26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Wafdi Talyaani ah oo ballan-qaad culus soo gaarsiiyey Xasan Sheekh kadib kulan ka dhacay VILLA SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Talyaaniga Luigi Di Maio.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu kasoo saartay kulkaas.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay.

“Wasiirku wuxuu soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa dowladda federaalka Soomaaliya dib u dhiska ciidamada qalabka sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.

Madaxweyne Xasan oo laga dalbaday inuu GEDO hoos geeyo wasaaradda A/Gudaha

0

Baladxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cabdi Caroog ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in laga qaado waxa uu ugu yeeray isbaaro siyaasadeed oo ay kala kulmayaan Kismaayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay isbaaro siyaasadeed kala kulmayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, wuxuuna codsaday in gobolka Gedo la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha.

“Dadka gobolka Gedo waa dad jecel inay dowladda la shaqeeyaan, balse dowladda wax kama helaan, waxaan dowladda Xasan Sheekh ka rajeeneynaa inay noqoto middii wax u qaban laheyd gobolkaan,” ayuu yiri Cabdirashiid Cabdi.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “In dowladihii aysan waxba noo qaban waxaa hadda noogu darsan inay isbaaro siyaasadeed noo taalo Kismaayo, ugu horeyn waxaan rabnaa in Xasan Sheekh uu naga caawiyo inuu isbaaradaan naga qaado, waa isbaaro siyaasadeed oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka dagan Gedo.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in rajada dadka reer Gedo ay tahay mid quus taagan, wuxuuna sheegay in tiro yar bis ay rumeysan yihiin inay xaaladdan ka bixi doonaan si ay ula jaan qaadaan dadka intiisa kale.

“Waxaan marka hore codsan laheyn in isbaaradaan siyaasadeed laga qaado Gedo kadibna gobolka wax loo qabto, haddii uu madaxweynaha cusub aaminsan yahay inay arrintaan waqti badan qaadaneyso, waxaan soo jeedin lahaa fikir ahaanteeda in gobolkan xor laga dhigo oo la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, si aan u helno tashiilaadkii dowladeed oo aan uga baxno isbaaradii siyaasadeed ee dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba noo saameysay,” ayuu yiri guddoomiyaha Cabdirashiid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka gobolka Gedo ay 100% u codeyn doonaan inay helaan xornimo, islamarkaana la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha, balse wuxuu sheegay inay taas ka fududaan laheyd in la helo Jubaland loo dhan yahay.

“Waxaa taas ka fudud in la helo Jubbaland loo dhan yahay oo qof kasta oo Jubbaland ku nool uu ka heli karo xuquuqda uu leeyahay, ciladda waa iska caddahay qof kastana wuu yaqaanaa, Axmed Madoobe wuxuu sameystay Jubbaland Kismaayo ka jirto oo uu ku dhaqo sharci uu isaga sameystay.”

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday waxay aheyd in dad dagan 9 degmo inuu siiyo xilka labaad ee Jubbaland (Madaxweyne ku-xigeen), halka dad daga 2 degmo ay xilkii ugu sareeyey qaataan, wuxuu ahaa qaladkii ugu weynaa ee la sameeyey.”

Cabdirashiid ayaa xusay in kursiga madaxweyne ku-xigeenka ee la siiyey dadkaas xataa laga dhigay mid uu soo magacaabayo madaxweynaha oo uu markii uu rabo xilka ka qaadayo halkii ay aheyd inuu ka dhigo xil lasoo doorto.

“Waa in wax laga badalo dastuurka iyo sharciga u yaalo Jubbaland oo ah mid uu qof jeebkiisa kala soo baxay, isku keenidda Gedo iyo Jubbaland maahan dib u heshiisiin loo sameenayo Axmed Madoobe iyo iyaga ee waa in la saxo waxyaabaha ka qaldan dastuurka Jubbaland, markii tallaabadaas la qaado waxaa soo baxayo Jubbaland loo dhan yahay.”

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Baladxaawo Cabdirashiid ayaa kusoo aadayo xilli uu meesha ka baxay maamulkii madaxweyne Farmaajo ee markii hore ka dambeeyey khilaafka soo kal dhex galay Jubbaland iyo Gedo.

Arrinta Gedo ayaa waxay kamid tahay dhibaatooyinkii ay ka tagtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Farmaajo ee xalkooda laga sugayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, mana lasii saadaalin karo sida uu arrintaan u wajahayo.

Xildhibaanada Ikraan Tahliil ku metala BF oo dalab xasaasi ah u diray XASAN SHEEKH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ay magaalada Muqdisho ku qabteen xildhibaanada sida qaaska ah u metelayay Ikraan Tahliil oo ah Sarkaal la weysan yahay muddo ku dhow sanad, ayaa si adag uga hadlay sheegashada Fahad Yaasiin.

Taliyihii hore ee NISA ayaa ku eedeeyay dilka Ikraan inay ku lug leeyihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Agaasimaha NISA ee Mahad Salaad iyo Al-Caddaala, kuwaasi oo muddooyinkii dambe siyaasad ahaan isku hayeen.

Senator Samsam, oo ka mid ah xildhibaanada goobta ka hadlay, ayaa sheegtay in Fahad uu kala garan la’yahay dadka ay isku hayaan siyaasada iyo kiiska Ikraan, islamarkaana uu ciilka siyaasadeed ee uu qabo kula dul dhacay masuuliyiinta dowladda.

“Ikraan waxay aheyd xubin Active ah oo waxa cadeyn u ah in Ikraan jaamacad u direen Hay’adda oo Fahad u yeeray, kuna soo noqotay magaalada Muqdisho amar ay siisay hay’adda,” ayey tiri Senator Samsam.

Sidoo kale waxay sheegtay kala-hadalka Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey in laga leeyahay in lagu jahwareeriyo kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana waxba kama soo qaadan laga dhigo kiiskaas.

“Hadda nahay xildhibaanadii metelayay Ikraan oo aan ku idilnahay madashaan arrintaan ma ogolin. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa si qaas ah uga codsaneyna in kiiska Ikraan dib loo furo oo maxkamad lasoo saaro dadka lagu tuhmayo inay ku maqan tahay Ikraan.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Gaab oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Qadiyadda Ikraan Tahliil waa in cadaaladda la horkeenaa Madaxweyna Xasan Sheekh waxaan leenahay Kiiskan waa in cadaalad loo helaa.”

Xildhibaan Cali Xaaji ayaa isna yiri “Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu u egyahay kii Jamaal Kashoqji laakiin Qofkasta oo Kiiskan ku lug lahaada looma aaba yeeli doono, Gabdhaas iyo Dadkii kale ee la dhibaateeyey 5-tii Sano ee lasoo dhaafey waa in ay helaan Cadaalad.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsatay madaxweyne Xasan Sheekh in uu guddi dhex-dhexaad ah u saaro kiiska Ikraan, si cadaalad ahna u baara cidii ku lugta laheyd ee ka dambeysay, lana marsiiyo cadaalada.

Qodobo laga soo saray shirkii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gaba-gabeeyay shirkii ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qoddob.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah 5-ta Madaxweyne Goboleed ee dalka, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa waxa uu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada-dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

“Goluhu waxay ugu horeyntii u hambalyeeyeen Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxayna Alle uga baryeen inuu waajibaadka qaran u fududeeyo. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho dhab ah. Sidoo kale Goluhu waxay balanqaadeen inay si niyad-sami ku jirto ula shaqeynayaan Madaxweynaha.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay Goluhu ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

Madaxda Golah Wada-tashiga Qaranka ayaa sidoo kale isla meel-dhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

Ugu dambeyntiina waxay ku baaqeen in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda:

I. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:

1- Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

2- Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

3- Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda. 

4- Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.

5- Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. 

6- Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada. 

7- Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.  

II. XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. 

Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

—- DHAMAAD —-

Fahad oo Mahad Salaad ku eedeeyey isku dayga dil ee ra’iisul wasaare iyo shan kiis oo kale oo xasaasi ah (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa taliyaha cusub ee hay’adaas Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa wareysigiisa mudadaan socday ku sheegay in Mahad Salaad uu yahay nin u shaqeeyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana u fududeeyo howlaha ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Soomaaliya.

Dilalka iyo qaraxyada uu Fahad Yaasiin ku eedeeyey inuu Mahad Salaad ka dambeeyo ayaa waxaa kamid ah:

1- Dilka ra’isul wasaare:

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo mid ka mid ah ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya, oo uu hadda sheegay inuu nool yahay balse uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa.

“Ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya mid kamid ah inuu dilo ayuu isku dayey iyadoo ay Al-Shabaab isticmaalayaan, aniga markaan xogta helay ra’iisul wasaarahaas ayaan wacay, waxaan ku yiri Mahad Salaad iyo qof la socdo makuu imaanayaan? Haa, ayuu igu dhahay, ha qaabilin ayaan ku dhahay, farqiga u dhaxeeyana waxay aheyd 25 daqiiqo, daqiiqadahaas aan aniga soo dhex galay ayuu ku badbaaday,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Mar la waydiiyey inuu sheego ra’iisul wasaarahaas magaciisa, ayuu sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego.

2- Inuu qaraxyo usoo diyaariyey kulanka ay yeelan lahaayeen labada gole ee baarlamaanka.

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu sameeyey qorsho qaraxyo looga fulin lahaa kulan ay yeelan rabeen labada aqal ee baarlamaankii hore ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Wuxuu qorsheeyey oo uu Al-Shabaab kala shaqeeyey oo Mahad Karataay oo ninka uu u shaqeeya ah kala shaqeeyey meeshaas in laba baabuur lasoo geliyo oo madaxdii qaranka la qarxiyo, way nool yihiin tafaasiisha ma siin, laakiin guddoomiye Cabdixaashi taleefoon ayaan u diray waxaan ku iri berito kulankaas hala baajiyo sababo amni darteed, Maxamed Mursal baan taleefoon u diray, waxaan ku yiri kulankaas hala baajiyo, madaxweynahana sidaas oo kale ayaan ugu sheegay weliba Farmaajo tafaasiisha dhan waan siiyey,” ayuu yiri Fahad.

Fahad ayaa xusay in digniinta uu bixiyey awgeed loo baajiyey kulankii ay yeelan lahaayeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3- Dilka  taliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

“Mahad Salaad ayaa dilkaas qorsheeyey isaga ayaana dilay, Qooje Yare ayaa la yiraahdaa waa taliyihii NISA ee Dhuusamareeb, waa nin dhalinyaro ah oo caqli badan oo dagan oo qiimo leh ayuu ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

4- Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xill uu halkaas tagayey Ra’iisul Wasaaraha.

“Isagaa ka dambeeyey oo qaraxaas fuliye, waxaana lagu dilay taliyihii ciidamada Militariga ee Galmudug oo isna la oran jiray Qooje, iyo laba sarkaal oo sar sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaan loogu talagalay in qaraxaas lagu laayo dhammaan mas’uuliyiinta, waana xaqiiq leh marqaati oo aan sheegi karno dadkii kala shaqeeyey,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Mar weriyaha uu weydiiyey in goobta qaraxaas uu ka hadli lahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuu Fahad ku raacay sidaas, isagoo xusay in la rabay in dad baan halkaas lagu laayo.

5- Hoobiyaal lagu garaacay Muqdisho

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu isaga ka shaqeyn jiray hoobiyaashii lagu garaaci jiray magaalada Muqdsho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Hoobiyaashii lagu garaaci jiray Muqdisho waxaa gadi jiray Mahad Salaad, isagaana meesha laga soo ridi jiray kasoo riday, wuu ogaa Mahad Salaad inaan anaga ognahay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, laakiin wuxuu ku gamban jiray xasaanadda uu heysto ee xildhibaanimada ah,” ayuu yiri Fahad oo u muuqday nin xanaaqsan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fududaaday inuu Mahad Salaad u magacaabo taliyaha NISA isagoo ku tilmaamay inuu yahay cadowgii laga ilaalinayey.

“Nasiib darro iyo calool xumo iyo dhibaato ayey ku tahay in hay’addii Nabad-Sugidda qaranka loo dhiibo nin dhibaato ku ah amniga, waxaan ku sifeyn karaa fadeexadii qarniga dhacday inay tahay,” ayuu yiri Fahad.

6- Weerarkii Villa Somalia

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Mahad Salaad inuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore, balse wax faah-faahin ah kama bixin.

Ugu dambeyntii Fahad yaa sheegay inuu madaxwceynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu farriin ugu dhiibay qof ay saaxiibo yihiin markii uu maqlay in Mahad Salaad loo magacaabi rabo talyaha hay’adda uuna uga digay inuu tallaabadaas qaado, balse wuxuu sheegay inuu naxay markii uu maqlay warka sheegaya in Mahad Salaad xilka loo magacaabay.

Kornel Macow: Ikraan Tahliil saddex meelood ayaa la geeyey kahor inta aan la dilin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kornel Cabdullahi Cali Macow oo si dhow ula socday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, mararna badana ka hadlay ayaa jawaab ka bixiyey hadalka kasoo yeeray taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kornel Macow oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu ka been sheegay xogta kiiska Ikraan Tahliil ee uu soo bandhigay, sida uu hadalka dhigay.

“Warbaahinta horta waxa uu la wadaagay waa wax aan jirin waa been, ilmaha yaryarka ayaa xittaa fahmi karo,” ayuu yiri Kornel Macow.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in kahor inta aan la dilin Ikraan la geeyey saddex meelood, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in su’aallo laga weydiiyo Fahad.

“Ikraan Tahliil saddex meelood ayaa la geeyey, kahor inta aan la dilin, waana in Fahad Yaasin su’aallo laga weydiiyaa kiiskan,” ayuu markale wareysiga ku yiri Kornel Macow.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday eedda uu jeediyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo Mahad Salaad Maxamed, isaga oo ku tilmaamay arrin la xiriirto naceyb iyo gef uu sheegay inuu u geysanayo madaxda qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaa waayey inuu yiraahdo ra’iisul wasaarihii dalka, Al-Cadaala iyo Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey meeshaas waxaa ka muuqdo naceyb iyo borobagaando oo u gefaayo madaxdii Ummadeed,” ayuu raaciyey.

Kornelka waxa kale oo intaasi ku daray “Dadaa la dilay, dadaa la afduubay, dukumintiyaal waxaan heynaa gabdho 4 ahoo la kufsaday, markii dambana loola caray Galmudug,”.

Hadalkan ayaa qayb ka ah falcelinta ka dhalatay Fahad Yaasiin oo markii ugu horreysay bixiyey wareysi dhaliyey muran xoogan, kadib markii uu shaaciyey inay kiiska Ikraan ay ku lug lahaayeen Rooble, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Mahad Salaad iyo dowlado shisheeye.

CC Shakuur oo dalbaday in dabagal lagu sameeyo lacag ay hayso xukuumadda oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Ergeyga gaarka ah  ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha gurmadka Abaaraha ee loo sameynayo dadka tabaaleysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga ayaa si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe inuu Baarlamaanka ku daba galo sababta weli xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii dowlada Imaaraadka Carabta ugu deeqday Abaaraha ka jira dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ka codsaday in jawaab rasmi ah laga keeno lacagtii halka milyan aheyd ee xukuumaddu sheegtay inay Abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax hormar ah oo laga sameeyey.

Sidoo kale gudiga Abaaraha iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa guddoomiyaha waxay ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii baarlamaanka Abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday, si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku nool qeybo ka mid ah dalka.

Dalabkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, iyada oo dalka uu haatan ka socdo abaabul xoogan oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, kuna aadan gurmadka Abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay Abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana haatan isa soo taraya xaaladaha bini’aadanimo ee lasoo warinayo.

Xogta shirka golaha wada-tashiga ee Xamar ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah 5-ta Madaxweyne Goboleed ee dalka, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta lasoo gabagabeyn doono, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadabn waxyaabaha ay ka wada-hadleen madaxda qaranka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirka maanta diirradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ku aadan xaaladda abaaraha ka dhegeystay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan abaaraha, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay uga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha oo la qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa noqonayo kii labaad oo uu si toos ah ula yeelanayo Madaxweynaha cusub, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid deggan, waxaana isha lagu hayaa dhismaha dowladda cusub oo uu ugu horreeyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Kadib hadalkii Fahad Yaasiin, xildhibaan Daahir Jeesow oo sheegay cidda dishay Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Ikraan Tahliil Faarax ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Jeesow oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid hadalka kasoo baxay Fahad, wuxuuna tilmaamay in sarkaalad NISA ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

“Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu ku maqan yahay Nabad Sugid waa la ogyahay. Qof isaga is difaacaayo iyo qof isaga wax iska fogeynaayo iyo qof isaga difaac ku jiro in wax laga weydiiyo ma’aha,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ikraan aysan helin baaritaan madax bannaan, ayna u baahan yihiin inay NISA shaaciso sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan kiiska gabadhaas.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in aan lagu qanci karin eedda uu soo jeediyey taliyihii hore ee NISA, wuxuuna tilmaamay in mar hore looga baahnaa tallaabada uu qaaday.

“Nimankan hadda ayey qabsadeen laguma eedeyn karo, haddii lagu eedeynaayo, iyaga oo mucaarad ah oo dhibaato ay geysteen maalintaas ayaa lagu maxkamadeyn lahaa oo magacyada sida hada loo shaaciyey loo sheegi lahaa” ayuu markale yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxa kale oo uu raaciyey “Wuxuu leeyahay agaasimihii hore waxaa gabadha ay aheyd baaga muudo maya Ikraan baaga muudo ma aheyn 2 bilood ayey waddanka joogtay tabar iyo koorso ay iyaga u direen oo Jaamacad iyaga u direen lacagna ka bixiyeen ayey kasoo qalin-jabisay”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay wareysiga Fahad Yaasiin ee ku aadan qaybta kiiska Ikraan Tahliil, waxaana dadka ka hadlay ka mid ah Hooyo Qaali Guhaad oo ganafka ku dhufatay hadalka kasoo yeeray taliyihii hore ee hay’ada NISA.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya oo dalbatay in xilka laga qaado Uhuru

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Martha Koome ayaa dooneysa in xilka laga qaado madaxweyne Uhuru Kenyatta, sababo la xiriira inuu magacaabo 6 ka mid ah 40-ka garsoore ee ay soo gudbiyeen guddiga adeegga garsoorka. 

Racfaan ka dhan ah xukun kasoo baxay Maxkamadda Sare, ayey Koome ku dooneysaa in maxkamadda racfaanka ay ku dhowaaqdo in xalka diidmada madaxweynaha ee ah inuu magacaabo lixda garsoore, uu yahay in xilka laga xayuubiyo. 

Maxkamadda Sare ayaa amartay madaxweynaha inuu dhaariyo lixda garsoore, taasi oo haddii uu ku guul-darreysto ay tahay inay sameyso guddoomiyaha Maxkamadda Sare. 

Si kastaba, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa diiday inay kaalintan qaadato, waxayna dooneysaa in Maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. 

“Waxaa lasoo jeediyey in maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. Ku dhowaaqista jebinta qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) waxay horseedeysaa in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo,” ayey tiri Koome.  

Qodobkan 166(1)(b) ee dastuurka oo ay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku eedeysay inuu jebiyey Uhuru ayaa dhigaya “Madaxweynaha waa inuu magacaabaa dhammaan garsooreyaasha, si waafaqsan soo jeedinta Golaha Adeegga Garsoorka.” 

Garsooreyaasha uu Uhuru diiday inuu magacaabo ayaa kala ah; George Odunga, Aggrey Muchelule, Prof Joel Ngugi, Evans Makori, Judith Omange iyo Weldon Korir, kuwaasi oo hadda Golaha Adeegga Garsoorka ay u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka.

Isaga oo sharxaya sababta uu u diiday inuu magacaabo garsooreyaasha, Uhuru ayaa soo xigtay warbixin uu sheegay inay usoo gudbisay hay’adda sirdoonka ee NIS, taasi oo sheegtay in lixda garsoore ay yihiin kuwa “wasaqeysan.” 

Si madaxweyaha xilka looga xayuubiyo, waa in mooshin ay soo gudbiyaan xubnaha Golaha Qaranka ama Baarlamanka, kadibna ay taageeraan saddex meelood meel (231 xildhibaan).

Muddo xileedka Uhuru ayaa waxaa ka haray kaliya lix toddobaad kahor inta aanay dhicin doorashada madaxweynaha.

Ethiopia oo lumisay saamigii ay DEKEDDA BERBERA ku laheyd ee ah 19 boqolkiiba

Hargeysa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa lumisay saamigii ay ku laheyd dekedda Berbera ee ahaa 19 boqolkiiba, kadib markii ay ku guuldarreysatay inay fuliso shuruudihii looga bahnaa si ay u dhameystirto lahaanshaheeda, waxaa sidaas sheegtay dowladda Somaliland. 

Tani waxay si rasmi ah ah u beddeleysaa heshiiskii la gaaray 2017 ee u dhaxeeyey Ethiopia, DP World iyo Maamulka Dekedaha Somaliland ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Ethiopia way ku guuldarreysatay inay kasoo baxdo shuruudihii looga bahnaa kahor waqtigii loo qabtay si ay ula wareegto saamigeeda. Sidaas darteed, wax saami ah ma lahan hadda. Balse waxaa xusid mudan in lahaanshaha aanu wax macno ah sameyneyn.”

Sida uu sheegay wasiirka, mid ka mid shuruudaha ayaa ahaa inay lacag ku tabarucdo dhismaha dekedda, taasi oo Addis Ababa ay ku guuldarreysatay inay soo gudbiso. 

Ethiopia iyo Somaliland ayaa iskaashi kula sameystay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta in dib loo dhiso dekedda Berbera, oo door weyn ka qaadata isku xirka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sida uu dhigay heshiiska la saxiixay 2017, DP World ayaa leh saamiga ugu badan ee dekedda oo ah 51 boqolkiiba, halka Somaliland iyo Ethiopia ay kala leeyihiin 30 iyo 19 boqlkiiba, sida ay u kala horreeyaan. 

Heshiiska ayaa la gaaray toddobaad kadib markii Jabuuti ay soo afjartay heshiis ay la gashay DP World oo ay ku maamuli laheyd dekedda Doraleh ee Jabuuti. 

Sida ku cad heshiiska 2017, dowladda Ethiopia ayaa laga doonayey inay horumariso waddo 260 km ah oo dekedda Berbera ku xirta xuduudda Ethiopia. 

Dowladda Ethiopia ayaan weli jawaab ka bixin go’aanka Somaliland ay ku sheegtay inay lumisay saamigeeda.

Si kastaba, Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa weriyayaasha u sheegay in dowladdiisa ay eegi doonto xaaladdan cusub. 

Maxay tahay farriinta wafdiga ka socda Uganda ay xalay u gudbiyeen Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Uganda oo soo gaaray Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada dalka Uganda ayaa socdaalkaan ku wehliyey Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda, waxayna dowladani qeyb ka tahay howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

“Mudane John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal hambalyo ah iyo farriin ay ka sideen Madaxweynaha dalkaas Mudane Yoweri Museveni,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyadu.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyey wafdigaan ka socda dowladda Uganda, wuxuuna agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca sheegay in kulankii xalay diiradda lagu saaray howlgalka ATMIS oo ciidamada ugu badan ay ku leedahay Uganda.

Dhinaca dowladda Soomaaliya kulan wafdigaan uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku wehliyey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Falcelin ka dhalatay weerar loo arkay inuu Fahad Yaasiin ku qaaday beesha Habargidir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin ayaa shalay markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri aan lagu arag in ka badan 11 bilood, wuxuuna si yaab leh uga gilgishay eedeymaha dul hoganaya ee shirqoolka gabadhaas oo ka tirsaneyd hey’adii uu hoggaaminayey ee NISA.

Fahad oo iska leexinaya kiiska Ikraan ayaa weerar toos ah ku qaaday siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habargidir, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa in kursigii xildhibaanimo la dhaafiyo Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa sheegay inay Ikraan shirqooleen Ra’iisul Wasaare Rooble, Taliyaha NISA loo magacaabay Mahad Salaad iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala,  sidoo kalena uu dilay Mahad Karataay oo ah horjooge ka tirsan Al-Shabaab, kana soo jeeda beesha Cayr ee Habargidir.

Dad badan oo ka fal-celiyey hadalka Fahad waxay muujiyeen in ninkaan uu eedeymo u soo abaabulay siyaasiyiin ka soo jeeda hal beel, kuwaas oo ah raggii dhaafiyey kursiga.

Mahad Salaad ayuu si gaar ah ugu xagliyey inuu xiriir la leeyahay Mahad Karataay oo ay kasoo wada jeedaan beesha Ayaanle Cayr, halka Rooble iyo Al-Cadaala ay ka soo kala jeedaan Sacad iyo Saleebaan.

Fal-celinta dadka waxaa aad ugu soo noq-noqotay in Fahad uu ku dadaalay in eedeynta kiiskaan ee Habargidir ku wajahan uu ku soo daro beesha Duduble oo ah lafta ugu weyn beeshaas, isagoo sheegay in xaafadda Daarusalaam ay gabadha ugu geeyeen Al-Shabaab.

Waxaan soo uruurinay qaar ka mid ah fal-celintii dadweynaha:

Abwaan Guure ee soo qaatay qoraal horay uga soo baxay NISA ayaa yiri, “Fahad Yaasiin Laba sano ka hor waxuu iidheh u sameynayay Mahad Karataay, Marka ma dirireen? Mise ciilka reer hebel ayuu kula dhacay?”

Xasan Nuur ayaa yiri, “Hal sabab oo yar oo lagu qanci karo sooma bandhigin Fahad, hadiiba ay jirto amni iyo dal la qalqal gelinayo sabab loo dooran karay gabar yar oo shaqo la’aan ah ayaa meesha oolin ama caqligu uusan sheegi karin. Wareeysiga Fahad waxa uu si kooban u soo bandhigay in aamusnaanta Fahad iyo isqarinta keliya ay daarneeyd caqli iyo xikmad xumo uu asagu isku ogaa.”

Abwaan Shariif Heersare ayaa yiri, “FAHAD YAASIIN Waxaa uu muujiyey in uu yahay ciil qabe u jirran qabiil Soomaaliyeed, waana sababta uu isugu keenay afar nin oo isku beel ah, dhanka fekerkana aad u kala fog. Waxaa cad in ay yihiin raggaasi kuwa dalka ka qabtay khatartiisa, marka laga reebo hal nin, waana madax geeda la dhac waraysiga ay bixinayaan isaga iyo gacan yarihiisa Yaasiin Fareey. Waxaadna ka dareemi kartaa qaabka ay uga hadleen Kiiska Ikraah Tahliil AHU.”

Abwaan Cusmaan Guure ayaa mar kale yiri, “Qaali Guhaad ha qanacdee qof nool u keen ama qiraal.”

Farhaan Cali Xalane ayaa isna yiri “Odeyga naceeybka Habargidir aa ka buuxsamay, macaa adeerkood Duduble meelow sheekada kasoo galiyo ayuu waayey markaasow Daarusalaam la aaday. Xaafad dadka ladan deganyihiin ku lahaa. Abuu Camaarow dhuumashadaan dhabarku muuqdo kuu socon meeyso.” 

Muuse Biixi oo magacaabay guddi doorasho oo cusub xilli ay xiisad taagan tahay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood oo noqon doona guddida doorashooyinka ee cusub kadib markii dhammaan xubnihii guddiyada doorashooyinka ee hore is wada casileen.

Xubnahan oo 3 kamid ah uu madaxweyne Biixi soo magacaabay, 2 kamid ahna ay ka yimaadeen axsaabta mucaaradka, 2-da kalena ay ka yimaadeen golaha guurtida ayuu madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada sida lagu sheegay wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

“Sida aad lala socdo, waxaa is-wada casilay xubnihii komishanka doorashooyinka qaranka. Sidaas darteed waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, si waafaqsan qodobka 15-aad, Faqraddiisa 4-aad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha”.

Xubnaha loosoo xulay guddida doorashooyinka ee cusub ayaa kala ah

1- Muuse Xasan Yuusuf
2- Axmed Cismaan Xasan
3- Xuseen Cabdi Cali oo uu Madaxweynuhu soo xulay,
4- Axmed Yuusuf Maxamed
5- Faadumo Ismaaciil Cabdi oo  Golaha Guurtida ka socda
6- Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani soo xulay
7- Iyo Ibraahim Aadan Cali oo UCID ka socda.

Xubnahaan ayaa haddii ay ku guulaystaan kalsoonida golaha Wakiilada Somaliland waxay si rasmi ah u noqon doonaan guddida doorashooyinka ee cusub.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu taagan yahay khilaaf ka dhashay waqtiga la qabanayo doorashada kaasoo keenay inay magaalada Hargeysa marti geliso khalalaase siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa Sabtidii shalay dib u dhigay dibad-bax weyn oo ay qorsheeyeen, si ay fursad u siiyaan in xal siyaasadeed laga gaaro xal siyaasadeed.

Wararkii ugu dambeeyey kulanka labada aqal ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka si wadajir ah u guddoomiyanaya guddoonka labada gole.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu waxa uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.

Sidoo kale waxaa kulanka hortegay wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo warbixin siiyey xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya,

“Sidaa aad ka war qabtaan miisaaniyadda sanadka billowgiisa ayey bilaabataa sanadka aakhirkiisana waa ku dhammaataa, sidaas daraadeed waxaa baarlamaanka loo soo gudbiyaa miisaaniyadda beelaha ugu dambeey. October aakhirkeeda ayaa golaha wasiirada usoo gudbiyaan baalamaanka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Bayle ayaa sidoo kale ka dalbaday xildhibaanada inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadkan, taas oo muhiim ah howlaha shaqo ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Intaasi kadib, qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa kulanka ka hadlay, iyaga oo soo hadal qaaday arrimo ku aadan daqliga dowladda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka, sidoo kalena waxay su’aallo waydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka ay yeesheen ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay soo dhammaatay doorashadii Golaha Shacabka, isla-markaana lagu howlanyahay dhismaha dowladda cusub.

Daawo: Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan

0

Ceel-barde (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa soo bandhigay ciidamo maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan, iyagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’een.

Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xaqooda duudsiiyey Madaxweyne Laftagareen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in ka beel ahaan hal kursi xildhibaan ay ku lahaayeen dowladda federaalka, isla markaana uu kursigaas dhaafiyey Madaxweyne Laftagareen oo awoodiisa adeegsanaya.

Waxay ku goodiyeen in degmada Ceel-barde uusan imaa karin masuul ka socda maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay hadda kadib yihiin maamul ka madax-banaan Koonfur Galbeed.

“Siyaasi reer Koonfur Galbeed ah degmada Ceel-barde kama soo degi karo, haduu kasoo dego wixii ku dhaca isagaa ka masuul ah, waa na go’doomiyey maamulkaas, meel kasta ayuu naga soo xiray,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Waxa ugu weyn ee aan tabaneyno waa kursi xildhibaan, kursigaas Digil iyo Mirif malahan waa kursi Daarood, gaar ahaan beesha Kumade – Absame – Ogaadeen, kursigaas waxaa awoodiisa u isticmaalay Laftagareen.”

Sidoo kale waxay odayaasha maleeshiyaadkaan abaabulay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu ka been abuurto beeshooda oo uu sameystay ugaasyo iyo nabadoono aan ayaga metelin.

Hoos ka daawo

 

Qodobadii looga hadlay SHIRKII maanta ee Golaha Wadatashiga iyo ajendaha berri oo la shaaciyey + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, kaas oo ka furmay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa soca doona mudo labo maalmood ah, wuxuuna ku qotomaa siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Waxaan shirkaas maanta diiradda lagu saaray qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda, si gaar ah waxaa maanta looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaal iyo dowlad goboleed iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo berri lasoo gabagabey doono waxaa lagu faaqidi doonaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Berri markii lasoo gabagabeeyo shirkaan waxaa laga soo saari doonaa war-saxaafadeed ay ku cadyihiin qodobadii lagu heshiiyo, sida uu shaaciyy Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo warbaahinta la hadlay.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Hooyada Ikraan oo u jawaabtay Fahad Yaasiin, fariina u dirtay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyadii dhashay gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil oo maanta hadal heynta kiiskeedu uu cirka isku shareeray ayaa ka jawaabtay eedeyntii uu Fahad Yaasiin maanta u jeediyey R/Wasaare Rooble, Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Fahad ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu maanta ku sheegay in Ikraan ay dileen seddaxdaas nin oo kaashanaya Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa si adag uga hor timid eedeyntaas ka soo yeertay Fahad Yaasiin, iyadoo sheegtay in kiiska Ikraan uusan meelna u dhaafi doonin Fahad iyo saaxiibadiisii shaqada, gaar ahaan Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis oo ay carabaawday.

Waxay sheegtay in Fahad uu uga baxay balan uu la galay gabadheeda oo sii maqan 18 maalmood, xilligaas oo uu ka balan qaaday in labo maalmood gudahood uu xog buuxda uga keeni doono halka la geeyey Ikraan, balse dib dambe uu taleefan uga qaban waayey.

Waxay kiiskaan ka beri-yeeshay raga uu dusha ka saaray Fahad Yaasiin, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ku amaantay sidii uu ugu hagar baxay, una qabtay doorashooyinkii dhibka badnaa ee dalka ka dhacay.

Waxay codsi u dirsatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbatay inuu deg deg u furo gal-dacwadeedka kiiska Ikraan oo ay geeyeen maxkmadaha dalka.

Maamo Qaali ayaa mar kale ku celisay in Madaxweynihii hore Farmaajo uu ka hiiliyey oo ragii gabadheeda dilay uu garab siiyey, iyadoo ku catowday in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka dooneyso inuu u buuxiyo kaalintii ay shalay uga baahneed Farmaajo.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali Guhaad waxay fariin u dirtay shacabka, culumada, odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo dhamaan cid kasta oo garab istaagi karta, iyadoo ka codsatay in kiiskaan ay ka hadlaan oo ku garab siiyaan cadaaladda.

Hoos ka daawo

Maxey tahay sababta Fahad iyo Yaasiin Fareey u bixiyeen wareysiyo deg deg ah?

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Labadii agaasime ee ugu dambeeyey hey’adda NISA ayaa bixiyey wareysiyo deg deg ah asbuuc gudahiis, waana maalmo kadib markii hey’adda loo magacaabay agaasime cusub.

Yaasiin Cabdullaahi Farey iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa abaaray saxaafadda iyagoo go’aansaday inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan. Mudadii ay hey’adda joogeen waxay si weyn isaga riixeen inay ka jawaabaan tacayadii ka dhacay hey’adda.

Sida ay xogo kale sheegayaan, saraakiil kale oo hey’adaan hoggaankeeda ka tirsanaa ayaa iyagana la sheegayaa inay doonayaan inay hadlaan oo ay wareysiyo bixiyaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay madaxdii hore ee NISA ugu deg degeen dhanka saxaafadda kadib magacaabistii agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Sheekadaan kuma falanqeyn doono wareysigii uu bixiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, dad badan ayaa naga soo dalbaday inaan fasiraad ku sameyno dhinacyada u gafidda siyaasiyiinta, halista amni iyo midda sharci ee ku jira inuu Fahad soo jeediyo inaysan ciidanka la shaqeyn hoggaanka cusub ee hey’adda, farqiga Fahadkii aamusnaa iyo hadda midka banaanka yimid iyo arrimo kale kuwaas oo aan taxanayaal ku faaqidi doono marka uu wareysiga wada baxo.

Balse warbixintaan waxaan Maanta kaga hadleynaa waxa Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey ku qasbay inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan kadib magacaabistii Mahad Salaad.

Illo ka titsan NISA iyo waaxda garsoorka Soomaaliya waxay isku raacsan yihiin dhow arrimood oo sabab u ah wareysiyadii ay sida deg degta ah u bixiyeen hoggaankii hore ee NISA iyo kuwa laga yaabo inay hadda bixiyaan saraakiil cusub.

Mahad Salaad oo go’aansaday so bandhigid iyo sharci waafajin wixii hey’adda ka dhacay dhowrkii sano ee ugu dambeysay

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa lasoo wariyey inuu aqbalay inuu guddi baaro u saaro dhammaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda, gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Arrintaan oo haddii aan la siyaasadeynin ay muwaadiniin Soomaaliyeed caddaalad ku heli karaan waxaa ku jira sida la sheegay kiisas hey’addu fulisay ama ay fududeysay oo qaarkood mar hore loo tiiriyey dhanka Al-Shabaab.

Dadka aan la hadalnay waxay sheegayaan in go’aan lagu gaaray in bannaanka lasoo dhigo wixii gudaha hey’adda NISA ka dhacay shantii sano ee Farmaajo inay galaafan karto siyaasiyiin waaweyn oo muddo kadib ay suuragal tahay in maxkamadaha dalka lasoo istaajiyo dad xilal sare kasoo qabtay dowladda.

Qodobkaan waxaa loo arkaa midka ugu weyn ee soo kiciyey hoggaankii hore ee NISA, gaar ahaan Fahad iyo Yaasiin Fareey oo illaa iyo hadda wareysiyo bixiyey.

Labada kiis ee ugu horeyso sida ay wararka sheegayaan waa weerarkii NISA ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd NISA.

Xogaha aan helnay waxay sheegayaan in durba shaqooyinkaas ay bilowdeen. www.oldhouseonline.com Xisbiga Wadajir ayaa koox gaar ah u saaray gudbinta dacwad iyadoo Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ku jiraan shaqsiyaadka uu xisbigaasi ku eedeenayo qorsho la sheegay in la rabay in lagu khaarijiyo hoggaamiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale, ehelada 5 askari oo isla goobtaas lagu dilay ayaa iyaguna qoranaya dacwad gaar ah.

Waxaa kaloo socda abaabulka dib u furidda gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, laakiin saraakiil nabadsugid ah waxay noo xaqiijiyeen in kiisasku intaas ka badan yihiin oo ay macquul tahay in hey’adda ay kusoo laabtaan kiisas mar hore shacabku u qaateen inay Al-Shabaab fuliyeen.

Fahad iyo saaxiibadiis naxariis badan kama filayaan dhanka hoggaanka cusub ee hey’adda NISA, ujeedka wareysiyadooduna mar waa is bar yeelid marna waa inay muujiyaan inuu dagaal shaqsi ah ka dhaxeeyo Mahad Salaad iyo hoggaankii hore ee hey’adda si kooxdii talada laga wareegay ugu muujiso shacabka in eed walba oo loo jeediyo ay tahay mid shaqsiyadeysan oo aan sax aheyn.

Laakiin taas jawaab iyo qanaaco uguma filna dad badan oo ku maqan gacanta hey’adda NISA ayey leeyihiin dadka fahamsan ujeedka wareysiyada labada hoggaamiye ee ugu dambeysay hey’adda NISA.

Waxyaabaha ay rabaan inay banaanka keenaan hoggaanka cusub ee hey’adda NISA oo xataa Farmaajo ayaa soo geli kara waxaana ka dhallan kara fadeexooyin waaweyn ayuu yiri sarkaal sare oo hey’adda ka tirsanaa sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad lama yaqaano qiimaha ay ugu kici karto tallaabadaan uu go’aansaday inuu banaanka kusoo dhigo kiisaska huursan ee ka dhacay gudaha hey’adda NISA.

Sidoo kale, waxaan lasii akhrin karin sida ay wareesiyadani difaac sharci ah ugu noqon karaan Fahad Yaasiin iyo saaxiibadiis haddii banaanka lasoo dhigo caddeymo la xiriira gabood-faladii ka dhacay hey’adda NISA.

Aqalka Sare oo meel mariyay magacaabis muran leh oo uu sameeyey Cabdi Xaashi

0

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad  ee Golaha, iyaga oo maanka ka doodayay meel marinta hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdixaashi Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahin iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha aqalka sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sameeyey magacaabista hoos ku xusan.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday magacaabista guddoomiyaha taas oo dood badan dhalisay, iyaga oo ugu dambeen ansixiyay magacaabista uu Guddoomiyaha sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay tirada mudanayaasha aqalka sare oo dhaneed 39 mudane ay meel mariyeen magacaabista, sidaasna ay ansax ku tahay.

Aqalka sare oo xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahaa mid hoos loo dhigay shaqadiisa ayaa afartaan sano ee u diyaar garoobaya sidii uu u qeyb qaadan lahaa horumarinta dalka.