25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xildhibaano iyo siyaasiyiin si jees-jees ah uga falceliyey cabashada KULANE JIIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay cabasho ka soo yeertay Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo Kulane Jiis loo yaqaano, kaas oo sheegay in lagala noqday ilaaladiisii, kadib markii maanta labo askari oo baxsad ah looga xiray garoonka Aadan Cadde.

Cabdullahi Kulane ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad ay masuul ka noqa doonaan wixii khatar ah ee ku yimaada ammaankiisa, isagoo sheegay in ilaalo lala noqdo aysan bedeli doonin mowqifkiisa.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Saadaq Joon, Axmed Macalin Fiqi iyo wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraallo ay uga falcelinayaan cabashada Xildhibaan Kulane Jiis.

Masuuliyiintaas ayaa ku jees-jeesay cabashada Cabdullahi Kulane oo mar ahaa nin awood badan ku dhex leh hey’adda NISA, waxayna ugu jawaabeen qoraalo gaa-gaaban.

Waxaa ugu qoraal ku yaab badnaa Xildhibaan Saadaq Joon oo yiri, “GONBARTII LEEWAAYE,” sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo qoray, “Maxaad i tiri Xildhibaane? Ma fahmin!” hadaladaas oo u muuqda kuwo aan muhiimad gooni ah siineyn cabashada Kulane Jiis.

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qoray, “Namruudkii Kibray ee yiri “Anaa waxna nooleeya, waxna dila” waxaa lagu salladay kaneeco dhegta ka gashay oo madaxa fariisatay! Markuu qeyladeeda u adkaysan waayayna, wuxuu u dhintay kabihii madaxiisa lagu garaacayey si kaneecada Loo dilo.”

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray, “In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado.”

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyagoo u socda gobolka Gedo oo laga soo qoray, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.

Sawirro: Sidee Xasan loogu soo dhoweeyey Abu Dhabi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa goordhow gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

“Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

In madaxweyne Xasan uu Imaaraadka Carabta ka dhigto dalka ugu horreeya ee uu booqanayo ayaa direysa farriin siyaasadeed weyn oo gudaha iyo dibedda dalka ah. 

Waxay muujineysaa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu dalka xukumayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Imaaraadka Carabta ayaa laga go’doomiyey siyaasadda Soomaaliya, lagana doorbiday Qatar, inkasta oo Soomaalida ay xiriir ganacsi oo taariikhi la leedahay Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

Booqashadan ayaa Doha u direysa farriin ah inay si rasmi ah usoo geba-gebowday saameyntii xoogganeyd ee ay ku laheyd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee lasoo dhaafay ee uu Farmaajo dalka xukumayey. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Xasan Sheekh uusan wax dan ah la lahayn inuu colaadiyo Qatar, balse uu doonayo in Soomaaliya ay dhammaan heshiis la ahaato dalalka gobolka, taasi oo qeyb ka ah siyaasaddiisa; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.

Kulane Jiis oo Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ku eedeeyey ‘arrin halis ku ah’ naftiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa soo saaray qoraal uu ku cadeynayo in lagala noqday ilaaladiisii oo labo ka mid ah maanta la xiray, iyagoo doonaya inay garoonka Aadan Cadde diyaarad ka raacaan.

Sidoo kale Xikdhibaan Kulane Jiis ayaa ku goodiyey in mowqifkiisa aysan ka leexi doonin cabsi gelinta uu kala kulmayo madaxda dowladda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in loo logo cadowga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA mahad Salaad ayaa sheegay inay qaadi doonaan masuuliyadda wixii qalqal amni ah oo ku yimaada naftiisa.

“In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado,” ayuu Cabdullaahi Kulane ku qoray bartiisa twitterka.

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.

Xogta ay heyso Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa in askarta la xiray oo gaaraya  labo askari ay kamid ahaayeen shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir, isla markaana si leexsan ilaalo ugu ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Kulane.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan ciidan boolis ah oo uu xaq u leeyahay xildhibaan kasta, waxaana loo ansixiyay xilligii baarlamaankii 9-aad.

Askarta maanta la xiray waxaa la sheegay in markii hore laga soo qoray gobolka Gedo oo awood badan uu ku lahaa Cabdullahi Kulane, xilligii Farmaajo, balse hadda waxaa la sheegay inay doonayeen in qoryaha ay la aadaan Gedo, iyagoo aan fasax ka helin taliska guud ee NISA.

Xildhibaanada dowlad goboleedkii u horeeyay oo taageeray R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu maanta la kulmay Hamza ayaa ahaa kuwa laga soo doorto dowlad goboleedka HirShabelle, iyagoo kulankaas si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la filaya in uu maalinta Arbacada la horgeeyo Golaha Shacabka, si ay ugu qaadan codka kalsoonida, kadibna uu uguda-galo howlaha culus ee horyaalla.

Sida laga bartay siyaasadda Soomaaliya inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin.

Hamza Cabdi Barre ayaa 15-kii bishaan waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hogaamiyo madaxweynaha.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Khilaaf salka ku haya Al-Shabaab oo ka dhex qarxay culimada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa aad usii xoogeystay khilaaf xoogan oo u dhexeeya culimada Ictisaamka iyo Salafiyiinta ee Somaliland, kadib markii uu Sheekh Barbaraawi sheegay in uu xiriir ka dhexeeyo Ictisaam iyo Al-Shabaab.

Sheekh Barbaraawi oo kamid ah culimada Salafiyiinta ayaa khudbad uu jeediyay ku eedeyay Ictisaam inay kamid ahaayeen ragaii aasaasay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

“Ilmo-galeenka Ictisaam ayuu Shabaab ka soo baxay. Ragga asaasay Shabaab waxa ay kamid ahaayeen Ictisaam. Isku fikir na way ahaayeen. Inta ay Shabaabku yiraahdaan bay oran jireen,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi.

Waxa uu tilmaamay in Ictisaam ay ku eedeyn jireen Salafiyiinta uu kamid yahay inay u shaqeeyaan dadka aan Islaamka ahayn, isla markaana ay jihaadka diidan yihiin, arrintaas oo uu hadda caan ku yahay ururka Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Barbaraawi ayaa waxa ka carooday culimada Ictisaam ee Somaliland, iyaga oo beeniyay eedeyntaas, waxayna dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

“Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Mustafe Aadan Maxamed oo kamid ah culimada Ictisaam ee Somaliland.

Sheekh Barbaraawi ayaa dhankiisa markale sheegay in looga yeeray wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland, islamarkaana uu hayo caddeymaha eedeynta uu u jeediyay Ictisaam.

“Waxaan diyaar u ahay in aan gole loo dhan yahay ku soo bandhigo doodayda ku aaddan arrinkaas,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa.

Culimada Salafiyiinta iyo Ictisaamka ayaa ah kuwo si weyn ugu xoogan gudaha Somaliland.

Si kastaba, Salafiyiinta ayaa aaminsan in dagaalada Muslimiinta dhexdooda ah ay yihiin kuwo “fidno” ah oo ay dembi tahay in dhinac lala safto, midaasi oo keentay in Al-Shabaab iyo ururada la fikirka ah ay u arkaan Salafiyiinta kuwo diidan waxay u arkaan jihaadka.

Ilaalada Kulane Jiis oo lagu xiray garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyaga oo uu ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta kuna hubeysna qoryaha fudud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadan askari ay kamid ahaayeen illaa shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane inay ilaaliyaan.

Ilaalada ka tirsan Duufaan ayaa waxay Xildhibaanka sii gaarsiinayeen sida wararku sheegayaan illaa inta uu ka helayo ilaalo Ciidan Boolis ah.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9-aad.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan ilaalada ka tirsan Duufaan ee la xiray, kuwaasi oo wararku sheegayaan inay safar u ahaayeen gobol.

Daawo: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war cusub kasoo saaray maqaamka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta khudbad kooban ka jeediyey kulan ay yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maqaamka gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in Aqalka Sare uu ka kooban yahay 54 Senator, balse ay ka maqan tahay metaaladda Muqdisho oo uu tilmaamay inay tahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho, si ay xubno ugu yeelato Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Aqalkani wuxuu ka kooban yahay 54 xubnood tiradaasi ma’aha tiro sidaasi ahaaneyso gobolka Banaadir oo muhiim ah ayaa ka maqan oo ay tahay tiro inay kasoo gasho oo weliba labada Aqal ay tahay lagama maarmaan qodobka 9-aad ee dastuurka, sida uu leeyahay in maqaamkii caasimadda labada Aqal ay soo sameeyaan,” ayuu yiri Xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Taa micnaheedu waxaa weeye xubno ayuu ku yeelanayaa gobolka Banaadir Aqalka Sare, laakiin hadda waa 54 xubnood inta dhisan,”.

Horey baarlamaanka Soomaaliya ayaa u meel-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Golaha Aqalka Sare, waxaana kadib saxiixay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), balse go’aankaas ayaanan dhaqan-gelin, kadib doodo xoogan oo hareeyey doorashooyinkii soo dhammaaday 15-kii bishii hore ee May.

Si kastaba, maqaamka magaalada Muqdisho oo muddo ah la’isku hayey ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan ay soo dhammaatay doorashadii Soomaaliya ee muddada dheer soo socotay.

Sacdiya oo noqotay gabadhii ugu horreysay oo ku-sime madaxweyne ka ah Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay taariikhda ee ku sime Madaxweyne ka noqota Soomaaliya, kadib markii uu maanta dalka Imaaraadka u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacdiya ayaa ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxayna fursadaan heshay, kadib markii uu isna shalay u baxay safar dibadeed Aadan Madoobe.

Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya ayaa dalka ka talineysa inta uu mid kood soo laabanayo Madaxweyne Xasan, ama Aadan Madoobe.

Haweeneydaan ayaa baarlamaanka kasoo gashay Puntland, waxayna horey u noqotay haweeneydii u horreeyey ee ku guuleysatay ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana isla markiiba sawirrada Sacdiya lagu baahiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto, iyada oo aad loo hadal hayo arrintan.

Haddaba  sidee looga falceliyey?

“Waa markii ugu horreysay ay gabar ku sime Madaxweyne Dalka ka noqoto soo dhawaada hablaheena” ayuu yiri Cabdirsaaq Xirsi Xaashi.

“Halkaas waxaa laga dheehan karaa in aan madaxweyne noqon karno, bal may inoo quuraan hal mar, si xasaanad leh madaxweyne ku noqo,” ayey tiri Aamina Daahir Saciid.

“Soo dhawaaw Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Hambalyo Hablaha Soomaaliyeed,” ayuu isna yiri Cabduqaadir Maxamed.

“Sharaf ayey inoo tahay hambalyo dhamaan dumarka Soomaaliyeed,” ayey tiri Najmo Cilmi oo ka mid ah dadka ka falcelinayey arrintan oo hadal heynta ka dhalisay baraha bulshada.

Safaaradda Turkey ee Xamar oo ogaatay khiyaano yaab leh oo looga qaadan jiray fiisaha

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa aad u adkeysay bixinta dal-ku-galka (visa) oo horay u sahlaneyd in muwaadiniinta Soomaaliyeed si fudud ku helaan.

Tallaabadda safaaradda Turkiga ay ku adkeysay bixinta fiisooyinka ayaa salka ku haysa dhowr arrimood oo Soomaalida u sabab ah, iyadoo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay garoonka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejinayay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Turkiga, kuwaaasi oo jabiyay xeerka socdaal iyo sharciyada ajaaniibta ee Turkiga.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda, Soomaalida oo nidaamka ay ku dalbadaan fiisooyinka ka been sheega ayaa sabab u ah in la hakiyo ama aad loo adkeeyo bixinta dal-ku-galka Turkiga.

Soomaalida ayaa la ogaaday inay ka been sheegaan shuruudaha lagu xero codsadaha oo ah; caddeynta dhaq dhaqaaqa seddaxda bil ee ugu danbeyso akoonka banki iyo lacagta ku jirto cadadkeeda, ayada oo doonayo inay ugu jirto dhowr kun dollar iyo hab isticmaalka bilihii u danbeeyay.

Laakiin Soomaalida ayaa soo daabacda akoono aan jirin ama qof kale leeyahay balse magaca laga beddelayo. Dabagal iyo baaris ay safaaradda sameysay mudooyinkii danbe ayey ka ogaatay in akoono badan oo loo soo gudbiyey ay yihiin kuwa diiwaan gashneyn ama qofka ku qoran aanu aheyn kan visaha ku dalbanaya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in bankiyada qaar iyo safaaradda Turkiga ay arrintaasi wada shaqeyn ka yeesheen, sidaasi darteedna cid kasta oo dalbada fiisaha la weydiiyo caddeymaha koonta numberka iyo isticmaalka lacagaha saddexdii bil ee u danbeeyay, ciddii keentana laga hubiyo bankiga uu isticmaalo.

Inta badan Soomaalida dalbado fiisooyinka dal ku galka Turkiga ayaa diidmo la wada siiyaa marka ay safaaradda ogaato inay been ka sheegeen shuruuda dhaqaale ee qofka lagu xero, waxayna sidoo kale taas keentaa in qofkaas weligiis laga mamnuuco inuu helo dal-ku-galka Turkiga.

Arrintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka arrimaha caafimaad doonaya iyo ardayda waxbarashada u raadsada Turkiga ee sida saxan wax ku raadinaya.

Dhinaca kale, todobaadyadii u danbeeyay booliska Turkiga ayaa bilaabay inay guryaha u galaan Soomaalida degan dalkaasi iyo kuwa bannaanka laga qabto, kuwaasi oo loo ugaarsanayo sharci darada iyo nidaamka tuuganimada ay ku joogaan Turkiga, ayada oo badankood uu ka dhacay dal-ku-galkii.

Dadkaasi oo ah kuwa ku yimaada fiisooyinka waxbarashada ama dalxiiska ee marka waqtigii loogu talagalay ka dhaca dib u cusbooneysiin ama raadsan deganaanshaha dalkaasi, kuwaasi oo qorshahoodu yahay inay ka tahriibaan Turkiga, markii horena fiisaha kusoo qaata waxbarasho ama dalxiis.

Waxaa side kale, sare u kacay qiimaha muqalasiinta siisan jiray fiisaha Turkiga lacag dhan 3000 ill 2500 dollar, halka muqalasiin kale oo la ogaaday iyo dadkii ay lacagaha ka qaateen qoorta iskula jira, waxaana magaalada ka taagan muranka arrimahaasi ku saabsan.

Dadka Soomaaliyeed ee burburka 30-ka sano ku dhacay la qabsaday ayaa waxay meel walba ay tagaan ama dani ka gasho waxay kula dhaqmaan si laalaab ah, taasoo keeneysa in meel walba ay kasoo xeranto ama laga karaahiyeysto.

Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online
[email protected]

Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay MUQDISHO oo maanta xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa waxay maanta xukun 15 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasi oo qaraxyada u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cusmaan ayaa billooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, ayada oo 29-kii May ku wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Ninkaan ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen qaadista agabyada gawaarida “spare parts” iyo qaraxyada, wuxuuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo waday magaalada Muqdisho.

Fadhiga Maxakmadda ayaa waxa Maxamed lala keenay cadaymo ay kamid yihiin dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Maxamed ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab kaga biiray magaalada Beledwayne, waxaana ku qal-qaaliyay nin ay qaraaba-yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ku xuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo safar muhiim ah ugu baxay Imaaraadka + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo ku soo aaday, kadib isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta ayaa goordhow waxaa garoonka kusii sagootiyey ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Somalia, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo aad u hooseeyey sanadihii la soo dhaaafay.

“Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.

KENYA oo shaacisay xilliga la fasaxayo QAADKA ay usoo dhoofiso Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale faah faahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wadahallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee lagu doonayo in lagu fasaxo qaadka dalkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ka xayirnaa Somalia.

Wasiirka beeraha ee Kenya Peter Munya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in qaadka ay Soomaaliya si rasmi ah u fasixi doonto 5-ta bisha soo socota July ee sanadkan 2022-ka.

Peter Munya ayaa xusay in heshiis ku aadan qaadka ay labada dowladood ku saxiixi doonaan magaalada Nairobi oo ay isugu tagi doonaan madaxda labada dal.

“Shanta July ayaa heshiiska lagu saxiixi doonaa halkaan oo ah magaalada Nairobi” ayuu yiri wasiirka beeraha ee wadanka Kenya.

Sidoo kale wasiir Peter Munya ayaa ka gaabsaday waxa ay dowladda Soomaaliya ku bedelaneyso qaadka dib loo fasaxayo oo ay Kenya ka hesho dhaqaale fara badan, Soomaaliya ayaana ah suuqa weyn ee loo soo dhoofin jiray qaadka laga keeno dalkaasi.

Soomaaliya ayaa horey dhankeeda shuruudo waa weyn u hordhigtay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah arrimaha ay dalbatay oo ay dooneyso in la fuliyo 1-Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, 2– Fududeynta safarka iyo 3– Dhoofinta Kalluunka.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan intaba.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo isbedel siyaasadeed uu ka dhacay Soomaaliya, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May.

Ha’ayadda Hiddo Soor oo qabatay munaasabad lagu maamuusayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay in Soomalida degan nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Twin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibayoonka Soomaalida. Maallinta June 18 ayaa noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Soomaalida. 

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Xarunta Hilde Performance Center ee ku taalla magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota, ayadoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw ay soo bandhigeen Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda. Munasabadaan waxaa kasoo qayb galay Soomaali gaaraysa ilaa sadex kun.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo ka qayb galay ma’uuliyiin ay ka mid yihiin Congresswoman Ilhan Omar, Duqa magaalada Plymouth, Minnesota Mayor Jeffry Wosje iyo Xilibaanad Plymouth ku Matasha Gobolka Minnesota Ginny Klevorn. 

Sidoo kale munaasabadaan ayaa noqon doonta mid sanadle ah, islamarkaana lagu soo bandhigo Hiddaha iyo dhaqanka.

Ugu danbayn, Mayor Jeffry Wosje ayaa Hiddosoor gudoon siiyay warqada uu ku ogolaaday in June 18 ay noqoto maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale Maxamed Ciise oo ah agaasimaha Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida inay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego.”

Muxuu Cumar C/rashiid ka yiri magacaabista Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hor ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday inuu wax wanaagsan u arko isbeddelka hoggaamineed ee ay gashay Soomaaliya, wuxuuna guul u rajeeyey madaxda cusub.

“Dadku hadda waxa ay u arkaan in isbedel wanaagsan uu yimid waxaan rajeyneynaa in Ilaahey jidka saxda ah ku toosiyo oo dalkan sifiican lugaha loogu istaajiyo” ayuu yiri.

Sharmaa’arke ayaa sidoo kale ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, wuxuuna tilmaamay in Xamza Cabdi Barre uu yahay nin ka bixi kara mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xamza uu yahay nin leh aqoon iyo karti, isla-markaana uu wax badan kala socdo dalka.

“Madaxweynuhu markii la doortay waqti buu qaatay sida sharciyaddu siineyso ra’iisul wasaaruu soo xulay nin aan is leeyahay mugeeda waa leeyahay, tayadeeda waa leeyahay, aqoonteeda waa leeyahay iyo khibradda gudaha waxa dalka ka jira,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha sugaya ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horreeyaan dhammeystirka dastuurka, arrinta Soomaaliya iyo Somiland, caddeynta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta Ciidamada.

“Dhammeystirka dastuurka oo u baahan in dadka laga tala-geliyo, arrinta Soomaaliya iyo Somaliland sidii loo gaarsiin lahaa oo loo dhammeystiri lahaa, arrimihii siyaasadda iyo amniga, waxa kale oo dhiman arrinta xamar State-keeda sidii dastuurka loogu qeexi lahaa, waxaa is leeyahay arrimo badan oo masiiri ah ayaa yaallo” ayuu markale yiri Sharmaa’arke.

Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta ka ahaa doorashadii soo dhammaatay, inkastoo uusan isa soo sharixin, haddae wuxuu safka hore uga jiray hardankii socday, isaga oo kusoo laabtay dalka, kuna biiray shirarkii magaalada Muqdisho, ka hor doorashadii la qabtay 15-kii bishii hore ee May ee sanadkan 2022-ka.

DF oo war kasoo saartay GO’AANKA lagu joojiyey duulimaadyada gudaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saartay cabashada ay shirkadaha diyaaradaha ka muujiyeen badqabka garoomada dalka qaarkood ee keenay inay duulimaadyada joojiyaan.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka mas’uul tahay badqabka dhammaanba duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo dhanka kalena sheegtay inaanay jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay badqabka dhammaan duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo ka duuleysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba (SOMCARS).

“HDRS waxa ay halkan ku caddeynaysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah. Hay’addu waxba kama oga warqadda lagu baahiyay barraha bulshada, ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022, kuna taariikhaysan 18th June, 2022 Iyo khatarta ay ka hadleyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.

Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo shalay kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo Axadda19-ka Juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”

Sawirro: Xijaar oo sarkaal sare oo Itoobiyaan ah kula kulmay Addis Ababa + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Somalia Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay taliyaha booliska federaalka Itoobiya Gen. Demelash Gebremichael.

Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo amniga labada dal, waxayna labada dhinac isweydaarsadeen xogaha boolis ee labada dal.

Taliye Xijaar iyo wafdiga saraakiisha boolis uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Addis Ababa waxay ugu qeyb gelayaan shirweynaha booliska adduunka INTERPOL ee Bartamaha iyo Bariga Africa.

Soomaaliya oo xubin ka ah booliska adduunka ayaa waxay shirkaasi kusoo bandhigi doontaa horumarka iyo waxqabadka booliska Soomaaliyeed oo sanadihii danbe horumar sameynayay.

Somalia, waxay Interpol dhowr mar kala shaqeysay falal danbiyeedyo la rabay in xal laga gaaro, waxayna Somalia, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha Muqdisho ka qabteen booliska ka howlgala dad Interpol ku raad joogtay, halka Somalia loo soo gacan geliyay eedeysanayaal baxsad ahaa.

Sababta Al-Shabaab looga adkaado dagaallada ay la galaan shacabka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dagaalkii xooganaa ee deegaanka Baxdo ee lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab waxaa isa soo taraya falcelinta ka dhalatay dagaalkaas oo ay guul weyn ka soo hooyeen shacabka deegaankaasi oo hoostaga gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo subaxii Jimcaha ku qaaday Baxdo oo 90 KM bariga ka xigta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa la kulantay khasaare lixaad leh oo ah kii ugu ballaarnaa waxaana looga dilay xubno badan, iyadoo looga qabsaday hub.

Haddaba Maxay Al-Shabaab guul-darro u gala kulmaan dagaallada ay la galaan shacabka?

Axmed Kaboole oo bartay arrimaha ammaanka, horeyna u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa VOA-da uga warramay dagaalkaas, gaar ahaan cashirka loo dhigay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Falanqeeyahan ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhexeeyo marka ay Al-Shabaab la dagaalamayaan ciidamada dowladda iyo marka ay wajahayaan shacabka, isaga oo tilmaamay in haddii la abaabulo dadweynaha ay badanaa ku jabaan xoogaga Al-Shabaab.

“Dhacdooyinka Al-Shabaab dagaallada lala galay ama dowladdu la gashay ama dadka shacabka ah la galaan way kala duwanaayeen haba ugu dmabeyso dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo, Marka la fiiriyo dagaalka ay la galaan dadka shacabka ah oo is abaabulay iyo dagaallada ay la galaan ciidamada dowladda farqi weyn ayaa u dhexeeya, waxaad moodaa in markii dadka shacabka ah la dagaalmayaan inay badanaa ku jabaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay taasi ugu wacan tahay in kooxda aysan aheyn kacdoon shacab, isla-markaana ay shacabku saldhig u yihiin in lala dagaalo ama laga adkaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ugu wacan ayaan isleeyahay waxaa la ogaaday in nimaankaas argagixisada ah badanaa waa koox ama kacdoon shacbi ma’ahan waxa ay ku dagaalamayaan badanaa marka dadweynaha ayaa saldhig u ah in lala dagaallo ama laga adkaado,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri  “Runtii Al-Shabaab ma’ahan ururkaan weynoo meel kastaa lagula dagaalamaa waayo aragnimo waxaa la helay in la awoodeeyo bulshada oo la’isku dhaweeyo nidaamka dowliga ah iyo bulshada, si aysan ugu dhuumanin qaabkaasna looga adkaado,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay meydadka xubnihii laga dikay kooxda Al-Shabaab oo ay ajaaniib ku jiraan, sida ay sheegtay Galmudug iyo hub fara badan oo laga qabsaday lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Maraakiib jariifay kalluunka Soomaaliya oo lagu daray liis halis ah + Dalalka iska leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda ilaalinta kalluumeysiga Tuna ee Badweynta Hindiya ayaa sheegtay in liiska madow lagu daray laba markab oo laga leeyahay dalalka France iyo Spain, kuwaasi oo si sharci darro ugu kalluumeysanayay Badweynta Hindiya, iyagoo xaluufinayay kalluunka nooca Tuna ee xeebaheena laga helo.

Hay’ada Blue Marine ayaa dhawaan kashiftay xaluufinta iyo boobka labadaan markab ku hayeen Badweynta Hindiya, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya.

Ha’yadda IOTC ayaa shirweynihii 26-aaad ee Sychelles ka sheegtay in dadka iyo maraakiibta wadata calamada France iyo Spain inaan loo ogolaan doonin aaga kheyraadka ee Badweynta Hindiya oo Soomaaliya ugu horeyso.

“Jarriifka sharci darada ee tuuganimada ku saleysan wuxuu dhibaato aan iyo nabad guur u geystaa baddeena kheyraadka buuxa, wuxuuna dhibaateynayaan dadka nolosha badda ku tiirsan ee dunida oo idil,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda ilaalada kalluumeysiga Tuna ee Badweynta Hindiya IOTC.

Maraakiibta Spain iyo France ayaa loo diiwaan geliyay inay si sharci daro ah ku jariiftaan 97% kalluunka Tuna, tirada ugu badanna waxay ka filaaftaan badweynta Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay shirkaddo shisheeye oo China ugu horeyso ay siisay shatiyo u ogolaanayo inay ka kalluumeystaan baddaha Soomaaliya, waxayna tallaabadaasi halis ku tahay kheyraadka sii yaraanayo ee badda Soomaaliya.

Soomaaliya ma lahan awood dowladeed oo la xisaabtama shirkaddaha sharci darada ugu kalluumeysanaya xeebaheeda, taasoo keentay in 30 sano maraakiibta shisheeye ay usoo shaqo tagayeen xeebaha Soomaaliya oo aysan jirin cid ka ilaalisa.

Madaxweyne Guudlaawe oo xilalka ka xayuubiyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilalkii ka qaaday labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumadiisa, balse wareegtada xilka looga qaaday wasiirradaan laguma magacaabin xubno cusub.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.”

Labada wasiir ayaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, sida ku cad warqadda uu caawa soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku taariikheysan 16-kii bishaan.

Faahfaahin intaas dheer laguma xusin warqadaan, markii laga soo tago in wasiirradaan lagu heysto xil gudasho la’aan aan laga bixin sharaxaad kale.

Hoos ka akhriso warqadda

Daawo: Maxay tahay sababta maanta Villa Somalia loogu casuumay warbaahinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta ku martiqaadday weriyeyaal ka tirsan warbaahinta gaarka loo leeyahay shir-saxaafadeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddada uu xafiiska joogay.

Weriyaasha ayaa Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, hordhigay weydiimo ku saabsan abaaraha, ammaanka iyo su’aalo quseeyay siyaasadda oo uu mid mid uga jawaab celiyay.

“Qorshaheenna warbaahineed waxaa ka mid ah in si joogto ah aan bulshada ula wadaagno xogta iyo xaaladaha soo kordha ee dalka, waxaa noo qorsheysan inaan si joogto ah bulshada ula hadalno oo uga  haqab tirno xogta qaran ee la wada leeyahay,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar.

Weriyaasha maanta tegay madaxtooyada ayaa afhayeenka weydiiyey su’aalihii ay qabeen halka isaguna uu uga jawaabay, iyadoo su’aalaha inta ugu baday ay ka imaanayeen dhinacyada amniga, abaaraha iyo xog siinta warbaahinta.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay cabasho xoog leh kasoo yeertay warbaahinta madaxa banaan oo ku dooday in lagu casuumay magacaabaidii Ra’iisul Wasaaraha, balse balantii looga baxay.

Hoos ka daawo warbixinta