25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Dad ka badan 200 oo qof oo lagu laayey dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay dad ka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, waxaana lagu eedeeyey jabhadda Oromada oo iyana iska fogeysay.

Wuxuu noqday mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo mudooyinkaan ka dhaca dalka Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalkaan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press, kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkaas.

Goobjoogahaas oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan.”

Goobjooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi amni oo uu qabo darteed, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayaan in la raro “kahor inta aysan dhicin dil wadareed kale.

Wuxuu sheegay in hadda qowmiyadda Axmaarada “loo laaynayo sida digaagga” iyagoo deegaankaas 30 sano kahor lagu dejiyey barnaamij dib u dejin ah.

Labada goobjooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay ciidamada xoraynta Oromada.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka. Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyay eedeymaha.

Itoobiya ayaa dhowr gobol waxaa ka jira xurguf baahsan oo qowmiyadeed, taas oo inta badan ay sabab u tahay cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed.

Qowmiyadda Axmaarada oo ah qowmiyadda labaad ee ugu tirada badan in ka badan 110 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday degaanno ay ka mid tahay Oromiya.

VOA

Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka SOOL oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waxay Magaalada Laascaanood ku dileen Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga UCID ee Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay Aflahaar dileen, xilli uu sii gelayay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi, ayna ka baxsadeen goobta.

Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aaddan dilka marxuumka.

Aflahaar ayaa horey u soo noqday xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee Laascaanood.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fulinta ee xisbigaas ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Faarax.

Dhowr jeer oo hore ayaa magaalada laas-caanood waxaa lagu dilay dad xilal ka haayay Somaliland, waxaana taasi ay keentay in Somaliland magaalada Laascaanood kasoo musaafurisay boqolaal qof oo kasoo jeeday degaannada Koonfur Galbeed, haseyeeshee weli dilalka waa ay dhacayaan.

Daawo: Villa Somalia oo shaacisay qorshe lagu soo daabacayo lacag cuusb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo maanta hadal ka jeediyey shirka dhaqaalaha qaranka ayaa soo hadal qaaday qorshaha dowladda cusub ee dib u sameynta lacagta shilin Soomaaliga ah.

Agaasime Maxamed Amiin ayaa sheegay in qorshayaasha dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ay ka mid tahay in dhowaan lasoo daabaco lacagta shilin Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa.

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah, oo aan rajeynayo runtii in ay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa wax badan ka bedesha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha dal walba uu leeyahay,” ayuu yiri.

Lacagta shilin Soomaaliga ayaa ah mid ka sii dabar go’eysa wadanka oo dhan, iyadoo gabi ahaan ka joogsatay gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Amiin ayaa sheegay in siyaasadda dowladda ay xoog badan saari doonto arrimaha dhaqaalaha, iyadoo la samey doono guddi maaliyadeed oo si dhow uga shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo daabacaada lacag cusub.

Shaqo abuurka ayuu sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dowladaan, sidoo kale wax soo saarka iyo kobcinta daqliga ka soo xarooda gudaha dalka, ayuu sheegay inay xoogga saari doonto dowladaan cusub.

Hoos ka daawo

Daawo: Gacan ka hadal iyo khasaare ka dhashay arday loo diiday imtixaanka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii 3-aad Muqdisho iyo gobollada dalka looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo dowladda federaalku ay qaadeyso ayaa maanta waxaa degmada Xamarweyne ka dhacday shaqaaqo ka dhalatay imtixaanka.

Ugu yaraan shan arday oo qaarkood ay rasaasi ku dhacday ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadaas oo maanta barqadii ka dhacday banaanka hore ee iskuul lagu magacaabo Macalin Jaamac oo ku yaalla degmada Xamarweyne.

Arday la sheegay inay ka soo daaheen waqtigii loo fariisan lahaa imtixaanka iyo ciidankii ilaalada ka ahaa banaanka hore ee iskuulkaas ayaa isku gacan qaaday, waxaana ka dhashay dhaawacyo, iyadoo askartu ay rasaas fureen.

Ardayda qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la balamiyey 7:00 subaxnimo, balse markii ay yimaadeen laga furi diiday albaabka iskuulka ay imtixaanka ku galayeen, waxayna dowladda, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ka codsadeen inay cadaalad helaan.

Markii loo diiday ardaydaas inay gudaha u galaan iskuulka, waxay isku dayaan inay xoog ku galaan iskuulka, si imtixaanka ay uga qeyb qaataan oo uusan u dhaafin, balse waxaa rasaas iyo gacan qaad kala hor yimid booliskii ilaalada ka ahaa albaabka hore.

Hoos ka daawo warbixin

Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay Aadan Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu xanuunsanayo.

Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay warhaabinta ayaa sheegay in guddoomiyaha uu Nairobi joogo, halkaasina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay been abuur yihiin.

Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomiyaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu guddoomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.

Hadalkan lataliyaha afhayeenka golaha shacabka ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in guddoomiye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.

Warka xanuunka guddoomiyaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku faafay baraha bulshada, waxaana shaki weyn keenay in safarka guddoomiyaha uu ku aaday Nairobi uu ahaa mid qarsoodi ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulan isugu yimaado maalinta Arbacada ah ee soo socota si codka kalsoonida loogu qaado ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Xog yaab leh oo laga helay dhalinyarada ku maqan Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta ay caruurtooda weli ku maqan yihiin dalka Eritrea ee tababarka loo qaaday ayaa markale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo dalbanayo in dib loogu soo celiyo ilmahooda.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa banaanka keenay xogo cusub oo ay sheegeen inay ka heleen xaaladda dhalinyaradaasi oo ay horey dowladdu ugu dirtay tababar ciidan.

Waalidiinta ayaa sheegay in caruurtooda ay haatan wajahayaan xaalado adag, isla-markaana loo heysto lacag dhan 50 Milyan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ubadkeena waxaa laga soo sheegay mushaakilaad badan waxaa laga sheegay in lacag lagu leeyahay 50 milyan ayaa la sheegay. Dabcan dowlad, dowlad kale ayaa la xaasho waan ognahay, laakiin annaga cabsi badan ayaa na heysa,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.

Hodan Aadan oo ka mid ah waalidiintan ayaa dhankeeda sheegtay in wiilkeeda loo soo sheegay inuu dhintay hal sano ka hor, isla-markaana si ay xog uga hesho geeridiisa looga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 3,700 oo Dollarka Mareykanka ah.

“Aniga Hodan Aadan wiilkeyga Ayuub Xuseen wuu dhintay illaa iyo hadda hal sano ayuu duugan yahay wax dowlad ah oo ii sheegay malaha wax iiga xog warrmay malaha, lacagna waa la’iiga dhacay $3700 ayaa la’iiga qaaday oo madax furasho ah,” ayey tiri Hodan Aadan.

Ugu dambeyn waalidiinta ayaa ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fuliyo ballantii uu ka qaaday, uuna dib ugu soo celiyo caroortooda.

“Xasan ilamaheynii noo keen Ilaahey ka cabso adaa lagu doortay ilmihii noo keen,” ayey tiri hooyo kale oo goobta ka hadashay.

Sidoo kale hooyo kale oo dibad-baxayaasha ka mid ah ayaa iyaduna cod dheer ku tiri “Waa meeshii nalagu xabadeyn jiray nabad ayaa ku banaanbaxeynaa Xasan Sheekh Maxamuudow noo gurmo.”.

Walaacani markale ka soo yeeray waalidiintaan Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in dalka Eritrea ay ku maqan yihiin illaa 5,000 oo askari, ayna dhammeysteen tababarka, balse keenistooda dib loo dhigay, sababo la xiriiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka.

Muxuu Beyle ka yiri warka sheegaya in dowladii Farmaajo ay lacag badan ka tagtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Wasiir  Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn dalkeena, balse ay ku dadaalayaan in 25-ka bil kasta la bixiyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB inay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowladdu ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasanadda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey wasiirku.

SACIID DENI oo shaaca ka qaaday inaan lagala tashan magacaabista R/W Xamza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub, Xamze Cabdi Barre kaas oo la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala sameyn magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Jubbaland, isagoo walaac ka muujiyey arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu cabasho ka muujinayo sida uu dhaqmay markii uu  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabayey ra’iisul wasaaraha, isagoo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay xildhibaannada baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha madaxweyne Xasan ee doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Puntland horey ugu hambalyeysay ra’iisul wasaaraha magacaaban, kadib warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi, inkastoo haatan hadalka kasoo baxay Deni uu muujinayo inuu ku guul dareystay laba isku day oo midi ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaaraha ama qof kasoo jeeda Puntland.

Tani ayaa sidoo kale muujineyso in Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan ku laabtay Puntland uu khasaare kala kulmay doorashadii Soomaaliya, gaar ahaan damaciisa ahaa hoggaanka Villa Soomaaliya, wuxuuna safarkaas gunaanad u ahaa dagaal qaatay muddo labo sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa dowlad goboleedka Puntland.

Daawo: Guddiga dhismaha guriga madaxweyne Farmaajo oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne ee Guriga loogu dhisayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo ololahaas.

Cabdirashiid Duqa oo ku hadlayay afka guddiga ayaa sheegay in uu meel aad u wanaagsan marayo ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo, isaga oo xusay in qofkasta oo wax ku darsaday ololahaan ay kaydiyeen magacyadooda.

“Guddiga waxay u mahad-celinayaan dadweynaha Soomaaliyeed sida sharafta badan ee ay uga qeyb-qaateen ololaha iyo sida dar-darta leh ee u wadaan ololaha Mahadsanid Madaxweyne. Waxaa farxad inoo ah in aan u xaqiijino in qofkasta oo kusoo hagaajiyey dhaqaalaha uu ugu tala-galay ololahaan ay nasoo gaartay,” ayuu yiri.

“Waxa sidoo kale idinla socodsiineyna in aan keydinay oo diiwaan-galinay qofkasta oo ka qeyb-qaatay ololaha, dhamaantiina si gaar-gaar ah ayaa idinla soo xiriiri doona hadduu alle yiraahdo.”

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Injineer kasta ee Soomaaliyeed oo doonaya in ololaha uga qeyb-qaato naqshad ama hindise guriga Farmaajo in uu si toos ah usoo gaarsiiyo guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha guriga loogu dhigasayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan karaan dadka aan weli qeyb ka noqon ololahaan.

Muxuu Shariif Xasan kala hadlay Roobow? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ugu tegay Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka dhex-maray labada dhinac.

Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu salaan iyo sidoo kale is xog wareysi ugu tegay wadaadkaasi oo muddo ku dhow afar sano ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan masiirka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay,

“Waxaan maanta hoygiisa ku booqday walaalkey Mukhtaar Roobow Cali, salaan iyo is xog- wareysi kadib waxaan ka wada hadalnay arimaha masiiriga ah ee dawladda Koonfur Galbeed, guud ahaan mustaqbalka iyo xaaladda Soomaliya,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhankiisa Roobow ayaa uga mahaceliyey Shariif Xasan booqasha uu ugu tegay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay iska xog wareystaan xaaladaha guud ee dalka.

Kulankan ayaa u muuqdo mid qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Lafta Gareen ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrintaas kusoo beegantay, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacday 15-kii bishii hore ee May.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Daawo: Dood qabiil oo ka dhex qaraxday Aqalka Sare iyo maqaamka Muqdisho oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii shalay ee senatorrada golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaa looga dooday dhismaha guddiyada golaha, iyadoo xubnaha golahaas oo intooda badan hadlay ay u kala qeybsameen labo garab.

Senatorrada qaar ayaa ku dooday in guddiyada loo qeybsado hanaan qabiil, halka xubnaha qaarna ay ku doodeen in qof kasta lagu qoro guddiga ka shaqeynaya howlaha uu xirfadooda leeyahay oo dhismaha guddiyada lagu saleeyo aqoon.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shir guddoon ahaa ayaa ka hadlay qaab dhismeedka guddiyada golaha, isagoo soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho ay ku leedahay golaha uu hoggaamiyo.

“Ka guddoon ahaan waxaan qorsheynay in la dhiso sideed guddi, laakiin sida aan qorsheynay waxbaa iska bedeli doona, sababtoo ah xubnaha golahaan oo ah 54 senator, waxaa ka maqan metelaadii gobolka Banaadir oo muhiim ah,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in labada aqal ee baarlamaanka ay caasimaadda Muqdisho metelaad ku yeelato, isagoo soo qaatay qodobka 9-aad ee dastuurka oo ka hadlaya maqaamka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo sharaxaad ka bixiyey qaab dhismeedka qorsheysan ee guddiyada golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in markii 54-ka xubnood ee golahaas laga reebo 5-xubnood oo ka mid noqonaya guddiga dastuurka, 2 hab-dhowre iyo 3-da guddoonka ah, 44-ka xubnood ee soo harta loo kala saari doono 8-guddi.

“Waxaa kaloo jira fikir ah, in dowlad goboleed kasta uu guddi kasta xubin ku yeesho, si dowlad goboleed guddi ka maqan uusan u jirin, laakiin waxaan ka yaabanahay in guddiyada qaar loo kala cararayo, qaarna laga kala cararo, taasina waxay keentay in anagu aan u fariisano dhismaha guddiyada, anaga oo dowlad goboleed kasta metelaad ka siineyna,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Qaar ka mid ah senatorrada ayaa doodo adag la soo istaagay kulankaan oo ay soo xaadireen 48 senator, waxayna xubnaha qaar ku doodeen in guddiyo aysan dooran ka mid noqashadooda aan lagu dari karin, halka dooda ugu adag ay salka ku heysay in aqoon lagu xulo guddiyada iyo in qabiil lagu xulo.

Hoos ka daawo

Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

0

Belgrade (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Serbia, Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, xiriirka labada dal ayaa soo bilowday Sanadka 1960 bishii October.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa la wadaagay Madaxweynaha Serbia dhambaal salaan iyo sida Soomaaliya ay uga soo kabanayso mudadii ay Dowlad la’aanta aheyd.

Madaxweynaha Serbia ayaa dhankiisa sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer, hadda ay Serbia diyaar u tahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ahaa.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa ahaan jiray mid aad u wanaagsanaa ka hor inta aysan dowladda dhaxe ee Soomaaliya aysan burburin, waxaana ka faa’iideysan doona cilaaqaadka labada dal ganacsatada iyo arday badan.

Filish oo soo saaray amar ku socda dadka Muqdisho 

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha laamaha amaanka ee qeybta guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda Hoose.

Sidoo kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo jeediyay “in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.”

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay guddi heer gobol  oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Xubnahaaan uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa ka shaqeyn doona Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli doona guddiga heer qaran ee xuska todobaadka Xorriyadda Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar.

Al-Shabaab oo la wareegtay isbitaalkii CEELBUUR

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegtay Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaas la geeyay dhaawacyo badan oo laga keenay deegaanka Baxda oo dhawaan dagaal ka dhacay lagu jabiyay kooxda.

Sida laga soo xiganayo dadka deegaanka waxay Al-Shabaab ka saareen Isbitaalka dhamaan dadkii bukaanka ahaa ee shacabka ahaa oo lagu dabiibayay isbitaalkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ceelbuur la geeyay dhaawacyo iyo meydadka tobanaan Al-Shabaab ka tirsan, ayada oo uu sii kordhay dagaalkii Baxdo ee dhexmaray kooxda iyo dadka deegaanka.

Isbitaalka degmada Ceelbuur ayaa waxa dib u howl-galiyay dadka deegaanka oo dhaqaale iska ururiyey, lamana oga in ay Al-Shabaab si gaar ah u adeegsan doonto iyo inay dib ugu celin doonto dadka deegaanka.

Dagaalkii Jimcihii ee deegaanka Baxdo ayaa si weyn loogu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga dilay 70 dagaalame, kuwaasi oo ay ku jireen ajaanib.

Daawo: Suuqa Xamar Weyne oo maalintii 3-aad xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad oo xiriira ah xiran suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadur, gaar ahaan qaybta dhismah, kadib lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada Bakhaarada dhismaha ku leh halkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga baxay ballan ay horey ula galeen wasaaradda maaliyadda, taas oo ay sheegeen inay ka codsatay in canshuurta looga qaado dekedda, ayna ka ogolaadeen, balse haatan loogu yimid goobahooda, iyada oo mar labaad laga rabo canshuur, labaad, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa ka cabaneynaa canshuurtii dowladda ay ku qaaday dekedda oo hadda ka hor wasiirka maaliyadda ballan kala galnay waqti waqtiyada ka mid ah oo codsatay wasaaradda maaliyadda inay dekedda ku qaadato ayaa waxaan hadda leenahay mar labaad xilligii aan is laheyn dhibaatada waad ka baxeysaan ayaa hadeer waxaa noqonay inaan galno,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale ganacsatada ayaa tilmaamay in xirnaashaha suuqa uu saameyn weyn ku yeeshay iyaga, dadka xamaalatada iyo sidoo kale shacabkii ku xirnaa ganacsigooda.

“Suuqaan xirnaashaha uu xiran yahay dhibaato badan ayaa ka dhalaneysa meel suuq ah weeye oo Ummadda Ilaahey usoo soof tegto waxaana ugu daran inta ku biil waayeyso ninka Bakhaarka leh, waxaa ku biil la’ dadka qaxootiga ee socda oo gacanta loo fidinaayo, waxaa ku biil la’ xamaalka oo muruqmaalka,” ayuu isna yiri odey ka mid ah ganacsatada.

Ugu dabmeyn ganacsatada ayaa baaq cod dheer ah u diray dowladda cusub, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay ugu baaqeen inay wax ka qabtaan arrintaasi.

“Shaqada way naga joogsatay waxaan codsaneynaa madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha cusub, kan hadda xilka haayo kulli inay arrintaan si dhaqsi ah usoo farageliyaan” ayuu yiri mid ka mida ganacsatada la hadashay warbaahinta,.

Sikastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo ee ay ganacsatada magaalada Muqdisho ku dhaqaaqaan inay xiraan goobahooda ganacsi, sababo la xiriira cashuuro lagu soo dalacay.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ku biirtay nidaamka caalamiga ee xogta IMF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ayaa buuxisay shuruudaha barnaamijka hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF ee loo yaqaano (GDDS) waxayna Somalia markii u horeysay ku biirtay barnaamijkan oo ah mid muhiim ah.

Haashim Sheekh Cabdi Nuur oo ak mid ah howlwadeennada Hay’adda Statistic-ka Qaranka oo u warramay Universal Tv ayaa shaaciyey in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudaha nidaamka faafinta ee xogta guud ee ku aadan sanduuqa hay’adda lacagta adduunka IMF.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu biirtay hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, iyada oo la fulinayo shuruudaha nidaamka faafinta xogta guud,” ayuu yiri Xaashim Sheekh Cabdinuur oo faah faahin siinayey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta Somalia haatan wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono bogga hay’adda, iyada oo ay la wadaagi doonto Hay’adda Statistic-ka Qaranka.

“Soomaaliya waa markii ugu horreysay ee ay ku biirto nidaamkan, waana markii koowaad ee Soomaaliya xogteeda si rasmi ah loogu faafin doono sadnuuqa adduunka” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in xogta aysan ku ekaan doonin arrimaha dhaqaalaha, balse ay ku jiri doonaan xoga kale oo muhiim ah, sida tirakoonka dadweynaha iyo arrimaha bulshada.

“Xogaha kale ee dalka ayaa qayb ka ah ee ay soo saarto Hay’adda Statistic-ka Qaranka, waxaa ka mid ah xogaha tirakoobka dadka, waxaa ka mid ah xogaha kale ee dhaqaalaha,”

Sidoo kale wuxuu xusay in barnaamijkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, isla-markaana ay hadda kadib ka soo muuqan doonto saaxadda aduunka oo uu tilmaamay in markii hore ay ka maqneyd, maadaama halkan lagu soo bandhigo xogaha waddamada aduuunka oo dhan.

“Waxay muhiim ugu tahay waxaan ka maqneyn saaxadda adduunka barmaanijka haddii aad website-ka gasho wadan walbo oo adduunka ka tirsan wuu ku jiraa,” ayuu yiri.

Ugu dmabeyn wuxuu xusay in barnaamijkan uu sidoo kale muhiimad gaar ah siin doono deyn cafinta Soomaaliya oo haatan mareysa meel aad u wanaagsan oo gabagabo ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Markii labaad iyo xujada maqaamka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Hadda xilka ugu weyn ee gacantiisa ku haray waa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dad badan oo eryanaya kursigaas ayaa lasoo warinayaa inay dhooban yihiin xafiiska madaxweynaha. Siyaasiyiinta wax ka dhisatay madaxweynaha ayaa iyaguna olole u wada shaqsiyaad kala duwan oo ay rabaan in midkood loo magacaabo xilkaan.

Sida ay wax ku socdaan, shacabka magaalada Muqdisho waxay mar kale qaadanayaan guddoomiye gobol oo warqad madaxweyne ku magacaaban, waxayna weli masaafo usii jiraan in iyaga loo madax baneeyo aayahooda.

Xasan Sheekh wuxuu marar badan sheegay intii uu mucaaradka ahaa in qabyadii uu sheegi jiray ay kamid aheyd inuu nidaam gaar ah u sameeyo gobolka Banaadir. Hadda Xasan wuxuu mar kale nasiib u helay inuu xafiiska kusoo laabto, waxayna dadka eegayaan inuu hadalkiisii mucaaradnimada kursi doon ku ekaan doono ama inuu Muqdisho culeyskeeda wax ka badali doono, oo uu billaabi doono geediga maamul u gaar ah magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho waxay marar badan si aan dhuumasho laheyn u sheegeen inay u baahan yihiin maamul u gaar ah oo ay iyagu doortaan.

Nooca maqaamka ay magaaladaan yeelan doonto waxaa lagu xiray go’aanka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa ku lifaaqan iyadoo la tixgelinayo rabitaanka dadka magaalada

Dadka caasimadda ayaa su’aalo laga weydiiyey sanadkii 2017 nooca maqaamka ay rabaan, laakiin nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey shir bishii December 2017 lagu soo bandhigi lahaa sida ay dadka caasimadda rabaan inuu noqdo maqaamka magaaladaan.

Muqdisho waa magaalada ugu dhulka ballaaran dalka, ugu dadka badan, ugu dhaqaalaha badan, ugu ganacsiga ballaaran, cashuurta ugu badan bixisa, haddana dhinaca kale waa magaalo aan matalaad siyaasi ah ku laheyn dalka, waa magaalada ugu amniga xun, dadka ugu badan lagu dilo, midda ugu badan ee lagu gafo siyaasad ahaan iyo mid aan dadkeeda loo ogoleyn inay go’aansadaan masiirkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa heysta imtixaankii labaad ee ku saabsan magaalada Muqdsiho, haddii uu markii hore sheegay inuu dib u dhigtay hagaajinta nidaamka magaaladaan hadda ayuu gacanta ku hayaa fursaddii labaad.

Haddaba maxaa muhiim ah oo laga dhex raadin karaa xulashadiisa cusub ee qorsheysan?

Inkastoo aysan dooda noqon karin inuu hadda joojiyo isbadalka warqadda ku dhisan ee hoggaanka gobolka Banaadir, haddana waxaa madaxweyne Xasan la gudboon inuu magacaabo maamul heysta awood iyo waqti kooban oo magaalada ugu diyaariyaan inay is maamusho.

Ugu yaraan waa in la heli karo qof laba sano magaaladaan ku gaarsiin kara is doorasho. Macno badan dadka magaalada Muqdisho uma lahan guddoomiye la iska magacaabo oo aan la ogeyn waxa uu u taagan yahay.

Waa in xulashada cusub lagu saleeyaa qof dhallin kara maqaam oo haya fikradeedii iyo farsamadeedii ayey badi qabaan siyaasiyiinta deegaanka.

Iyadoo aan la dafiri karin caqabadaha awood qeybsiga beelaha iyo damaca beelaha uga wada jira inay wax ka helaan maamul madax banaan oo ay Muqdisho yeelato, haddana sida loo qeybsanayo awoodda waxaa ka muhiimsan in marka hore la meel mariyo nooca uu noqonayo maqaamka caasimadda oo uu nidaamka cusub ee Xasan Shiikh hor-tabin ka dhigto.

Dadka reer Muqdisho intaan ka badan kuma hoos noolaan karaan guddoomiye gobol oo maqaar saar ah oo saacadii uu doono uu eryi karo madaxweynaha.

Helitaanka taageerada Xasan Sheekh ee shacabka caasimadda waxay ku xiran tahay sida uu mudnaan u siiyo halista maqaam iyo maamul madax banaan oo ay caasimadda yeelato ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre oo inta ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu dhowr jeer doodo hore ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in dhibaatada taalo Muqdisho xalkeeda si dhab ah loo wajaho oo la helo maamul gaar ah oo dadku dhistaan lana xisaabtami karaan.

Xamza hadda wuxuu joogaa miiska go’aanka waxaana la eegayaa sida uu isna dhankiisa mudnaan u siiyo Muqdisho iyo maqaamkeeda.

CC Shakuur oo ka dagay Doolow iyo arrin uu shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani-aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga gaar ah ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay, si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeryaha la dejiyay dadka barakacayaasha ah.

Doolow waxaa saldhigtay qoysas intooda badan ka barakacay degmooyin katirsan gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo degmooyinka qaar ee isla gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto, islamarlaana loo baahan yahay in loo gurmado dadka ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maalin welba ay Doolow tagaan Qoys u badan xoolo dhaqato iyo beeraley abaartu saameyn taban ku reebtay.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in gargaarka dadkaas la siiyo uu gaarayo 18%, marka la eego tiradooda iyo raashinka la siinayana aanay isku dhigmin.

Mucaaradka Somaliland oo sameystay ciidan hubeysan, shaaciyeyna sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku kaliftay hogaamiyeyaasha mucaaridka inay sameystaan ciidamo hubeysan oo ilaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku dayday inay khaarajiso hogaanka mucaaridka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka qaarkood ay xiran yihiin kadib markii ay ka qeyb-galeen mudaharaad looga soo horjeedo xukuumadda.

“Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameysto, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa aragteen in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

“Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xisbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala saaro.”

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestan dhaqamada guracan ee ay wadaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin.

“Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dhaco is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu leeyahay waa beelo ee way difaacayaan waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay ficilka uu sameeyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in guddiyadii isku xil-qaamay dhex-dhexaadinta xiisada kala dhaxeysa xukuumadda uu albaabada ka xirtay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee taagan.

Toddoba khasaaro oo Saciid Deni kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu dhawaan ku laabtay Puntland, wuxuu safarkaas gunaanad u ahaa dagaal siyaasadeed qaatay muddo 2 sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa Puntland.

Wuxuu furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ka sheegay inay kaalin fiican ka qaateen isbadalka hoggaamineed ee dowladda federaalka ah.

Shacabka Puntland inta lala gaaray makarafoonka saxaafadda madaxa-banaan waxay muujiyeen in aysan u riyaaqsaneyn sida uu Saciid Deni u wajahay xaajadii federaalka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa Saciid Deni ku sifeeyey siyaasigii ugu khasaaraha badnaa doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa daliil looga dhigay arrintan, waxaana kamid ah:

  1. Qarashka

Inkastoo dhammaan musharixiinta ay qarash geliyeen doorashada, sida soo saarista xildhibaanada, sii heyntooda, iyo sooryada habeenka doorashada madaxweynaha, haddana Saciid Deni waxaa la sheegaa inuu yahay ninkii bixiyey qarashkii ugu badnaa mudadii lagu jiray marxadda doorashada Soomaaliya.

  1. Xilka madaxweynaha

Hadafka ugu weyn ee Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa inuu noqdo madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. 99 xildhibaan ayuu imaantinkooda saameyn ku lahaa, laakiin Saciid Deni wuxuu ku dhameystay kaalinta 3-aad ee doorashada madaxweynaha.

  1. Kursiga ra’isul wasaaraha

Saciid Deni oo ay hal sano iyo dhowr bilood uga harsan tahay waqti xukunkiisa Puntland, wuxuu rajeynayey inuu heli doono kursiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la sheegaa inuu Xasan Sheekh u sameeyey ballan-qaad marqaatiyaal leh intaan loo gudbin wareegii 3-aad ee doorashada madaxweynaha, balse wax walba ayaa si deg deg ah isku badalay, kadib guushii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kooxo ku hareereysan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay si weyn u diideen Saciid Cabdullaahi Deni, mar kale Saciid uma hagaagin hammigii ra’isul wasaaraha.

  1. Cilaaqaadkii Jubbaland

Deni wuxuu dul-saartay kaarkiisa siyaasadda maamulka Jubbaland. Kooxdiisa ololaha qaar waxay shaki ka qabaan inay hoosaasin jirtay. Cilaaqaadka labada dhinac hadda shaki ayaa hareenaya, iyadoo si weyn looga dharagsan yahay wixii uu Saciid Deni u huray Axmed Madoobe.

  1. Niyadda beesha kore

Deni wuxuu horey fagaaro uga sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in Farmaajo la bixiyo. Marka la joogo siyaasadda Soomaaliya xisaabtu waa 4.5.

Isbadalka dhacay 15-kii May kaliya ma quseeyo Xasan iyo Farmaajo ee wuxuu sidoo kale quseeyaa xisaabta beelaha. Inuu Deni sabab u ahaa inuu kursiga dhaafo xisaab beeleedka isaga iyo Farmaajo waxay ka lumisay Saciid dadka badan oo reerkaas ah oo dhallinyaro iyo dhaqan u badan.

  1. Siyaasiyiinta waaweyn ee Puntland

Saciid Deni wuxuu sanadkaan u bareeray inuu masraxa ka xaalufiyo siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland si uu hadafkiisa u gaaro kuwaas oo uu badankood u diiday inay ku biiraan Baarlamaanka.

Isaga iyo xubnahaas waa kala jeesteen, laakiin ma uusan gaarin sababtii uu dakanadaas u abuurtay.

  1. Habacsanaanta doorashooyinkii Puntland

Intii uu Saciid Deni eryanayey hadafkiisa federaalka waxaa si weyn hoos ugu dhacay mashruucii doorashada dadweynaha ee Puntland. Sidoo kalana wuxuu maamulka dhowr jeer dhadhamiyey khilaaf gudaha ah.

Dhacdooyinka waa kuwa loo arko inay kamid yihiin khasaarooyinkii Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo gaaray doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.