25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Taliskii qaraxyada koooxda Al-Shabaab ee 5 deegaan oo la bur-buriyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa lagu bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Saraakiisha howl-galkan hoggaaminayay waxay sheegen in lagu qabtay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, hub iyo gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan qarax ismiidaamin ah.

Shabakad Soomaali ah oo ku lug leh arrimo halis ah oo lagu qabtay dalka Mozambique

Maputo (Caasimada Online) – Booliska dalka Mozambique ayaa magaalada Beira ku xiray shan qof oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin shabakad afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Sida ay booliska ay sheegeen, shanta qof oo la xiray Arbacadii 22-ka June ayaa sitay dokumentiyo been abuur ah oo kala duwan. 

Dokumentiyada ayaa waxaa ku jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaararka codsigga magan-galyada dalka Mozambique ah, kaarar aqoonsi oo Kenyan ah iyo baasaboorada safarka Mozambique.  

Booliska ayaa sidoo kale baaraya shabakad rayid oo ku sugan dalka Mozambique, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen in Soomaalida ay soo galaan dalkaas, soona saaraan dokumentiyada, sida uu sheegay afhayeenka booliska Daniel Macuacua.

“Intii uu socday baaritaanka, waxaan ogaanay in Soomaalidan ay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Mozambique, kuwaas oo ay u badan tahay inay u fufudeeyeen inay soo saaraan dokumentiyada,” ayuu yiri Macuacua.

Waaxda Socdaalka Mozambique, ayaa ka sokow xadgudubka xuduudeed ee ay sameeyeen, waxay sidoo kale walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaqa sharci-darrada ah ee dadkan maadaama dalkaas uu la tacaalayo weeraro argagixiso. 

“Waa arrin walaac leh, sababtoo ah waxaan arkeynaa xaalad argagixiso,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Socdaalka Francisco Chambal.

Dalka Mozambqiue ayaa waxaa ka dagaalama oo weerar dhimasho leh ka fulisa koox lagu magacaabo Al-Shabaab, inkasta oo aysan wax xiriir la laheyn kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. 

Sawirro: SACIID DENI oo magacaabay guddi cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada maamulkaasi ayaa magacaabay guddi cusub oo heer wasiir ah.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono arrimaha gurmadka abaaraha ku dhuftay deegaanada Puntland oo haatan laga soo warinayo xaalado daran oo dhanka nolosha ah.

“Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ee Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha amniga, mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada.

Sidoo kale golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay darajada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland.

“Waxaan degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B)” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.

Sikastaba, Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha, waxaana guddiga la magacaabay horyaal shaqooyin ay ugu horreyso gurmadka abaaraha.

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeeysay lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo gaar ahaan magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Shirka Golaha ayaa waxa shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayada oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).

Golaha ayaa shirkaan ku ansixiyay in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay noqdaan Degmooyin, waxaynaa noqonayaan degmooyinka tirsan kuwa Jubbaland.

Sidoo kale waxaa warbixino looga dhageystay dhamaan xubnaha golaha Wasiirada ee shirka ku sugnaa, isaga oo madaxweyne ku-xigeenka 1aad uu faray in ay dardar-geliyaan shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegay inay muhiim tahay in demooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo loo dhiso Golle degaan, loona baahan yahay inay maamulka kala shaqeeyaan Odayaasha Dhaqanka.

Si kastaba, Waa markii ugu horeysay ee shirka Golaha Wasiirada Jubbaland lagu qabto degmada Dhoobleey, waxaana degmadaas ay kamid tahay degmooyinka uu sida rasmiga ah gacanta ugu haayo maamulka Jubbaland.

Sawirro: Guddoomiye Aadan Madobe oo amar culus siiyey saaraakiisha ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha dalka, ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka dalka, gaar ahaan kan Muqdisho.

Shirka oo ka dhacay xafiiska ku simaha madaxweynaha dalka ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha ammaanka ee dalka, sida taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, taliyeyaasha qaybta ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ee qaabilsan gobolka Banaadir.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay adkeynta amniga iyo  u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda oo nagu soo fool leh todobaadka soo socda.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray ka shaqeynta amniga maalmaha xorriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

Sidoo kale ku simaha madaxweynaha, Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray saraakiisha ammaanka inay muujiyaan feejig naan dheeri ah inta lagu jiro maalmaha xorriyadda.

Dhankooda saarkiisha ayaa u mahadceliyey guddoomiyaha, waxayna ballan-qaadeen inay sii laba jibaari doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda gudaha caasimada.

Xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo ayaa foooda innagu soo hayo, waxaana loo xilsaaray guddi ka shaqeynaya, qaban qaabada xuska maalmahaasi.

Si kastaba, magaalada Muqdisho iyo guud aaan dalka ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garow ku aadan maalmaha xorriyadda oo ay muujinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay KASTAMKA canshuuraha ee GURICEEL

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta aad u kacsan, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug oo gadood ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ciidamadan oo saldhig ku lahaa duleedka Guriceel ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen qaybo badan oo ka mid ah magaaladaasi, iyaga oo la wareegeen kastamka canshuuraha dowlad goboleedka Galmudug ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxa ay hakiyeen ciidamadu dhaq-dhaqaaqa wadadaas, gaar ahaan qaybta xigta dhinaca degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxayna saraakiishoodu sheegeen inysan wax mushaar ah helin bihii lasoo dhaafay.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka isaga kala goosha wadadaas, waxaana lagu soo warramayaa in baabuur fara badan ay ku xayiran yihiin kastamkaasi oo ay Galmudug ku leedahay magaalada Guriceel, isla-markaana lagu qaado canshuuraha.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Galmudug iyo madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi.

Inta badan ciidamada Galmudug ayaa cawda mushaar la’aan, waxayna taasi keentay in ay marar badan gadood ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari dilay TALIYIHIISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo ah askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil uu u geystay taliyihiisii oo lagu magacaabi jiray Marxuum Axmed Cali Cabd, kaas oo ahaa taliye Unug ka tirsan Booliska.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay dilka taliyahaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan, 17-kii March ee 2021, iyada oo kadib eedeysanaha lasoo qabtay.

Dhageysiga dacwadda askarigan ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyada oo fadhiyo dhowr ahna ay ka yeelatay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Intii ay socotay maxkamadeyntiisa ayaa sidoo kale la dhageystay baarihii kiiskan, qareennada difaacayey eedeysana iyada oo xeer ilaalintana oo soo bandhigtay cadeymaha dilka loo heysto Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo ah askari ka tirsan Booliska.

Habraaca dacwad qaadista oo maanta soo dhammaaday ayaa Maxkamadda Ciidamada waxa ay ku dhawaaqay in Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waar lagu xukumay dil toogasho ah oo qisaasta marxuumkii uu horey u dilay, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha ayaa sidoo kale heysta fursad kale oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka dilka ah ee lagu ridday, sida ay shaacisay Maxkamadda.

Si kastaba ha’ahaatee Maxkamadda Ciidamada ayaa inta badan xukunno adag ku ridda askarta dilalka bareerka ah ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxay ka wada-hadleen Somaliland iyo Faransiiska?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay wafdi culus ka socda waddanka Faransiiska, kaas oo gaaray magaalada caasimada ah ee Hargeysa, islamarkaana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Biixi ayaa wafdigan oo ay hoggaamineysay safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya Aline Kuster-Menager kula kulmay madaxtooyada, waxayna ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo xubno ka tirsan madaxtooyada.

Sidoo kale xubnaha wafdiga ka socda Faransiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Bariga Afrika, Caroline ABT iyo danjire MENAGER.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa shaaciyey inay labada dhinacay  diiradda saareen doorashada Somaliland, iskaashiga ganacsiga iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal kooban oo soo baxay kulanka, kadib ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhinacyadu ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland & Faransiiska.

“Waxaana kulanka lagaga wada-hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi. Kulankaasina wuxuu ku soo dhammaaday Isfahan iyo wada-shaqeyn”.

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku dooneyso inay ku hormariso xiriirkeeda arrimaha dibadda, walow ay culeysyo kala kulmeyso Soomaaliya.

Baarlamaanka KUWAIT oo la kala diray + Sababta

Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Kuwait ayaa maanta qaaday tallaabo culus, waxayna kala dirtay dhammaan xildhibaannada golaha baarlamaanka ee dalkaas, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey howlaha dawladda ka arrimisa dalka Kuwait.

Dhaxal-sugaha boqortooyada waddanka Kuwait ayaa sidoo kale ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey.

Khudbad uu ka jeediyey telefiishanka dowladda ayuu Sheekh Meshal al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka dalka Kuwait ee awoodda badan siinaya baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay shacabka is dajiyaan, isla-markaana ay ilaaliyaan xasiloonida iyo sidoo kale midnimada reer Kuwait.

Golaha wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay golaha baarlamaanka, taasoo curyaamisay shaqadii dawladda.

In ka badan 12 xildhibaan oo reer Kuwait ah ayaa todobaadkii hore ka bilaabay xarunta baarlamaanka olole ay ku doonayaan in la soo dhiso xukuumad cusub.

Si kastaba, xaaladda cakiran iyo qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka taagan waddanka Kuwait ayaa sababay dhaqaale xumo taabatay guud ahaan nolosha dalkaasi Carbeed.

Sawirro: Xamza oo caawa la kulmay Farmaajo iyo Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo degan agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u qabtay. Waxuuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka horay loogu wadi lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa isla caawa salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweyne Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu helo kalsoonida golaha shacabka.

Arbacadii maanta ayuu qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Barre la hor geeyo baarlamaanka, si loogu qaado codka kalsoonida, balse waxaa qorshahaas dib u dhigay safarka dheeraaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga maqan yahay.

Wareysi: Qorshihii fashilmay ee lagu heshiisiin lahaa Rooble iyo Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu ku shaaciyey in hadda ka hor uu isku deyey inuu dhexdhexaadiyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Prof. Ingiriis oo wareysi siiyey TV-ga SMS ayaa ka sheekeeyey kulamo uu Fahad iyo Rooble la yeeshay maalmihii uu soo bilowday khilaafkooda, isagoo sheegay inuu ku guul dareystay in heshiis uu dhex-dhigo labadaas nin.

Wuxuu sheegay in Ikraan Tahliil oo sii maqaneed mudo todobaad ah uu fursad u helay in Muqdisho uu kula kulmo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Agaasime Fahad Yaasiin, balse labaduba ay ka diideen inuu dhexdhexaadiyo.

Sidoo kale Ingiriis ayaa sheegay in gardarada uu saarayo Fahad Yaasiin oo sida uu sheegay xiligaas heystay awood ku filan, diidayna inuu la heshiiyo Rooble, inkastoo sida uu sheegay Rooble xitaa uu ka cago jiiday wadahadal dhex mara isaga iyo Fahad.

Dhinaca kale kiiska Ikraan Tahliil oo markaas la weysnaa mudo todobaad ah ayuu sheegay inuu kala dooday Fahad, Yaasiin Farey iyo Shuute, iyagoo ka balan qaaday in baaritaan deg deg ah ay ku sameynayaan kiiskaas.

Professor Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sheegay in cabsi uu ka qabay xukuumadii Xasan Cali Kheyri uu Muqdisho u imaa waayey sanadihii hore ee dowladii Farmaajo, isagoo farta ku goday Kheyre, Saadaq Joon iyo Sanbaloolshe oo sida uu sheegay caburin badan ku hayey dadka reer Muqdisho.

Hoos ka daawo wareysiga

Sawirro: Xasan Sheekh oo qodobo culus kala hadlay Mohammed Bin Zayed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranak Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey kulankaan uu la yeeshay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii afaraad ku hoyanaya dalkaas ayaa warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxay waxay sheegayeen in xubno ka mid ah wafdigiisa laga helay xanuunka Coronavirus, in kastoo ilaa hadda aysan Villa Somalia faahfaahin ka bixin warkaas soo yeeray.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii hore la qorsheeyey in lagu soo koobo labo cisho, balse wuxuu qaatay waqti dheeraad ah oo la aaminsan yahay inay sababtay xaaladaan karaantiilka ah ee la geliyey xubno la socday Madaxweynaha oo laga helay xanuunka COVID-19.

Ethiopia oo ku dhawaaqday howl-gal milateri oo cusub

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday howl-gal cusub oo dhanka ammaanka ah kadib dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Galbeedka Itoobiya.

Bilowgii toddobaadkan ayaa aheyd markii dadka deegaanka Wellega ee magaalada Gimbi ee galbeedka Oromia ay la kulmeen weerar aan loo meel dayin, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

In ka badan 300 oo meyd ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, waxaana weerarkan lala beegsaday dad Rayid ah.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Oromada ayaa bayaankooda ku eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) inay fuliyeen weerarka.

Kooxda hubeysan ee lagu eedeyay weerarkaan ayaa sanado badan ka howl-galaysay gobolka Oromia, hase yeeshe bayaan ay soo saartay OLA waxay ku beenisay weerarka ayada oo dusha u saartay Gachana Sirna, oo ah maleeshiyo ay dawladdu taageerto.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay in tallaabo laga qaaday dadkii ku lugta lahaa dhacdadii Wellega, waxayna u muuqataa in dowladda Itoobiya ay go’aansatay in ay qaado howl-gal cusub oo milatari oo ka dhan ah OLA.

Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo bishii April ee sanadkaan ay ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa dowlad goboleedyada ay qaadeen howl-gal milateri oo ka dhan ah OLA.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn khasaaraha, haddana waxay dowladdu ka sheeganaysa guulo, ayada oo OLA ay sii wado dagaalada ay kula jirto ciidamada dowladda.

IMF oo war cusub kasoo saartay deyn cafinta Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa 17-kii Juun dhameystiray dib-u-eegistii labaad iyo saddexaad ee hannaanka amaahda ee la dheereeyay (ECF) ee Soomaaliya.

Go’aanka guddiga ayaa awood u siinaya in si degdeg ah loo bixiyo SDR 14 milyan (qiyaastii US$ 18.8 milyan), taasi oo ka dhigaysa wadarta kharashka Soomaaliya ee hoos yimaada (ECF) iyo (EFF) ilaa SDR 271.4 milyan (qiyaastii US$ 384.3 milyan).

Hababka ECF ee Soomaaliya waxaa markii hore ansixiyay Guddiga Fulinta 25-kii Maarso, 2020 taasoo qayb ka ah hannaan saddex sano ah oo isku dhaf ah oo hoos yimaada ECF iyo EFF, kaas oo ku lug lahaa SDR 252.86 milyan (155 boqolkiiba kootada) ee hoos yimaada ECF iyo SDR 39.57 milyan (24 boqolkiiba kootada) ee hoos timaada EFF.

Maaddaama qaddarka buuxa ee habaynta EFF lagu helay oggolaanshaha oo la sawiray iibkii ugu horreeyay, habbaynta EFF isla markiiba way dhacday.

Habaynta ECF waxa ay taageertaa hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee masuuliyiinta waxana ay ku qotontaa dib-u-habaynta u dhaxaysa Go’aanka HIPC iyo Qodobbada Dhamaystirka.

“Maamulka Soomaaliya waxa ay ilaaliyeen xasiloonida dhaqaalaha guud waxayna sii wadaan dardargelinta dib-u-habaynta, in kasta oo ay jiraan shoog badan. Marka laga soo tago caqabadaha ka imanaya Covid-19 iyo geeddi-socodka doorashooyinka daba-dheeraaday, haqab-beelka cuntada iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha ayaa culays ku haya sababtoo ah xaaladaha abaareed ee daran, oo ay u sii dheer tahay kor u kaca qiimaha cuntada iyo tamarta adduunka. Mas’uuliyiintu waxay sameeyeen dadaallo xirfad leh si ay u maareeyaan caqabadahan, oo ay taageerto beesha caalamka, oo ay ku jirto qoondaynta guud ee SDR 2021,” ayey tidhi Ms. Antoinette Sayeh, ku-xigeenka agaasimaha maamulka iyo ku-simaha guddoomiyaha kadib dooddii guddiga fulinta

“Masuuliyiinta waxa ay si joogta ah uga go’an tahay ajendaha dib-u-habaynta ee barnaamijka ay taageerto ECF iyo geeddi-socodka HIPC, kaas oo muhiim u ah dhisidda adkeysiga, kor u qaadista korriinka loo dhan yahay, iyo dhimista faqriga. Dadaalka joogtada ah ee mas’uuliyiinta ee lagu xoojinayo abaabulka dakhliga gudaha iyo maareynta maaliyadda dadweynaha waa mid ammaan mudan. Horumarka joogtada ah ee lagu samaynayo tayada hay’adeed ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waa la soo dhawaynayaa. Waxay noqon doontaa muhiim in la sii wado horumarinta dib-u-habaynta si loo hagaajiyo AML/CFT iyo maamulka. Dadaal joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo dhamaystiro HIPC qodobbada dhammaystirka kiciya iyo in la gaadho heshiisyada cafinta deynta dhammaan deyman bixiyayaasha.”

“Taageerada ka imaanaya la-hawlgalayaasha horumarinta, labadaba maalgelinta iyo kobcinta awoodda, ayaa muhiim u ah hirgelinta guusha leh ee istaraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka. Qaaraanka ka imaanaya saaxiibada Soomaaliya ee Sanduuqa Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale loo baahan yahay si loo hubiyo in si habsami leh loo gaarsiiyo kaalmada farsamo ee IMF si loo taageero yoolalka barnaamijka ay taageerto ECF iyo Hindisaha HIPC,” ayey ugu dambeyntiina tiri Antoinette Sayeh.

Sawirro: Danab oo qabatay xubno Shabaab ah, hub iyo gaadiid, kuwo kalena dishay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlagallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ururka 5-aad ee guutada Danab, ugu yaraan labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, halka afar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale ciidanka ayaa Al-Shabaab ka furtay labo qori oo AK47 ah iyo hal gaari oo nooca raaxada ah, halka labo gaari oo kalena ay gubeen, sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlagalladaas ay maanta ku gubeen fariimo ay la haayeen Al-Shabaab, waxayna soo bandhigeen qaraxyo ay diyaarisay kooxdu oo la fashiliyey, sidoo kale ragga la qabtay ayaa dadka deegaanadaas ka uruuri jiray xoolaha ay ugu yeeraan sekawaadka.

Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.

Cabdullaahi Carab oo ka hadlay shaqaaqadii dhex-martay booliska iyo ardayda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 4-aad ee Dusiga Sare, kaasi oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan dowlad goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “Waxa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Imtixaanku  si nabad ah inoogu soo gaba-gaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahad-celineynaa”.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada oo wax laga weydiiyay shaqaaqo dhacday inta uu Imtixaanka socday ayaa yiri; ”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda in ay Mobile-da kasoo reebaan.”

Maalintii 3-aad ee Imtixaanka ayey aheyd markii ay soo baxday in Arday kamid ah kuwa u fariistay imtixaanka iyo ciidamada ilaalada ka ahaa banaanka hore ay isku gacan qaadeen, taasi oo la sheegay inay keentay in rasaas furaan ciidamada, taasi oo uu ka dhashay dhaawac.

Si kastaba, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba qaada Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12-aad, waxaana imtixaanka qeybgalin ardeyda ku dhaqan deegaanada Puntland iyo Somaliland, oo ayagu iskooda uga qaada ardeydooda.

Ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay xuduudda Soomaaliya

0

Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku burburisay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu kadib markii ay xoog ku galeen xarunta.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, waxaa la maqlay jug xooggan taasoo markii dambe la ogaaday inay Al-shabaab bom ku qarxisay xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaari.

Ciidamo ka tirsan kuwii ilaalinayey xarunta ayaa iska caabiyey kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la xaqiijiyey inay markii dambe ka baxsadeen markii ay gubeen.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysay weerarkii dhacay , waxay ciidamadeeda ammaanka u dirtay inay ugaarsadaan raggii falkan ka dambeeyay, kuwaas oo u baxsaday aagga xuduudda Soomaaliya.

George Seda oo ah taliyaha booliska waqooyi bari ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliso gudaha dalka Kenya, waxayna saldhigyo ka sameysteen deegaano buuraley ah oo dalkaas ku yaalo.

Kooxdaan ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Kenya aya dhankeeda wacad ku martay in aysan ka baxeen Soomaaliya illaa laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab taasoo aan weli suuragelin 15 sano kadib.

Xog: Qaar ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan oo lagu karantiilay Imaaraadka

0

Dubai (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii dib loo doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in karantiil lagu geliyey dalka Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, welina dalka kuma soo laaban.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay, waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida, ayada oo dadku is weydiinayaan halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha kasoo xigatay in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka coronavirus.

Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo, oo aanu ku jirin xubnaha laga helay fayruska, laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200% maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow.

Waxay intaasi ku dareen in maanta gelinka dambe laga yaabo in kulamadaasi ay dhacaan.

Kaddib markii uu doorashadii 15-kii May ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la arkayay safiiradda dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey sida laga yeelayo kursiga loo diiday FAHAD

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida laga yeelayo kursiga HOP#086 ee uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in kursigan go’aan looga gaari doono kalfadhiga hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo.

“Haddii Ilaah yiraahdo kalfadhigan hadda socdo waa iclaamin doonaa si loo soo buuxiyo arrin dastuuri ah waaye,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar labaad lagu celin doono doorashada kursigan, isla-markaana loo mari doono qaab sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koley waxaan sameyn doonaa doorasho sharcigeeda dhammeystiran yahay-baa loo iclaamin doonaa, doorasho in lagu celiyo waayey,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kursiga uu banneeyey xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay hay’adda NISA, wuxuuna sheegay in si dastuuriyan ah uu bannaanaaday, isla-markaana isagana la qaban doono doorashadiisa, si loo buuxiyo xubnimada kursigaasi.

“Weli waxaa jira kursi kale oo bannaanaaday dastuurkeena waxa uu qabaa xildhibaanka, haddii uu ogolaado ama loo dhaariyo xil aan wasiir aheyn xildhibaanimadiisii waa weynayaa. Xildhibaan aad muhiim u ahaa oo haddane shaqo muhiim ah loo magacaabay oo la yiraahdo Mahad Salaad kursigiisii dastuuriyan ayuu u bannaanaaday,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada horey guddiga doorashooyinka dadban ee la kala diray ay u hakiyeen natiijada kursiga Fahad oo xiisad xoogan abuuray, balse ugu dambeyn ka haray doorashooyinkii ka dhacay dalka gaar ahaan middii madaxweynaha ee 15-kii May.

Kulankii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa R/W Xamza oo dib u dhacay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii la filayey inay maanta yeeshaan baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Arrimaha ee kulanka dib u dhigay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta oo socdaalkiisa oo laba maalmood loogu talo-galay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

Waxaa sidoo kale safar ku maqnaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, inkastoo uu maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay inaysan jirin wax walaacyo kale ah oo dib u dhigay kulanka, mana jiraan wararka sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in ra’iisul wasaaraha magacaaban uusan taageero haysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

S kastaba, maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kadib soo dhisi doono xukuumaddiisa cusub.