25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Wararkii ugu dambeeyey duqeymaha Kenya ee Gedo

0

Garbaharey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kenya ay kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana khasaaraha u badan la kulma shacabka.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha Kenya ay si gaar ah ugu garaaceen deegaanada Garsaal, Wargaduudo, Busaar iyo Khadiijo Xaaji ee gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa sheegay in duqeynta ay ka dartay saacadihii ugu dambeeyey, isla-markaana ay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

“Duqeynta saacadihii u dambeeyey ayey sii saa’iday, waxaana inta badan ay ka dhaceysaa deegaanada Khadiijo Xaaji, illaa dhinaca meesha la yiraahdo Buusaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee duqeymahaasi ka dhalanaya.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca waa sii kordhayaa waxa duqeynayana waa diyaaradaha dagaalka Kenya,” ayuu sii raaciyey.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan dad reer guuraa ah, sidoo kale waxaa meelaha qaar lagu arkaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Gedo ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey kasoo yeerayey qaylo dhaan ay shacabka ka muujinayaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka bilaabeen deegaanada gobolkaasi.

Aadan Madoobe oo ka digay heshiis qaad oo aan lasoo marsiin golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka digay heshiisyo caalami ah oo ay dowladda la gasho dowlado kale oo aan baarlamaanka la soo marsiinin.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa digniintan soo saaray, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo Nairobi ay sheegtay in dhowaan la saxiixayo. 

Aadan Madoobe, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan. 

“Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheeysan heshiiska qaadka ee lagu wado in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa yiriu

“Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo. 

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha August.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Diinta Islaamka oo la filayo inay noqoto tan labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Muslimiinta ayaa la saadaalinayaa in ay noqdaan dadka haysta diinta labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka marka la gaaro 2040-ka, xilli ay sii baahayso tirada dhalmada Muslimiinta iyo socdaalkooda ay ku tagayaan dalkaas, sida ay ku warramayso cilmi-baaris ay kal hore sameysay Xarunta Cilmi Baarista ee Pew.

Warbixinta ay samaysay hay’addan, ayaa ku salaysan isku-darka sahan iyo xog laga helay Xafiiska Tirakoobka Maraykanka xilli hore, kaas oo aan hadda uruurin macluumaadka ku saabsan xiriirka diimaha.

Pew ayaa sahaminteedii ugu horreysay ku sameysay Muslimiinta Mareykanka sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo lagu qiyaasay 2.35 milyan gudaha Mareykanka, sida ay sheegtay hay’addu. Sahankeedii saddexaad iyo kii u dambeeyay, ee la daabacay 2017, ayaa lagu qiyaasay in tiradu ay ahayd 3.45 milyan.

Marka la gaaro 2050, Muslimiinta waxaa la filayaa in ay noqdaan 2.1 boqolkiiba wadarta dadweynaha Mareykanka – ilaa 8.1 milyan oo qof, sida ay sheegtay Pew.

“Marka ay sii kordhayaan tirada dadka Muslimiinta ah, Mareykanku waa inuu ku baraarugaa xaqiiqada ah in Islaamku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaha dalka,” ayuu yiri Ihsan Bagby, oo ah barafasoor ku-xigeenka daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Kentucky, xubinna ka ahaa guddigii la-talinta ee sahanka Pews 2017 ee Muslimiinta-Mareykanka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Pakistan, Iran, Hindiya iyo Afghanistan ayaa ka mid ahaa dalalkii tirada ugu badan ee Muslimiinta ay ka soo galeen dalka Mareykanka, sida uu sheegay Beshiir Maxamed oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Pew.

Laakiin, sida laga soo xigtay Bagby, ma ahan dalalkii mas’uulka ka ahaa kobacan dhow ee degdegga ah.

“Waxaa jira horumar degdeg ah oo ay samaynayaan dadka soo-galootiga ah, kuwaas oo u heellan inay horumariyaan xaaladdooda dhaqaale iyo waxbarasho, laakiin waxaa sidoo kale jira mowjado dad ah oo ka aag beddelanaya diimahoodii hore,” ayuu yiri.

Bagby ayaa filaya in ay kordhi doonto tirada Muslimiinta ka soo haajiraysa dalal kale oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya, oo labaduba ay colaado ka socdeen tan iyo 2011-kii.

“Mar kasta oo ay badato dhibaatada ka jirta dunida Muslimka, waxaa sii badanaysa dhiirigelinta socdaalka,” ayuu raaciyay.

“Muslimiintu waxay u muuqdaan inay yihiin dad da ‘yar hadday tahay kuwooda jooga caalamka kale iyo Maraykankaba, sidaa daraadeed, inta badan haweenka waxay weli haystaan sanado badan oo dhalmo ah,” Maxamed ayaa yiri.

Bagby waxa ay rajaynaysaa in kobaca Muslimiinta Maraykanku ay si togan u saamayn doonto aragtida guud ee dadka oo dhan.

Muslimiintu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba hal wadarta guud ee dadka Mareykanka, waxayna si filiqsan ugu fidsan yihiin dalka oo dhan, iyagoo ku badan magaalooyinka, sida uu sheegay Bagby.

“Korodhka tirada Muslimiinta waxay dhab ahaantii siin doontaa fursad dheeraad ah oo ay kula kulmaan dad kale. Inta badan Muslimiintu marka ay yimaadaan waxa ay ku baahaan gobollada Mareykanka,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “taas oo hoos u dhigaysa aragtida xun ee dadka qaar ay ka aamineen Islaamka iyo Muslim-nacaybka beri hore faafay.”

Sida lagu sheegay warbixin 2015 ka soo baxday Machadka Cilmi-baadhista Diinta Dadweynaha, 83 boqolkiiba dadka Mareykanku waxay sheegaan inay wax yar ka og yihiin caqiidada iyo dhaqamada diinta ee Muslimiinta.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, bulshada Muslimiinta Maraykanku waxay u bislaadeen ku lug-lahaanshiyaha siyaasadda iyo qaadashada aqoonsigooda, ayuu xusay Bagby. Wuxuu aaminsan yahay in kororkooda dadweynuhu ay ka dhigan tahay kobaca awoodda iyo waxtarka Muslimiinta Mareykanka.

“Waxay ila tahay in tirada badan ee laxaadka weyn ay la macno tahay kor u qaadidda codkooda bulsho ahaan,” ayuu yiri.

Isha: BBC

Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo si cajiib ah uga hadlay arrinta Qatar iyo Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub.

Cali Xaaji oo baarlamaanka 11-aad ee dalka kasoo galay dhanka Puntland ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha diblomaasiyadda, gaar aghaan arrinta Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin karinba kala eexasho labada dal ah oo ay sameyn karto dowladda Soomaaliya, loona baahan yahay Qatar inay la shaqeyso madaxweynaha cusub, si la mid ah madaxweynihii hore ee looga guuleystay doorashada.

“Dowladdaa, dowladdiinii hore saaxibka la aheyd dee dowlad ahaan ayey saaxib ula hayed ee shaqsi ahaan saaxib ula ma aheyn madaxweynihii meesha ayuu ka baxay madaxweyne cusub ayaa yimid,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxa kale oo yiri “Haddii ay iyagu maslxad Soomaaliyeed wadeen waa inay la shaqeeyaan madaxweynaha yimid way ku qasban yihiin, haddii ay wax gaar ah wateen iyagaa og”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Xasan iyo waxa keenay inuu booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

“Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay in la daayo oo fursad la siiyo cidda uu booqanayo isaga ayey ka go’daa, la-talin buu leeyahay nidaam ayuu ku socdaa. Cidda uu dib dhiganayo isaga ayey ka go’daa, cidda uu ku horeysiinaya isaga ayey ka go’daa”.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii xoogeysanayey loolanka ay Soomaaliya ugu jiraan Imaaraadka iyo Qatar oo 5 sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee Mudane Maxamed Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Abu Dhabi ay ku adkaatay loolanka iyo u dhawaashaha dowlada, maadaama madaxweynuhu ku bilaabay safarkiisa Imaaraadka.

Ku dhawaad 10 Soomaali ah oo lagu dilay ITOOBIYA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar lagu dilay dad Soomaali xoolo dhaqata ah, kaas oo ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan webi mara dhulka deegaanka Canfarta ee waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaad ka soo jeeda in Qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqata Soomaali ah, kadibna ay halkaas ku dileen illaa 7 qof oo rayid ah.

Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato ayaa ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash, halka dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay ay dhaceen xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday Soomaalida, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan.

Ujeedka maleeshiyaadka Canfarta ayaa ah inay qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalooyin ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labada qowmiyadood oo muddo fog soo socotay.

Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo war kasoo saaray xirnaashaha Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo u xiran dowladda federaalka.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka soo xirtay magaalada Baydhaba.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo BBC ay wax ka weydiisay waxa uu ka aaminsan yahay xarigga Abuu Mansuur ayaa ku jawaabay “Markii la xirayay dadkii ka hadlay baan ka mid ahaa, oo markii hore si sharci darro ah ayaa lagu soo xiray.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Mukhtaar Roobow, horta asalkiisa waa la ogyahay in nimankan Shabaab uu ka mid ahaa, lama soo qabanin ee isagaa ka tanaasulay, dowladdana la soo xiriiray, isna soo dhiibay oo yimid. Dowladda waa cafisay, waxaa la siiyay basaboor diblomaasi ah, doorashuu codsaday, waa loo ogolaaday, yacni waxaa la siiyay shahaadadii doorashada, markaas ka dib ayaa si siyaasi ah looga diiday inuu doorashadii ka qayb qaato.”

Waxa kaloo uu yiri “Marka aniga xiritaankiisa dadkii diidanaa baa ka mid ahaa, illaa muddadii uu xirnaana kuma qanacsanayn, inuu gardarro ku xiran yahay waan u jeeday. Haddana koley dadka markii hore gardarradaasi ku sameeyay oo awoodaas ku maquuniyay, maanta ayagii xilka ma hayaan.”

Aadan Madoobe ayaa aaminsan in hadda wixii ka dambeeya uu Abuu Mansuur heli doono caddaalad, si lamid ah dadka kale ee Soomaaliyeed.

“Waxaan u maleynayaa hadda inuu heli doono caddaalad oo ummadda Soomaaliyeed la mid noqon doono, oo ciqaabta la geliyay inuu ka bixi doonnaa aaminsanahay.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Abuu Mansuur oo horey u soo noqday ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab ayaa sanadkii 2017 isu soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo warbaahinta ka sheegay in uu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shahaabnimada.

Dowladdii hore ayaa la fahamsan yahay in xilligaasi ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee caqabadda ku noqon kara shakhsigii ay u waday jegada madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona Baydhabo ka waday olole xoog leh oo uu ku doonayay inuu kula wareego xafiiska maamulkaasi.

Daawo: Guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo si yaab leh u difaacay Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay isbitaalka guud ee degmadaas oo shalay ay soo yeereen warar sheegaya in kooxdu ay la wareegtay, kana saartay bukaanadii ku jiray.

Cumar Salaad Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo dadka deegaanku ay isku tashi ku dhisteen ayaa sheegay in warkaas uu been yahay oo wax culeysa aysan uga imaan kooxda Al-Shabaab.

Cumar ayaa sheegay in marnaba aysan ka suurtaabin in koox kala wareegtay isbitaalkaas ay u ceeb qariyaan, isagoo sheegay in isbitaalkaas uu sidii loogu talo galay ugu shaqeynayo bukaanada deegaanka.

Sidoo kale odayaashii kale ee guddiga maamula isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay warkaas ay beeninayaan, iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalkaas uu u haayo bulshada reer Ceelbuur.

Sida dad ku nool degmadaas ay shalay u soo dusiyeen warbaahinta, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoog kula wareegtay isbitaalkaas, si dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii Baxdo ay ugu daweystaan.

Warbixintaan shalay faaftay waxay sheegeysay in kooxdu ay banaanka u saartay bukaanadii kale ee isbitaalka yiilay, balse arrintaas waa beeniyeen xubnaha guddiga ah ee maamula isbitaalkaas oo dadka degmada Ceelbuur ay isku tashi ku dhisteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si xun ugu jabtay weerar ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaaday degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas looga laayey dagaalyahano 100 kor u dhaafaya, iyagoo dhaawacyo badan geystay degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo deegaano kale.

Hoos ka daawo hadalka guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur

Fiqi oo Rooble ka difaacay kiis afduub ah oo lagu eedeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ku difaacayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu ugu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Fiqi ayaa sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay in meel ammaan ah uu soo gaarsiiyey Soomaaliya oo soo martay marxalad hubanti la’aan ah, isagoo farta ku fiiqay xubno uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u suurad xumey lahaayeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu maanta qabtay shirkii u danbeeyey ee golihiisa wasiirada. Shaqo wacan ayuu qaranka u qabtay oo la mahdiyey, wuxuuna dalka ka saaray xaalad hubanti la’aan ah, wuxuuna dalka gaarsiiyey meel ammaan ah. Waana ku mahadsan yahay,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Qoraalka Axmed M. Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan arkayaa shakhsiyaad raba in ay wasaqeeyaan magaciisa iyo maamuuska uu ku dhex leeyahay umadda, ayagoo wax aan jirin ku nabaya, kuwaas oo aad moodid in gacmo kale ay ku dhex jiraan ama laga soo dhex hadlayo afafkooda.”

Sidoo kale Fiqi ayaa su’aal geliyey aqoonta uu sheeganayo qof ay aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Nairobi ku afduuba karo qof shacab ah, iyadoo la ogyahay in dalkaas ay ka jiraan hey’ado amni oo adag iyo garsoor.

“Sidee Nin Weyn oo aqoon sheeganaya ugu eedeynayaa RW Rooble in uu Nairobi afduub ka geystay? Nairobi dawlad leh hey’adaheeda garsoor iyo amni kama jirto miyaa? aqoonta intaas tusin weysay maxay tahay faa’idada laga sugayo qofkeeda? Waxaa haboon in waxyaalaha qaarkood laga xishoodo, dadkana wacyigoodu waa joogaaye aan caqliyadooda lagu cayaarin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub ay u geysteen hey’adaha sirdoonka Kenya oo maalmo uu u xiraa, waxaana maalmahaan soo cusboonaatay hadal-heynta kiiskaan.

Professor-ka ayaa sheegay in Rooble uu dacweynayo, isagoo cadeeyey inuu qabsaday qareeno u dooda, isla markaana uu hayo cadeymo muujinaya in afduubkiisa uu soo abaabulay R/wasaare Rooble.

Sidoo kale Prof. Cabdiwahaab ayaa wareysi uu bixiyey maalin ka hor wuxuu ku sheegay in Rooble uu iska cafinayo hadii uu u cadeeyo inuu ku lug lahaa kiiskaas ama uu ugu dhaarto in uusan soo maleegin qorshihii lagu afduubtay, xilli uu dhex marayey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan uu safarkiisa ugu horeeyo ku tago Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii toddobaadkan safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, xili uu isbedel ka dhacay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa dalkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

Safarkaan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu-Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Soomaaliya, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in madaxweyne Xasan uu safarkiisi u horeeyo ku tago dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta?

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Imaaraadka uu ku tagay madaxweyne Xasan uu yahay ka dhabeynta hal-ku-dhigiisa siyaasadeed ee dalka, kaasi oo ahaa Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah.

Dalxa ayaa xusay in Imaaraadka uu kamid ahaa dalal xiriirkooda Soomaaliya uu mugdi badan ku gadaamna sanadihii lasoo dhaafay, sidaas darteedna uu madaxweynaha muhiimad gaar ah u siiyay, taasi oo ka dhigtay in safarkiisa u horeeya uu ku tago Imaaraadka.

“Imaaraadka 5-tii sano ee dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo xiriirkooda ma waangsaneyn, marka waxa uu ka turjumaya (safarkiisu) in madaxweyne Xasan uu ka dhabeynayo ballan-qaadkiisi oo uu doonayo in uu ka dhabeeyo hagaajinta xiriirka dalalka dibedda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Madaxweynaha tallaabada uu qaaday waxay ka turjumaysa dad heshiis ah oo adduunkana heshiis la ah.”

Dalxa ayaa ku bogaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda uu ku wajahayo arrimaha dibedda iyo in xiriir wanaagsan lala yeesho dalalka caalamka, oo sanadihii dambe la kala soo dhaweystay.

11 halis dhaqaale oo dowlada Xasan wajihi karto 2022-ka

0

Muqdiso (Caasimada Online) – Waxaa bartamihii bishii May ee sanadkan dalka ka dhacay isbadal siyaasi ah, iyada oo laga gudbay sanad iyo bar hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah ahaa, sidaasi ay tahay maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ma wato ushii Nabi Muuse, oo waxaa uu wajihi karaa khataro dhaqaale iyo qalalaaso maaliyadeed, taasi oo looga badbaadi karo uun oo keliya xukuumad waxtar leh, kalsoonida beesha caalamka iyo wadashaqeynta hey’adaha labada heer ee dowladda dhexdooda oo dhinac ah, iyo is-aaminaadda dowladda  federaalka labadeeda heer iyo shacabka oo dhinac kale ah.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sadaalinta maaliyeed ee miisaaniyadda 2022-ka ku sheegtay khataro dhaqaale, iyada oo intaa raacisay in walaacoodu uu  weliba aad u daran yahay, waxaa ka mid ah:

1. COVID 19:  Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay sheegeysaa in dillaaca fayraska Covid 19 ama musiibo kalaba ay horseedi doonaan hoos u dhac dhaqaale oo gudaha ah,  taasi oo soo dedejin karta in dibadda lagu tiirsanaado, waxaa kale oo halis ku sii ahaan doonaa abaabul kasta oo loo galo dakhli uruurin.

2. Kobaca Dhaqaale ee Deeqaha Horumarineed: Soomaaliya waxaa ay weli si weyn ugu tiirsan tahay kaalmaha horumarineed ee ka timaada saaxiibada horumarineed. Iyada oo US iyo Eurozone ay diiradda saarayaan hubinta xasiloonida dhaqaale ee dalalkooda, arrintaas oo u badan in qulqulka gargaarka si togan uu saameyn ugu yeesho.

3. Sicir Bararka: Daahidda roobabka badhtamaha sanadka iyo saadaasha xilliga qalalan ee bilaha October iyo December waxay u badan tahay in si xun u saameyso waxsoosaarka cuntada gudaha, taas oo sii xumeyn doonta waxqabadkii horay u liitay. Si cadaadiska sicir bararka hoos loogu dhigo, dowladda ayaa waxaa la gudboon dib usoo celinta awoodda shilinka Soomaaliga iyo in la yareeyo daabulidda lacagta adag.

4. Qiimaha Sarrifka: Doolarka Mareykanka waxaa uu sii ahaandoonaa lacag nabdoon ee maalgeshadayaasha waqtiga hoos u dhaca, Xoojinta lacagta doolarka Mareykanka ayaa saameyn xun ku yeelan doonta awoodda shilinka Soomaaliga, taasi oo keeneysa in uu hoos u sii socon doono qiimaha sarrifka lacagta marka loo eego xilliga dhexe.

5. Dhoofinta Saafiga ah: Joojinta xajka 2021-kii ayaa si weyn u saameysay dhoofka Soomaaliya, iyada oo dalabkoodu inta badan ku xiran yahay bariga dhexe, gaar ahaan Xajka.

6. Cimmilada Xun: Khataraha dhaqaale ee wasaaradda maaliyadda ay saadaalisay waxaa ka mid ah sida wax soo saarka waddanku hoos ugu dhacayo iyada oo lagu sameynayo hannaaka cimillada oo gurracan.

7. Kororka Wax Soojedinta: Sadaasha cimillo xumida, roob la’aanta iyo abaaraha oo sii jira waxaa ay horseedi doonaan in ay korarto wax soo dejinta, oo ay yaraadaan ama meesha ka baxaan wax dhoofinta, taasi oo khatar ku ah dhaqaalaha dalka.

8. Ammaahda Dowladda: Dhameystirka deynta bangiga adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika oo lagu dhawaaqay rubucii hore ee sanadkii 2020-kii ee ku dhawaaqista deyn cafinta Naadiga Paris ayaa hoos u dhigtay deymihii dowladda ee muddada gaaban.

9. Yaraanta heerka Dhaqaalaha: Yareynta Heerka dhaqaalaha ee horay u xadidnaa waxaa ay qeyb ka qaadan doona in Soomaaliya ay waajib ku tahay bixinta  dulsaarka waqtiga ku haboon iyo bixinta lacagaha muhiimka ah ee kasoo horjeeda waajibaadka taagan.

10. Horumar La’aanta Dowlad Goboleedka: Horumar yarida ka jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gaar ahaan abaabul la’aanta dakhliga gudaha iyo ku tiirsanaantooda deeqaha caalamiga ah iyo dowladda federaalka ah, waxay halis ku tahay dhaqaalaha dalka iyo horumarkiisa.

11. Saameyntii Doorashada: Doorashadii oo muddoo jiitameysay iyo gelstii firaaqa dastuuriga ahaa waxaa ay keentay in sanadkan bilowgiisa la diyaariyey miisaaniyad 3 bil ah oo KMG ah, iyada oo kharashka baxay muddaasi uu ahaa qabyo-qoraal miisaaniyadda 2022-ka, taas oo lagu daray miisaaniyadda cusub oo inta badan ah saadaalin, haddii sida loo rabo aan loo helin waxay khatar ku noqon kartaa dhaqaalaha dalka.

Khatarahaasi aan sheegnay kuma jiraan khataraha amni  iyo qaar kale ee dal ama dibadba laga filan karo, si looga gudbana ay waajib tahay in maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihiisa Xamse Barre ay dalka ka hirgeliyaan xukuumad ay wasiiradoodu la iman karaan aragti iyo aqoon dalka looga samatabixin karo khataha aan soo sheegnay, kana fog eex iyo nin jecleysi.

Aqalka Sare oo maanta meel mariyey xubnaha guddiga dastuurka ku metalaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankan ayey Senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada Aqal ee Soomaaliya.

Kadib guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha lasoo xulay waxayna kala yihiin:-

1– Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

2– Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

3– Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo.

4- Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho.

5– Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka.

Sawirro: ROOBLE oo shirkii ugu dambeeyey maanta u qabtay golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shirkii ugu dambeeyey u qabtay xubnaha golaha wasiirada ee kasii tegaya shaqada, kaas oo ahaa mid mahad-naq iyo is macsalaameyn ah.

Kulanka oo ay kasoo qaleen dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayaaa sidoo kale dib loogu loogu eegay howlihii u qabsoomay xukuumadda muddadii ay shaqeyneysay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay,” ayaa lagu yiri war  qoraal ah kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xafiiska kasii tegaya.

Rooble oo kualnka ka hadlay ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ugu mahadceliyey sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen inta uu xafiiska joogay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamza Cabdi Barre iyo dowladda cusub.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska baneynaya ayaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii muddada uu xafiiska joogay, gaar ahaan sida uu u maareeyey doorashooyinkii ka dhacay dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May oo xilka madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbaland.

Xog: Dalka xiga ee uu Xasan Sheekh ku wajahan yahay kadib Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ay ah u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda booqasho ku jooga dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa safarkiisa xiga ku tegi doona dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa safarka Abu Dhabi kadib, waxaa la sheegay inuu ka degi doono Nairobi, wuxuuna casuumaada helay madaxda dowladda Kenya. Socdaalka Xasan Sheekh ayaa ku aadan maalmaha soo socda ee dhammaadka toddobaadkan ama horaanta toddobaadka xiga.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Nairobi kula kulmi doonaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana la qorsheynayaa in kulamadooda ay meesha uga saaraan madmadow badan oo mudo ku soo jiray xiriirka labada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya, hadda waxay heystaan fursad weyn oo ay uga gudbi karaan sooyaalka xiisado daba-dheeraaday oo saameeyey shucuubta labada wadan.

Labadaan dal ee dhacda Geeska Afrika, waxaa si weyn isugu milan danaha shacabkooda, waxayna faa’iido weyn ka heli karaan iskaashi iyo is aaminaad dhex-marta, sida ay qabaan quburada ka faalloota arrimaha gobolka.

Inta badan xiisadihii dhex maray Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku hayeen kiiskii go’aanka caalamiga ah laga qaatay ee badda dhacda xuduuda labada dal, kaas oo hadda Kenya aysan u fureyn wado ay ku sii wado murankiisa.

Soomaaliya iyo Kenya waxay si weyn isugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho uga soo qeyb galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xiriirkeeda Soomaaliya.

Xog: Karaash oo aqbalay qodob xasaasi ah kadib wada-hadalladii Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay xallinta khilaafkii dib uga dhex qarxay labada mas’uul kaas oo saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan bilowgii kulanka ka sheegay in labadoodu isku doon saaran yihiin, islamarkaana ay mas’uuliyadeeda wadaagaan wixii ka khaldama dowladda.

Madaxweynuhu wuxu codsaday in khilaafkooda ay si hoose u xallistaan isagoo xusay in uu mar kasta diyaar u yahay xalka si looga gudbo is-marin-waaga taagan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sida la xaqiijjiyay dhankiisa aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ku aaddan in khilaafkooda ay iyagu xallistaan waxaana markaas loo gudbay wada-hadal garnaqsi ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qodobka ugu muhiimsan ee laga hadlay uu ahaa sida laga yeelayo saddexdii wasiir ee xilka qaadista uu ku sameeyay Axmed Karaash.

Wada-hadal dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in xilka qaadistii saddexda wasiir uu ka noqdo Madaxweyne ku xigeenka loona daayo xilalkooda.

Kadib markii qodobkaas laga heshiiyay ayaa loo ballamay kulan kale oo ku saabsan arrinta Agaasimayaashii uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka danbe ayaa sidoo kale la filayaa in ay qayb ka noqdaan arrima kala duwan oo loo fulin doono Axmed Karaash. 

XASAN ma u eryi doonaa Qatar Imaaraadka dartiis?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaalkiisii koowaad ee meel ka baxsan dalka wuxuu ku tagay dowladda iskutaga Imaaraadka Carabta oo la aaminsan yahay inay kamid tahay dowladihii taageeray dib u doorashadiisa.

Booqshada Xasan Shiikh ee Imaaraadka ayaa abuurtay tuhun la xiriira inuu sii socon doono kala xigsashada dalalka Carabta ee ka imaanaya Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka waxaa la fahamsan yahay inay gacanteedu gaartay illaa seddex musharax habeenkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Culeyskii ay imaaraadka ku dhex lahaayeen Soomaaliya ayaa la wiiqay intii ugu badneyd muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo, balse dagaal siyaasadeedkii dhexmaray Farmaajo iyo Rooble ayaa wax badan u taray Dowladda Imaaraadka kuwaas oo helay fursad ay kula dagaalami karaan nidaamkii madaxweyne Farmaajo gacanna ku siin karaan musharixiintii isbadal doonka ahaa.

In safarka koowaad ee madaxweyne Xasan Shiikh uu noqdo Imaaraadka Carabta waa farriin culus, si gaar ah dowladda Qatar waxay u tahay aqbaar aan farxad-gelin doonin.

Waxaa curan kara dagaal qabow oo dalalka Khaliijka ah oo la xiriira kala xigsashada Soomaaliya. Inkastoo ay aad u kala fog yihiin danaha ay labadaas wadan ka leeyihiin Soomaaliya haddana Qatar ayaa Soomaaliya ka hirgelisay dhismaha waddooyin iyo mashaariic muuqata shantii sano ee lasoo dhaafay oo ay si buuxda u taageerayeen dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ganacsiga iyo deegaanka ay Soomaalida ku heysato Imaaraadka waa farriin aan la dafiri karin sida ay mashaariic askereyn ah uga dhex wadeyn Soomaaliya muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh aad uma soo jiidan shacabka Soomaalida.

Farmaajo ayaa xiray xero ciidan oo Imaaraadka uga furneyd magaalada Muqdisho, taasi oo shacabka qaarkiis ay soo dhaweeyeen.

Sida labadaan wadan loo wada heysan karo ayaa kamid ah su’aalaha ku maqan dhanka madaxweyne Xasan Shiikh. Qatar weli waa u muhiim mashaariicda ka socota Soomaaliya.

Caleema-saarkii madaxweyne Xasan Shiikh waxaa la xasuustaa in wasiirul dowladaha arrimaha dibadda ee dowladda Qatar inuu ahaa qofkii ugu khudbadda gaabnaa goobta.

Wax nuxur ah ma uusan sheegin mana muujin micnaha xiriirka mustaqbalka ee labada dal taasi oo lagu fasiray inay gadood ka qa baan Qatariyaanku natiijadii doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh uma fududa inuu lumiyo dowladda Qatar oo waxay deg deg u noqon kartaa fadhi iyo kaalmo xooggan oo ay yeeshaan mucaaradkiisa hadda muuqda iyo kuwa dhallan doono bilaha soo aadan sidii lagu yaqaanay dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya.

Iyadoo la fahamsan yahay in la guda galay sanadihii Imaaraadka ee Soomaaliya, haddana dad badan ayaa aaminsan inuu Xasan Shiikh awoodo inuu labada dal cilaaqaad wanaagsan la sameysto.

Imaaraadka inay ku qanci doonaan la macaamil siman oo loo sameeyo iyaga iyo Qatar lama hubo, laakiin Xasan Shiikh shacabku kama qaadan doonaan inuu furin cusub ku furo dalka xilli uu ololaha doorashada kusoo galay inuu hagaajinayo cilaaqaadka dalalkii la xumeeyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Musuq-maasuq lala yaabay oo ka dhacay wasaarad ka mid ah maamulka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa laga war helay musuq maasuq lala yaabay oo ka dhacay xarunta wasaaradda Caafimaadka ee maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut oo loogu talagalay in la siiyo carruurta ay soo wajahday nafaqo-xumada.

Lunsashada Buskutkan ayaa kusoo aaday xilli baahi weyn loo qabay isticmaalkiisa, iyadoo abaaro ba’ani ka jiraan Puntland ayna carruur badan la ildaran yihiin nafaqo darro sida ay xaqiijiyeen hey’adaha qaabilsan arrintaas.

Qaar kamid ah waardiyaasha wasaaradda Caafimaadka qeybteeda Garoowe ayaa u dhacay mid kamid ah bakhaarada kaydka Buskutka sida uu xaqiijiyey wasiirka caafimaadka oo la hadlay warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay inay kaamirooyinka qarsoon ka heleen muuqaalo muujinayo cidda qaadatay Buskutka, wuxuuna sheegay inuu falkaas ka dhacay laba bil ka hor iyagana ay horey ka ogaadeen.

Wuxuu iska fogeeyay inay masuuliyiintu ku lug leeyihiin arrintaan, isagoo sheegay inay haatan socoto baaris iyo sidii shaqaalaha dambigaas galay loogu qaadi lahaa maxkamad.

Hay’ad soo jeedisay in wada-hadal lala galo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada geeska Africa.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo ururka Al-Shabaab maadaama dagaal looga adkaan waayey muddo 15 sano ah/

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayey kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo Al-Shabaab.

Al-shabab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, waxayna si cad u diidan tahay jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan wareysi bixiyey ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la galeyn dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inaysan u aqoonsaneyn dowlad.

Saarkaalkaas ayaa sheegay inay qorsheenayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya. Dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay qorsheeneysay inay wada-hadal la furto kooxda Al-Shabaab inkastoo aan arrintaas caddeyn rasmi ah loo heyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku heyso magaalooyin ku yaalo Soomaaliya, waxaana ka dhinac dagaalamo dagaalyahano ajaanib ah oo gabaad ka dhigtay Soomaaliya.

Afrika oo la hayste u noqotay dagaalka Ukraine iyo Russia

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa markii u horeysay sheegay in Afrika “ay la-heyste” u tahay dagaal ay kula jiraan Ruushka, kaas oo sababay sare u kaca qiimaha cuntada ee qaaradda Afrika.

Wadamada Afrika waxaa si weyn u saameeyay dhibaatada sii kordheysa ee keentay in qiimaha raashinka, Saliidda, Shidaalka iyo Bacriminta ay sare u kacaan.

Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saara ku dhawaad saddex meelood meel ka mid ah sahayda qamadiga adduunka, halka Ruushku sidoo kale yahay dalka adduunka ugu badan ee dhoofiya bacriminta iyadoo Ukraine ay tahay dalka dhoofinta ugu weyn ee saliidda galleyda.

Khudbad uu u jeediyay madaxda Midowga Afrika ayuu Zelensky ku sheegay in qaaradda ay la soo gudboonaatay xaalad adag.

“(Anigu) waxaan idin kula hadlayaa xaalad degdeg ah, marka aan dagaal ku jirnno. Xaalad degdeg ah oo adduunka oo dhan ah, sidaa darteed Afrika dhab ahaantii waa la hayste. Waxay u afduuban tahay kuwii bilaabay dagaalka ka dhanka ah dawladnimadeenna,” ayuu Zelenskiy ku yiri khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Midowga Afrika.

“Dagaalkani waxa uu u ekaan karaa mid aad idin kaga fog adinka iyo wadamadaadaba. Laakiin qiimaha cunnada ee si weyn u kacay ayaa mar horeba musiibada u keentay malaayiin qoys oo Afrikan ah.” ayuu raaciyay Zelenskiy.

Moscow ayaa diidday eedaymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay si ula kac ah u xannibayso dhoofinta raashinka ee Ukraine waxayna sheegtay in qiimaha cuntada iyo shidaalka ee caalamka uu sare u kacay ay sabab u tahay cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka.

Horraantii bishii June, madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa sheegay in Vladimir Putin uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu awood u yeesho dhoofinta qamadiga Ukraine, si loo yareeyo dhibaatada cuntada adduunka oo si adag u saamaysay Afrika.

Puntland oo xukun ku riday shabakad dilal iyo qaraxyo ka geysan jirtay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dawacwadda shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Ugu horreyn xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka hor akhrisay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedeysanayaasha oo 4 ah iyo caddeymaha loo hayo kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fursad siisay, isla-markaana dhageysatay dooda qareennada difaacaya eedeysanayaasha iyo falcelintooda ku aadan gal-dacwadeedka lasoo gudbiyey.

Intaasi kadib Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday shabakaddan oo ka kooban 4 nin, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Afarta nin ee la xukumay ayaa kala ah:- Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaavi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah.

Sida uu maxkamadda ka hor sheegay Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay go’aanka waxaa dil toogasho ah lagu xukumay afarta nin, wuxuuna shaaciyey in baaris dheer, kadib lagu helay dembiga lagu soo eedeeyey, kaas oo caddeymo sugan loo helay.

Raggan afarta ah ayaa lagu eedeeyey in qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay k fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso oo muddo fara badan ay ka howlgalayeen.

Puntland ayaa horey sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka howlgalayey magaalooyinka maamulkaasi.

Maxay tahay sababta diideysa in xildhibaanada lagu cadaadiyo kulamada BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay waxyaabaha soo cel-celiyey in kulamada baarlamaanka ay u baaqdaan kooram la’aan, ama in xildhibaanadu ay soo xaadiri waayaan.

Aadan Madoobe ayaa sababta u diideysa in xildhibaanadu ay ku cadaadiyaan fadhiyada Golaha Shacabka ay tahay in aysan laheyn gunno ay qaataan, si loola xisaabtamo.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa xusay in arrintaasi ay ka shaqeyn doonaan, isla-markaana ay ku dadaali doonaan in xubnuhu ay helaan gunnooyin, sida uu dhigayo xeerhoosaadka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kadib xildhibaanka lagula xisaabtamu doono, hadii uu fasax la’aan ka maqnaado kulamada caadiga ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Xildhibaannadu malaha gunno fadhi, gunno gaadiid & Caafimaad oo xeer hoosaadka ugu qoran, Baarlamaanka cusub waan kawada hadalnay in la dedaallo inta la awoodo si loo helo inkasta oo uu waddanka uu yahay dal dhaqaalihiisa iska burburay balse waa lagama maarnaan in la helo si shaqadooda u gutaan Xildhibaannada” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Waxa kale oo uu intaas guddoomiyuhu sii raaciyey “Sida Mushaarka caadiga ah loo helo ayaa lagu helayaa lacagta, badnaan shardi ma aha, xildhibaannada sababta uu gunnada ugu baahanayo ayaa ah in marka uu safar caafimaad galo ama deegaankiisa dib ugu laabto, mana aha in haddii la waayo in fadhiyada u baaqanayaan, meelaha ay ka imaanayaan lacagahaas waa dakhliga Dowladda soo galo iyo Kaalmada la siiyo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo iyadoo todoobadyadii lasoo dhaafay dhowr kulan  ay u baaqdeen, sababo la xiriira kooram la’aanta fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.