25.6 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Sawirro: Dowladda Turkiga oo ballan-qaad muhiim ah u sameysay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha ayaa ballan-qaaday in dowladiisa ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegay in dowladiisa ay door muhiim ah ka qaadan doonto samatabixinta malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Kulanka Danjiraha iyo Ergayga gaarka ah ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu maalmihii u dambeeyay looga hadlayay xaalada abaareed ee dalka iyo sidii ay dalalka beesha caalamka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ugu dambeyntiina Ergayga ayaa uga mahad-celiyay Safiirka iyo dowladda Turkiga taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha ayaa sidoo kale goor sii horeysay la kulmay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta, oo asagu muujiyey sida ay dowladiisa uga go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa asagna ballan-qaaday wada-shaqeyn buuxda si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen, xilli ay dhawaan deeq lacageed ay ku wareejiyeen dowladda.

Dhageyso: Sida yaabka leh ee diyaarad ay SOOMAALI leeyihiin uga degtay ISRAEL

Nairobi (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu baahiyey in diyaarad ku duuleysa magaca Somali Airlines ay ku degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil.

Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa xalay ka degtay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, waxaana sababta ay uga degtay sharaxay milkiilaha diyaaradaas Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle oo la hadlay Idaacadda VOA.

Xaajiga ayaa beeniyey inay diyaaraddu ku socotay magaca Somalil Airlines, isagoo xaqiijiyey in diyaaradiisu ay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Rakaab ay siday ayuu sheegay inay ka dejisay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, isla markaana ay diyaaradu u rareed nin ka kireystay, sidoo kale Xaaji Ibraahim ayaa sheegay inuu qabsaday ninkii, balse uu xaqiiqsaday in diyaarad wadata leesinka Kenya aysan meel ka xiran jirin.

Soomaaliya iyo Israa’iil ma laha xiriir diblomaasiyadeed, weligoodana ma yeelan, taasi waxay keentay in markii xalay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines oo uu leeyahay nin Soomaali ah ay ka degtay caasimadda Israa’iil aad loogu faafiyo warkeeda baraha bulshada.

Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle ayaa sheegay in seddax diyaaradood uu leeyahay, isla markaana laba diyaaradood oo aan aadi karin dunida kale ay ka diiwaan gashan yihiin Soomaaliya, halka mida xalay tagtay Israa’iil ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Agaasimaha cusub ee warfaafinta madaxtooyada oo caawa xilka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomalia xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Madaxtooyada Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirishiid Duqa ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in shaqooyinkaas ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, wuxuuna Alle uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada.

Sidoo kale Agaasime Dige ayaa u mahadceliyey Agaasimihii hore Cabdirishiid Duqa, shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa bilowday is bedel ku socda maamulka madaxtooyada, iyadoo horay loo magacaabay Agaasimaha guud, ku xigeenkiisa, agaasimaha warfaafinta iyo xubno kale.

MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Nabd-Sugidda Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha hey’adda ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dhanka ammaanka ah Shadoor ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.

Wuxuu mudooyinkii u danbeeyay ee si dhow uu ula shaqeynayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo dhinaca amniga uu kala shaqeynayay doorashooyinkii lasoo dhaafay.

Muxuddiin ayaa xilka kala wareegaya Cilmi Maxamed Baruuke oo xilkaasi loo magacaabay bishii Maarso.

Mahad Salaad ayaa shalay la wareegay xilka hey’adda NISA oo Khamiistii lasoo dhaafay ay magacaabidiisa ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Durba waxaa bilowday isbedel dhanka hoggaanka ah oo hey’adda ku socda, waxaana lagu wadaa in maalmaha iyo bilaha soo socda wax badan ay is ka bedelaan habdhaqankii hey’daas oo muhiim u ah dib u soo kabashada ammaanka dalka.

Qorsheyaasha socda waxaa ka mid ah in magaca laga bedalo hey’adda NISA, waxaana la qorsheynayaan in loo bixiyo FISA, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay Muxuddiin Warbac ugu magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, hase ahatee waxaa ka horyimid Farmaajo oo khilaafkii hoggaanka NISA xiligaasi ka taagnaa ayaa lagu burburiyay magacaabistaasi.

Guddiga FEIT oo ka hadlay xogta la xiriirta HOP#086 ee banaanka uga soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal (FEIT), Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay xog lasoo dusiyay oo ku saabsan in guddiga uu damacsanaa fasixida kursiga HOP#086.

Guddoomiyaha oo la hadlay BBC-da ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inay doonayeen inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP#086, kaasi oo doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, maadaama uu fashilmay isku daygaas guddiga uu waday, guddiga ayaa hadda doonaya inay fashilkaas iska badbaadiyaan, waana midda keentay inay beeniyaan qorshihii ay maalmahaan ka shaqeynayeen.

Warka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble uu fashiliyey isku day ay guddiga ku doonayeen inay ku ansixyaan kursigaas oo ay heshiis kula galeen Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey inuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Waxaa jiray in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Si kastaba, Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la xiriira gurmadka abaaraha, si loo samata bixiyo malaayiinta qof ee ay abaaruhu saameeyeen.

Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Abu Dhabi ay ka go’an tahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed.

Amb. Al Hammadi ayaa intaas kaddib ergeyga u ballan-qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo sii amba qaadio howlaha caawinaada ah ee loogu gurmanayo dadka tabaaleysan.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga mahadceliyay Safiirka dalka Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada xoogan ee uu wado ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee haaran ka jira koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Ergeyga ayaa horey sidaan oo kale u qaabilay safiirada dalalka Sacuudiga iyo Qatar, wuxuuna kala hadlay shaqadiisa cusub iyo gurmadka socda ee abaaraha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay abaaro ba’an oo saameyn daran ku yeeshay dadka iyo duunyada, taas oo haatan ka jirta qaybo ka badan oo ka mid ah waddanka.

Soomaaliya iyo lix waddan oo kale oo dhoolatus milatari sameynaya iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku biireysa lix waddan oo ku dhawaaqay inay sameyn doonaan dhoolatus militari oo ujeedkiiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan Badda Cas.

Dalallka lixda ah ee dhoolatuskaan sameenayo ayaa kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya.

Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo ah taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sacuudga ayaa xusay in dalalka ku teedsan Badda cas ay is-dhaafsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xoriyadda socdaalka badda cas.

Taliyaha howlgalkaan hoggaamin doono oo lagu magacaabo Admiral Yahya ayaa sheegay in lixda waddan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan.

Admiral Yahya ayaa sheegay in marin biyoodkaan uu yahay marin-biyood dhaqaale fiican leh sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay sameeyaan dhoola-tuskaan si ay usoo jiitaan adduunka intiisa kale.

Lixda wadan ee ka qeybgalayo dhoolatuska militari ayaa waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warka kasoo baxay Admiral Yahya, balse waxay noqon doontaa dhoola-tuskii ugu horreeyey ee dalal badan ah oo muddo ay ka qeyb gasho Soomaaliya.

Xog: Qorshe magaca looga beddelayo NISA oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe magaca looga beddelayo hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqjiiyeen Caasimada Online. 

Qorshahan oo uu wado agaasimaha cusub ee hay’adda Mahad Salaad oo xilka la wareegay Axaddii shalay, ayaa waxaa sidoo kale wax ka og madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay fahamsan tahay Caasimada Online).

Magaca cusub ee hay’adda ayaa la qorsheynayaa inuu noqdo, Federal Intelligence and Security Agency (FISA) ama Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Federaalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddel guud oo lagu sameynayo hay’adaha federaalka iyo si gaar ah hay’adda NISA, oo muddadii uu Farmaajo madaxweyaha ahaa noqotay mid ku milantay siyaasadda oo lagu fushado dano shaqsi.  

Si kastaba, si arrintan ay u hir-gesho waa in la horgeeyaa baarlamanka, laguna soo saaraa xeer baarlamaan, taasi oo la filayo inaysan dhib noqon doonin maadaama guddoonka baarlamanka ee hadda jira uu ku dhow yahay madaxweynaha. 

Qodobka 130-aad ee dastuurka federaalka ayaa dhigaya sida: Sharciga Hay’adaha Amaanka Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Sidaas darteed, awoodda magac ka beddelista hay’adda waxay si buuxda gacanta ugu jirtaa baarlamanka, haddii aan la helin daldaloolo looga wareegsan karo. 

Waxyaabaha uu diiradda saarayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta hay’adaha amniga iyo xaqiijinta amniga caasimadda. 

Hay’adda sirdoonka oo la aas-aasay 8-dii Janaayo 1970-kii waa markii hore uu magaceedu ahaa Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ama National Security Service (NSS). Waxaa magaca NISA loo bixiyey bishii Janaayo 2013-kii xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, markaasi oo dib loo aas-aasay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri booqasho ku tegaya BAYDHABA + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia.

Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.

Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba.

Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo abaabulka ka socda magaalada Muqdisho.

Safarka Baydhabo, kadib Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa tegi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaja u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii laga adkaaday, Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa ku howlan dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u ballan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu beegsanayo kuwa ka fikirka duwan.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax iyo dagaal ka dhacay AFGOOYE + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyey khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee guriga gudoomiye ku xigeenkii hore amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac, isaga iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday, xilliga uu dhacayey qaraxa.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, mana jiro wax faah faahin ah oo ay ka bixiyey qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Afgooye, kadib weerar ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Daawo: Ugaas Xasan oo ka jawaabay hadalkii taliye Shub ee qorshaha Xamar ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye Shub), kaas oo dhowaan shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku howlan duminta Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in Taliye Shub markiisii hore lagu yaqaanay hadallada kicinta ah iyo handadaada, balse wuxuu tilmaamay in haatan looga baahan yahay inuu garto mas’uuliyada saaran maadaama uu yahay xildhibaan Qaran.

“Horta Jenaraal Mahad inta aan ogahay, inkastuu ahaa nin ciidan ah markiisii hore, laakiin maanta xeyndaabkii ciidanka iyo handadaada waa kasoo gudbay waa xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Ugaas Xasan “Waxaan ka sugeynaa Jenaraal Mahad hadalladii lagu yaqaanay kicinta iyo colaadaha inuu iska daayo oo garto mas’uuliyadda saaran inay ka weyn tahay midii waagu ciidanka ahaa in wax la dilo kaliya aheyd,”.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan aheyn siyaasiyiinta la eedeeyey kuwa duminayo Koonfur Galbeed, balse ay yihiin kuwii soo dhisay, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo in la ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyey.

“Koonfur Galbeed dadkii duminaayey ma nihin dadkii shalay soo dhisay, maantana jiritaankeeda ogol, berina inay wanaagsanaato ayaan rabnaa, haddii uu Alle idmo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey xildhibaan Mahad uu weerar afka ah ugu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Lafta Gareen oo uu ku eedeeyey in ay wadaan qorshe lagu burburinayo Koonfur Galbeed, siduu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo horleh, waxaana la isku hayaa muddada xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeedo ku eedeynayaan inuu wado qorshe uu ku kororsanayo xilka.

Agaasime GABOOSE oo shaaciyey xog ku saabsan IKRAAN TAHLIIL FAARAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bixiyey faah faahin iyo xog ku aadan Ikraan Tahliil Faarax.

Dhibane Gaboose oo weerarkaasi ku waayey lug iyo gacan is xiga ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana sidoo kale wax looga weydiiyey aqoontii uu u lahaa Ikraan Tahliil oo la waayey, kadib dilkii Eng. Yariisow.

Agaasimaha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd gabar yar oo deggan, afgaaban, misana adaab leh, sida uu ku sheegay qaybta labaad wareysiga uu bixiyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta badan aysan joogi jirin xafiiskeeda, balse ay agfdhiisan jirtay guddoomiyihii la dilay ee Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ay si dhow ula shaqeyneysay mudadii uu joogay xafiiska.

“Ikraan Tahliil waxaan ka xasuustaa gabar yaroo afgaaban oo idaab badan marka iyadu xafiiskeeda inta badan ma joogi jirin waxay joogi jirtay xafiiska guddoomiyaha oo guddoomiyaha ayey agfadhin jirtay inta badan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Gaboose.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shaki weyn uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la rumeysan yahay in loo beegsaday xog ay ka heysay qaraxii gobolka Banaadir, walow arrinteeda ay dhalisay xiisad xoogan oo hareysay dowladda Soomaaliya.

Ikraan oo aheyd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waayey June 26 2021, markaas oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda magaaladaMuqdisho, balse 2 September ee 2021 ayaa hay’adda NISA waxa ay sheegtay inay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab kadibna sidaas lagu khaarijiyey.

Xog: Sidee Rooble uga war helay qorshaha guddiga FEIT kahor inta aanu kala dirin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey iuuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa suurta-gal ah in dad badan ay is-weydiiyaan sida lacag sidaas u badan loogu bixin karo kursi xildhibaan, balse muhiimadda ayaan aheyn kursiga ee waa xasaanadda uu leeyahay.

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2016 ay xildhibaano badan oo badankood kasoo jeeda beesha Hawiye ay kuraas xildhibaan ku bixiyeen lacag ka badan nus milyan dollar, si ay ugu helaan xasaanad uguna ilaashadaan ganacsiyo iyo qanadaraasyo ay ka hasytaan dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiska qarsoodiga ah ee guddiga iyo Fahad ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha usoo dusiyey xubno ka mid ah guddiga oo ku dhow, taasi oo keentay go’aankii deg degga ahaaa ee uu xalay ku kala dirau guddiga. 

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Faarax Cabdulqaadir oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda haddii tallaabada uu xalay qaaday Rooble ay arrintaas qeyb ka tahay.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii lacagta qaatay doorashadii Xamar oo lagu dhegan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomalaiya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay inay dhowr murashax ay lacago laaluush ah uga qaateen inay u codeynayaan doorashadii madaxweynaha ee dhacday 15-kii May.

Caaqil Cabdi Cumar oo ka mid ah odayaasha beesha Isaaq ayaa ku eedeeyay xildhibaanadan inay khayaano iyo ballan-fur sameeyeen, isaga oo tlmaamay in ay sumcad dileen magacii beesha.

“Ummadii Illaahey, meel kasta waxaa nala leeyahay, xildhibaanadii Isaaq baa na gurtay, anigu gurigii Saciid Cabdullaahi Deni baan joogay, ninkii kursiga aad Muuse Ismaaciil u dhacday ee ku fadhiyay, lix qof iyo adiga, toddoba ayuu Saciid Cabdullaahi Deni kasoo gacan mariyay, waa xildhibaanka yar ee Ceyduruus la dhaho, waan taagnaa nadartu baan ahaa, waan la joogay anigu, kuturi-kuteen maaha, meel kasta waa laga qeylinayaa, ceebtaasi magac xumida “Habar Yoonisoow Saalaxoow” “Adaa baday, maantana waa kaa cidlada fadhida, wixii dhacayba dhaceee, dadka murashaxiintaa lacagtooda u celiya, lafahiina yeynan idiin dilinee,” ayuu yiri Caaqil Cabdi Cumar.

Caaqil Cabdi ayaa ku qeyliyay in xildhibaanadaasi ay magac iyo sumcad dileen magacii beesha, wuxuuna ku baaqay in murashaxiintii xildhibaanadaasi lacagta ka qaatay in dib loogu celiyo si loo ilaaliyo magacii iyo sumcada beesha.

Hadalkaani ayaa xaqiiq iyo caddeynba ugu filan in doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ay aheyd mid masuq maasuq oo lacago lagu baxshay.

Kuma koobna oo kaliya xildhibaanada waqooyi, balse wuxuu ahaa dhaqan guud in xildhibaanada golaha shacabka ay musharaxiin badan lacago uga qaateen inay codka siinayaan balse ay kadib siiyeen mid ka mid ah kaliya wareeggii koowaad.

Maqaayad Faransiis ah oo Sacuudiga ku taalla oo loo diiday haweenka xijaaban

Jeddah (Caasimada Online) – Maamulka maqaayad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ku taalla magaalo xeebeedka Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucay inay maqaayada soo galaan haweenka xiran xijaabka ama indha shareerka Islaamka, taas oo kicisay carro badan oo ka timid macaamiisha maqaayadda iyo muwaadiniinta boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Bagatelle Jeddah, oo ah laan ka mid ah silsiladda makhaayadda caanka ah ee Faransiiska, ayaa la sheegay todobaadkii hore iyo horraantii toddobaadkan inay diiday inay soo galaan dumarka xiran xijaabka iyo cabaayadaha.

Sidoo kale, maqaayadda ayaa la diiday inay soo galaan haweenka xiran cabaayadda dabacsan oo ay xirtaan hweenka boqorootyada ingiriiska. Sidoo kalana waxaa maqaayadda loo diiday inay soo galaan ragga ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Sacuudiga.

Kadib markii ay warbixinada sheegaya arrintaan soo bandhigeen wargeysyada iyo boggaga internet-ka, waxaa bilowday durba kacdoon ay dadka Sacuudiyaanka ah uga hor tagayaan arrintaa, waxaana baraha bulshada lagu soo qoray warbixino iyo hadalo adag oo arrintaan looga jawaabayo.

Qof ay ugu qortan tahay Facebook Ameera Al Qahtani ayaa tusaale ahaan tiri “ Uma qalanto maqaayadaan wax xidig ah, sababtoo ah waxay diiday inay haweenkeena u ogolaato inay xirtaan xijaabka, sidoo kalana waxay diiday inay raggeena xirtaan khamiiska, waa in laga ceyriyo Jeddah, ma aysan tixgelin diinteena waxayna naga dhigtay kuwa aad u careysan”.

Maqaayadda oo maalmihii dambe lagu eedeenayey in cunto xumo iyo dhadhaqan la’aan  ayaa hadda ku jirto xaalad halis ah maadaama ay faraha lasii gashay waxyaabo kiciyey carada dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Sacuudiga.

Maqaayadda ayaa marka laga raadiyo Googlaha waxaa dadka usoo baxayo inay xiran tahay taasoo la sheegay inay ka dhalatay kacdoonka ay internet-ka sameeyeen dadka Sacuudiyaanka ah. Laakiin waxaa kale oo laga yaabaa inay sabab u tahay amar ka soo baxay maamulka Sucuudiga, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo deg deg ah, haddana qaar ka mid ah warbaahinta gobolka ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Jeddah uu qaatay go’aanka lagu xirayo maqaayadda.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Boqortooyada Sucuudigu ay sannadihii u dambeeyey kordhisay dadaallada ay ku doonayso inay ku soo jiidato dalxiisayaasha ajaanibka ah, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ah, si ay u tagaan goobaha dalka gudihiisa ah. Mid ka mid ah meelaha soo jiidashada leh ayaa ah xeebta Jeddah oo ay ku taalo maqaayadan muranka dhalisay.

Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee walaaca ku saabsan xiisadaha bulshada ee ka dhashay iska hor imaadka u dhexeeya qiyamka bulshada Islaamka ee Sacuudiga u dhashay iyo waaga cusub ee uu Maxamed Bin Salman rabo inuu geliyo dalkaas si loo dhiirageliyo dalxiisayaasha.

Agaasimihii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Yariisow oo xog cusub bixiyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la baahiyey qeybta labaad wareysi xanuun badan oo Idaacadda Kulmiye uu siiyey Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay.

Agaasime Gaboose oo qaraxaas ku waayey lug, gacan iyo labadiisa indhood ayaa wareysigiisa qeybtaan ku sharax dhibaatooyinkii uu soo maray, goortii uu ka soo laabtay dalka Qatar, balan qaad aan fulin oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka helay, dalalka loo sheegay in dhakhaatiir wax ka qaban karta dhaawaciisa uu ka heli karo iyo waxa ka jira in gabar Indha la’ ay fulisay qaraxaas.

Maxamed Maxamuud Gaboose oo dhaawaciisa lala qaaday Allaha u naxariistee guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dalka uu dib ugu soo laabtay Ramadaankii hore, si dowladda Soomaaliya uu caawin caafimaad uga helo, balse uusan weli ka helin.

Wuxuu sheegay in loo geeyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo u sameeyey seddax balan qaad oo uu ka xusay in seddax maalmood gudahood dibadda caafimaad loogu qaadi doono, isla markaana uu arrintiisa u xil saaray xoghayaha guud ee xafiiskiisa, balse uu balantii ka baxay ninkii arrintiisa loo xil-saaray.

Dhibane Gaboose ayaa u cudur daaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo mudadii uu xafiiska joogay dhexda uga jiray howlo doorasho oo aad u adag, wuxuuna aad ugu mahad celiyey seddax qof oo kala ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre iyo guddoomiye Cumar Filish.

Wuxuu aad uga cabtay sida ay u qadari waayeen Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdii la shaqeyneysay, isagoo sheegay in ergo badan uu u dirsaday xafiiska Madaxweynaha marar kala duwan, si dalka dibadiisa uu caafimaad ugu qaado, balse ugu dambeyntii uu Agaasimaha madaxtooyada u balan qaaday in markii Farmaajo dib loo soo doorto uu la kulansii doono.

Dalalka kala ah, Jarmalka, Mareykanka iyo Talyaaniga ayuu sheegay Maxamed Gaboose in caafimaadka ishiisa wax looga qaba karo, sida ay u sheegeen dhakhaatiirtii Qatar, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in daryeel caafimaad uu la raadiyo.

Hoos ka daawo wareysiga

Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay AFGOOYE + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kooxda Al-Shabaab oo xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogag ka tirsan Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Buundada Afgooye, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online inay mar qura ku soo baraarugeen dhawaqa rasaas ka dhaceyso degmada iyo dagaal xoogan oo socdo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee aan la xiriirnay.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga Soomaaliya ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in dagaalka, kadib ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah Afgooye.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda doorashada S/LAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in ay sii xooganeyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada guud ee maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka & xukuumadda.

Saddexda Xisbi ee kala ah Wadani, Ucid iyo midka talada haya ee Kulmiye ayaa isku hardinaya doorashada hoggaanka Somaliland, iyada mucaaradka ay dood xoogan ka keeneen, sida ay wax ku wado xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dooda mucaaradka ayaa ah in doorashada waqtigeeda lagu qabto, taas oo ku beegan 13-ka November 2022, waxayna ku eedeeyeen Biixi inuu ku howlan yahay muddo kororsi.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in la joogo waqtigii la kordhin lahaa Axsaabta siyaasadda oo ku kooban Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo Uicd oo mucaaradka ah.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii daray markii garabka mucaaradka uu shaaciyey inay qabanayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha, balse waxaa diiday qorshahaasi xukuumadda oo ka hortimid, iyada oo sheegtay in dano gaar ah laga leeyahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin qabashada banaan-bax aan fasax loo heysanin, wuxuuna tilmaamay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan mucaaradka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan musharax xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu ku baaqday isu bax ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, isaga oo farriin u diray taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland.

“Dhalinyarada waxaan leeyahay, haddii ciidanku rasaas sharci darro ah idinku soo ridaan isku dhiga” ayuu yiri Cabdiaxmaan Ciro oo ka hadlayey dibad-baxa ay qorsheynayaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda Somaliland ayaa u muuqata mid sii cakiremeysa, waxaana fashil kusoo dhamaaday wada-hadalladii u socday xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda, iyada oo kulankii ugu dambeeyey lagu kala kacay.

Guddiga doorashada FEIT oo ka jawaabay go’aankii uu Rooble ku kala diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray qoraal ka jawaabaya go’aankii uu guddiyadii doorashada ku kala diray Ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna guddigaasi cadeeyey inuu aqbalay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta kala diray dhamaan guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, isagoo uga mahadcelyay guddiyadaan oo si adag waajibaadkoodii doorashooyinka u gutay.

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo dhameystiran hoos ka aqriso:

Guddigu Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo  iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada  sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan  sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa  Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

R/W Rooble oo kala diray guddiga doorashada kana hortagay qorshe lagu fasaxi lahaa kursiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey in caawa uu soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Kursigaas waxaa laga hor istaagay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay in wada hadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin lagu go’aamiyey in kursigaas loo fasaxo Fahad.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka war helay qorshahaas socday ayaa kala diray dhamaan guddiyadii doorashada, isaga oo sheegay cidda go’aan ka gaari doonta kursiga #HOP086.

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadcelyay guddiyadaan, isagoo ku amaanay sidii wanaagsanayd oo ay u gudteen waajibaadkoodii doorashooyinka.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Marar badan ayuu Fahad Yaasiin ku fashilmay isku dayo uu ku doonayey in loogu fasaxo kursigiisa, doorashooyinkii Guddoonka Golaha Shacabka iyo tii Madaxweynaha oo muhiim u aha aka qeyb galkooda ayaa la dhaafiyey, welina qof kale looma dooran kursigaas.