaamka Jaalle Maxamed Siyaad; Shacbiyaddiisu dhulka ayay ku sii socotay, illaa ay kaceen Jabhado hubeysan oo ujeedadoodu tahay in ay xilka ka tuuraan iyada oo  dagaalkii 1977-kii Soomaaliya iyo Itoobiya uu sii jilciyey siina yareeyey kartida iyo kabashada dowladda. 

W/Q: Avv: Ahmed Isse Gutale
Qoraa, Masters in Shari’a and  Law 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Toogasho dhiig uu ku daatay oo maanta ka dhacday Oslo iyo waxa ay salka ku hayso

0

Oslo (Caasimada Online) – Toogasho ka dhacday baar ku yaalla caasimada Norway ee Oslo ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 14 ruux oo kale.

Sida uu sheegay taliska booliska toogashadan ayaa salka ku haysa argagixisanimo, ayada oo kusoo aaday xili magaaladu isu-diyaarinayso dhoola-tuska sanadlaha ah ee Pride.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maqaayada toogashadu ka dhacday ay fariistan khaniisiinta, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo weerarka.

Sidoo kale majirto koox si rasmi ah dusha u saartay mas’uuliyadda weerarkaan toogasho.

Toogashadaan ayaa waxaa markiiba ka hadlay Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Stoere, isaga oo waxa dhacay ku tilmaamay inuu ahaa weerar argagax leh oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan.

“Weli garan mayno waxa ka dambeeya falkan foosha xun, laakiin dadka caqiidada ah ee baqaya ee murugaysan, waxaan rabaa in aan idin sheegno in aan idin garab-taaganahay,” ayuu yiri.

Bishii October ayay aheyd markii nin la sheegay in uu la noolaa xaalad caafimaad oo dhanka dhimirka ah uu qirtay inuu shan qof ku dilay weerar qaanso iyo fallaaro loo adeegsaday oo ka dhacay Koonfurta dalkaas.

PUNTLAND oo shaacisay go’aan ku saabsan DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dowlad goboleedka Puntland aysan hadda kadib juhdi ku bixin doonin dhismaha dowladda federaalka.

Caarshe oo kamid ahaa kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in shaqo badan ay u taallo madaxda maamulka Puntland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan danaha gudaha ee maamulkaas.

“Shaqo badan ayaa noo taalla, nooma yaallo in aan ku mashquulno dhiska federaal dambe oo ku mashquuli mayno. Federaal dambe oo ku mashquuleyno iyo toos-toosin dambe majirto, geedka timirka fadhiisaneyna shaqadayada qabsaneyna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada cusub aysan ka ogolaan doonin waxyaabihii ay ka diiday madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay si weyn isugu hayeen aragtida siyaasadeed.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay.”

Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo kamid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareega labaada ee doorashada.

Xeer Ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiir Beyle oo uu kusoo baxay kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha baaristiisa wado.

Wasiir Bayle ayaa la faray in maalinta Isniinta oo ku taariikheysan 27/06/2022 uu yimaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha saacadu markay tahay 11:00 subaxnimo.

“Wasiirka waxaa la farayaa in uu wakhtiga ilaaliyo, kuna yimaaddo balanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri warqada sida tooska ah ugu socotay Beyle ee kasoo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqada u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Dhabancad oo ka jawaabay arrintii xasaasiga aheyd ee uu sheegay Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil.

Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhicin ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay dileen gabar sarkaal ah.

“Inta aan Rooble ka aqaano waa iska yartahay oo labo ama seddax jeer ayaan arkay, ninkii yiri Rooble ayaa gabar dilay isagaa la weydii doonaa oo dalka garsoor ayaa ka jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in Rooble uu talo ku lahaa in kursiga la dhaafiyo Fahad Yaasiin, “Laakiin anaga arrintoodu nama quseyn oo Rooble wuxuu ahaa nin aan musharax aheyn oo dadaalaya oo leh wixii la ii diray hala dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay in ka Dhabancad ahaan uusan garaneyn sabab Rooble ku kalifi karta inuu gabar dilo, “Warkaas wuxuu iila muuqdaa war la iska yiri ee warbaahintu hadaba gasho oo weydiiya ninkii yiri.”

“Rooble wuxuu dilay gabar sarkaal ah oo NISA ka tirsan, qofkii yiri waa la weydii doonaa maalin un ama Rooble ayaa ka dacwoo kara oo maxkamad tegaya, qof wax uusan aheyn lagu sheego khatarteeda ayey leedahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Isagoo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad wuxuu ka hadlay sida ay ula muuqato isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo carabka ku adkeeyey in lama huraan ay tahay in kiiskaas uu maxkamadeyn sax ah helo.

“Ragii NISA madaxda ka ahaa xiligaas hadda baarlamaanka ayeyba soo galeen oo waan arkay, marka dadkaan waa in maxkamad lagu kala saaro, dalka hadey ka suurta geli weyso adduunka ayaa lala aadi karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Xamza oo war cusub soo saaray kadib ansixintii BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo sida ay baarlamaanka u siiyeen codkooda.

“ Waxaan ugu horreyn u mahadcelinayaa Eebbe weyne oo ii suurtagaliyay inaan manta hortago Golaha Shacabka si aan uga codsado in ay isiiyaan codka kalsoonida” ayuu yiri ra’isulwasaare Xamza oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.

Sidoo kale Ra’isulwasaare Xamza ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan sido kale u mahadcelinayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ii magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Anigana waan ka aqbalay aniga oo og culayska ay leedahay masuuliyadda culus ee xilkan uu leeyahay, balse waxaan ku kalsoonahay aqoontayda, Kartidayda iyo Waayo-aragnimadayda”.

Ra’isulwasaare Xamza ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xildhibaanada iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab iyo gaashaan u noqon doonaan si uu u guto waajibaadka hor yaalo.

“ Waxaan ugu dambeyn u mahadcelinayaa xildhibaanada sharafta leh o maanta cod aglabiyad leh igu ansixiyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Madaxweynaha JFS u magacaabay 15-kii Juun 2022-ka in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Soomaaliya.

10 berri kadib kulan ay maanta xarunta villa Hargeysa isugu yimaadeen mudanayaasha golaha shacabka, ayaa cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay Ra’iisulwasaare Xamsa.

220 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa waxaa dhamaantood ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen ra’iisulwasaaraha , waxaana ra’iisulwasaraaha cusub xildhibaannada hortooda ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Muxuu yahay qorshaha Puntland kadib guul-darradii madaxweyne SACIID DENI?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday arrimo ku aadan mustaqbalka Puntland, kadib guul-darradii Saciid Cabdullahi Deni.

Caarshe Maxamed oo ka mid ah kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in guul-darradii soo gaartay ay mas’uul ka ahaayeen xildhibaanadii lagu soo doortay Puntland, walow uusan shaacin, sida ay ugu lug lahaayeen damaca fashilmay ee hoggaamiye Deni.

Wasiirka ayaa xusay in dhaqaale fara badan uu uga baxay doorashadaas, iyada oo ujeedka uu ahaa inuu soo baxayo Madaxweyne Deni, si uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya.

“Nasiib darrada eedeeda xildhibaannadeenii baa iska lahaa, haddii runta la isku sheego. Waa in lagu dhiirto oo runta la isku sheego. dhaqaale badanaa lagu bixiyay, nabaro badan ayaa la isku geystay. Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayay inaan cirbada kululaysada ku dhufano siyaasada Soomaaliya, si ay horey ugu socoto, laakiin nasiib darro ma suurtoobin,” ayuu yiri wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhinaca kale wasiir Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa muujiyey in Puntland ay qaadeyso dhabaha mucaaradka, isaga oo sheegay in aysan dowladda cusub ka ogolaan doonin, wixii ay horey uga diideen Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu Madaxweynaha Puntland ku hungoobay damaciisii ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaare, ama qof uu keensaday, wuxuuna dhawaan xusay in Puntland aysan talo ku laheyn magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub.

Si kastaba,Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo ka mid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareegga labaada ee doorashada.

Xasan oo war kasoo saaray tallaabadii maanta ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu ugu mahadcelinayo xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta si aqlabiyad leh ku meel-mariyey ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha Xasan ayaa ku boggaadiyey xildhibaanada Golaha Shacabka ansixinta ra’iisul wasaaraha uu soo xulay, si loo guda-galo dhismaha dowladda cusub

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dardaaran culus u jeediyey ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay inuu soo dhiso xukuumad dalka ka samata bixin karta xaaladda lagu jiro.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.” ayuu markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.]

Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanadii soo xaadiray, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

BF oo CODKA kalsoonida siiyey XAMZA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh codka kalsoonida ah u siiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Kulanka xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ahaa illaa 220 Mudane, waxaana shir guddoomiyey Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha cusub oo marka hore khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanada xaadiray.

Ma jirin xildhibaan diiday ama kaa aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo nidaam keli-talis ah gelineysa Koonfur Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in cidna aan laga ogolaa doonin falal amniga ka baxsan, isagoo sheeciyey in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulsan yihiin qalqal gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad adag oo abaaruhu ay sababeen, isla markaana maamulka oo taas ka duulaya uusan cidna ka ogolaa doonin qalqal gelin iyo hurinta falal amniga ka baxsan.

“Saad ogtihiin walaalayaal deegaanadaan Koonfur Galbeed waxaa saameysay abaar dabo dheeraatay, halkii looga gurman lahaa, dadkani uma baahnay in laga dhex abuuro qalqal gelin, xiligaan la joogo in doorasho aan la gaarin laga hadlo, sida ay wasaaradda amnigu horay uga digtay ma aqbali doonto in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay qalqal amni ka abuuraan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.

Sidoo kale wasiirka amniga maamulkaas ayaa hey’adaha Koonfur Galbeed faray in cid kasta oo qalqal gelin ay ku tuhmaan ay waajibkooda ka gutaan.

Hadalka wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo ku dhawaaqay go’aan lagu hakinayo shirarka looga hadlayo siyaasadda wuxuu imaanayaa, xilli guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow uu Baydhaba uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Guddoomiye Shiine ayaa Baydhaba ka sheegay in waqtiga u haray Laftagareen uu gabaabsi yahay, isla markaana shan bilood iyo 20 maalmood kadib laga doonayo inuu qabto doorasho, kuna kalsoonaado baarlamaanka.

Lafta-gareen ayaa sii xajinaya awoodda maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo hadda u muuqda inuu cagta saaray waddo kali talisnimo ah, oo ay ka go’an tahay inaanu xukunka marna ka degin.

Laba qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay laba qof oo isku qoys ahaa, sida aan xogta ku helnay.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xalay ka dhacay xaafadda Suuq Liif, waxaa loo geystay Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali oo ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumiinta oo hal goob wada fadhiyey, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee la dilay ayaa ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas meydadka kasoo qaaday halkaasi, kadibna heeyey CID-da, si baaris loogu sameeyey falkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online marxuumiinta la dilay ayaa shaqadooda waxa ay aheyd iibinta dhulka, mana cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi xalay ka dhacday xaafadda Suuq Liif oo ka tirsan degmadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Aqalka Sare oo ansixiyey 8 guddi oo muhiim ah

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad, iyaga oo uu maanta ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta Guddoonka Guddiyada Aqalka Sare.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka warbixiyay shaqooyinka hor yaala Guddiyada maanta la’ansixiyay, kuwaas oo gaaraya illaa sideed guddi.

Guddiyada maanta la ansixiyay ayaa kala ah:

  • Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahin Xaabsade ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
  • Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Naciima Xasan Xaaji
  • Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xasan Xuseen.
  • Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Aadan Cabdinasir Maxamed
  • Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.
  • Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.
  • Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Saynab Ismaciil Maxamed.
  • Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo khudbad kooban ka jeediyay golaha ayaa sheegay in Guddi walba loo diyaariyay xafiiskii uu ku shaqeen lahaa iyo xoghayihii la shaqeen lahaa, isaga oo intaas ku sii daray in Guddi walba uu heesto todobo cesho uu ku soo diyaarinayo qorshaha barnaamijka shaqo.

MAREYKANKA oo kooxda Taalibaan ku wareejiyey maxbuus xirnaa 15 sano

Islamabad (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ururka Taalibaan ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.

Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taalibaan ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.

Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska ururka Taalibaan ee Doha ayaa VOA u sheegay inay tallaabadan soo dhoweynayaan, isagoo ugu baaqay dawladda Maraykanku inay sii dayso maxbuuska kale ee ku hadhay xabsigaas.

Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey kiiska Haaroon inay ka soo baxday inuu u qalmo in laga wareejiyo xabsigaas.

Toddoba qof oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacishta Somalia oo la qabtay + Magacyada

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa soo qabtey toddoba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari

PSF ayaa heshey xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Mudadadii hawlgalku socdey ayaa PSF soo qabatey afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise

Sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe. Raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah: 1- Kabana Nagsa Bulja, 2- Abdalle Tadhase Gafaso, 3- Qasim Suleyman Jibril, 4- Yusuf Tuna Dubey, 5- Yasin Abdow Awal, 6- Anwar Fathi Abagatow, 7- Isaq Kamal Qasim.

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Gobolka Bari ayaa waxaa sanado badan ka dagaalamaya kooxo kasoo horjeeda maamulka Puntland, kuwaasi oo xubno ka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Xamza maanta ma heli doonaa codka kalsnooida xildhibaanada labada aqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa inay maanta codka kalsoonida u qaadaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal shalay kasoo baxay ku sheegay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maanta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulankan oo la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xamza ayaa la filayaa inuu si fudud oo cod aqlabiyad leh ku helo codka kalsoonida xildhibaanada, islamarkaana uu noqdo ra’iisul wasaaraha sharciga ah ee dalka.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii tegay kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaannada baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo xooggan.

Xildhibaano badan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka qaba inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasi oo u sahleysa Xamza inuu helo codka kalsoonida. 

Si kastaba, caqabadda ugu weyn ee Xamza hortaalla ayaa imaneysa marka uu soo dhiso golaha wasiirada, markaasi oo xildhibaano badan oo golaha iska waaya la filayo inay caqabad ku noqdaan ansixinta golaha wasiirada.

Xamza Cabdi Barre ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Soomaaliya.

Daawo: Dhabancad oo shaaciyey qorshihii Farmaajo iyo Rooble ee meteladii Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad oo ahaa guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha ayaa bixiyey wareysi uu uga hadlay arrimo dhowr ah.

Cabdisalaan Dhabancad oo xilkaan ku muteystay inuu yahay shakhsiga ugu da’da weyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey caqabado badan oo loo dhigay intii ay socotay doorashadu iyo cidda u dhigeysay.

Ugu horeyn Dhabancad oo waayo joog ah, wax badana ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinka Soomaaliya aysan weligood ka bixin gacan bidixeyn, isagoo tusaale u soo qaatay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la tuhmayo in doorashadiisii uu salka ku hayo.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Farmaajo iyo Rooble ay ku garab istaageen in doorashada la dedejiyo, maadaama ay mudo soo jiitameysay.

“Ra’iisul wasaaruhu waa ka dhabeeyey dedejintii doorashada ee aan ku balanay, laakiin sida aan ka gartay Madaxweynuhu wuxuu ka biyo diiday arrinta Gedo, anigu maalintii la tegay Teendhada waxaan iri meteladii dadka reer Gedo hala keeno, sidoo kale Madaxweynaha waan u sheegay in Gedo la tegi waayey, isla markaana aan raadi doono hab kale oo dadka reer Gedo ay metelaad ku helayaan,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynuhu aysan go’aan ku laheyn arrinta kuraasta Gedo, balse Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen in doorashadii kuraasta Gedo lagu qabto Ceelwaaq.

“Anagu arrintaas waxaan u arkeynay xal, sababtoo ah Beledweyne markii amnigu faraha ka baxay labadii kursi ee u dambeysay waatii la geeyey Jowhar,” ayuu yiri.

Sidoo kale Dhabancad ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u maareeyeen markii ay Muqdisho isugu yimaadeen xildhibaano ka kala yimid Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo Gedo wada metelaya.

“Markii aan eegnay cadeymaha qoladii Ceelwaaq waxay wadatay intii aan anigu kala imid Galmudug, laakiin qolada Garbahaarey waxay wateen wax ayaga ku kooban oo Jubbaland aysan shaqo ku laheyn, intaas kadib waxaan xalka u arkay in kuwa Caalwaaq ay yihiin xildhibaanada saxda ah,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uusan raali ka aheyn inay howlgalaan xildhibaanadii ka yimid Ceelwaaq, laakiin waan u sheegay in Gedo aan la tegi karin oo diyaaradaha loogu hanjabay in lasoo ridayo, sidoo kalena Jubbaland oo talo ku leh doorashada xildhibaanada gobolkaas aysan Gedo tegi karin.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ku iri xildhibaanada Ceelwaaq ayaa jid leh, ayaguna inay kuu yimaadaan waa rabaa, aniguna waxaan ku iri u taga madaxweynaha, maadaama ay xigtadiisa yihiina waxaan rabay in uu raali ka noqdo, qaarkood waa isku dayeen inay ka kulmaan, laakiin waba ma suurtaabin, guddoonkii la doortayna waan uga mahad celinayaa in wadadii aan wax ku soo maamulnay ay u arkeen mida saxda ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdisalaan Dhabancad.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Shabelle TV

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday tallaabo uga qorsheysan xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si cad u sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada golaha uu toos magaciisa ugu sheegi doono bulshada.

Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu sheegay inay dastuuri tahay arrintaan, isla markaana ka guddoon ahaan ay ka go’antahay in “Xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada baarlamaanka, magaciisa dad weynaha lala wadaagi doono.”

“Dastuurku waa cadeynayaa waajibaadka xildhibaanka iyo nidaamka loola dhaqmaayo hadii uu imaa waayo fadhiyada golaha, marka xildhibaanka hadii waajibaadkiisa uu guda waayo in la iclaamiyo, oo la yiraahdo xildhibaan hebel intaas oo fadhi ayuu ka maqnaaday, caab maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxaa jiray aragtiyo ka imaanayey bulshada oo dooneysa in guddoonku shaaciyo magacyada xildhibaanada aan fadhiyada imaan iyo sababaha ay ku maqan yihiin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cadeeyey in arrintaas ay sameyn karaan oo qorshaaha ay ugu jirto in xildhibaankii maqnaada dadweynaha loo sheego magiciisa iyo hadii ay jirto sabab uu uga maqan yahay fadhiyada golaha.

“Xildhibaanka waxaa loo doortay inuu umadda metelo, waana ku cadahay dastuurka waxyaabaha sababi kara inuu lumiyo xubinimadiisa iyo sida loola macaamilayo hadii uu imaan waayo fadhiyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo BBC-da weysigaan siiyey.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacabka oo ku guda jira kulamada kalfadhigoodaan koowaad, ayaa kulan la hor geyn lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan wuxuu u baaqday kooram la’aan.

Arrintaasi waxay dhalisay dhaleeceyn golaha uga timid bulshada iyo canaan toos oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay xildhibaanada, kadib markii uu ku casuumay madaxtooyada xilli habeen ah.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo shan cisho ah ku maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna madaxtooyadu ka warbixisay safarkaas iyo xaalado caafimaad oo madaxweynaha soo wajahay.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta, sidoo kale wuxuu cadeeyey in maanta madaxweynaha laga helay COVID-19, xaaladiisuna ay fiican tahay.

“Qodobadii ugu muhiimsanaa hadaan dul maro waa 20 milyan oo Imaaraadku uu ugu deeqay abaaraha ka jira dakeenna, waxaa la fududeeyey Visaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku gelayaan dalka Imaaraadka, waxaa lagu heshiiyey in shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka ay Soomaaliya ka howlgalaan oo adeegyada duulimaadyada ka bilaabaan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumtay wafdi culus oo ka socda dowladda Imaaraadka oo Muqdisho imaa doona, isla markaana la sameeyey guddi isku dhaf ah oo ka shaqey doona arrimaha ay isku raaceen madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed, uu safaaradooda Muqdisho amray inay ka soo talo bixiso sida ugu wanaagsan ee loo fududeyn karo adeegyada ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Qofka Soomaaliga ah isagoo Muqdisho jooga ayuu safaaradda Imaaraadka ka heli doonaa Visaha, waxaa intaas dheer oo arrintaan ku saabsan, dadka Soomaaliyeed ee Imaaraadka degan, waxaa lagu heshiiyey in loo fududeeyo adeegyada oo loola dhaqmo si ka debacsan sidii hore,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo