25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo shan cisho ah ku maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna madaxtooyadu ka warbixisay safarkaas iyo xaalado caafimaad oo madaxweynaha soo wajahay.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta, sidoo kale wuxuu cadeeyey in maanta madaxweynaha laga helay COVID-19, xaaladiisuna ay fiican tahay.

“Qodobadii ugu muhiimsanaa hadaan dul maro waa 20 milyan oo Imaaraadku uu ugu deeqay abaaraha ka jira dakeenna, waxaa la fududeeyey Visaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku gelayaan dalka Imaaraadka, waxaa lagu heshiiyey in shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka ay Soomaaliya ka howlgalaan oo adeegyada duulimaadyada ka bilaabaan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumtay wafdi culus oo ka socda dowladda Imaaraadka oo Muqdisho imaa doona, isla markaana la sameeyey guddi isku dhaf ah oo ka shaqey doona arrimaha ay isku raaceen madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed, uu safaaradooda Muqdisho amray inay ka soo talo bixiso sida ugu wanaagsan ee loo fududeyn karo adeegyada ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Qofka Soomaaliga ah isagoo Muqdisho jooga ayuu safaaradda Imaaraadka ka heli doonaa Visaha, waxaa intaas dheer oo arrintaan ku saabsan, dadka Soomaaliyeed ee Imaaraadka degan, waxaa lagu heshiiyey in loo fududeeyo adeegyada oo loola dhaqmo si ka debacsan sidii hore,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Villa Somalia oo ka hadashay dhab ahaanshaha safar qarsoodi ah ee Israel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay hadal hayn ka dhalatay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxa uu beeniyay in uu jiro safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir diblomaasiyadeed.

“Israel ma Imaaraadka ayey ku dhex taalla? Maya, maadama laheyn xiriir diblumaasiyadeed haddii la tago xataa wax la qaraniyo ma aha, laakiin lama tagin,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eekeyd booqashadooda dalka Imaaraadka, islamarkaana uusan jirin qorshe safar oo qarsoodi ah.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay Imaaraadka ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.

Hadal hayntan ayaa timid kadib markii safarka Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayay uu qaatay maalmo dheeraad ah oo aan markii hore qorshaha ugu jirin, taasi oo sida aan ogaanay ay keentay kadib markii xubno kamid ah wafdiga laga helay Coronavirus.

Hoos ka daawo muuqaalka

Baarlamanka oo shaaciyay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo R/W XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah oo Sabti ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maalinta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulanka berri ayaa la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga helay Coronavirus iyo xaaladiisa caafimaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga helay cudurka Coronavirus, xili dhawaan laga helay xubno kamid ah wafdigiisa.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in laga helay cudurka kadib markii maanta lagu sameeyay baaris.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19,” ayuu yiri.

“Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.”

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ducada iyo garab istaaga ay u muujiyeen.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

Dhawaan unbay aheyd markii xubno kamid ah wafdiga Madaxweynaha laga helay cudurka Coronavirus, kuwaasi oo karantiil la galiyay.

Wixii Farmaajo laga diiday ma laga aqbali doonaa Xasan Sheekh? (Qaadka Kenya)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa laga doodayaa fasixidda Qaadka ka yimaada  wadanka Kenya. Nairobi waxay qarka u saaran tahay inay dib u hesho suuqeedii Qaadka ee Soomaaliya.

Malaayiin Dollar ayey ganacsatada Qaadka ee Kenya qasaareen tan iyo markii madaxweyne Farmaajo diiday dan ganacsi oo hal dhinac ah markaas oo uu xirmay suuqii ugu weynaa ee Qaadka Kenya oo ahaa u dhoofinta magaalada Muqdisho.

Horraanta bisha soo aadan ee July labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inay saxiixdaan heshiis laba dhinac ah oo dib loogu fasaxayo Qaadka laguna lifaaqi doono qodobo kale.

Dowladda Kenya dhowr jeer ayey diiday inay Soomaaliya wax muuqda uga badalato suuqaa Qaadka. Hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa koox siyaasiyiin ah oo macaash doon ah waxay ku cadaadinayaan inuu heshiiskaan deg deg u dhaco.

Walaac ugu weyn ee dib u fasixida Qaadka ka yimaado Kenya waa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxiibadii u xusul duubayaan in dad gaar ah oo xukuumadii hore madax iyo wasiiro ka ahaa in loo xiro suuqa Qaadka.

Xubnahaas qaar waxaa la sheegayaa inay horey usoo galeen ballan ay Kenya gaar ugu maamuuseyso haddii ay soo dhiciyaan fasaxa qaadka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la sheegay inuu durba gadood ka muujiyey qorshaha dad gaar ah la rabo in loogu xiro ganacsiga qaadka Kenya oo markii hore ahaa mashruuc ay dad shacab ah ka faa’ideysan jireen.

Guuxa arrintaan ayaa dhex yaala siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan waxaa aad u hadal hayo xildhibaanada golaha shacabka.

Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ganacsigii qaadka Itoobiya siiyey dad siyaasiyiin ah waxaa dhinaca kale kor u kacay siyaasiyiinta baacsanaya Qaadka dhanka Kenya. Sababta loo eryanayo ganacsiga Qaadka waa in dhaqaale badan oo xatooyo ah laga dhex sameeyo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay dhawaan inaan la aqbali doonin hirgelinta heshiis aan lasoo marin Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo qasab ka dhigeysa in hesiiska Kenya loo diro Baarlamaanka.

Hadalka Aadan Madoobe waa farriin weyn oo diidmo xambaarsan taasoo ka dhigan inaan lagu qanacsaneyn sida ay dadka qaar uga fakarayaan inay u qaataan mashruuca Qaadka Kenya ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Xukuumadda imaan doonto waxaa hortaala xisaab ku saabsan ka badbaadinta shacabka ee siyaasiyiinta madaxweynaha ku hareereysan kuwaas oo u tafa xeedanaya boobka mashaariic loogu talagalay inay shacabka wadajir uga faa’ideystaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo xileedkiisii hore lagu eedeeyo inuu dalka la kulmay musuqii ugu baahsanaa ebid ayaa mar kale waayihiisa cusub ku daahfuri kara heshiis marna fadeexo dhali kara marna lagu faa’idi karo.

Uma badna inuu Xasan Shiikh sumcad badan ka qaadi doono haddii uu shaqsiyaad gaar ah oo isagu dano ku qabo uu ku abaal mariyo qandaraaska Qaadka ee Kenya, wuxuuna deg deg u qaadi doonaa dhabihii Farmaajo laga diiday kal hore.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur waxaa la aaminsan yahay inuu sumcad badan ka dhaxli doono haddii uu ka hor yimaado in dad gaar ah loo afduubo danta guud.

Dad badan waxay qabaan in kooxda mashruucaan u waalaneysa inay madaxweynaha sumcad darro deg deg ah usoo hoyn karaan.

Dhaq-dhaqaaqa arrintaan waxaa isha ku wada haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo raadinaya in suuqa sidii hore noqdo mid u furan dhammaan ganacsatada iyo in Kenya dib u fasixidda looga badasho wax danta guud la xiriira.

Goob ay Shabaab ku kaydin jireen ‘alaadaha marin habaabinta’ oo la burburiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay Ciidanka kumaandooska DANAB gaar ahaan Horinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ka fuliyeen deegaanada Ka-lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa lagu burburiyay goob ay Al-Shabaab si qarsoodiya ugu kaydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaabiyaan bulshada, kuwaas oo ay ka mida ahayeen Cajalado DVD, Bugaag, Kaydiyaal iyo sidoo kale Baasabooro fara-badan.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu soo qabtay labo xubnood oo kamid ah kooxda Al-Shaaab, sida ay sheegeen Saraakiisha howl-galka hogaamineysay.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishu in howl-gallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaanada ku teedsan wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa sare u qaaday maalmihii dambe howl-galada ka dhanka ah, ayaga oo shalayna sidan oo kale howl-gal qorsheysan ku bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Xog: Sidee ku yimid safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee IMAARAADKA CARABTA?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigay Imaaraadka Carabta dalkii ugu horreeyey ee uu booqday kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022. 

Booqashada Xasan Sheekh ayaa tusmeysay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd mid ku dhisan rabitaanka dalka Qatar oo ay xifaaltamaan Imaaraadka, inkasta oo marka arrimo badan la eego danta Soomaaliya ay ku xiran tahay Imaaraadka Carabta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Xasan Sheekh uu ku yimid codsiyo soo noqnoqday oo ka imanayey Abu Dhabi tan iyo markii madaxweynaha dib loo doortay. 

“Codsiga iyo cadaadiska ka imanayey Abu Dhabi wuxuu mararka qaar u muuqday baryootan, aad ayey uga go’neyd Imaaraadka in madaxweynaha uu ku sharfo booqashada koowaad. Marar badan ayuu safiirkooda isaga soo daba laabtay Villa Somalia,” ayuu yiri il-wareed ku dhow madaxweynaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaaday taagero oo weyn oo dhanka amniga ah oo ay siinayaan Soomaaliya, si gaar ahna in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab muddo kooban gudaheed. 

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad, oo xitaa fadhiyey kulankii madaxweynaha iyo dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed, taasi oo muujisay muhiimadda amni ee socdaalka madaxweynaha. 

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa kulanka Xasan Sheekh ka xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee aan waxba laga kala reebin ee Imaaraadka Carabta ay siiso dadka Soomaaliyeed si ay ugu guuleystaan hammigooda horumarineed, xasillooni, barwaaqo iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo shacabkooda ay helaan. 

Imaaraadka ayaa horey u tababari jiray qaar ka mid ah ciidamada militariga Soomaaliya kahor inta aanay isku dhicin dowladdii Farmaajo bishii April 2018, taasi oo keentay inay xiraan saldhiggoodii militari ee Muqdisho. 

Ayada oo muujineysa sida safarkan muhiim ugu ahaa Abu Dhabi, ayaa dhammaan wargeysyada ugu waa weyn dalkaas waxaa shalay bogga horey ay sheekada ugu weyn ka dhigeen socdaalka madaxweynaha Soomaaliya. 

Hab dhaqanka Imaaraadka Carabta iyo sida ay uga dhabeeyeen ballan-qaadyadooda bilaha soo socda, ayaa kala caddeyn doonto haddii daneyntooda Soomaaliya ay tahay mid dhab ah.

Turkey oo fashilisay shirqool yaab leh oo IRAN ay ka fulin laheyd magaalada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkey ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday inay fahsiliyeen shirqool ay Iran ku weerari laheyd safiirkii hore ee Israel ee Turkey oo ka dhici lahaa magaalada Istanbul.

Sida ay ku warrameen warbixinada, Iran ayaa qorsheysay inay afduubato dhowr dalxiisayaal oo Israeli ah iyo diblomaasiyiin ku sugan Istanbul oo uu ku jiro safiirkii hore ee Israel iyo xaaskiisa, ayna diyaarisay howlwadeenadii weerarka fulin lahaa – ayada qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta la badbaadiyey waxyar kahor inta aanu weerarku dhicin. 

Sirdoonka Turkey iyo booliska ayaa Jimcihii tegay xiray 10 qof oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan xubno meelo fog wax ka toogta iyo dad la shaqeynayey oo ku sugnaa hotelka Sol Hotel iyo guryo kale oo ku yaalla Istanbul.

Wakiilo ka tirsan sirdoonka Iran iyo Ilaalada Kacaaka Islaamiga ah ayaa iska dhigay arday, ganacsato iyo dalxiiseyaal si ay u afduubtaan Israa’iiliyiinta. 

Turkey waxay sheegtay in sirdoonka Israel ee Mossad ee heleen Israa’iiliyiinta islamarkaana ay diyaarad khaas ah ugu duuliyeen Israel. 

Inkasta oo lagu guuleystay in howlgalkan la fashiliyo, haddana saraakiisha Israel waxay sheegeen in weli ay jirto halis ka imaneysa Iran oo ay wajahayaan Israa’iiliyiinta ku sugan Turkey.

Saraakiisha waxay sheegeen inay jiraan ugu yaraan saddex unug oo Iranian oo aan weli la xirin, islamarkaana in la raad-raaco oo lasoo xiro ay noqon doonto hanaan waqti badan qaata. 

Waxaa la rumeysan in Iran ay aad u dooneyso inay meel un kasoo afduubato Israa’iiliyiin si ay guul ugu muujiso shacabkeeda xilli dagaal xooggan oo sirdoon uu u dhaxeeyo labada dal.

Warka ku saabsan shirqoolka la fashiliyey ayaa yimid waxyar un kahor inta aanu wasiirka arrimaha dibedda Israel, ahna ra’iisul wasaaraha cusub ee dhowaan xilka la wareegaya Yair Lapid aanu iman Ankara.

“Toddobaadyadii tegay nolosha muwaadiniin Israeli ah ayaa la badbaadiyey, waxaana ku mahadsan wada-shaqeynta amni iyo diblomaasiyad ee Israel iyo Turkey,” ayuu yiri Lapid. 

“Iran ayaa ka dambeysay isku dayada weeraradan argagixiso. Sirdoonku taasi shaki kama qabo. Kama hadleyno kaliya dilka muwaadiniin Israeli ah oo aan waxba galabsan, balse xadgudub cad oo ka dhan ah qarannimada Turkey. Dalna ma ahan inuu dulqaato argagixiso ku sugan ciddiisa,” ayuu yiri Lapid.

Farriin ku socota waalidiinta Soomaalida ee dhalashada Netherlands haysta + Video

Amsterdam (Caasimada Online) – Maadaama ay bilowdeen xilliyada fasaxyada dugsiyadda, waxaa la xasuusinayaa waaladiinta Soomaaliyeed ee haysta dhalashada waddanka Netherlands inay ka digtoonaadaan gudniinka gabdhahooda, kaasoo haddii lagu helo ay muteysan karaan ciqaab xabsi iyo ganaax isugu jira.

Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah mashruuca ka hortagga gudniinka gabdhaha ayaa shir jaraaíd oo ay toddobaadkan ku qabatay xafiiska dalladda Isutagga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayaa ku celcelisay

“Maadaama 2dii sanno ee ugu dambeysay ay duniddu kala xirneyd xanuunka Caronaha dartiis, sannadkan waxaa suurtagal ah waalidiin badan in ay caruurtooda fasax u wadaan, waxaan xusuusinayaa waalidiintaasi in aysan ku kadsoomin in ay gabdhahooda soo gudaan” Ayeey tiri Zahra Naaleeye, waxaya intaasi raacisay in sharci adag laga soo saaray gudniinka gabdhaha.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey in Somaliland ay qarka u saraan tahay dagaal

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u saaran tahay rabshado uu sabab u noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu ka dhega fureystay in uu qabto Doorashada ku waqtiyeysan 13-ka November 2022.

“Beesha caalamka ayaanu meesha ay taagantahay la wadaagnay, madaxweynahana kulan fogaan arag ah ayey la yeesheen inkasta oo aanan oran karin madaxweynuhu siduu uga warramay sax ayay ahayd, kalmada uu yiri axsaabta ogolaatay furista urrurada  siyaasada manaan ogolaan anagu,” ayuu yiri Waraabe.

Waraabe ayaa hadalkiisa sii raaciyay in cabsida ka taagan Somaliland uu sabab u yahay Madaxweyne Muuse, waxa uu soo jeediyay in la tixgeliyo dastuurka iyo nidaamka kale lagu heshiiyay si looga fogaado isku dhac & rabshado dhaca wuxuuna xusay inay arrintaas la wadaageen beesha caalamka.

“Somaliland 30-sano kaddib waxa ay wajaheysaa xaalad adag, Beesha Caalamka waxa aan la wadaagay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sabab u yahay rabshada jira, Been ayuu u sheegay Beesha Caalamka, Somaliland waxa ay u baahan tahay in Doorasho ka dhacdo sidii loo qaban jiray oo kale,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Madaxweyne Muuse ku eedeeyay in markii uu arkay Guusha Mucaaradka uu ka gaaray Doorashada Golaha Wakiilada uu go’aansaday in uu ka caga-jiido qabashada doorashada.

Lacag dhan $5 Milyan oo doollar oo ah miisaaniyadda loogu talagalay Doorashada ayuu sheegay in lagu shubay koontada loogu talagalay, waxa uu dusha ka saaray eedeyn ah in uu ka shaqeynayo in isku dhacyo dhaca.

“Doorashada Madaxweynaha oo waxkasta u diyaarsan yihiin oo miisaaniyadda lagu shubay $5 Milyan oo dollar ayay markaas is qabteen Xisbiga Waddani oo Golaha Wakiilada qaatay, qaska isaga ayaa keenay, waa markii ugu horreysay ee Maleeshiyo hubeysan Hargeysa soo gasho” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe oo la hadlay TV-ga Universal.

Ergada beesha caalamka ee kulanka la yeeshay guddoomiyaha oo madaxweynaha Somaliland kulan fogaan arag ah la qaatay Khamiistiii ayey madaxtooyadu sheegtay in la isku afgartay in doorashooyinka la amba qaado, iyaguna gacan ka gaystaan.

CC SHAKUUR oo soo saaray baaq ka dhan ah dabaal-degga xoriyadda + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha  ayaa ku baaqay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka isagoo taas sabab u dhigay inuu dalka ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in indhaha bulshada lagu jeediyo arrimaha abaaraha halkii lagu mashquuli lahaa xuska xurriyada.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in haddii aan la iska dhaafi karin xuska maalmahaas ay tahay in loo sameeyo sida ugu fudud iyadoo la tixgelina\yo duruufaha uu dalka ku jiro aysana suuragal aheyn in  Soomaaliya oo dadkeedu gaajaysan yihiin in aanay u dabaal degto wax la yiraahdo xorriyad.

“ Waa in hoos loo dhigaa debaal degga maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii Gaajo u dhimanayaan uu u dabaaldago maalmaha xuriyadda” ayuu yiri ergayga abaaraha.

Lama ogo haddii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud aqbali doono soo jeedinta ergeygiisa u qaabilsan arrimaha abaaraha.

Sannad walba dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixisa xuska sannad guurooyinka maalmaha xurriyada oo kala ah, 26 june oo ah xornimadii gobolada waqooyi iyo kowda Luulyo, xornimada gobolada koonfureed iyo israacii labada gobol.

Haatan, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada xafladdo ballaaran oo loogu diyaar garoobayo xuska maalmahaas.

30 carruur oo nafaqo-darro ugu geeriyootay isbitaalka magaalada KISMAAYO

0

Kismaao (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.

Faysal Aadan Ibraahim, Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ruux oo ah qoysaska saameynta taban ku reebtay Abaarta lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Kismaayo kaddib xannuuno ay ka qaadeen cunno la’aanta & Biyo yarida jirta.

“Qoysaska ugu badan ee carruurta nafaqo-darrada u geeriyootay iyo kuwa gacanta lagu hayo waxa ay kasoo barakaceen Gobolka Jubada Dhexe, ku dhawaad 30 carruur ayaa u geeriyootay nafaqo-darro ka dhalatay Abaarta gaar ahaan cunno iyo biyo la’aanta ka jirta deegaannadii ay ku noolaayeen” ayuu yiri Faysal Aadan Ibraahim, Madaxa Qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo.

Rajo wanaagsan ayuu Faysal Aadan ka muujiyay in bukaannada jiifa Isbitaalka Kismaayo ay u helaan daryeel wanaagsan si jirkooda uu uga soo kabto saameynta taban ay ku reebeen xannuunnada ka dhashay abaarta.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in 2.5 Milyan oo carruur oo Soomaali ah ay halis u yihiin in ay u geeriyoodaan Macluusha ka dhalatay Abaarta ka jirta Dalka, Sanduuqa Taakulada Carruurta ee UNICEF ayaa dhaqaale u dalbay si wax looga qabto halista muuqata.

Imaaraadka Carabta oo amray in Soomaalida si toos ah loo siiyo dal-ku-galka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay Imaaraadka ay fududeyn doonaan sidii ay Soomaalida ku heli lahaayeen dal-ku-galka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxa ay uga mahad-celiyeen Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha Jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, islamarkaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

 

Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ‘oo diiday inay u hogaansamaan’ baaqiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay taageerayaasha madaxweynihii hore inay dagaal ku bilaaban dowladda cusub ee madaxweyne Xasan.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan u hogaansamin baaqiisi, taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub.

“Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay jeexeen waddo odaynimo oo ah horay halloo socdo, Ra’iisul wasaaruhuna waddadii ayuu raacay sida booqashadiiss laga arkayo. Tallaabooyinkaasina waa kuwo dowladnimada u fiican,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda weerar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo NN ah oo taageera Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxay ahayd in ay baaqa hoggaamiyahooda (madaxweynihii hore) ay maqlaan ee dowladdaan 2-da bilood aan gaarin ay qunjuraafka ka daayaan.”

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Kooxahaas baal marsan baaqa madaxweynayaasha ee doonaya inay curdanka ku naafeeyaan dowladnimada loo soo halgamey, waa in la xasuusiyo in hoggaanka laga fara-maroojiyey rag awood iyo xoolo haystey aysanna #RATS (remnants of authoritarian & terminated system) hor istaagi kari.”

“Waxay ahayd inay kala dhuuntaan waayo iyaga fashilay guri muraayad ahna ku jira. Kuwa wada dagaalka beenta ku salaysan waxay keenaysaa in sidii gabyaagii Carbeed ee Jariir lagu yiraahdo فَغُضَّ الطَرفَ إِنَّكَ مِن نُمَيرٍ.”

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa ayada oo markii doorashada lagaga guuleystay Farmaajo iyo intii ka dambeysay uu dhowr jeer ku baaqay in lala shaqeeyo dowladda cusub, islamarkaana fursad la siiyo, taasi oo ka hor-imaneysa tallaabada ay qaadeen taageerayaashiisu.

PREMIER BANK oo soo kordhiyey adeeg wax weyn u taraya Xujayda Soomaalida

WAR-SAXAAFADEED

MUQDISHO, June 23, 2022 – Premier Bank wuxuu fursad u siinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibka Xajka inay si lacag-la’aan ah ku helaan Mastercard-ka Premier Bank. Wuxuu sidoo kale bankigu muddo 30 maalmood ah ka dhaafayaa xujeyda khidmadda wax ku iibsiga iyo lacag la bixidda Mastercard-ka. 

Xujaajta isu diiwaangeliyey tegitaanka xajku si fudud ayaa ay Mastercard ka Premier Bank ku heli karaan, iyaga oo waraaqahooda diiwaangelinta xajka la tagaya xarumaha iyo laamaha uu Premier Bank dalka ku leeyahay, laga bilaabo maanta 23 da Juun 2022. 

Iyada oo xujaajta laga fududaynayo culayska iyo warwarka ay lacag bixintu leedahay iyo daalka raadinta xarumaha xawilaadda lacagaha, Premier Bank Mastercard waxa uu u ogolaanayaa in ay lacagtooda si fudud oo dhaqso badan u helaan, iyo in ay kala baxaan mishiinka ATM ka iyada oo aan wax khidmad ah laga jarin. 

Kaarka bankiga ayaa xujeyda u saamaxaya inay wax ku iibsadaan, iyagoo aan u baahaneyn in ay sarif raadsadaan. Sidoo kale, haddii ay lacagta ka go’do eheladooda iyo saaxiibbadooda ayaa kaarka lacag ugu soo shubi kara si fudud iyo xilli kasta.

Madaxa Xiriirka Bulshada ee Premier Bank, Axmed Nuur Maxamed ayaa yiri “Qofka safarka ah wuxuu mar kasta dhib kala kulmaa lacagta jeebka lagu qaato, wuxuu sidoo kale jahawareer kala kulmaa la socodka qiimaha sarifka lacagta iyadoo ay intaa u sii dheertahay marka ay lacagtu ka go’do ee uu u baahdo in lacag loo diro. Premier Bank oo mar walba u taagan haqabtirka baahiyaha la xiriira adeegyada maaliyadeed ee bulshada Soomaaliyeed ayaa sanadkan ku guuleystay inuu xal u helo caqabadahaas oo dhan.” 

“Xujayda sanadkaan kama walwali doonaan arimaha la xiriira maamulka kharashaadkooda ee waxa ay fursad fiican u heli doonaan inay diiradda saaraan cibaadada iyo u gudashada acmaasha xajka sida ugu habboon, hadduu Alle idmo,” ayuu raaciyay. 

Tallaabadan ayuu Bankigu uga golleeyahay inuu dadka Soomaaliyeed u fududeeyo gudashada acmaasha xajka iyo u adeegista martida Alle xilliga ay oogayaan tiirka shanaad ee Islaamka iyaga oo Mastercard-ka si toos ah wax uga iibsan kara xarumaha ganacsiga, ku raaci kara taksiyada iyo gaadiidka dadweynaha, lacag caddaan ahna kala bixi kara ATM-da iyadoo aan laga qaadeyn wax khidmad ah.

PRIEMER BANK, waa bangi ganacsiyeed madaxbannaan oo ku dhaqma nidaamka maaliyadeed ee Shareecada Islaamka. Waana kii noociisa ugu horreeyey dalka ee bixiya Mastercard, isaga oo iskaashi la sameeyey shirkadda Caalamiga ah ee Mastercard oo leh shabakadda nidaamka lacag bixineed ee ugu xawaaraha badan dunida oo dhan, iskuna xidha macaamiisha, shirkadaha maaliyadda, ganacsatada, iyo dawladaha in ka badan 210 dal iyo maamul oo dunida ah. 

Mastercard 

Mastercard, waa shirkad teknoolajiyadeed oo ka mid ah nidaamka caalamiga ah ee lacag bixinta. Waxay howlgelisaa hab-raaca shabakadda lacag-bixinta ugu degdegta badan dunida ee isku xirta macaamiisha, hay’adaha maaliyadda, ganacsiyada, dowladaha iyo ganacsatada in ka badan 210 dowladood iyo gobol. Xalalka iyo adeegyada Mastercard waxay howlaha ganacsiga maalinlaha ah sida; dukaameysiga, safarka, socodsiita ganacsiga iyo maamulidda dhaqaalaha ka dhigtaa mid fudud, aamin ah, kuna haboon qof walba. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa adiga oo booqda: www.mastercard.com ama Twitter-ka kala socda @MastercardMEA. 

Premier Bank

Premier Bank waa banki ganacsi oo gaar loo leeyahay, isla markaana shareecada ay Islaamku asal u tahay dhammaan adeegyada uu bixiyo. Waxa uu shati ka heystaa Bankiga Dhexe ee dalku oo u sharciyeeyay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed iyo mid banki. Bankigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowladda ah, kuwa aan dowladda ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka. Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa ka mid ah adeegyada banki ee shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, moobeylka iyo Internet-ka, mashiinnada ATM-ka, Lacag-dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, wakiil bankiyeedka iyo dirista lacagaha ee heer caalmi.

Si aad xogo intan ka faahfaahsan u hesho fadlan booqo degelkayaga internet ka ee  www.premierbank.so iyo sida oo kale bogagga aannu ku leenahay baraha bulshada ee uu ka mid yahay Twitter @premierbankso

XARUNTA DHEXE EE MUQDISHO: KM4, Maka AL mukarama Street Hodan District.
XARUNTA DHEXE EE HARGEYSA: Durdur Business Center, Road No.1, 26 Jun District.

Muxuu yahay codsiga ay DF Soomaaliya u gudbisay NRC?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu horkacayo xoghayaha guud ee Norwgian Refugee Council.

Xoghaya guud ee NRC oo ay wafdigiisa kamid ahaayeen xubno sare sida madaxa hay’adda ee geeska Afrika iyo Yemen Karl, madaxa xafiiska Soomaaliya Mohamed Abdi iyo Haakon Svanne oo ah ku-xigeenka danjiraha Noorwey ayaa waxay warbixin ka siiyeen Ergeyga howlaha kala duwan ee gargaarka ku aaddan ee hay’adda NRC iyo safaaradda Norway.

Ergeyga ayaa uga mahad-celiyay wafdiga gacan-siinta dowladdiisa, isaga oo ka codsaday in ay sare u qaadaan kaalmada ay ugu tala-galeen Soomaaliya iyo sidoo kale in ay kordhiyaan wax ka qabashada howlaha naf badbaadinta ah ee wax looga qabanayo gurmadka deg-dega.

Waxa sidaas si la mid ah Ergeygu weydiistay wafdiga in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii indhaha adduunka loogu soo jeedin lahaa xaaladda abaaraha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa arrinkaas ka guddoomay Ergayaga una ballan-qaaday gacan siin buuxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha.

Bankiga Adduunka oo malaayiin dollar oo taageero ah u ansixiyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Bangiga Adduunka ayaa ansixiyey malaayiin dollar oo loogu talagalay Soomaaliya, si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira dalka ee sababay xaaladaha bani’aadanimo ee kasii daraya Soomaaliya.

Lacagta uu Bangiga Adduunka u saxiixay Soomaaliya ayaa gaareysa 143 milyan oo dollar, taas kusoo aaday, xilli ay Soomaaliya u qabto baahi weyn oo ku aadan abaaraha.

Bangigu waxa uu sheegay in mashruucaan cusub uu wax ka qaban doono baahida illaa 20,000 qoys, sidoo kalena lacag kaash ah oo degdeg ah la siindoono illaa 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys oo iyagana dhaqaale ka helidoona mashruucaan.

Kristina Svensson oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeradan dhaqaale ayaa sheegtay in muhiimaddu ay tahay u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa nugul ee wajahaya cunno yarida sii kordhaysa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in sameynayaan dadaallo kasta oo lagu bad-baadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan gudaha dalka.

“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,”.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirto xaalad bani’aadanimo tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalkeenna.

DHAGEYSO: Nin isaga oo maqan ay dil ku xukuntay PUNTLAND oo soo hadlay – sheegay arrimo yaab leh

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid oo ku magac dheer (Laahoor) oo shalay ay maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo maqan, ayaa ka hadlay xukunkiisa, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu hor yimaado hey’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadii xukuntay.

Cabdiraxmaan Laahoor oo shan ku ahaa rag lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururada Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa iska fogeeyey eedeyntaas, wuxuuna la soo xiriiray oo wareysatay Idaacadda VOA, isagoo ku sugan tuulo ka tirsan gobolka Bari.

Wuxuu sheegay in dhowr jeer oo hore loo xiray tuhuno la xariira inuu ka tirsan yahay kooxahaas, balse la iska siidaayey markii lagu waayey wax cadeymo ah, hase yeeshee haatan uu ku maqan yahay miyiga oo hooyadiis ay ku xanuunsan tahay.

Cabdiraxmaan Laahoor wuxuu sheegay in shaqadiisa ay aheyd kaari gaadiidka ka rara busteejo ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo la yaab ku tilmaamay xukunka lagu riday iyo eedeymaha loo heysto.

Guddoomiyaha maxkmadda ayaa ninkaas magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, hase yeeshee isagu waxa uu magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Laahoor ayaa meesha ka saaray inay jirto cid la soo xiriirtay ama uga yeertay maxkamadda xukunka ku riday, “Hada waxaan diyaar u ahay inaan sharciga hor imaado, si cadaaladeyda loo sugo,” ayuu yiri.

Wuxuu shaaciyey in seddax jeer la xiray, iyadoo loo heysto eedeymo noocaan ah, balse wax dembi ah lagu waayey, ninkaan ayaa tilmaamay tuulada uu ku nool yahay oo hooyadiis oo xanuunsan uu ku haayey mudo 8 bilood ah.

“Waxaa ii qorsheysan inaan deg deg u imaado Boosaaso, oo ah halka ay joogaan ragga I xukumay, 1986-kii ayaan Boosaaso ka bilaabay shaqo kaari ah, leesin ayaan dowladda ka heystaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Laahoor.

Wuxuu sheegay in adeega internetka uusan isticmaalin, balse dad ka soo wacay Boosaaso ay u sheegeen in dil lagu xukumay, isagoo sheegay in ragga ku marqaati furay ee lala xukumay uusan garaneyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Muxuu Sheikh Zayed u ballan-qaaday Xasan Sheekh?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee aan waxba laga kala reebin ee Imaaraadka Carabta ay siiso dadka Soomaaliyeed si ay ugu guuleystaan hammigooda horumarineed, xasillooni, barwaaqo iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo shacabkooda ay helaan. 

Sheikh Zayed ayaa hadalkan sheegay markii uu shalay Qasriga Al Shati’ ee Abu Dhabi ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ee uu la wareegay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa iyo ka miro-dhalinta himilooyinka shacabkiisa ee ku aaddan xasilloonida, horumarka iyo nabadda. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Imaaraadka uu ku garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahad celiyay dareenka diiran ee Sheikh Zayed uu u muujiyay shacabka Soomaaliyeed. 

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada horumarka, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen dadaallada loogu jiro nabad ka dhalata Soomaaliya.

Sheekh Maxamed ayaa xaqiijiyey in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka taageeraan dadaallada dowlad dhisidda ee ku wajahan mustaqbal nabadeed iyo xasillooni, isagoo carabka ku adkeeyay sida Imaaraadka ay u doonayaan inay xoojiyaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda eek u aadan dhinacyada dhismaha, horumarka iyo xasilloonida.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka Carabta ay si gaar ah u ballan-qaadeen inay Soomaaliya ka taageeraan dhinaca amniga, iyo sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab, waana taas sababta uu kulanka qeyb uga ahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in uu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya ee dhinac walba ah iyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarinta xasilloonida iyo amniga gobolka.

Sawirro: Taliskii qaraxyada koooxda Al-Shabaab ee 5 deegaan oo la bur-buriyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa lagu bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Saraakiisha howl-galkan hoggaaminayay waxay sheegen in lagu qabtay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, hub iyo gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan qarax ismiidaamin ah.