25.6 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Mahad Salaad oo maanta la wareegay hoggaanka NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasibad kooban oo maanta ka qabsoomtay xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’addaas Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salaad ayaa hogaanka hay’adda NISA si rasmi ah ugala wareegay Yaasiin Fareey oo si Ku-meel-gaar ah xilkaas u hayay, tan iyo markii xilka laga qaaday Fahad Yaasiin oo muddo badan maamulayay hay’adda.

Xil wareejinta hogaanka cusub ee NISA ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga iyo midka Gaashaandhiga.

Sidoo kale waxaa munaasibadaan ka qeyb-galay Taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayada oo uu ku wehliyay Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA), kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Magacaabista Agaasimaha NISA ee Mahad Maxamed Salaad ayaa muujineysa ahmiyada iyo sida ay muhiim ugu tahay hay’addani madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabadii Ra’iisul wasaaraha kasoo hor-mariyay in NISA ay hesho hoggaan uu ku kalsoon yahay.

Si kastaba, Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa waxa uu kamid yahay xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay ololihiisi doorashada.

Akhriso: Liiska magacyada xubnaha uu magacaabay Xasan iyo beelo iska waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee mar labaad la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada toddobaadka ah ee uu xafiiska joogo, tan iyo markii uu xukunka kala wareegay Farmaajo 23-kii May, waxa uu magacaabayo xilal dhowr ah.

Xasan Sheekh ayaa sameeyey magacaabis u badan shaqaalaha iyo madaxda madaxtooyada ee sida gaarka ah xafiiskiisa kala shaqeyn doona, waxaana si rasmi ah loo magacaabay mas’uuliyiin ku dhow 10 xubnood, halka magacaabista aan rasmi aheyn ay kasii badan tahay.

Liiska mas’uuliyiinta uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo asbuuc ah ayaa kala ah:

1 -Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya: Xuseen Sheekh Maxamuud
2- Agaasime ku xigeenka madaxtooyada: Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan
3- La-taliyaha amniga qaranka: Xuseen Macalin Maxamuud Sheeikh Cali
4 – Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaa gurmadka abaaraha Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5 – La-taliyaha sharciga madaxweynaha JFS: Ibraahim Iidle Suleeymaan
6- La-taliyaha siyaasadda iyo xiriirka baarlamaanka Zakariye Xasan Cali (Gaashaan)
7- La –taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha JFS: Xasan Caddow Hosow

Ka sokow 7-da mas’uul ee sida rasmiga ah loo shaaciyey magacaabistooda, waxaa weli wareegto madaxweyne kusoo bixin ama aan la shaacin mas’uuliyiin ay kamid yihiin:

  1. Agaasimaha hey’adda NISA: Mahad Maxamed Salaad
  2. Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya: Cabdikariin Cali Kaar

Iyo illaa afar xubnood oo loo magacaabay agaasimayaal kamid ah madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dad badan ay dood ka keeneen in xubnahaan la magacaabay inay ku kooban yihiin awood qeybsi ahaan beesha uu kasoo jeedo madaxweynaha iyo hal beel oo kale, iyadoo ugu yaraan 2 beelood aanay weli wax xil ah ka helin mas’uuliyiinta la magacaabay.

Magacaabista ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh laga sugayo ayaa ah xilka ra’isul wasaaraha oo ka imaan doono Beesha Daarood, kaasoo awood qeybsi ahaan ay u leedahay beesha ugu weyn ee hadda ka cabaneysa in xilalka madaxtooyada aan waxba laga siin ee lagu soo koobay inta badan beesha madaxweynaha.

Xigasho: goobjooge

Sanado badan oo kibir iyo daan-daansi ah kadib, sidee Finland iyo Sweden ugu soo gacan galeen ERDOGAN?

Ankara (Caasimada Online) – Xiriirka Turkey iyo Yurub wuxuu mar kasta ahaa mid ku saleysan isma hurto, ee ma jirin rabitaan iyo qanacsanaan labada dhinac ah.

Yurubta weligood raali kama noqon inay arkaan dal Muslim ah oo awood badan oo deris lah, balse awoodda iyo saameynta Turkey ee gobolka ee aan la difiri karin ayaa ku qasbeysay inay la macaamilaan, inkasta oo daan-daansi iyo xadgudubyo joogto ah ay ku hayeen. 

Sweden iyo Finland waxay sanaddii 2019 ka mid noqdeen dalal dhowr ah oo Reer Yurub ah oo cunaqabateyn dhanka hubka ah kusoo rogay Turkey, sababo la xiriira duulaankii ay Ankara ku qaaday dhulka Syria ee ku teedan xuduudda ay labada dal wadaagaan, si ay uga sifeyso argagixisada PKK iyo YPG.

Waxaa intaas dheer in Stockholm ay sanado badan marti-gelineysay xubno Kurdish ah oo xiriir la leh kooxda PKK, inkasta oo kooxdaas ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayada oo dhegaha ku fureysaneysay qeylo-dhaanta Ankara ee ah inay soo dhiibaan ama ugu yaraan dalkooda ka eryaan.

Labadna dal ee Nordic ah waxay iska dhaadhiciyeen inaysan weligood u baahan doonin Turkey, ayaga oo aan marnaba xisabata ku darin in adduunyadu tahay meerto, oo si deg deg ah ay wax kasta isku beddeli karaan. 

Isbeddel lama filaan ah 

Sidaas ayaana dhacday 24-kii Febraayo 2022 markii Ruushka uu duulaan ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, taaso oo mowjado argagax iyo cabsi ah u dirtay Yurub, gaar ahaan dalalka aan qeybta ka aheyn xulufada NATO. 

Finland oo xuduud dheer la wadaagta Ruushka iyo Sweden waxay sanado badan cayaarayeen siyaasad dhex-dhexaadnimo ah ayaga oo aan qeyb ka aheyn gaashaanbuurta Reer Galbeedka ee NATO.

Balse duulaanka Moscow ayaa ku qasbay inay siyaasaddaas beddelaan, waxayna deg deg u qaadeen tallaabooyin ay ku codsanayaan xubunnimada NATO, oo ay si rasmi ah u dalbadeen bartimihii May. 

Labadii dal ee Nordic ee sanado badan ku jees-jeesayey Ankara, waxay si lama filaan ah ugu soo dhaceen gacanta Turkey iyo madaxweyne Erdogan, sababo la xiriria qodob muhiim ah oo ku jira xeerka NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay. 

Turkey oo loo baahan yahay

Qodobkaas ayaa dhigaya in dal kasta oo cusub oo xubin ka noqonaya NATO ay qasab tahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee ururka xubinta ka ah, taasi oo Turkey siisay awood baaxad leh, oo ay ku hor-istaagi karto xubunnimada labadan dal.

Madaxweyne Erdogan kama daahin durba inuu u sheego Helsinki iyo Stockholm inay iska hilmaamaan xubunnimada NATO illaa ka saxayaan qaladaadkii ay Ankara ka galeen.

Hadalka Erdogan wuxuu farriin cabsi iyo lama filaan ah u diray Reer Galbeedka, waayo cidna ma fileyn in Turkey ay caqaabd ku noqon karto ku-biiristo Sweden iyo Finland ee NATO. 

Finland iyo Sweden waxay hadda ku qasbanaadeen inay hoos yimaadaan Turkey lana furaan wada-hadallo ay uga codsanayaan inay aqbasho dalabkooda, ayna diyaar u yihiin inay xaliyaan walaacyada ay qabto. 

Hase yeeshee madaxweyne Erdogan ma qaadanayo xal af iyo diblomaasiyad ah, wuxuuna hordhigay shuruudo adag oo ay tahay inay fuliyaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka laabtaan cunaqabateyntii ay saareen, sidoo kalena usoo gacan geliyaan xubnaha PKK ee dalalkooda ku sugan iyo qodobo kale.

Laba daran mid dooro 

Labadan dal, waxaa hadda haysata laba daran mid dooro oo ah; inay iska hilmaamaan ku biirista NATO oo muhiim u ah amnigooda iyo badbaadadooda, iyo inaya aqbalaan oo ay fuliyaan shuruudaha Turkey, taasi oo bahdil iyo sharaf dhac weyn ku noqon doonto.

Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo Reer Galbeed ah oo si caadifadeysan wax u cabiraya ayaa soo jeedinaya in Turkey laga saaro NATO, haddii ay diiddo xubunnimada Finland iyo Sweden. 

Hase yeeshee, marka la eego awoodda ciidan ee Turkey, oo ah dalka labaad ee ugu ciidanka badan NATO kadib Mareykanka, iyo halka uu gobolka kaga yaallo, waxaa cad in xubunnimada Turkey ay ka muhiimsan tahay tan Finland iyo Sweden.

Sidaas darteed, ma furna albaab aan ka aheyn in Helsinki iyo Stockholm ay la macaamilaan Ankara, taasi oo hadda muuqata maadaama ay wada-hadallo toos ah la fureen. 

Sanado badan oo daan-daansi iyo isla weyni ah kadib, Finland iyo Sweden waxay hadda kusoo dhaceen gacanta Erdogan.

Villa Somalia o beenisay arrin la sheegay inay qorsheyneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Somalia, Cabdikariin Cali Kaar ayaa markii u horeysay beeniyay in Madaxtooyada ay qoraneyso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca madaxweyne Xasan, taasi oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Cabdikariin oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa arrintaas ku tilmaamay inay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Hadalka Afhayeenka ayaa meesha ka saaraya warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay inay Madaxtooyada qoraneyso ama qoratay dhalinyaro difaaca Madaxweyne Xasan, sidii madaxweynihii ka horeeyay oo kale.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay dhaqaale badan ku bixin jiray dhalinyaro ka difaacda baraha bulshada, una faafisay dacaayado ka dhan ah siyaasiyiinta ay is-hayeen, kaasi oo laga cabsi qabay in uu noqdo jid furtay oo madaxda dambe qaadi doonto.

Hase yeeshe Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ololihiisi guuleystay ku galay inuusan cidna bartilmaameedsan doonin, waxkastana hore looga socon doono ayaa meesha ka saaray dhaqanka noocaas ah.

Agaasimihii Villa Somalia ee FARMAAJO oo shaaciyey in deyn lagu leeyahay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Villa Somalia Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo xalay xilkaas wareejiyey ayaa shaaca ka qaaday in deyn lagu leeyahay xarunta dalka looga arrimiyo.

Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban.

“Liiska aan wareejinayo waxaa kamid ah shaqaalaha rayidka ahaa ee Madaxtooyada, Shaqaalaha KMG ah ee Madaxtooyada, Shaqaale la yiraahdo is xilqaan oo madaxtooyada ka tirsan, deyn kooban oo madaxtooyada lagu leeyahay, dukumiinti profile ah oo waaxyaha dhan ay ku qoran yihiin oo aan ku wareejinay Electronic, Liiska Hantida Madaxtooyada ay heysato oo dhammaan way lambareysan yihiin & Shaqaale raacay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si dadban Madaxtooyada uga tirsanaanayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Ciise agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

Maxamed Cabdullaahi ma sheegin ama faha-faahin kama bixin waxa ay tahay deynta lagu leeyahay madaxtooyada.

Warka kasoo yeeray agaasimihii hore ee madaxtooyada ee ah in deyn lagu leeyahay Villa Somalia ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna dadka qaar shaki geliyeen sheegashadii madaxweynihii hore ee Farmaajo ee aheyd in dowladiisa ay si weyn ula dagaalantay musuq-maasuqa, isla markaasna ay ku dadaashay bixinta xuquuqda lagu leeyahay.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa hadda maamulkeeda la wareegay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah agaasime iyo ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan kuwaas oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud, ayagaana laga doonayo inay xog dheeri ah ka bixiyaan waxa ay tahay deyntan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.

Halkaan hoose ka daawo hadalka agaasimihii hore ee madaxtooyada

 

Villa Somalia oo jawaab kulul bixisay – “Tareenkii weli waa la rarayaa ma dhaqaaqin”

0

Muqdisho |(Caasimada Online) – Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay qorshaha dowlada cusub, dhismaha xukuumadda iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Kaar oo wareysigan intiisa badan uga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa sheegay in qorshaha shaqo abuurka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh la gaarsiin doono dalka oo dhan, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiri doono nin jecleyso ama kala doorasho.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweynaha cusub, isaga oo meesha ka saaray eedeymaha culus ee loo jeediyey ee ku aadan magacaabida xilalka sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii xubnaha la magacaabay ay kasoo muuqdeen saaxibadii ku dhowaa Madaxweynaha.

“Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la rarayaa,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay dhiman tahay dhismaha xukuumadda oo ay ugu horreyso magacaabista ra’iisul wasaaraha, halkaasi oo uu tilmaamay inay ka jirto fursad muhiim ah.

“Ra’iisul wasaarihii weli lama magacaabin, xukuumaddii lama dhisin intaas marka ay dhacdo fursado badan ayaa abuurmi doono,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu afhayeenku beeniyey in dowladda cusub ay ku howlan tahay in ay howl-galiso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu markale yiri Mudane Cabdikariin Cali Kaar afhayeenka Villa Somalia.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo la filayo in isbeddalo ballaaran uu sameeyo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo saameyn doono madax kala duwan iyo shaqsiyaadkii ku dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka.

Xog: Isbadalka xilalka ee Xasan Sheekh uu wado oo qeyb ka ah taliyeyaal ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Isniintii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka la wareegay waxaa si dardar leh u socday magacaabida xilalka madaxtooyada Villa Somalia ee agaasinka iyo la-taliyeyaasha kala duwan ee madaxweynaha.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in isbadalka cusub uu saameyn doono taliyeyaal ciidan oo kooxda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u aragto inaysan la jaan qaadi karin isbadalka iyo siyaasadda cusub ee dalka ka hirgashay.

Taliyeyaasha xilalka weyn doona ee isbadalka cusub loo arko ineysan shaqo ku laheyn lana jaan qaadi karin ayaa waxaa ugu cad cad booliska, milateriga iyo asluubta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hiigsigiisa koowaad xoogga saaraya amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa la filayaa inuu isbadal weyn ku sameyn doono taliska ciidamada booliska, kan gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa ka go’an inuu tallaabo u qaado la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo shantii sano ee lasoo dhaafay wax horumar ah dowladdii hore ka sameyn dhinaca xoreynta gobolada dalka oo Al-Shabaab ay kala goysay in la isku socdo gobolada dalka qaar, sida Muqdisho iyo Baydhabo, Muqdisho iyo Afgooye oo dadku diyaarad u isticmaala sidii ay deegaanadaasi ku gaari lahaayeen.

Inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh horay u damaanad qaaday ineysan sameyn doonin maamulkiisa wax aargoosi ah iyo beegsi, hase ahaatee magacaabida xilalka cusub ayaa u muuqda kuwa aargoosi dadban, maadaama xubnihii horey ugu fadhiyay xilalka xukunkii Farmaajo ayaan isweydiin la gelin karin inay tahay wax iska cad iyo in boosaskii ay ku fadhiyeen lagu abaal marinaayo xubnihii lasoo halgamay kooxda Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu xasuustaa hal heyskii caan baxay ee “Maandhoow Farxaanoow Dhiiqaa lugaha laguu geliyoobaa ee iska jir” hal heyskaasi oo noqday mid caan baxay oo bulshada Soomaaliyeed hal qabsi ka dhigtaan, xigmadaasi oo Xasan Sheekh uu kula hadlayay Farxaan Qaroole inaan loo adeegsan beegsiga madaxdii hore iyo cid kastoo ka fikrad duwaneyd xukunkii madaxweyne Farmaajo.

Sifooyinka lagu soo xlayo ra’iisul wasaaraha cusub

Maadama ay soo gabagabowday doorashadii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), waxaa hadda la guda-galay sidii loosoo magacaabi lahaa Rai’sul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), kaas oo soo dhisi doona Golaha Xukuumaddii iyo Barnaamijka Xukuumadda kadib markii ay ansixiyaan Golaha Shacabka ee BFS.

Hadaba, qoraalkan waxaanu ku falan qeyn doonaa, kuna cabiri doonaa, sifooyinka ugu muhiimsan ama saldhig u noqon kara magacaabista Rai’sul Wasaaraha XFS. Ujeedka qoraalkani maaha in lagu magacaabo siyaasi hebel ayaa ku habboon xilka Rai’sul Wasaaraha, laakinse qoraalku wuxuu xambaarsan yahay sifooyinka iyo tilmaamaha lagama maarmaanka u ah xulista Rai’sul Wasaaraha cusub iyadoo laga duulayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo u ooman hoggaan leh daacadnimo, aqoon, waayo-aragnimo iyo khibrad siyaasadeed, karti iyo sifo hoggaamineed, si loo gaaro himilooyinka Shacabka, Xukuumaddu-na u hesho hoggaan suuban oo ka gudbin kara dalka marxalada maanta taagan iyo marxaladaha soo socda, haduu Rabbi idmo.

Sifooyinka Hoggaamineed.

Waanu ka wada dharagsan nahay tilmaamaha iyo sifooyinka hoggaamiyaha oo la wadayaqaan. Waxaase hoosta ka xariiqi doona sifooyin guud oo laga rabo qof kasta oo loo magacaabayo xilalka ugu sarreysa ee Dalka. Sifooyinkaas waxaa ka mid ah:

· Daacadnimo
· Degenaansho iyo dulqaad
· Aqoon iyo waayo-aragnimo
· Leh aragti siyaasadeed oo madaxbannaan
· Khibrad siyaasadeed iyo mid dhaqameed
· Aqoon u leh xaaladaha amniga dalka
· Khibrad u leh dhaqaalaha, shuruucda, maalgashiga iyo shaqo-abuurka
· Karti iyo hufnaan
· Kalsooni
· Khibrad u leh nidaamka Dowliga ah iyo xiriirka caalamiga ah
· Dad-wadasho iyo wax-wadaag
· Toos kara xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyadda
· Xoojin kara xiriirka DFS iyo Shacabka si loo xoojiyo kalsoonida shacabka
· Diyaar u ah wadatashi iyo nidaam daahfuran

Maxay noqon karaan sifooyinka gaarka ah uu danaynayo Madaxweyne Xasan Shiikh?

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamud waa khabiir siyaasadeed, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey ilaa sadax Rai’sul Wasaare. Muddaas uu xilka haye (2012 – 2017), Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa u kordhay aqoon iyo khibrad siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka xafiisyada Madaxweynaha JFS iyo Rai’sul Wasaaraha XFS. Intaas waxaa usii dheer, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu fursad u helay inuu casharo siyaasadeed ka barto Xukuumadihii uu magacaabay

Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullahi Farmajo, oo lasoo shaqeeyey labo Rai’sul Wasaare mudadii uu xilka hayay (2017 – 2022).

Hadaba, maxay noqon karaan sifooyinka uu sida gaar ah Madaxweyne Xasan Shiikh ku xulan karo Rai’sul Wasaare cusub? Markii la qiimeeyo xogo kala duwan iyo falanqeyn la xiriirta sifooyinka uu sida gaarka ah u raadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa muuqata inuu Madaxweynuhu raadinayo dhammaan sifooyinka hoggaamiyaha suubban (oo kor ku xusan), wuxuuna si gaar ah u raadinaya mas’uul leh tilmaamaha hoos ku xusan:

· Waji ku cusub xilalka ugu sarraysa Dowladda Federaalka
· Leh dammaanad-qaad lagu kalsoon yahay
· Ay wadashaqeyn wanaagsan yeelan karaan Madaxweynaha
· Khibrad badan u leh xaaladaha dhaqan, dhaqaale iyo siyaasad ee Dalka Soomaaliya
· Khibrad u leh arrimaha amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagaxisada
· Qaban kara shaqooyinka farsamo (Technical) ee Xafiiska Rai’sul Wasaaraha si loo hirgaliyo Barnaamijka Xukuumadda
· Aqoon iyo khibrad u leh toosinta xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyada
· Horumarin kara wadahadallada DFS iyo Somaliland
· Xirfad iyo aqoon u leh xiriirka dibloomaasiga iyo kan caalamiga
· Khibrad u leh halabuurka iyo hirgalinta barnaamijiyo lagu hormariyo dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo maalgashiga dalka

Wadashaqeynta Madaxweynaha iyo Rai’sul Wasaaraha

Magacaabidda Rai’sul Wasaare leh tilmaamaha aan kor ku xusan waxay muhiim u tahay in la fuliyo qorshihii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh, hal-ku-dhigiisuna yahay “Soomaali heshiis ah, Dunida-na heshiis la ah”. Hadaba, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu Ilaahay SWT siiyay fursad dahabi ah inuu mar labaad qabto xilka ugu sarreeya ee Dalka. Madaxweynuhu waa khabiir, waa hoggaamiye lasoo tijaabshay, waa oday leh waayo-aragnimo ku filan, waxaana laga sugaya magacaabista Rai’sul Wasaare ay is aaminsan yihiin oo ay wadashaqeyn karaan. Xukuumadihii hore, Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa lagu tilmaamay hoggaamiye kusoo magacaabay Rai’sul Wasaare-yaashii la soo shaqeeyey ka dib wadatashiyo uu la sameeyey saaxiibadiisa siyaasadeed.

Hasa yeeshee, maanta shalay ka duwan, waxay xogo laga soo xigtay Xafiiska Madaxweynaha qeexayaan inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa xusid mudan inuu Madaxweynaha JFS sheegay inuu wadatashiyo ka dib isagu kaliya soo magacaabi doono Rai’sul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wadashaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo Xukuumadda Federaalka.

Akhriste, adigu-se maxay kula tahay?

Ali Muhiyaddiin
Muqdisho, Caasimada
[email protected]

Daawo: Dhibane Gaboose oo xog cusub ka bixiyey dilkii Injineer Yariisow iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay ayaa ka sheekeeyey wixii ku dhacay.

Agaasime Gaboose oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii uu u dhacay qaraxii lagula beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, xilli ay shir isugu yimaadeen masuuliyiintii la laayey ee maamulka gobolka.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale Agaasime Gaboose wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii dhaawacyadooda dalka Qatar loola qaaday Guddoomiye Yariisow oo Dooxa ku dhintay.

Gaboose hadda wuxuu ka go’anyahay lug iyo gacan is xiga, sidoo kale waxaa ka dhacay labada indhood, intii uu ku guda jiray wareysigaan wuxuu soo bandhigay walaac uu ka qabo in loo badbaadi karay lugtii iyo gacantii looga jaray Isbitaalka Digfeer.

Markii dhaawacooda looqaaday Dooxa ee uu geeriyooday Eng. Yariisow wuxuu sheegay in isagu uu miyir la’aan ahaa oo geerida guddoomiyaha uu ogaaday bil kadib, markii uu koomada ka soo baxay.

Maxamed Maxamuud Gaboose Agaasimihii Hanti-dhowrka gobolka Banaadir wuxuu shaki gelinayaa cidda qarxisay iyo xogtii ay soo bandhigeen hey’adaha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay aad isku khilaaf saneed.

Hoos ka daawo wareysi uu la yeeshay Weriye Xuseen Cabdulle

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online)–Wareegto aan ilaa weli si rasmi ah madaxtooyada u shaacin in lagu magacaabay Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Villa Somalia ayaa si hordhac ah wariyaha booskaasi xajistay baraha bulshada loogu hambalyeynayaa.

Agaasime kuxigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa u hambalyeeyay afhayeenka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo lagu magacaabo C/kariin Cali Kaar.

C/kariin oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala telefishinka Somali Chanel ayaa inta aysan Villa Somalia kasoo bixin digreetadii magacaabistiisa durbadiiba baraha bulshada lagu ogaaday.

Agaasime Cabdinuur ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay C/kariin, wuxuuna u rajeeyay inuu illaah la garab galo xilka loo igmaday, dulqaadkeedana uu yeesho maadaama howl dhib badan ay tahay.

C/kariin Cali Kaar ayaa horay usoo noqday guddoomiye degmo, balse laga qaaday xilka, wuxuuna dib ugu laabtay shaqadiisii wariyenimo oo uu daadihin jiray wareysiyada xasaasiga ah.

Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo khibrad sareysa u lahaa tabinta wararka iyo dhacdooyinka Villa Somalia ayaa booskiisa laga sugayaa inuu buuxiyo C/kariin Cali Kaar.

Maxaa looga hadlay kulankii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka dalka Shiinaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista doorka wada shaqayn ee Baarlamaannada labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Sare.

Sidoo kale Danjire Fei Shengchao ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashadiisa oo uu ka waday Baarlamaanka Dowladda Shiinaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao booqashadiisa maanta iyo ka qeyb-galka dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo Safiirka Shiinaha uu la qaadanayay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda, wuxuuna dhawaan ballan-qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalkeena.

Muxuu Sheekh CALI WAJIIS ka yiri tallaabooyinkii uu qaaday Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Universal.

Sheekh Cali Wajiis ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in ka Culumo ahaan ay u duceyn doonaan, islamarkaana ay garab istaagi doonaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha cusub iyo xilalka uu magacaabay.

Sheekha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay ay yihiin dad u qalma xilalka loo dhiibay, wuxuuna boggaadiyey sida ay ku socoto dhismaha dowladda cusub.

“Dadka uu  xilalka hadda u magacaabay waa dad aad kafaa aad sar sare ah oo qof walba majaalkiisa loo xulay waxaan aad ugu diirsanay, una soo dhoweynay shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah oo caanka ah, sida walaalkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la mid ah taliyaha NISA oo mardhow la magacaabay walaalkey Mahad oo nin culus ah,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu aad ugu amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh shaqooyinkii uu horey uso qabtay, sida arrimaha deyn cafinta, mushaaraadka iyo dhanka shaqaaleysiinta.

“Afarta sano oo hadda ka hor soo haayey la dhihi karo inuu fariisiyey isagu, ileen waan ognahay nidaamka deyn cafinta isagaa bilaabay, hawada sare isagaa bilaabay oo marka dambe lagu guuleystay, wuxuu billaabay mushaaraadka, shaqaalihii dowladda isagaa ugu dambeeyey gadaashiis shaqaale rasmi ah lama qorin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Sheekh Cali Wajiis ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo horey u jeediyey hadallo uu ku difaacayey, kadib marar badan oo uu ka soo muuqday qalabka warbaahinta.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka degmada Marka

0

Marka (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhabagal ah oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

Dagaalka iyo weerarka ka horreeyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degaannada Janaale iyo Buufo ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka uu ku dhaawacmay 1 askari oo kale.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana ciidamada la weeraray ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo gaaray magaallo xeebeedka Marka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kaeoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Shabeelaha Hoose waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray GEERIDA C/llaahi Maxamed Shirwac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii uu kulahaa nabadaynta dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid samafale, Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa tacsi loogu diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa ururadda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in marxuumku ahaa halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, waqtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa iyo dalkiisa.

AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay Zoobe.

Cabdullahi Maxamed Cali Shirwac oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Cabdullahi Maxamed Cali (Shirwac) oo ahaa guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka ah, kaas maalmihii la soo dhaafay aad u xanuunsanaa.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa, wuxuuna xalay saq-dhexe ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la filayey in arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa si loola tacaalo xaaladdiisa, balse ay ku timid geeri, kahor inta aan la qaadin.

Madax kala duwan iyo qaybaha bulshada ayaa ka tacsiyeysay geerida AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Diini Maxamed Diini oo ay bulshada rayidka ah iskala soo shaqeeyeen ayaa sheegay in Shirwac uu ahaa aqoonyahan iyo samafale ka shaqeyn jiray u ololeynta nabadda.

“AUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac, dambigiisa allaha dhaafo, jannatul-firdowsa allaha ku abaalmariyo, waxa uu ahaa aqoonyahan soomaaliyeed, samafale si gaar ah uga shaqeyn jiray islaaxa iyo nabadda, runtii waxa uu ahaa astaanta Bulshada Rayidka, ehelkiisa sabar iyo iimaan allaha ka siiyo” ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war ka soo saaray geerida ku timid marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehalladiisa, gaar ahaan qoyskiisa, caruurtiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa,” ayuu yiri ra’iisul wasaruhu.

Rooble ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay isgoyska Zoobe.

Sawirro: Xil-wareejin caawa ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ayaa caawa xilalka kala wareegay Agaasimayaashii hore, kadib munaasabad ka dhacday Villa Somalia.

Agaasimihii hore Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo ku-xigeennadiisii Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon ayaa caawa si rasmi ah u wareejiyey xilalkaas.

“Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Dhankiisa, Agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaashiisa ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasimayaashii ka horeeyey ee Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.

 

Askar ka tirsan milateriga oo sabab yaab leh maanta shacab ugu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada milateriga oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa si bareer ah maanta duhurkii qof shacab ah ku dilay kasoo horjeedka Bacadlaha Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Askartaasi oo xiligaasi dhacayay Qaad ayaa rasaastii ay fureen ay ku dishay qof shacab ah, waxayna goobta ay ka qaateen dhowr xermo oo qaad ah.

Goobta dilka ka dhacay ayaa saacad kadib waxaa soo gaaray taliyaha ciidamada booliska degmada Xamar Weyne oo goobta ka qaaday meydka qofka shacabka ah.

Goobta falka dhaca iyo dilka uu ka dhacay ayaan ka fogeyn xarunta laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidamo milateri iyo boolis ka tirsan.

Lama oga in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin kuwa ilaaliya madaxtooyada Villa Somalia iyo in ay ahaayeen kuwo dool ah oo degmada Xamar Weyne bannaankeeda ka yimid.

Sidoo kale waxaa isla maanta iridka dekadda Muqdisho horteeda lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur.

Askarta dowladda ee ku sugan gudaha Muqdisho ayaa si macno daro ah u geysta dilalka, iyadoo aysan jirin anshax iyo edeb ay dadka rayidka iyo dhexdooda ay iskula dhaqmaan, wuxuuna askariga qoriga heysta is moodaa inuu dadka rayidka wax badan ka awood badan yahay.

Daawo: Booliska Beledweyne oo dad u soo qabtay dilkii Nabadoon Cali Dheere

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada ka waday howlgallo xoog leh ayaa soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug-lahaayeen Nabadoon xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada.

Taliyaha booliska degmada Beledweyne Bishaar Xuseen Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in tiro dad ah ay u soo qabteen dilkii xalay Beledweyne loogu geystay Allaha u naxariistee Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere).

Marxuumka oo ka tirsanaa ergadii wax kasoo dooratay baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Taliye Bishaar ayaa sheegay in dilkaas kadib ay howlgallo culus magaalada ka bilaabeen, isla markaana ay soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo inay ka mid yihiin xubnaha Al-Shabaab u jooga magaalada.

Beledweyne waxaa mar sii horeysay ka bilaabatay beegsiga ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaaladaas ka jirta cabsi amni oo xoog leh.

Hoos ka daawo

Mid kamid ah ilaalada gaarka ah ee guddoomiye CUMAR Filish oo la dilay (Faahfaahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Irida laga galo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo uu rasaasta ku furay Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo asagna ku sugna Irida hore ee dekedda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa marxuumka iyo Askariga dilka geystay soo kala dhex-galay muran, kaasi oo markii dambe sababay in uu ku baxo AUN Xuseen Abuukar Nuur.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa durtaba gaaray goobta uu ka dhacay dilka, ayada oo halkaas ka bilaabay baaritaano la xiriira dilka iyo sida uu u dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka Askariga la dilay la geeyay xarunta CID-da.

Ma aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dilo Askari kale oo uu muran soo kala dhex-galay, waana dhacdo in badan soo noq-noqotay oo marar badana looga digay ciidamada.

Muxuu CC SHAKUUR kala hadlay Wasiir Khadiijo iyo wasiiro goboleedyada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gargaarka ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

“Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wada shaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu danbaynii Ergeyga iyo wasiirrada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.