27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Daawo: FAHAD oo sheegay laba sabab oo uu ku doortay aamusnaanta iyo is-qariska

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay lasii daayey qeybtii koowaad ee wareysi uu taliyihii hore ee NISA iyo agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu siiyey warbaahinta Gaylan Media.

Qeybtan, wuxuu Fahad uga hadlay taariikh nololeedkiisa iyo sida uu kusoo galay siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirkiisa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo arrimo kale.

Wareysigan kahor, Fahad Yaasiin waxa uu ahaa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012-kii.  

Ma jirinsawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, waxaana sawirkii ugu horreeyey laga qaaday markii uu xildhibaanka isku sharxay, waxaana wareysiga lagu weydiisay sababta uu sidaas u doortay.

Wareysigan ayuu Fahad ku sharraxay sababta uu aamusnaa, wuxuuna ku sheegay laba qodob. 

“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay. 

“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yiri.

Fahad waxa kale oo uu sheegay inuu jecel yahay wax akhriska, islamarkaana mar kasta oo uu firaaq helo ama kaligiis yahay uu akhristo buugaag ama maqaallo, si gaar ahna uu u jecel yahay aqriska taarikhda Islaamka.

Hoos ka daawo wareysiga Fahad

BEESHA CAALAMKA oo war kasoo saartay xiisadda culus ee ka taagan Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee maamulka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada ayaa war kasoo saaray xaaladda kacsan ee ka taagan Somaliland iyo qalalaasihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hargeysa.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii Khamiistii, waxayna beesha caalamka xisbiyada ka jira Somailand iyo xukuumadda talada heyso ugu baaqday in ay is xakameeyaan si looga fogaado gacan ka hadal sababi kara dhimasho iyo dhaawac.

“Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadeynta Somaliland waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee shalay, waxaana dhammaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Somaliland in si loo ilaaliyo nabadda, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada inay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada si xal looga gaaro waxyaabaha lagu isku hayo horayna loogu dhaqaaqo.

Qoraalkaan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixnaa waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Qalalaasihii ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 10 qof halka xabsiyada loo taxaabay tiro intaas ka badan, wuxuuna bilowday kadib markii Ciidamada Booliiska Somaliland ay xoog ku hor istaageen dad ay mucaaradku sheegeen in la siinayay tababar mudaharaad galinkii hore ee Khamiistii.

Xaaladda magaalada Hargeysa ayaa hadda dagan, waxayna xisbiyada mucaaradka qorsheenayaan inay banaanbaxyo sameeyaan maalinta berri ah lamana oga sida uu ku hirgeli karo maadaama xukuumadda Somaliland ay diidan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay waxa dowladdiisa lagula xisaabtami doono

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasibadii caleemo-saarkiisa ayaa sheegay in dowladiisa ay noqon doonto mid la dareen ah shacabka, islamarkaana dhago-nugul cabashadooda.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, uuna noqon doono adeege shacab oo u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan.

“Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu waxay noqon doontaa mid dhageysata oo ixtiraamta dadkeeda oo keliya dantooda ka shaqeysa,” ayuu yiri.

“Dimuqraadiyada waxaa iska leh shacabka, waxaanan ku dadaali doonaa inaan noqdo adeege shacab oo intii karaankiisa ah u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ayna mudan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu mahad-celin ballaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed oo ay wakiiladooda markale u doorteen masuuliyada u sareysa dalkeena.

“Yididiilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad ka tarjumeysa himilooyinkooda waa mid aan har iyo habeen ku shaqeyn doono, anigoo kaashanaya taageerada shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan in uu ka dhabeyo himilada ku saleysan “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”.

Aqriso: Xasan Sheekh oo shaaciyay 7 qodob oo saldhig u ah ‘Soomaali heshiis ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta munaasibada caleemo-saarkiisa ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay hal-ku-dhigiisa Soomaali Heshiis ah, kaasi oo uu ku sharaxay 7 qoddob oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedku yahay Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay udub-dhexaad u tahay cadaaladu.

“Waxaa bogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland, waxaana si gaar ah diirada u saari doono sii wadida wada-hadalada, iyadoo markasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinimo ee ay leeyihiin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka hortagi doonaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara wada-hadalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

  1. Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xaliyo tabashooyinka la kala qabo.
  2. Ka miro-dhalinta wada-hadala DF iyo Somaliland, iyada oo muhiimada la siinayo in dadka reer Somaliland ay helaan xaqooda muwaadinimo.
  3. Xasilooni siyaasadeed oo lagu gaaro wada-tashi, wada-ogol iyo wada-jir ka dhaxeeya hogaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada iyadoo markasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
  4. Taaba-galinta hanaanka federaalka si uu u nqodo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeeyo dowladnimada.
  5. Taaba-galinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo is-qancin iyo isku tanaasul.
  6. Taaba-galinta hanaanka dimoqraadiyada ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doono doorta, meel walbana laga dooran karo.
  7. Dhismaha garsoor hufan, madax-banaan islamarkaana haqabtiri kara baahida cadaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Daawo: Qeybtii koowaad ee wareysiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa lasii daayey qeybtii koowaad ee wareysi uu taliyihii hore ee NISA iyo agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu siiyey warbaahinta Gaylan Media.

Qeybtan, wuxuu Fahad uga hadlay taariikh nololeedkiisa iyo sida uu kusoo galay siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirkiisa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad wuxuu sheegay inuu dhashay dabayaaqadii toddobaatameeyadii, islamarkaana ay soo korisay hooyadiisa, isaga oo xusay inuu soo noqday Macallin dugsi Qur’aan, kahor inta aanu Jaamacad u aadin Yemen, kadibna noqon weriye. 

Waxa uu qiray inuu xubin firfircoon ka ahaa ururka Al-Itixaad Al-Islaami ee markii dambe u xuubsiibtay Ictisaam, islamarkaana uu ka gaaray darajo sare oo ah inuu gobol madax uga noqday. “Waan ku faraxsanahay, waana ku faanaa inaan xubin ka ahaa,” ayuu yiri.

Fahad wuxuu beeniyey inuu kaalin dhaqaale ku lahaa doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 2012-kii, oo uu siiyey lacag laga soo qaaday Qatar, balse wuxuu xaqiijiyey inuu ka mid ah ololihiisa doorashada. 

Waxa uu xaqiijiyey inuu Xasan Sheekh usoo jeediyey inuu ra’iisul wasaare ka dhigo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse uu diiday taasina ay noqotay dhibac yar oo madow oo gaartay xiriirkooda.

Si kastaba, Fahad wuxuu sheegay in taasi ysan aheyn sababtii ay ku kala tageen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Fahad ayaa ku warramay in arrintaas ay kadib ka heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh ayna sii wada shaqeeyeen.  

Waxaa la weydiiyey sababta uu u diiday xilkii wasiirka dekedaha ee uu u magacaabay Cumar Cabdirashiid 2015-kii, wuxuuna ku jawaabay inuu u arkay xilligaas in qanaacadiisa siyaasadeed iyo damiirkiisa aysan waafaqin habkii loo maamulayey dowladdaas.

Fahad ayaa beeniyey inuu milkiile ka ahaa dowladdii Xasan Sheekh iyo middii Farmaajo, isaga oo ereygaas ku qeexay mid aan habooneyn, balse wuxuu qiray inuu ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Farmaajo ee talooyinka ku leh.

Fahad ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo ay is-bareen dad aad ugu dhowaa isaga, kadibna uu ku qancay aragtidiisa siyaasadeed.

Hoos ka daawo wareysiga Fahad

Daawo: SHEEKH SHARIIF: Farmaajo waxaa u fiicneyd in laga guuleysto + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyinihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Mudane Sheekh Shariif Sheekh oo khudbad ka jeediyey caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo isbedelka siyaasadeed ee Somalia ka dhacay.

Shariif ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay horumarka ay Somalia ka gaartay doorashada, wuxuuna bogaadiyey sida ay labada Madaxweyne isugu wareejiyeen talada dalka.

Sidoo kale wuxuu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh oo uu u ballan qaaday inuu la shaqeyn doono, halka Farmaajana uu ku boggaadiyey kaalintiisa.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas oo kale waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka oo u qalbi qaboojinayey Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay u wanaagsaneyd in xilka looga guuleysto, uuna taas u arko cadaalad.

“Aniga waxaan aaminsanahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu guuleysto iyo in laga guuleysto waxaa u fiicneyd in laga guuleysto, sababtuna waxay muujineynsaa wixii aan annaga sheegeynay oo aheyd doorashada cadaalad ma’aha wax ka duwan, marka meesha waxa laga rabo cadaalad ayey ahaayeen,” ayuu markale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Haddii uu isaga soo noqon lahaa waxaan dhihi laheyn cadaalad ma’aha. Waa kaftan intaas,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday Farmaajo, waxaana kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad dib loo doortay.

Xiisada Somaliland oo meel sare gaartay iyo masuul ‘ka bad-baaday isku-day dil’

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsaneyd, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi.

Dibad-baxa oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, islamarkaana ay ka qeyb-galayeen dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah ayaa waxay ciidamada ku fureen rasaas aan loo meel-dayin.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo kamid ah mucaaradka.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Ciro iyo mas’uuliyiin sare oo la socday ayaa ka bad-baaday isku-day dil kadib markii ay ciidamada isku dayeen inay jiidhsiiyan gawaadhi gaashaaman oo ay wateen.

Waxaa isku-daygaas dil fashiliyay ciidamo ilaalo ah oo la socday guddoomiyaha, kuwaasi oo rasaas ku furay gawaadhida gaashaaman ee wateen ciidamada Booliska, oo sida la rumeysan yahay amar ka haystay saraakiisha sare.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryay dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi, oo muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay.

Xiisada Somaliland ayaa kasii dareysa ayada oo ciidamada Somaliland ay sidoo kale xir-xireen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibad-baxa ka qayb-galay, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland.

Daawo: Uhuru Kenyatta oo Abiy Ahmed ku bah-dilay caleemo-saarkii XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ahaa madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fool xun u bah-dilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Uhuru Kenyatta ayaa markii uu soo galay hoolka, islamarkaana ay u istaageen madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu gacan qaaday kaliya Geelle iyo Xasan.

Madaxweynaha Kenya ayaa iska indho tiray salaanta uu usoo taagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sidoo kale waxaa salaan-qaadka Uhuru ka muquurtay Farmaajo oo kamaradaha ay qabteen isaga oo fadhiga isku celinaya kadib markii uu Uhuru is-dhaafiyay salaanta Abiy.

Intii uu tallada dalka joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadow ka dhigtay Kenya, asaga oo dhinaca saaray Abiy Axmed oo xiliga ahaa walaalka koowaad ee dowladii Farmaajo.

Dhinaca kale, Uhuru oo khudbad ka jeediyay munaasibada caleemo-saarka madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta khudbadiisa uu ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Madaxweyne Geelle oo arrin muhiim ah kula dardaarmay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyey xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey dardaaraan culus oo ku socdo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahan tahay inay iyadu is garabsato, waxna wada qabsato, isla-markaana ay wax lasii qeybsato dunida inteeda kale.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Ummadeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay maskaxdeydii oo dhan waxa ay u baahan tahay xoogeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay sida uu yiri Madaxweynaha cusub heshiis dhexdeeda ah iyo heshiis ay la leedahay adduunka oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar.

Sidoo kale waxa uu usoo jeediyey madaxda Soomaaliyeed iyo shacabka inay iskaashadaan, si ay uga marmaan in mar weliba wax la siiyo.

“Gacantiina isku maamula kheyraadkiina lasoo baxa kuwa wax bixiya noqda, kuwa wax lasiinaya uun inaana la noqon, taasina halgan dheerbey dooneynsaa,” ayuu raaciyey.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu garab istaagi dowladda cusub, isla-markaana uu ula shaqeyn doono si walaalnimo ah.

“Waxaan hubaa isagoo khibaraddii loo baahnaa leh, isaga oo soo maray xukunka waxa uu yahay isaga oo garanaya waxa soo socda, sida uu u maamuli doono, sida uu u maareyn doono annagu waan ku garab joognaa Madaxweyne,” ayuu markale yiri Ismaaciil Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaan jecelnahay inaad naga daydid aktaada kula shaqeyno wanaag iyo horumar iyo Umaadda Soomaaliyeed oo faqriga ka baxda,”.

Jabuuti ayaa door weyn ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana lagu xasuusta shirkii nabadeynta Carto iyo dowladdii KMG aheyd ee dalkaasi lagu dhisay sanadkii 2000.

Daawo: Muxuu Farmaajo ka sheegay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in guusha maanta taagan ay usoo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii soo dhammaatay.

“Waa guul usoo hoytay Ummadda Soomaaliyeed oo taariikhda ay xusi doonto waxaan ognahay in dowlado naga fac weyn oo dimoquraadiyad ah ay natiijada doorashooyinkoodu mararka qaarkood uu hareeyo muran iyo khilaafaad,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan dalka uu leeyahay dowlad rasmi ah iyo hoggaan cusub oo la doortay, uuna la shaqeyn doono.

“Dalku wuxuu leeyahay dowlad shaqeyneyso iyo hoggaan la doortay oo sharci buuxa leh, waxaan baranay qori isu dhiib inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada, isaga oo uga mahadceliyey sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta difaaca iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaa kale oo muhiim ah inaan u mahadcelino ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalinba u taagan difaaca dowladnimada, una huray naftooda,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ballan-qaaday in si walaalnimo ah u garab istaagi doono Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu siin doono talooyin wax ku ool ah, si loo sii wado horumarka dalka iyo dowladnimada Somalia.

Madaxweynaha Kenya oo caleemo-saarka Xasan ka shaaciyay tallaabo uu qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale isla unkumaya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay muujiyeen niyad-sami iyo inay diyaar u yihiin ka wada-shaqeynta danaha labada dal.

Daawo: Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Engilishka iyo erayo Soomaali ah

Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labada dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga.

“Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo.

“Soomaaliya ha noolaato Ethiopiayana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea.

AL-SHABAAB oo sheegatay inay qarax ku dishay 15 ka tirsanaa ciidamada Danab

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran qarax miino lagula beegsaday wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaas oo la sheegay in ka baxeen magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi qaraxa ah lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo ka mid ahaa askarta uu sida gaarka ah u tababaray Mareykanka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale warka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaan uu gubtay baabuurkii ay saarnaayeen ciidamadaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan qaraxaasi.

Ammaanka wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa faraha ka baxay, waxaana horey loogu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah iyo qaraxyo dhigta wadadaasi, taas oo keentay inay ka go’aan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Somaliland iyo dibadbaxa ka socda (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsan, waxaana ka billowday didbad-bax ballaaran oo ay dhigayaan xubnaha mucaaradka ee ka soo horjeeda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxa ayaa waxaa hoggaaminaya mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, waxaana kala qeyb-galayey dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah.

Sidoo kale waxaa magaalada lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah dibad-baxayaasha, iyada oo rasaas adeegsanaya.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo ka mid ah mucaaradka.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryaya dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale ciidamada Somaliland ayaa xir-xiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibadbaxa ka qayb-galaya, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, sida ay ku warramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Musharaxa xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in dibad-baxa uu bilaabmay, isla-markaana xoogiisa uu dhacayo maalinta Sabtida ah.

“Mudaharaadku waxa uu si rasmi ah u bilaabmayaa Maalinta Sabtida ah Lixda Gobol &iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Saaka annaga oo dooneyna in aan dadka siinno wacyigelin ayaa naloo adeegsaday Xabad nool, sunta gaaska ah, xadhig iyo Jidh-dil oo sharci darro iyo kelitalisnimo ah,” ayuu yiri musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay doorashada hoggaanka maamulkaasi, waxaana isku haya xisbiyada mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Sawirro: Xasan oo kulankii u horreeyey la yeeshay Abiy Ahmed kadib doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka.

Abiy oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Intaasi, kadib Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la caleema saarayo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan isbedelka siyaasaded ee ka dhacay dalka, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ku dhow kulankaas oo lagu kalsoonaan karo.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka xoogan la leh dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna Abiy 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibkii Farmaajo oo ay ku wada jireen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo sidoo kale Eritrea.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo la dirira kooxda Al-Shabaab.

 

Sawirro: Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo uu R/W ROOBLE qaaday maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta garoonka Aadan Cadde, si heer sare ah ugu soo dhaweeyey wafdi ka socda dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, kaas oo uu hoggaaminayey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi, Shakhbout Bin Nahyaan.

Wafdigan ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay soo dhaweynta wafdiga Imaaraadka, waxaana lagu sheegay in wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi uu wakiil ka yahay Madaxweyne Sheikh Maxamed Bin Zayed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey, waxaana dadaal xoogan geliyey Ra’iisul wasaaraha oo marar kala duwan booqday Abu Dhabi.

Sidee looga falceliyey soo dhaweynta Rooble ee wafdiga Imaaraadka?

Hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay soo dhaweynta wafdiga ka yimid Imaaraadka oo roog cas loo dhigay, waxaana Rooble lagu dhaliilay inuu soo dhoweynta wasiiru dowle u tego garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay joogaan wasiiro la dhig ah ninkaas.

“Wasiiru dowle miyuu reysul wasaarihii dhamaa garoonka u taaganyahay?” ayuu yiri Maxamed Bashiir oo ka mid ah dadkii ka falceliyey.

“Raisal wasare dalka wasiiru dawlo malahan miyaa? .. Waa laga fiicnaa in aad airporka tagto.” ayuu isna yiri Bashiir Khaliif Duceysane.

“Raysal wasaare maqaamkaaga ha iskaga ciyaarin ee wasiirada howshooda haqaban wasiiro maleh miyaa wadanku? dhigiisa in loo diro oo sooo dhaweey la dhaho waala heli karay meelkasta ka muuqo waa lagu muunad beelaa.” ayey iyaduna Binti Karar.

“Wasiiru Dowle ka hooseeya wasiir buuxa sidee Raisul wasaare usoo dhaweeya laakiin?” ayuu falcelintiisa ku yiri Cabdalla Jamaal Qorax Joog.

“Ra’iisul wasaare Mohamed Hussein Rooble waaa horumariyaha Somalia guul ayaan ku rajeynayaa.” ayuu dhankiisa yiri Shaafici Macallin Cabdullahi.

Sawirro: Sidee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru loogu soo dhaweeyey Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyey, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemaha saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane.

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan Xarunta Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bishii Febraayo sanadkii 2015-kii ay labaduba dhagax dhiggeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa isna soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana kusoo dhaweeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Ambassador, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Uhuru Kenyata ayaa booqashadiisa Soomaaliya waxay kusoo aadeysaa, xilli uu isbedal weyn ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo.

Dowladda cusub ayaa la filayaa inay isla amba-qaadaan si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal oo daris ah, kana dhexeeyo ganacsi xoogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

Xildhibaan Cabdisaabir oo u jawaabay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee uu ku weeraray taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Hadalkaas oo ku jiray horudhaca wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey, ayuu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqoon fiican u laheyn, Mahad Salaad, oo haddii uu aqoon lahaa aanu ka dhigeyn agaasimaha NISA, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir qaranka leeyahay la wadaaga taliyaha cusub uu yahay qof sirtii qaranka u dhiibaya cadowga,” ayuu yiri.

Cabdisaabir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in wax layaab leh ay tahay in taliyihii hore uu si cad ula soo istaago saxaafadda in aan xogta dowladda lala wadaagin taliye sifo sharci ah ku maamulaya hay’adda.

“Waan ogeyn in Fahad iyo kooxdiisu shantii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeynayeen dhisitaanta dad iyo ciidan u rabayaad ah oo ugu shaqeeya si ka baxsan xeyn-daabka dowladnimada oo uu ka rajo qabo in ay amaro ka qaadanayaan iyaga oo aan wax-xil ah ka haynin dowladda,” ayuu yiri Cabdisaabir Shuuriye.

“Xogta uu leeyahay yaan lala wadaagin Mahad Salaad kiiska AUN Ikraam iyo Aamina miyaa, ileen xogta Fahad iyo waxa uu ka shaqaynayey oo dhammaystiran waa la ogyahaye?, Su’aasha kale maxuu noogu sheegi waayey cida uu doonayo in ay xogta siiyaan haddii uu u diidey taliyihooda sharciga ahaa? ma isaga ayaa raba in weli ay xogta ay la soo wadaagaan mise Al-Shabaab?”

Cabdisaabir ayaa sidoo kale sheegay inay wax yaab leh tahay in Fahad oo la ogyahay dalka uu u shaqeeyo iyo lacagta uu ka soo qaatay in uu naga iibiyo sirdoonadii ajnabi ayaan ka nadiifiyey hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay. 

Dad badan oo ka falceliyey hadalka Fahad ayaa ku macneeyey mid muujinaya in Fahad uu ka quustay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh, iyo hanashada kursigii xildhibaan ee horey looga hor-istaagay.

Wiilka Macallin Maxamuud: Galmudug kama jiri karo maamul aan aheyn midka Axmed Qoor Qoor (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciidamadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaamiyeyaasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan.

Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka, awood badana ay ku leeyihiin, isagoo meesha ka saaray inay jiraan kuraas laga siiyey baarlamaanka federaalka, si looga qanciyo tabashooyinka ay qabaan.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa cadeeyey in Galmudug uusan ka jiri karin maamul aan aheyn kan rasmiga ah ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, balse loo baahan yahay in xal loo helo qaladaadka maamul ee ka jira Galmudug.

Cabdisamad oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey sida uu u arko hadafka uu ku dagaalamo Aabihiis Macalin Maxamuud, wuxuuna ku jawaabay, “Horta anigu ma aaminsani in Aabahey qaldan yahay, weligeyna ma aaminin taas, waxaan xaqiijinayaa in Aabahey yahay nin mabda’ leh oo diinta u qidmeeya.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo uusan ku metelin Ahlu-Sunna, “Kursigaan waxaan ku metelaa beel la yiraahdo Cayr-bari, farsamo iyo awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ka ayaan ku helay kursigaan oo aniga iyo Senator saaxiibkey ah aan ku metelno beeshaas,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey halka uu hadda ku sugan yahay Aabihiis Macalin Maxamuud ayuu sheegay in meeshii uu doono uu tago, sida Muqdisho iyo Dhuusamareeb, “Bilo ka hor ayuu dalka, gaar ahaan degaanka Huurdhe u yimid Siyaartii Sheekh Yuusuf, wax ka hor taagan malahan inuu maro meeshii uu doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Cabdisamad oo horay u soo noqday Xildhibaan, wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, haatana mar kale soo noqday xikdhibaan ayaa sheegay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay markaan heystaan fursadii ugu wanaagsaneed, maadaama dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u soo xukumay dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dowlad ku hoggaamisa amni iyo cadaalad, waxaana rajeynaa inay tan noqoto,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Faah-faahin: Madaafiic xalay lagu garaacay xaafado ku dhow garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro madaafiic ah oo xalay abbaare 2:00 habeenimo lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli maanta la calaamo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, soona xiga dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo isku qoys ah, ayada oo sidoo kalena qof kale oo shacab ah, oo ka tirsan qoys kale uu ku dhintay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho ayaan wax faah-faahin ah bixinin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo billaabmay saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada ayaa la filayaa inay soo gaaraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal iyo madax kale oo ka qeyb-galeysa caleemo-saarka, waxaana jirta cabsi ku saabsan in madaafiic kale maanta lagu weeraro hoolka calaamo-saarka ee Afisyoone.

Weli ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdii xalay, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa wxaaa horey mas’uuliyaddooda u qaadan jiray kooxda Al-Shabaab.