27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Aqalka Sare oo meel mariyay magacaabis muran leh oo uu sameeyey Cabdi Xaashi

0

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad  ee Golaha, iyaga oo maanka ka doodayay meel marinta hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdixaashi Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahin iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha aqalka sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sameeyey magacaabista hoos ku xusan.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday magacaabista guddoomiyaha taas oo dood badan dhalisay, iyaga oo ugu dambeen ansixiyay magacaabista uu Guddoomiyaha sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay tirada mudanayaasha aqalka sare oo dhaneed 39 mudane ay meel mariyeen magacaabista, sidaasna ay ansax ku tahay.

Aqalka sare oo xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahaa mid hoos loo dhigay shaqadiisa ayaa afartaan sano ee u diyaar garoobaya sidii uu u qeyb qaadan lahaa horumarinta dalka.

Fahad oo sheegay in dilka IKRAAN ay ka dambeeyeen R/W Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaala (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA, balse la sheegay inay u gacan gashay Al-Shabaab, ayna dileen, taas oo abuurtay xiisad xoogan.

Fahad Yaasiin ayaa qaybta 3-aad wareysi taxane ah oo looga qaaday markii ugu horreysay ku shaaciyey xog la-yaableh, wuxuuna tilmamay in mas’uuliyiin iyo dalal shisheeye ay iska kaashadeen kiiska Ikraan Tahliil Faarax, si loo sumadcad dilo hay’adda Nabad Sugidda.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin oo carab baabay dadkaasi ayaa ku sheegay inay yihiin Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, sidoo kalena sheegay inuu wax ka ogaa ra’iisul wasaare Rooble.

“Gabadhaas gaari ayaa lagu qaaday nin xildhibaan ah oo la yiraahdo Mahad Salaad baa lala kulansiiyey, isagaa gaari ku qaaday, gaarigiibaa laga qaaday waxaa la geeyey Daaru-Salaam xaafad la yiraahdo oo Xamar ku taalla oo dadka magaalada ugu ladan ay dagan yihiin gurigaas ayaa laga qaaday waxaa la marsiiyey Shabeelaha Hoose, meel Jilib u dhow ayaa la geeyey halkaas ayaana lagu dilay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dilka gabadha uu fuliyey Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yiraahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyey oo xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri “Ra’iisul wasaaruhuna wuu ka war qabay dhibaatadaas in loo geysanaayana. Aaqiro qofka gabadhaas la weydiinaayo waa Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farsamada lagu fuliyeyna Al-Cadaala ayaa iska lahaa gacanta fulisayna waa Mahad Salaad cida dishayna waa Al-Shabaab,” ayuu markale yiri.

Fahad ma shaacin dalalka uu sheegay inay qayb-qaateen ‘dilka Ikraan’, balse wuxuu tilmaamay inay yihiin labad dowladood.

“Waa laba dowladood, hadda ma rabo inaan magacyadooda sheego dadka Soomaaliyeedna waa fahmayaan,” ayuu yiri Fahad.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan dartiis uu isaga halis badan u galay, isla-markaana lagu celiyey waddanka Jabuuti, xilligaas oo uu doonayey sida uu sheegay inuu kiiskan Ikraan Tahliil horgeeyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya,.

Hadalkan kasoo yeeray Fahad Yaasiin ayaa kusoo beegmaya, iyada oo horey mas’uuliyiinta uu hadda eedda u jeediyey qudhooda ay kiiska Ikraan dhabarka u saareen isaga iyo NISA.

DF oo shuruudo ku xireysa in la fasaxo khaatka KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsan in dib loo fasaxay khaatka Kenya ee iman jiray Soomaaliya oo hadda xayiran muddo laba sano ah. 

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Si kastaba, sarkaal sare oo ku dhow maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro khaatka, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo arrintan laga gaaray.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah. 

Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Kenya ka dalbatay in, si loo fasaxo khaatka, Soomaaliya dhankeedana loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahadalkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso sidii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noqoshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira.

Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xiriir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala gooshaan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud.

Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la’aan ku dhex safri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika.

Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soomaalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyinkooda kala duwan ku dhoofiyaan.

2- Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya.

Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

Mararka qaar waxay helista dal-ku-galka qaadataa dhowr bil, lacag badanna way uga baxdaa.

Inkastoo tan iyo sanadkii hore ay muwaaddiniinta Kenya ee u safraya Soomaaliya lagu qasbay inay online-ka ku sii dalbadaan dal-ku-galka, haddana waxaa horay caadi u ahayd inay dal-ku-galka Soomaaliya qaataan marka ay ka degaan garoonka Aadan Cabdulle.

3- Dhoofinta Kalluunka

Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa doonaysa in suuqa kalluunka ay kasoo xareyso dhaqaale xoog leh, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool. Taas oo ay sii dheer tahay suuqa weyn ee dalalka ku bahooday Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Maxay Kenya sheegtay dhankeeda?

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan. 

Fahad oo ka hadlay sida uu noqonayo xiriirkiisa QATAR kadib guul-darradii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin oo markii u horeysay bixiyay wareysi gaar ah, tan iyo markii lagaga adkaaday doorashada madaxweynaha saaxiibkii Farmaajo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Qatar.

Fahad Yaasiin oo la weydiiyay sida uu ku dambeyn doono xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Qatar ayaa sheegay in Qatar aysan shaqsi wada-shaqeyn kala dhaxeyn, taasi oo la macno ah in xiligaan aysan jirin xiriir ama wada-shaqeyn dhexmari karta.

“Fahad nidaam dowladeed ma aha, qof ayaa ahay hadda maxay ila soo xiriirayaan? ma dowlada Soomaaliya ayaa madax ka ahay,” ayuu yiri La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa sida la fahamsan yahay ahaa shaqsigii u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Qatar oo ayadu aheyd dowlad saameyn weyn ku laheyd tallada dalka.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda NISA in uu meesha ka saaray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

Mar la weydiiyey haddii dowladihii uu beddelay uu ku beddelay Qatar, wuxuu sheegay inuusan marnaba NISA u isticmaalin miisaaniyad aan ka aheyn kan dowladda fedeeraalka, oo ay ogtahay lagana xaqiijin karo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa xiligaan dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xiriir wanaagsan ula sameyn laheyd madaxda cusub ee dalka, tan iyo markii uu doorashada ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Cabdi Xaashi oo ka horyimid in la bedelo xeer Hoosaadka AQALKA SARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo khudbad ka jeediyey kulan ay maanta yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muranka ka taagan Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga horyimid in la bedelo Xeer Hoosaadka uu Aqalkaas kusoo shaqeynayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna tilmaamay haddii wax laga bedelayo inay noqoneyso dib u noqosho horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda inaynu niraahno Xeer Hoosaad cusub ayey shaqadii ka bilaabeynaa aniga ilama hagaagsana waa dib u noqosho waxaa weeye 4 sano ayuu Aqalkan kusoo shaqeynayey Xeer Hoosaadkaas,” ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale soo jeediyey in ugu yaraan ay haboon tahay in qodobada qaar wax laga bedelo, inta kalena sidooda lagu daayo.

“Haddii ay noqoneyso qodobaad aan isleenahay wax halaga bedelo waxaa weeye marka aynu howlihiisa galno ayaa ku bedeleynaa wixii jira,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aan loo baahneyn xilligan in xubnaha cusub dartood loo bedelo Xeer Hoosaadka, balse la saxo wixii u baahan in dib loo saxo.

“Ma qabo inaad tiraahdaan xubno badanbaa cusub, sidaas daraadeed hab-dhowrihii ahaa magacaabista maanta ma ogolin inuu socdo aniga erey fiican ilama aha waa dib u noqosho taasi. Xeer Hoosaadka waa saxeynaa wixii sixitaan u baahan,” ayuu markale yiri Mr. Xaashi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Golaha Aqalka Sare ay ku biireen xubno cusub, kuwa ka mid ahna Senetaradii hore ay soo laabteen, taas oo keentay dooda haatan ka dhalatay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo muhiim u ah shaqada iyo kulamada ay yeeshaan Golahaas.

Nin 12 sano ka tirsanaa AL-SHABAAB oo lagu soo bandhigay Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ayaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi ku soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab kaasoo isku soo dhiibay ciidamada Xooga dalka.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Diiriye ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 12 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo dhowr ah, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha magaalada Garbahaarey.

“Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Sonna.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale xusay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen, waxayna farriin u direen xubnaha kale ee weli ku jira Al-Shabaab

Sidoo kale ninkan oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ee ku biiray Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxda, isla-markaana uu garowsaday inuu isaga soo baxo, isaga oo u mahadceliyey dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo kordhayey xubnaha isa soo dhiibayey ee ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay xoogeystaan howlgallada ay wadaan ciidanka huwanta.

Madaxweyne FARMAAJO oo soo saaray farriin cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo caleemo saarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheertahay dalal waaweyn, markii la eego dhanka dimoqraadiyadda.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Macnaheedu waxay tahay, dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.”

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraalkaan soo raaciyey sawir ay gacmaha is heystaan asaga, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga qaaday xafladii caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirkaas oo yeeshay saameyn xoog leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana la barbar dhigay sawir lamid ah oo seddaxda Madaxweyne ay gacmaha is-heystaan, korna u taagayaan, kaas oo la qaaday shan sano ka hor 2017-kii, xiligaas oo Farmaajo loo caleemo saaray madaxweynaha dalka.

Faah-faahin: DAGAAL dhex-maray PSF iyo booliska PUNTLAND + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa is-rasaaseynta shalay galab ka dhacdey meel ku dhaw xarunta PSF ay ku leedahay magaalada Boosaaso, oo dhex -martay ciidamada booliska iyo kuwa PSF. 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska Boosaaso ay tageen xeebta, halkaas oo maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari. 

Rasaasta labada ciidan dhex martey ayaa sababtey dhimashada laba askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska, dhaawaca ilaa afar qof oo shacab ah iyo qaar kamid ah ciidanka PSF oo is rasaaseynta ku dhaawacmey. Tirada guud ee dhaawaca ayaa lagu sheegay toddoba qof.

Maalin kasta oo Jimce ah waxaa xeebta Bosaso u dabaal taga dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo ku dabaasha meel ku dhaw xerada PSF, ciidanka PSF ayaa sugi jirey amniga dadka dabaalanaya xeebta, maadaama ay tahay meel aad ugu dhaw xerada.

Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in ay tageen xeebta Jimcigii ka horreeyey kii shalay, oo sidaan oo kale la isku maandhaafey laakiin aysan dhicin wax rasaas ah.

Si kastaba, Jimcihii labaad ayaa xaaladu faraha ka baxdey, markii ciidamo badan oo boolis ah halkaas tageen.

Labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martey ayaan weli ka hadlin waxa sababey arrintan iyo sida wax u dhaceen. Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadka. Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta dhalisay xiisadda.

Guddoomiye Cali Jayte oo dalab u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi ayaa dalab culus u diray Madaxweynaha dowladda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Jayte ayaa ka codsaday Madaxweynaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay gacan ku siiyaan howlgallada haatan ka socda wadada xiriirisa Beledweyne iyo Matabaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay muhiim tahay in la’iska kaashado dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka heystaan dalka.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan howlgallada xoogooda uu ka socda dhulka buuraleyda ee gobolka Hiiraan, ayna wadaan ciidamada Xoogga, qaybtooda 27-aad.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka fulisaa weeraro culus, waxaana ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada hore Madaxweynaha Soomaaliyauu uu u ballan-qaaday inuu xoogga saari doono ammaanka iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goordhow ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhexeeyo Madaxweyne Xasan iyo 5-ta hoggaamiye Goboleedyada, kaas oo ah mid xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta dowladda cusub iyo dowlad goboleedyada, si looga wada-hadlo arrimaha hortabinta leh.

Waxaa sidoo kale shirka qayb ka ah Ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyada oo laga wada tashan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo isbedelkii dhacay.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qaybgalayaan Ra’iisulwasaaraha dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa goordhow ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka,” ayey tiri warbaahinta dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka lagu soo qaadi doono arrimaha bini’aadanimada ee dalka, gaar ahaan gurmadka abaaraha ee ka socda Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay uga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha oo la qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa noqonayo kii labaad oo uu si toos ah ula yeelanayo Madaxweynaha cusub, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid deggan, waxaana isha lagu hayaa dhismaha dowladda cusub oo uu ugu horreeyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Maxaa kasoo kordhay xiisadda siyaasadeed ee Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Somaliland, waxaana la hakiyey dibad-baxii ay soo abaabuleen mucaaradka oo lagu waday inuu maanta ka dhaco magaaladaasi.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen dibad-baxii maanta la filayey, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sababta ku sheegay inay ka war sugayaan ergada u timid ee ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac, si aysan markale rabshado uga dhicin magaalada Hargeysa.

“Salaadiin, Culima’udiin iyo Ganacsato is abaabulay oo 31 ah ayaa naga codsaday in aan hakino dibadbaxa, waxa aan taageerayaasheena u sheegeynaa ma aanay joojin mudaharaadyada balse waqti kooban ayaan hakinay, innaga oo ixtiraameyna Ergada inoo timid oo ah Dad la aamini karo si aan waqti kooban fursad u siino inta wanaagga jecel, sidoo kale waxaa nala soo xiriiray Beesha Caalamka oo naga codsaday in aan hakino ama joojiyo waxa aan ku dhahnay waan hakineynaa” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xirsi Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xisbiyo ahaan aysan ka fileyn wanaag xukuumadda, isla-markaana ay soo dhammaadeen wadahadalladii u socday.

“Wadahadal aan miiska isugu imaaneyno oo aan kawada hadleyno way soo dhammaatay waana soo tijaabinayay, in ku dhaw 60 ama 70 jeer wax ku dhaw ayaa wada fadhiisanay waxna waa mira-dhali wayday xiisa uma qabno, Cid weliba oo wanaagga jecel ee dhexdeeda rabta in ay gasho waan soo dhaweyneenaa oo fursad ayaan siineynaa, Madaxweynaha Jooga ayaa ka dhega-fureystay wadahadalkii dhexdeena” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo isna hadal siiyey warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday  Biixi, isaga oo u jeediyey eedeymo culus.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay Madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay uu abuuray dood, is necbeysi iyo kala qaybin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkeennu waxa ay dugsanayeen Nabadda 30kii sano u dambeysay marka laga reebo 4-taa sano iyo badhka ee uu Muuse Biixi joogo in aynu dood is necbeysi, kala qaybsi & muran uu u bixiyay ila-meereyso sameeyay” ayuu yiri guddoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xasarado siyaasadeed oo la mid ah tii ay soo martay Soomaaliya, ka hor doorashooyinkii soo dhammaaday , waxayna hoggaanka Somaliland, gaar ahaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ay isku hayaan doorashada Somaliland.

Faah-faahin: Laba qarax iyo weerar caawa ka dhacay Koonfurta MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyleyno degaanka KM-13 ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in caawa uu ka dhacay qarax xoog leh, halkaas oo qaraxa kadib la isku weydaarsaday rasaas mudo socotay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa kadib ay goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay, waxaana qaraxaas oo ahaa miino lala beegsaday gaadiid ciidan.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, si rasmi ahna looma xaqiiji karo khasaaraha jira, maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana caawa xaalad cabsi ah laga dareemayaa wadada xariirisa Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale qarax miino ayaa isla caawa ka dhacay maqaayad Shaah lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka kaamka Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana halkaas ku dhaawacmay shan qof oo u badan askar ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa lagu aasay maqaayada, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa ciidanka oo imaa jiray maqaayadda, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in la xaqiijiyey dhaawacyada shan qof.

DF ‘oo xayiraadda ka qaaday’ khaatka Kenya iyo Kenya oo Soomaaliya u fasaxday…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday xayiraad laba sano ah oo saarneyd khaatka Kenya, kadib wada-hadallo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa sidaas shaacisay dowladda Kenya.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan. 

Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Axmed Madoobe – “Waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usoo jeediyey eedeymo waaweyn.

Taliyahii hore ee NISA oo wareysii uu siiyey Gaylan Media kaga hadlay khilaafkii soo kala dhex galay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ajnabi oo lagu abuuray Soomaaliya.

“Axmed Madoobe yaa keenay Soomaaliya, yuu u joogaa Jubbaland, wuxuu Kismaayo yimid isagoo saaran Taangi Kenyan ah, ma waxaad u maleysaa in doorasho ku yimid,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Axmed Madoobe sidiisaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya, Soomaaliyana ku nool, haddii aan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira, maalinta uu Axmed Madoobe dhinac uga baxo Soomaaliya ayey hagaageysaa Soomaaliya.”

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay nin aan danta Soomaaliya u joogin jubbaland balse u joogo danta dowladda Kenya iyo arrimo la xiriira murankii badda ee labada dal.

Fahad Yaasiin ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu lasoo diriray madaxweynayaashii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ka dambeeyey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dooday inay taas caddeeneyso inuu isaga ka gar-darnaa dhammaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya intuu uu joogay Jubbaland.

“Axmed Madoobe madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waa la diriray isagoo magac diineed wato, madaxweyne Shiikh Shariif wuu la diriray isagoo magac diineed wata, madaxweyne Xasan Shiikh teeramkiisii  hore wuu la diriray isagoo magac kale wata, madaxweyne Farmaajana wuu la diriray isagoo magac kale wata, Xasan Shiikhna mar kale wuu la diriri doonaa taariikhdana way qori doontaa, anaga haddii aan ka gardarneyn intaas oo madaxweyne ma ayagaa ka gardarnaa, Axmed Madoobe wuxuu dhibaato ku ahaa jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa qiray inuu Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo uu kula kulmay Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeyey Jubbaland iyo dowladda Dhexe.

“Waa sax Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Kenya waxaan ku kulanay Nairobi, wixii laga hadlayey waxay aheyd in dowladda Kenya ay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya, weliba Axmed Madoobe oo maqlayo ayaa saraakiishii ka socotay Kenya ku dhahay Axmed Madoobe u sheega in madaxweynihiisa uu yahay Farmaajo oo uusan aheyn Uhuru.”

Mar wax laga waydiiyey xayiradii ay dowladda Farmaajo saartay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo ayuu ku andacooday inay tallaabadaas la xiriirtay in laga hor tago diyaarado dowlado Ajnabi ah ka socday oo doonayey inay si sharci darro ah ku yimaadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa inkiray in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay isku dayday inay xirto ama shirqool ku disho Axmed Madoobe, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay sameeyeen cadaadis dhanka siyaasadda ah.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan, ama qeybta Axmed Madoobe ka daawo daqiiqadaha 14:50 illaa dhammaadka muuqaalka

Erdogan oo digniin cabsi leh u diray Greece – “Waad ka shalaay doontaan ficilladan”

Izmir (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ugu digay Greece inay militariga ka caagaan Jasiiradaha ku yaalla badda Aegean-ka, isaga oo sheegay “inaysan kaftan ka aheyn” hadalka noocaas ah.

Turkey ayaa sheegtay in Greece ay militari ka buuxineyso Aegean-ka, taasi oo ka hor-imaneysa heshiisyada damaanad qaadayaa in jasiiradahan ay noqdaan kuwa aan hubeysneyn.

Ankara ayaa ku doodda in jasiiradahan loo daayey Greece ayada oo shuruud looga dhigay inay ahaadaan kuwo ka caagan militariga. 

Greece ayaa iyana ku doodad in Turkey ay si ula kac khalad ugu tarjunto heshiisyada la xiriira ciidamada hubeysan ee jasiiradaheeda bari, waxayna sheegtay inay xuquuq sharci ah u leedahay inay is-difaacdo kadib tallaabooyin cadaawadeed oo ay qaaday Ankara, oo ay ka mid tahay inay dagaal ku hanjabtay. 

Digniinta Erdogan ayaa imaneysa ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labadan dal ee ka tirsan isbaheysiga NATO ah, oo ay u dhaxeeyaan murano dhowr ah oo ka mid yihiin; sahminta kheyraadka macdanta ee badda Meditareeniyaanka iyo isku haysashada Badda Aegean-ka.

“Waxaan fursad u siineynaa Greece inay joojiso hubeynta jasiiradaha aan laheyn maqaamka militari, ayna u dhaqanto si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlay maalinkii ugu dambeeyey dhoola-tus militari oo ka dhacay meel u dhow Izmir oo ku taalla xeebta Turkey ee Aegean-ka.

“Ma kaftamayo, waxaan u hadlayaa si dhab ah. Dalkan go’aan ayuu gaaray.”

“Waxaan ugu digeynaa Greece inay ka fogaato riyooyinka iyo ficillada ay ka shalayn doonto, ayna caqli kaashato,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

“Turkey kama tagi doonto xuquuqdeeda Aegean-ka, si la mid ah si aysan uga tegi doonin inay adeegsato xuquuqda ay ku leedahay heshiisyada caalamiga ah.”

Sawirro: Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray kulan uu la yeeshay QALBI-DHAGAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa qoraal iyo sawirro uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga wuxuu ku shaaciyey in maanta uu hoygiisa Muqdisho ku soo booqday Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

“Waxaa maanta gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Muuse “Qabi-dhagax” oo ka mid ahaa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaana si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya balse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixisay arrintaas sharci darrana ku tilmaantay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu sareysay talada dalka markii Qalbi-dhagax loo dhiibay Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Farmaajo iyo Taliyihii NISA ee xiligaas ay sireen, si aan loo fahmin qorshihii dhiibista Qalbi-dhagax.

Cabdi Xaashi ayaa wareysi uu horay u bixiyey wuxuu ku sheegay inuu ka war helay Qalbi-Dhagax in lagu qabtay Gaalkacyo, macquulna ay tahay in loo dhiibo Itoobiya, isla markaana uu xafiiskiisa ugu tegay Farmaajo, si arrintaas uu wax uga weydiiyo.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu u yeeray Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii NISA, isla markaana Cabdi Xaashi laga dhaadhiciyey in Qalbi-dhagax uu dalbaday in loo dhiibo Itoobiya oo ay heshiiyeen, balse uu ka qowmameeyey inuu haleeli waayey inuu yiraahdo, “Hala ii geeyo Qalbi-dhagax aan wareystee.”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa maalin ka hor doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay ka qeyb galay xafladii caleemo saarka Madaxweynaha.

Qoraal uu Abiy Ahmed soo dhigay twitter-ka oo dood ka dhex-abuuray Soomaalida

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal Af-Soomaali ah oo macno weyn sameynaya, kaasi oo hadal hayn badan ka dhex-abuuray Soomaalida.

Qoraalkaas oo la socday sawirka Abiy Ahmed oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo xafladdii caleemo-saarka ee shalay dhacday ,ayuu Abiy ku yiri “Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Arrinta hadal haynta abuurtay ayaa ah in Abiy Ahmed aanu dhihin “Shacabka Soomaaliyeed” ee uu doortay “Shacabka Soomaaliya.”

Sababta uu sidaas u doortay ayaa lagu macneeyey in haddii uu qaadan lahaa “Shacabka Soomaaliyeed” ay soo geli lahaayeen kuwa ku nool Itoobiya ee degan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia haysato, sidaas darteedna uu doortay “Shacabka Soomaaliya”, isaga oo diraya farriin ah in Xasan Sheekh uu madaxweyne u yahay kaliya kuwaas.

Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadkii ka falceliyey ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed, haddii uu dhaho Jigjiga ayuu Xamar hoos gaynayaa, taas ayuu marka diidan yahay.”

“Shacabka Soomaaliya” waa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda (labada gobol ee midoobay 1960-kii), balse “Shacabka Soomaaliyeed” waa Soomaalida oo idil oo ay ku jiraan kuwa ku nool Kililka 5-aad, NFD, Djibouti iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud oo isna ka mid ah dadkii arrintan ka falceliyey.

Waxaa iyagana jiray dad u arkay in laga yaabo inay ka khaldantay hab qoraalka ee uu ka rabay “Shacabka Soomaaliyeed,” inkasta oo dadka badankiisa ay isku racaeen in arrintan ay aheyd ku talo-gal.

Soomaalida qaar ee ka falceliyey qoraalka Abiy ayaa sheegay inay astaan u tahay “In Itoobiyaanka aysan xitaa ka hoos bixin faah-faahinada yar ee laga yaabo inay Soomaalid au aragto inaysan macno badan sameyneyn.”

Muxuu Fahad ka yiri ‘inuu ahaa milkiilaha dowladda’?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iy sirdoonka qaranka NISA, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee lala yeesho ayaa ka hadlay sida uu u arko in loogu yeero (Milkiilaha Dowladdii Farmaajo).

Fahad ayaa si cad u sheegay inuu aad uga xun yahay in loogu yeero milkiilaha dowladda, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay ereygaas adeegsadeen mas’uuliyiin uu sheegay inay xilal sare kasoo qabteen dalka.

“Ereyga mulkiilaha erey asluubaysan ma aha, waa erey aan ka xumahay in dad masuuliyiin ah oo waawayn ay isticmaaleen. Kuma haboona dalka in la yiraahdo hebel ayaa mulkiile ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa aflagaado ku tilmaamay in shaqsi dowladda ka tirsan oo shaqaale ah loogu yeero mulkiile dowladeed, wuxuuna iska fogeeyey sida lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii ugu awoodda badanaa dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu ka hadlay waxa keenay in milkiilaha dowladda lagu tilmaamo ayuu yiri “Hoggaamiye kasta oo dunida soo mara qof ayaa saaxiib dhow la ah. Aniguna Sharaf ayay ii tahay inuu madaxweyne Farmaajo saaxiib dhow iga dhigtay”.

Mar wax laga waydiiyey sababta keentay inuu noqday qofkii ugu saameynta badnaa siyaasadda ayuu sheegay inay taas sabab u aheyd maadaama uu madax ka ahaa xafiis lagu kariyo siyaasadda iyo go’aanada lagu maamulo dalka.

“ Marnaba aniga ma aaminsani in go’aan aan bixiyey dad lagu dhibaateeyey, balse go’aanada dowladda kasoo baxay koleyba dad dhibsanaya wey jireen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Fahad Yaasiin ayaa dalka isaga baxay maalin ka hor xil wareejintii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.

Dalkii ugu horreeyay oo casuumad rasmi ah u fidiyay Xasan kadib doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha Turkiga oo kamid ah wafdiga ka socday dowladda Turkiga ee ka qeyb-galay munaasibadda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in madaxweynaha ay ku martiqaadeen inuu yimaado Turkiga.

Wasiirka ayaa munaasibadda ka sheegay in marti-qaadka madaxweyn Xasan ujeedkiisu yahay si loo hormariyo xiriirka labada dal walaalaha.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyob Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxayna kamid aheyd sanadihii u dambeeyay saaxiibada Soomaaliya ay ee siiya tobabarada ciidamada.

Waxa kale oo lagu xasuusta inay aheyd dowladdii ugu horreeysay ee usoo gurmatay sanadkii 2011-kii markii dalka ay ka dhacday abaar xoogan.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii u horeeyay ee casuumad rasmi ah u fidiya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweyne Xasan uu Turkey ka dhigi doono dalka ugu horreeya ee uu booqdo iyo haddii uu dalal kale booqan doono kahor Turkey, balse waa wax loo joogo.

Guddi ka tirsan Senate-ka MAREYKANKA oo ansixiyey sharci muhiim u ah S/LAND

Washington (Caasimada Online) – Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa shalay ka gudbay marxalad muhiim ah, ayada oo ansixiyeen guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa meel-mariyey xeerkan, wuxuuna hadda u gudbayaa Aqalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo. 

“Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraadiga ee xasilloon, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaanqaado caqabadaha maanta jira,” waxaa sidaas yiri Chris Van Hollen (D-Md).  

“Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada xooggan ee uu sharcigan ka helay saaxiibadeena guddiga,” ayuu yiri Van Hollen. 

Sidoo kale, wakiilka Somaliland ee Washington Bashir Goth ayaa ansixinta ku tilmaamay guul iyo tallaabo muhiim ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in Aqalka Senate-ka oo buuxa uu meel-mariyo. 

Sharcigan ayaa markii ugu horeysay la qoray bishii March kadib markii uu Washington booqday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasi oo uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay Senator Chris Van Hollen.